17 NOV 2016:
Xildhibaannada ilaa iyo hadda la doortay waxaa ku dhex jira rag aad ugu dhaw madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo keentay in maanta aan wax iska weydiino fursadaha uu Xasan Sheekh heysto iyo saraakiisha u ololeyn kara dib u soo noqoshada madaxweyne Xasan Sheekh doorashada 2016-ka, bal hoos akhriso Maamul goboleed kasta:
DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED:
Ilaa 23 Xildhibaan ayaa lagu doortay magaalada Baydhabo, 79 Xildhibaan ayaa laga sugayaa Koofur Galbeed in ay ku soo daraan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Xildhibaannada soo baxay waa 23 xildhibaan ilaa maanta balse kuwa xulafada la ah Xasan Sheekh ee soo baxay waa: Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari (Gudoomiyaha Baarlamaanka ee hadda), Cabdiwahaab Ugaas Qaliif, Cabdiqadir Sharif, Raabaca Sh. Nuurow, Maxamed Mursal Maxamud , Khalif Duurey iyo Cabdi Ibrahim Sh. Muudey (wuxuu ka soo jeeda beesha Sheekhaal, haddana waa Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlada Xassan Sheekh).
Puntland:
Puntland waxaa ay doorteen ilaa 19 Xildhibaan, tiradan ayaa qeyb ka ah ilaa 37 Xildhibaan oo laga sugayo Puntland, waxaana ku jira Xildhibaanno xulufo la ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, kuwaas oo qeyb ka noqon kara dib u soo noqoshada Xasan Sheekh iyo ololihiisa sanadkan, waxaana ka mid ah: Maxamud Xayir Ibraahim , Saciid Xuseen , Saciido Xasan Cabdi , Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe iyo Cali Axmed Jama Jengeli.
Galmudug:
Galmudug waxaa lagu doortay ilaa 13 Xildhibaan, Xildhibaannada ayaa qeyb ka ah ilaa 36 Xildhibaan oo lagu dooran doono magaalada Cadaado. Galmudug waxaa ay ka mid tahay gobollada ay ka soo baxeen rag xulafo la ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, dadkan oo la hubo in ay qeyb ka noqon doonaan ololaha Xasan Sheekh. Ragga garabka u ah ee lagu tiriyo xulafada Xasan Sheekh ee ka soo baxay Galmudug waxaa ku jira wasiiro iyo Xildhibaanno aad ugu dhaw madaxweynaha, waxaa ka mid ah: Mahad Maxamed Salaad (Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada ee hadda dowlada Xassan Sheekh), Saadaq Cabdi-Kariim Xaaji (Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada ee Madaxweyne Xassan Sheekh), Qaasim Maxamed Jamac, Duniyo Maxamed Cali, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, Bootaan Ciise Caalin iyo Xersi Aden Rooble. Ragaan qaar waxey Wasiirro u ahaayeen ama hadda u yihiin Xasan Sheekh, waxaana la hubaa in ay qeyb ka noqon doonaan dib u soo noqoshada Xasan Sheekh.
Hirshabeelle:
Ilaa 5 Xildhibaan ayaa lagu doortay Hirshabeelle, waa 5 qof oo uu ku dhaarto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, marka laga reebo Khadiijo oo maalmo hore xukuumadiisa ku kacdey, inta kale waxaa ay daacad u yihiin Xasan Sheekh, iyada xitaa waxaa ay wasiir ka soo noqotay xukuumadiisa. Hirshabeelle waxaa ay soo saartay xulafada madaxweyne Xasan Sheekh sida Khadiijo Maxamed Diiriye, Cali Balcad (Agaasimaha Madaxtooyada Madaxweyne Xassan), Maxamed Xasan Ibraahim Qoono, Abdirisaq Omar Mohamed (Wasiirka Amniga ee hadda ee dowlada Xassan Sheekh), Faarax Sheekh C/qaadir (Saaxiibka aad ugu dhow Madaxweyne Xassan) iyo C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Dadkan wax falan-qeeya waxaa ay sheegayaa in Xasan Sheekh uu garab, xulufo iyo taargeero ka heysto inta badan dadka lagu doortay Galmudug iyo Hirshabeelle.
Jubbaland:
Ilaa 37 Xildhibaan ayaa lagu doortay Kismaayo, waxaa jira Xildhibaanno la hubo in ay xulafo la yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, lana aaminsanyahay in ay qeyb ka noqon karaan dib u doorashada Xasan Sheekh, waxeyna kala yihiin: Cabdirashid Maxamed Xidig, Maryan Aweys Jaamac, Xamze Sheekh Xasan Colow, Luul Cabdi Aden, Cabdulahi Yusuf Xasan, Farxiyo Xasan Axmed , Sacdiyo Muuse C/laahi , Cismaan Ibraahim, C/raaxmaan Kulmiye Xirsi iyo Sahro Jaamac Qorsheel .
Hadaba, xogtan waa mid aan ugu talogalay akhristasha in ay ogaadaan sida ay wax u socdaan, waxaanan idila socodsiidoonaa cidda ku soo bixidoonta Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2016-ka.