Soomaalidu hidde ahaan waa bulsho war ku nool ah, wexeyna caan ku tahay faafinta iyo buunbuuninta sheekooyinka oraahda run iyo been mid ay tahayba.Sheekooyinka habka oraahda ah laysugu tebiyo ee jiilba jiil u gudbiyo, qeybaha ku saabsan murtida sida gabayga, maahmaayada, dhacdooyinka dagaallada, dhibaatada abaaraha iyo aafooyinka kale aad bey ugu badanyihiin suugaanta Soomaalida, balse sheekooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira arimaha caashaqa Soomaalidu waa ka afgaboobsataa, waxane loo aaneynayaa oo sabab u ah, hab dhaqankii hore ee reer miyiga oo mucjiso la yaab leh u arki jiray gabar si dhiirran u tiraah, waxaan jeclahay hebel, ama wejigeeda laga arko in uu dareen jeceyl haayo.
Beerlaxawsiga lammaanaha iyo dareenka jaceylku wuxuu soo taxnaa ilaa Aadan iyo Xaawo, dabcan sida ummadaha kale, dhulka Soomaalida waxa ka jiri jiray, lammaane is caashaqay oo ay suurta gal tahay in ay u dhinteen boholyowga caashaqa, hase ahaatee, waxaa ayaan darro ah, sheekada saddexda maanlaawe iyo tan Cilmi Boodhari ma'ahee in la hayn qiso kaloo ku saabsan jaceyl dhab ah.
Waxaa la yiri, seben hore, wiil madi ahaa ayaa aabihii geel badan ka dhaxlay. Wiilka oo ku noolaa baraare iyo barwaaqo ayaa saar caashaq saaqay, wuxuuna jeclaaday gabar gayaankiisa aheyd oo u qalantay in la guursado.
Sidii dhaqanku ahaa, gabadhii wuxuu ka doonay aabbaheed, waana u gogol fariistay, marxaba iyo guddoon ayaa gogoshii ku dhammaatay.
Gabartii waa la siiyey, waxase aabbaheed shardi ka dhigtay boqol halaad iyo baarqabkood in la siiyo. Wiilkii caashaqu madax maray waa aqbalay, wuxuuna soddogii guddoonsiiyey boqol halaad iyo baarqab doobinaya, kadibna gabartii ayaa lagu mehriyey. (Madi iyo macallin ayaa dadka ugu maan gurracan).
Odaygii wuxuu wada dareersaday geelii oo dhan, isagoo aan xitaa hal geela ay maalaan uga tegin lammaanaha.
Wiilkii iyo gabartii oo fara maran, si ay noloshooda ku dabaraan, wexey u dagaageen geyi kale oo duurjoogta laga ugaarsado, wexeyne mehereddii xoolo dhaqashada ku bedesheen meheradda ugaarsiga. Maadaama, meherada cusub ay u baahantahay barasho hor leh, wexey la darseen nin ku xeel dheer, habka loo dabto duurjoogta iyo ugaarsiga, muddo yar ka bacdina wey la qabsadeen nolosha cusub walow maryaalaha qaar gaajo ku seexan jireen.
Eheledii ay ka soo guureen, dhowr sano ka dib, wexey is weydiiyeen nabad-qabka lammaanihii dagaagay iyo waxa ay ku suganyihiin, kedibna gabarta aabbaheed oo ka doonaayey xoolo kale ayaa u kicitimay jihadii uu u maleeye in ay u haajireen. Wuxuu sii heybiyaba, goor casar liiq ah, wuxuu hor istaagay aqalkii lammaanaha oo ka sameysnaa geed dusha iyo darfaha laga waabay, kaasoo u ahaa gabbaad ay ka galaan dhaxanta habeenkii, maalintana uga gabbadaan milicda cadceedda.
Ayaandarro, galabtaas odaygu yimid qoysku ma haysan wax jidiinka la mariyo oo wexey u aheyd maalin madow oo ay ku hungoobeen ugaarsiga.
Lammaanihii markii ay ka showreen, wixii odayga caawa lagu sooryeey lahaa, wexey isla gareteen in saygu odayga u sii sheekeeyo, afaduna ay deriska uga soo qaaddo wax luunka looga rogo odayga, wexeyna u taktay macallinkii baray ugaarsiga wexeyna ka codsatay inuu caawa xilfurto maadaama aabbaheed soo martiyey, wuxuu yiri, waxaa guriga ii suran sagaaro aan saakay soo dilay, taasoo bixinteedu igu culus tahay, laakiin haddii aad i afgarato oo aad iga ballan qaado inaad ninkaada iiga soo baxeyso, waan ku siinayaa, markaasuu u maahmaahay uu yiri: Gacmo is dhaafay ayey gacalo ku jirtaa.
Afadii wey ka yeeshay, wexeyse shardi uga dhigtay in uu caawa sagaarada wax ka cuno oo la casheeyo saygeeda iyo aabbaheed, wuuna aqbalay.
Goor saqdii dhexe ah, bilcaantii markii ay diyaarisay cashadii, saddexdii nin oo hurda intey toosisay ku tiri: Saddexdii maanlaawow cashadii waa diyaar ee cuna. Aabaheed ayaa su'aalay oo ku yiri, inoo macnee waxad ula jeedo saddexda maanlaawe? Wexey ku jawaabtay:
Aabbahey waa maanlaawe, maxaa yeelay geelii yaradka loo siiyey waa wada kaxeystay oo waxba ma hambeyn, kamana fekerin wexey gabadhiisa iyo wiilkiisu ku noolaan lahaayeen.
Ninkeygu, waa maanlaawe oo geeliisii oo dhan yarad ayuu ku bixiyey, kamana fekerin mustaqbalka ubadkiisa.
Ninkaan deriska nala ah, waa maanlaawe, oo naag yarad looga bixiyey boqol halaad iyo baarqab ayuu ku doonayaa in uu sagaaro ku helo.
odaygii, intuu isku yaxyaxay uu garaawsaday qaladkiisii hore, ayuu isagoon hadlin u dhaqaaqay degmadii uu ka yimid oo reerkiisu degenaayeen.
Dhowr maalmood ka dib, odaygii wuxuu lammaanihii u keenay kadin geel ah iyo tiro ari ah, si niyadsami ahne duco ayuu daba dhigay, sidaas ayaa qoyskii dabatada ahaa goroftii cayrta ku tuureen, wexeyna bar xoolihii siiyeen macallinkii deriska la ahaa. Dhammaad.
Salaad Aboorey. Ottawa, Canada.