17 NOV 2016:
C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow ayaa maanta loo doortay Xubin ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.
Doorasho maanta ka dhacday degmada Cadaado ayaa C/qaadir Gaafow ku guuleystay Kursiga Beesha Habar Ceyno-Mursade ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kaddib markii ay u tanaasuleen labo Musharax.
C/qaadir Gaafow oo ku cusub masraxa siyaasada ayaa dhowaan ka yimid dalka Canada, isagoo si fudud ku noqday Xildhibaan, waxaase ay ku timid dadaal uu har iyo habeen uu galay walaalkiis Jen. Gaafow.
Mid ka mid ah Musharaxiintii Kursigan kula tartamayay Mudanahan ayaa horay u tanaasulay, kaddib markii ay xireen Ciidamada Nabadsugida.
Taliyaha Nabadsugida Jen, Gaafow oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Cadaado ayaa dadaal ugu jiray sidii Xildhibaan uga dhigi lahaa walaalkiisa, isagoo adeegsanaya awooda xilka uu heysto.
Warar la isla dhex marayay maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in C/qaadir Gaafow uu boos celis u yahay walaalkiis Jen. Gaafow hadii xilka Taliyaha laga qaado, waana waddo horay dad badan u soo mareen, sida Taliyihii hore ee Nabadsugida Jen, Bashiir Goobe oo markii xilka laga qaaday bedelay walaalkiis oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.