10 September 2016:
Warar ay baahiyeen Warbaahinta dalka Sudan qaarkood ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir uu joojiyay socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Mudisho si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacaya Muqdisho. Sargaal katirsan Dowlada Sudan ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynahu uu ka baqayo in magaalaa Muqdisho lagu xiro loona gudbiyo Maxkamada ICC (International criminal court) oo baadi goob ugu jirta.
Warbaahinta Sudan ayaa Warisay in Madaxweynaha wadatashiyo kadib in uu go’aansaday in uu ka baaqdo Shirka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana Madaxweynaha uu ka baqayaa in Muqdisho lagu xiro maadaama Dowlada Soomaaliya aysan awoodin in ay amaankiisa ilaaliso. MR. bashir ayaa hadda ka hor ayaa xaalad adag la kulmay xilli uu shir Madaxeed uga qeyb galay dalka Koonfur Afrika, waxaana Maxkamada kutaala dalkaasi amartay in lasoo xiro laguna wareejiyo Maxkamada Dambiyada caalamiga ee ICC. Dowlada Soomaaliya oo taageero badan ka hesha Beesha Caalamka ayaan awoodin in ay difacado Madaxweynaha Sudan hadii xaalad adag uu la kulmo, waxaana dowlada Soomaaliya taageerada ugu badan ka heshaa Dowladaha Reer Galbeedka oo taageersan in lasoo xiro Madaxwene Al Bashiir.