16 NOVEMBER 2016:
![]()

Ergada soo xuleysa Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ku meteleysa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta ka dhacdey Jowhar, ayaa goor dhow Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed u dooratay, inuu noqdo Mudane ka tirsan Baarlamaanka.
Faarax Sheekh C/qaadir oo kursigan uu kula tartamaayay Cismaan Qoox-qoox, ayaa helay 50 cod, halka Qoox-qoox uu isna helay 1 cod oo keliya.
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa maanta si weyn uGu guuleystey kursiga xildhibaanimo ee beesha Sheekhaal ee degta Hiiraan ee hoos imaada maamulka HIRSHABELLE.
Xildhibaan cusub ee Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya, ayaa waxaa la tilmaamaa in saaxiib dhow ay yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed. Sidoo kale, wasiirkii amniga gudaha ee Somalia C/risaaq Cumar Maxamed(Xawaadle) ayaa ku guuleystay doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socota magaalada Jowhar, wuxuuna uu sidoo kale ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.
C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe)(Xawaadle) danjiraha Somalia u fadhiya Turkiga oo isna la sheego inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow madaxweynaha ayaa ku guuleystay doorashadii aqalka hoose ee maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
Waxaa Sambaloolshe uu 51 cod oo ah dhamaan ergadii wax dooraneysay kaga guuleystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan AfraxXawaadle) oo aan wax codad ah helin. Sidoo kale, Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Doorasho caawa fiidki ka dhacday magaalada Jowhar ayuu Mr. Cali Balcad ku guuleystay codod dhan 44 cod, isagoo ka adkaaday gabar afartii sano ee la soo dhaafay ahayd xildhibaan Xaliimo Maxamed Cumar.
Guusha uu gaaray Cali Balcad ayaa waxa ay ka dhigan tahay in ay sii kordhayaan xildhibaanada kuraasta ka helaya Aqalka Hoose ee sida weyn u taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, Musharaxada Khadiijo Maxamed Diiriye(Yaxar) ayaa ku guuleysatay iney ka mid noqoto xubnaha aqalka hoose ka soo galaya maamulka Hirshabelle, wexeyna ka guuleysatay C/llaahi Maxamuud Xeyle oo ahaa musharaxii la tartamayey, sida ay sheegayaan warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Jowhar.