Abdifatah Abdillahi
unread,Jun 7, 2017, 4:12:10 AM6/7/17Sign in to reply to author
Sign in to forward
You do not have permission to delete messages in this group
Either email addresses are anonymous for this group or you need the view member email addresses permission to view the original message
to Sonyostaff, Mr. Saeed Ahmed, SONYO Finance, Neima Hassan, Sonyo Umbrella, Abdirisak Eid, Fathia Hussein, Maxamed517
Salaam dhammaan shaqaallaha,
Ramadaan Kariim.
Fadlan soo dejiso lingaxan, si aad u aragto ajendihii shirka oo aan ku sawirray mobaylkayga gacanta.
Shirka waxa aannu kaga qaybgalnay saddex xubnood oo ay ka midyihiin; Niciima, Dayib iyo aniga. Shirak ay wasaaradda waxbarashadu ku martiqaaday dalladda SONYO wuxu ku saabsanaa dood lagaga arrinsanayay sidii loo la dagaallami lahaa QISHKA imtixaannada shahaadiga ah ee dugsiyadda sare ee Soomaalilaand.
Shirkan waxa ka soo qaybgalay wasiirro, aqoonyahanno, agaasimeyaal, hay'addo caalamiya iyo kuwo maxalliya. Waxa la soo jeediyay warbixinno iyo tallooyin muhiim ah. Shirka waxa furay wasiirka waxbarashada oo la dardaarmay kormeerayaasha ilaaliya imtixaannada iyo maamullayaasha dugsiyadda sare. Saxaafadda looma oggolayn gudaha shirka sababtoo ah wuxuu ahaa shir u dhawrsan wasaaradda iyo ciddii ay martiqaaday.
Abdifataax Cabdillaahi