Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

SIINLEY AND BALLEY

1,266 views
Skip to first unread message

Warac Aar

unread,
Mar 23, 1995, 1:40:00 PM3/23/95
to

Waayadan waxaa socotey dood ku saabsan SIINLLEY,anna intaydaan
ka dhiibanayaa,weliba waxaan ku darayaa BALLEY iyo sidii ay ku
bilaamatay.
Siinley markii hore Siyaasad ma ahayn,Laakiin abwaanada qaar
ayaa kadhigay siyaasad,kolkaas kadib ayay noqotay siyaasad.
Waxaa Siinleyda sababay heeso badan oo qaar la idiinsheegay oo ay ka
mid yihiin,
1) ADUUNYOOY XAALKAA BE,
2) ADIGAABA GABADH YAHAY GEDAFeeyey TIMAHA
iyo heeso kale oo qiimo iyo qaayo leh,oo ujeedoyin halgan leh oo uu
CABDI QAYS tiriyey iyadoo dawladii AFWEYNE iyo dawladii ka horeeyeba ay
kaxanaaqsan yihiin,ayaa HADRAAWI ka jawaabey hees la odhan jirey
AAKHIROOY XAGEEBAAD NAGA XIGTAA, oo iyadu heestaasi wax siyaasad ah
aan sal ku lahayn ee akhiro iyo xasuusinteed ka hadlaysa.Heestaasi
waxay ku socotey xarafka "X",kolkaa HADRAAWI ayaa heestii uga jawaabey
Isaga oon tixraacin xarafkii heestu ku socotey ee "X",oo heestiisa la
odhan jirey AL_RAXMAAN oo ku socota xarafka "A" ugu jawaabey,
Markay heestii gaadhey CABDI QAYS oo kolkaas ku sugnaa JABUUTI
ayaa waxa uu saluugey,beydka odhanaya

ADIGA OON OGEYNBAAN
UURKAAGA BAADHOO
ARINTAADU QAYSOOW
AFGOBAADSI WEEYEE

Halkaa iyada oo joogta ayaa HADRAAWI curiyey hees la odhan
jirey BELEDWEYN mudo yar ka dibna uu raaciyey riwaayad mucaarid
ah oo la odhan jirey "AQOON IYO AFGARAD" oo heeso badan oo caan ah leh
MAHAMED MOOGE iyo SAHRA SIYAAD na qaybta u weyn ay ka
qaadanayeen,Waxaa kamid ahaa heesaha riwaayadaas
1)SAXARLA
2)ALLAHAYOOW NIN DAALINA ALLAHAYOO NINDEEQSIYA DEEQDAADA HA U SIMIN
3)MUXIBADA KALGACALKEE QURUX LAGU MAJEERTAAY
iyo hees af-weyne khalkhal gelisay oo la odhan jirey
WALAALKAY NIMAAN U HAYSTAY
MUXUU WADO II FADHIISTAY

MAXAA DACAR LAY WALAAQAY
WAABAYDA KU CAAFIMAADAY

Cabdi Qays oo aan kolkaas u jawaabin HADRAAWI ayaa fursad ka
helay meel uu uga jawaabo oo ah heestii saxarla,Isaga oo aan CABDI
QAYS na xusin xarafkii hore ee ahaa "A" ee heestii hore ee la odhan
jirey AL_RAXMAAN.CABDI QAYS waraysigii lala yeeshay 1977 wuxuu ku
micneeyey in SAXARLA aanay ahayn siyaasad iyo jabuuti iyo somali toona,
sidaas si leeg wax cadeeyey HADRAAWI waraysigii lala yeeshay 1990 kii,
Kolkii Cabdi QAYS ka jawaabey SAXARLA,ayaa HADRAAWI na ku soo
ceshey jawaab labaad,Markii sadex heesood ay Siinley ay marayso ayaa
waxaa soo galay GAARIYE oo markaas magaalada BURCO macalin ka ahaa,
oo la soo saftay CABDI QAYS oo u jawaabey HADRAAWI,oo siyaasad iyo
weji kale u bedelay kaftankii ay lahaayeen,HADRAAWI IYO CABDI QAYS,
Iyadoo halkaa taagan ayaa cabdi qays oo aan ogeyn in GAARIYE
soo galay heestii labaad ee hadraawi u jawaabay,Kolkii dadkii yaabeen
ee ay fahmi waayeen xaga ay u socato silsilada SIINLEEY ayaa nin kale
oo ku sugnaa LAFOOLE oo ay isku arday ahaayeen HADRAAWI IYO GAARIYE oo
la odhan jirey SICIID SAALAX,ayaa u jawaabey GAARIYE oo sidii wuxuu
garabsiinayo HADRAAWI u soo hadlay.
Kolkaas ayay HADRAAWI iyo QAYS in mudo ah ka aamuseen SIINLEY.
Waysii badatay SILSILADII SIINLEY oo waxaa soo galay abwaano fara
badan oo kale,oo weli u kala hiilinaya HADRAAWI IYO QAYS,waxaana ka
mid ahaa,

CALI CLMI AFYARE
RIIRAASH
AHMED SALEBAN BIDE
CALI SALEBAN BIDE
CALI SUGULE
ABDI IIDAAN

IYO QAAR KALOO BADAN

Waxaa ujeedada fahmey oo ku kala dhex jirey abwaanada oo lahaa
HADRAAWI IYO QAYS,heesahoodu siyaasad maaha
AXMED SALEEBAAN BIDE
CALI SALEEBAAN BIDE
IYO
CABDI IIDAAN
waxaana ka mid ahayd heesihii CABDI QAYS isagoo la hadlaya intii jaah
wareerisay SIINLEY kuna amaanaya CALI SALEEBAAN BIDE

SICIID BAA KU DHAAMEE
GAARIYOOW SIDEED TAHAY

OGOW CALI SALEEBAAN
SIXUN WAX UMA SHEEGINE

GAARIYE markii uu arkay wejiga saxa ah ee SIINLEYDA,ayuu is bedeley oo
HADRAAWI oo uu markii hore muduuci ku ahaa taageeray,QAYS na
cambaareeyey.

Halkaas iyada oo taagan oo SIINLEY is qabsatay ilaa iyo XAMAR,LAFOOLE,
BURCO,HARGEYSA IYO JABUUTI, oo in mudo ahna aanay soo gelin ragii
SIINLEY aasaasaay,ayaa waxaa soo galay QAYS oo HADRAAWI ku soo hal
qabsanaya oo leh waa la guracay kaftankeenii,canbaaraynayana

GAARIYE
AFQALOOC
IYO
SICIID SAALAX

HADRAAWI ayaa u jawaabey Cabdi QAYS,isaga oo leh way iska
hadhayaan socod baradka SUUGAAN tu;waxaana ka mid ahayd maansadiisaas
la odhan jirey KA ROG OO HADANA SAAR

TIRO SIMAN SIDEED TUUR
SODONKEEN SIDEED HOO
WAXA HADHAY BAL SUUREE

BEYD kaas HADRAAWI wuxuu ula jeedaa 1969 kii kacaankii dhashay
oo uu canbaaraynayo.

Mar labaad waxaa ku soo noqday QAYS isaga oo u jawaabaya
ninkii ay SUUGAAN wadaagta lahaayeen ee saaxiibkii HADRAAWI,laakiin
SIINLEY ma sii wadine wuxuu ka jawaabey BELEDWEYN,Isagoo QAYS leh

SIINKII WUU BALAADHOO
BADAA LALA JIBAAXEE
INTAAN BOHOLO LAGU DHICIN
IMINKA AAN KA BAYDHNOO
BAALKALE U GUUREE
WAA BALLEY E IGA QABO

Hadraawina wuxuu ugu jawaabey hees la yidhaahdo BEERAAD
BALLEY QUDHEEDU WAY SII BADATAY oo abwaano kale ayyaa iyadana sii
waday waxaana ka mid ahayd abwaanada kale heesahoodii

BELEDWEYNE WAATEE
MATII BOODHKA WEYNEYD
MATAY BOORAME KA WEYNEYD

BEERLULINA WAATEE
MATAAN BERI MARTIYAYEE
BOOGAHA LAHAYDBAA


waad mahad santihiin

WARAC AAR
--

q

hassa...@gmail.com

unread,
May 9, 2019, 10:58:24 PM5/9/19
to
Hadraawi
0 new messages