Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

CIMRIGII JIRYOW

161 views
Skip to first unread message

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 27, 1996, 3:00:00 AM2/27/96
to
***************************************************************************
***************************************************************************

FROM: UFO SOMALILAND

MILIL AAN DAWOLAHAYN
--------------------

Waxa murugo iyo tiiraanyo mudan ummadda intii indheer-garadka u ahayd
tahay inta isku haysata halkan(SCS), waxa ceeb iyo fadeexad ah shacbiga
lama-huraankiisii yahay kan aan dooddiisi akhrisanno maalinwalba ee kii
isbidayay yahay ninka illaa uu qabyaalad soo qaado oo uu qolo/qoys/reer
maago/daandaansado aannu si fiican habeenkaa u seexanayn.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "CEELLA UMA QODNA, CIIDANNA UMA MAQNA",
waxaan filayaa haddii inta dheehi ku hiranaysaa inteenan tahay illaahay
haynoo sahlo. Waxan layaabay ama layaab leh, dacwadda odhanaysa Siyaad
Barre Soomaalidu way u darsatay, halla-soo nooleeyo, xaal aynu siinno,
aynu qaadno guulwade Siyaad iyo qoraalada la mid ka ah ee mucjisada igu
abuuray. Qoraaladaas waxa soo minguuriya oo aan dhawr-jeer magacyadooda
ku halacsaday ragga raysimadan u budhtuurka ah ama ugu tudhtudhlaysan ee
iyagu isbida inay yihiin indheergaradkii ummadda.

Looma diiddana, kana murmimaayo in qofku ra'yigiisa dhiibto oo sida ay ula
muuqato arrini uu u sadaaliyo, ee waxa habboon inaynu noqonno qaangaadh kala
og khaladka iyo saxa, godobta iyo gacanqabashada, dhibta iyo waxtarka iwm.

Xannuunkasta oo saameeya naflayda Eebbe uumay wuxu ka yimaaddaa il uu ka soo
faafo, dawadiisana lama gaadho haddaan ishaas la awdin. Waxay aniga ila tahay
in xanuunka shacbiga Soomaaliyeed hayaa kasoo unkamay Maxamed Siyaad Barre uu
ahaana il-daayoo ceel maax ah oo ibtilada inagu habsatay oo dhammi kasoo
aasaasantay. Taas macnaheedu maaha inaanay jirin dadqaadyo kale, way jiraan
oo noolyihiin oo weliba talinayaan. Laakiin in afcaasha Caydiid, Cali-mahdi,
Tuur, Cigaal, Gaal, Abshir, A.yuusuf iyo kuwa lamid ah lagu ilaawo
waxashnimadii, maatadooxnimadii, dhiigyacabnimadii, hantiqaranlumintii iyo
ummad-qaybintii Siyaad Barre, oo maanta ina-Siyaad laga-dhigo weli aan lahayn
ceeb oo loo baroorto soo noqoshadiisu, waxay noqonaysaa in la duudsiyo
oo la dhinac-maro garaadka ina-faraya in xumaanuhunna kala sii xunyihiin,
wanaagyaduna kala sii wanaagsanyihiin.

Layskuma hayo in inta maanta joogtaa yihiin reerseeg iyo keligiitaliyayaal,
lakiin ninka ku doodaya Maxamed soo noqo oo kaalay waannu kuu darsanaye,
isla-markaasna ku dacwiyaya waxaan jeclahay wanaagga ummadda, waxan filayaa
inuu yahay laba hal midduun; b) nin qarwaaya oo ku jira riyo ay keentay hurdo
dheer oo sidii tii asxaabal-kahaf ku jiray sanado, oo uu ka suushanaa wixii
Maxamed Yare falijiray, ama t) nin ay ku mudantahay dhibic-qabyaaladeed oo
ku wiirsanaya qolyaha yidhi Siyaad baannu ridnay ee dabadeedna iyagii isku
jeestay.

Hadduu ninkaas Siyaad u calaacalka ahi ku dhaco sifada hore oo yahay nin
hurdo ku maqnaa mudadii kacaanka, waxaan filayaa inaan dembi loo raacayn ee
waxa keliya oo aan farilahaa inuu bal-dadka waraysto oo barakada kacaanka
ee uu ka seexday nuxurkeeda baadidoono. Shakimale inuu soo helayo guulo badan
oo Maxamed Siyaad keenay oo ay ka midyihiin,culimada biraynteedii,baabi'intii
Mudug iyo Hiiraan, Burburintii Hargeysa, sumayntii baraagaha, qaramayntii
beeraha reer Juba iyo Shabeelle iwm. Waxaan hubaa inaanu ka yaqaafayn nimcada
uu ka hurday hadduu dabagalana Barashada Tabaalada Siyaad(BTS), wuxuu ku
helikaraa Phd ay gudoonsiinayaan dhibanayaashii tabaaladaasi haleeshay oo ku
kala filiqsan Saylac illaa Afmadow.

Hadduuse ninkaas xubbiga Siyaad ku hadaaqayaa ku dhaco sifada labaad oo uu
noqdo nin dhibic-qabiil ku mudantahay, xaqbuu u leeyahay inuu qaado GUULWADE
SIYAAD, AABAHAA UMMADDA SOOMAALIYEED, MA-DHINTOW SIYAAD(inkastoo macal-asif
uu dhintayba), BAL-CIDKALE KU SOO DARA,waxaan filayaa inaanu ka haqab-beelayn
marxuunka ammaantiisa iyo waxa murti ku dul-burburtay. Laakiin mid waa inaanu
ku dacwiyin, aniguna qof-ahaan ka dhegaysanmaayo, taasu waxay tahay ila-qaada
amaanta macalinka, maya taas ka yeelimayno. Midkalena lagaa yeelimaayo, waxan
ahay Soomaali aan qabyaalad aqoon oo waddani ah, taasna lagaa akhrisanmaayo.

Balhaddaba waxaad yeeshaa ninyahow Siyaad u calaacalka ahi, horta waan ka
xumahay oo odaygii laguu soo noolaynkarimaayo, wuu dhintay, wuu ina-daayay,ee
waxaad bahdiinna ka baadhbaadhaa nin sidii Siyaad Barre, AXMAQ AH, AHBAL AH,
ABTIRSIIMO JECEL, UBAD-DOOXIS RABA, UMMAD-QAYBINTEED AAD U KALA-YAQAAN,
DIINTA AAD U NECEB, haddaadse weydo nin sifooyinkaas buuxiya, umalaynmaayo
inaad reeraha kale tuugtoodana ka helayso tuug Siyaad u dhigma.

Ugu dambayn waxaad ogaataa ninka ina Siyaad u calaacalow, waxan ka hayaa
Cali Sugulle(Duncarbeed) "NIN AGOON KU XADAY QALIN, QAAXO KAMA FOGAATEE",
haddii odaygu kuu/idiin roonaa waxad malafasanayseen hanti qaranku leeyahay,
markaas maadaama aan maanta qaran Soomaaliyeed jirin waxad ku dhacday
"Bahalow laba-labadii la-waa", umana malanayo in fursaddaasi soo noqonayso,
ama guulwade Siyaad kor u qaad ama caynaanka hayn ku naallood, MA-OGTAHAY
WIXII TEGAY, IYO RUUX WEDKII GALAY, WAHEEY SOOMA-CELISEE.....

CABDILLAAHI CAWED CIGE
UFO SOMALILAND>

Mahamood Farah

unread,
Feb 27, 1996, 3:00:00 AM2/27/96
to

AJA...@bolton.ac.uk wrote:
> ***************************************************************************
> ***************************************************************************
>
> FROM: UFO SOMALILAND

> MILIL AAN DAWOLAHAYN
> --------------------


> ama guulwade Siyaad kor u qaad ama caynaanka hayn ku naallood, MA-OGTAHAY
> WIXII TEGAY, IYO RUUX WEDKII GALAY, WAHEEY SOOMA-CELISEE.....

> CABDILLAAHI CAWED CIGE > UFO SOMALILAND>

Cabdilaahoow uma malaynayo inuu nina ka yidhi halkan hadaladaa murtida leh.
Laakiin Ufo waad na qarqisee murtidana badh reeb,kaa Siyaad u ooyayana anigoo
garabka ka taabanaya waxaan ku odhan lahaa adeer NIN DHINTAY KABIHIISAA
DHAAMEE ka samir oo aanu ku tilmaanee xagaa iyo Swiz gaadh!!!!!!!!!


----------------------------------------------------------------------

"The people who get on in this world are the people who get up and look
for the circumstances they want,and,if they can't find them, make them".
Bernard Shaw.

Email address: mmf...@chat.carleton.ca
..--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
.......----------------------------------------------------------------------

Abdullahi Ahmed Ali

unread,
Feb 28, 1996, 3:00:00 AM2/28/96
to
Walaalkiis Cige.

Waxaan dhab ah inaad tahay nin ilaahay maakax iyo hadal karnimo isugu daray.
Maansooyinka iyo hadallada waaweyn oo kaasoo burqanaya ayaa markhaati ka ah.

Maqaalkani wuxuu ahaa mid xiisa leh. Waxaan filayaa inaan ka mid ahay raggaad
la hadlaysid inkastaadan si toos ah cidna u magcaabin. Waxaase layiri
fallaartii cirka loo diray nin kastow filo..wixii la qarinayan qurun baa ku
jira...sownigan sidii reer gaalkacayo maahmaah ku qamaamay.

Si kasta ha ahaatee ma doonayo inaan khudbo dheer meeshan ka jeediyo.
Waxaanse kuu sheegayaa in aanan Siyaad Barre jeclayn. aanse ka mid ahay
kumanyaalka soomaaliyed oo ku jaah wareersan xaaladda ka taagan waddankii
hooyo.Ma saxsana in denbiyadii Siyad Barre lagu illaawo waxashnimada ay
muujiyeen kuwii ka danbeeyey. Mana saxsana in waxashnimada tuugada cusub
lagu qariyo dad-qalnimadii Siyaad Barre oo god galay mar hore...Waa inaan
runta isu sheegno oon xal u raadinno dhibka taagan.

Waxaan maraynnaa "1996". Wax ku dhow lix sano ayaa kasoo wareegtay markii
Siyaad Barre waddanka laga saaray..Xaggaynnu maraynna. Waqtiga intaas le´eg
waddammo dhan ayaa lagu dhisi karaa..wershedaa lagu taagaa..Jaamacadaa laga
baxaa..Shan caruur ah ayaa lagu dhalaa..etc. Maxaan qabsannay..Immisaan
aamusnaanaynnaa oon isku maaweelinaynna denbiyadii iyo dad-qalnimadii Siyaad
Barre shaly dhigay?

Waxaa la yaab leh, mid kasta oo ka mid ah tuugada waddankii isku
baacbaacsanaysa, marka lagu soo hadal qaado magaca Siyad Barre, mid kasta wuu
is matajin..Markuu matagga kasoo jeestana wuxuu la soo bixi miciyo dhiig leh
oo ka waaweyn kuwii ku yiil Ina Barre afkiisa weyn...pathetic, isn't it?

Ma xusuusataa siddeetamadii markay ciidamadda Siyaad Barre shicibka masaakiinta
soomaaliyeed ku xasuuqayeen meelo badan. Marka la weydiiyo waxa dhacay waxay
ku jawaabi jireen oo raadiyaasha iyo wargeysayada lagu qori jirey "shufto yar
oo maxaysato ah ayaa meel halkan ah soo gashay, waana la jebiyey oo la
cayriyey"..Miyaanay maxaysatadaa yar oo la sheegayaa ahayn kumanyaal qoys oo
aan denbi lahayn oo la xasuuqay, guryohoodiina la gubay? xoolohoodiina la
dhacay?.

Bal maanta u fiirso kuwa madaxda isku sheegayaa waxyaalaha ay ku hadlayaan:

Xamar kooneheedaa waxaa soo galay shufto hubaysan ..waana la jebiyey!

Baydhabo iyo Bakool waxaa laga qabsaday shufto yar!

Burco, buuraha sheekh, iyo Hargeysa agteeda waxaa lagu jebiyey koox yar oo
mucaarad ah oo isku dayday inay qas sameeyaan!

Liisatdu way dheer tahay.

Meelahaas oo dhanna waxaa si waxashnimo iyo naxariis darro ah loogu xasuuqayaa
maato, carruur, dumar iyo waayeel Soomaaliyeed oo aan haysan cid iyo ciirsi
waraabayaasha ka celisa. Waana wada arkaynna inagoo indho mukulaal leh!

Haddaba waa su'aale goormaan ka baxaynna mugdiga been isu sheegga iyo is
maaweeliska?.Goormaan naqaynnaa gar daacad ah?

Tuugada maanta miyey ka wacan yihiin kuwii hore..Iyaga ma nebi maxammed(CSWS)
iyo Caashaa iska dhalay? Mise Baddu meeshii laga daraba waa isku dhadhan?

Xabbada, xasuuqa iyo qaniinyada waraabayaasha maanta miyey ka macaan tahay ooy
ka xanuun yar tahay kuwii Siyaad Barre? Xabbaduna ma qabiil bay leeday?

Kuwa taageeraya tuugada soomaali cunaysa miyay ka fadli badan yihiin kuwii
Siyaad Barre sacabbada u garaacayey?.Aynu u heesno madaxweynayaasha..Jaalle
Caydiid, Cali Mahdi, Ina Cigaal, Morgan, Jees. Goormaa loo samayn doonaa heeso
ka fiican Guulwade Siyaad?...Bullshit!

Ugu danbeyntii goormaan ka gudbaynnaa inaan qofkii afka kala qaadaba hadalkiisa
u qalloocinno inuu qabiil, eexasho, iyo dan gaar dabada ku wato?.Taasu waa waxa
nagu xiray meesha cidlada-juuqla-jaaqlada ah oo waxba u kala socon la' yihiin.
Qof kasta oo soomaaliyeed oo danaha dalkiisa fikrad ka dhiibtaba iyadoo aan
la furfurin ayaa qashinka toos loogu ridaa iyadoo qabiil lagu eedaynayo..
Sababtaas darteed ayey wax garadkii iyo maskaxdii soomaaliyeed la aamusan
yihiin ooy calool xumo isha uga guluc-guluc siinayaan inagoo isuma gasho ah
oo aan isu gargaari karin derbiyada baas oo qodxaha leh oo qabiilka oo ina
dhexyaal darteed.

Muddo intee le ég ayaan wadaynna qayla roorka iyo gacmo u hoorsiga
shisheeyaha inagoo kuweennii wax garanayey oo wax xallin lahaa ku qurmeen
xeryo qaxooti iyo meelo qarriban?

Imisaan daawaanaynnaa filimada khiyaaliga ah?

Finally, the question is this:

When are we going to free our fucking-useless-minds and and use our brains
beyond the chains of bulshit qabiil?.

Wixii xumaan kuula muuqda raalli ka ahow..No offence meant.

Ka baxay

AA HAYBE..The Xubeer of Calmadow


Khaliif Waylac

unread,
Feb 28, 1996, 3:00:00 AM2/28/96
to
War haybe

War waa sidee saaka dahab kuudkuududaan meesha ugu imide!!
War ineen tanoo kale!! oo maad sidan uun u khudbaysid aan ku caleemo saarree.

Subax kalaba ha joogee saaka anigu fartaan kuu taagay.

War sidaa ku wad oo erayga F*** na iska daa dahabkuu ciigo kaaga rogayaaye.

Khaliif Waylac

--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------

aja...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 28, 1996, 3:00:00 AM2/28/96
to

> Tixraac...

>AA HAYBE..The Xubeer of Calmadow

FROM: UFO SOMALILAND

Cige wuxu yidhi; "GEESIGA BIRTA AHE, BAARUUDDA QARAXDIYO, BIRTU AANAY
KARINOOW", waxbaba xumaanmaayaan haddii arrinta sidan oo kale loo lafaguro
oo laysula falanqeeyo. Maanta Haybow maqaalkaagani maaha mid dhaliilo loo soo
jeedinkaro, inkasta oo aanan boqolkiiba boqol kugu raacayn waxaad soo qorto
haddana dunidu kuma dhisna tiro sargo'an ee haddii aqlabiyad la helo waa in
qofkasta oo iimaan lihi ku samraa.

Aniguna ka hadhimaayo sida loo batay maanta oo ah in loo bogay hadalkaaga
badankiisii. Waxaan filayaa inaad ka mid ahayd raggaan hore hadalkooda u
tixraacay inkastoo aanan magacaabin haddana "Waayeel Hadalka Waa loo Saraa,
ee Looma Saafo", waxan filayaa inaad isgaratay oo waadigaa jawaabta waafiga
soo giraangiriyay.

Inta ay naftu nooshahay cabasho iyo tawaawac ma deyso, aniguna intaan noolahay
hadal daba-galkiisiyo, dooddiisa kama hadho.

Haybow tixraacayga oo dhami wuxuu ku salaysnaa sidaad u fahantayba Siyaad iyo
dunuubtiisii inaan lagu ilaawin kuwa uga dambeeyay dumaashii, taas macnaheedu
maaha inaan kuwa cusub lala xisaabtamin, inaan lays-weydiin halkaynu naalo,
inaan la-dhaleecayn ciddii nool. Kabadaa taasoo waxaan qabaa in ninkasta oo
xil ummadda u haya lala xisaabtamo, la-dhaliilo, la-dhaleeceeyo oo laga jaro
wuxuu bulshada dembi ka galo.

Hayga sugin Haybow inaan nin dhawaaqay oo xaq ku baaqaya aamusiiyo, hana iga
filan inaan eed u soo jeediyo nin farta ku fiiqaya tuug hantidii qaranka ku
dhuuqaya fara-dhuuryo.

Waxgaradka aad tidhi markay hadlaan ayaa lagu soo boodayaa ama hadalkoodii
qabyaalad loo tarjumanayaa markaasay aamus doorbidayaan, maaha inay aamus
doorbidaan. Waxgaradku Haybow waa inuu bulshada hogaamiyaa oo kala saaraa ninka
khaldan iyo ka saxa ku taagan. Haddii waxgaradka arrintiisu noqoto jabka-kiil
oo uu dabada-xaska geliyo, oo noqdo ceebka carar, waxaan filayaa inaan waxba
inoo hagaagayn.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "CANAAN KAYAAB, REER MA-DOOJO", waxgaradku
waa inuu wajahaa murankasta, dacaayadkasta, dhaliilkasta iyo eedkasta oo
loo soo jeediyo, sababtoo ah haddii waxgaradkeennii canaan waxmagarad ka
cadhoodo ama waran nin-liita la-daaladhacayo ka gabado oo arrintiisu
noqoto "HADDII AANAN BEELAAYOOY, BUULKAYGA KAA GELIN", waxaan filayaa
inaan la-helayn cid sahanka loo doorto.

Ugu dambayn abwaankow dhaliishu way furantahay, haddaan khaldamo i qabo,
haddaan cid-ku-xad-gudbo i jooji, haddaan lunsanahay i waani, haddaan dadka
kula dhexjiro fidmo igu dhawaaq oo dadweynaha oo dhan i maqashii, laakiin
haddaad anigoo qolo saaran ama qoys ku raran tidhaahdo u biximaayo Cige oo
qabyaalad buu waanadayda u qaadanayaa waxba inoo hagaagimaayaan.

Waxa aynu lix sano gabayooxda u fadhinaana maaha tawrad baynu u darsanay,
maaha kuwa haystaa amaan loo tirinwaayay, maaha waxba waynaan qabsan-karayn
ee waxa weeye siday aniga ila-tahay eraygaad carabka ku dhufatay ee ahaa
waxgaradka gabanaaya ee juuqda daayay.

Haddii waxgaradkii/arrimiyihii gabaday oo dhufays galay, inay cadraddu
guumowdana oo guur iyo geyaanba seegtana waa loo fadhiyaa.............
......."TELBAAN AHAY NIN YIDHI, DAWLADNIMO TAABIKARIWAAYE
........TABTEENAY AHAAYEEN KUWAA, TAYGA LULAYAAYE
........TASHI IYO ISMAQAL BUU KA-KACAY, TAQADUMKOODIIYE.....

Waad salaamantahay.

Cabdillaahi Cawed Cige oo kugu dhaafaya "ISMA DHAAFNO WELIGEEN,
.........................................INNAGAAN ISDHAADAYN.
UFO SOMALILAND
>

Wacays Bashe

unread,
Feb 29, 1996, 3:00:00 AM2/29/96
to
AJA...@bolton.ac.uk wrote:
>
> ***************************************************************************
> ***************************************************************************
>
> FROM: UFO SOMALILAND
>
> MILIL AAN DAWOLAHAYN
> --------------------

[...]


> oo noolyihiin oo weliba talinayaan. Laakiin in afcaasha Caydiid,

> Cali-mahdi,Tuur, Cigaal, Gaal, Abshir, A.yuusuf iyo kuwa lamid ah lagu

> ilaawo waxashnimadii, maatadooxnimadii, dhiigyacabnimadii, >
> hantiqaranlumintii iyo ummad-qaybintii Siyaad Barre, oo maanta ina-Siyaad
> laga-dhigo weli aan lahayn


UFO IYO ANFARIIR IYO MAXAAD UF SOO AFUUFTAY, Saaxiibka is camaynaya ee
casha iska tuurayaa, waan ka xumahay in aad adigoo ku doodaya mab-d'a
qabiil, aad ceeriyaamo isku qariso. Siyaad iyo haligayaashii ka dambeyeyna
aad is bar-bar dhigto. Halkaa waxaan ku kala taagan nahay KAAF IYO KALA
DHEERI. Wax kasta oo uumiyaha jira waxay leeyihiin heerar la isku mitaalo.
Siyaadse waa FARDO LAGULA CARRAR marka lala bardaamiyo Cali-mahdi,Tuur,
Cigaal, Gaal, Abshir, A.yuusuf, Caydiid iwm, qurun qurun dhalay oo idil isku
soo dar. Marka Geel loo heesayana maxaad Goroyo ugu soo Gabyaysaa:

b) Ma aanan hurdin ee adiga ayaa is indha saabaya, XASUUQA maanta nagu soo
hogtayna isu soo XIIQIYAY afkana XOOR uga soo XUMBEEYAY. XERADEED NOOGU
XOOLO-MAALI.??? XIQDI MISE XAALUF.?

t)Inaanan qabiil u hadleynin ee aad adigu XAQDARRO U XAGLAYNAYSO oo aad
XEELADDII SIYAD TU KA XUN AAD XAD LA'AAN U XAMBAARAN TAHAY ayaa
XURUUFTAADII KU XUSNAYD.

Xasha'! Qodobkaasi Guulwadoow Siyaad in uu dad GARBIDA KU GABANAYA uu soo
saaray! IH'Hee, Aniga iyo Siyaad isku qabiil?, Tolkey haday igu maqlaan
Siyaad way i kalaan kalanayaan.! Macalinkii carrabka la'aa ee ardaygiisii
malcaamadda ugu meerinayey ee yiri AGIF dheh: AGIF, waar AFKAYGA HA RAACINE
UURKAYGA RAAC. Haatan AGIF baan iriye maad tiraahdid ALIF!. Imisa ayaynu
wadaynaa wax aan ba iyo ta toona ahayn. Waad huruday, Qabiilkaaguu
ahaa,waad cabsanayd, xaggay ka booday iyo halkaney ka bul tiri iyo
nuunaaskaaba.Hadaba halkee laga heli ruux aan qabiil lahayn, oo aanan
seexan oo aanan khaxweyn. Anigaa ugu sokeeya ee i aamin. Af-weynana ma
jecli ee markaan adiga oo kale oo HUU-HAA diina dhabaq sanahayay sida ku
xusan UFO iyo SOMALILAND ayuu Siyaad I QARSO OO DOQON HA U SHEEGIN yahay.

Hadalkaagu oo soo kooban, ka dhigankiisu sidan ayuu u dhacayaa:

Goobaabin geli su'aashan soo socda:

1) Siyaad wuu yare XARRAARAAYE, kuma ayaa XALWAD ah:

b) Cigaal t) Cigaal j)Cigaal x) b, t, j

Saaxiib, Siyaad inuusan soo noqonaynin ku tala gal, wixii halkan lagu soo
qorana waa fikrad is dhaafsi, "Waxaan kaa ari, maxaad ka tiri?". Cidina
sanduuq lagama dhigi karo, waqtigii siyaad waa la soo dhaafay ee ruuxii hadli
karaba la aamusin jirey. Waqtigan xaadirka *DHULKII* waa waqti ruuxii afka
kala qaadaba xabbad loo gelinayo oo la leeyahay "CIIDAMADDII DOWLADDA" Muddo
aan fogeyn ayay wakaaladda wararka ee Rueters soo werisay in "49 nin
CIIDAMADA DOWLADDU ku dileen Burco iyo agagaarkeeda, laakiin Raadiyo Hargeysa
dhimashada way kordhiyaan, jabkoodana way qariyaan sida caadada u ah." Tani
ma ku xasuusisaa dagaalkii Soomaalida iyo Xabashida.???? Ma GAALA cadowgaaga
ah oo ama inay Diintaada bi'iyaan ama Dalkaaga la wareegaaan raba miyaa.?
Indhaha kala fur oo bal saani u eeg tan maanta taagan, Siyaad Barrihii tegay
HUMAAGIISII INUU HEERYO KUGU HABSADAY AYAAN HUBAA. WAAR SOOW SAGAARO IMA
BARATO. Siyaad wuxuu ku heesayaa: Waan DHINTAY; DHIN DHIN, DHINTAY; DHIN
DHIN, DHINTAY!.


Midda kale iyo Godkan, waxan u maleynayaa in aynan ka hadal lahayn oo "TII
XORRIYAD AHAYD AA LAGA FARA-QABSADAY". yaakhayoo hadal maa ku haaya.? ar soo
deey, waxii oo hadla'ba waaba loo ducaynaa, wax lee sheeg. Afkaa baxso,
hortaa banaaanka, ad lee ha isciilin. CALOOL KU QAAD CUDUR WAAYE. Waa la isu
kuu-kuusaa; ma xanaaqdi, BIIKH waa lagaa RAAAAAYI.

Siyid Barri aa la amaanaa maahine, Carra-weelo sidii oo nimanyaasha u
dhakhaaleen jirtina,xitaa waa soo bayaaninaa. Jinnoolayaashaan kale, ceeydiid
ii Cigaal aaba ka fiicon Dukhii hore, HABAR KUULEEY U SHEEG SHANTOONA U SAAR.

Diimoqraadiyad run ah aa taalo, wixii oo TERTID LEE KUU TAALO, wax oodan
TABCANIN ma laguu TUUM-TUUMINAAYO, Hawaanba sidaaneey, sidaaseey,ii sidaas
samee ka samir. AFAARIISTE WAAXID.


Wacays.

Siyaad wuu xumaaye, waxa

Abdullahi Ahmed Ali

unread,
Feb 29, 1996, 3:00:00 AM2/29/96
to
Wacan oo wanaagsan Cabdullahi UFFO, Ina Cawed Cige

Ninyohow, sidaa la socotid beryahan waxaa socota cayaarta la yiraahdo maahmaah
tuurasho iyo ururin inkastaad moodid inay dad badani weli ku bakhaylayaan.

Kasoco soona qabo maahmaahyadii mid ka mid ah, waxaa la yiri, waa raggii horee
illeyn kuwa danbe waxba sheegimaayaane. "Aan wada hadalno waa aan heshiinno"
dad hadduu wada hadlo wuxuun baa kasoo baxa. Beryahan se waxaad mooddaa waa
sidaan isku afgarannaye, inay soomaalidii ay kala aamusan tahay oo ay indho
bisadeed ama kuwa shimbirlibaax (what they call owl in your part of the land?)
oo guluc guluc leh isku eegayaan, iyagoo kala aamusan.jiiqla-jaaqla!. bahalka
qabiilka iyo gobolaysigana aad mooddo inuu noqday bir kulul oo dab la geliyey
oo laysku cabsiinayo..xuuuuuuuuuuux!.

Taasu waxay keentay inuu sidaad sheegtay qof kasta yiraahdo "Haddii anan
beelaayow buulkayga kaa gelin" waxaase su´aal ah nin aan buul lahayn ama
buulkiisii dab iyo qiiq ka baxayaan xagguu geli?.

Imisaan is daawanaynnaa? imisaan wadaynnaa isugu faan gobollo iyo tuulooyin
abaar ah oo aan waxba oollayn..waxaan ku jirnaa waalli waallida yaan lagaa
badin..Xamar webi dahab ah baa dhex mara...Hargeisa mid diamond ah baa ka
dhex dillacay..Boosaasaa ka daran daruuro lacag ah ayaa ka da´a...Kismaanyo
waa laga xajiyaa oo jannadii bay ku dhowdahay..Baydhabo jinnaay khudaartu way
iska daadataa oo webiyaa qul-qula..adigu ku dar waxaan ka tegey!

Haddaba waa su´aal kalee haddaan nahay dadkaa ilaahay nimcada ku mannaystay oo
kheyraadkaas dhex dabbaalanaya maxaa naga maqan oon la degi la´a nahay?
maxaa qaxootiga naga dhigay? Ma kaftan-kaftan bay naga tahay wareerka iyo
dibad wareeggu?.

Cidna iskuma diiddana inaan kala leennahay qabiillo magac kasta ha lahaadeene
reer-fuq-buraale, reer futo-ku-timoole, amaba reer faanto-harowsey. Qofku inuu
qabiil ka dashay ceeb ma aha. inagu ma innagaa Suudaanta keennay waxaan
dhalannay iyadoo la leeyahay reer hebel baad tahay. Waxaa khalad ah inaan been
iyo waxaan jirin, faan iyo waalli waalli ku riix isku maaweelinno. Waxaa khalad
ah inuu qofku noqdo Keleb nacas ah oo dhego iyo indha la´. noloshiisuna ku
warwareegto khiyaaliga iyo sheekooyinka ay qabiilkiisu daaradaha kaga
sheekaystaan..Inaggaa ilma nebi kintirle ah..Innagaa dadka ugu sarraynna..Kuwa
kaloo dhan waa dugaag..bala bala. Waxaa fiican inuu qofku madax bannaanaado oo
uu maskaxdiisa u isticmaalo si weyn oo daaradda dhaafsan.. after all life is
too short to be wasted.

Runtu waxay tahay inaan ku wada jirno doontan baas oo hallowsan degitaankana
ku dhow. Markaan taas garanno oo runta isu sheegno ka hor waxba inoo kala socon
maayaan. waynu is daawan sidii bisado qatan..aniga waxaaba igala fiicnaan
lahayd inaan indhaha waaweyn oo kulucsan oon isku eegaynno inaan far iyo wax
iska gelinno si aan u kala jeensanno.Miyaanay kula ahayn UFO?..Indheheennii
ayaaba isku batee.

Waxaad tiri qofku hoggaamiayaha madaxda ah waa inuu dulqaato oo canaanta iyo
xisaabtanka oggolaado. Waan kugu raacay middan, waxaanse ku xusuusinayaa kuwaan
ka hadlayey oon ku iri waxay la aamusan yihiin calool xumo mana aha kuwo nasiib
u yeeshay inay dadkooda hogaamiyaan ee waa kuwa tabaalaysan oo meelo baas ku
abaadsan, markay afka ku kala furaan inay danaha waddankooda ka hadlaanna
qaar baa sidii shabeelki ugu soo booda iyagoo naxligooda u qalloocinaya qabiil
iyo meel baas...Waxaad ku garanaysaa inaan nahay bulsho habaaran, markuu oday
ama habar ajnabi ah oo da´ iyo dayac kale afkiiba qurmay (Waa Buthros Ghali
iyo da´diisee) uu dibadda nooga yimaado si uu noogu taliyo sidii ri´oslan baan
dabada u rux ruxnaa isagoo aan waddankeenna iyo danaheenna ka aqoon wax ka
badan wuxuu wargeysayada kasoo akhriyey ama carruurnimadiisii loogu sheekayey.
Markuu qof soomaaliyeed danaha waddankiisa afka ku kala qaadana sidii
koronkorradii baan ku degnaa ..Yuu ahaa?..Reer hebel buu ka socdaa...Muxuu
uga jeeday markuu dhuusay...Futada cankeeduu buro ku leeyahay..iwm!.
Intaan su´aalahaa jawaabtooda raadinaynno oon ku mashquulsannahay dad baa
samada guryo ka samaystay oo annagana nagu soo dul xaaray!

Maskaxdii soomaaliyeedna sidaas bay ku khasaartay.Ina Xagaa Dheere waa tuu
yiri: "Haddaan hadalno waa afsallax ku dheg, haddaan aamusnana arigii sidii
laga deyn maayo". Dadkii waddanka wax tari lahaa waa kuwaa caloolxumada la
aamusan. Waa sidaad sheegtay Ina Cigow e way fiicnaan lahayd inay godadka
kasoo baxaan..Waaf´dsna ku saxsan tahay, aniguse kuuma sheegayo sababta ay
la dhici la´dahay weli. ma laha way quusteen maxaa yeelay bulshadii baad
mooddaa inay cabbeen suntii Siyaad Barre dadka siin jirey mid ka badan oo
waraabayaal habaaran u oslan.

Waraabayaashan is baac baacsanaya oon sacabbada u garaacaynno waxaad moodda
inay dhega la´yihiin. Waana ku celinayaa ra´iyigaygii ahaa Siyaad Barraa
dhaama, sababtoo ah Siyaad barre markuu waddanka haystey 6 sano waxyaalo badan
baa la qabtay oo ay ka mid yihiin af-soomaaliga aan ku sheekaysanaynno oo la
qoray..Gaal dil gartiisana sii"..Bal noo sheega kuwani waxay abteen 6´dii
sano oo ay waddanka dacalladiisa isku baacbaacsanayeen? Markaas ka dib baan
u qaadi doonna heeso ka fiican Guulwade Siyaad.Guri duma iyo reer macla la´aan
ku goblama ma ahee maxaa kaloo ka dhaca dhulka soomaali degto? Magacii aan ku
faani jirney anagoo madaxa iyo codkaba kor u qaadaynna maxaa keenay in hoos
loo yiraahdo iyo madaxu hooseeyo?.

Maanta haddaba ma jirto cid debedda nooga imaanaysaa, Butros Ghali kabihiisii
ayaaba lausku haystaa ciddii gadi lahayd. Anaggay inoo taalla sidaan ku
badbaadin lahayn doonta degaysa.

Adigu Ina Cige waxaa tahay dab iyo roob.Waxaan aaminsanahay inaad tahay nin
lala xaajoon karo. Waxaanba ka dhergi la´ahay oon kaba baqayaa inaan mar dhow
ku hafto Afmiishaarnimadaada (ma aha tii Siyad Barre!) iyo suugaanta iyo
murtida kaa soo burqanaysa..Waxaanse kasii jeclaan lahaa adigoo gabayada iyo
heesaha ku qora "farta yar yar"

Midda kale waxaad mooddaa inay kugu jirto wax yar oo gardheerenimo ah.
Waxaan u jeedaa kuwa aad mooddo inay diinta dadka ka xigaan oo qofkii
hadlaba "Qaala Llaahu tacaalaa" ku aamusiya.Iska ilaali nimankaas mindiya
qarsoondabad ku wataan. Sow maha aha kuwa yiri, codka hallaasiga ah oo Cumar
Dhuule iyo Hibo Nuura oo lagu raaxaystaa waa xaaraan?..Hanna dhaafaan
nimankaasi, garkooda dheer iyo maryohooda waaweyn xaggaa iyo Sucuudigaa looga
baahan yahay.


Ka baxay markan, waxaad mooddaa inaan hadalka ku dheeraaday maanta.

Aan wada hadalno!

AA HAYBE...The Xubeer of Calmadow.


AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 1, 1996, 3:00:00 AM3/1/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC : WARSAME BAASHE...

Warsame waa lagu salaamay...
"""WAXAN AHAY NIN WAAYAHA ADDUUN, WAX-UGA-NUURAANE,
WAXYI IGUMA-SOO-DEGO, HADDANA WAX-IMA-SEEGAANE...
.............Maxamed Mooge Liibaan..................

Horta waa gallad Eebbe haddaan helay guulwadayaashii Siyaad u
barooranayay awel arrintaydu waxay ku socotay "NINNA UMA DHOWAYNINE,
CIDLAAN DHAABAY WARANKAASE; DHEG-KA-MAQAL HA-JOOGTEE, NINKII DHIIDHIYAA
QABA'E", waxay ila-tahay inaanan dib ugu noqonayn waxaan hore uga soo
hadlay, odhanamaayo anigu Warsame qabyaalad buu la-dardhanayaa oo
xumaddeedii haysaa. Waxaanse Jeclahay inaan kaaga jawaabo dhawr qodob
oo aad carrabka ku dhufatay.

"WAAN KU MAAGILAHAAYOO, INTAAN MEEL FOG KU GEEYO,
MEDED KUU TUMILAAYOO, KU MUQUUNIN-LAHAAYE,
MAGACAAGIYO DIINTIYO, MILADDAYNU WADAAGNIYO,
DHAQANKEENNA MACAANE, MARTI-SOORKA YAQAANNIYO,
MUUNADDII UMMADDEENNIYO, MIDNIMAAN XEERINAYAA.....

Horta marka u horaysa haddaad igu tidhi waxaad qaaddaa Cigaal, Cigaal,
Cigaal, waan kaa aqbalayaa oo waxaan weliba raacinayaa oo aan qaadayaa
Tuur, Tuur, Tuur, Gaal, Gaal, Gaal, Jaamac yare, Jaamac Yare, Jaamac Yare,
Wadaad-diid, Wadaad-diid, Wadaad-diid. Sababta aan sidan u yeelayaana waxa
weeye waad igu kelifaysaa oo waxaad igu riixaysaa qabyaalad aanan weligay
ku shaqaysan.

Haddaad akhrisato maansadaydii "BULSHO HOOGTAYEEY", heestaydii "GARDARRO" iyo
Siinleyda na-dhexmartay abwaan Gacmadheere igumaad eedayseen inaan ciiro
isku-qarinayo oo imaad tidhaahdeen waxaad tahay qabiili la haliilaya UFO iyo
SOMALILAND.

Haddayse Warsamow sidaas kaa noqotay oo aad igu riixayso Cigaal, hagefine
kuwa kalena igu soo dar, sababtoo ah Soomaalidaa ku maahmaahda DOOFAARKA
FICIL-LA'AANBAA CADDAABTA LOOGU DIRAA, waxaad waddaa himilo odhanaysa Siyaadna
iila hees TUUR iyo CIGAAL-na hadba kaan kugu diro cay. Caqligaagaan la-yaabay.

Hamoodin inaanan ka murugaysnayn dhimashada Burco iyo nawaaxigeeda, waxaabaan
tilmaamayay tabaalada haysata Soomaalida wajeer iyo NFD, laakiin adigu sidaad
carrabka ugu godday dagaalada Burco ayaan ku arkaayoo waxaad leedahay maxaa
tarteen haddaad reer waqooyiyow Siyaad riddeen. Hadal wanaagsan, waxkasta aan
taree marna Siyaad Barre hayla iman.

Arrinta Burco-na waxaan kaa idhi tii CABDILLAAHI MUUSE ugu jawaabay SALAAN
CARRABEY ee ahayd "SALAANOW IYADU HAYS DISHEE, DUUDDA HABAR-YOONIS;
HADDAAN DUXI-MARNABA KAA GELAYN DIRADIRAYNTEEDA;
MIYAA LAGU DELDELI UUNKA MAAD, WADA DUGAADHAYSID.
Haddaad Warsamow daacad tahay oo aad aniga qabyaaladda igu reebtid maxaad u
eedayn-weyday Moorgan oo dhiiggii weli gacmihiisa kasii qoyanyahay oo ka dil
iyo xasuuq badnaa Tuur iyo Cigaal-ba, sow maaha arrintaadu "ISKU DIDI
IBLAYSOW". Ma-fahmin waxaad ugu cadhootay UFO iyo SOMALILAND, mawaxaad
ileedahay markaad gobol/degmo/xisbi/jamhuuriyad iyo beel sheegaynaysaba
isoo mar aan kuu ansixiyee. Bal ii balbalaadhi waxa UFO iyo SOMALILAND kaa
dhaceen ee kuu muujiyay inaan qabiili ahayn.

Miyaanad ogayn in anigoo SOMALILAND ah oo Harti-Waqooyi, Isaaq iyo Samaroon
aannu dhanahay inaannu soo curinay, SOOMAALIYEEY TOOSOO, MAANTAY CURATOO
MATAANAYSEE, DHARAARTAAN WAXYEELADII DHAQDHAQNEE, KANNA SIIB KANNA SAAR, oo
annaga oo guurayna aannu nidhi waaryaa Soomaali Maxamedaay. Hadda ogsoonow
waxaannu ahayn SOMALILAND.

Waxaan qabaa inaan anigoo la-baxay UFO/SOMALILAND baadidoonikaro oo
tarikaro waxaan awoodo Soomaalida inteeda kale. Ogsoonow Warsamow inaynu
inagoo dhan Waqooyi iyo Koonfurba bixinay oo cidla kaga dhaqaaqnay Soomaali
kale oo walaaleheen ah. Ma-xusuusataa Xaaji Aadan Af-qalooc gabaygiisii
ku saabsanaa NFD. "CALANYAHOW WALHANAYAA, ADAAN KUU WARAMAYAAYE;
WADNAHAYGI BAA LALABIXIYO, WIIQI-BAWDADA'E;
MID WASAARADDIISII GABTOO, WEERANBAAD-TAHAYE;
LAGUU-WAA WAKIIL SIDA JAMAAL, WAABSHA GAALADA'E;
WADANKAAD KU DHEERAANLAHAYD, WAA LA-IIBSADAYE;
RAGGII ADIGA WAAXKUU-LAHAA, WAA-LA-WEECSADAYE;
NFD WAREEGEEDANU, WAA-HORUU-DHACAYE;
WAQOOYI IYO KOONFURIBA, WAW-WADA-DHAMMAAYEENE;
HEELADIYO WIGLADA MAALINTII, LAGUGU WAALAAYAY;
WAATAY WALAANDEYNAYEEN, EE WADDACAYEENNE;
GOORTII WALAAL-GARABGALIYO, WEHELBA LOO-WAAYAY;
HAADKIYO WARAABUHU KA-DHEREG, WALAQTANKOODIIYE;....
Wuxuu ahaa reer Somaliland haddana taasi marnaba kama hortaagnayn inuu
u hadlo walaalihiisa Soomaaliyeed ee kale.


Warsamow halka ay sarta ka qudhmaysaa waxa weeye haddaad ileedahay ha-sheegan
Somaliland, Somaliland wax-la-yidhaahdaa ma jirto, UFO hay maqashiin, bal
sidaynu saaxiib wax isula keenaynaa adaan kuu dhiibaye.

UFO maad arag carruur ay dooxayso, maad arag ciday xoolo ka dhacayso, maad
maqal quruun ka soo cabanaysa, ee waxaad ku maagaysaa oo iigu qabsanaysaa
waxa la yidhi "NIN MEELI U CADDAHAY, MEELI KA MADOW", waxa kuu hiraya waxkale
oo waad iga-shishaysaa, waxa kuu baxaya sawirkale, runtii intaad i leedahay
Cigow qabyaaladbaad qarsanaysaa qudhaadaa xannuunku kugu fogyahay.

Ma-samaynkartid, lagaamana helikaro ta aan anigu fali-karo oo ah, anigu intaan
tuugtayda oo dhan soo nacdalo, Cigaal, Tuur, Gaal, Buubbaa iwm ayaan weliba
kuwa Baydhaba carruurta dhiigeeda ku jaqayana nacdasha waxkasiinayaa, laakiin
adigu Warsamow taasoo kale lagaa helimaayo ee waxaad doonaysaa inaad Cigaalna
caydo Siyaad oo dhintayna aad difaacdo oo u qaaddo HAY-HAY-HAY WELIGAA-HAY.

Taasaa kuu muujinaysa labadeenna ka qabyaaladda iyo qolo-dugsigu ku mudanyahay,
haddaad isleedahay carrabku-dhufashada dagaalada Burco-na waxaad qor kaga
helaysaa Cige, maad garanbuu yidhi "CALI MAARSHAAL", waad dhacday
halxidhaalihii Soomaalinnimada. Haddaad doonayso Soomaali-weyn oo ay daacad
kaa tahay, kasoo bilow halkaan kasoo bilaabay 1957kii "SOOMAALIDEENNII HADDAY
SINNAATAY, ISU-SAMA-FALKEENNUBA WAA DANIYO SEETEE". Isu-sama-fal, wataa ibtu,
ka afqaad halkaas, laakiin haddaad ku wiirsato maatda Burco oo tidhaahdo
ALLA waar kuwii Qaldaamiinta ahaa waxay isku afuufayaan ma-aragtay,
himiladaada qarameed way kala dhimantahay.

Waxaan kaga baxayaa ninka maalintii Burco dagaaladu ka bilaabmeen ku heesayay
"ISAAQA ISLAAYAY ILAYSKU-MIYAA; BURCAA OLOLAYSA IFTIINKU-MIYAA"
Soomaalinamadiisu waa qabyo, ninka maalintii Afweyne Majeerteenka xasuuqayay
lahaa "HUBKA MUDUG KU-TALAXTEGAY, HIIRAAN GONDAHA-DHIGAY;
ALLAYLEHE HUBSIIMIYO, HAKI-BUU U BAAHNAA" Soomaalinimadiisu waa taam oo
waxaan odhankaraa xaqbuu u yeeshay innuu Soomaali metelo.

Warsamow "INAAD SAAMO-JIIDDIYO, SANQADH-TIRASHO KALA-DAA"

Waad mahadsantahay..
Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo kugu dhaafaya "ISMA DHAAFNO WELIGEEN...
.............................................INNAGAAN ISDHAADAYN.
UFO SOMALILAND.


AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 1, 1996, 3:00:00 AM3/1/96
to
FROM: UFO SOMALILAND

Tixraac: HAYBE

Haybow waa lagaa qaaday salaantii, maalmahan ninyahaw waad
iga qoslisaa.....

HAWDKAAN KU ABABIYO ARLADAAN KU KORAYIYO
AYDIYO IYO DHIRTII AY ASLI IGU XAMBAARTEE
AAN KU RAAD-DHAQAAJEE AGABTUBA MAR II TIIL
"OWL" WAXAY YIDHAAHDEEN GUUMAYS IBLAYSOO
ARAGEEDU BA'ANYOO AMINTIYO HABEENKII
INTAY FUUSHO GEEDAAN KA FOGAYN ARDAAGIYO
IRIDKIYO MISCIRIRTABA AYAY UU TIDHAAHDAA
HADAL AAD U ADAGIYO AFQALAAD KU HEESTAA
MISNA AAN IDHAAHDEE SHIMBIR-INA-LIBAAXDUNA
MID AMAARAD BADANOO ADHIGANA MAR-DIDISOO
XAYDHA-WEYNTA AYDIYO XASHARAADKA ERIDOO
ISHA-UUN KU HAYSOO IMTIXAANA WEEYAAN
OSOLKUNA RIYAHA IYO ORGIDIYO UGAYBKIYO
KUWAAD EEGTAY MAAHEE IDAHAA YAQAAN TAAS....


Sorry Haybe waadigii ashkatoonayay ee lahaa afsoomaali w/weynbaan arkaye
aan ku weydiiyo su'aale miyuu koray afkeennii ? mise inagaa qurbaha ku raagnay
oo kala-ilawnay. Waxaan u malaynayaa illayn waxaad tahay abwaan khatar ah oo
aan kayaabaye(Way iyo tola'ay sow maansadaadii Jacaylkii hagoogane ma xusuusto)
inaad fahmayso afarayd qalqaloocda ee kor ku qoran.

sida aniga laygu dhigay, in macalinkaygii khaldanaana waa dhicikartaa
Owl = Guumays, Shimbir-libaax-dana waxa lay baray mid kale.
Osol waxaan u aqaan oo osla idaha, riyuhuna way orgoodaan.
Hadda inaan khaldanahayna waa lagayaabaa Gacmadheere, Suugaan, Weylac, Caato
iyo macalimiinta afka iyo dhaqanka ayaa iga badiyee bal la-kaasho, wuxu
Ismaaciil Mire "ASHCAARTABA RAGBAA IGA-BADSHEE, IDINKU WEYDIIYA"

Haa, yes, yes, haddaan xusuustay waxaan u socdayba waar Haybow ma-xusuusataa
berigaan ku idhi "WADAAD SEEF-JIDAALIYO JIDIB-KUGU-LACIIRIYO", hayaay waar
wadaadada ha-daarin ee ka-bax khadkooda oo waxaan moodayay inaad culimada
xabad-joojin kala-saxeexateenne, dee ha-jebin shuruudihii
xabad-joojinta(violation of the ceasefire agreement) oo faraha uga-qaad
gadhkooda iyo hablahooda hagoogan. Haddii kale oo xabad-joojintu jabto dee
nabaddu farahay ka baxaysaa sida Ayrashka(Iresh) iyo Ingiriiska ayaa
dibu-dhiska nabadda madaxu inagu xanuunayaaye.

Waar Haybe miyaad diyaar u tahay intifaado iyo isfidayn(suicide bombers),
haynagu soo kicin nimanku waxay mashquul ku yihiin cilmiyo kale oo aynaan
weli-gaadhine.

Yes, Hibo maxaad tidhi, Nuura...........................................
........................................................................
Luquntayda dheeriyo Laafyaha garaaraha
Dhabanada labeentaleh Midabkayga luulka
Nimaan laasanaynoo Luflufku u macaanyahay
Anigaa u loogoo Lingaxa uga gooyee
Leefoo ha-liqintaa Lurta ii horseedaye
Laabtaydaneey Lululka iga daa...
.........................................................................
Gudcurkaan habeensaday Gidaarkaan yaxoobsaday
Sida gorayo law-jaban Socodkanaan gabaabsiyay
Gadhkaan saaray lawyada Inaan gebi-cidla'ah iyo
Ku go'doomay oomane Umuu garasho dheeree
Malaa cidi ma-gaadhsiin !!!!
.........................................................................
Naftan hawl adduun Hadimadu u dheertahay
Hadkastaba jacaylbaa I hogaaminaayee
Waxaanaad u hadato Ma-heshaa ma-helayaa
Naf-jacayl haleelay Hawl waayimaysee
Hadimada kaluunbuu Nabsi iiga hiishay
.........................................................................
Kaftanbaa jacayl-dhala Kulankaa u xididda ah
Murtaabaase kicisee Intaad keen adduunyiyo
Kordhi-maal-isleedahay Kaxbaan ahaye ma-ogtahay
Kulaylkuu i mariyaa Wadnahayga kiciyaye
Markaan laba-kufkeenoo Kaftamaayo eegaba
Keligay sariirtaan Kuududaaye ma ogtahay
Kurdad waa la-qaataa Kimis waa la-quutaa Here one line is missing ???
Kurbo-male carruurtuye Kii calaf i siiyow
Kol-haddii ay kelitahay
NAFTAN !!!!!!!!
Kama adkaan karaayee
Kay laabti raacdow Kadinkiyo cidlada badani
Ima kaafiyaysee Way-kane ku aaway............


Wuuuuuuuuufff, waxbaa ka dhacay buu yidhi, waar Haybe waa inanta aan
awaadeed Boorame u tegayaa....

MAHADSANISID
Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo ku dhaafaya "ISMA DHAAFNO WELIGEEN...
...........................................INNAGAAN ISDHAADAYN.
UFO SOMALILAND.

Wacays Bashe

unread,
Mar 4, 1996, 3:00:00 AM3/4/96
to

UFO SOMALILANDHOOW;


AJA...@bolton.ac.uk wrote:
>
>FROM: UFO SOMALILAND
>
>TIXRAAC : WARSAME BAASHE...

[..]
>Wadaad-diid, Wadaad-diid, Wadaad-diid. Sababta aan sidan u yeelayaana >waxa weeye waad igu kelifaysaa oo waxaad igu riixaysaa qabya=
alad aanan >weligay ku shaqaysan.


Sida ku cad Magacaaga iyo Oraahdaada, Qabyaalad iyada ayaa kugu
shaqaysata, oo weliba tii u xumayd ayaa kugu dhaansanaysa markaad u
doodayso xasuuqayaashii Umaddeenna mid ka mid ah.


>tarteen haddaad reer waqooyiyow Siyaad riddeen. Hadal wanaagsan, waxkasta >aan taree marna Siyaad Barre hayla iman.

SIYAAD! SOO NOOLOW, Nin rag ah ayaa soo Noolaada'e, Reer waqooyi ayaa
Siyaad riday..? "Waan u sheeegeynaa ,waanan kaa haynaa". Siyaad Barre
waxaa ridey KOONFURTA, kadib markii ay reer waqooyi ka carrareen, "Xaggee
la iga soo Qabanba haddaan ka i ciillaba ka cararo". Reer koonfur ayay
ahaayeen kuwii guntiga sutida ugu dhigay, oo markay carro aslaaxiyeen, ku
dhawaaqay "ALL CLEAR!" REER WAQOOYIYOOW SOO NOQDAAAAAAY,WOOOW!.
Cagahayagoow ku maciinsanayeey oo wax kaa daynay. Carro la aslaaxiyay
ayaad goor dambe sidii coomaadigii isa soo taagteen. Siyaad mee?


>eedayn-weyday Moorgan oo dhiiggii weli gacmihiisa kasii qoyanyahay oo ka >dil iyo xasuuq badnaa Tuur iyo Cigaal-ba, sow maaha arrin=
taadu "ISKU DIDI
>IBLAYSOW".

Wixii wax dilaba waa Ibleys, haddii laga hadlayo "tiro". Imisa ayuu Wuxshi
hebel diley isku keeni meyno oo Wuxshigeed igu tirinaysaa inaan tiradiisa
dhimayo "wuu ka xasuuq yar yahay". Adigu Cigaal baa kuu Caleemo saarane,
Dhawaantanse cid uu Moorgan dilay ma maqal, Horaanse uma luqluqan jirrin.
CIIDAMADA DOWLADDA ayaa beryahan seeftuudu qoyan tahay.Siyaad Barrihii
tegay xumaantiisii wax aan ku ilowno ayaa soo bedelay..2.25 million wax in
yar ka yar ayaa lagu tuntay, Soomaali oo ahayd gebigeedaba 4.5 million
1992?????



>Ma-fahmin waxaad ugu cadhootay UFO iyo SOMALILAND, mawaxaad
>ileedahay markaad gobol/degmo/xisbi/jamhuuriyad iyo beel sheegaynaysaba
>isoo mar aan kuu ansixiyee. Bal ii balbalaadhi waxa UFO iyo SOMALILAND

UFO wax bay burburisaa ee waxba ma dhisto. Roobna marba hadduu UFO wato,
dhig iyo raarba togaguu ku daraa. Ma xasuusataa "UFO ma tii hore mise tii
dambe" oo lagu soo qoray Godkan...? Wax wanaag ah laguma sheegin, marka
codkayga ma siinin, imanay cajabin.
SOMALILAND..? Nin ani yiri, Rag iska reeb, Halkaas ayaan ku kala harnay.
Ma waxaad i leedahay SOMALI waynu wada nahay, SOMALILAND se waa aniga oo
qura, iyada ayaana igu weyn oo magacaygaba ah. UFO SOMALILAND?. Kaladdaa
"Lega jecli iyo Beerka jecli". "Laabi laba u La'". Cigoow waan ka xumahay
in aan qabiil kugu riixay, laakiinse adiga ayaaba ka soo jeeda
kuuskaagaba. Somaliland waxay ku dhisan tahay Qabiil, Qabiil wax ku
dhisanna ma liibaano, oo meel kama soo baxaan, magacna lagama dhigto.
Waa iga talo walaaleed.

>Miyaanad ogayn in anigoo SOMALILAND ah oo Harti-Waqooyi, Isaaq iyo >Samaroon aannu dhanahay inaannu soo curinay, SOOMAALIYEEY TOOSO=
O, MAANTAY

Ya inta kale ma rooti baa, ye inta kale ma Raashin baa..? Rasuulkood ha
Reed marreen! SYL ayaa Soomaaliya xornimo gaarsiisay, waxaana lagu
aasaasay (1943, 13 Wadani) oo saldhigoodu ahaa xamar,meel kasta oo ay
soomaali joogtana ka dhisnayd, NFD,OGADEN,DJibouti; sheego SNL oo qabiil
ku dhisnayd.Soo toosna waaba la idinka kari waayey oo waa tii uu Sayidkii
idinku xabeebsaday ee aydin weliba Ingiriiskii (Lordhkii) u hoosaasiseen.
Xorriyaddii la idiin soo hoyeyna soo jiifsada ayaaba la idinka waayey,
"xarig lama Sitaan", waan hubaa taas.


>ku saabsanaa NFD. "CALANYAHOW WALHANAYAA, ADAAN KUU WARAMAYAAYE;
> WADNAHAYGI BAA LALABIXIYO, WIIQI-BAWDADA'E;
> MID WASAARADDIISII GABTOO, WEERANBAAD-TAHAYE;
> LAGUU-WAA WAKIIL SIDA JAMAAL, WAABSHA GAALADA'E;
> WADANKAAD KU DHEERAANLAHAYD, WAA LA-IIBSADAYE;
> RAGGII ADIGA WAAXKUU-LAHAA, WAA-LA-WEECSADAYE;
> NFD WAREEGEEDANU, WAA-HORUU-DHACAYE;
> WAQOOYI IYO KOONFURIBA, WAW-WADA-DHAMMAAYEENE;
> HEELADIYO WIGLADA MAALINTII, LAGUGU WAALAAYAY;
> WAATAY WALAANDEYNAYEEN, EE WADDACAYEENNE;
> GOORTII WALAAL-GARABGALIYO, WEHELBA LOO-WAAYAY;
> HAADKIYO WARAABUHU KA-DHEREG, WALAQTANKOODIIYE;....

Haadkiyo waraabuhu ka-dhereg, Walaqtankoodiiye....

Cigoow, horta nin Abwaan ah waad tahay, Murtidan aad farta kore (Upper
Case) aad ku soo qorayso dhagaha ayaa nagu xannuuna oo waa "ADOO QAYLIYA
OO KALE", Akhrinteeduna way adag tahay oo waa xuruuf wada siman indhahuna
saani uma qabtaan. Xummaan ha u qaadan.

Mahadsanid.

--
Wacays.

nouh1...@gmail.com

unread,
Feb 8, 2014, 2:47:35 PM2/8/14
to
Gormaad goormaad wax garataa talo mar aad garan wayday iyo mar aad gaari wayday
0 new messages