Habeenkii markay seexanayaa, waxay naga codsadaan inaan u sheekayno.
Labadii sheeko caruureed ee Af Soomaali waa naga dhammaadeen. Waxaan hadda
billowna inaan u sheegno sheeko qalaad.
Haddaba, akhristayaasha "soc.culture.somalia", waxaan ka codsanyaa inay
noogu deeqaan sheeko caruureedka ay xusuustaan. Tani waxay naga
kaalmeyneysaa inaan caruurta barno dhaqanka intay yaryihiin.
Jawaabta halkan ama toos ayaad iigu soo diri kartaan.
Mahad badan.
Dear Abdillahi,
Waxaan ahay qudhaydu nin sommaliyeed oo ku nool dalkan talyaaniga, balse aan
lahayn xaas iyo caruurtoona. Aad baan ugu farxay mailkaaga markaan akhriyay.
Waxaanaan isku dayayaa inaan kaa caawiyo intii karaankay ah. Waan kuusoo diri
karaa iyagoo qoraal ah sheeko soomaliyeed (inkastoonan hadda gacanta ku hayn)
balse aan kuu raadinyo sida ugudhaqsaha badan, waayo waxaan heli karaa iyagoo
qoran, halkii aan marlabaad dib ugu qori lahaa.
Halkeed ka degen tahay dalka talyaaniga?
---------------------------------------------------------
Jama.
http://www.dm.unipi.it/~jama
A. M. Ahmed (abdu...@istsan.interbusiness.it) writes:
> Waxaan ahay nin Soomaali ah ee ku nool Talyaaniga. Waxaan leeyahay saddex
Sheekadan waxa aan kuugu soo gudbiyey caagganaanteey ka caaggan tahay
ereyada shisheeye; ereyada "jawaab iyo farxad" mooyee. Haddii ay INNABA
kula noqoto in aad daabacdu, ogolaansho ka hel Wergeyska Baaq, Toronto.
Dad badan baa caruur qurbaha ku heysta ee waxa wanaagsan in halkan laguugu
soo diro si looga wada faa'iideysto.
KU XUS MAALMAHA CALANKA SOOMAALIYEED.
SHEEKOY......................SHEEKOY...................SHEEKO XARIIRAY:
Waxa la yidhi beri baa waxa wada deganaa hal geel ah iyo qalanjo maroodi ah.
Berigii dambe ayay labadoodiiba dhaleen.
Ubadkii baa koray, ka dibna iyagoo maalin wada ciyaaraya ayay nirigtii si
xun u haraatiday maroodigii yaraa hooyooyinkii oo daaq ku maqan. Carraabihii
markay hashii aragtay nirigteedii waxay samaysay ayay cagaha wax ka dayday
meeshiina kala carartay nirigteedii yarayd intaanay qalanjadu meesha kusoo
gaadin. Waayo hashu aad bay uga baqaysay qalanjada maroodi oo ka xoog badan.
Hashii oo firdhad ah ayaa la kulantay oday meel geel la jooga, waxaanay ku
tidhi:
odeyoow ma i maashaa
ma i maraqdaa
maroodi cadho leh,
mayga celin kari.
Odeygii oo aad u faraxsan ayaa ugu jawaabay hashii "waayahaye soo raac geel-
ayga".
Kolkii qalanjadii soo carrowday galabtii waxa markiiba isha qac ku siisay
ilmaheedii oo si xun loo dilay. Intay aad u cadhootay bay raad raacday
hashii si ay uga aar goosato. Dabagaale meel jooga ayay kusoo baxday
qalanjadii oo ay weydiisay "waar dabagaale hal iyo nirigteed halkan ma
mareen?" "Haayoo dooxadaasay ku degeen" ayuu ku jawaabay dabagaalihii.
Qalanjadii mabay hubsane waxay markiiba isku sii deysay dooxadii.
Dabagaalihii intuu ka daba tagey qalanjadii ayuu ku yidhi "waar maroodi
xoogweynow waan kugu ciyaarayaaye hashii xaggan kale ayay jirtaa. Maroo-
digii intuu kusoo noqday dabngaalihii oo qaarkiisa dambe ku taagan ayuu
damcay inuu gebigiisaba cagta hoos geliyo intuu cadhooday.
Dabagaalihii maroodigii buu ka cararay oo intuu daba warwareegay ayuu ku
yidhi:
maroodi candhoole,
haddii col la sheego,
caruurta ciyaarshe,
cadaadda ku meere,
hashii cosob waa tan.
Maroodigiina intuu orodkii ka daalay ayuu meel istaagay oo uu quustay.
---------------------------------DHABAAD-----------------------------
QabiilDiid.
CALANKAA LA SAARAYOO WAA SALAAM WAA SALAAM.