Dadweynahaan hanuuninaa haasaawinaa danta u hagnaa:
SCS-kaan kala hufnaa hasaawinaa danta u hagnaa::
Waa barnaamijkii xiisaa iyo xalled badnaa ee waano iyo war celin oo
badweyn ay ku kacday oo beryahaas soo bixiwaayey ee saaxiibayaal
Soomaaliyeey manabad baa xaggayaga cilaacyo is mare !!!
The staff of the Illa tali program would like to wish every supporter non
suppertor a very late but happy Arafa . We hope that we will be able to
celebrate Arafa every year together glamorously.
**** Ciid wanaagsan dhamaantiinba ***********
Since there are so many new people joined into this wonderfull forum
Soc.culture Somalia once more I would like to introduce to you the
current staff of the Illa Tali program and there job ..hey are.....
...prof.Hurduf.................Highly an expert of =93doqoniimada=94
...Sir Haarduf ........Highly an expert of =93 Jacburka =94
....Mr Haan far ku dhuuqe ......Producer &director
... Mr. Heeryo awr kal tuure ..Technical support
....Mr. Mustafe Jama ......Head of the office
*** Malkaam tiwiwiq *** means Barasho wanaagsan.
However, there are two position vacancy which are currently avaliable !
We need two well trained personnel expertise, a detective and a
solicitor. Well, if you think you are suitable to these postions you are
welcome to join my crew one condition though, to become a member of the
illa tali program, check this out...A member of the Illa _tali crew must
be tough, ruthless and never give up even when things look completely
hopeless :-)
***************Any questions ?****************************************
Hadaba ku soo dhawaada barnaamijkii : ka hore inta aanan
barnaamijka gudda gelin, Nin Khaliif Weylac la yidhaahdo oo North Irland
SCS-ka soo geli jiray (imininka beryahaas SCS waxba kumuu soo qorin,
markaa waxan u malaynayaa in uu ku biiray ururka dhaqdhaqaaqa
xornimodoonka IRA) Ninkaas ayaa wuxu yidhi, nin odaya baa igu yidhi,
qurbaa saddex masalo ayaad kala kulmaysaa.
(1)-Haasaawaha ama sheekadu way kaaga luntaa.
(2) Camalka ama dabeecaduna way kaaga luntaa
(3) Xishoooodkana si yar oo dhuudhuuban ayaad uga tagtaa. Ninkii waan uga
garaabay, saddexdii masloba waan arkay.
Warqada ugu horaysa waxay naga soo gaadhay:
Maxamed Xuseen (Udub weliba la=92aslay)
S: No comment on the rest of your article because it smelled like a
=93pleaching cream ?
J: Illaahoow qaadir, waa ugaaskii wax dhiniciisa dhul dhiga lawaayey oo
maanta si hawl yar boodhka loogu qasay ! . Uduboow boodhka iska tun
saaxiib . Ma=92gabyana Cabdi Jawohar, waar bi=92iwaaye nin waxaa looga
bartay maad ahayne ku noqo dooda oo mar kale soo rogaal celi . Hadii kale
doodii adiga iyo Cabdi Jowhar idin dhex martay ! waxay ifafaalaheeda
leedahay tii dhex martay Awoowgaa Raage Ugaas iyo Xirsi boqonlow , waa
tii raage lagu yidhi , Raagoow ma=92gabyana! adna halkii baad taagantahay:
Markaa anigoo gabaygii raage lagu yidhi bedeley waxan ku geeraaray:
Pleaching cream iyo
Wax aan dhaamin
Iyo bootar iyo bagagi
Waar siday Inna Xuseen uga nash tidhi
Niiqanaa hadalku !!
Amina Mire:
S: Gaallo ku dhac inatay sii jeesato ayey dhagax soo maguujinaysaa ??
J: Amina, tuuryaddan intaad sii jeesato aad odhanayso gaalo ku dhac maad
nagadeysid. Shiid baad hadhkii nagaga dhigtay wiif, wiif . Hadii kale
miyaa oonad shiidka joojin , =93walaahay waa ku qaniinaa=94 . sida la=92ii
sheegay reer xamarka ayaa markay cadho kar dhaafaan isku yidhaahda
walaahay waa ku qaniinaa. Biyo dhacaygu waxa weeye abaaye ruux markaad la
hadlayso fadlan ruuxaas abaar oo ku eekoow hana baahin. Kubadu
labadeena ayey dhextaal maxaa ragga oodhan kugu baahshay. Mida
kale Foosiya ma hoos-hoos baad ulla soo hadashay oo waad u
qaylo diratay maca Awrkiraalahaaga soo ka xayso laakiin fadlan
hacadhoon. Walaal dhuumaalaysiga iska daa, kolba intaad faraq dhagaxaan
gurato meel haysla soo taagine,wiif, wiif, Aminaay rag is gurayee waa
ishaynaaye wax iskaraw oo hadal iyo ilkoba waa lacadeeyaay=94 bi'iwaaye
halkaag doonayo budka iigu dhuf ! ?
Maxamed X Cal:
S: Qabku ragga iyo dumarka mid kee buu u fiican yahay ??
J: Ma'dhakhtar baan ahayn, waar waan iska hadlayaaye horta timir lafi
kuma jirto waa koow. Waxan filayaa,qabku dumarka ayuu u wanaagsan
yahay, waayo qabku dumarka wuu =93bilaa=94 qurxiyaa ragana wuu biistaa (
qudhaydana innantu hadaanay "hah" =93kulayl=94 ama qab lahayn far maqaniinto
ayaan u aqaan ) .
Ruuxase aan is idhaahdo qab owgii ayaanu indhaa waxba ka arki karahayn,
rag iyo dumarba indhahaan u jeexaa...Waxan ugu jeexaa tuduc ka mid
Hadraawi gabayadiisa , wuxu yidhi abwaanku mar uu la=92hadlaayey nin qab
naanaabay::
Nin saluugey muuqiisa ** Ka sal kacay xaqiidiisa
Qabku saami ladha maaha ** Nin ku yidhi annaa saa sa
Haday suudha weedhiisu ** Ay surin saraan weydo
Saami baa waddaagtaane ** Haku odhan sidaas weeye !!!
Wax furan saas maaha ** Ha sarwicin nin kaa jeeda
Nin ku siray ha faalaynin **Sababaha ha weydiinin
Howna seeto dheeraynin...........meeshaas buu huluuqsiiyey.
Siciid Suugaan:
S: caatoo ayuu biyo hoostood ka arkay ?
J: Siciidoow, soo qaado dhagax, maro ku duub, dabadeedna meel baydhsan
dhig . Mudo markaad ka maqnaato ku soo laabo. Dhagixii cilmi baadhis ku
samee, meel iftiina la tag, rog rog, dhan kasta u rog , fiiri in wax
isbedel duleeda iyo mid kiimikaad toona ku dheceen. Maxaad aragtay ?
Wax isbedela miyaad ku aragtay ?
Siciidoow, dadku dhagax maaha meel yaal. Ruuxa binu aadamka ah intuu nool
yahay wax yaalo badan baa iska bedela, cimirigiisaa kordha, aqoontiisa
korodha, aqoontiisa naaqusta, wax aanu shalay aqoon ulahayn ayuu maanta
macalin kuugu noqon karaa, wax uu shaly aqoon u lahaana in aanu beri
waxba ka xasuusan baa suurto gal.
Isku soo wadda duub biyo meel godan hadalna gun buu leeyahaye.
*Maadaama aan Taariikhda Soomaalida dhamaanteed qoraal lagu wadda haynin,
isla markaana aanay jirin meelo loo tix raaco hadii laysku qabto
sheekooyinka qaarkood.Wax fiican in ruux walba sidii uu wax u maqlay uun
looga dhegeysto. Laakiin aan loogu soo hal qabsan karin si kastaba
ha=92ahaatee shalay waxaad tidhi kan iyo keer markaa maanta waxaad tidhi
waa bar kuma taal . Sidaas waxa ka dhigan sheekada aad Caato ugu soo hal
qabsatay. Midale kale Siciidoow
Abwaankii Siciidoow
Suugaantii aaaweey
Sowdigan cidlada degey.
Markaad Cilmi u diidey Boqornimada Jacaylka !! waa kuma musharax
Boqornimada jacaylku ? bal caalamku haku dhegaystee noo sheeg , filimaayo
in aad nin Dubaysa Cilmi booska uga qaadayso.Siciidow, waa kuma abwaanka
soomaaliyeed ee dib iyo horaysotoona Cilmi-boodheri ku haysta boqornimada
jacaylka. Malla hellayaa; soomaalise ma ku jiraa nin gabadhii uu
jeclaaday u tiriyey...50 gabay , intaasi waa inta aan anigu Mustafe ahaan
gacantayda ku qoray kana soo ururiyey miyi iyo magaalo labadaba. Intaa
wax ka badan gabayada uu iyada oo aan cidi la joogin tiriyey sidaa wax ii
sheegay niman ay cilmi Boodheri xasbo ahaayeen .
Sidoo kale, Hargeysa waxaan kulla kulmay niman ay Maxmed Shabeele is
xigaan. Iyana waxay ii sheegeen in uu Cilmi ahaa Boqorka Jacaylka.
Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye, Hodan Cabdulleh Walanwal wiil ay
dhashay (Rashiid shabeele) buug uu qoray wuxu si qayaxan ugu qoray =93Cilmi
waxa uu yahay Boqorka Jacaylka=94.
Arinku si kastaba ha=92ahaado, ma dadka qaar mise adiga Siciid Suugaan .
Dadka qaar haday si qaldan wax uga sheegaan Taariikhda Cilmi iyo Hodan
waan toosin kara waanan iska dhaafi karaa labaduba ii furan. Laakiin
adiga kuma toosin karo joogsi.... Hadaadse sheekada tuur u yeesho waa wax
ulla jeedo. ka baxay. Kaama qaadee inta aanan adiga doonta shookaanteeda
kuu wareejin, Cilmi BOOdheri sheekadiisa mudo ayaanu aniga iyo Abdullaahi
abokor halkan SCS -ka ku qaadaa dhigeynaye, hadaad Boqornimada Cilmi wax
ka qabto maxaad markaas noogu soo gogol dhiganweydey ? mise markaas bilaa
rasaas baad ahayd ? ..Horaase loo yidhi, hawraar dabadeed iyo hadhuub
dabdii midna lama hadlo.
Abdi-naasir:
S: Gabadh aan aad u jeclay aay igu xidhay ,waxay itidhi waxad meherkayga
ka dhigtaa " in aanad gabadh kale illa guursan" markaa hadaan shuruudaa
ka boxo meherki ma burayaa mise ??
J: Horta Cabdoow waa su'aal aad u culus, nin hore oo caynkaasi qabsatayna
waan arkay! curad maaha dumarka Soomaalidu waa cajiib wax walba way kugu
deyayaan ! markaa hal maad yeeli inta aanad qaraar gaadhin inantii ku
noqo walaal su'aashaadi liqi waa tufi waa bay igu noqotay ku dheh markaa
haday casaanka kuu saarto oo ay ku tidhaa sidaa hadaad ku gelaysona ku
gal hadii kalena cagta saarwadda, waa gacantaadii oo dhudhubgashaye haku
soo dhufane iska yeel.
S: War Hooyo Qabyaalada soo diid..
J: War hooy, hooy qab-yaalad diidoow awrta jooji , maalinkaa maanta aha
neef xooli inoo kala dareerimaayo, war nabada lagu sii, =93farta yaryar iyo
farta waaweyni isku mid maaha=94 inna sanweynena u gee. Mida kale hadaad
farta waaweyn wax ku qorto in aad =93uubataynayso=94 ayaa lagu moodayaaye
fadlan naga daa waayo ashahaadadii farta waaweyn aad ku qortay waan
akhriyi kari waayey. Mida kale waxan doonayaa in wefti kuu soo diro
culimo kuwaas oo soo indho-indheeya Ar-daaga Qabiil_diid , markaa
su'aashu wax weeye culimadaa oo raali ma katahay mise waan joojiyaa ?
Ma=92ogtahay akhristoow:
In la=92arkay odaygii Burhaan warsame oo buug yar oo xaashi laxooxa iyo
qalin la=92 daba ordaaya nin jilaaya oo aad umagac xun =93shuwaashnigar wuxu
miyuu ahaa "szshneger=94 kuna leh please ii saxeex..Can I have your
sigiyure.
Maxamed Cawaale cali :
S:Soomaaliya hadmaa nabad lagu soo dabaali doonaa ?
J: Cawaaloow, anuu wax kale garan maayee, illaahay cadaabkiisa haynaga
kor yeelo.
Ma ogtahay Caloow
Caafimaad ma jiro
Nabadii cirkaa
Caynaano malle
Waxay daaqday ciin
Ciil kama koraa
Cawdii u jaray.
Waxan maanta sheekadii ku soo gunaanadey
Saddex min oo min saddexa
Ragga soomaaliyeed ee maanta loogu yeedho =93Hoomo keene iyo Hoomo Dhame.
Saddex qayrkood way ku dhaafeen:
1: Xidid wanaag
2: Xurmayn sodoheed
3: Iyo Muxibo haween
Saddexna waa lagu dhaafay
1: Xodxodasho haween (dhalinyarada danbe waa wadda gudhiye,gees aan la
marin ayey ka marayaan,)
2: Xogogaal la=92aan ( Goor-bilistiisii daad-qaatay ooy so-called feminism
ku biirtay ayuun buu baraarugaa
3: Is xafataraarin badan (hadii ay uuridiisu is tidhaahdo tilmaan ama wax
u sheeg, wuxu yidhaa ( I=92am the bos of this house nobody can tell me what
to do )..which is not really working these days.
Inyarna waxan farilahaa Hablaa Soomaaliyeed :
Midab hal dhaalayeey walaal
Hidaha dhaqankaaga lama hiifo
Hanaanka socodkaaga la hado
Hugaaga lama tuuro Himilooy
Haawiya iyo laguma xuuro haadaan
Ha=92hunsan kolba hayle madhay
Heeryo iyo lama qaato harag jaan.
Ha muujin halistiyo hal kii daan
Haw loogin hayin Waraabe ah
Hoos looma dhigo hankaagee
Haatuf yuu ku hodin hilaabani
Hanyare yuu ku hoosaasin
Hallooow !! how are you !
How are you doing !You are halis !
Ayuu kugu harawsan hadal wed kii galay
Hanna gaajo ordine wax kala garo
Higaadana igu afgaro......................Dunno just follow as plodding
donkey !!!!!
Ka baxay taas.
HOOY.... HOOY.... Ha.. faduulin... Dhuuryo... cadde.. YUUU.. ku..fuuline
Warhooy Waa digniin
Warhooy waa dardaaran
Barnaamijkayga
kibir ninkii ku doonta
Dakharadaan ku jiido
Dub buu u qoomamayn
....................wewe hakuna matata.
Tani waa Hargeysoo Hirarka gaaban
Idin kala hadlaysee Habeen wanaagsan
Haa hadal macaanoow **Waan kulla hayaaye Habeen wanaagsan
Hoobaan bislaataay ** Waan kaa helaaye habeen wanaagsan
Haa Hayboow dartaa Hurdo ma seexdee habeen wanaagsan
Haa Haweenka oo dhan yartaan ka haybshaa habeen wanaagsan
Nabad_gelyo
.......
M.Jama