Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Qaamuus af-soomaali

58 views
Skip to first unread message

An...@bitstream.net

unread,
Mar 9, 1997, 3:00:00 AM3/9/97
to

Assalaamu caleykum akhristayaal;
Waxaa akhristow igu maqaalo ah in dhowaan lagu qoray qaamuus af-soomaali
ah carriga Talyaaniga, waxaa la ii sheegay in qaamuuskaasi xanbaarsan
yahay erayo badan oo uu ka yaraha baaxad weyn yahay qaamuuska qudha ee aan
illaa iyo immika adeegsano ee uu qoray Allaha u naxariistee Dr.Yassin
Osman Keennadiid.

Haddaba anigoo ah qoraa soomaaliyeed oo aad u xiiseeya horumarinta afka
hooyo iyo uruuurintiisa, waxaan ka codsanayaa in cid Alla iyo ciddii u war
haysa qaamuuskaasi ee garanayasa meesha aan ka heli karaayo ay iigu deeqdo
in ay ii sheegaan dariiqa ugu fudud ee aan ku heli karaayo hadiiba uu
jirro qaamuuskaasi cusub, waanad mahadsantihiin.

Nabad gelyo
Anwar Mohamed

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet

Saciid Maxamuud Maxamed

unread,
Mar 10, 1997, 3:00:00 AM3/10/97
to


Subject: Qaamuus af-soomaali
Date: Sun, 09 Mar 1997 13:01:16 -0600
From: An...@bitstream.net
Newsgroups: soc.culture.somalia


>Assalaamu caleykum akhristayaal;
>Waxaa akhristow igu maqaalo ah in dhowaan lagu qoray qaamuus af-soomaali
>ah carriga Talyaaniga, waxaa la ii sheegay in qaamuuskaasi xanbaarsan
>yahay erayo badan oo uu ka yaraha baaxad weyn yahay

Nabad iyo caano

>qaamuuska qudha ee aan
>illaa iyo immika adeegsano ee uu qoray Allaha u naxariistee Dr.Yassin
>Osman Keennadiid.

ANwar , Qaamuusyadda soomaali-soomaaliga ahi mid ka badan. Yaasiin
C. kuu qoray waxay mar soo wada baxeeen mid kale oo soomaali
-soomaali isna ah. Labadaba waxa la daabacay 1976 , Wasaaradda
Hiddaha iyo Tacliinta Sare . Cabdulqaadir Faarax Bootaan, oo
qaamuuska kan sakow bawaag kale qoray, ayaa urruriyey. Yaasiin
kiisa, laga yaabee in uu ka horreeyey kan Cabddulqaadir. Waayo ,
kan cabdulqaadir horu dhiciisa wuxu ku sheegayaa, Agaasimaha Guud ee
Akadeemiyadda markaa haystay, in kan oo ka kooban toban kun oo eray
uu raaci doono mid ka kooban 15 kun oo eray. Kaasina waa kan Yaasiin
siday ila tahay oo akadeemiyaddu soo saartay. Inkastuu Yaasiinna ku
koobay 10 kun. Markaa kii Yaasiin ayaa aad loo faafiyey, ka
Cabdulqaadirna laga yaabee , dadka Suugaanta xiisayaa xitaa in aanay
maqal.

Nabagelyo
Saciid Suugaan

0 new messages