Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Dimoqraadiyadu ma nidaam Dunida lagu xukumi karaa,nidaam kalese ma jiraa oo inoo dhaama???

31 views
Skip to first unread message

Abu Dharra

unread,
Oct 26, 1999, 3:00:00 AM10/26/99
to
Assalamu calaykum dhamaantiin.
Waxaad moodaa dunidu in ay baryahan danbe u hanqaltaagayaan nidaamkaas aan
soo sheegay.Bal marka aan su'aal
is wada waydiino ee Nidaamkani ma yahay mid dunida xukumi kara? Horumar se
dunidu ma ku gaadhi kartaa?Caadil ma yahay
oo dadka dunida cadaalad ma ku dhaqayaa?Dumarka xuquuqdooda kor ma u
qaadayaa?Nabad oo ah mida ay dadku wada
raadiyaan ma ku helayaan?Ma yahay se nidaam dadka oo dhan yar iyo wayn
qancinaya? Su'aalahaas jawaabtooda ragga
iga caqli iyo aqoon badan ayaan u daynayaa balse aan ka waramo dimoqraadiyada
aan ku arkay wadankan aan mudada deganaa
ee Maraykanka.
Nidaamkani waa mid " NAGA HOOS MARINAYA AYDII IYO
BISADIHII AAN DHAQANAYNAY" Ayuu igu yidhi Professor wax ka dhiga California
State University.Oo waayo baan idhi macalin saw idinka horumarka ku
gaadhay?Wuxuu iigu
jawaabay ha eegin technologiga ee bal waxaad eegtaa "FAMILY VALUE" meesha uu
dhigay.Waa dhab in ay dimoqraadiyadu horu
marisay technologiga. Waa dhab in dimoqraadiyadu ku tumatay xuquuqdii
dadka.Waa xaqiiqa in dimoqraadiyadu hoos u
dhigtay xuquuqdii dumarka iyadoo ugu yeedhay "Sex Object". Muran kuma jiro in
ay dimoqraadiyadu u xalishay dadka, waxyaalo
badan oo xooluhu xarimeen, sidaana xooluhu uga caqli bateen dadka.
Su'aasha hada is waydiinta u baahani waxay tahay.Hadii
dimoqraadiyada lagu gaadhi karo horumar,dib u dhac
xaga dadnimada ah oo lixaad lehna ay keeni karto.

MA JIRAA NIDAAM AAD AHAYN DIMORAADI,SHUUCI,DIKTATOOR,
BOQORTOOYO, OO AYNU HORUMAR
DHINAC KASTA AH, XAG TECHNOLOGY, DADNIMO, ILBAXNIMO,NABAD INTABA KA HELI KARNO,
QOF KASTANA QANICIN
KARA?


Abu Dharra.


Guleed

unread,
Oct 26, 1999, 3:00:00 AM10/26/99
to

Salaan Dhamaan!

Waxay ilatahay saxiib majiro aduunkan nadaam dadka ku xukumi kara si
xaq ah, hore waxaa sumalidu utidhi "Nimco walba nuskhaan leh". Taasina
waxay kutusaysaa xataa wadanadan reergabeed ee leh hurumar
ayaangaadhanay dhibaatooyin badan oo xaga bilaįdanka qiimihiisa ah ayay
wax u dhintay. Nadaamka diktatorka ahna kaba siidaran oo bilaįadan ama
harumar keenimaayo. Markaa saxiib waxkasta waxay leeyihiin "Side
effect".

Waxay ilatahay nidaamka qudha ee dadka dhisi karaaa si cadaali ah qiima
galinkara Ragag iyo Dumar, carur iyo ciroole waa ka Ilaahay, kaasna
dadkii samayn lahaa a wood malaha oo waxaa hadheeyay "ego" ama
Danaysigii bilaįadanka.

Saxiib nolashu asalkeedu waa xagdaro!

Mahadsanid

Guleed


Sent via Deja.com http://www.deja.com/
Before you buy.

Hersi M. Labagarre

unread,
Oct 27, 1999, 3:00:00 AM10/27/99
to
Walaal Guuleed,
Waxaan ku qoslay weedha aad tiri "Nolosha asalkeedu waa xaqdarro".
Waxaan walaalow kugu kordhinayaa maahmaahyada ay soomaalidu tiri ee ah "Eex
ilaah baa laga bartay" maxaa yeelay addoomihiisa qaarna hodon buu ka dhigay
qaarna sabool buu ka dhigay!!!

Marka walaalow, xaqa iyo xaqdarradu waa laba mas'alo oo isla eg, mid midka
kale u asal ahna ma jiro, mowduucuna waa mowduuc aad u qoto dheer oo
culumada falsafaduhu aad ugu daaleen baaristiisa.

Baaristu waxay inala aadaysaa "Xaqu" waa maxay, mise jiraan wax "xaq" la
yiraahdo, haddii uu jirase maxaa lagu gartaa. "Xaqdarraduse" waa maxay?
maxaase lagu gartaa?

Haddii aad wadaad salafiya tahay, jawaabtu way kula fududdahay oo waxaad
iska dhehaysaa "Xaqu waa wixii kitaabka ilaahey la yimid" ama "waa magac
magacyada ilaah ka mid ah" Xaqdarraduna waa wixii intaa khilaafsan.

Laakiin taasi ma aha mas'alada aan ku jirno jawaabteeda, annagu waxaan ka
hadleynaa xiriirka iyo wadaagga nolosha meesaankooda, culumadu (waxaan ka
wadaa culumada reer galbeedka siiba falaasifada) waxay dheheen xaqu waa
wixii wax dheef leh, xaq darraduna waa wixii aan wax dheef lahayn, marka
miisaankoodu waa "dheefta".
Laakiin, waxaa laga yaabaa, in "wax" adiga wax kugu teraya aaney aniga wax
igu terin, taasina waxay keenaysaa in waxaasi adiga "xaq" kuu yihiin
anigana "xaqdarro" ii yihiin.
Culumo kalena waxay dheheen, "Xaqu" waa wixii waafaqa "waaqica",
xaqdarraduna waa wixii aan waaqica la socon, kuwaasina "waaqica ayay qiyaas
ka dhigteen".

Marka aniga oo aan kugu diidanayn in adduunkan xaqdarro u badanyahay,
haddana waxaan dacwo ka qabaa in adduunku xaqdarro ku salaysan yahay.

Waadna mahadsantahay.

Hersi Labagarre


Guleed wrote:

--
____________________________________________________________
Also email us at: laba...@hotmail.com or codkasoma...@angelfire.com

Note: To unsubscribe, send a blank email with subject (Remove).

Guleed

unread,
Oct 27, 1999, 3:00:00 AM10/27/99
to


Walaal waad salaamantahay Hirsi Labagare.

Markaa akhriyay Papperkaagii aad iyo aad ayaan ugu fakiray
fikradahaagii aad soo jeedisay. Waxay ilatahay haddii aan aad uga
fakirno Aduunku waxaa uu kusalaysan yahay waxay inala gaadhaysaa herer
dhaadheer. Haddii aynu kulba dhinac u rogno fikrada ah Xaqa ama
Xaqdarada, waa sidaad sheektaye arinkaasi waxaa uu ku xidhan yahay
Bulsho kasta Dhaqankeeda ama Sharcigeeda. Tusaale ahaan maanta wax
R.galbeedku xaqdaro u arkaan ayaa ina xaq inoo ah, marka laga eego xaga
dhaqankeena, amaba dhiinteena (khaasatan markay noqoto Famiy rights in
sociaty).

Waxay hadalku isugu soo biyo shubanayaa xaq iyo xaqdaradu waxuu ku
basysgaraysan yahay Bulshada dhaqankeeda. Waxaan odhankaraa xaq iyo
xaqdaro waa shilinbir ah labadiisa dhinac (dur ama daabac).

Xaq iyo xaqdaradu markaa waxay inatusaysaa in bilaáadanku keenay,
madaama ay Bulshada meelku wadanooli ayadu samaynkarto kolba kaykeento.

Lakiin maxaynu ku sheegii tii ahayd in qofna boqor kudhasho qofna Caydh
aan wax uu cuno lahayn?

Arinkaagii Ahaa Hirsow: "Adduunkan xaqdarro u badanyahay, haddana
waxaan dacwo ka qabaa in adduunku xaqdarro ku salaysan yahay". Maxaad
igu qancin marka qofna boqorku dhasho qofna Caydh ( Istaakhfura laaye).
ilama aha inaan Ilahay arimihiisa soofara galinaayo Lakiin su´aashan
qofkastaa waa iswaydiiyaa. Hees Soomali ah ayaa tidhaa; Maógtahay
curyaankaba cago looma waayine waxaa caynkaa looyidhi in kuwa carara ee
ladani in ay ku Cibro qaataan. Markaa ma´waxaa ilaahay inoo abuuray in
Aduunka dhergay inagu Cimri qaataan (alaahu Acalam, Good knows what).

Hersi M. Labagarre

unread,
Oct 27, 1999, 3:00:00 AM10/27/99
to
Guuled, walaal horta raalli iga ahow, Keyboar-ka ayaa iga hallaysan marka
qaladaad haddaad ku aragto warqaddan isaga dulqaado.
Haddii aan taa ka gudbo, horta ninyahow waxaad tahay nin geesi ah,u
malayn mayn soomaalida maanta joogta in ay ku dhiirran karaan
su'aalaha aad soo jeedisay, heerka aad aqoonta ama tacliinta ka gaartay
anigugaran maayo, laakiin su'aalahaasi waa su'aalo nin caaalim ahi soo
jeedsho.

Haddii aan marka isku dayo in aan su'aashaada ah "maxaad igu
qancinaysaa..." ka jawaabo, jawaabtaydu waa waxba!! maxaa yeelay arrinka
aad sheegtay ee ah in ninna boqor ku dhashay ninna sabool waa wax aan la
fahmayn.

Wadaaddadu waxay dheheen waa qadder eebbe iyo xigmad tiisaa, marka
aniga oo aanan qaderka eebbe iyo xigmaddiisa midna ka horjeedin ayaan
leeyahay, sidii Nabi inraahim yiri markii ilaahey waydiiyay "awaalm
tu'min".

Maarka walaal, haddaan afeefta ka gudubno oo arrinka nuxurkiisa lugaha u
daysano, waxaan leeyahay wax qader iyo xigmad ah meeshaa ma yaallaan ee
waa fursado soo maray qoysaska qaarkood, iyo nasiib darrooyin ku dhacay
qoysaska qaarkood.

Bal hadde walaal warkayga u fiirso, anigu arrinka waxaan ka eegayaa
waaqica nolosha bulshada, qoysaska ladan ama reer boqorka ah, waxaa soo
maray fursado sidaa ka dhigay, qoysaskaasi waxay sidaa ku naqdeen fursado
soo maray dadkii qoysaskaasi ka soo farcameen, waxaa dhacaysa in canug
dhasho, hooyadiis iyo aabbihiis laba qof oo caadi ah bay ahaayeen,
laakiin waxaa laga yaabaa in tuuladiisa uu ku koray, oo asiga oo labaatan
jir ah dagaal ka dhaco tuuladiisa, dabadeedna illee waa nin dhallin yar oo
caafimaad qabee uu dagaalkaas horta u galo oo guul ka soo hooyo, oo
tuulada sidaa ku qabsado, dabadeedna sidaa boqor ku noqdo, carruurtiisuna
ka dhaxasho.

Waxaa tusaale kuu ah qoyska reer boqor ee sacuudiga deggan, awowgood
sacuudkii hore, tuulo ayuu kaaba qabiil ka ahaa, dabadeedna dagaal ba'an
bay u soo galeen xukunka ay hadda haystaan, haddii meeshani waasic tahay
waan kaaga sheekeyn lahaa taariikhdooda oo dhan, si aad u fahamto sababta
keentay in dadka qaarna boqorro noqdaan qaarna sabool noqdaan.

Kuwa saboolka ah, waxaa soo maray duruufo iyo dhacdooyin sidaa ka dhigay,
marka waa wax la fahmi karo labadaa arrimood haddii loo eego si dabiici
ah oo aan ku xirnayn qadder iyo xukun ilaah iwm.

Haddii aad ku xirto qader iyo xigmad eebbe iyo xukunkiis, waxaa fiican
in aadan marnaba arrimahaas baarin, maxaa yeelay wadaaddadu waxay dheheen
iimaanka dhabta ah waxaa la gaaraa marka qofku aamino "laba walxaaato oo
isburrinaysa oo uu arkaayo" tusaale ahaan 1+1 =2 iyo 1+1=3 waa laba
mas'alo oo is burrinaya, maxaa wacay midna waa been midna waa run, kolka
haddii aad awooddo in aad rumaysato in labadooduba sax yihiin adiga oo aan
waxba dhibsan, waxaad gaartay heerka iimaanka ugu sarreeya.

Laakiin haddii aad doonayso in aad wax faagfaagto, waxaa fiican in aad
ka leexatid (qaderka iyo xukunka eebbe iyo wixii ku lugleh oo dhan" aadna
ku sinaatid wixii garaadkaaga iyo waaya aragnimada aadanuhu kuu saamaxaan.


Guleed wrote:

--

Abdi Daud

unread,
Oct 28, 1999, 3:00:00 AM10/28/99
to
>"Hersi M. Labagarre" wuxuu qoray;


.......................


>Marka walaalow, xaqa iyo xaqdarradu waa laba mas'alo oo isla eg, mid midka
>kale u asal ahna ma jiro, mowduucuna waa mowduuc aad u qoto dheer oo
>culumada falsafaduhu aad ugu daaleen baaristiisa.


Walaal labagarre ma jecli inaan kula cidhbiyo laakin waxaa ii muuqaya weedho
iyo waxyaabo aad u odhanayso calaa dhariiqat al caqlaaniyah. Adiga oo iga
iraalli ah, waxaan jeclaan lahaa inaan isla meel dhigno waxa caqliga dadka
qaabeeya. Ma fasaladda reer galbeedkaa, ma cilmiga Mandhigaa oo asalkii ka
yimid Giriigga iwm, ma toor baa, Ma nusuusta Islaamkaa, Ma Islaamkii oo lagu
badhxay reer galbeedkaa iwm iwm.

Waxaan xusuustaa Machadkii la odhan jidhay Alfikri Islaami li aslamatil culuum
ee Waddankan Mareykanka isku daygii uu sameeyay isaga oo ka duulayo caqliga
Cusub!!! iyo aydii uu jiidhay kaddib markii uu taabtay musallamaatka ummadda
Islaamka. Waxaan ogahay in waddama badan Muslimka Ashiya ka mid ah caqlu
tajaarib u noqotay fikradaha ay raggaasi xambaarsanaayeen. Marka walaal aniga
oo ku sii xeel dheeraan fikirka caqlaaniga ah sow kulama fiicna inta waa la
yidhida aannu lisayno inaannu si tartiib ah u laqbayno in xaqu asalku yahay
baadhilkuna dool dooriyay yahay. Waxaan filayaa madaama aad Majeesteer iyo ka
badan ku samaysay diinta Islaamka oo aad ka nabad gashay Madrasada caqlaaniga
ah in Xammaligan Ina Da'ud aadan uga baahnayn inuu soo guuriyo ayaadaha
sheegaya warkaasi.


>
>Baaristu waxay inala aadaysaa "Xaqu" waa maxay, mise jiraan wax "xaq" la
>yiraahdo, haddii uu jirase maxaa lagu gartaa. "Xaqdarraduse" waa maxay?
>maxaase lagu gartaa?

?!!!


>Haddii aad wadaad salafiya tahay, jawaabtu way kula fududdahay oo waxaad
>iska dhehaysaa "Xaqu waa wixii kitaabka ilaahey la yimid" ama "waa magac
>magacyada ilaah ka mid ah" Xaqdarraduna waa wixii intaa khilaafsan.


Walaal waxaan moodayay in cunidda hilibka dadka muslimiinta ay sun tahay oo
aannu meel isla dhignay in aan dadka Islaamka u taagin la yasin. Haddii tii aad
ka baxday waa tala iyo waageeda bal aynu isku soo warcelino. Nin Sheekh ah oo
aan aad u qaddiriyo meelaha uu Faariska ku yahay ayaa yidhi, "Waxaa waa fiqhi
Badawi ah". Is history repeating itself mise sibaa wax kaa noqdeen.


>Laakiin taasi ma aha mas'alada aan ku jirno jawaabteeda, annagu waxaan ka
>hadleynaa xiriirka iyo wadaagga nolosha meesaankooda, culumadu (waxaan ka
>wadaa culumada reer galbeedka siiba falaasifada) waxay dheheen xaqu waa
>wixii wax dheef leh, xaq darraduna waa wixii aan wax dheef lahayn, marka
>miisaankoodu waa "dheefta".
>Laakiin, waxaa laga yaabaa, in "wax" adiga wax kugu teraya aaney aniga wax
>igu terin, taasina waxay keenaysaa in waxaasi adiga "xaq" kuu yihiin
>anigana "xaqdarro" ii yihiin.
>Culumo kalena waxay dheheen, "Xaqu" waa wixii waafaqa "waaqica",
>xaqdarraduna waa wixii aan waaqica la socon, kuwaasina "waaqica ayay qiyaas
>ka dhigteen".


Walaal haddii Alle iyo Rasuulkiisa nabadi iyo naxariis korkiisa ha ahaatee
hadleen, maxaa inoo diiday inaynaan dacal furin. Maxaa noo diiday in warkan ay
raggaasi ku hadaaqeen lagu qiimeeyo kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka?. Haddii
xaqa lagu xaddidi waayo Kitaabka oo uu noqdo fahmi xeel dheer oo baadhis u
baahan!!! caqligeeda reerka u soo haraya?. Haddii hadalka salafka uu noqdo
salafi qaasir ma waxaa dadka loo bidhaaminayaa in hadal tirada (badhilka)
gaalada iyo gaal u yaalka ee maktabadaha ka buuxa jilibka loo laabtaa. Alla
waxa uu yidhi, "Waxaanu xaqa ku gannaa baadhil, dabadeedna wuu xasuuqmaa
baadhilkii....."

>Marka aniga oo aan kugu diidanayn in adduunkan xaqdarro u badanyahay,


>haddana waxaan dacwo ka qabaa in adduunku xaqdarro ku salaysan yahay.


Waa hadal fiican oo naga kaafin lahaa arartaa xajiinta leh ee aad meelaha la
soo martay.


Alla xaqa ha nagu arsuqo.

Ina Da'ud

>Waadna mahadsantahay.
>
>Hersi Labagarre
>
>

Abdi Daud

unread,
Oct 28, 1999, 3:00:00 AM10/28/99
to
>Hersi M. Labagarre" wuxuu qoray:


>Wadaaddadu waxay dheheen waa qadder eebbe iyo xigmad tiisaa, marka
>aniga oo aanan qaderka eebbe iyo xigmaddiisa midna ka horjeedin ayaan
>leeyahay, sidii Nabi inraahim yiri markii ilaahey waydiiyay "awaalm
>tu'min".


?!!!


>Maarka walaal, haddaan afeefta ka gudubno oo arrinka nuxurkiisa lugaha u
>daysano, waxaan leeyahay wax qader iyo xigmad ah meeshaa ma yaallaan ee
>waa fursado soo maray qoysaska qaarkood, iyo nasiib darrooyin ku dhacay
>qoysaska qaarkood.


Ma waxaad leedahay haddii ay fursad timaado way najaxaysaa (u fiirso walaal
hadalkayga). Laba ka rog oo mid kale ku ladh, ma waxaad leedahay Qadarkii Eebe
waxaa ka xoog badan karaarka ay ku lalayso fursaddan ama Qaddarba ka ma jidhin
fursadan lagu qoray fii lawxul maxfuul. Yaa saatir.


>Bal hadde walaal warkayga u fiirso, anigu arrinka waxaan ka eegayaa
>waaqica nolosha bulshada, qoysaska ladan ama reer boqorka ah, waxaa soo
>maray fursado sidaa ka dhigay, qoysaskaasi waxay sidaa ku naqdeen fursado
>soo maray dadkii qoysaskaasi ka soo farcameen, waxaa dhacaysa in canug
>dhasho, hooyadiis iyo aabbihiis laba qof oo caadi ah bay ahaayeen,
>laakiin waxaa laga yaabaa in tuuladiisa uu ku koray, oo asiga oo labaatan
>jir ah dagaal ka dhaco tuuladiisa, dabadeedna illee waa nin dhallin yar oo
>caafimaad qabee uu dagaalkaas horta u galo oo guul ka soo hooyo, oo
>tuulada sidaa ku qabsado,


Walaal warkaadu waa qiyaas macal faariq. Waxaannu haynaa dad iyo dawlado
fursado soo martay oo haddana isku dayay inay ka faa'iidaystaan haddana ku
fashilmay ama badh ku guulaystay ama iyagiiba ku laastay. Fursaddu yaysan
yeelan xukunka qaddarka.


dabadeedna sidaa boqor ku noqdo, carruurtiisuna
>ka dhaxasho.


Kuwa aanan halgan soo marin Sida Ina Siyaad, Marx, Yeltsan iwm oo xukun
qabsaday iyagu sow tusaala weecaya weedhaadu walaal maahan. Sidaa si la mid ah
kuwa halgamay oo ummadda xaq ugu yeedhay sida Alikhwaan haddan koox munaafiqiin
xukunkii ka qabsaday iyagu fursaddii ayaa talada u diidday miyaa?.

>Waxaa tusaale kuu ah qoyska reer boqor ee sacuudiga deggan, awowgood
>sacuudkii hore, tuulo ayuu kaaba qabiil ka ahaa, dabadeedna dagaal ba'an
>bay u soo galeen xukunka ay hadda haystaan, haddii meeshani waasic tahay
>waan kaaga sheekeyn lahaa taariikhdooda oo dhan, si aad u fahamto sababta
>keentay in dadka qaarna boqorro noqdaan qaarna sabool noqdaan.


Waan jeclaan lahaa inaad si kooban noogu sheegto halka ay fursaddoodu ku garab
martay qadarka Eebbe.

>Kuwa saboolka ah, waxaa soo maray duruufo iyo dhacdooyin sidaa ka dhigay,


Halkeey icraabtu ka galayaan kuwa hodanka ahaa ee saboolka noqday iyo kuwa
saboolkaa ahaa oo habeen qudha milyaneerka noqday?. Kuwa caruurta aan lahayn
ama caruurta leh iyagu miisaanka halkay ka degayaan?

>marka waa wax la fahmi karo labadaa arrimood haddii loo eego si dabiici
>ah oo aan ku xirnayn qadder iyo xukun ilaah iwm.


Wagar. Walaal wax dabiici la yidhaa ma jidhaan. Haddii uu jidhana oo uu ka
baxsan yahay qaddarka Eebbe waxay dalbi lahaayeen Carshigii Eebe..... wa
hayhaata. Marka walaal aynu ku ekaanno habka islaamku u eegayo dhacdooyinka
dunida oo dhan.

>Haddii aad ku xirto qader iyo xigmad eebbe iyo xukunkiis, waxaa fiican
>in aadan marnaba arrimahaas baarin,


Arrinta far baa ka taagan. Isku xidhka qaddar Eebe ma ahan waxa la yidhaa
tawaakul ama is dhigashada waa haddaynu isku buug akhrinayo. Walaal inaad
maqashay ayaan u malaynayaa weedhii Cumar Ibnu Khadhaab ee ahayd, "Nafirru min
qaddarillaah ilaa qadari Allah".

Caamiga Soomaaliyeed marka uu quman yahay waxaa uu yidhi, "Naftu orod bay
aaminta", marka uu laqdabada kuusayana oo tidhaa waar waaxidka u tuko waa ka
yidhaa dee Allah hana soo hanuuniyo!!!. Haddii kaa idhaha xun ku tidhaahdo, dee
orodo dhabbada dhex seexo Eebbana waydii inuu ku badbaadiyo inta afka cirkaa u
dhiso ayuu yidhaadaa, waar ma sagagar baad ii malaysay markaan naftayda haarada
ka tuurayo.


>maxaa yeelay wadaaddadu waxay dheheen
>iimaanka dhabta ah waxaa la gaaraa marka qofku aamino "laba walxaaato oo
>isburrinaysa oo uu arkaayo"


Walaal adiga oo qaddarin mudan waxaan jeclaan lahaa in culimada tidhi aad noo
sheegto. Anigu waxaan ogahay kuwa raadka rasuulka wada raacay inayan marnaba
odhan hadalkaasi iyo wax la mid ah.

> tusaale ahaan 1+1 =2 iyo 1+1=3 waa laba
>mas'alo oo is burrinaya, maxaa wacay midna waa been midna waa run, kolka
>haddii aad awooddo in aad rumaysato in labadooduba sax yihiin adiga oo aan
>waxba dhibsan, waxaad gaartay heerka iimaanka ugu sarreeya.


Waar Shiikhow waxaad i xusuusay fiihi qowlaani oo kale oo maalinkii dambe
Sheekhu odhan jidhay markii la waydiiyay Ilaah ma jidhaa mise may? fiihi
qowlaan!! ku jawaabay!!.


Waar waxa iimaanku ku siyaado waxaan filayaa inaad ogtahay ee warjeefkaasi aynu
af jarno. Haddii aynu raacno halbeeggaadu oo aan ogahay halka u ka maaxanayo
waa in mas'alad kasta laba lagu noqdaa, sida Alla waa jidhaa iyo may laysku
cunaa dabadeedna ciddii xujo badisa halkaa u calanka loogu dhiibaa!!. Then,
what a sad world?


>Laakiin haddii aad doonayso in aad wax faagfaagto, waxaa fiican in aad
>ka leexatid (qaderka iyo xukunka eebbe iyo wixii ku lugleh oo dhan" aadna
>ku sinaatid wixii garaadkaaga iyo waaya aragnimada aadanuhu kuu saamaxaan.


Waa tala qadhaadh oo hortaada ay falaasifadii ku le'edeen. Waxaa waddankan laga
yidhaa Karma haddii uu akhriskaygu sax noqdo. Walaal goormaa ayay khibraddu iyo
waaya aragnimadu noqdeen halbeegga nolosha?. Ma sheekadii Humpty dumpty oo
kala?. Haddii aanan lagu kaaftoomin Qadarka Eebe ma waxay kula tahay waaya
aragnimo in ay wax tarayso?. Ok haddii aynu yeelno in Khibaraddu culayskaasi
lagu raro, Khibrada halbeegga nolosha noqoni waa tuma?. Ma tan reer galbeedka
mise tu kale?. Soomali wayn maxay tahay waaya aragnimada uga kordhay
iskhilaafka iyo dal la'aanta?. Is afgarad mise iyo haraamid iyo hadima qodid?.
Qaddar Eebbe haddii laga leexdo wallee waaya iyo waaya aragnimo ayaa tusaala
iyo taya u noqonayn ruux iyo bulshadiisa, goob ceebeedna lagu hayaami.


Ina Da'ud

Guleed

unread,
Oct 28, 1999, 3:00:00 AM10/28/99
to

Salaan Dhamaan!

Aad ayaad u mahadsantahay Mr Hirsi L Fikradahaagii aad soojeedisay.

Waxay ilatahay arinkan aynu dhexgalay waa arin aad iyo aad u adag in
lafahmo. Inkasta oo anan isu arag nin "Mufakir" ah hadana waxaa dhacada
in markasta ay suáalaha qarkood ay maskaxada kawareeriyaan. Sidaad
sheegtayna aynoqonayaan sidatan;1+1= 3. Taasina waxay kasoo horjeeda
waxa loo yaqaan "logic" ama caqli galka.

Suáasha iswaydiinta lehi waxay tahay Dhintu ma "Logic" baa? Waxay
ilatahy sharixiisa Logic in uu Mr Labagare iga caawindoono. Haddii aan
isku dayo in aan sharaxo, waxy ilatahay inuu Loogigu yahay
sawirmaskaxeed kaas oo qofka bilaáadanku isticmaalaayo si´uu uxaliyo
dhibaato markaas lasoo kulantay amaba dhicikarta mustaqbalka. Qaybwayna
waxaa kaqaadanaaya loogiga Qofka waxbarashadiisa ama Bulshada uu ku
noolyahay.

Haddii aan Ninyahow fahmay fikradaadii waxay isugu soo
biyashubatay "Nasiibka ayaa dadka kala saara ee xigmad iyo qadar meesha
mayaalo". Taasi marka laga eego Xaga macquulka waa dhab. Arinkaygii
waxuu ka dhamaanla yahay Diintu ma logicbaa, oo Nasiibku maxuu yahay
Hirsi, Wareer iyo amakaag!

Waxay ilatahay dadbadan oo doonayn in ay fakiraan waxay hadalkan kaga
baxayaan Istaakh furalaah, waar sawkuwa Ragii gaaloobay. Ilama aha ina
aan awooda EEbe waxka shegayo, lakiin waxaan terigaraynayaa in aan wax
fahmo.

Waxay iltahay in aanan halkaa dhaafi karayn ilaa aan ogaado in ay
Diintu logic tahay iyo Inkala, Ilaah ayaa waxkasta og, danbigana
nagadhaaf.

Waxay ilatahay arinkii Demoqraadiyadu in uu xadkii inaga talaabay

Mahadsanid qofkii fikrad haya.

Waad kumahadsatahay wakhtigaaga aad isiisay!

Hersi M. Labagarre

unread,
Oct 29, 1999, 3:00:00 AM10/29/99
to
Adaa mudan Mr Guuleed, waadna ku mahadsantahay fahmada qotada dheer ee
aad muujisay, maxaa yeelay qaladka iyo wareerka dareenkoodu ma sahlana,
wareerku wuxuu la soo gudboonaadaa dadka fikirkoodu fiiqanyahay, oo
dareemikara in meesha mashaakil jiro, haddii uusan qofku ogayn in mashaakil
jiro iyo in kale ama uu mashaakil kasta oo la soo oogaba naga daaya uga
baxo, waa qof allow sahal ah.

Haddii aan kolka walaalow usoo gudbo arrinka aad farta ku mudday, ee ah
"diintu ma caqli baa ama ma logic baa" waxaan taas kaa leeyahay in
culumada muslimiintu laba waaxood ugu kala jabeen arrinkaas, (logic) waxaan
halkan uga jeednaa (caqliga iyo xeerarka uu ku shaqeeyo sida 1+1=2 iyo laba
isburrinaysa meel kuma wada kulmaan iwm, ee ugama jeedno fanka loo yaqaan
logic-ga).

Goortan iyo meeshani inoo saamixi mayaan in aan kuu falaanqeeyo sidii ay ku
dhacday arrintaas, laakiin waxaan tusaale kuugu soo qaadayaa dhowr ka mid
ah culumadaas, rag baadan oo asaxaabta ku jiray sida Cumar Bin al-khataab
iyo ibn Cabbaas, iyo qaar kale oo taabiciin ahaa sida Rabiica iyo Waasil
bin Cataa iyo abii Xaniifa, iyo kuwa kale oo taabici taabiciin ahaa sida
al-muxaasibi iyo Zufar iyo Ibn abii layl, oo dhammaantood fuqaho iyo
mufakiriin isugu jiray waxay aaminsanaayeen in diintu caqli ku
salaysantahay.

Koox kale oo uu u madax yahay Cabullaahi Ibn Cumar, oo uu ka mid yahay,
Maalik, Ibn Xambal, Abii Daauud, ibn siiriin iyo qaar kale, oo markii
dambe ku soo biiray sida shaafici, waxay qabaan in aanan caqligu sharciga
ka mid ahayn, ee uu shaqaale u yahay.

Haddii aad Carabiga ku wanaagsantahay, waxaan kuu tilmaamayaa kitaabka
caanka ah ee uu qoray Cabbul jabbaar, qaalligii qaalliyaasha, waagii
cabbaasiyiinta waa abbaaraha qarnigii shanaad ee hijriyada, kitaabkaas
cinwaankiisu waa "al-usuul al-khamsa" kitaabkaas waligay kuma arag inta
muslimiintu kutub qortay, mid la mid ah, sida uu caqliga u ammaanay. Waxaa
kale oo aad aqrin kartaa kitaabka uu qoray al-muxaasibi (waa axmad ibn
xambal saaxiibkiis) kitaabkaas waxaa la yiraahdaa "fadl al-caql" iyo
kitaabka kale ee uu isla asigu qoray (al-caql wa fahm al-quraan)!!

Haddii aad doonayso in aad aragto qiima darrada caqliga, waxaad aqrisaa
waxyaabihii laga soo weriyay axmad ibn xambal siiba kitaabka uu qoray ibn
al jawsi ee la yiraahdo "manaaqibu imaam axmad" waxaa kale oo aad aqrin
kartaa kitaabka uu qoray sayuuti ee la yiraahdo "sownu al-mandiq" waa
haddii aad doonayso in aad labada kooxood farqiga u dhexeeya aragtid.

Dooni mayn in aan kutubtaas magacyadooda kugu daalsho, inkasta oo aan isku
deyay in aad u soo gaabsho oo aan hal kitaab ama laba sheego, maxaa yeelay
waxaa jira dad aan wax ay rumaysanayaan la arag, oo maskaxdooda waa hore
meel ku qunfulay, si aan waxna uga bixin waxna u gelin, marka haddii aad
tiraahdo waxaas baa waagaas dhacay, oo aysan ayagu kolkaa la socon ama
maqal, waxay kuu qaadanayaan in aad been abuurayso warka, meeshii laga
rabay in ay cilmiga kororsadaan oo wax bartaan.

Marka walaal, runta haddii aan u soo degno, diimaha oo dhan caqli bay ku
salaysanyihiin, wax aan caqli ku salaysnaynna ma jiraan, haddii ay jiraanna
annagu kolley ma garan karno, maxaa yeelay irridka wax inaga soo galaan waa
uun kaas oo qur ah.

Ninkii yiraahda si kale ayaa wax iigu yimaadaan asiga ayay jirtaa, ama waa
nabi loo waxyooday ama malaa'ik, laakiin annagu nabina maahin malaa'ikna
maahin, marka taas horta laabta ku xariiqo, kabacdina hoos u soo deg.

Waxaa laga yaabaa in aad i tiraahdo, oo xersiyow, sow kitaabkan ilaahey
aqoontu inooga imaan mayso ayada oo aan caqli waxba looga baahan? Beentaa
ma aha waadna saxantahay, laakiin cilmiga kitaabka ku soo arooray xaggee
inaga gelayaa, ma maskaxda yada ayuu marayaa mise meel kale oo fahmo ku
jirto yaa jirkeenna ku taalla?

Culumada qaar sida Shaafici ayaa waxay qabaan in qalbigu yahay meesha wax
lagu fahmo, laakiin taas dhaqaatiirta ayaa beenisay, oo caddeeyay in
qalbiga ama wadnaha shaqadiisu tahay shubidda dhiigga, fahmana uusan shaqo
ku lahayn.

Taas waxay kuu caddaynaysaa in waxa aan naqaan oo dhan, jaadkii ay
doonaanba ha ahaadeene ay ka dhasheen caqligeena ama uu caqligu farsameeyay
asiga oo adeegsanaya culuum kale oo dibadda kaga timid sida diinta ama
waxyaabaha kale ee uu waaqica ku arkayo.

Walaal raalli iga ahoow, maaqaalkii wuu dheeraaday, waxaanna ka baqayaa in
dhallinyaradu kahdaan maqaaladaha jaadkan ah, mar kale ayaa isku deyayaa in
aan sharxo habka caqligu ula falgelayo culuumta uu la kulmo, iyo sida uu
culuuntaas ugu takrifalayo oo u weecinayo hadba sidii duruuftiisu tahay
markaas!!

Waad mahadsantahay walaal.


Guleed wrote:

> Salaan Dhamaan!
>
> Aad ayaad u mahadsantahay Mr Hirsi L Fikradahaagii aad soojeedisay.
>
> Waxay ilatahay arinkan aynu dhexgalay waa arin aad iyo aad u adag in
> lafahmo. Inkasta oo anan isu arag nin "Mufakir" ah hadana waxaa dhacada

> in markasta ay suįalaha qarkood ay maskaxada kawareeriyaan. Sidaad


> sheegtayna aynoqonayaan sidatan;1+1= 3. Taasina waxay kasoo horjeeda
> waxa loo yaqaan "logic" ama caqli galka.
>

> Suįasha iswaydiinta lehi waxay tahay Dhintu ma "Logic" baa? Waxay


> ilatahy sharixiisa Logic in uu Mr Labagare iga caawindoono. Haddii aan
> isku dayo in aan sharaxo, waxy ilatahay inuu Loogigu yahay

> sawirmaskaxeed kaas oo qofka bilaįadanku isticmaalaayo si´uu uxaliyo


> dhibaato markaas lasoo kulantay amaba dhicikarta mustaqbalka. Qaybwayna
> waxaa kaqaadanaaya loogiga Qofka waxbarashadiisa ama Bulshada uu ku
> noolyahay.
>
> Haddii aan Ninyahow fahmay fikradaadii waxay isugu soo
> biyashubatay "Nasiibka ayaa dadka kala saara ee xigmad iyo qadar meesha
> mayaalo". Taasi marka laga eego Xaga macquulka waa dhab. Arinkaygii
> waxuu ka dhamaanla yahay Diintu ma logicbaa, oo Nasiibku maxuu yahay
> Hirsi, Wareer iyo amakaag!
>
> Waxay ilatahay dadbadan oo doonayn in ay fakiraan waxay hadalkan kaga
> baxayaan Istaakh furalaah, waar sawkuwa Ragii gaaloobay. Ilama aha ina
> aan awooda EEbe waxka shegayo, lakiin waxaan terigaraynayaa in aan wax
> fahmo.
>
> Waxay iltahay in aanan halkaa dhaafi karayn ilaa aan ogaado in ay
> Diintu logic tahay iyo Inkala, Ilaah ayaa waxkasta og, danbigana
> nagadhaaf.
>
> Waxay ilatahay arinkii Demoqraadiyadu in uu xadkii inaga talaabay
>
> Mahadsanid qofkii fikrad haya.
>
> Waad kumahadsatahay wakhtigaaga aad isiisay!
>

Hersi M. Labagarre

unread,
Oct 29, 1999, 3:00:00 AM10/29/99
to
Walaal adiga oo iga raalli ah maqaalka aan soo qoray wax yar ka hor meesha aan
ibn cabbaas ka iri, waxaan ka wadaa ibn mascuud, afkaa iga dafay ee raalli iga
ahaada, waxaan ujeedaa "cabdullaahi ibn mascuud"

Guleed

unread,
Oct 29, 1999, 3:00:00 AM10/29/99
to

Salaan dhamaan!

Mahadsanid Hirsi. Aad yaan ugu farxay Culimadii aad ii soo sheegtay.
Sidaan arinkan u fahamayna waa arin adag, maadama Culimadii muslimkuba
kukal leexatay. Inkasta oo Carabida berihore iigu danbaysay waan teeri
garayn in aan bugaagtaas mar raadsado,Insha alaah. Runtii waxaan anigu
akhriyay badanaa Ninmanka R.gabeedka ah sida Platon, eristotles iyo
wxm. Aad ayaan u jeclaystay markaa ina aan xaga Muslimiintana kaéega
arinkan. Mahadsanid marlabaad.


Mahadsanid akhriste.

0 new messages