Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Daily Hadeeth

61 views
Skip to first unread message

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 3, 1996, 3:00:00 AM10/3/96
to


------Ahmiyadda u hogaansanka amarada Alle iyo------
kan dadka ugu yeeraya, ama faraya
wax san wax xunna reebaya

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

69. "Waa igu Rabbigaaye ma ayan rumayn (xaqa) jeer ay kuugu yimaadaan
xugminta wixii ay isku qabtaan dabadeedna ku qancaan wixii aad goÕaamiso
wax dhibsi iyo culeys ahna ka gelin, hoggaansamidna hoggaansamaan".
Suuradda An-Nisaa: Aayadda 65.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

70. "Hadalka mu'miniinta (dhabta ah) markii loogu yeero inay Alle iyo
Rasuulkiisu u gar sooraan waa inay yiraahdaan: waan maqleynaa oo
adeeceynaa. Waana kuwaas kuwa iyagu liibaanaya".
Suuradda An-Nuur: Aayadda 51.

168. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) markii ay ku soo
degtey aayaddan: "Alle wuxuu leeyahay waxa cirarka iyo dhulka ku sugan;
Haddii aad muujisaan waxaa maankiinna ku jira iyo haddii aad qarisaanba,
Alle waa idiin xisaabayaa".
Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 248.

Asxaabtiisii aad bay ugu cuslaatay taasi, markaasay aadeen Nebiga (S.C.W.)
oo intay jilbaha ku soo fariisteen, bay waxay ku yiraahdeen; Rasuulkii
Alloow (S.C.W.) waxaa naloo xilsaaray howlo iyo waajibyo aan awoodi karno,
ay ka mid yihiin salaad, jihaad, soon, sako, I.W.M. haatanna waxaa kugu
soo degtey aayaddaan oo aannaan awoodi u lahayn. Wuxuu yiri: "Ma waxaad
rabtaan inaad sidii ehlu kitaabkii idinka horreeyey oo kale tiraahdaan:
Waan maqallay, yeeli meynana? Mayee waxaad tiraahdaan; maqallay, oo
yeellay. ee Rabbiyoow dembi dhaafkaaga na sii, xaggaagaa noqodku
ahaadaye". Markii ay sidii yeeleen oo yiraahdeen baa markiiba Alle wuxuu
soo dejiyey:

"Rasuulku waa rumeeyey wixii xagga Rabbigi looga soo dejiyey, (sidoo kale
bayna yeeleen muÕminiintu. Mid walbaa Alluu rumeeyey iyo MalaaÕigtiisa iyo
Kutubtiisa iyo Rusushiisa_iyagoo leh rusushiisa midna gees u bixinmayno _
waxayna yiraahdeen: waannu maqli, oo yeeli (wax kasta oo aad in farto) ee
(na sii) dambi dhaafkaaga Rabbiyoow, xaggaagaa noqodku ahaadaye" Suuradda
Al-Baqarah: Aayadda 285.

Markii ay sidaas yeeleen buu uga noqday xukunkiisaasi, soona dejiyey
markaa aayadahan: ŅAlle nafna waxayan awood u laheyn ma saaro. Wixii ay
shaqaysato bayna leedahay naf kasta, wixii ay galabsato baana loo
raacanayaa. Rabbiyoow ha noo qaban haddii aan halmaanno ama gefno. (Alle
Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyoow! Culaysna ha na saarin sidii aad kuwii
naga horreeyey u saartay (Alle Wuxuu yiri waa yahay). Rabiyhoow! Wax
aannaan karinna hana saarin (Alle wuxuu yiri waa yahay). Oo na cafi, oo
noo dembi dhaaf, oo noo naxariiso. Adigaa gacalkayagii ahe iyo
gargaaraheenna ee gaalada nooga hiili. (Alle wuxuu yiri waa yahay)
Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 286.
(Muslim)
--
******************************************************************************
"How can ye reject the faith in Allah ? seeing that ye were without life, and
and he gave you life; Then will He cause you to die, and will again bring you
to life and, again to Him will ye return." - Qur`an 2:28 -

Mahmoud Abib

unread,
Oct 4, 1996, 3:00:00 AM10/4/96
to

Salamun Calaykum,


Waa kan haddana 'daily hadith'. Waa yaab! Markuu qof muslim ahi akhriyo
Quraanka, waa inu ogaado in Allahiis yahay macallinkiisa, eeg 55:1-2.
Waa in uu ogaado inay Aayad kasta oo Quraanka ku taalla ka hadlayso
marxaladaha maanta addunka ka taagan, marxalahadaha mustaqbalka iman
doona iyo kuwii inna soo dhaafay.

Markaad u samayso wax la yidhaa 'sabab nusuul' Aayadaha Quraanka, waxad
ka dhigtay buug sheeko xariireed ah.

Sababaha Alleh u soo dejay Quraanka laguma koobi karo 1400 sannadood kar
hor waxii dhacay. Ogow in Quranku yahay buug lagu camal falo maalin
kasta.

Walaal, ogow waxan 'Xadiiska' la yidhaahdaa inu yahay waxa Islam sidaa ka
dhigay maanta. Bal eeg Afghanistan, kuwo isku sheegay Islamic followers
ayaa Kabul qabsaday. Maalintii ugu horraysay xukunkoodii magaalada waxay
ku dhawaaqeen in loo hannuunsanaado diinta Islamka. Waxay ka bilaaben:
1) In dumarka madax iyo mijo la qariyo.
2) In raggu gadh dheer la baxo.

Su'aashu waxay tahay, maadaama aan Allaheen innagu amrin labadaas midna
Quraanka, halkay kala yimaadeen shuruucdan?

Masabidka nabiga halaga daayo. Tuug kastoo gadh dheeri markoo doonayo inu
been baafiyo, Nabigiiba sidaa iyo sidaa laga maqlay ayuu sal uga dhigaa
beentaas. BILAA SHAKI, Xadiisku waa been shaydaanku sameeyay.
Ujeedadiisuna tahay inu ka duufiyo dadka barashada Quraanka.

Shaydaanku wuxu Alleh u ballan qaaday inu duufsan doono BADANKA bani
Adamka. Marku Allaheen na siiyay buug qeexan oo mufasal ah, shaydaanki
wuxu la yimid buug ku dhisan ku tiri ku teen, malo awaal, abu huraira
laga maqlay, ina faciid ayey hooyadii u sheegatay, iwm..

'Alraxmaan, CALLAMA Al-Quraan." 55:1-2.

'Afaqeyra Allahi abtaqi xakaman, wa huwa Al'ladii an'sala ilaykum
AL-KITAAB MUFASAL?..." 6:114.

Allahu Waxdah, Al-Quraan waxdahu.

Salaama Alleh,
Amxamud.


Mahmoud Abib

unread,
Oct 4, 1996, 3:00:00 AM10/4/96
to

Mohamed Hebaan

unread,
Oct 4, 1996, 3:00:00 AM10/4/96
to

Maxamud,

La dagaalanka Islaamku wuxuu soo maray wajiyo kala duwan.
Casrigan aan ku jirnana waxay cadawga Islaamku xooga saareen
laba arrimood:

1) Luminta iyo fidmaynta hooyada Muslimadda ah(Muslim Woman).
Taasoo ujeedadeedu ahayd in marka hore xijaabka olole lagu
qaado oo suuqa laga saaro, dabadeedna la lumiyo akhlaaqda
iyo dhaqanka Islaamiga ah ee hooyada ama gabadha Muslimada
ah. Halkaasna fisqiga iyo fasaadku ay bataan, oo qoyska
Muslimka ahi halkaas ku bur buro, dabadeedna mujtaca Islaamku
halkaas ku burburo. Taasi way hirgali weyday!

2) In la burburiyo masdarka ama saldhiga sharciga ah ee diinta
Islaamka kaasoo ah: Qur'anka, iyo Xadiithka rasuulka(scw).
Si qodobkan labaad loo hirgaliyo, cadawga Islaamku waxay
goosteen in howsha loo fuliyo step by step. Taasoo ah in
marka hore la soo saaro dad yidhaahda annagu Qur'aanka waan
rumaysan nahay. Laakiin waxaan hadalka Ilaahay ahayn oo aan
aqbalaynaa majirto. Axaadiista rasuulkana(scw) lagu furo shaki
iyo been abuurasho.

Dabadeedna marka Axaadiista rasuulka(scw) laga gudbo oo laga
takhaluso, in layidhaahdo Qur'aan??? Sideen ku ogaan karnaa
inuu Qur'aanku run yahay oo rasuulkii laga soo qoray??
Gaba-gabaduna ay noqoto hadal Ilaahay meesha ma yaalo ee
waa khuraafaadkii carabta. Halkaasna albaabada loogu xidho
diintii Islaamka ee dunida kiristaanku si kale ku burburin
weyday. Arrintanina way hirgali weyday!!

Marka Maxamudow, sheekadan aad la timid ma aha mid cusub!
Waa mid soo socotay GENERATIONS oo rag badan iyo kooxo fara
badan oo kala duwani ay naf iyo maalba u hureen, laakiin way
ku tacab khasaareen. kolka haddii intaad sheekadan maqashay,
maskaxdana lagaa soo xaday aad hadda lasoo carartay oo aad
mooday wax cusub 'Shalaad dhalataye, waa la shubi jiray!!!!'

Markii ugu horaysay ee aad maqaalkaagii C/qaadir u qortay
ujeedadaadu caddaan ayay ahayd. Laakiin nin Somaliyeed ayaa
ku daafacay, hadalkaagiina ka fiiriyay dhinaca ugu fiican.
Arrintaasna wuu ku saxsanaa, waayo waxaa la yidhi 'kaadi badane
waa loo gogol badiyaa'.

Laakiin maanta wajigaagii banaanka ayaad soo dhigtay, waxaadna
qiratay inaadan Muslim ahayn, kol haddii aad axaadiistii rasuulka
(scw) si qayaxan u inkirtay.

You have exposed yourself. Thanks for coming out!!!

Maxamed Hebaan

Yassin H Abdullahi

unread,
Oct 4, 1996, 3:00:00 AM10/4/96
to

Mahmoud Abib wrote:
>
> Salamun Calaykum,

Wacalaykuma Salaam Mahmoud Abib

>
> Waa kan haddana 'daily hadith'. Waa yaab! Markuu qof muslim ahi akhriyo
> Quraanka, waa inu ogaado in Allahiis yahay macallinkiisa, eeg 55:1-2.
> Waa in uu ogaado inay Aayad kasta oo Quraanka ku taalla ka hadlayso
> marxaladaha maanta addunka ka taagan, marxalahadaha mustaqbalka iman
> doona iyo kuwii inna soo dhaafay.

Taasi waa wax qofkastoo sifati iimaan leh oo muslim ahi inuu ogaado ah
waa masuuliyad muuminiinta oo dhan guudka ka saaran. In kastoo xiligan
maanta lagu sugan yahay muuminkii iyo munaafiqii aan la kala garanayn.


>
> Markaad u samayso wax la yidhaa 'sabab nusuul' Aayadaha Quraanka, waxad
> ka dhigtay buug sheeko xariireed ah.
>
> Sababaha Alleh u soo dejay Quraanka laguma koobi karo 1400 sannadood kar
> hor waxii dhacay. Ogow in Quranku yahay buug lagu camal falo maalin
> kasta.
>
> Walaal, ogow waxan 'Xadiiska' la yidhaahdaa inu yahay waxa Islam sidaa ka
> dhigay maanta.

Mahmoud Abib, Xadiisku ma ruuxbaa? mise waa wax laga soo weriyey
Nebigeenii (SCW) suubanaa? Markaa leedahay dadkuu isku diraa xadiiska
ayaad meel kaga dhacaysaa, Xadiisku namiimiye iyo naaraa afuuf dadka ku
dhex jira oo u kala dab-qaada maaha. Hadba waa nuxurka aad adigu aad
kala baxdo.
Adiguse Mahmoud ahaan wax daliil ah ma haysaa oo aad leedahay halagaga
takhaluso Axaadiista? Mise mufti caalim ah oo aqoon weyn diinta u leh
baad tahay? Weligey ma arag qof yidhaahda Xadiis oo dhan ha la qubo
adiga ka horow. Culumaada ugu waaweyn caalamul Islaam ee
Yussuf Al-Qardaawi iyo faciisu ka mid yihiin kama maqal. Waa jirtaa in
la yidhaahdo xadiiskaasi waa naaqus laakiin guud ahaan xaadiis waa
diradiraale waa ii adiga iyo kow. Ma mad-hab cusubaa? ma dardaarankii
Nebigaa (SCW), ma aayada odhanayaad haysaa?


>Bal eeg Afghanistan, kuwo isku sheegay Islamic followers
> ayaa Kabul qabsaday. Maalintii ugu horraysay xukunkoodii magaalada waxay
> ku dhawaaqeen in loo hannuunsanaado diinta Islamka. Waxay ka bilaaben:
> 1) In dumarka madax iyo mijo la qariyo.
> 2) In raggu gadh dheer la baxo.
>
> Su'aashu waxay tahay, maadaama aan Allaheen innagu amrin labadaas midna
> Quraanka, halkay kala yimaadeen shuruucdan?

Mahmoud, kitaabka aad akhridaa ka suurati Fatixa ugu horayso suurati
Naasna ugu danbayso ma yahay mise waa mid hor leh oo cusub?
Mahmoudoow walaal xijaabka dumarku kuturikuteen maaha, wax Afghanistan
samaysatayna maaha, wax carab ka yimina maaha, wax aad adigu masabidi
kartidana maaha. Suurati Axsaab ayaan u malaynayaa ayadeeda 58aad inay
ahayd ayaada si buuxda uga waramaysa Xijaabku inuu waajib haweenka ku
yahay muuminiinta ah oo aanu sune ahayn ee faral dushooda ah yahay. ha
dafirin ee Ilaahay u toobadkeen quraanku dhayal-dhayal waa ka weyn
yahaye.
Gadhka la bixidiisu waa arin kale.

>
> Masabidka nabiga halaga daayo. Tuug kastoo gadh dheeri markoo doonayo inu
> been baafiyo, Nabigiiba sidaa iyo sidaa laga maqlay ayuu sal uga dhigaa
> beentaas. BILAA SHAKI, Xadiisku waa been shaydaanku sameeyay.
> Ujeedadiisuna tahay inu ka duufiyo dadka barashada Quraanka.

Daliil baa loo baahan yahay Mahmoud. Xadiiska iyo adige kee wax
duufsanaya?



>
> Shaydaanku wuxu Alleh u ballan qaaday inu duufsan doono BADANKA bani
> Adamka. Marku Allaheen na siiyay buug qeexan oo mufasal ah, shaydaanki
> wuxu la yimid buug ku dhisan ku tiri ku teen, malo awaal, abu huraira
> laga maqlay, ina faciid ayey hooyadii u sheegatay, iwm..
>

Shaydaanku waa runtaa oo dad door ah waa duufsan doona ee bal adiguna
Mahmoud iska jir... :-)


> 'Alraxmaan, CALLAMA Al-Quraan." 55:1-2.
>
> 'Afaqeyra Allahi abtaqi xakaman, wa huwa Al'ladii an'sala ilaykum
> AL-KITAAB MUFASAL?..." 6:114.
>
> Allahu Waxdah, Al-Quraan waxdahu.
>
> Salaama Alleh,
> Amxamud.

Diinta aqoon uma lihi ee wixii intaa dhaafsiisan culimaada kala dood.

Amaano Allah

Yassin

Mahmoud Abib

unread,
Oct 5, 1996, 3:00:00 AM10/5/96
to

Yassin H Abdullahi <ayha...@utk.edu> wrote:

>>Diinta aqoon uma lihi ee wixii intaa dhaafsiisan culimaada kala dood.

Precisely! This is the root of our problem. 'Culimada bal weydii'?
Quraanka maanta af kastoo adduunkan laga hadlo wa loo turjimay.
Maxaa ka dhigay barashadiisa wax culimo lala kaashado?

Maxaad iila doodaysaa haddii aqoon diineedkaaguba magan u yahay
'culimada'? Allahaaga iyo Quraanku ma waanay kugu fillayn?
Study it, reflect and take heed.

Amaano Allah
Maxamud.


faisal hassan

unread,
Oct 5, 1996, 3:00:00 AM10/5/96
to


On 5 Oct 1996, Mahmoud Abib wrote:

>
> Precisely! This is the root of our problem. 'Culimada bal weydii'?
> Quraanka maanta af kastoo adduunkan laga hadlo wa loo turjimay.
> Maxaa ka dhigay barashadiisa wax culimo lala kaashado?

Mudane Maxamuud:

Libaax. Culimada Soomaaliyeed Ma aynaan doonayn in ay dadka diinta
baraan. Maxaa yeelay, diinta waxa ay u istecmaali jireen amaba ay wali u
istecmaalaan 'dhagaale ahaan'. Haddii aad baadiqoobtid aadna dib ugu
noqotid dadka wadaadada ah ee wadankeena ay soo saartay. Intooda badani
waxa ay ahayd mid ku salaysan 'Xafidaad keliya'. Markaa, waxa ay ka
dhadhicin jireen dadka badankiisa in ay iyagu ay u shaqaynayaa 'Eebe'.
Sidaa daraadeedna ay ahayd in lacag ama xoolaba la siiyo si ay dadka
diinta u baraan. Waa runtaa, Quraanka ayaa ah erayadii Eebe! Markaa waa
in aynu baranaa Quranka. Aynuna ku baranaa af-keena 'hooyo'

Iminka waxa aan sheeko igu soo gaartay in la turjumay Quraankii laguna
turjumay af-keena hooyo. Haddii ay taasi ay runtay waa guul. Laakiin,
wali ma'aan hubo, walaal. Oo wali ma'aan arag-hadalkuse isoo gaar.

Sababata loo turjumayna waxa ay tahay: Soomaalida Gaalada noqotay ayaa
turjumay 'biblekooda' oo ku doodayay eega waa hadalkii Eebe oo ku qoran
afkiinii hooyo. Hooya oo akhrista.

Markaa waa in aynu caruurteena ku bartaa Quranka afkeena hooyo. Waa
haddii aniga wax la iga maqlayo.
Nabad
faisal hassan.

Mahmoud Abib

unread,
Oct 6, 1996, 3:00:00 AM10/6/96
to

faisal hassan <fha...@callisto.uwinnipeg.ca> wrote:

>Iminka waxa aan sheeko igu soo gaartay in la turjumay Quraankii laguna
>turjumay af-keena hooyo. Haddii ay taasi ay runtay waa guul. Laakiin,
>wali ma'aan hubo, walaal. Oo wali ma'aan arag-hadalkuse isoo gaar.

Waxan halkan ku hayaa Quraan ku turjiman Af-somali oo uu turjumay
Sheikh Maxamud Maxamed Cabdi. Waxan hayaa saddex koobi, I will be glad
to send you a copy free of charge. E-mail me your address if you wish.


Nabadgelyo,
Maxamud.


Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 7, 1996, 3:00:00 AM10/7/96
to

-------Bidcooyinka iyo arrimaha lagu soo dirriyo-------
diinta waa xaaraan reebban

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

71. "Xaq maxaa ka soo hara oo aan baadinnimo ahayn" Suuradda Yuunis:
Aayadda 32.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

72. "Kitaabka (Looxa maxfuudka) waxba kuma aannu dhaafin" Suuradda
Al-Ancaam: Aayadda 38.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

73. "Haddii aad wax isku qabataan u celiya Alle iyo Rasuulka (yacni u
bandhiga Qur'aanka iyo sunnada)". Suuradda. An-Nisaa: Aayadda 59.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

74. "Jidkaygii oo toosan wakaase raaca, jidad kale ha raacina yaysan
jidkiisa idinka dhumine". Suuradda Al-Ancaam: Aayadda 153.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

75. "Ku dheh (Muxammadow, S.C.W. dadka) haddii aad Alle jeceshihiin i soo
raaca Alle waa idin jeclaanayaa oo idiin dambi dhaafayaaye".
Suuradda Aali-Cimraan 31.

169. Caa'isha (A.K.R.) Waxay tiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Haddii uu
qof isku dayo inuu ku soo daro arrinkayagaan (diinta Islaamka) waxaan ka
mid aheyn, waa in lagu diiddaa (qofka bidcidaa la yimidna waa in la
ceebeeya, oo la dhaleeceeyaa (haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga
waaniyo oo xaqa loo caddeeyo)".
(Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Muslim ku taal waxay ahayd: "Haddii uu qof keeno ama falo
wax arrinkayaga (diinta Islaamka) ka baxsan, oo aan anigu jideyn, waa in
lagu diidaa (oo waa in qofkaa ka masŐuulka ah ama bidcadaa wata la
ceebeeyaa, haddii uu ku sii socdo kaddib markii laga waaniyo oo xaqa loo
caddeeyo)".
(Bukhaari iyo Muslim)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 8, 1996, 3:00:00 AM10/8/96
to

170. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markii uu nebigu (S.C.W.) uu inoo
khudbaynayo indhahaa gaduudan jirey, codkiisana kor buu ahaan jiray,
waxaadna moodi jirtey sida inuu inooga digayo col innagu soo food leh.
Wuxuu oran jiray: War cadowgii wuxuu idin soo hayaa subaxan, ama cadowga
wuxuu xaggiina u soo dhiitinayaa fiidkii. Wuxuu kaloo oran jirey: Soo
diriddaydii iyo soo bixinta Saacadda waa laba wada socda oo isugu
lammaanan sida labadayda farood (intuu far dhexaadda iyo murugsatada isku
lammaaniyey) Dabadeedna wuxuu oran jirey, intaas kaddib, hadal waxaa ugu
sita kitaabka Alle, hanuunna waxaa ugu sita hanuunkii Muxammad (S.C.W.)
arrimahana waxaa ugu shar badan in arrimo cusub lagu daro caqiidada
Islaamka iyo iimaanka iyo guud ahaan waxa lagu daro diinta oo aan ka mid
aheyn ee bidcada ah. Bidcid kastaana waa baadi iyo habow. Dabadeedna wuxuu
oran jirey; Anigaa muÕmin walba naftiisa ka xiga (yacni waxaan ahay kheyr
iyo samaan la doone muslimiinta) (Sidaa daraaddeed) Haddii uu qof muslim
ah ka tago xoogaa hanti ah waxaa leh dadkiisa. Haddii uu dhinta oo uu ka
tagaana deymo iyo carruur dayacan anigaa u xilsaaran, oo dusha u dhiganaya
bixinta deymahiisa iyo daryeelka carruurtiisa.
(Muslim)

Fiiro gaar ah:
Wuxuu yiri Qaadi Ciyaadh qofkii curiya ama keena isagoo ka mid dhigaya
Islaamka arrin cusub aan ku jirin QurÕaanka iyo sunnaha nabiga (S.C.W.)
waa in la dhaleeceeyaa (ama loo arkaa khaaÕin ka noqday diintii) Waayo
diinta Islaamka waa ebyan tahay oo ka dhan tahay dhinac kasta, mana jirto
baahi in wax lagu soo dirriyaa ah, hadday tahay siyaadin ama naaqusin.
Sidaa awgeed, qofka taa isku dayaya waa qof doonaya inuu keeno oo ku soo
daro shareecada wax xun oo aan ciribtooda la mahadin doonin.

Iimaanku wuxuu ku kooban yahay in la rumeeyo oo la raaco waxyiga Ilaahiga
ah, iyo sunnaha iyo dhaqanka nabiga (S.C.W.) iyo asxaabtiisa. Sidaa awgeed
qofka sidaa ah (ee doonayo inuu wax ku daro mabaadida diinta iyo
qodobbadeeda ama wax ka naaqusiyo ee sidaa ula kaca u yeelaya) waa in loo
arkaa qofkaa qof Islaamkii khaaÕimayo oo luggooyo la doonaya muslimiinta.
Intaanan tillaabada ku habboon laga qaadinna waxaa wanaagsan in loo caqli
celiyo oo loo naseexeeyo, xaqa loo caddeeyo, jahliga laga saaro, intaa
kaddib haddii uu ku sii adkeysto fidinta bidcada iyo hirgelinteeda waa in
mowqaf cad laga istaagaa oo dadka looga digaa.

faisal hassan

unread,
Oct 8, 1996, 3:00:00 AM10/8/96
to

>
> Waxan halkan ku hayaa Quraan ku turjiman Af-somali oo uu turjumay
> Sheikh Maxamud Maxamed Cabdi. Waxan hayaa saddex koobi, I will be glad
> to send you a copy free of charge. E-mail me your address if you wish.
>
>
> Nabadgelyo,
> Maxamud.

Mudane Maxamuud:

Haa, walaal aad ayaan ugu baahnahay. Waadna ku mahadsantahay. Aniga ayaa
kuu soo qori doona halka aniga la iga helo.
Waad ku mahadsan tahay. Waxa aan filayaa in Sheikh Maxamud Maxamed cabdi
uu qabtay shaqo aad iyo aad u muhiim ah. Halkaa waxa ka cad in ay jiraan
wadaado ku mash_quulsan sidii ay dadkeena wax u bari lahaayeen. Inkastoo,
ay jiraa kuwo sheeganaya wadaadnimo dadkana baabi'inaya. Mar labaad,
walaal aad iyo aad ayaan kuugu mahadnagayaa, waadna ku mahadsantahay.
Nabad
faisal hassan.

Mahmoud Abib

unread,
Oct 9, 1996, 3:00:00 AM10/9/96
to

Abdulkadir, waxa tidhi:

<<170. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markii uu nebigu (S.C.W.) uu inoo
khudbaynayo indhahaa gaduudan jirey, codkiisana kor buu ahaan jiray,
waxaadna moodi jirtey sida inuu inooga digayo col innagu soo food leh.>>

Who is Jaabir? When did he reported this hadith? Who else was present
and saw the prophet's "red eyes?" And finally, did you ask yourself
why his eyes were getting red? Telling people to worship Allah Alone
and follow Quran Alone is extremely difficult task. Ask me,
my fingures are turning 'red' from banging this keyboard!


<<Wuxuu oran jiray: War cadowgii wuxuu idin soo hayaa subaxan, ama cadowga
wuxuu xaggiina u soo dhiitinayaa fiidkii. Wuxuu kaloo oran jirey: Soo
diriddaydii iyo soo bixinta Saacadda waa laba wada socda oo isugu
lammaanan sida labadayda farood (intuu far dhexaadda iyo murugsatada isku
lammaaniyey)>>

Nothing new. Allah already reported this in the Quran. Muhamad (scw) was
the final prophet and Quran is the final revelation. And what will
follow this event could only be the end of the world.



<<Dabadeedna wuxuu oran jirey, intaas kaddib, hadal waxaa ugu
sita kitaabka Alle, hanuunna waxaa ugu sita hanuunkii Muxammad (S.C.W.)>>

This is pure idolatory. Every messenger of Allah brought the same
hanuun for mankind, "Worship Allahu waxdahu." To say prophet Muhammad's
hanuun was the 'best' is making DISTINCTION between Allah's messengers,
hence, violating this Quranic verse where a muslim say:
"...We make no DISTINCTION among any of Allah's MESSENGERS. And they
proclaim: "We hear and we obey. Forgive us Rabbana, to you
is the ultimate destiny." 2:285


<<arrimahana waxaa ugu shar badan in arrimo cusub lagu daro caqiidada
Islaamka iyo iimaanka iyo guud ahaan waxa lagu daro diinta oo aan ka mid
aheyn ee bidcada ah.>>

I see this as skillful attempt of freezing any new knowledge.
But unfortuntely, Satan succeeded in adding thousands of man-made
innovations which are attributed to Prophet Muhammad into the
caqiida of Islam and iimaanka guud already.

<<Bidcid kastaana waa baadi iyo habow.>>

It sure is. And that is why if Prophet Muhammad came down to earth
today, he will not recognize Islam. He will certainly be very disappointed.
His disappointments are recorded in the Quran already. Look what he will
say on the Day of Judgement:
"The messenger said, "My Lord, my people have DESERTED THIS QURAN."
25:30
Did you wonder why he said only QURAN? How come he didn't say they abandon
Hadith and Sunnah. The answer is obvious, the majority of muslims don't
study the Quran, and the rest seek understanding from man-made hadith and
sunnah along side Quran.

<<Dabadeedna wuxuu oran jirey; Anigaa muÕmin walba naftiisa ka xiga (yacni

waxaan ahay kheyriyo samaan la doone muslimiinta) (Sidaa daraaddeed)

Haddii uu qof muslim ah ka tago xoogaa hanti ah waxaa leh dadkiisa.
Haddii uu dhinta oo uu ka tagaana deymo iyo carruur dayacan anigaa
u xilsaaran, oo dusha u dhiganaya bixinta deymahiisa iyo daryeelka
carruurtiisa.>>

I have no clue what the fabricators were trying to say here.
You see, the Quran are the words of Allah. It has no redundancy
and/or ambiguity. On the otherhand, Hadith manufacturers often forget
to debug their lies. Forexample, Allah Subxaan wa tacala said:

"The adulteress and the adulterer you shall whip each of them a hundred
lashes..." 24:2.

And in Sura Al-nisaa (4) verse 25, he said that if slave commits an adultery
you shall punish them HALF of that for the free. And we know the punishment
for the free is detailed in 24:2.

Well, the Hadithist said that the prophet said, "Stone to death anyone
who commits adultery." We have a problem, if we kill the free man and woman
who commit adultery, what is half of death penalty for the slave?


Allaheen wadada toosan hannugu toosiyo.

Maca salaama,
Maxamud.


Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 9, 1996, 3:00:00 AM10/9/96
to

Qof walbaa wixii uu jideeyo buu leeyahay

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

76. ŅIyo kuwa yiraahda: Rabbiyow ubadkayaga iyo afooyinkayaga ilqabowsi
naga sii, Tusaale wacanna innaga dhig ay ku daydaan kuwo xaqa raaca
xumahana iska dhowraÓ. Suuradda Al-Furqaan: Aayadda 24.


Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

77. ŅWaxaan ka dhignay (nebiyadii iyo saalixiinta) madax amarkayaga wax ku
hanuuniyaÓ Suuradda Al-Anbiyaa: Aayadda 73.

171. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: ŅWaxaynu joognay oo xaadir
ka aheyn kulan uu innagu wehliyey nebiga (S.C.W.) maalin goor Duhur aheyd.
Waxaa noo yimid dad aad u arradan oo wax jeex jeexan qaba oo seefo sita oo
reer Mudar badankoodu yahay ama wad ahaaba. Markaasaa nebigu (S.C.W.)
surrucaaday waxa faqri ka muuqanaya awgeed. Markaasuu inta soo kacay oo
qolkiisa aaday buu haddaana soo baxay oo Bilaal wuxuu faray inuu addimo
waayo waxay aheyd waqtigii salaadda, inta na tujiyey nabigu (S.C.W.) buu
khudbad jeediyey oo yiri: War dadoow dhowra oo ilaaliya xilka iyo
waajibkuu Alle idin saaray, Allahaa oo naf keliya idinka abuuray (Aadam),
iyadiina afadeeda ka abuuray (Xaawo) oo labadooda ka firdhiyey rag tira
badan iyo haweenba. Allena ka cabsada, kan aad weydiisataan xuquuqdiinna,
oo riximka ha goynina. Alle waa idin eegahayaayeÓ.
Suuradda An-Nisaa: Aayadda 1.

Kaddibna wuxuu akhriyey aayad kale oo ku jirta suuradda Al-Xashar ee ah:

ŅKuwa xaqa rumeeyoow! Dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idiin saaray. oo
nafi ha fiiriso waxay berito (qiyaamaha) u hor marsatay Allana ka cabsada.
Alle waxa aad faleysaan waa ka warqabaayeÓ.
Suuradda Al-Xashar: Aayadda 18.

Markaa kaddib nabigu (S.C.W.) wuxuu faray nin walbaa oo dadkii salaadda
joogay ka mid ahaa inuu wax ku sadaqaysto dadkaa qofba wixii uu heli karo,
hadday Diinaar tahay, Dirham, Dhar, Bur, Timir, ilaa uu gaarsiiyey xabad
timir ah jeexeedba Allaha ka dhigoÕe. Markay maqleen taa baa Nin ansaar ka
mid ah wuxuu keenay kolay culayskiisa uu qaadi la yahay, kaddibna dadkii
baa iska daba yimid, ilaa wixii la isu keenay ay gaareen laba tuur oo dhar
iyo cunto ah. Markaa baa waxaan arkay wejigii Nebigoo (S.C.W.) oo u ifaya
una dhalaalaya sida dahab oo kale.

Wuxuu markaas Nebigu (S.C.W.) yiri: ŅQofkii diinta islaamka dhexdeeda
jideeya wax khayr ah, wuxuu leeyahay ajarka waxaas iyo ajarka cid Alla
ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba
laga nusqaaminahayn. Qofkii diinta Islaamka dhexdeeda wax xun jideeyana
wuxuu leeyahay ciqaabta dembigaa, waana loo ciqaabi sidoo kale cid Alla
ciddii waxaas ku dhaqanta isaga dabadi, iyadoo aan iyagana waxba laga
nusqaaminahayn dambiga ay galeen, iyo ciqaabta u dhiganÓ.

(Muslim)

172. Ibn Mascuud (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ŅNaf
kasta oo xaqdarro lagu dilo dembigeeda waxbuu ku leeyahay ina Aadankii ugu
horeeyey (Qaabiil) , maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo dilka
jideeyey, markuu dilay walaalkiis (Haabiil)Ó.
(Bukhaari iyo Muslim)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 10, 1996, 3:00:00 AM10/10/96
to

----------- Khayr isugu yeeridda, iyo xaalka kii kheyr ---------
jideeya ama xumaan horseeda

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

78. "Ugu yeer (dadka) xagga Rabbigaa". Suuradda: Al-Qasas: Aayadda 87.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

79. "Ugu yeer jidka Rabbigaa si xigmad iyo waano wanaagsan leh".
Suuradda An-Naxal: Aayadda 125.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

80. "Isu kaalmaysta samaanta iyo ilaalinta xilka iyo arrimaha Alle
waajibiyey". Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

81. "Ha idinku jireen dad khayrka wax ugu yeera". Suuradda Aali-Cimraan:
Aayadda 104.

173. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Ansari Al-Badri (A.K.R.) Wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii khayr dadka tusaa kii falaa ajarka uu
heli mid la mida baa loo dhigi".
(Muslim)

174. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
"Qofkii dadka hanuun ugu yeeraa wuxuu leeyahay ajarka ay leeyihiin oo kale
wixii isaga raaca ee samaha fala; iyadoo aan iyagana ajarkooda waxba laga
nusqaamin. Sidaa oo kale qofkii dadka habow ugu yeeraa wuxuu leeyahay
ciqaabta iyo dembiga ay leeyihiin wixii isaga raaca iyadoo aan waxba laga
nusqaaminayn ciqaabta ay leeyihiin iyana ee dambigaa la xiriira".

(Muslim)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 11, 1996, 3:00:00 AM10/11/96
to


175. Abuu Cabaas Sahal ibn Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Intaan dagaalka la
qaadin maalintii Khaybar nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒBerri waxaan calanka
u dhiibayaa nin Alle guusha siin doono oo jecel Alle iyo Rasuulkiisaba,
Alle iyo Rasuulkiisuna jecel yihiin. Habeenkii oo dhan baa la isla lahaa
talow yaa loo dhiibi doonaa calanka. Markii uu waagii baryey baa Nebigii
(S.C.W.) loo jarmaaday iyadoo nin walbaa is leeyahay adigaa lagu siinayaa.
Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Mee Cali bin abii Daalib? waxaa loo sheegay in
indhahu xanuunayaan. Nabigu (S.C.W.) wuxuu dadkii faray in loo cid diraa.
Markii uu yimid, buu rasuulkii Alle indhah kaga tufay oo u duceeyey;
markaasaa xanuunkii ka baÕay. Markaa buu rasuulkii Alle u dhiibay
calankii. Wuxuu yiri Cali (A.K.R.): Nebi Alloow dagaalka ma aan ku wadayaa
jeer ay muslim noqdaan innagoo kale ah? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay
: tag adigoo ku socda orodkaaga caadiga ah illaa aad ka gaartid meel ku
dhow carrigooda markaana ugu yeer inay Islaamka qaataan oo u sheeg waxa ay
diinta fareyso oo uu ku waajib yeelay Alle. Waxaan ku dhaaran Alle, Xitaa
haddii Alle dartaa hal qof keliya ku soo hanuuniyaa, taa baa wax badan
kaaga wanaagsan oo kuu dhaanta tiro dhan oo aad qayb u yeelato oo geel
gadgaduudan ah (halo geel oo qaali ah).
(Bukhaari iyo Muslim)

176. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin dhallinyaro ah oo ka tirsan qabiilka
Aslam baa u yimid nebiga (S.C.W.) oo ku yiri: Rasuulkii Alloow, Waxaan
doonayaa inaan ka qayb qaato jihaadka, wax aan ku diyaar goroobana ma
heysto oo qalab iyo hub ah (aan jihaadka ugala qayb galo). ÔNabigu
(S.C.W.) wuxuu yiri: "U tag hebel, wuxuu u sameeyey diyaargaroob dhan
jihaadka, waase bukooday. Ninkii dhallinyarada ahaa wuxuu u tegey ninkan
loo sheegay oo yiri: Nebigii Alle waa uu ku soo salaamayey wuxuuna ku soo
faray inaad i siiso wixii aad ku diyaar garowdey ood jihaadka ugu tala
gashay. Wuxuu ninkii faray xaaskiisa inay siiso qalabkiisii oo dhan uu
jihaadka ugu tala galay ninkaa dhallinyarada ah oo ay waxba ka reebin.
Alle baan ku dhaaran, Haddii aadan la harin waxba, Alle barako iyo kheyr
buu ku siin falkaasi awgi."
(Muslim)

Isu kaashiga kheyrka iyo sama falka
-------------------------------------

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

82. "Isu kaashada ilaalinta iyo dhowrista xilka Alle idin saaray iyo
samaan falidda". Suuradda Al-Maa'idah: Aayadda 2.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

83. "Waayahaan ku dhaartaye Aadanuhu khasaaruu ku sugan yahay kuwa xaqa
rumeeyey ma ahee oo camalka wanaagsan falay, oo xaqa isu dardaarmay,
samirkana isu dardaarmay". Suuradda Al-Casar 1-2.

177. Abuu Cabdur Raxmaan Zayd ibn Khaalid al-Juhani (A.K.R.) wuxuu yiri:
Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Ninkii diyaariya oo qalabeeya nin mujaahid ah
oo dar Alle u jihaadaya waa sida isagoo jihaadkii ka qayb galay (oo u
diriray Alle darti) ninkii daryeela oo dhaqaaleeyana nin mujaahid ah oo
Alle darti jihaad ugu maqan reerkiisii oo u sii hayaa waa sida nin isagu
jihaadkii ka qayb qaatay, oo diriray".
(Bukhaari iyo Muslim)

178. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u
diray qolo dagaalyahanno ah inay dagaal jihaad ah ku qaadaan qabiil la
yiraahdo Banii Laxyaan oo ka tirsan reer Hudeyl wuxuuna ku yiri nimankii
dagaalyahannada uu u dirayey qoladaa: Labadii ninba waa inuu mid isu
diyaariyaa inuu jihaadkaa aado oo ka qayb galo. Laakiin labaduba waxay
leeyihiin ajar isku mid ah".

Saciid Binu Max'ud Binu Max'ed

unread,
Oct 14, 1996, 3:00:00 AM10/14/96
to

Mahmoud Abib <eb7...@goodnet.com> wrote:

>Abdulkadir, waxa tidhi:

><<170. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markii uu nebigu (S.C.W.) uu inoo
>khudbaynayo indhahaa gaduudan jirey, codkiisana kor buu ahaan jiray,
>waxaadna moodi jirtey sida inuu inooga digayo col innagu soo food leh.>>

>Who is Jaabir? When did he reported this hadith? Who else was present
>and saw the prophet's "red eyes?" And finally, did you ask yourself
>why his eyes were getting red? Telling people to worship Allah Alone
>and follow Quran Alone is extremely difficult task. Ask me,
>my fingures are turning 'red' from banging this keyboard!
>

Ina Abiib

Loolan fikradeed oo maanduubid ah baad waayahan waday. Anaa
tubta lagu badbaadayo haya ee wixii hore quba ayaad indhaha nagala
eegataa. Masabidka weedhaha laga sugay Suubanuhu arrin ugub ma aha.
Hore ayaa falaago aad isku jab tihiin lafagurkoodu u dhacay . Haddii
aad ku cusub tahay "kooxaha quraalayda", jidbadda iyo qiirada
badanaa ka dhalata maanka laalaada oo ku kabmin laaca beerqaaday yey
kula duulin. Habsami iyo hannaan waaya-arag ruugcadaa ah oo
micimaraaraale ah doodiisaanu filaynaa. I jiid aan ku jiidee waa
gacma daalis.
Asxaabigaa ma taqaan? iyo yaa la joogay? iyo xadiiska yaa sugay? waa
weydiimo aan dhib lahayn haddii wax kala qaadasho ujeedadu tahay.
Haddii aanay saa ahaynse, adna in Abiibow haddaanu baalashaada kugula
duulno, "Quraanka" aad ku yoto'aday yaa kuu soo gudbiyey? xaggee laga
qoray? ragga qoray sidee ugu kalsoontahay? yaa ku yidhi run bay
sheegayeen? Waad ogtahay oo ammintii nebiga waxyiga laga qori jiray in
aan quraanka dhamaantii meel ku wada sugnayn. Sababihii dhaliyey
urrurintiisa iyo asxaabaddii loo saaray waad akhridaan filayaa. sidee
quraankana looga qaataa xaddiiska sugan oo silsiladiisu ilaa suubanaha
xidhiidhsantahayna loo turaa? Beerka jecli xaydha jecli yuu iman,
Xaddiis oo dhan haddaad kala saafanysid, kuwee kuu saxar la' ? kuwee
daadinaysaa? maxaad qaar u qaadatay qaarna u diiday ? kuwii sugay
kuwaa haddaladooda maxaad u qaadanaysaa qaar oo badhna u tuuraysaa?
Marna ma been sheegayaal baa marna run sheegayaal?
Haddii ,aad haddiiska gebi ahaantii been ku
sheegayso, oo aad ka noqonayso odhaahdii aad aad ku tidhi mid ka mid
ah raadraaca siibabka(thread) doodani ka socotay , waa "LAGA YAABEE IN
20% haddiisku jiro " ama macne u dhow, jaanta iyo heestu sawd
gaaray qaadanaysaa. Jarka aad taagan tahay bal dhan uun uga talaabso.
ciyaari waa gelin dabe.

Nabad gelyo
Saciid Suugaan

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 16, 1996, 3:00:00 AM10/16/96
to

188. Ummul Mu’miniin Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: “Rag baa madax la idiinka dhigi doonaa waxaad ku arki doontaan
falal qaarkood (diinta waafaqsan) qaarna (ayan waafaqsaneyn). Marka qofkii
muujiyaa naceyb arrinkoodaasi ah (yacni wixii ay diinta ku khilaafeen) waa
badbaadey, qofkii ka carooda oo ku diidaana waa badbaaday, laakiinse waxaa
hoogaya qofkii raaca oo raalli ka noqda (munkarkooda). Dadkii markaa la
joogay waxay yiraahdeen Rasuul Alloow ma waanaan la dagaallamayn? Wuxuu
yiri: ‘Maya’ inta ay idinla tukanyaan”.
(Muslim)

189. Ummul mu’miniin Zaynab bintu Jaxash (A.K.R.) waxay sheegtey in: Mar
nebigu (S.C.W.) u soo galay isagoo naxsan oo yiri: “Laa ilaaha illal laah”
-Ilaah xaq ah ma jiro aan Alle aheyn Wuxuu baa’ba ahaan Carab korkooda
shar soo food haya awgi. Wax baa laga furay maanta qaddar yar ah derbigii
celinayey Yuuj iyo Maajuuj. Duleelka laga furay oo ah intaa; intuu farta
iyo suulka goobo ka dhex sameeyey. Waxaan ku iri: Oo Rasuul Alloow ma
iyadoo dad fiicani nagu jiraan baa nala rogayaa? Wuxuu yiri: Haah, markii
ay waxa xumi bataan”.
(Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi isagoo xadiisyadan sharxaya wuxuu yiri:
“Qofkii u arka wixii sharciga khilaafaya oo dhan xagga qalbiga wax xun, ee
aan awood laheyn inuu ku joojiyaa gacantiisa ama carabkiisa, qofka sidaa
ah dambi ma leh, waayo waajibkii waa uu gutay; qofkii uga hortagaana hadba
inta karaankiisu yahay xag Alle waa ka dhowran yahay oo dambi ma soo
gaarayo. , ha yeeshee qofkii oggolaada falka xun, oo raallinnimo muujiya
waa kaa dambiilaha, daa’in Alle u caroonayo.

190. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu
yiri: “Iska jira inaad jidadka fariisataan. Asxaabtii waxay yiraahdeen:
Rasuulkii Allow, meel kale oo aan ku beddelanno ma lihin. Ma jirto meel
kale oo aan fariisan karno, arrimahana aan ku gurfeyno. Waana meelaha aan
ku sheekaysanno oo ma deyn karno. Wuxuu yiri: Waa yahaye haddii aydaan
deyn karin marka jidka dawgiisa mariya. Asxaabtii waxay weydiiyeen waxa uu
yahay dowga jidka? Wuxuu yiri: Waa indhaha oo aad hoos u dabcisaan (oydan
ku eegin dumarka jidka maraya), iyo ka qaadista jidadka wixii dhib leh,
salaanta oo la naqo, faridda Samaanta iyo reebidda xumaanta”.

(Bukhaari iyo Muslim)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 17, 1996, 3:00:00 AM10/17/96
to

191. Ibn Cabaas (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebigaa (S.C.W.) wuxuu arkay nin
kaatun dahab ahi ay ugu jirto farta. Nabigu (S.C.W.) inta ka siibey
faraantigii fartiisa buu tuuray isagoo leh: Kiinii doonaya inuu dhuxul
naar ah gacanta ku qaato, bal ha ku qaato. Markii uu Nebigu (S.C.W.) tegey
baa la yiri ninkii kaatunkaaga qaado oo si kale ugu intifaac. Markaa buu
wuxuu yiri: Alle baan ku dhaaran, marba hadduu rasuulkii Alle tuuray
faraantigaa inaan waligey qaadan".
(Muslim)

192. Abuu Saciid Xasan al-Basri (Allaha u naxariistee) wuxuu yiri CaaÕid
ibn Camar (A.K.R.) baa wuxuu soo booqday Cubaydullah ibn Ziyaad kuna yiri:
Maandhoow waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ŅMadax waxaa u shar badan
oo u liita kan dadka sida xun ula dhaqma, ee iska jir kana digtoonow inaad
ka mid noqoto kuwaa sidaa ah. Wuxuu yiri: Fariiso Waxaa ka tahay buunsho
oo kale asxaabtii Muxammed (S.C.W.) dhexdooda. Caa'id bin Camar wuxuu
weydiiyey: "Oo ma rag buunsha ah bay lahaayeen asxaabtii rasuulka
(S.C.W.)? Jawaabtu waa maya, kuwa buunshaha oo kale ah dabadood bay
yimaadeen, kamana tirsaneyn iyaga".
(Muslim)

193. Xudayfah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Naftayda
kan ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye (oo ah Alle) ama samaanta farte,
xumaantana reebte, ama Alle wuu idin ciqaabi. Dabadeedna intaad baridaan,
buusan idinka aqbaleyn ducada".
(Tirmidi baa soo weriyey oo yiri waa xadiis xasan saxiix ah).

194. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu
yiri: "Jihaadka wanaagsan (Halganka ah Alle darti) waa inaad ku hadasho
wax xaq, run iyo caddaalad ah suldaan daalim ah horti".
(Abuu Daawuud &Tirmidi)
Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

195. Abuu Cabdullaah Daariq ibn Shihaab al-Bajli al-Axmasi (A.K.R.) wuxuu
yiri nin baa wuxuu nabiga (S.C.W.) weydiiyey isagoo nabigu hashiisa
fuulaya nooca ugu wanaagsan jihaadka? Wuxuu yiri: "Runta oo aad ku hadasho
suldaan daalim ah horti".
(Waxaa sanad saxiix ah ku weriyey Nisaa'i)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 18, 1996, 3:00:00 AM10/18/96
to

196. Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ŅBaladii
ugu horreysay ee ku fidday Reer IsraaÕiil dhexdooda waxay aheyd inta nin
Markuu la kulmo nin kale yiraahdo: Alle ka cabso oo iska daa waxaad
samaynayso waa xaaraane? buu misna markuu berrito la kulmo isagoo sidiisii
ah, iskala fariisan jirey oo wax iskala cuni jirey, waxna iskala cabbi
jiray. markii ay sidaas yeeleen oo dambiilayaashoodii xiriirka ka goosan
waayeen markii ay xumaha ku madax adeegeen baa Alle isku mid ka dhigey
qalbiyadoodii (oo ka yeelay qalbiyo madow dambi awgi) dabadeedna rasuulkii
Alle wuxuu akhriyey aayaddan:
ŅCarruurtii IsraaÕiil kuwoodii gaaloobay waxaa lagu nacladay carrabkii
Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam, maxaa yeelay wa caasiyoobeen oo xad
gudbayaal noqdeen. Iskama ay reebi jirin xumaantii ay samaynayaan wax
xilley fali jireene. Waxaad arkaysaa in badan oo ka mid ah oo gaalada
saaxiib ka dhiganaya, wax xun bay noftood u hormariseye) ilaa laga gaaro
(waa faasiqiine). Suuradda Al-MaaÕidah: Aayadaha 78-81.

Dabadeedna wuxuu yiri nabigu (S.C.W.) : ŅDhabtii ma aha sida aad
moodeysaan, Alle baan ku dhaartay waa inaad samaanta is fartaan, xumaha
iska reebtaan, gacantana qabataan kii dulmi wada oo xaqa ku sandulleysaan
oo ku qasabtaan, haddii aydun sidaa yeelin Alle wuu idin ciqaabi idinka
iyo xumaan falayaashaba, idiin nacladina sidii YuhuuddaÓ. (Waxaa weriyay
Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri; waa xadiis xasan ah).

Tirmidi wuxuu yiri xadiiskani waa xadiis xasan ah, wuxuuna ku soo weriyey
ereyadan:

ŅNabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Kolkay carruurtii IsraaÕiil dambi galeen,
markii hore kuwoodii toosnaa baa isku dayey inay dambiga ka qabtaan,
laakiinse dan uma gelin. Markaa bay iska daayeen oo ku eegteen dambigii,
oo cunid iyo cabid iyo fadhiba la wadaageen halka laga rabey inay Alle
darti u gooyaan marba hadday xumaha ku adkeysteen oo ay wax ka qaban
waayeen. Sidaa awgeed waxaa nacladay Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam,
caasiyoobiddoodii iyo xadgudubkoodii awgeed bayna u nacladeen. Weriyaha
xadiiska wuxuu sheegay in rasuulku (S.C.W.) oo diran barbarku u saarnaa,
intuu sare u soo fariistay yiri: Alle baan ku dhaaran oo ah kan ay
gacantiisu nafteyda ku jirto, inaydun guul gaareyn oo aydaan kheyr heleyn
inaad ku sandulleysaan xaqa maahee wixii xumo la soo banbaxa.

Sh. Al-Baani wuxuu yiri xadiiskan waa daciif.

197. Abuu Bakar as-Sidiiq (A.K.R.) wuxuu yiri: ŅMuslimiintooy waxaad
akhrisaan aayaddaan:
ŅKuwa xaqa rumeeyoow! naftiinnaa la idin raaciyey, mid dhumayna wax idinka
dhimi maayo haddii aad hanuuntaan, xag Alle buuna noqodkiinna wada yahay,
markaasuu idiinka warramayaa wixii aad fali jirteenÓ. Suuradda
Al-MaaÕidah: Aayadda 105.

Aniguna waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: ŅMarkii ay Dadku arkaan qof
dulmi wada, haddii ay gacmaha qaban waayaan waxay halis u yihiin in Alle
ka simo ciqaabtiisaÓ. Waxaa Sanadyo saxiixa ku wariyey Abuu Daawuud iyo
Tirmidi iyo NisaaÕi.

Fiiro gaar ah:

Waxaa waajib ku ah qof kasta inuu faro dadka inay wanaag falaan iyo
samaan, shardina ma aha in kan samaanta faraya uu noqdo nin wanaagsan. Waa
sidaase, dadka ehlu cilmiga waxaa laga doonayaa inay naftooda ka dhaqan
geliyaan waxay dadka kale ugu yeerayaan.

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 21, 1996, 3:00:00 AM10/21/96
to


Gooddin Rabbi oo loo gooddiyey qofka afka samaha
wax ka fara, xumahana afka ka reeba,
aanse ku dhaqmin isagu
----------------------

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
94. "Dadka ma samaan baad faraysaan, marka aad idinku naftiinna
halmaamaysaan (inaad wanaagga fashaan)? idinkoo kitaabka akhriyaya ma
waydaan laheyn garaad iyo garasho". Suuradda Al-Baqarah Aayadda 44.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

95. "Kuwa xaqa rumeeyow maxaad u leedihiin wax aydaan falayn caro-weyn bay
Alle agti keenaysaa inaad tiraahdaan wax aydaan falayn".
Suuradda As-Saf: Aayadda 23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

96. "Mana aan rabo inaan idiin daba maro waxa aan idinka reebayo".
Suuradda Huud: Aayadda 88.

198. Abuu Zayd Usaama bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay Nebiga
(S.C.W.) oo leh: ŅMaalinta qiyaamaha nin baa la keenayaa oo naarta lagu
tuurayaa, markaas baa xiidmuhu soo dhacayaan oo markaasuu soconayaa isagoo
wareegeysanaya hayana xiidmahiisa sida dameerku garan garta ugu wareego.
Ehlu naarkaa isugu imaanaya oo oranaya hebeloow maxaa kugu dhacay? Sowtii
aad samaanta fari jirtey, xumaantana reebi jirtey? Wuxuu oranayaa waa
jirtaa. Laakiinse samaanta waa aan fari jirey, mana fali jirin; xumaantana
waa reebi jirey anigaase fali jiray".

(Bukhaari iyo Muslim)

Waa inaad ammaanada cidda leh siisaan
-------------------------------------

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:
97. "Alle wuxuu idin amrayaa inaad ammaanada cidda leh siisaan".
Suuradda An-Nisaa Aayadda 58.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

98. "Ammaanada waxaan u soo bandhignay cirarka iyo dhulka iyo buuraha,
markaasay diideen inay qaadaan oo ka cabsadeen. Aadanahaana qaaday. Shaki
liÕi Aadanahu waa dulmi falaa jahli qabeen ah".
Suuradda Al-Axsaab: Aayadda 72.

199. Abuu Hurayra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:
"Munaafaqu saddex calaamuu leeyahay markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been;
tan labaad markuu ballan qaado waa ka baxaa; tan saddexaad markii la
aamminana waa khiyaanaad".
(Bukhaari iyo Muslim)

Abdulkadir Abdi

unread,
Oct 22, 1996, 3:00:00 AM10/22/96
to

200. Xudayfah bin Yamaan (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebiga (S.C.W.) laba xadiis
oo uu noo sheegay midna waa aan arkay (oo waa dhabowday) midna waa aan
sugayaa inay dhacdo. Nabigu (S.C.W.) wuxuu noo sheegay inay ammaanadu
markii hore ku weyneyd oo meel wanaagsan kaga tiil qalbiga. Markii uu
QurÕanka soo dagayna, wuu ku sii baraarujiyey oo ku adkeeyey, waxaa laga
sii bartay sidoo kale dhaqanka rasuulka. Dabadeedna wuxuu noo sheegay in
ammaanada nalaga qaadi doono oo wuxuu yiri: Nin baa seexanaya markuu soo
kaco wuxuu arkayaa ammaanadii oo qalbigiisa laga qaaday, xoogaase
raadkeedii ah uu ku haray qalbigiisa; Markaasuu misna seexanayaa intii ku
hartay ammaanadii baa qalbigiisa laga qaadayaa, oo waxaa lagu dhaafayaa
sida calaamad yar oo qalbiga ku yaal ilaa ay la mid noqoto meel dhuxuli
kaa gubtey, oo inta soo foocday haddana maran. (Dabadeedna rasuulka S.C.W.
inta quruurux soo qaaday buu bilaabay inuu cagtiisa ku tuuraa) Markaa
waxay dadku soo kacayaan subaxii oo u baxayaan inay wax kala gataan iyadoo
aanu lagu arag qof aammin ah oo ammaanada guta. Heer laga gaaro in la
yiraahdo: waxaa ku jira nin qura wax aamin ah reer hebel iyo reer hebel.
Waxaa dhacaysa dhinaca kale in la yiraahdo nin ku dagan danaha adduunka oo
keliya: hebel waa wax garad, waa nin rag ah, waa meel mar, iyadoo aan
qalbigiisa wax iimaan ah lagu arag. Xudayfah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri:
Waxaan anigu soo maray mar aanan u meel dayi jirin qofka aan wax ka
gadanayo, oo aan oran jirey: Hadduu muslim yahayna diintiisaa damaanad
kaafi ah oo celineysa, hadduu Yuhuud ama Kirishtaan yahayna masÕuulkiisa
baa damaan wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel
wanaagsan ahaa. Maantase cidaan wax ka gato ma jiro aan hebel iyo hebel
aheyn".
(Bukhaari iyo Muslim)

201. Xudayfah iyo Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen Nebigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: "Maalinta qiyaamaha Alle weyne kor ahaaye dadkii oo dhan buu
isu keenayaa, muÕminiintana waxaa la istaajin doonaa meel ku dhow Jannada.
Waxay marka hore u tegi doonaan Aadam (nabad dushiisa ha ahaatee) waxay ku
oran doonaan: Aabboow noo codso in jannada na loo furo. ÔWuxuu ku jawaabi:
Waa gefkii Aabbihiin waxa keenay in la idinka soo saaro jannada, waxba
idiinma qaban karo, u taga wiilkaygii, nabi Ibraahiim saaxiibkii Alle,
markaa waxay u tegi doonaan nabi Ibraahiim, isagoo ku oran doona: Anigu ma
ahi mid mudan inuu sidaa yeelo, arrintu waa adag tahay, wax kale anigu
maan aheyn, waxaan ahaa oo keliya saaxiibka Alle (sidaa wuxuu u oranayaa
jajabnaan iyo tawaaduc darti), utaga Muuse (buu oran) oo ah kii uu Alle
toos ula hadlay, Muuse bay utagi wuxuu ku oran doonaa: Anigu ma ahi mid
leh oo mudan arrintaa ee u taga Ciise, kelmeddii Alle iyo ruuxdiisii,
Isaguna wuxuu oran: Taas kuma fiicni, Markaasay nabi Muxammad (S.C.W.) u
imaan doonaan, Horay buu iman Alle weyne kor ahaaye wuxuu u oggolaanayaa
inuu shafeeco si jannada loo galo. Ammaanadii iyo riximnimadiina waa la
soo deynayaa oo siraadkay labada dhinac midig iyo bidix ka kala
istaagayaan (siraadka oo ah buundo dul marta naarta Jahannama oo dadkoo
dhammi kor mari doonaan maalinta qiyaame) Qaybta ugu horreysa ee dadka
waxay ku mari doonaan sida hillaaca. Waxaan weydiiyey (Aabbahay iyo
hooyaday baan kugu furine) maxaa taa loola jeedaa? Wuxuu yiri: Sow ma
aadan arag siduu iftiinka hillaaca u gudbo una soo noqdo il biriqsi
gudaheed? Dabadeed qolada xigta waxay u marayaan sida dabeysha, qolada
saddexaadna waxay u marayaan sida shimbiraha duula, qolada xigta waxay u
marayaan sida rag kuwa u dheereeya, kala duwnaantaana waxaa keenay Camal
falkii siduu ahaa intii adduunka la joogay. Waqtigaana nebigiinu siraadka
buu taagan yahay isagoo leh: Rabbiyoow nabad geli, Rabbiyoow nabad geli.
Markii ay hoos u dhacaan camallada dadka oo soo nuxuusaan, orodka waa
yaraanayaa illaa uu qof yimaado aan socon karin ee salka ku guuranaya.
Siraadka labadiisa dhinac waxaa ka taagan kallaaliib biro ah oo xag Alle
ka amran oo ciddii qabo la yiraahdo qabanaysa, mid bay xagtin gaari iyo
daqar ha yeeshee la badbaadinayo, mid naartaa lagu tuurayaa. Abuu Hurayrah
wuxuu yiri: kan ay nafta Abuu Hurayrah gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye
Jahannama salkeedu waa ilaa todobaatan guÕinta loo soconayo".
(Muslim)

0 new messages