Ninkii- Raage Ugaas isaga maxaad ka haysaa ?
Raage Ugaas baa gabadh la odhan jirey Cabban Cilmi hagoog jeclaaday, in
uu guursadana wuu damcay. Sida uu ii sheegay nin Odaya oo aan beri kula
kulmay meel la yidhaahdo "Weylo lagu xidhi" oo ku taal DOOLLO ama Hawd
(waa meeshii uu Cali Dhuux ishinkii uu ka soo dhacay Ogaadeen uu maqasha
ugu xidhay) ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
Raage arintii wuu ka gabyey waxa uuna yidhi.
Isagoo reer tolkii u cabanaaya :
Alleyl dumay, albaabbadoo xidhan uunku wada seexday
Onkod yeedhay uugaamo roob alif banaadiiqa ah
Lihdaydabixi baa libaax iman la moodaayey
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub-dhexaadkiiye
Labadii wax laga eegi jirey waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay ilaah keliya uun baa og.
Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye
Orod uma hollado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof ninkii iimi kaga taalle
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiiftaaye
Geeluba kolkuu oomo waa olol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatey
Oo aabbaheed aqal mid kale meel illin ah seexshey
Hadba waxaan la urugoonayaa uur-ku-taalalada eh
Ninkii ooridiisii rag kale loo igdhaan ahaye
ninka ilo biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye
Nin Ugaas walaalkiis yahoo eeday baan ahaye
Af-dhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye.
Nabad-gelyo.Amaano Alla.
.....
M.Jama
As-salaama calaykum,
MUSTAFE JAMA (MSJ...@student.monash.edu.au) writes:
> Murtidii Ragii hore Rag allow maxaa ka haysaan ?
>
> Ninkii- Raage Ugaas isaga maxaad ka haysaa ?
> Raage Ugaas baa gabadh la odhan jirey Cabban Cilmi hagoog jeclaaday, in
> uu guursadana wuu damcay. Sida uu ii sheegay nin Odaya oo aan beri kula
> kulmay meel la yidhaahdo "Weylo lagu xidhi" oo ku taal DOOLLO ama Hawd
> (waa meeshii uu Cali Dhuux ishinkii uu ka soo dhacay Ogaadeen uu maqasha
> ugu xidhay) ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
> qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
>
> Raage arintii wuu ka gabyey waxa uuna yidhi.
>
> Isagoo reer tolkii u cabanaaya :
>
> Alleyl dumay, albaabbadoo xidhan uunku wada seexday
> Onkod yeedhay uugaamo roob alif banaadiiqa ah
> Lihdayda bixi baa libaax iman la moodaaye
Markan Raage miyuu qaafiyaddii gabayga seegay mise waa khalad xagga qoraha
ka yimid? Muxuu se yahay macnaha ereyga LIH ee ku jira LIH (magac) dayda
(possessive pronoun) BIXI (fal)? Mise sidan qoruhu ulama uu jeedin?
> Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub-dhexaadkiiye
> Labadii wax laga eegi jirey waan ka awdnahaye
> Halkaan aa ka leeyahay ilaah keliya uun baa og.
>
> Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye
> Orod uma hollado ooglihii adhaxda beelaaye
> Ma aarsado il iyo oof ninkii iimi kaga taalle
> Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiiftaaye
> Geeluba kolkuu oomo waa olol badnaadaaye
> Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatey
> Oo aabbaheed aqal mid kale meel illin ah seexshey
> Hadba waxaan la urugoonayaa uur-ku-taalalada eh
> Ninkii ooridiisii rag kale loo igdhaan ahaye
> ninka ilo biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye
> Nin Ugaas walaalkiis yahoo eeday baan ahaye
> Af-dhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye.
>
>
>
>
>
>
> Nabad-gelyo.Amaano Alla.
> .....
> M.Jama
>
>
Nabad,
Mohamed.
>Murtidii Ragii hore Rag allow maxaa ka haysaan ?
>Ninkii- Raage Ugaas isaga maxaad ka haysaa ?
>Raage Ugaas baa gabadh la odhan jirey Cabban Cilmi hagoog jeclaaday, in
>uu guursadana wuu damcay. Sida uu ii sheegay nin Odaya oo aan beri kula
>kulmay meel la yidhaahdo "Weylo lagu xidhi" oo ku taal DOOLLO ama Hawd
>(waa meeshii uu Cali Dhuux ishinkii uu ka soo dhacay Ogaadeen uu maqasha
>ugu xidhay)
***********Nabad iyo caano iyo caano walaal*****************
Aw mustafoow, Ka hor intaanan sheekada Ina Ugaas dhex gelin ,
Bal qisadaa Weyla Lagu Xidh bixisay aan wax kaa weydiiyo. Cali dhuux
markuu Ogaadeenkii aagaa deganaa xoolaha ka soo dhacay ciidan xoog
laa ka daba yimi baan maqlay. iyadoo habeenimo ah oo la is eeganayo
ayuu Cali xeelad degay baan maqlay. Dab intuu huriyey ayuu Weyl ku
xidhay. ciidankiina guuraysiiyey. Ciidankii Ogaadeen ayaa meeshii dul
hogtey iyagoo wararacda weylaha iyo dabka isha ka eegaya. ciidankiina
moodaya in ay weyli joogaan meesha. Waaagu markuu dilaacay ayaa la
ogaadey in goobtaa raggii hore uga huleeleen.
Markaa Mustafow , Ugaas Udub -La-Aslay ,Cige ,
Weylac iyo rag suugaanta aqoonta dheer u le , la arkee in ay sheekada
si qota dheer u hayaan.Ama ka saxsan. Sidaad arragtay , Aw Mustafoow,
Guba gabayadeeda qaar baa Cali Dhuux ku eedaynaya weysha uu geedka ku
xidhay (,,,,,sida , Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabtii
weyshiiyey...)
gabay aan maqli jiray ayaan Saddex meeris ka xusuustaa. raggu waa
odayoobeene, waar Mustafe adigu wax ma ka xusuusataa:
Weyshaan u xidhay Reer Subeyr wiil u fura waaye
Wac markay tidhaahdaba baqay wagac ka siiyeene
Alla may wadnaha joojiyaan Waaxid baa jira e
Cali Dhuux
Yaa halkaa dhaafsiin karaa?.
Ta kale oo Caban iyo raage la xidhiidha. Shiikhoow, ila soco
Inta ka horraysa , waa saciid suugaan oo idin le
Sidaa iyo Nabadgelyo
>ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
>qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
>Raage arintii wuu ka gabyey waxa uuna yidhi.
>Isagoo reer tolkii u cabanaaya :
>Alleyl dumay, albaabbadoo xidhan uunku wada seexday
>Onkod yeedhay uugaamo roob alif banaadiiqa ah
>Lihdaydabixi baa libaax iman la moodaayey
>Murtidii Ragii hore Rag allow maxaa ka haysaan ?
>Ninkii- Raage Ugaas isaga maxaad ka haysaa ?
>Raage Ugaas baa gabadh la odhan jirey Cabban Cilmi hagoog jeclaaday, in
>uu guursadana wuu damcay. Sida uu ii sheegay nin Odaya oo aan beri kula
>kulmay meel la yidhaahdo "Weylo lagu xidhi" oo ku taal DOOLLO ama Hawd
>(waa meeshii uu Cali Dhuux ishinkii uu ka soo dhacay Ogaadeen uu maqasha
>ugu xidhay) ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
>qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
Mustafe, Raage warmaha jacaylkaa muquuqay markii gabadha laga qaaday.
Axamed garaad oo ina wiil waal ahaa baa ka qaaday. Laakiin raage
gabadhii ka yareyd baa markiii danbe la siiyey. Af dhabaandhow in ay
la baxadaan filayaa. Ina wiilwaal oo geedi ah ayaa beri raage soo ag
maray. Isagoo ku dhega hadlaya waa tuu lahaa :
KHAYLIGA JILBAHA LO DHIGAY IYO JOOGA WALACDIISA
HA JELEECIN NIMAN BAWGA DHACAY TOBANKA JIIROODE
ta kale ,mustafow Raage naaguhuu guursaday badanaa
(faadumo(ila biya le)?? ,Xadiyo, xaliimo( waa tuu lahaa mar, naa hoy
xaliimoy xadiya sow xaalna kama raacdid, xaliimaa xigsiisin loo siiyay
inta ay xadiyii ka dhimatay miyaa ???? ..,.). Mar waxaan maqlay Raage
wuxu geeryooday isagoo xoog a h oo ciidan raacda reeb ah la socda. Mar
waxa la yidhaahdaa todobaatan buu kor u dhaafay. Gabayga gabawga oo la
siiyo oo aad taqaanid , shaqa kuma laa i soo gaadhey. Rag badanina
sugeen.
xagga da'ada , Aw muuse ismaaciil oo darbadaley lahaa
,raage nolol isku soo gaadhaa la yidhaahdaa( meerisyuu raage Aw muuse
ku soo hal qabsaday). Ina Jadeerna wada gabye. Da'ada Raage weli meel
laguma hubsan.
.
Nabadgelyo
Saciid Suugaan
>> Lihdayda bixi baa libaax iman la moodaaye
Waxay aniga ila tahay "EREYGA" Lihdayda inuusan aheyn ee uu yahay;
"iihdeyda":
Iihdeyda bixi baa libaax iman la moodaaye
iihdeyda= hinraageyga
Gacmadhere
Mustafe iyo Siciidoow;
Faradheereey raali ahaadoo bal ha la'idinka faa'iideystee, Su'aalahan
ii faahfaahiya!!!!
>> Sida uu ii sheegay nin Odaya oo aan beri kula
>>kulmay meel la yidhaahdo "Weylo lagu xidhi" oo ku taal DOOLLO ama Hawd
>> ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
>>qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
Mustafoow Raage ninkuu ka cabtay saw kii lahaa maahan;
Nin walaalkii Ogaas yahoo eeday baan ahaye
................................................................
Soomalida badankeed ninkaas waa Wiil-Waal bey yiraahdaan. Waase
khalad,. Marka see lagu gaaray inuu ninka gabadha ka dhacay Raage uu
Wiil-Waal yahay? Maadaama oo isaguba leeyahay waa walaalkay? Ma
beenbuu ka gabyay? Ugu yaraan saw Ogaadeen ma ahaadeen ninkuu leeyahay
waa walaalkay, maadaama Wiil-Waal uusan Ogadeenba aheyn?
>Mustafe, Raage warmaha jacaylkaa muquuqay markii gabadha laga qaaday.
>Axamed garaad oo ina wiil waal ahaa baa ka qaaday.
Waxaan filayaa Garyaqaan Siciidoow ineyn dhici karin Wiilka Wiil-Waal
iyo Raage iney isu waqti noolaadaan.
Waylac wuxuu soo gudbiyay iney isu waqti noolaayeen, Mustafana waa la
qabaa. Siciid adiguna waxaa tiri mayee waa wiilkiisii. Ka warama hadii
la yiraahdu waa Wiilkii todobaad ee uu Awow u ahaa Wiil-Waal, ninka ey
Raage isu waqtiga noolaayeen.
Faradheereey meel isu raaca??!!!! Tan waxaa idinku heysta reer
Shingaaniye!!!!
Gacmadheere
Arlaadi
>As-salaama calaykum,
Wacalaykuma salaam waraxmatulaahi wa barakaatuh.
Saaxiib maxaad ku oosheen ?
>> Lihdayda bixi baa libaax iman la moodaaye
> Markan Raage miyuu qaafiyaddii gabayga seegay mise waa khalad xagga >qoraha ka yimid?
Qaafiyada gabayga qudha looma eego xafar isku mid ah in uu gabaygu ku
bilaabmo ama ku dhamaado. Waxa kale oo loo eegaa hanaankiisa iyo sida uu
gabaygu isu haysto ayaa iyana fiican in fiiro gaara la siiyo, sidaa
darteed filimaayo in uu Raage qaafiyadii gabayga seegay , khalad xagayga
ka yimina maaha baan filayaa. Waa Siday nala tahay anaga, siyaabo kale
waa sida burcuudaa.
>Muxuu se yahay macnaha ereyga LIH ee ku jira LIH (magac) dayda
>(possessive pronoun) BIXI (fal)? Mise sidan qoruhu ulama uu jeedin?
LIH : Taaha ( marka uu qofku buko wuu hadraa ama wuu jibaadaa)
Margaa raage wuxu leeyahaY
Lidayda: Taahayga : bixi yeedhaya. ( Taaha iga baxaya waxaa la moodaa
Libaax soo socda:
Kuwana waxay ku jireen Gabayga Alley dumey:
Uugaamo: Ufada
Uurada : Dabaysha
Iin : Nabar
Uma holado: Iskuma dayo
Arami: nabar
Urugo: Werwer
UUr-ku taalo: Murugo
Igdhay : Guuriyey
Ilo: laag
Af-dhabaan-dhow : sababo....
Halkaa ka hay Maxamed Af-kaaga hooyona Hore u mari.
Malkaam Tiwiwiq : Barasho wanaagsan.
Nabad-gelyo
.....
M.Jama
>
>> Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub-dhexaadkiiye
>> Labadii wax laga eegi jirey waan ka awdnahaye
>> Halkaan aa ka leeyahay ilaah keliya uun baa og.
>>
>> Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye
>> Orod uma hollado ooglihii adhaxda beelaaye
>> Ma aarsado il iyo oof ninkii iimi kaga taalle
>> Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiiftaaye
>> Geeluba kolkuu oomo waa olol badnaadaaye
>> Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatey
>> Oo aabbaheed aqal mid kale meel illin ah seexshey
>> Hadba waxaan la urugoonayaa uur-ku-taalalada eh
>> Ninkii ooridiisii rag kale loo igdhaan ahaye
>> ninka ilo biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye
>> Nin Ugaas walaalkiis yahoo eeday baan ahaye
>> Af-dhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye.
>>
>>
>>
>>
>>
>>
>> Nabad-gelyo.Amaano Alla.
>> .....
>> M.Jama
>>
>>
>Nabad,
>Mohamed.
>
>
>Waxaan filayaa Garyaqaan Siciidoow ineyn dhici karin Wiilka Wiil-Waal
>iyo Raage iney isu waqti noolaadaan.
>Waylac wuxuu soo gudbiyay iney isu waqti noolaayeen, Mustafana waa la
>qabaa. Siciid adiguna waxaa tiri mayee waa wiilkiisii. Ka warama hadii
>la yiraahdu waa Wiilkii todobaad ee uu Awow u ahaa Wiil-Waal, ninka ey
>Raage isu waqtiga noolaayeen.
>Faradheereey meel isu raaca??!!!! Tan waxaa idinku heysta reer
>Shingaaniye!!!!
Mudane Cabdirraxmaan
Duqa Buraashadleyda, Xaalada
Raage dhanna iigu bixi weyday. Gacma dheeroow, facan dabe oo nool
suugaanta in ay bedelaan ,ama kas ama kas la'aan mid kastaba ha
ahaatee, baa dhacaday. Taana marrageedaa taal, rag nool oo
suugaantooda la dooriyey waana laga warrami karaa.
Xilliguu Raage dhashay iyo faca uu la dhashay , annigu
xaqiidadeeda ma hayo. Sheekooyinkaan maqlay baan soo wadhfiyey.
Runnimadeeda iyo runnima la'aanteeduba waa suura gal. Run ammintaa ka
warraysa iib ma loo heli karayaa? . Reer Shangaani iyo faradheer bal
bacadle ay run ka soo gataaan haloo daydayo. Weylac baa u abtiriyey
Raage. Dirkiisii raage iyo xilliyadii ilma raage ugu danbaysay
adduunka ma la sugi karaa?
nabadgelyo
Saciid Suugaan
>Gacmadheere
>Arlaadi
Salaamun calaykum.
Siciidow, wayla-lagu-xidh siday igu soo gaadhay anigu waxay ahayd in
ka dib markii lagu kala kacay Gurdumi oo dilkii sayidka Maxammad Subayr u
suuroobi waayay weerar celintiisii uu dhigay wayla-lagu-xidh iyo Gondo-gooye.
Cali dhuux Hara-digeed ma gaadho oo doollo oo dhan baa kaga gudbanaa, rayadkii
ka horna uma hawoon. Waa isaga leh markuu geela ka ritay bah-gari:
...............
Isagaa shaarub loon reer Isaaq shucub ka reebeene.
...............
I.e Hadday geelan iyaga qaadi lahaayeen kama dhigeen!
Marka intuu cagihiisa ku soo doonto oo uu doollo oo dhan iyo Daraawiishtii
fadhiday soo dhaafo inuu Hara-digeed Geelashii reer Haaruun iyo reer Dalal ka
shabiyo maxay kula tahay?
Midda kale cali-dhuux bal gabaygiisa baadh oo ka raadi reer Subayr, sayidkana
baadh, waxaan u malayn in ay kuu caddaan in gabaygan uu leeyahay ina cabdille
xassan ee uusan Cali shuqul ku lahayn.
....................................
Wayshaan u xidhay reer subayr wiil u fura waaye
wadhaaday tidhaahdaba baqay wagac ka siiyaane
.............................
Ina fiinna labada dhacdaba, waa Gonda-gooye iyo Wayla-lagu-xidhye waxuu ku
eedaynayaa Cali.
Marka ma waxaad odhan cali baa daar-balaayo Banka Qorraxay ka taagay oo Reer
Dalal gondaha ka guray!
....................
Gondo-gooye nimankii dhogaad gacal ahaydeene.
.............................. Muxammad Fiin.
Maxamad fiin wax alla waxay rayadkii iyo daraawiishtii Muxammad subayr u
gaysteen buu lugaha u galinayaa Cali, maadaama uunan ka madhnayn qolo ahaan.
Intaa hadday shaki ku galin waydo, inta ayna wada dhimanin raggii waysha loo
xidhay ha la gaadho iyagaa faahfaahine.
Intaad wax kale soo odhan
Nabad ku sii daaq.
Khaliif Waylac.
>>ninkaasi odeyga ahi sida uu ii sheegay gabadhii Raage waxa ka
>>qaaday oo ka guursaday nin la'odhan jirey Axemd ugaas (WIIL-waal).
>
>>Raage arintii wuu ka gabyey waxa uuna yidhi.
>
>>Isagoo reer tolkii u cabanaaya :
>
>>Alleyl dumay, albaabbadoo xidhan uunku wada seexday
>>Onkod yeedhay uugaamo roob alif banaadiiqa ah
>>Lihdaydabixi baa libaax iman la moodaayey
>>Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub-dhexaadkiiye
>>Labadii wax laga eegi jirey waan ka awdnahaye
>>Halkaan aa ka leeyahay ilaah keliya uun baa og.
>
>>Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye
>>Orod uma hollado ooglihii adhaxda beelaaye
>>Ma aarsado il iyo oof ninkii iimi kaga taalle
>>Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiiftaaye
>>Geeluba kolkuu oomo waa olol badnaadaaye
>>Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatey
>>Oo aabbaheed aqal mid kale meel illin ah seexshey
>>Hadba waxaan la urugoonayaa uur-ku-taalalada eh
>>Ninkii ooridiisii rag kale loo igdhaan ahaye
>>ninka ilo biyo leh soo arkoo ooman baan ahaye
>>Nin Ugaas walaalkiis yahoo eeday baan ahaye
>>Af-dhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye.
>
>
>
>
>
>
>>Nabad-gelyo.Amaano Alla.
>>.....
>>M.Jama
>
>
>
>
--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------
Raage Ugaas ninkuu dilay, ee ay gabadha isku qabsadeen waa Faarax Wiil-waal.
Muran ma laha waa common knoledge.
Anigu way isku dhawaayeen baan idhiye way wada noolaayeen ma dhihin.
Ugaaska uu sheegayo waa walaalkii, walina waxaa ugaas Maalin-guur u ah
faraciisii, waad wici kartaan Aadan-xaddiith, haddaad sal gaadhkeeda saa
u rabtaan, waa ugaas maalinguur, ninka uu raage leeyahay nin walaalkii ugaas
yahoo eeday baan ahaye ayaana awow u ah.
Inay intaa ku deeqdaan u malayn.
>
>>Waylac wuxuu soo gudbiyay iney isu waqti noolaayeen, Mustafana waa la
>>qabaa. Siciid adiguna waxaa tiri mayee waa wiilkiisii. Ka warama hadii
>>la yiraahdu waa Wiilkii todobaad ee uu Awow u ahaa Wiil-Waal, ninka ey
>>Raage isu waqtiga noolaayeen.
>
>
>>Faradheereey meel isu raaca??!!!! Tan waxaa idinku heysta reer
>>Shingaaniye!!!!
>
> Mudane Cabdirraxmaan
> Duqa Buraashadleyda, Xaalada
>Raage dhanna iigu bixi weyday. Gacma dheeroow, facan dabe oo nool
>suugaanta in ay bedelaan ,ama kas ama kas la'aan mid kastaba ha
>ahaatee, baa dhacaday. Taana marrageedaa taal, rag nool oo
>suugaantooda la dooriyey waana laga warrami karaa.
> Xilliguu Raage dhashay iyo faca uu la dhashay , annigu
>xaqiidadeeda ma hayo. Sheekooyinkaan maqlay baan soo wadhfiyey.
>Runnimadeeda iyo runnima la'aanteeduba waa suura gal. Run ammintaa ka
>warraysa iib ma loo heli karayaa? . Reer Shangaani iyo faradheer bal
>bacadle ay run ka soo gataaan haloo daydayo. Weylac baa u abtiriyey
>Raage. Dirkiisii raage iyo xilliyadii ilma raage ugu danbaysay
>adduunka ma la sugi karaa?
Raage gabdhuu ka tagay, gabdhihiisi dadkay dhaleen baa muusha haddaad doontaan
meeshaad kala xidhiidhi lahaydeen waa laydiin sheegi.
>nabadgelyo
>Saciid Suugaan
>
>
>
>
>>Gacmadheere
>>Arlaadi
>
>
>