Yaa ii sheegi kara eray af-soomaali ah oo ka bilowda "kh" sida khatar
oo aan asal ku lahay af-carabi?!!!!!
Mahadsanidin
C/qaadir A. Faarax
/Qaadir Faarax:
Marka hore guddoon salaan diiran, marka xiga adoo mahadsan bal ila eeg
waxan.
Af-Soomaaliyeed waxan aan muran la hayn inuu aad hodan u yahay marka
lagu qiyaaso faraha dadka ku haddla, taana waxa u qiray gaalada badan ee
sida cilmiyaysan u dirsitay af-Soomaaliga. Marka waxaan garanwaayey
inaad kilmad kaleba soo qaban wayday iyo inkale. Aduunka hoostiisa ma
jiro af dad ku hadlo oo aan ereyo aad u fara badan ka soo amaanaysan
afafka kale. Sidaas ayeyna u tarmaan oo isugu qaldamaan afafka lagu
hadlaa.
Khooro. sida, khuuradu lama kala qaado
Khushi. sida waa khushigaa haddaad tashatay
Khaatu. sida Khaatu baan ka joogaa.....
Khatalan. Markaa ninyahow ha khatalmin.
Salaama Calaykum.
Faarax Mataan.
>Salaanta Islaamka kadib:
>Yaa ii sheegi kara eray af-soomaali ah oo ka bilowda "kh" sida khatar
>oo aan asal ku lahay af-carabi?!!!!!
Inta tirsan ee magaalada lagaga hadlo een aqaanaa waa :-
1) Khalkhalid:
Nin khalkhalsan: A demented man.
Hay khalkhalin: Don't bamboozle me.
Miis khalkhalsan: rickety table.
2) Khushi:
Waa khushigaa: That's your wish (option) = That's up to you.
3) Khuuro:
Khuuradaydu miyey ku dhibtaa? Does my snoring bother you?.
4) Khatalaad:
Maxaad iga khatalaysaa? Why are you deceiving me?
5) Khaatiyaan: (Khataysiin)
Aad baan khaatiyaan uga taagnahay: It importunes me a lot.
6) ... Ragga halkan suuganta ku soo qora ayaa inta kalena iinoogu dari,
bay ila tahay.
>Mahadsanidin
Adaa mudan.
>C/qaadir A. Faarax
Abdiqadir.
----------
ab...@adacel.com.au
The last three words (khushi and Khaatu khatalan) have originated from
Southern Yemen (Aden).
Here it is used:
Khushi: leesh ruxtal almiidaan? bikhushi'h.
Khaatu: wallaa yaa khii ibnacamii magnoon. Nixnaa khatyaaniin min
magnaanato.
Khatalan: leesh qaladt.
>
>
> Salaama Calaykum.
>
> Faarax Mataan.
C/qaadir
Khada erayada ka billowda badankooda waa af-carabi. Waxaa la mid ah
erayada ku dhamaada nuun reebban sida Macallin, oon, soon, xoon , iwm.
Kulligood erayadan haddaad nuunka u baddasho miim waxay noqonayaan
carabi.
Ha yeeshee waxaa jira erayoo badan oo af soomaali saafi ah ah oo xukumadan
jabinaya. Matalan,
"Khaakho"da la tufo,
"khadhaadh"ka dhuunkaasha,
"khafis"ka xabbadaha lagu guro
"Khakh"da la yidhaahdo waxa aana wanaagsanayn ama la tufayo,
"Khuukh"da dabka ama carruuta lagu cabsiiyo,
"Khasuumo"da dawacada looga cararo. Waa raybiska,
"Khamkham"ta raamsiga waxa qalayaxa (crisp) ah,
iwm.
Khaakhhuul iyo khalkhalba inay carabi ku sal leeyihiin baan filayaa.
Nabadeey
Khalif Waylac.
<aafarah.2...@its.dundee.ac.uk> wrote:
: Salaanta Islaamka kadib:
: Yaa ii sheegi kara eray af-soomaali ah oo ka bilowda "kh" sida khatar
: oo aan asal ku lahay af-carabi?!!!!!
: Mahadsanidin
: C/qaadir A. Faarax
Erayada ka bilowda xarafka "kh", waxa inta badan ay ka bilaaban karaan
"q", sidaa aawadeed xitaa marka ay maansada u yihiin "qaafiyad" curiyuhu
wuu isku wada laaqi karaa iyadoo aanay "deelqaaf" ka noqon maansadiisu.
Sidaasoo ay tahay ereyo badan oo "kh" ka bilowda ayaa asalkoodu ka soo
jeedaa carabi, sidoo kalena ha ka saarin meesha in ay erayada loo tiriyo
carabiga ka soo jeedi karaan af Soomaali. Tusaale ahaan ereyga "khalkhal"
maaha carabi, hase ahaatee haddii carabtu ay qaadato, waxa ay oran
lahaayeen "anta mukhalkhal" :-), markaasi haddii qof Soomaali ahi uu maqlo
"anta mukhalkhal" ma inuu yiraahdo waa erey carabi ah baa? Waxaan uga
socdaa, afafku waa isdhexgeli karaan, waana ay adag tahay in la tixraaco
erey laba luqadood ama ka badan ku jira in la yiraahdo luqaddaas buu ka
soo jeedaa. Sidaa aawadeed, af Soomaaligu ma mudna in la dhayalsado. Si
kastaba ha ahaatee, ereyada soo socda waxay ka mid yihiin kuwa aan
isleeyahay carabtu ma isticmaasho ...
khaweysiin = wareerin
khoori = biyaha badda oo berriga lagu soo leexiyo si doonyuhu u soo
galaan; gacan
khaysaraan = geed jirriddiisu daloosho oo weelal, kuraas iwm laga sameeyo.
khayli = maro
khaafsanaan = maahsanaan
khaymad = buul; teendho
khaanad = qooladaha armaajada iwm middood
... Sidaan horeba u soo sheegay, erayada "kh" ka bilowda iyo kuwa "q"
mararka qaarkood hadba si bay dadku ugu dhawaaqaan; tusaale ahaan Qaraar =
kharaar iwm.
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
--
o "Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxay ku xiran yihiin nabad...
/\_ _/ ... Nabadi baryo ma leh ee baqay leedahay ...
\ `-|_|
/ /\ AA
Waa ku mahadsan yihiin dhamaan dadkii ka qaybqaatey iney iga caawiyaan
helitaanka eray Soomaali ah oo ka bilowda "kh" laakiin aan af-caribi asal ku
lahayn, hase ahaatee dhamaan jawaabihii kuma qancin, waxayna isu jireen erayo
carabi ah sida:
1. khatalid = kh+ta+laam waa carabi
2. khusuumad = waa carabi
3. khuuro = carabi, loose isticmaalo xoolaha badanaa
4. khakhal = carabi
5. iwm
iyo erayo aan sugneeyn, oo Soomaalidu si kala duwan ugu dhawaaqdo sida:
kharaar = qaraar
meelna kuma cada oo lahjada ayay ku xiran tahay dhamaana waa sax.
weli ma hayo jawaab sugan ee fadlan yaa ii sheegi kara?
Mahadsanidin
C/qaadir A. Faarax
Haddaadan Cabdullaahiyow Khallaafo koonfur oga anba-bixin "KH" iyo "Q" waa
kala laba eray oon la isku khasin.
Haddaad khumaati u kala bixin waydana gabaygaagu deel-khaaf intuu dhaafo ayuu
daaca-khurun iyo shabkax-foonkhax nokhon oo khasbahayaa laguu bixin.
>Sidaasoo ay tahay ereyo badan oo "kh" ka bilowda ayaa asalkoodu ka soo
>jeedaa carabi, sidoo kalena ha ka saarin meesha in ay erayada loo tiriyo
>carabiga ka soo jeedi karaan af Soomaali. Tusaale ahaan ereyga "khalkhal"
>maaha carabi, hase ahaatee haddii carabtu ay qaadato, waxa ay oran
>lahaayeen "anta mukhalkhal" :-), markaasi haddii qof Soomaali ahi uu maqlo
>"anta mukhalkhal" ma inuu yiraahdo waa erey carabi ah baa?
All run badanaa! Wliba waxaad ku dartaa in culimada luqadaha ay sheegeen in
labada af muddo dheer ka hor ay isku af ahaayeen (afro-asitic) sidaa darteed
ay wadaagi karaan erayo badan oo aan la kala caaryaysanin ee luqo walba asal u
ah.
Matalan "ana" iyo "ani" way isu egyihiin laakiin inaana la kala dhaxlin bay u
dhawdahay. Sabatoo ah waa eray lagama maarmaan u ah luqad kasta.
Si kasta ha ahaatee, wax badan baan soo caaryaysannay cabdyullaahiyow.
> Waxaan uga
>socdaa, afafku waa isdhexgeli karaan, waana ay adag tahay in la tixraaco
>erey laba luqadood ama ka badan ku jira in la yiraahdo luqaddaas buu ka
>soo jeedaa. Sidaa aawadeed, af Soomaaligu ma mudna in la dhayalsado. Si
>kastaba ha ahaatee, ereyada soo socda waxay ka mid yihiin kuwa aan
>isleeyahay carabtu ma isticmaasho ...
>
>khaweysiin = wareerin
Ma maqal. Allow yaa qaamuus noo sameeya.
>khoori = biyaha badda oo berriga lagu soo leexiyo si doonyuhu u soo
"Qoori" baan u aqaannaa. Waxayna iila egtahay inuu micnaheedu yahay:
qoor biyo ah oo barriga soo gashay. Soomaali miidh ah.
>galaan; gacan
>khaysaraan = geed jirriddiisu daloosho oo weelal, kuraas iwm laga sameeyo.
Woow! KhayZaraan waa carabi sheekh.
>khayli = maro
Ma hubo, caribi bayse u egtahay. U dhaw in Cadan laga soo amaahday.
>khaafsanaan = maahsanaan
Qaamuuska iyadana iigu dar.
>khaymad = buul; teendho
Waa carabi tanna sheekh.
>khaanad = qooladaha armaajada iwm middood
>
Khaanah; Waa carabi.
>.... Sidaan horeba u soo sheegay, erayada "kh" ka bilowda iyo kuwa "q"
>mararka qaarkood hadba si bay dadku ugu dhawaaqaan; tusaale ahaan Qaraar =
>kharaar iwm.
Ma illowday Khadhaadh?(-:
Nabadeey
Khalif Waylac.
>Erayada ka bilowda xarafka "kh", waxa inta badan ay ka bilaaban karaan
>"q", sidaa aawadeed xitaa marka ay maansada u yihiin "qaafiyad" curiyuhu
>wuu isku wada laaqi karaa iyadoo aanay "deelqaaf" ka noqon maansadiisu.
: Haddaadan Cabdullaahiyow Khallaafo koonfur oga anba-bixin "KH" iyo "Q" waa
: kala laba eray oon la isku khasin.
: Haddaad khumaati u kala bixin waydana gabaygaagu deel-khaaf intuu
: dhaafo ayuu
: daaca-khurun iyo shabkax-foonkhax nokhon oo khasbahayaa laguu bixin.
Maad iga dheh :-) Khaliifow, Koonfur iyo reero Berricajab dooddooda dib
iigu dhig, haddii alle idmo dood yar baan ka qabaaye. Hase ahaatee, waanad
i afgarane, sidan aad u kala dhigtay maaha ujeeddada aan lahaa. Maaha
ereyada oo dhan ee waa "inta badan" ereyada ka bilowda "kh" waxay dadku
badankoodu ugu dhawaaqaan "q". Tusaale ahaan...
Khamro = Qamro
Khamaar = Qamaar
Khamiis = Qamiis
Khad = Qad
Khayr = Qayr
"Khoori" = Qoori
Khuuro = Quuro
... badanaa ereyada aan aqaan ee "kh" ka bilowda, haddii la doono "q"
ayaa loogu dhawaaqi karaa. Sidoo kale, marka xarafka "kh" uu bartanka kaga
jiro ereyga, waa la mid, sida bakht = baqti, iyo bakhaar = baqaar. Waxa ii
muuqata in "q" uu marna ka ereyo badan yahay "kh", marka kalena
kudhawaaqiisa loo badan yahay in "q". Ma ii sheegi kartaa maanso
qafiyaddeedu "kh" tahay?
: >Sidaasoo ay tahay ereyo badan oo "kh" ka bilowda ayaa asalkoodu ka soo
: >jeedaa carabi, sidoo kalena ha ka saarin meesha in ay erayada loo tiriyo
: >carabiga ka soo jeedi karaan af Soomaali. Tusaale ahaan ereyga "khalkhal"
: >maaha carabi, hase ahaatee haddii carabtu ay qaadato, waxa ay oran
: >lahaayeen "anta mukhalkhal" :-), markaasi haddii qof Soomaali ahi uu maqlo
: >"anta mukhalkhal" ma inuu yiraahdo waa erey carabi ah baa?
: All run badanaa! Wliba waxaad ku dartaa in culimada luqadaha ay sheegeen
: in labada af muddo dheer ka hor ay isku af ahaayeen (afro-asitic) sidaa
: darteed ay wadaagi karaan erayo badan oo aan la kala caaryaysanin ee luqo
: walba asal u ah. Matalan "ana" iyo "ani" way isu egyihiin laakiin inaana
: la kala dhaxlin bay u dhawdahay. Sabatoo ah waa eray lagama maarmaan u ah
: luqad kasta. Si kasta ha ahaatee, wax badan baan soo caaryaysannay
: cabdyullaahiyow.
Halkankada haddii aan isku raacsanahay, maxaad carabigan uga baqdaan?
Ogow ilbaxnimada carabta badankeed waanu kaga horreynay. Soomaalidu
magacyo ayay u leedahay wax walba oo ay ku dhaqanto sida alaabada, dhirta,
qalabka farsamada iwm. In ereyo laga soo amaahdo luqado kale, maaha arrin
ugub ah ama wax u dhimaysa afkeena inay kobciso mooyee, waa siday ila
tahay. Bal aan kula eego ereyada aad igu haysato.
: >khaweysiin = wareerin
: Ma maqal. Allow yaa qaamuus noo sameeya.
Miyaadan maqal "WAADH hayna khawaysiin!"?
: >khoori = biyaha badda oo berriga lagu soo leexiyo si doonyuhu u soo
: "Qoori" baan u aqaannaa. Waxayna iila egtahay inuu micnaheedu yahay:
: qoor biyo ah oo barriga soo gashay. Soomaali miidh ah.
: >khaysaraan = geed jirriddiisu daloosho oo weelal, kuraas iwm laga sameeyo.
: Woow! KhayZaraan waa carabi sheekh.
Haddiiba geedku dhirteena ka mid yahay, magacan anagaa leh!
: >khayli = maro
: Ma hubo, caribi bayse u egtahay. U dhaw in Cadan laga soo amaahday.
Wax amaah la yiraahdo iska illow :-)
: >khaafsanaan = maahsanaan
: Qaamuuska iyadana iigu dar.
Waa ku jirtaa
: >khaymad = buul; teendho
: Waa carabi tanna sheekh.
Ma hubtaa?
: >khaanad = qooladaha armaajada iwm middood
: Khaanah; Waa carabi.
Malaha "khaanah" waa carab-suuq. Carabiga rasmiga ah waxaa la yiraahdaa
"khasanah"; sow maahayn? Carabiga laftiisaan laysku wada afgaran oo
qoloba si gaar ah ugu hadashaa.
: Ma illowday Khadhaadh?(-:
"dh" dheesha ma ku jirto :-)
: Nabadeey
Horta aniga oo aan kaa waalin wax aan jecelaan lahaa in aan ka jawaabo
ama figradayda ka dhiibto. Su'aashan wax ay ku jirtay Imtaixaan aan
galay 1986. Run-ahaantii markii aan Qorayay imtaxaankaasi way iga
wareerisay waayo midkasta oo niyadayda ku soo dhacdaa waa Carbi. Taasi
waa taa 10 sano ka bacdi wax aad doonaysaa jawaabtii.....(^!^) Xumaan
iyo
samaanba wax aan Barigaa ogaaday in aanay Jirin eray Soomaaliya oo ka
bilaaabma KH oo sameeya micno buuxa, Laakiin waxa jira laba "igu
maqaale"
"Khuuro iyo Khaakho" waa sida aan kor ku xusaye haddii aad u fiirsato
labada midna micno ma sameeeyo ee waa dhawaaq.
Nabaday....
: Salaanta Islaamka kadib:
: Waa ku mahadsan yihiin dhamaan dadkii ka qaybqaatey iney iga caawiyaan
: helitaanka eray Soomaali ah oo ka bilowda "kh" laakiin aan af-caribi asal
^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^
Eray Soomaali ah oo ka bilowda "kh", waa eray Soomaali ah :-)
: weli ma hayo jawaab sugan ee fadlan yaa ii sheegi kara?
Is there a price here?
: Mahadsanidin
: C/qaadir A. Faar
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
--
o ______"Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxay ku xiran yihiin
/\_ _| DI | ku xiran yihiin 'nabad'... nabadina baryo ma leh ee
_\__`[________| ee baqay leedahay ...
] [ \, ][ ][ AA.