Cali Xaashi:
S:Mr Illa taliyoow haa-saawii ayaad iga camuudeysey ! therefore get off my
case.
J: Hakuna matata wewe. Jina langu siyo Illa tali, umeni fahamu ?. Kuja hapa
brother, I didn't mean to bruise your feelings as easy hadana falaadhise gil-
gilasho kaagama go'do.
*************************************************************************
Hiradoowna, waan helay safarkii qiimaa iyo qaayaa weynaa waanad ku
mahad-santahay si weyn. Hadaanad xanbabaskaa illa soo gaadhina mooyi waa
horaan gomodeyda calaashan lahaa. Anyhow, you are a real nomad who still
uphold his old traditional culture. Thanx again you did a great job for me
but you also confused me ! how dare you said I never been to W/Q yet the
diction of your Somali words 'DiDiB' are much the same as Somali qaldaan ?
*************************************************************************
Hirad:
S: Mustafoow, ardaagaagu ma didib baa ???
J: Waar muxuu leeyahay daba Waraabe u ruqdaygu. Waar maya, maya e ardaagaygu
wuu kash-kaashan yahay ( timo haweenle caws layidhaa ayaa ku caws goglan)
didibna maaha e waa XARSHIN. Waar hooy daan-daansiga hagoogan maad joojin,
dheryo kale ayaa dab iga saarane hay duwan wiilkoow.Sidani se ma si aan cidi
iigu soo hoyan baad ka wedey ?....Didibaa-diin guurso oo dacawo jaban
daadahayso, waxanse ku weydiiyey adiga iyo innantii jinaha dhuu-dhuubnayd
kiinee baa roonaaday oo reerkii u hadhay ?
Hirad wrote:
>Wapi rifikayaku, Abdiqadir/Dhere ? Ume malisa shule (jama'at) ? Nisalamiya
>tafadhali ?
Rafiki yako A/qadir yuko mzima. Ame maliza shule, na ana fanaya kazi.
>Kwa heri, lakani wewe hapana toka Burco.
Nimetoka Hargeysa.Na mimi si msuji, lakini badhi ya jamaa yangu wako Nairobi.
> A/qadir an ni wewe wamotoka Eastleigh, Somali-sijuwi ?
Ametoka Asali Basali HARGEYSAAWI.
Bwana Haidar:
Nimeku salamia lakini wewe umetoka BBC ?
Hakuna miraa ha-he-hi-ho-huuu- Mimi na A/qadir tuma maliza. Hakuna neno.
Canada ma laga helaa ?.......Mijintu waa imisa ?
Haidar wrote:
>Ikiwa A/qadir ni mtu Burao...........
Dear Haidar:
Can you please elaborate and elighten to me what you mean by the above
pharse ? Due to my poor bawsi Sawahili I couldn't follow your meanings.
However, your volunteer job typified that you must have an ulterior motive
could you also make comment.............Thanx.
Timo Jilic:
S: Ilaah baa idilayee, hablaha reer Burco/Ceerigaabo lama garab dhigi karo
kuwa reer Hargeysa !!!!!!!!!!!!!!!
J: Huriyeey bal dhegeysta. Haye-Haye soo soco jacayloo sidaadoo kale lawaaye
waar maxaa tidhi ? hablaha reer Burco iyo reer Ceerigaabo hablaa reer
Hargeysa DhuDHuN bay dheer yihiin. Qaar horaa dhiidhi galaye adna kaalay-
kaalay nooga sheekee ileeyn indhihii soo arkaad nagu eegeysaaye.Waar-yaa waa
ninka, Sakaaro laba tun oo lakala qalo male, hablaa duriyaduna waa sidaase
la soco.Teeda kale miyaanan maqleyn haatan "Sodog" baad noqotay ? waa maxay
sodogan fadha-dhaqda geeyey...heh...Waase ciyaar ninba cayn u tumayaa.
Himilo:
S:Raga Soomaaliyeed talo kale ma hayaan aan DUMAR ahayn I feel sorry for them
J:Miyaanad ogeyn labada shay ee lagu ducaysto inta aad dunida joogto in ay
yihiin; caafimaad iyo OOri ( gabadh) wanaagsan, markaa sidee baan dahabo loo
haybin heeeee. Mida kale maah-maahdii aad keentay raga madaxaad u saartay
waana run-taaye, rag waa rag dumar baase is dhaafsha, dulucdeeduna waxa weeye
.Waxa jira nin halyeeya iyo nin habeena iyo nin hacooya ( hacooyo SCS-ka way
ka buuxaan). Hadaba nin halyey ahaa ayuun baa Illaahay gacanta magaanyo u
geliyaa dabadeedna hoos bay ulla daadeg-taa naa-naab ayuun buu soo baxaa.
Nin habeenana gaari hanata ayuu helaa oo rag oo dhan dhaafisa, markaa sidee
baan DAHABO loo hadal hayn heeeeeeeee. Rag ayaan buu isku dhaafay. Halse
aan ku su'aalo Himilo ma'magacaaga dhabta ah baa mise waa kaad ku dagaal
gasho ?
Habiba: She is suggesting Ibrahim to learn mor about haa-saawe..Hilarious!!!
S:Ku dadaal oo baro sida haweenka loo shukaamiyo, dabadeedna waxaan hubaa in
aanad wax dhibaato ah habayaraatee adan kala kulmidoonin ?...Hayga qoslin
J:Woow-woow-waxaa-saa inana, afkaaga caano lagu qabey, taasi waa tuu waraabuu
ka maah-maahay Habiibaay ee uu yidhi waxaaga wax laguugu dar.Laakiin halkay
sartu ka qudhuntay baan kuu sheegayaa ee ay dhalinyaradii qurbaa timi iska
fahmi ladahay. Bal ka waran ruuxa haa-saawaa halkan ku bartay ee weliba ka
darane gabadh cad ku BAR-BAR-Tay sida baaskeelka. Look ! this is how he
would approached (haa-saawe) when he met G-cad, he stars like this, Hi honey,
you are beautiful, you are my princes, I love you, I like your hair/smile etc
markuu mudo badaa dabaasho ee aakhirataanka ay soo tufto ayuu lama huraan
waa caws jiilaale la kulmaa mahuraan-tiisii (ie timo-haldhaaley). Kolkaa
adaan ku dhiibaye bal xaguu agu soo bilaabaa sheeko ? ma wuxu ku yidhaa I
love you, jacjacle ku gel ayey ugu jawaabi. Haduu ku yidhaa, you are
beautiful ( see he is merely treating her as G-cad): taloow ma wax baa u
dhiman mise gaas buu cabey ayey ugu jawaabi. Hadii uu hadalka sii wad-wadona
waar wuxu kudaafaduu naga soo raacay ayey hadal ku gebagebeysaa.Markaa ninka
xaal kiisu caynkaas yahay toobad keena ah maxaa laga yeelayaa ?
Warac:
S:Sheekh Isaxaaq abtir siimadiisi waa taase kanaxoow nafta waa.
J:Qudhaanjooy ku quuso.Indhaa hadawga.Waracoow sheeko boqola baad keentay
Xerta-sheekh-madarna way isku raacsantahay Carabnimad laakiin Alhaashimigaas
waa laysku haystey muran baa ka taagnaa ! mar kaa qolo waxay doodoodii sal
uga dhigteen carabnimo maan diidin laakiin qabaailka carabtu waa sida
burcuudaase maxaa Alhaashimiga qoorta inoo geliyey ma quraankaynu ka aragnay
.Mida kale ma'ogtahay in Daaroodkuna siday abtirsiimtooda u wadaan inay
ALhaashimiga meel kaga soo tuuraan ? Hadaba mar haduu Isaaq iyo Daarood-ba
carab sheegtay, nimankii Hawiye saw wadankii iyagu u hadhi maayaan, oo carabi
dhul haydin siiso odhan maayaan...Muusoow wadanki waa kaaaaaaa.
Mida kale Waracoow aan kula kaftamee, niyahaw magacyo badanidaa ma mukulaal
baad tahay , Warac/Aar/Libaax/Burcaawi/Cabdi fatax, ninka islaama ee waxaas
oo Magaca isdabayaal arkaa waluusan kabaa xasuunan doonin.
XaaJi:
S: Aabateedkii baa iga xidhan markaa 20 mid oo roodhi ah ayaan biyo la'aan
ku cuni karaa, laba boqol oo shinbiroodna waan dabay, aakhri danteedeed
maxaan dibiray.I dated over 200 ladies and I am a man with DIGNITY who can
make....(buuxso meelaa banaan)....more than 20 times.
J: Salaamaad !!! Alif-alif Calaa ku jira. Waar ninku af-qadhaadhaa! waar
ninku cirweynaa ma bohol caadilkeen qodaa! Xajkii ha tegin, xaajina ka naa
diley. Ma'waxa aynu aragnay Xaaji xumaantii uu falay ka sheekeeya xaaji
Xashkii ka sheekeeya mooyee. Waa halkii Timo-cade fur iyo Xanjo alle ku
geli oo awdan oo walahaa kugu raran gododle..
Nin xumaanti uu falay
Weliba kuugu faanaa
Fool xumo u adagaa...Xaaji qudh-muune.
Doqoniimadu noocyo badanaa, Canadana halyeyo badanaa ?
Waar yaa DOQONIIMO la guux adigu waxaa tahay JUQURAAFI.
It's sad to grow old but nice to ripen......Soomaalidaa tidhaaaaaaaaaaaaaaaa
Farrah:
S: If you are day-day 'Anab' do not go parading around's Anab's vicinity, for
beleive it or not, Anab has standars with $$$$$$ signs .
J: Sharcigii guur lahaan iyo shuruuduba ma lacag baa ? shar gud ban. Mise
waxaad taageer santahay, maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaa, Go'aaga geed
cadaada lays kagama wadho. Waa hadaad fahanto waxaan u jeedo waxadse tahay
gabadh DUBEELa iyana waa hadaad fahanto.
Maryan iyo Siciid iyo Gamca-dheere ayaa meel halkan timaa isku martay, haa-
saawe boqolina wuu dhex maray.
Maryan: Siciidoow w/q ha ii dirin indhahaa layskala soo baxaaye.
Siciid: Maryaneey barasho horteed hay nicin.
G-dheere: Mauna-mijuna (afjini). Car waa ninka Maryan w/q u dira.
J: Maryan waxan odhan lahaa meel sheeko mooyee aanad shaahid u arag wax ka
sheegeedu wuxu ka dhigan yahay Araboow gurigaa be'e iyo dadkuba wuu lahaa.
Indhaha faraa layska gelinayaana wax kale maaha abaayo e waa caashaq awgii.
Bal markaa Siciid-Sug baa reer W/q kuugu dhawe soo bariidi, mar kaa ma faraa
idhaajuq kaa sii mise kaa muu siin, haduu idhaa faraa daf kaa siiyo sidaad
sheegeysaa dhaba waa hadii kale siduu sheegaayaa dhaba ie barsho hor teed
hay nicin.
Gamca-dheeroowna:Kaftan aqoon ayaad isugu biyo shubatay, waxan is lahaa waa
taas oo ninkii Gam-dher ku hoortay markuu Siciid intuu innatii u heesay ku
yidhi adna maxaad odhan Gam-dheeroow ? runtii waad ka baxday afjini iyo
waxaad adeegsateyba.Laakiin maxaa loo yidhi reer waqooyiga uun baa
hinaasiyiina? Ta kale, Siciid kuugu iman maayo waayo Soomaaliyi laba ka
xeeran laba Qaldaan ayaa isugu kay tegey baad odhanaysaa aanse wax ku tusiyo
Sheele haagan keliyee
Shakadiisu madhantahay
Sida loo shirabo iyo markaad
Shiishka baratuuuuuuuuuuuuu
Shaahuna bis laadaaaaaaaa
Barr: (wuxu qawedey Habiiba halaasigeedii)
S: If you have a job ( ie not comedy ) keep it .
J: Soomaalidu kala gardaranaa ! hadal garawsi fududaa ! godob iyo lur jecelaa
Bare, your tast (ie comedy) might not be the same as other's tast but if you
have a better joke say what you gonna say, say it what you have to say or
otherwise shut the nose off and cease to read/see it.
Othman Issa-Issa wrote:
ISHAQ ( Garhajis Subclan ).
How did you know that I'm an ISHAQI (in respond to Udub).
Udub:(Udub shakes his heard) he says, even though I am an admitted clanist,
I am not familiar with ,ISHAQIS. Are thay also Isaaq ?
Othman Issa- Saaxiib marka hore Malkaam tuwiwiq, ie af-jini means barasho
wanaagsan. Marka xigta ISHAQI waa maxay ? ma magac cusub baa ? hadii uu
magac cusb yahay fadlan walqashiisa waan kaa sugayaa anaa niman-kaa aad
sheegeyso ahe. Afxumona Khayr kuuguma ogi.
Uduboowna, anba yaabay oo sidaa u yaabtay ayaan uyaabay, waxan is
lahaa Isaaq iyo Daarood nin kaa badaiya waa laheli karaa ninse kugu harawsan
kara maanka kumaan heyn Ismacli-Ishaaqi anigu sheekona kuma maqal hadaanu
dabaday dhalan mufdigaase (Othman) aynu ka warsugno.
Ka baxay.
Qaybtani waxay ahayd barnaamijkii Illa Tali qaybtiisii ugu danbeysey ee 1995.
Markaa barnaamijkii wuu inoo xidhanyahay. Kulankeena danbe inta ka horaysa
aniga xagaya nabadgelyo iyo is maqal danbe.
......
M.jama
>Thanx again you did a great job for me
>but you also confused me ! how dare you said I never been to W/Q yet the
>diction of your Somali words 'DiDiB' are much the same as Somali qaldaan
?
-----
You are welcome brother Mustafe. Did I confuse you really? Isn't that
what life is all about--keep people guessing of who you really are. Did I
say I have never been to Waqooyi? Pardon me, please? I was born at
North, but I left when I was four years old and spent the rest of life at
South and in the States chugging down some pizza and burgers. Never did
I think about losing my identity and roots. For one to know where s/he is
going, s/he has to know where s/he came from. BTW, I am not Qaldan,
rather Galti. Brother Abdelnasir Barre (UK) knows what they used to call
us:
Galtiyeey garraad laayeey
Maxaa Guri Waamo kuu yaal.
-----
>Hirad:
>S: Mustafoow, ardaagaagu ma didib baa ???
>J: Waar muxuu leeyahay daba Waraabe u ruqdaygu. Waar maya, maya e
ardaagaygu
>wuu kash-kaashan yahay ( timo haweenle caws layidhaa ayaa ku caws goglan)
>didibna maaha e waa XARSHIN. Waar hooy daan-daansiga hagoogan maad
joojin,
>dheryo kale ayaa dab iga saarane hay duwan wiilkoow.Sidani se ma si aan
cidi
>iigu soo hoyan baad ka wedey ?....Didibaa-diin guurso oo dacawo jaban
>daadahayso, waxanse ku weydiiyey adiga iyo innantii jinaha dhuu-dhuubnayd
>kiinee baa roonaaday oo reerkii u hadhay ?
------
Daandaansi iyo dig-digtu waa iga dinaahyeyne
Didibuu jiifaa baan lahaa dabagaaluhuye
Dalalanbaabibuu ku seexdaa dixidii gurigiisa e
Cidu kuu soo hoyan? Sowdigii, adigiyo islaantaadii, Cambara Cutiya,
orgigii ugu shishlaa xayntaada noo loogay, berigii aan idiin soo martinay
Waanigii hilbiyo bariis isla dhacay oo dhiil la cunay caanaheed ka
hirqaday. Walaahay, Mustafow beryahan dambe anigiyo gabadhii jinaha
dhuu-dhuubnayd waa isla liidanaa. Markii ay igu qaylisay ee ay qaad iyo
timir isugu kay walaaqi weydey ee ay feedh iyo tantoomo iga badisay, ayaan
anigu bahal dhunkasho ah ku jiiday, ileyn nin daacadaan ahaye. Markaasay
iyana timo dheer iyo luqun dheer soo lu shaa oo ay i tidhaahdaa "Alla, bal
kaalay Cabdiqaniyow aan kula casheeyee".
-----
>Rafiki yako A/qadir yuko mzima. Ame maliza shule, na ana fanaya kazi.
>Nimetoka Hargeysa.Na mimi si msuji, lakini badhi ya jamaa yangu wako
Nairobi.
>Ametoka Asali Basali HARGEYSAAWI.
-----
Una salamiye A/Qadir. Yeye na wewe muna kula Mira Australia ville
aliyoseme rafikiyangu Haidar? Mtu owa lini? Wewe watu wa Hargeysa,
lakini umenda Kenya kwa farisi (Dhuuryo Cade). Alifu, una safirisha Mira
umbaka Hargeysa, baden muna jonga Mira sana sana. :) :) Mimi sikulangi
Mira? Lakini nina penda wanawake wa Somalia.
Maka Mzuri. Kuwaheri ya kuwaonana.
--------
Hirad
Waryee Mustafe:
>hinaasiyiina? Ta kale, Siciid kuugu iman maayo waayo Soomaaliyi laba ka
>xeeran laba Qaldaan ayaa isugu kay tegey baad odhanaysaa aanse wax ku tusiyo
> Sheele haagan keliyee
> Shakadiisu madhantahay
> Sida loo shirabo iyo markaad
> Shiishka baratuuuuuuuuuuuuu
> Shaahuna bis laadaaaaaaaa
Annagaa wax aragnay! khaldaan ma sidii koronkor buu u soo daatey?
Walaale soo dhawoow. Fiqi Buraale iyo Farax Aadan! Ma Ardooyinki baan
lagaa coodin?
U shintiri oraahdoo
Shaqalada la raadsoo
Shid madan ku reeboo
Shawaawidan dhudhuubka ah
Shuhoodeedu badantahay
Sheelo hadalka aad galin
Sharcigeeda noo sheeg?
Shiddo weerar shaaximan
Shaac aan qarsoomeyn
Sheedeed banaan dhigan
Oo shakaalki lumisaad
Shawr aad ka dhigiyood
Gufurkeeda shuba oran
Shoodhe weeye hadalkii!
Wax kalaba sheegoo
Duluc ii shareeroo
Ii sha-shooshi hadaloo
Saluug sheekadeydoo
Shalay dhalad ahaadoo
Tixahaaga shubo oo
Maxaad sheele ii oran?
Gacmadheere
Waryee;
Waryee waad mahadsantahy. Faanku ragga waa ka reebanaa. Meeshaan ka
imid Haweenka kaliya ayaa loo ugulyahay. Ridii maqasha ku fillaan
weydana kama reebana! Abwaan! Ereygii maansadu ku socotayna waad ka
carartay, waan qiyaasayey? Salfudeydku waa caadadiiney ila tahay
(ereygaan wuxuu jawaab u yahay "Deeqsinimo la idinkuma yaqaan", inta
kale ha ka raali ahaatu).
Aan ku xasuusiyo; waxaad i tiri:
Sheele haagan kaliyee
Sheekadiisu madhantahay
Sida loo shiraabo iyo markaad
Shiishka baratuuuuuuuuuuuuuuuu
Shaahuna bislaadaaaaaaaaaaaa
Anna dhowr beyd baan talantaalli kuugu soo tuuray. Waxaad banka soo
dhigtayna waan arkay. Walaale hoo Biyihii Ish Baydhabo adna:
Shanqartaadi badatay
Shawahaadda daayoo
Duqsi kaaba shilisee
Baraanbaru la shuba oo
Shoodhow xinniga shuluq
Shaashle dumar miyaad tahay
Faankiiba shubataye
Ma shireysataa hooy???????????????
Waxa dumar arlada shuban
Oo shoocba shoc yahay
Sheelo seed u sheegtaa??????????????
Yaa kugu shux siiyoo
Shubuq kugu salaamoo
Xalay kuugu shubayoo
Qaraw kaa shaqeystoo
Shabbaheygi aragtaye
Bal noo sheeg wixii dhacay????????????????
Orgi Shaash libaax lihi,
Wiyil marna lama shiru
Shimbirtii dab qaad badan,
Marbey is shiddayoo
Gurigeeda shuuxdaa
Dadkana uu la shoomaa,
Shiiq shiiqdi waxa helay?????????????
Alamtaraabad shalaq tiri,
ka shisheysid shooraar
Shiris kuuma noqonoo,
Shillinkaad midida dhigan
Yaan kugu shantuliyoon,
Shanley kuugu xiriyoon
Qeylo aad la shoontida,
Shaalaleyna kuu tumin
Biddow shaalkaad xirantay
Shashafu un weeyee
Ha is moodin shiikheed!!!!!!!!!!!!!!!!!
Yaa shaahid oo Shamis
Milgu aadan Shiileyn
Mayska sheyganeysaa?????????
Deel qaafkaad shalab tiri
Xarafkiis ma sheegana
Shoodhow dirkaagii
Salfudeydkan lagu sheeg!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Shanfaroodle dunidani
Inaad shaafineysoo
Murti lagugu sheegaa
Waa shurufta kaa timid
Sheeqaaqi daw maran
Shicirkeedu barax yahay
Ninkii wax isku sheegaba
Ninbaa shaashabiyee garo
Himbiriirsi shalow dhoo
Deelkaa ku shoomoo
Shiinkana ka rooroo
Shabbaax feerahaagoo
Shaaweyso hadalkeer
Fallaartaad ku shiishtami
Waa horaan shakaaloon
Madfaceedi shalay dhigay
Shuqulkeeda aan xiray
Yaad la shoola shooleyn
Cirka kula shaqaaqtami
Ood waliba is shoocini!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Bal waran mr deele? Caradi ilaaheyna wey kuu dhimantahay aad ku tiri
anaa dad u sareeya.
Gacmadhere
Gacma
>Yaanu hadalku illa tegin, ee saaxiib adna ku soo dhawoow:
>Doqoniimo waa shile
>Dawdar-kani muxuu haa
>Dubuq uun na soo yidhi
>Dadka yaw u qareen xiga
>Doodiisu jabanaa
>Dal-daloolo badanaa
>Damaceedu liitaa
>Durujaa xas badanaa
>Waase duniye yeelkeed
>Doodayduse waxay tahay
>Dugsi maaha meeshani ( SCS-ka)
>Deelka maanso lagu dhigo
>Amase derisyo laga wado
>Nin damiima lagu baro
>Nina wuxuu daliishee
>Rabigay ku deequu
>Dunida soo hor dhigayaa
>Dadweynuhu sugaayaa
>Ninkase kiisa dalabtale
>Hebel baan u diri yidhi
>E daalaa dhacaayoow
>Aan kuu daruurshee
>Daba dhilif la'aantii
>Ma dagaalamaysaa ?????????????????
>Farskaygi doolaal
>Dhuuryo-cadde daahiya
>Baa kuu diyaaree
>Duulaan ma u baxaysaa ????????????????
>Keligaa ma didrir taa ????????????????
>Fardaa deedamaayee
>Diric adag ma wadataa ????????????????
>Hadii kale hadaaline
>Hays didsheen libaaxyadu
>Hadoodeen wax garadyadu
>Raga dabaqadaa sare
>Derbaa idiin dhexeeyee
>Dacawadii rasuulkiyo ( SwS)
>Socodkiisi doontee
>Keedii ka durug taa
>Meel dhexe ku daashee
>Didibsaan ku leeyahay
>Inta darfka baalaha ( SCS-ka )
>Dacalada ka joog tee
>Daawanaysa noqo oo
>Yaan daad ku qaadine
>Shaxdana debeda ka ahoow
>Waa daradaaran iyo talo
>Ninka doonayoow maqal
>ka diidawna yeelkaa
>Daniba way ku reebiye
>Taa ma lagu baray........
>Nabadeey
>Ka baxay
>......
>M.Jama
Waxan aad soo qoratay ma "af-soomaali" ?? Anigu kalmaddo badan kama fahmin!
Xagee laga lagaga hadlaa?? Ma gabay ahaan baad ula jeeday??
Kulan danboo xiiso leh.
B.W.Ainashe
Oslo, Norge.
_______________________________________________________________
"Dugsi ma leh qabyaaladi waxay DUMISO mooyaane"
Cabdilaahi Suldaan Timaccade
_______________________________________________________________
> Gacma
Aaad baad ugu mahadsantahay taladda aad ii soo jeedisay. Runtaa gabaygan
Gacmodhere wuxuu tusaale qayaxan u yahay qaninimadda afkeena hooyaa. Waxaan
u jeedda wuxuu af soomaaligu leeyahay eryo badan oo la kala dooran karo
marka gabay ama heeso la samaynayo, amaba lagu hadlo.
Adigu sideed u fahamtay????
Kulan danboo xiiso leh.
B.W.Ainashe
Oslo, NORGE.
--
_______________________________________________________________
"Dugsi ma leh qabyaaladi waxay DUMISO mooyaane"
Cabdilaahi Suldaan Timaccade
_______________________________________________________________
In article <4e0016$8...@zippo.uwasa.fi>, a70...@reimari.uwasa.fi (Abdullahi
Ahmed Ali) wrote:
> Bill, Ifka iyo aakhiraba waa laga ogyahay inuu gacma dheere ku dhashay
> Wanlaweyn. Haddaba halla yaabin haddaad fahmi weydid warkiisa..Kasbo saaxiibbo
> kuu turjuma
>
>
> AA HAYBE
: Waxan aad soo qoratay ma "af-soomaali" ?? Anigu kalmaddo badan kama fahmin!
: Xagee laga lagaga hadlaa?? Ma gabay ahaan baad ula jeeday??
Bill, Ifka iyo aakhiraba waa laga ogyahay inuu gacma dheere ku dhashay
Wanlaweyn. Haddaba halla yaabin haddaad fahmi weydid warkiisa..Kasbo saaxiibbo
kuu turjuma
AA HAYBE
: > Shanqartaadi badatay
: > Gacma
--
AA HAYBE
: Dear Haybe!
: Aaad baad ugu mahadsantahay taladda aad ii soo jeedisay. Runtaa gabaygan
: Gacmodhere wuxuu tusaale qayaxan u yahay qaninimadda afkeena hooyaa. Waxaan
: u jeedda wuxuu af soomaaligu leeyahay eryo badan oo la kala dooran karo
: marka gabay ama heeso la samaynayo, amaba lagu hadlo.
Bill sidaad qiyaasi kartid kaftan bay iga ahayd arrintu.Gacmadheere is one
of my favorae cavers and I love teasing him as ina dhagax from Wanlaweyn.
: Adigu sideed u fahamtay????
Anigu kol aan suuf iyo xanjo isku dejiyo wuxuun baan ka fahmaa wadaadka waa
G dheere e maansooyinkiisa.
AA HAYBE...The Xubeer
Shinbir alla biyooy alag dheh...Somali qaldankaa ku maahmaaha.......Waxa la
yidhi, tukoow bood oo xaga raqda u bood. AAAAAAHaybe su'aasha Warsame la
weydiiyey waxay ahayd (Warsamoow, waxaad meesha ku soo qortay ma Af-soomaali
baa mise waa quraan-dhurwaa) lamase su'aalin xaguu ku dhashay, carab iyo
Soomaali midkuu yahay toona.....Likuli suaalin calaa qadri jawab.......
Sikastaba ha'ahaato, isku soo wadda duub, hal yar aan ku su'aasho, in aad
fahanatey ayaan ka soo qaatay 'Maansadii Af-yaxaaska ku qorayd' markaa mayga
caawinaysaa oo aniga iyo Warsame ma nookala af-celinaysaa ? haday kula
noqoto weedhaha soo socda soo Af-soomaaliyee:
1: Baraanbaru la shuba :(Buraanbur, isuma dhawa)
~~~~~~~~~~
2: .....Xinniga shuluq :(anigu garanwaayey Hayboow)
~~~~~~~
3: Waxa dumar arlada shuban :(Dhaayaygu may qaban waxan baas ee shuban)
~~~~~~
4: Shaashle dumar miyaa tahay: (Qadaf.Dumar shaashle sheekana kumaan maqal)
~~~~~~~~
5: Shubuq kugu salaamoo :(Ma af-soomaali baa )
~~~~~~
6: Shabbaheygi aragtaye :(Taloow, ma'quraan dhurwaa baa, alle lacuskey)
~~~~~~~~~~~
7: Shooraar :(Alla hay ka alle, waar yaa ii miciinay )
~~~~~~~~
8: Yaa kuugu shantuliyoo :(Shantiriyoo miyaa xabka, Haadba haad kici)
~~~~~~~~~~~
9: Shiris kuuma noqonoo :( Xagee lagaga hadlaa )
~~~~~~
Fari kama qodna.........etc.....
Fadlan, ruuxii kale ee af-kaas wax ka gartoow nala soo socodsii adoon
hagran. Waa mahadsantiin.
Ramadaan kariim
Nabadeey
......
M.Jama
Runta markaan kuu sheego anigu waxaa gacmadheere soo qoray waxay iila
muuqatay "Quraan" dhurwaa, shaki baana iga galay inuu afsoomali yahay iyo
inuu jacbur af-shinbireed ah ahaa. Si kasta ha ahaatee haddii Haybe yidhi
waan fahmay oo waa "gabay" af- soomaali ah waxaa Gacmadheere soo qoray,
waxay ila tahay inaan sidaas u qaadano. Ereyo badan oo aad u adag baa ku
jiraa!!
Dhinaca kale, aad baan u jeclaysaa barnaamijkaagga "LA TALI WALAAL" wuxuu i
xasuusiyaa WAAYO WAAYO iyo WADANKEENII !! . Waxaan rajaynayaa inaad maqaalo
soo qori doonto mustaqbalka dhow.
Waxaa loo baahanyahay qoraalo qabyaalladda lagaga nasto!!
Kulan danboo xiiso leh....
Salaamad Oslo ka socota.....
B.W.Ainashe
Oslo, NORGE.
--
_______________________________________________________________
"Dugsi ma leh qabyaaladi waxay DUMISO mooyaane"
Cabdilaahi Suldaan Timaccade
_______________________________________________________________
In article <msjam1.37...@CFS03.cc.monash.edu.au>,
: Shinbir alla biyooy alag dheh...Somali qaldankaa ku maahmaaha.......Waxa la
: yidhi, tukoow bood oo xaga raqda u bood. AAAAAAHaybe su'aasha Warsame la
: weydiiyey waxay ahayd (Warsamoow, waxaad meesha ku soo qortay ma Af-soomaali
: baa mise waa quraan-dhurwaa) lamase su'aalin xaguu ku dhashay, carab iyo
: Soomaali midkuu yahay toona.....Likuli suaalin calaa qadri jawab.......
Waaw Musfate! Maah maahaha cul culus ayaaba dhinac ii riday. Midda kale kale
ma maqashay waxay qaldaamiintu ugu jawaabaan reer wanlawyn markay ku yiraahdaan
qaldaan? Qadhmuun!..I don't mean it though..Waa runtaaye kullu su'aal lahaa
jawaab, arrintun sidaan Ina Caynaanshe ugu sheegay kaftan bay iga ahayd. Anigu
caalimul qayb ma ahi mana sheegi karo Gacmadheere meeshuu ku dhashay iyo
meeshuu ka yimi...Mar marka qaarkood waxaanba is iraahdaa ninku waa wuxuu kasoo
baxay boholihii "Halalaw iyo hay booqan" markuu quraan dhurwaa is daba dhigo.
: Sikastaba ha'ahaato, isku soo wadda duub, hal yar aan ku su'aasho, in aad
: fahanatey ayaan ka soo qaatay 'Maansadii Af-yaxaaska ku qorayd' markaa mayga
: caawinaysaa oo aniga iyo Warsame ma nookala af-celinaysaa ? haday kula
: noqoto weedhaha soo socda soo Af-soomaaliyee:
Aan isku dayo bal inaan wuxuu ku sheego quraan dhurwaaga Warsame. Midda kale
isgaii xaguu ka dhacay beryahan hakala furfuro xarkahan uu isku xirxiree.
Wegereey ka waasacan!
: 1: Baraanbaru la shuba :(Buraanbur, isuma dhawa)
Waxaan filayaa inuu uga jeedo buraabur la dhamo ama barabarooyin la shiilay!!!
: 2: .....Xinniga shuluq :(anigu garanwaayey Hayboow)
: ~~~~~~~
Xinne waan maqlay, xinnise allahay ka alle Mustafoow
: 3: Waxa dumar arlada shuban :(Dhaayaygu may qaban waxan baas ee shuban)
: ~~~~~~
War ninyohow ma istiri ninku waxyaalaha la shubo aad buu uga helaa? Dumar
shuban! Kuma jiro anigu
: 4: Shaashle dumar miyaa tahay: (Qadaf.Dumar shaashle sheekana kumaan maqal)
: ~~~~~~~~
Shaashku sow dhogorta libaaxa ma aha.Ninku waa argagixiso loo soo diray inuu
ragga iyo dumarka isku diro..Xagge la geyn dumar dhogor leh!
: 5: Shubuq kugu salaamoo :(Ma af-soomaali baa )
: ~~~~~~
Ma shabaq buu uga jeedaa...Shabaq la isku salaamo!!! Ka waaweyn
: 6: Shabbaheygi aragtaye :(Taloow, ma'quraan dhurwaa baa, alle lacuskey)
: ~~~~~~~~~~~
Tan waan ka aamusay anigu
: 7: Shooraar :(Alla hay ka alle, waar yaa ii miciinay )
: ~~~~~~~~
Sidoo kale shuqul kuma lihi tanna
: 8: Yaa kuugu shantuliyoo :(Shantiriyoo miyaa xabka, Haadba haad kici)
: ~~~~~~~~~~~
O oooooooooooooooo!
: 9: Shiris kuuma noqonoo :( Xagee lagaga hadlaa )
: ~~~~~~
Malah shir buu uga jeeda tan
: Fari kama qodna.........etc.....
Faras gaaban nin fuulay laga fakay
: Fadlan, ruuxii kale ee af-kaas wax ka gartoow nala soo socodsii adoon
: hagran. Waa mahadsantiin.
Mustafoow halkaas buu ila gaaray baqalkaygii...Mustafihii Monash oo faraska
dheeraya ku socon jiray geela cas casna dhaqan jirey cid hallo diro.
Ka baxay
--
AA HAYBE
Dear Mustafe;
>Sikastaba ha'ahaato, isku soo wadda duub, hal yar aan ku su'aasho, in aad
>fahanatey ayaan ka soo qaatay 'Maansadii Af-yaxaaska ku qorayd' markaa mayga
>caawinaysaa oo aniga iyo Warsame ma nookala af-celinaysaa ? haday kula
>noqoto weedhaha soo socda soo Af-soomaaliyee:
Waryeey, dee nabigaaga ku salli waa Soon'e. Dee faras baad ku
joogtaaye nasu oo bisha Ramadaan taqwada badiyoo waa intaasoo Rabbi
waxuu nagu maneystay ood raad goobkoodii ku waalatay, iskuna
hafreysay, wax kaa siiyaaye.
AAmiin.
Shiraakoowneey
ma shal bahaanoo shiraakoowneey
shilin ii gullanaa ennaa...................Allaa iskeen baday
Shiri maadkeey
Shaafiyoowgaa
Sharafaa kiin weelee......Sharaf Gudoon
Anniina shukaantiyee
Shaleedey waa..........Wadaheedi waa ani buu kuleeyahay.
Ki shoobee ee
Li shoobee.............Sacabka
Barashoodeen
Li shoobee
Reed ma iin shilaayaw
Reed ma'iin shilaayow.....Barashu wacan, kohoshu la'aan.
Waa codkii macaanaa ee Hasanow Eeden.
Soon Wacan.
Gacmadhere
Dear Mustafe;
Reed ma'iin shilaayow.....Barashu wacan, kohasho la'aan.
> Sikastaba ha'ahaato, isku soo wadda duub, hal yar aan ku su'aasho, in aad
> fahanatey ayaan ka soo qaatay 'Maansadii Af-yaxaaska ku qorayd' markaa mayga
> caawinaysaa oo aniga iyo Warsame ma nookala af-celinaysaa ? haday kula
> noqoto weedhaha soo socda soo Af-soomaaliyee: ^^^^^^^^^^^^^^^
Dear Jama;
Af-Somaali meel kale ha u raadin, Af-Yaxaas wax ka Quman ma jiro, ha
i odhan Af-Qalddaan ayaa Quman. Soomaalidu waa labo 1) Quman 2) Qalddaan
Gabyga sharafta leh ee laba shugga idiinku dhacayna, Wixii aan ka gartay
waan soo fasiixinayaa...
> 1: Baraanbaru la shuba :(Buraanbur, isuma dhawa)
> ~~~~~~~~~~
Baran-baro... Malaha maaha? Anigii ayaaba shaki i galy.
> 2: .....Xinniga shuluq :(anigu garanwaayey Hayboow)
> ~~~~~~~
Xinniga <--- Cillaan: Waa Xinnahan layku caseeyo, Timaha cirrada, maad garan?
Abwaankuse wuxuu ku tilmaamayaa in ay inantu Balli Xinni ah oo afkaa
maraya ay mar qura Shuq Tiri " Shuluq tiri", Nimanka cayillanna waa la
yidhaa, Shuluq!
> 3: Waxa dumar arlada shuban :(Dhaayaygu may qaban waxan baas ee shuban)
> ~~~~~~
shuban, Waaba wax iska cad. Shuban <-- Tuban: Tuduca oo macna fudud ku
tarjuban : Waxa oo NAAGO meel kasta joogaan, Gaan ah: Erayga shuban waxa
kaloo loo isticmaalaa sida " Gabadh sanqaroor shuban" san dheer: macnaha
aasaasiga ah ee maalin kasta loo isticmaalo waa Ban, Frequent toilet-bowl
movements ama baadiyihii ku ahayd Banaan Nuuradayn, Sarin Aslid.
> 4: Shaashle dumar miyaa tahay: (Qadaf.Dumar shaashle sheekana kumaan maqal)
> ~~~~~~~~
Shaashle <-- Gambooleey dumar miyaad tahay, Bayaan ma ahinoo.. NO0?
Shaash Xariir abu Kabaash, Shaash saarid. Waa fasaleetiga Naagahu madaxa
ku xirtaan, Mararka qaarkoodna wayba la hadlaan oo waaba war tebiye, waxaad
maqli warkaa waa war cusub oo Gambadii ayaa soo tebisay! Timaha Aarka ahna
waa la yiraa, ka Naagta ah timo maleh, Shaash magac nimeed oo caan ahna wuu
yahay, Tusaale Shaash oo kubadda cagta laacib "player" ka ahaa.
> 5: Shubuq kugu salaamoo :(Ma af-soomaali baa )
> ~~~~~~
Shubuq:Waa'xey de', Weligayba ma maqal, Laakiin waa af-soomaali sax ah.
> 6: Shabbaheygi aragtaye :(Taloow, ma'quraan dhurwaa baa, alle lacuskey)
> ~~~~~~~~~~~
Shabahaygi aragtaye : Sida aan u ekahay waad aragtay. Shabahaad waa isu
ekaanso oo la iskuba khaldi karo. Waa af-soomaaligii oo sax ah, Ishii bii ka
riday, Tusaale: Soomaalidu way isa shabahaan : Soomaalidu way isu wada eg
yihiin.
> 7: Shooraar :(Alla hay ka alle, waar yaa ii miciinay )
> ~~~~~~~~Miciin Alle, Tani waa dhagax, Abwaanku wuxuu isticmaalayaa erayo qaddiimi
ah.
> 8: Yaa kuugu shantuliyoo :(Shantiriyoo miyaa xabka, Haadba haad kici)
> ~~~~~~~~~~~
Warning: Very high-level Language in use.
> 9: Shiris kuuma noqonoo :( Xagee lagaga hadlaa )
> ~~~~~~
Somalia.
> Fari kama qodna.........etc.....
>
> Fadlan, ruuxii kale ee af-kaas wax ka gartoow nala soo socodsii adoon
> hagran. Waa mahadsantiin.
> Ramadaan kariim
>
Aniga waa iga intaa, wixii dhiman fad Allaha u furo.
Soonka kheyr kiisa allaha na waafajiyo.
> Nabadeey
> ......
> M.Jama
Maca-Salaama.
Wacays.
Dear Sirs(Jama,A Haybe);
> : Shinbir alla biyooy alag dheh...Somali qaldankaa ku maahmaaha.......Waxa la ~~~~~~~~~~~
biyooy alag: Daaqadna kamaan arag, Biyo laguu garay, Biyooy ma
ruux aad u ooman ayaa ku hadaaqa. alag dhehse ma dalaq dheh baa.
>
> : Fari kama qodna.........etc.....
>
> Faras gaaban nin fuulay laga fakay ~~~~~
Faras gaaban waa maxay, faras gaabiya maad tiraahdid, Faras ma gaabni buu la
gaabiyaa... anagaa wax aragnay...Eeboow Spelling Error iin ka Weel..
>
> : Fadlan, ruuxii kale ee af-kaas wax ka gartoow nala soo socodsii adoon
> : hagran. Waa mahadsantiin.
>
> Mustafoow halkaas buu ila gaaray baqalkaygii...Mustafihii Monash oo faraska
> dheeraya ku socon jiray geela cas casna dhaqan jirey cid hallo diro.
> ~~~~~
Geela: Waa eray khalad ah, Xayawaanka kuruska weyn ee baadiyaha ku nool waxa
magaciisa asliga ah la yiraa " GAAL ", Hadaba baro, Gaalamase Geel asaaskiisu
wuxuu ka soo bilowday Raxan-Weyn, Ka dib ayuu dhulalkaa kore ku soo faafay.
Waxa kuu xaqiijin karta in Geel la odhan jiray Gaal:
Xayawaan seynta (Dabada) Geela oo kale leh ayaa jira, Xayawaankaa oo aad u
yar, weli magiciisii dhabta ahaa ma doorsoobin, Weli waxaa la yiraa
"Daba-GAALle" oo macnaheedu yahay Sayn-Geelle.
Taa kuma aadan qancin, Mid kale waa tan:
Markan Geela ayaan guda galeynaa, oo weliba waxaan ka galeynaa sanka; Waxa
jira dixiri Geella markuu hindhiso ka soo dhaca sanka; Dixirigaas waxa la
yiraa "San-GAALle" maxaanan loo odhan San-Geelle.?
Tuugtii geella Raxan weyn ka soo dhacday, way illaaween in ay si fiican
ceebtooda u wada asturaan. Ariiroow Wan Gaal Faddee? Wan waa caano, Hilib
baruur ah ha u saliilyoon,oo miciyaha ha u isku lisin, Caalkana iska du'.
Raxan Weyn maahi, Laakiin wey Quman yihiin inta kalena way Qaldan yihiin,
hence Qaldaan. Geel haddii Gaal loogu yeero, Dambi cidi ka raaci mayso oo
geel waa Non-Believer, Atheist, Infidel!.
> Ka baxay
>
> --
> AA HAYBE
Shir Kheyr
Wacays.
: Af-Somaali meel kale ha u raadin, Af-Yaxaas wax ka Quman ma jiro, ha
: i odhan Af-Qalddaan ayaa Quman. Soomaalidu waa labo 1) Quman 2) Qalddaan
Maya maya sheekhow qumman maahee waxaan filayaa inaad u jeeddid 1)qadhmuun
iyo 2)Qaldaan...maahin?
: > 5: Shubuq kugu salaamoo :(Ma af-soomaali baa )
: > ~~~~~~
: Shubuq:Waa'xey de', Weligayba ma maqal, Laakiin waa af-soomaali sax ah.
Adigu lao maad kala deysid, weligay ma maqal iyo waa afsoomaali sax ah.
Miyaanay ahayn sidii sheekadii sakaaradu biyaha ma cabto iyo way cabtaa?
--
AA HAYBE
: Faras gaaban waa maxay, faras gaabiya maad tiraahdid, Faras ma gaabni buu la
: gaabiyaa... anagaa wax aragnay...Eeboow Spelling Error iin ka Weel..
Faras gaaban waa baqalka widaayoow
: Geela: Waa eray khalad ah, Xayawaanka kuruska weyn ee baadiyaha ku nool waxa
: magaciisa asliga ah la yiraa " GAAL ", Hadaba baro, Gaalamase Geel
: asaaskiisu wuxuu ka soo bilowday Raxan-Weyn, Ka dib ayuu dhulalkaa kore ku
:soo faafay.
: Waxa kuu xaqiijin karta in Geel la odhan jiray Gaal:
Oo kaalay geellow..mise gaallow baad ahayd aan ku warsadhee gaalada iyo geelu
ma isku magac baa?
: Xayawaan seynta (Dabada) Geela oo kale leh ayaa jira, Xayawaankaa oo aad u
: yar, weli magiciisii dhabta ahaa ma doorsoobin, Weli waxaa la yiraa
: "Daba-GAALle" oo macnaheedu yahay Sayn-Geelle.
Tani waa macquul laga fekeri karo inkastoo aanan weli si fiican u garan waxa
daba-gaalle geel baray.
: Markan Geela ayaan guda galeynaa, oo weliba waxaan ka galeynaa sanka; Waxa
: jira dixiri Geella markuu hindhiso ka soo dhaca sanka; Dixirigaas waxa la
: yiraa "San-GAALle" maxaanan loo odhan San-Geelle.?
Walaalkiis tan waan kaa diidnay...San-Gaalle ma ahee waa San-gale. geliddii
miyey kuu goysay?
: Tuugtii geella Raxan weyn ka soo dhacday, way illaaween in ay si fiican
: ceebtooda u wada asturaan. Ariiroow Wan Gaal Faddee? Wan waa caano, Hilib
: baruur ah ha u saliilyoon,oo miciyaha ha u isku lisin, Caalkana iska du'.
Tuugtaasi waa kuwee?
: Raxan Weyn maahi, Laakiin wey Quman yihiin inta kalena way Qaldan yihiin,
: hence Qaldaan. Geel haddii Gaal loogu yeero, Dambi cidi ka raaci mayso oo
: geel waa Non-Believer, Atheist, Infidel!.
Haddaad soo biyo shubatay geeliina diintii ka saartay!
--
AA HAYBE
Dear Waceys;
Mahad badan gudoon. Garab waaban u baahnaa. Khaldaan oo dhan baa isku
soo qeyla dhaansadey; Mareykan, Australia & Yurub.....haha haa.
Marka u horeysa waxeey yiraahdaan Maansu anagaa iska leh, markii
jilibka loo dhigayna "Oo waan kaftameynaye ma xanaaqdeen?" bey
yiraahdeen!
Mase la socotaa gabayga Mustafe inuu soo deynsaday oo uu ahaa
"gabayadii Deeleyda", saasbaana u iri;
Milgu aadan shiileyn
Mayska sheeganeysaa?
Waxaan kaloon ku iri, kolba hadaad mid soo amaahaneysu mid Siiqdaan ku
socda maad soo deynsatid, waa markaas marka aan leeyahay;
Shoodhow dirkaagii
Salfudeydkan lagu sheeg
Walaale fasirkaagii dhamaan sax buu ahaa. Waxeyse iyagu ka aheyd caal
waa. Ha u bixin.
Gacmadhere
Abwaan Sheegte Xojeeye
> Maya maya sheekhow qumman maahee waxaan filayaa inaad u jeeddid 1)qadhmuun
> iyo 2)Qaldaan...maahin?
Macalinka, Qaldaan waa arin fikradeed, mabda'agu wuu Qaldan yahay dhibaato
ma leh, la mid ma aha Qudhmuun, oo Qurun waa af-lagaado. Eray la mid ah soo
hela oo markaa noogu yeera, Qarmuun in layku tilmaamaayi' tolku ma kala
qabto. Waa ceynkaa de'.
Walla-Weyn <----> Waalli-weyn
.......... <----> Qaldaan
> : > 5: Shubuq kugu salaamoo :(Ma af-soomaali baa )
> : > ~~~~~~
>
> : Shubuq:Waa'xey de', Weligayba ma maqal, Laakiin waa af-soomaali sax ah.
Iminkada ayaan si saani ah u eegay'e, malaha Shubuq waaba karbaash, ma aha
karbaashka calallada duugoobey laga tolo ee owrta qobtolka looga hoos
mariyo, ee waa kan dhaclaha u eg, mararka qaarkoodna dadka lagu
shab-dhabiyo.
> Adigu lao maad kala deysid, weligay ma maqal iyo waa afsoomaali sax ah.
Iyadoo ay jirto in aanan maqal, hadana "Quman" af ays kaa haayaan! waxooda
toos waaye noo.
> Miyaanay ahayn sidii sheekadii sakaaradu biyaha ma cabto iyo way cabtaa? ^^^^^^^
Ma dad baa waxaa ku sheekeeyay; Sakaaradu ma Sagaaro sakarraad ah baa.?
Sagaaraduna ma Dooradiinaa!
Waxaan ka garanayaa in aad cuntaan Sagaarada meesha aan Doorada ka cunno,
maah-maahdiina ah:
"Harag Sagaaro, iiga kac mooyee iiga durug ma leh."
Haddii aydan xawayaanka naftoodiiba gabaabsiga u ah aydan cunin, ma diirka
intaad ka fiiqdeen oo aad Dabada saartaan, ayaad iyadiina sii deyseen.?!
Maah-maah daa taayada u dhiganta, waatan e marxabba dheh:
"Baako,iga qallee ma ahee Jug-dheh ma jirto."
Nabaddeena Waa.
Wacays.
> --
> AA HAYBE
Wagar, Baqali waa ma dhalays, Ninkii dhalay Dameer sow maaha, Dameer dheer
maad iska tidhaahdid. Baqal in ay jirto, hortaba, Dad aa ka shaqeeyay...
Sidii Dameer in loo raro, sida farskana u dheerayso. Laakiin sida Dameerka
uma dul qaadato, marka oo ma aragtay, la tumaayo.
> : Geela: Waa eray khalad ah, Xayawaanka kuruska weyn ee baadiyaha ku nool waxa
> : magaciisa asliga ah la yiraa " GAAL ", Hadaba baro, Gaalamase Geel
> : asaaskiisu wuxuu ka soo bilowday Raxan-Weyn, Ka dib ayuu dhulalkaa kore ku
> :soo faafay.
>
> : Waxa kuu xaqiijin karta in Geel la odhan jiray Gaal:
>
> Oo kaalay geellow..mise gaallow baad ahayd aan ku warsadhee gaalada iyo geelu
> ma isku magac baa?
>
> : Xayawaan seynta (Dabada) Geela oo kale leh ayaa jira, Xayawaankaa oo aad u
> : yar, weli magiciisii dhabta ahaa ma doorsoobin, Weli waxaa la yiraa
> : "Daba-GAALle" oo macnaheedu yahay Sayn-Geelle.
>
> Tani waa macquul laga fekeri karo inkastoo aanan weli si fiican u garan waxa
> daba-gaalle geel baray.
Geellow Gumbululax; Isagoo qaarka sare dhar ka gashan, anagoo carruur ah,
hoosta waan ka Qashaafi jidhnay... Bistooladdiisana maxaa dhanka kale u
jeediyay.? Ma xagga dambuu wax u toogtaa.?
"Cimrigaa Dheeraaday, Geel dhalaayaas ku tusaa."
Waa kuu dhamaan rabtaa waaye.
> : Markan Geela ayaan guda galeynaa, oo weliba waxaan ka galeynaa sanka; Waxa
> : jira dixiri Geella markuu hindhiso ka soo dhaca sanka; Dixirigaas waxa la
> : yiraa "San-GAALle" maxaanan loo odhan San-Geelle.?
>
> Walaalkiis tan waan kaa diidnay...San-Gaalle ma ahee waa San-gale. geliddii
> miyey kuu goysay?
Taasi ku mari wayday sow maaha.? Lig, waad isa soo taagtay, War la yakhaano
waaye, Su'aal Hoo:
"Dan-Gaal waa maxay? Haddii aad kastay waa sideedaa de; haddii kalese
"ma helo" iska soo dheh, eraygaasuna waa Af-dhurwaa ee af-yaxaas maaha."
> : Tuugtii geella Raxan weyn ka soo dhacday, way illaaween in ay si fiican
> : ceebtooda u wada asturaan. Ariiroow Wan Gaal Faddee? Wan waa caano, Hilib
> : baruur ah ha u saliilyoon,oo miciyaha ha u isku lisin, Caalkana iska du'.
>
> Tuugtaasi waa kuwee?
Tuugtii Timirta xadday waaye, kuwii "Gaal" ooba laheyn iska Qunsahaayey.
> : geel waa Non-Believer, Atheist, Infidel!.
> Haddaad soo biyo shubatay geeliina diintii ka saartay!
Geela kaadidiisa ku shuba lugihiisa, ee ay ku madoobaatey boqnihiisa, maxaa
miskaha dushooda habeedda ku rogay, Haddaanu ku Qubeysan! muu sida ariga
Islaanka ah hoos isu gaabiyo oo ayaaroo qudha halkaa ka shuxiyo.
Naw, Ninkeygan iyo Geel isma Shabahno, Xitaa Haddi iska soo hor baxno, waa
is inkirnaa, Salaanta ma aragtay, Jaaw ma is dhahno.
> --
> AA HAYBE
Shir Kheyr aan isku ognahay.
Wacays.
Dear Haybe;
Khaldaan bacdiisa qabow waan ku salaamay. Dabeylaha iyo Fooraha
dhaxanta sanadkan isxaan bey noo sameeyeen oo waxey baajiyeen
doolaankii aad qaboobaha qadi jirtay. Saas maaha mr Viking.
>Maya maya sheekhow qumman maahee waxaan filayaa inaad u jeeddid 1)qadhmuun
>iyo 2)Qaldaan...maahin?
Heybow waa runtaaye 1) Qaldaan iyo 2) Qadhmuun;
beynu kala nahay, oo ma ba dhici kartu iney jirtu qolo Quman.
Waxaanse maqley Qaldaamiintu qadhmuun waxey u yaqaaniin; qudaarta sida
Babaayga, Canbaha, Mooska, Tufaaxa, Qaraha, iyo iwm. Ma laga yaabaa
maalinkii kuugu horeysay Babaay inaad sanka qabsatay? Muxuu ahaa horta
magacaad u taqaaniin Babaayga?
Gacmadhere
Wanlaweyn+Sankudhuudhi+Qadhmuun (maba karo; carabka dhamxanaga ha
lagu dhajiyo ahaa.!)
Qaldaamiin, sidii Afkooda keliya loogu doortay in loo qoro "Lahjadda Rasmiga"
ee Soomaalida, ayey rabaan in ay SCSkana nagu Jiidhsiiyaan. Maxay naga dhibi
lahayd haddiiba uu afkoodu u fiican yahay, sida kaayaga ay Qadhmuun
yiraahdeen oo kale. Ha la shabiyo.
Warsame, Abdirahaman wrote:
> Waxaanse maqley Qaldaamiintu qadhmuun waxey u yaqaaniin; qudaarta sida
> Babaayga, Canbaha, Mooska, Tufaaxa, Qaraha, iyo iwm. Ma laga yaabaa
> maalinkii kuugu horeysay Babaay inaad sanka qabsatay? Muxuu ahaa horta
> magacaad u taqaaniin Babaayga?
Mafa-faay in ay u yaqaanaan baan u malaynayaa, Iyaga iyo khaladkooda'e.
*Laqab'ul Karha'* Wax la cuno magac Xun in la yiraa ma fiicna.
Clombus miyaa, inta soo lumay, dad aan Hindi ahayn hindi u bixiyay ilaa iyo
hadda loogu yeero "West-Indian" "Red-Indian". Qadhmuun ku lahaa; Af
Carabigaas(Bil'Cagsi) ma ka yeelayno. Waa u sheegaynaa.
Qare <----> Xab-Xab
Moos <----> Muus (Wixii Gaal u bedelay Geel aa heley)
Qare Dammeerow<---->Xab-Xab Baqal (u malee, sababtoo ah Dammeer waa af
lagaado xaggooda, Dameer haddaaad tiraahid Wagarkay kula gaarayaan!)
Toloow waa yaabe, Mal-caamadda(Dugsi Quran) "Alif la kor dhebey, Alif la
hoos dhebey" sidee ugu meersadaan, ma "alif dusha sare laga halgaadeeyey"
bay dhahaan, Dadkaas Wax qarbudoow, Gacan aan u taagey.
> Gacmadhere
> Wanlaweyn+Sankudhuudhi+Qadhmuun (maba karo; carabka dhamxanaga ha
> lagu dhajiyo ahaa.!)
Qaldaan, Waa Qiyaamo!
Jalallow
Wacays.