Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

reer fuqu-buraale, mingis, iyo *wadaadada* kale...

415 views
Skip to first unread message

Ahmad

unread,
Nov 1, 2000, 10:38:15 AM11/1/00
to


salaam,

markaan yaraa, waxaan arki jirey dad(badankood dumar) la dhaho "wadaadaa
haya!" markaas baa wax laga cuudin jirey. magacyada aan aadka u xasuusto
waxaa ka mid ahaa - REER FUQU-BURAALE, MINGIS, iwm.

gabar walaalkey ay is guursan rabeen...oo xaafadeena imaan jirtey -
waxay qabtey *MINGIS*. mararka qaarkood, waxaad arkeysaa ayadoo guriga
korkiisa saaran...oo ooyeysa...sababtoo ah masoo degi karto. "bal maxaa
ku saaray markii hore" baan kaligay is-dhihi jirey. waxaan maqli jirey
ayadoo la dhaho "Mingiskii baa saarey".

su'aalahaygu waxay yihiin;

- wadaadadaan ma JINNI baa???

- hadey jinnise yihiin, jinnigu ma nagu dhex-dhaqmi karaa...sidii mingis
iyo reer fuqu-buraale noogu dhex-dhaqmi jireen???

- ma jiraan dad waxaas weli hayo...mise dagaalkii baa eriyay??? :-))


wixii jawaab ah oo su'aalahaas ku saabsan aad iyo aad baan ugu riyaaqi
lahaa. nabad-gelyo iyo amaana alla.


waSalaam - ahmad!


--
[2.163] And your God is one God! there is no god but He; He is the
Beneficent, the Merciful.


Sent via Deja.com http://www.deja.com/
Before you buy.

Omar M

unread,
Nov 1, 2000, 9:30:35 PM11/1/00
to
Axamd,
Mingis, Boorane, Wadaaddo intuba waa duulal nala deggen oo nala nool.
Toronto, Canada ayaa lagu tumaa every week. Waa jini nooc ka mid ah
culimaduna ay aqoonsadeen in uu jiro. Ha faduulin.

Ahmad

unread,
Nov 1, 2000, 11:31:34 PM11/1/00
to


salaam,

> Mingis, Boorane, Wadaaddo intuba waa duulal nala deggen oo nala nool.
> Toronto, Canada ayaa lagu tumaa every week. Waa jini nooc ka mid ah
> culimaduna ay aqoonsadeen in uu jiro. Ha faduulin.


wow! waxaan islahaa...dhulkii baa looga soo tagey!!! omar, wax ma'iiga
sheegi kartaa qolooyinkaan? al yacni...maxay soomaalida ka soo doonaan -
mise dadyowga oo dhan bay galaan? halkaan, mareykanka, dadka qaarkood
waxbaa ka dhex-hadla. hase yeeshee, dadkaan waa dad dad CAADI ah ay ka
dhex hadlaan - ma'ahan "jinni" iyo waxaas. waxaad maqlaysaa qof la
leeyahay "is possessed" badankood katholiga ayaan isticmaala...mormonka
degen yutah iyo meelahaasna...way isticmaalaan. marka, maxay ku kala
duwan yihiin?

waxaan maqli jirey - mingis baa ugu kibir badan dhamaantood :) is that
true? wow!


waSalaam - ahmad!

ahmed

unread,
Nov 2, 2000, 6:09:08 PM11/2/00
to

War yaa reer faqiburaale iyo mingiskiiba sida dadkoo dhammi sameeyeen
mooryaanta ayay ka carareen .... Xeryaha qaxootiga ka dayday...

Ahmad <ahmad...@hotmail.com> wrote in message
news:8tpdd7$12h$1...@nnrp1.deja.com...

Omar M

unread,
Nov 2, 2000, 9:29:45 PM11/2/00
to

Ahmad wrote:

Axmad,
Noocyada mingiska, booranaha, wadaaddada(reer fiqi buraale), Ayaamaha iwm
waa jinni dadka la dhex nool. Mingis waa nooca ugu caansan Soomaaliya. Asal
ahaan waxa uu ka yimid waddamada Bershiya & Turkiga. Meelo badan oo ka mid
ah dhulalka Asia & Africa ayaa laga yaqaanaa. Luqadaha iyo magacyada waa
kala duwan yihiin, balse dhammaantood waa isku muunad. Gobollada Soomaaliya
oo idil waa laga isticmaalaa.

Liban Awed

unread,
Nov 9, 2000, 3:00:00 AM11/9/00
to
Bismi Laahi Raxmaani Raxiim.
Assalaama calaykum.

Walaal Axmed waa jiraan dhamaan arrimaha aad sheegtay oo dhan waana jinn.

Walaal Axmed su'aasha aan marka ugu horeysa ka jawaabayaa waa:

Ma ay jiraan dad uu saarka iyo fiqi buraale hayo iyo in dagaalka sokeeye la
tagay jinnkii waddanka joogay oo cudurkaa laga dawoobay ?

Walaal Inta aan diinta islaamka wax lagu dawaynayn ee la doonayo in jinka
iyo shayaadiinta lala ciyaaro oo sida ay doonayayaan loo yeelo iyadda oo
dhiig la cabsiinayo qofka ay galaan halkii quraan iyo diinta Alle loo noqon
lahaa, ka dibna xalwad iyo cunta badan loo samaynayo oo la siinayo
darajooyin sida xaaraan, gondholo, calaqad iyo calaqad iyo kuwo kale oo
jinnigu leeyahay waxaan filayaa in aan jin ina deynayn ee uu gurigiisa inaga
dhiganayo. Axmadoow aad ayaan ugu farxi lahaa in uu jinniga iyo khuraafaadka
soomaaliya haya uu dagaalka sokeeye la tago, in kasta oo aan rag lagu
kalsoon yahay ka maqlay in ay yaraadeen khuraafaadkii xerta dhinaceeda ka
imanayey Ilaahay baana mahadaas leh.

Tan kale oo ah jinnigu ma nagu dhex dhaqmi karaa ? jawaabtu waa haa. Waxayse
degan yihiin meelo loo cayimay oo ilaahay waa ina kala soocay, waxaa laguu
baneeyey in aad meelo martid wakhtiyo cayiman, in marka aad musqusha
galaysid aad akhrisatid adkaar loogu talo galay, haddiise ay taasi dhici
waydo waa in la isku dhex darsamaa oo la noqdaa dhal shayaadiin iyo jin
qaateen oo aan xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon, sida ay ummadda
soomaaliyeed maanta u badan tahay in yar oo Ilaahay subxaana wa tacaalaa u
naxariistay mooyaane. Waxaa weliba igu maqaalo ah in jinnigu uu ka qayb
qaatay dagaaladdii qabiilka ee meelo badan oo waddanka ka mida ka dhacay oo
ay kaabo qabiiladda waddanku adeegsadeen.

Alaa weyn ninkii aaminaa awood badan.

Salaama-tu laahi wa barakaatu

Walaalkaa Liban Ibrahim Awed


Ahmad <ahmad...@hotmail.com>
wrote in message news:8tpdd7$12h$1...@nnrp1.deja.com...

salaam,

markaan yaraa, waxaan arki jirey dad(badankood dumar) la dhaho "wadaadaa
haya!" markaas baa wax laga cuudin jirey. magacyada aan aadka u xasuusto
waxaa ka mid ahaa - REER FUQU-BURAALE, MINGIS, iwm.

gabar walaalkey ay is guursan rabeen...oo xaafadeena imaan jirtey -
waxay qabtey *MINGIS*. mararka qaarkood, waxaad arkeysaa ayadoo guriga
korkiisa saaran...oo ooyeysa...sababtoo ah masoo degi karto. "bal maxaa
ku saaray markii hore" baan kaligay is-dhihi jirey. waxaan maqli jirey
ayadoo la dhaho "Mingiskii baa saarey".

su'aalahaygu waxay yihiin;

wadaadadaan ma JINNI baa???

Ahmad

unread,
Nov 9, 2000, 3:00:00 AM11/9/00
to


salaam,


liibaan, walaalkiis...ma taqaanaa xadiisyo ka sheekeynaya jinniga, amase
taariikh islaamiyi ah oo ka sheekeynaysa?

aniga jinniga waxaan ka aqaan...waa wax uun "ku tir ku teen" ah oo dadka
soomaalida aan ka maqli jirey. qur`aan...saas ugama sheekeeyo - waxaan
jamac ahayn oo kaliya.


waSalaam - ahmad!


In article <y9zO5.1326$cr6....@news1.oke.nextra.no>,

> salaam,
>
> markaan yaraa, waxaan arki jirey dad(badankood dumar) la dhaho
"wadaadaa
> haya!" markaas baa wax laga cuudin jirey. magacyada aan aadka u
xasuusto
> waxaa ka mid ahaa - REER FUQU-BURAALE, MINGIS, iwm.
>
> gabar walaalkey ay is guursan rabeen...oo xaafadeena imaan jirtey -
> waxay qabtey *MINGIS*. mararka qaarkood, waxaad arkeysaa ayadoo guriga
> korkiisa saaran...oo ooyeysa...sababtoo ah masoo degi karto. "bal
maxaa
> ku saaray markii hore" baan kaligay is-dhihi jirey. waxaan maqli jirey
> ayadoo la dhaho "Mingiskii baa saarey".
>
> su'aalahaygu waxay yihiin;
>

> wadaadadaan ma JINNI baa???

azn...@gmail.com

unread,
Sep 15, 2018, 4:30:31 PM9/15/18
to
Omar wll email kaaga ii soo dir suaalo ayaan rabaa onaa kaa weydiiyo arimahan azn...@hotmail.com
0 new messages