Xasan Mohamed marka hore waad salaamantahay.
Marka xigga, waad ku mahadsantahay hal-xidhaalahan cajiibk ah kana eed
noo soo gudbisay. Hadaan isku dayo waxay uga jeedo hal-xidhaalahaas:
Gu'gii marka roobku da'o ee dhulku barwaaqada yahay ee xoolaha geel iyo
adhiba la'maalo caruurtana caanaha lasiiyo badanaa waayeelku wuu gataati
dhacaa (wuu seexdaa) caruurtuna marka ay caanaha ka dheregto ma seexdaane
cabaar bay sii sheekaystaan (wixii ay maanta soo arkeen ayey ka wadda
sheekaystaan) kolkaa mire dhexe saqbadhka ayey iyana seexdaan.
*Hadaba marka waayeelku seexdo caruurtuna soo jeedo waa mirta dhexe ama
saqbadhka. Kolkaa gabadhaasi waxay ninkaas ku lahayd hadaad doonayso in
aad illa haasawdo waxad ii timaadaa mirta dhexe. Sidaas bay aniga illa
tahay...........sikale inay jirtona la'arkee.
Sikastaba ha'ahaatee, Xasanoow dumarka Soomaalidu waa daahiyad guuraysa
!! inta badan haasaawaa murti bay ku lifaaqaan iyo hal-xidhaale.
Gabadhaa aad sheegtay mid baa ka sii darayd :waa hal-xidhaale dhex maray
gabadh iyo nin kale .
Sheekadu sidan bay u dhacday:
Nin iyo gabadh socoto ah ayaa meel cid la'ah mudh isku soo yidhi.
Kadib markii lays waraystay laysna toyday, waxa dhacday in ay isku
magaalo u socdeen, dabadeed waa laysku soo lug-daray.
Waxoogaa kolkii la'soo wada socday ayey gabadhii silama filaana ninkii
weedhan ugu tidhi hebeloow: "AMA IQAAD AMA AAN KU QAADO"
Waxaad sheegtaan waxay uga jeedo ?
Nabad-gelyo
......
M.Jama
Waad ku mahadsantahay walaal mustaf inaad isku dayday inaad ka jawaabtid
markaas waad ku dhow dahay laakiin maadan sheegin inaad waxay "Waayelka"
iyo "Carruurta" uga jeedo. Waa wax specific ah.
> Sikastaba ha'ahaatee, Xasanoow dumarka Soomaalidu waa daahiyad guuraysa
> !! inta badan haasaawaa murti bay ku lifaaqaan iyo hal-xidhaale.
> Gabadhaa aad sheegtay mid baa ka sii darayd :waa hal-xidhaale dhex maray
> gabadh iyo nin kale .
> Sheekadu sidan bay u dhacday:
> Nin iyo gabadh socoto ah ayaa meel cid la'ah mudh isku soo yidhi.
> Kadib markii lays waraystay laysna toyday, waxa dhacday in ay isku
> magaalo u socdeen, dabadeed waa laysku soo lug-daray.
> Waxoogaa kolkii la'soo wada socday ayey gabadhii silama filaana ninkii
> weedhan ugu tidhi hebeloow: "AMA IQAAD AMA AAN KU QAADO"
> Waxaad sheegtaan waxay uga jeedo ?
Walaal Mustafe mar labaad waad ku mahad san tahay Hal-xidhaalahan aad soo
ban-dhigtay. Af soomaaligu sidiisaba waa af hodon ah oo u baahan dadkiisu
inay bartaan, isla markaasna ay baadi goobaan sida uu hodon u yahay,
waxaan uga jeedaa Gabayada, Geeraarka, Heesaha(Geela, Lo'da, Fardaha, Adhiga),
Buuraanburka, Guurowga, iwm.
Walaal Mustafe, Haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo hal-dhixaalaha
qiimaha leh ee aad soo ban dhigtay.
Gabadhu waxay ninka ku lahayd " aynu nasano", waana khal danaan karaa.
Hassan Mohamed
> Nabad-gelyo
> ......
> M.Jama
>
Mudane Xasan: Bi'waaye meesha aqoon isweydaarsi baynu ka wednaye hadaan
hal-xidhaalihii furufuri kariwaayey maxaad noogala bakhayshay, maad noo
sheegtid ! Run ahaan hal-xidhaalahaas hore u maan maqal ee waan
masanuuniyey uun...
Hassan Mohamed Wrote:
>Walaal Mustafe, Haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo hal-dhixaalaha
>qiimaha leh ee aad soo ban dhigtay.
>Gabadhu waxay ninka ku lahayd " aynu nasano", waana khal danaan karaa
Jawaabtii wax sheegay walaalkeen Ciise. Waana sida hoos ku qoran
Weliba si fiican ayuu u soo fasilay.
Ciise wrote:
>Mudane Mustafe:
>Waxaan maqlay inay ka wadday "ii sheekee ama aan kuu sheekeeyo"
>si loo illaawo jidka dhererkiisa, taasoo ka dhigan qaadid.
>Walaal Mustafe fadlan ii macnee erayga toyday ee aad isticmaashay.
>Eraygaas maanta ayaa iigu horreysa.
Erayga "Toyasho" waxa uu lamicno yahay is-barasho ama is haybsasho".
Inta badana Soomaalidu waxay isticmaalaan marka ay kulmaan laba qof oo
aan hore isu aqoonini... Sidaas bay illa tahay. Siyaabo kalena waa xabka.
Mudaneyaal Xasan iyo Ciisoow, Ha sii wareegto giraantuye, waxan idiin
hayaa ha-xidhaale kale oo kii hore la'mida .
Nin iyo gabadh socoto ah ayaa meel cid la'ah mudh isku soo yidhi.
Kadib markii lays waraystay laysna toyday, waxa dhacday in ay isku
magaalo u socdeen, dabadeed waa laysku soo lug-daray.
Waxoogaa kolkii la'soo wada socday ayey gabadhii silama filaana ninkii
weedhan ugu tidhi hebeloow:
"AMA GABAA II QAAD AMA AAN KUWAAGA KUU QAADO"
Waxaad sheegtaan waxay uga jeedo ?
Nabad-gelyo
......
M.Jama
>>Tixgelin
>>Nin iyo gabadh socoto ah ayaa meel cid la'ah mudh isku soo yidhi.
>>Kadib markii lays waraystay laysna toyday, waxa dhacday in ay isku ~~~~~~ ~~~~~~
> Gabadh baa nin la balamaysay, markaasay waxay tidhi waxaad ii timaadaa
> "Marka waayelku seexdo caruurtuna soo jeedaan".
> waxaad sheegtaan waxay uga jeedo.
Mudane Mustafe, Wallaal waa tan jawaabtii:
Gabadhu waxay uga jeeday " Ma Dayaxu dhaco ee Xiddiguhu soo jeedaan". Waa
waqtiga ay reer miyiga soomaaliyeed isu soo gudaan, gaar ahaan labadii is
doonaya.
Hassan Mohamed
GABAA Maaha ee waxan u jeeday KABAA
~~~~~~~~ ~~~~~~
FADLAN RAALI AHAADA .
>Mustafe Jama <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote:
>Mudaneyaal Xasan iyo Ciise, salaan wacan oo wanaagsan.
>Mudaneyaal Xasan iyo Ciisoow, Ha sii wareegto giraantuye, waxan idiin
>hayaa ha-xidhaale kale oo kii hore la'mida .
>Nin iyo gabadh socoto ah ayaa meel cid la'ah mudh isku soo yidhi.
>Kadib markii lays waraystay laysna toyday, waxa dhacday in ay isku
>magaalo u socdeen, dabadeed waa laysku soo lug-daray.
>Waxoogaa kolkii la'soo wada socday ayey gabadhii silama filaana ninkii
>weedhan ugu tidhi hebeloow:
> "AMA GABAA II QAAD AMA AAN KUWAAGA KUU QAADO"
~~~~~
AMA KABAHAYGA II QAAD AMA AAN KUWAAGA KUU QAADO"
~~~~~~~~~
>Waxaad sheegtaan waxay uga jeedo ?
Fadlan raali ahaada waan qoraalka weedha "KABAA" ayaan khaldaye.
Nabad-gelyo
......
M.Jama
Hassan iyo Mustafow:
Kolka xiga iga hantiya salaan cisso iyo sharaf badan oo aad ku
mutaysateemn baabkan cusub ee xujooyinka dhaqanka ee aad noo bilowdeen,
kolka xigana ii ogolaada in aan idinkala qayb qaato macnaha iyo murtidda
ka dambeysa labadii halxidhaale ee aad is dhaafsateen, taas oo aan
xaqiiqda aad uga faa'iideystay qudhaydu, waayo waxaan ka dhex helay wada
hadalkiinii macne weyn oo iga dednaa aad ayaanan idiinkugu mahadinayaa
is-xilqaanka murtida soomaaliyeed ee aad muujiseen.
Haddaba iyadoo ay caynkaasi arrini tahay hadana waxaan idin
xusuusinayaa in ummada soomaalidu ku kala duwantahay sidda loo lafo guro
murti ama maahmaah kasta oo khaas ah oo xataa waxaa dhacda in laba degmo
oo garabka isku haya midba si gaar ah isla hal murti macnayaal kala duwan
looga hayo amaba labo oday oo isku degmo ah ayaa midba si u hayaa macnaha
murti ama maahmaah ka dambeysa, markaa anigoo ay sidaasi xusuusin iga
tahay ayaan doonayaa in aan hadana idiiin soo bandhigo sidda aan anigu u
hayo ee aan u qoray wakhti immika laga joogo 12 sano ka hor, waana sidan
ee ila dhuuxa:
Tan hore ee ku saabsan innanta inanka la balamaysay ee tidhi "Waxaad ii
timaadaa kalka waayeelku seexdo caruurtuna soo jeeddo",waxaan u hayaa
sida Hassanow u sheegtay iyo xataa sidan: Waa xilliga abaarta ba'ani
jirto ee ay dadka waayeelka ahi la gataati dhacaan fiidka hore
hawshii,lurtii,qaxarkii iyo gomos iyo golongolkii daraa ee ay maalin
weyntii soo muteen, caruurtuna aanay ladin gaajo iyo macaluul awgeed ee
ay habeenka oo dhan la rafanayaan baahida iyo beer xanuunka gaajadu
keentay.
Tan labaad ee ku saabsanayd innanta tidhi "Waar ii sheekee ama aan kuu
sheekeeyana", waxaan u hayaa si sidaasi ka sii yaraha balaadhan waana
sidan:
Hor iyo abaato arintu waxay ahayd baa la yiri sidan: Berri baa inan la
baxay innan ay is rabeen oo wuxuu ula baxsaday degmo waxoogaa u jirta si
uu uga soo mehersado, markaa waxaa sii raacay baa la yiri labbo inan oo
kale si ay ugu sii wehelyeelaan Caadaduna sidaa bay ahaan jirtay baa la
yiri, hadaba waxaa dhacday goor meel la sii marayo ayaa innantii ku tiri
baa la yiri iyadoo la kalaamaysa inankii ay iswateen "Xoogaa geedkaa maa
ina harisaan waynu gubanaye", siddii bay yeeleen baana la yiri, wax yar
ka bacdi haddii la qaboobay ayey hadana hadaaqday oo ku tiri inankii "War
waan soo daalaye maanu nasano", markaa wuxuu ugu jawaabay "Sow inaga
fadh-fadhina ma'ahan ma nasiino kale ayaa inoo dhiman", markaa ayaa inan
ka mid ah inamadii la socday hadlay baa la yiri oo uu yiri "War innantu
waxay u jeedaa aanu kabaha iska bixino". Intaa ka bacdi socdaalkii ayey
meeshii ka sii amba qaadeen baa la yiri, mar ayse dhex sii marayaan ayey
innnatii ku tiri baa la yiri inankii "War maanu afurno waanu soo
baahoonaye", markaa inankii baa jawaabay oo yiri "Miyaad
falantahay,maxaan ku afurnaa sow adiga og oo aynaan raashinba wadan",
markaa inankii markii hore kala furdaamiyey ayaa yiri baa la yiri "war
innantu aan rumayano bay ujeedaa", intaa ka bacdi socdaal dheer ka bacdi
waxaa soo muuqatay baa la yiri degmaddii ay u soo qasdiyeen ee
muraadkoodu ahaa, markaa ayey innantii tiri "Waar waataa oo magaaladii
baa soo dhow'e i qaada ama aan idin qaado", markaa inankii wuxuu ugu
jawaabay baa la yiri "Siddee baan kuu qaadi karnaa, aadse noo qaadi
kartaa", halkaa markay arrini mareysay buu inankii hore illaahay xikmada
ugu fududeeyey yiri baa la yiri "War laguu harye,innantu ii sheekeeya ama
aan idiin sheekeeyo bay ujeedaa, si socodka aynaan u dareemin oo aanu
isku ilowsiino."
Haddaba Hassan iyo Mustafow iddiindaraye ha ka daalina in aad
halxidhaalayaasha halkaasi inooga sii wadaan. P.S. Hassanow la soco
siddaad u tafsiirtayna waan u hayaaye "Marka dayaxu dhaco xiddiguhuna soo
jeedaan waa sax oo xiddigaha ayey caruurta ka waday, dayaxana waayeelka
ayey ka waday, afka soomaaligana waxaa lagu yiraahdaa hadalka noocaasi ah
DUUR-XUL."
Nabad gelyo
Anwar Mohamed
-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet
Mudane Anwar:
Marka hore waanu kaa gudoonay salaantaa qiimaa badan.
Sidoo kale salaan kal iyo laaba si wadajira aniga iyo Xasan Maxamed nooga
gudoon. Marka labaad waxan aad ulla dhacay sida cajiib kaleh eed u
fasishay labadii hal-xidhaale taas oo aad sidii qaab sheeko aad nooga
dhigtay. Waa sidaa sheegtaye, mararka qaar kood soomaalidu dhacdo isku
mida ah ayey si kala duwan u maqlaan markaa suurto gal noqon karta in
sheeko aad si u maqashay ruux kale oo soomaaliyi si sidaas ka duwan u
maqlay. Tusaale ahaan labadii hal-xidhaale een soo qoray run ahaan si
hal-xidhaale ahaana ayuun bay igu soo gaadheen laakiin sidan faah-faahsan
eed u sheegtay u maan maqal,way iga dhinayd aad baanad ugu mahadsantahay.
>Haddaba Hassan iyo Mustafow iddiindaraye ha ka daalina in aad
>halxidhaalayaasha halkaasi inooga sii wadaan.
Waa yahay.
Weli waxaynu ku jiraa falanqayntii sida ay haweenka Soomaalidu door
laxaad leh uga ciyaaraan hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Taas wax
daliil u ah sida ay dumarka Soomaalidu raga Soomaaliyeed u jirabaan unna
hal-xidhaaleeyaan si ay u ogaadaan kartida iyo aqoonta ninka.
Waa hal-xidhaale dhex maray "Inan" iyo "Inan" Soomaaliyeed markaa ruuxna
magacaabimaayee waan idin soo dhex dhigayaa))
Hal-xidhaale:
Nin ayaa gabadh ku yidhi aan kulla sheekaysto, markaasay waxay ku tidhi
hadaad saddex masalo ii sheegto waad illa sheekaysan hadii kale
ood garan weydo cagta saar waddada oo hadal haygu soo celin.
Waxad sheeg taa bay ku tidhi:
(1): Rag gogashii
(2): Geel xeradii
(3) Gesiin subagii
Waxa aad sheegtaan wax ay uga jeedo ???
Nanabad-gelyo
......
M.Jama
>> Hassan Mohamed
>Hassan iyo Mustafow:
> Kolka xiga iga hantiya salaan cisso iyo sharaf badan oo aad ku
>mutaysateemn baabkan cusub ee xujooyinka dhaqanka ee aad noo bilowdeen,
>kolka xigana ii ogolaada in aan idinkala qayb qaato macnaha iyo murtidda
>ka dambeysa labadii halxidhaale ee aad is dhaafsateen, taas oo aan
>xaqiiqda aad uga faa'iideystay qudhaydu, waayo waxaan ka dhex helay wada
>hadalkiinii macne weyn oo iga dednaa aad ayaanan idiinkugu mahadinayaa
>is-xilqaanka murtida soomaaliyeed ee aad muujiseen.
> Haddaba iyadoo ay caynkaasi arrini tahay hadana waxaan idin
>xusuusinayaa in ummada soomaalidu ku kala duwantahay sidda loo lafo guro
>murti ama maahmaah kasta oo khaas ah oo xataa waxaa dhacda in laba degmo
>oo garabka isku haya midba si gaar ah isla hal murti macnayaal kala >duwan looga hayo amaba labo oday oo isku degmo ah ayaa midba s=
i u hayaa >macnaha murti ama maahmaah ka dambeysa, markaa anigoo ay sidaasi >xusuusin iga tahay ayaan doonayaa in aan hadana idiiin =
>-------------------=3D=3D=3D=3D Posted via Deja News =3D=3D=3D=3D-----------------------