Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

JACAYLKA WADAAN-LAHAA/SUUGAAN(Siciid)

165 views
Skip to first unread message

Saciid ina Max'ud ina Max'ed.

unread,
Mar 10, 1996, 3:00:00 AM3/10/96
to
AJA...@bolton.ac.uk wrote:

>FROM: UFO SOMALILAND

>Waar Siciid Suugaan waa gallad-Eebbe.
>Waanad iga-naxay, ma-jacaylka aad ka gashay buulka
>cufan ee hablihii ka gabadeen ee wiilashii juuqda
>u diiday, ayaad ninkaygan miskiinka ah ee qaxootiga
>ah, ee dhaxanta iyo barafka Yurub u rogeen sac-saca
>waxka-weydiinaysaa.

>Waa si-dil laygu xukumo oo markaan xaggaas u ordo ee
>hablaha dalbado laad inta laygu soo kiciyo aan anigoo
>sidii Shatalkii Abaadir xamaysan idiin dhaafo dhul aan
>a-filaynayn iyo Mars, yes Mars, waxa lagu sheegay
>hablo heerin ku degay beri-dhowayd.

******************nabad iyo caano walaal******************

Walaal Cadulaahi qosol baa iga soo hadhay markii
aad tidhi habla heerin ah ayaa meerayaasha kale lagu sheegay.
Cabdulaahow Malluugtii haddii habla Xuuralcayna oo heerin ahi
joogaan xaggee qoladayada reer Xaddeedka ah ka filaysaa?.
geel markii samada na loogu sheegay waad la socotaa wixii dhacay.
Awrkii ilaa iyo meeshuu joogu waataan ugu tagnay . Farsama xuma yar
ayaa soo korodhay markii ay saynisyahannaddii bilaabeen in ay
raadiyaan awrka tab ay carriga ku keenaan. Dabadii awrkaa u soo
go'day iyagoo aan guulaysan . Ka dibna awrkii xaggayaga waa ka diday.
Sidii Dayax gacmeed baxsaday,bal aan Nasa
markay dayaxgacmeedada ka baxa wareegooda dib u soo celinayaan
weydiisano in awrkaa oo ah dayaxgacmeedka Soomaalida dib buurtii ugu
soo hoos celiyaan :). Nasa iyo Raashiyaanka iyo kuwa dayax gacmeedada
dirsadaa geel waxba kama yaqaaniin. Duulka hadda tegaya samada
,iyagoo aan haweysan ayey soomaalidu ku fekereen. Cad,caano oo habla
lagu daray haddii lagu soo hubsado ,Haybe(The Xubeeraawi of Calmadow)
kolaygaagii soo qaadaan odhanayaa. Soomaalidu geel iyo gabdho waa
waxa ugu weyn arladan ay qiimayaan.
Cadbulaahoow, bal hogaa aan ka guuro. Nin reer Liverpool
ah in aad tahay ayaan filayaa. Magaaladaasi waa ii Hargeysoo yar.
Markaa isma garan weyno . Liverpool waa magaalada keliya oo aan
qurbaha ka deganahay. Mana seegi doono.
Cabdulaahi,xagga heesaha jacaylka aan u leexdo.
Cabdulaahi,aar miciyeystay oo dhan walba ka soo heesaad tahay. annagu
dabaal barad ayaanu nahay. Jacaylka gantaalihiisu haddii aanu
dhulkii hooyo joogi lahayn isma seegneen. qurbahan jacalkiisa da'aa
walaal cabdulaahi. Waad aragtaa in aan meerayaasha kale gabdhaha uga
heesayo.
Qurbahan badanaa Huudhaydh joogaa !. Sheekadu waa ku
dhac aad ku dhacatide. Waa door is mood xaalku. Hablihii markay reer
galbeedka madiidin u noqdeen ayey xunbo daad walbii qaato noqdeen.
Suuqa magaalooyinkan ninkii dhiig soomaalinimo le in uu ka carraro oo
magaciisa la baxsadaa u hadhay. Cabdulaahow intaan qurbaha joogo habla
meerayaal kale joogaan u heesayaan,dhulkii hooyo markaa gaadhana kuwii
boqorka iyo dhaaclaha.
Cabdulaahi ,runtii jacaylku adiga ilaa iyo
aroos buu ku gaadhsiiyey. Badanaa qisa iyo haasaawe aad ka heestay.
Tii Hadraawi ka heesaa ku asiibtay baan filayaa:

.................
Adhaxdiyo lafdhabartiyo
sanbabada agtoodiyo
iliilaha halabowlaha
eebaa ku mudanoo
arrintii cuslaatoo
naftu aamusnaantii
iimaanso weydoo
amaleey jacaylkii
soo dhaafyey uurkoo
afku haysan waayoo
goortaan ogaadee
arrimaddu dilaacdaan
oodii ka leexshee

axdi jaba abaal luma
kaa eegi maayee
igadh iyo maqaarkeed
innagoo ahaanaan
hadalkii ku ururshee
adiguna dheh aamiin
---------- Erayadii Hadraawi________

jacaylka wejiyadiisa faraha badan bal nooga waran?
Cadbulaahi kii kuugu yaabka badnaa ee aad ka heesto ma nala wadaagi
kartaa?. Runti igu haley in aan u heeso markaan wakhti helo hablahaa
adduunka kale jooga Sidii Koocadii xeebaha bada cas raggu ku sheegi
jireen ayaan anna meerayaasha ka soo warrami doonaa
Nabdgelyo
Saciid Suugaan,UMS


>Anigubase waan odhankaraa, laakiin waxaanad i soo weydiin halkaad
>doonayso inaan kaaga bilaabo, ma markii iigu horaysay ? ma markii
>uu igu balaadhay ? ma markay i diidday ? ma markii la guursaday ?
>ma markii la aroosay ? ma markii aan ka maqnaaday gaafkii ee lay
>weydiiyay waxaan ku maqnaa ? ma maanta iyo sidaan xaawalay u arko ?

>Siciidow hawluhu way badanyihiin adigana dibindaabyada jacaylku
>kaama madhna, waxaaba lay sheegay habeen dhowayd kii kuugu dambeeyay
>cishqi in weli raadkiisii sii qoyanyahay.

>Waxbaa ka dhacay, GALDHACSIGA AAYAMAHA ma-ogtahay Siciidow
>in aayamuhu sida maska galdhacsadaan.

>Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo idinku dhaafaya dhammaantiin
>URURGADA JACAYLKIYO IBTILOOYINKIISIYO
>KA-GABADA ISHAARADA....................

>Isma-dhaafno..
>UFO SOMALILAND.

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 12, 1996, 3:00:00 AM3/12/96
to
FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC: Jacaylka Wadaan-lahaa/Suugaan

SUMAD : DOOKHAYGA GUUNKA AH(CIGE IIDLE)
IYO KAAGA IGA DARAN(SUUGAAN)

Siciid waa lagu salaamay, horta hablo-heerina la sheegin, ma-ogtahay waxa
dhacday maalin dhowayd, hablihii reer Kanada oo heerina oo maadh ka guranaya
ban ku yaala Faransiiska iyo Beljim dhexdooda sow lama soo sheegin.

Halkaasaan faras ma-haysanne baqal oday Ingiriis leeyahay amaanaystay, goortaan
dhawr habeen sii dhaxay, ayaan ka duldhacay hablihii, waa kuwama ? alla waa
inan Soomaaliyeed, ayay midi lasoo boodday!! waar maxaa nakiin dabadhigay, ayay
midkalena tidhi, mid dhulka fadhida oo dhawr bur oo maadh ah dhabta ku haysata,
dhudhunkana xadhig ay soohaysay ugu duubanyahay ayaa tidhi, naa bilee oo aannu
inanku reer Kanada ahayn, maa horta wax su'aashaan oo waraysataan.

Mid dacal taagnayd oo maydhax calaashanaysay ayaa tidhi wadhi, naa ma cidkaluu
kuula egyahay diinta rasuulka wuxuu ka yimi Kanada oo weliba reer Faankuufa
maahee inuu reer Toranto yahay buu u dhowyahay, naa miyaydaan bidaartana
arkayn. Tu saddexaad oo baldhoole kala-guraysa ayaa tidhi waar nala hadal dee
ma reer Kanadaad tahay mise waxa tahay inan Soomaaliyeed.

Neefbaa iga soo boodday ilayn arkay in habluhu reer Kanada saaryihiin aniguna
waan is ogoo ka badbaaday nimankaas bidaaraystaye, laakiin waxa weli shaki
igaga jiraa waxa habluhu odhandoonaan markaan idhaahdo waxan ahay reer England.

Intaan isyara janjeedhiyay oo qufac yar ku daray qosolkaygii deexashada ahaa
ayaa idhi walaal waxaan ahay reer England. England-aa aa, haba odhanlahaydaa,
waar maxaa igu watay, intay mar qudha hablihii kor u boodeen oo sidii garanuug
libaax aragtay indhaha ka biligbiligsiiyeen ayay mar qudha cod wada-jira
yidhaahdeen, waar makuwii hablahooda reer Kanada jabnaanta ku soo
guursanjireen baad tahay, ee wada seaman-ka ahaa, alla waa la-go'ay naa waan
filay inaan Yurub heerin waxbaba lagaga helayn, ayay tidhi middii xadhiga
soohanaysay.

Aniguna Siciidow dee iba-mee, jirjir-cadkaan u dhacay oo laba caanamaal halkii
jiifay, waxa weliba igaga sii daran dameer axan-lagu qalkaa ahaa ee aan odayga
Ingiriis ka amaanaystay oo iga baxsaday intaan hablaha reer Kanada ee heerinka
ah la murmayay. Waar maxaa meesha iga raacay.

Horta Siciidow; Jacaylkeedi Tiriig, Taasina way iga raacday, Torontuu mar i
geeyay, marna toomiyo hawd, mar tanaan ka hadlaayo, imika uunbaase loogu qaatay
oo waakaa dayaxa iyo meerayaasha kale qabtay. Ee waxaan ka baqayaa in kuwaas
xunxun ee Jayniiska ah ee farsamadooda samadu dambaysaa inay degelkaa habluhu
heerinka ku tageen sayruukh ambada qabadsiiyaan, amase jacaylkoo sii socda oo
kolba dhagax ka leexanaya ay moodaan ummad kale oo soo qabtaan.

Malaga yaabaa Siciid jacaylkaa meerayaasha kale ku socdaa inuu ku dambeeyo
xaraash ay NASA lacag ku urursanayso.

Waar Siciid wakhtigii baa igu soo gaabtaye waxaan ku su'aalay inantii doodda
idiin furtay(DUBID IYO SOLIS mise qadhaadh iyo macaan bay ahayd) maxaa ugaga
cadhaysiiseen, illayn waxaan ku war helay Saynab oo albaabadii xidhay oo tidhi
halagu kalatago, dumar iyo rag, jacayl iyo haasaawe, iyo kudhuudaa looma
jeedee, waar Siciid illayn adigaa godka waayeel u ah ee nimanka hablaha maagaya
ee markay eray yidhaahdaan afka kaga soo boodaya ka celi, mise hablaha
qudhaadaan hawl-yarayn ? anigu waageeni baan ahaayee aad ulama socdo jacaylka
iyo cilmiyadiisee................

Dawanbaa la-garaacayaa Siciidow ee waa labadeenna intaan jacaylkii sibraarka
loo buuxiyay ee ardaaga ku ilaaway kaaga sheekaynayo.

Isma-dhaafno..
UFO SOMALILAND.

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 13, 1996, 3:00:00 AM3/13/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC: Jacaylka Wadaan lahaa/Suugaan

SUMAD : Farriin....

Waar Siciid waa barwaaqo iyo bashbash, adiga asxaabul-cishqigunna
waad salaamantihiin.

Mays tidhi imika waxaad doonaysaa Siciid in hablaha arahda doontay
iyo kuwa heerinka ahba aad isku darsataan qoladiinna reer Kanada.
Xaashalilaah Yurub idinka yeelimayso, waxaan u malaynayaa in dagaalkii
malayga/kalluunka ee Kanada iyo Isbaanishka dhexmaray oo kale ina-dhexmarayo
oo jacaylka aynu iskudilayno. Horta beryahan waxaan doonayay in baarlamaanka
Yurub(ka Iglan waxba ka qabanwaa oo commonwealth iyo waxbuu igula warwareegay)
aan idhaahdo sharci soo roga mamnuucaya u soo haasaawa-taga, soo
doolaalo-tegidda, soo guur-doonashada, sawirka-qaadashada, sawir usoo-diridda,
iska-dhaadhicinta, telefoon-ku-wareeriska(reero dhanbaa London iyo hareeraheeda
reer Toronto awgeed uga guuray oo imika lo' ku dhaqday buuraha Welsh-ka) iyo
dhammaan tallaabooyinka la-xidhiidha ee ay wiilasha reer Kanada kaga
ugaadhsadaan United Kingdom. Sharcigaasi haddii la-ansixiyo wuxuu noqonayaa
sidatan:-

Ka dib markii aannu eegnay, ka-baaraadegnay, falanqaynay faa'iidadiisa,
isla-eegnay dibudhaciisa kana fekeray siduu uga dhaqangeliyo Yurub guud-ahaan,
gaar-ahaanna U.K(waa meesha hablaha Kanada ka soo cawdeen ee ugaadhsigeeda
iyo qadhaabkeeduba fududaaday, mind you Siciidow inta dabin ee aan duuliyay
timahaagaa uma dhowa, I hope inaanan duulin mid kuwaagii ka mid ah), waxaannu
garannay in codsiga lambarkiisu yahay;

Qadhaadh/Macaan/Jacayl_seeraaray-1996 kuna soo hagaagay maxkamadda baarlamaanka
Yurub u qaabilsan isla-meel-dhigidda jacaylka iyo umuurihiisa, eedeenayayna
dhammaan wiilasha lab/doob/guur_doon/haasaawe-ga ah ee kasoo doolaala-taga ama
iyagoo jooga Kanada falal jacayl ka fuliya Yurub/U.K.

La-aqbalo, lagana dhigano qayb ka mid ah xeerarka jihaynta ee uu dhaqangeliyo
baarlamaanka Yurub(European Directives). Laga bilaabo maanta oo taariikhdu
tahay..."Hablaha reer Kanada ayaa soo codsanaaya taariikh ay rabaan in
sharcigani dhaqangalo", waxa uu baarlamaanka Yurub amar ku bixinayaa in
dhammaan wiilasha Soomaaliyeed ee lagu tuhmo ama u tallaabsanaya sidii cid
guur/haasaawe/gaabsi/gaaxsi/murankale u socota in:

1- Lagu qabto garoomada/dekedaha/tareenada iyo dhammaan gaadiidka dadweynaha
ee soo gala Yurub/U.K.
2- Haddii la-qabto laga baadho astaamo jacayl sida sawiro hablood, telefoono
badan, qalimo khad cas(waa intaasoo jacaylku ku xunyahaye) iyo dhammaan
raadad kasta oo muujinaya inay burinayaan xeerka kor ku xusan.

Sharcigani waa inuu u fulaa sidii loogu talagalay iyadoo lala-kaashanayo
dawladaha Kanada iyo Maraykanka oo laga codsanayo inay fiiro-gaar ah u
yeeshaan dembiilayaashii jacaylka ka-reebka ah usoo dhoofinaya Yurub/U.K
ee doonayaa inay jaqsiiyaan ama dhay uga lisaan nirgo aan ahayn kuwiisi.

Haddii dawladahaasi aynu saaxiibka nahay waxba ka-qabanwaayaan arrintaas,
waxa lala tiigsankaraa sharcigii Ganacsiga Adduunka(World Trade) oo labada
dalba ay saxeexeen(Both governments are signatories), waxaana lagu qaadikaraa
qodobka ah inay jebiyeen xeerkii fulinta, kobcinta iyo dhaqaalaynta jacaylka
deggan dalwalba oo xubnaha heshiiska ka mid ah.


Waar Siciid xaggaan awel-qabtay, O!! haddaan xusuustay baqashii aan odayga
Ingiriiska ah ka amaanaystay waa layga rabaa, ee waxaad hablaha reer Kanada
ku tidhaahdaa bi'iwaaya'e ninkii Cige lasoo bixiya qaanta baqashaas.

Siciid kan hawqaadan jacaylkii ardaaga kaga tegay sibraarkii jidmarka loogu
shubay, kani waa mid kale.


Taariikhdu waa 1986kii, toban sano ka hor, goobtu waa Imaaraadka Carabta,
magaalada Abudabay, waxa iska kay galay jacaylkii iyo siyaasaddii, waxaan
fariin u dirayaa hablaheennii cuddoonaa, ubax, qalanjo, barwaaqo you name it,
fariinta waxa qaadaya jacayl, maaha kaygii waa mid kale oo aannu
suuqal-xamdaan iska hellay oo intaannu Koorniishka Abudabay ku balannay aan
ka baxsaday, dabadeedna subaxii dambe igu qabtay makhaayad Daawratul Ashqaal
ku taalla, waxaan jacaylkii u dhiibay farriintan:-

************* Salaamaad ******************************************

Salaamaad jacaylkii Sogsogtiyo cadaaddiyo
Surimada qarsooniyo Iga galay sursuurtow
Saxal iyo dhibaatiyo Siigada korkaagii
Sumad baan arkaayoo Safarbaad u jeeddaa
Anigana suleekhiyo Hablihii Saluugliyo
Sadar aan lammaanayn Saxarla' iga gaadhsii
Si yar waxad tidhaahdaa Dhaqankii siloonyoo
Sammad iyo kulayliyo Sakal buu ku oodmee
Saadaashi khayrkiyo Sumcaddii ha dhaafina

Salaamaad jacaylkii Sannadkiyo bilaa iyo
Muddo socod u joogow Inkastaad sirgacantahay
Xidhanyahay safkaagii Si yar waxad tidhaahdaa
Hablayahow saceennii Sidkaney hasheennii
Sabeenta iyo naylihi Sengeheenni xoodnaa
Sumadda iyo dhaqankii Saddex-qaydi heensaha
Dhiilaha la saabshiyo Sinta bidix ku fiicnayd
Laga durug sedkiiyoo Lama suubbin waayee
Saadaashi khayrkiyo Sumcaddii ha dhaafina

Salaamaad jacaylkii Segegeray naftaydee
Ubaxey Sucaadiyo Saac iyo udgoonkii
Muddo aan sugaayee Sasabaayay waayee
Sambabada wadnaha iyo Saldhig bidixda ku lahayd
Mid iga sargooyee Seetada ku giijow
Weligaa sin-uunbaad Garta siin-taqaannoo
Socodkana u badisaa Maantana sakaatiga
Seeftiisa caashaqu Sibiq tidhi dhankaygee
Saadaashi kharkiyo Sumcaddii ha dhaafina..

Haadba haad kici, Siciid anigu bahalka markaan doono waan dirtaa oo
fariimaan sii faraa, laakiin waxaan ku weydiiyay Siciid awel jacaylku
ma-wadnuhu ku dhici-jiray ? mise qalbiga ? mise ka Soomaalidu wayska
degel-fadhi oo qofba halkuu doonuu ka fuulaa.

Sorry, iga-raali-ahow waan kugu yareeyaye, laakiin ha-baqan anna ii
bishaaree, waxaan maalin dhow iska bedelayaa tareenka Ingiriiska ah
ee gaabinaya( tareemada England waa Yurub ugu gaabiya) oo waxaan soo
iibsanayaa nooc Faransiis ah oo la-yidhaahdo Fast Trains.

Markaan bahalkaas lalaya kusoo guro jacaylka Yurub oo dhan ee dabadeedna
isagoo haadaya kasoo boodsiiyo Channel Tunnel-ka, aan dabadeedna waxay yar
ee reer Kanada jacayl London kaga tegay aan soo saaro ee xaggaas iyo
geestaada usoo karaariyo, waxaan u malaynayaa inuu ku deeqayo illayn
ninkaan arkay ee Cali Dhuux, Gun-iyo-baar-eeg, iyo qaarkaloo badan
isdabadhigaya taabgaabkaygani cilmi ku biirinmaayee..


Isma-dhaafno..
UFO SOMALILAND.

Saciid ina Max'ud ina Max'ed.

unread,
Mar 16, 1996, 3:00:00 AM3/16/96
to
AJA...@bolton.ac.uk wrote:


>FROM: UFO SOMALILAND

>TIXRAAC: Jacaylka Wadaan lahaa/Suugaan

>SUMAD : Farriin....
...........................................................................................................................................................................................................
.....................
.................

>Qadhaadh/Macaan/Jacayl_seeraaray-1996 kuna soo hagaagay maxkamadda baarlamaanka
>Yurub u qaabilsan isla-meel-dhigidda jacaylka iyo umuurihiisa, eedeenayayna
>dhammaan wiilasha lab/doob/guur_doon/haasaawe-ga ah ee kasoo doolaala-taga ama
>iyagoo jooga Kanada falal jacayl ka fuliya Yurub/U.K.

>La-aqbalo, lagana dhigano qayb ka mid ah xeerarka jihaynta ee uu dhaqangeliyo
>baarlamaanka Yurub(European Directives). Laga bilaabo maanta oo taariikhdu
>tahay..."Hablaha reer Kanada ayaa soo codsanaaya taariikh ay rabaan in
>sharcigani dhaqangalo", waxa uu baarlamaanka Yurub amar ku bixinayaa in
>dhammaan wiilasha Soomaaliyeed ee lagu tuhmo ama u tallaabsanaya sidii cid
>guur/haasaawe/gaabsi/gaaxsi/murankale u socota in:

>1- Lagu qabto garoomada/dekedaha/tareenada iyo dhammaan gaadiidka dadweynaha
> ee soo gala Yurub/U.K.
>2- Haddii la-qabto laga baadho astaamo jacayl sida sawiro hablood, telefoono
> badan, qalimo khad cas(waa intaasoo jacaylku ku xunyahaye) iyo dhammaan
> raadad kasta oo muujinaya inay burinayaan xeerka kor ku xusan.

....................
..............................................................


>Haadba haad kici, Siciid anigu bahalka markaan doono waan dirtaa oo
>fariimaan sii faraa, laakiin waxaan ku weydiiyay Siciid awel jacaylku
>ma-wadnuhu ku dhici-jiray ? mise qalbiga ? mise ka Soomaalidu wayska
>degel-fadhi oo qofba halkuu doonuu ka fuulaa.


**************************Nabad iyo Caano walaaal******************


Cabdulaahoow, tab hayow lagaa tab hayee. Xeerkan
xaaraatinimaynaya jacaylka duulaanka iyo weerarka ah soomaalidu horay
uga gaashaamatay. dhaqankeenii waad xusuusataa hablaha oo lala
baxaa ka jiri jiraye?
Cabdulaahi, marka jacaylkaa dhega maran idin soo dul hogto
sidii jirjiroolihii ayuu marba midab isu yeeli doonaa.Habeenkii baa la
yidhi maxaa ciyaarta loo tumaa haddaan xeeladi ku jirin, Hogolfiidkii
iyo cayaartii duleedka guryaha laga tumi jiray oo barbaar rag iyo
hablaba lihi isku baran jireen ama inantii adhiga la joogtay oo
barbaarku u soo gaban jiray isagoo bidhaan iska eegaya, si uu haasaawe
iyo in ay isu qalmaan u qaadaa dhigaan ayey tahay in la reer
magaaleeyo iyadoo diinta iyo dhaqanka suuban la dhawrayo.
gabadha magaaladu adhi ma raacdo. wiilkuna Jaandheer
iyo Saylici magaalo kama dhex tumo. Telifoonku waa geedkii ay wiilka
iyo gabadhu labada dhinac ka soo kala joogsan jireen. Gabadhu waa tay
yaxyax iyo xishood dartii aanay, wiilka tixgelin dartii idhaha wada
saari jiray.
Cabadulaahoow,markaa Soomaaligu masaafayntii ayuu u
fududaan doonta. Lug bay ahayd awel, hadda diyaarad baa lagu wada
boodayaa. Shiikh hebel baa magaala hebel jooga ee aan sharciga reer
Yurub ansixiyeen ka dheeraano ayaa la wada go'aaminayaa. Maamuulkii oo
war la'a ,ayaa shidanaaba shidane ,hawshii oo dhamaatay barraarugi
doono. Ha la hirgeliyo markay timaado ,qodob soomaali hore u dejisataa
ka horreeyaa cabdulaahow la odhan doonaa. Sharcigaa xeeladaas ayaa loo
helay.

Cabdulaahoow ,Ka rog oo laba saar. Ma hablihii Canada oo
heerinaa yurub soo gaadhay? Sidan ma filayn. Reer Yurub iyagoo badda
beri hore soo jibaaxayaan ogaa oo weerar cir iyo dhul ah Canada ku soo
qaaday. Haybaa beri qoray ," tayk e sheltar wii aar taykig Idil".
Maraykan iyo Reer Orobaa loo kala saftay. Yurub ciidaa la cunsiisay.
Ina Bilana cadhadii darteed ,arladii buu diyaarad u qaatay. Yurub baa
fursad heshay oo hablihii la baxay masaafad geynaya ee u
tahniyaday
baa igu soo dhacday. Laakiin sheekadii waa is rogtay.
Xaalku waa Reer Kanada oo heerin. Waayahay , Cabdulaahow
,sheeka ayaad i soo xusuusisay heerinka iyo hablaha la xidhiidha.
Siday caadadu ahayd gabdhuhu markay xilliga guurka
gaadhaan ama deegaankoodaa ayaa lagu guursan jiray ama waxay u heermi
jireen hadba beesha ku dhow. Gabdhahaasi qolyaha aanay ka dhalan ayaa
ay aalaaba u kicitimi jireen. Ceeb bay ahayd in gabdhahaasi ku
hungoobaan cidaa ay u galeen oo qorshohoodii la kala tuuro. Labadaa
beelood ayey ka mid ahaayeen xidhig hadhow isku xidha. Waayo ,tabaha
qabaa'iilka soomaalida xidhiidhkooda wanaajin jirtay waxaa ka mid
ahaa xiddidka. Sidii hore loo yidhi ,meeshii xinjiri ku daadatay waa
in xab ku daataa, marka qolo qolo dhiig ka gasho gabadh godob tir ah
ayaa la isa siin jiray marka la heshiiyo ka dib. Sawiro,si colaadaa
loo aasoo labaddii reer xidhiidh aan go'ayn ayaa salka loogu dhigayaa.
Calaa kuli xaal , Cabdulaahoow,in aan ka hadlo sheekadu ma ahayn
guurkan heerinka iyo kuwii la midka ahaa wixii ka dhalan jiray .
Heerinka qiso la xidhiidhay oo igu soo dhacday bay ahayd in aan idiin
soo tebiyo.
Beri baa waxa la yidhi saddex hablood ayaa heermay. muddo
markay soo socdeen ka dib ayey beel meel taala ku soo dul dhaceen.
La dareen in habluhu heerin yihiin. Gabdhii marti soornimadii
gobnimada ku jirtay baa loo fidiyey waana la soo dhoweeyey. Doobkii
gurigaa joogay bay noqotay in hablaha uu mid kala hadho. Waa saddex
tii loo hor reebi lahaa yaa go'aaminayey noqotay?. Xeedhyaa hablihii
hilib qiiqu ka baxayo oo kulul loogu keenay. Tijaabin iyo baadhitaan
baa socda. Doobkii meel aanay ka arkay oo codkooda ay ka maqlayaan
ayey ku gabadeen. Markii hilibka la soo dhigay ayaa tii u horaysay
sugi weyday oo hilibkii gacanta kula haaday. Kulkii bay la soo booday
iyadoo le " NAA KULULAA, KAMA NAALLEE". Tii labaad baa iyadoo samri
la' tidhi " NAA MA KAADSAN KARNEE INOO KALA GOO". Inantii saddexaad
ee ugu caqliga badnayd baa si anshax ku jiro u tidhi " NAA KOR SAAR
HA KANFAFEE". doob rag ka sheegnaa oo geesi ah ayaa intantii
saddexaad la hadhay oo guursaday. labadii kale waa seegeen geesigaa.
Waayahay ,Cabdullaahoow, Su'aalaha kale ee jacayl
soomaaliga iyo meeshuu ku dhaco waa la garan la yahay. Bulsho
suugaaanteedaa ka mid ah wax lagu cabiro. marka jacaylka la tilmaamayo
soomaaliga isagoo dhan buu ku dhacaa. meel walba soomaalida leeb buu
kaga qabtaa.
Halkaa caawa aan kaga baxo ,sheekadan gaaban. Jacaylka
ka sheekayntiisa weli fari kama qodna Cabdulaahow. Imtixaama i haystee
waa warami lahaa.

nabadgleyo
Saciid Suugaan,UMS

>Isma-dhaafno..
>UFO SOMALILAND.

>>FROM: UFO SOMALILAND

>>TIXRAAC: Jacaylka Wadaan-lahaa/Suugaan

>>SUMAD : DOOKHAYGA GUUNKA AH(CIGE IIDLE)
>> IYO KAAGA IGA DARAN(SUUGAAN)

>>Siciid waa lagu salaamay, horta hablo-heerina la sheegin, ma-ogtahay waxa
>>dhacday maalin dhowayd, hablihii reer Kanada oo heerina oo maadh ka guranaya
>>ban ku yaala Faransiiska iyo Beljim dhexdooda sow lama soo sheegin.

>>..............................................................................................

>>Waar Siciid wakhtigii baa igu soo gaabtaye waxaan ku su'aalay inantii doodda

Mahad M. Abdi

unread,
Mar 21, 1996, 3:00:00 AM3/21/96
to
In article <4i6q29$1...@yama.mcc.ac.uk> AJA...@bolton.ac.uk writes:
>Path: news.mindlink.net!van-bc!unixg.ubc.ca!nntp.cs.ubc.ca!news.cyberstore.ca!math.ohio-state.edu!howland.reston.ans.net!tank.news.pipex.net!pipex!peer-news.britain.eu.net!yama.mcc.ac.uk!basil.acs.bolton.ac.uk!AJA3ENG
>From: AJA...@bolton.ac.uk
>Newsgroups: soc.culture.somalia,alt.culture.somalia,alt.current-events.somalia
>Subject: Re: JACAYLKA WADAAN-LAHAA/SUUGAAN(Siciid)
>Date: 13 Mar 1996 15:36:41 GMT
>Organization: Bolton Institute of H.E.
>Lines: 129
>Message-ID: <4i6q29$1...@yama.mcc.ac.uk>
>References: <4hhern$l...@yama.mcc.ac.uk>,<4hu2f8$6...@sunburst.ccs.yorku.ca>
>Reply-To: aja...@bolton.ac.uk
>NNTP-Posting-Host: basil.acs.bolton.ac.uk
>Xref: news.mindlink.net soc.culture.somalia:15143 alt.culture.somalia:1066

Mahad M. Abdi

unread,
Mar 21, 1996, 3:00:00 AM3/21/96
to
In article <Mahad.9....@mindlink.bc.ca> Ma...@mindlink.bc.ca (Mahad M. Abdi) writes:
>Path: news.mindlink.net!line289.nwm.mindlink.net!Mahad
>From: Ma...@mindlink.bc.ca (Mahad M. Abdi)

>Newsgroups: soc.culture.somalia,alt.culture.somalia,alt.current-events.somalia
>Subject: Re: JACAYLKA WADAAN-LAHAA/SUUGAAN(Siciid)
>Date: Thu, 21 Mar 1996 07:31:53 GMT
>Organization: MIND LINK! - British Columbia, Canada
>Lines: 145
>Message-ID: <Mahad.9....@mindlink.bc.ca>
>References: <4hhern$l...@yama.mcc.ac.uk>,<4hu2f8$6...@sunburst.ccs.yorku.ca> <4i6q29$1...@yama.mcc.ac.uk>
>NNTP-Posting-Host: line289.nwm.mindlink.net
>X-Newsreader: Trumpet for Windows [Version 1.0 Rev B final beta #4]
>Xref: news.mindlink.net soc.culture.somalia:15315 alt.culture.somalia:1086

Mahad M. Abdi

unread,
Mar 21, 1996, 3:00:00 AM3/21/96
to
In article <Mahad.9....@mindlink.bc.ca> Ma...@mindlink.bc.ca (Mahad M. Abdi) writes:
>Path: news.mindlink.net!line289.nwm.mindlink.net!Mahad
>From: Ma...@mindlink.bc.ca (Mahad M. Abdi)
>Newsgroups: soc.culture.somalia,alt.culture.somalia,alt.current-events.somalia
>Subject: Re: JACAYLKA WADAAN-LAHAA/SUUGAAN(Siciid)
>Date: Thu, 21 Mar 1996 07:31:53 GMT
>Organization: MIND LINK! - British Columbia, Canada
>Lines: 145
>Message-ID: <Mahad.9....@mindlink.bc.ca>
>References: <4hhern$l...@yama.mcc.ac.uk>,<4hu2f8$6...@sunburst.ccs.yorku.ca> <4i6q29$1...@yama.mcc.ac.uk>
>NNTP-Posting-Host: line289.nwm.mindlink.net
>X-Newsreader: Trumpet for Windows [Version 1.0 Rev B final beta #4]
>Xref: news.mindlink.net soc.culture.somalia:15315 alt.culture.somalia:1086

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 22, 1996, 3:00:00 AM3/22/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC: Jacaylka Wadaan-lahaa/Suugaan

SUMAD : DOOKHAYGA GUUNKA AH(CIGE IIDLE)
IYO KAAGA IGA DARAN(SUUGAAN)

IYO DARARTA CAASHAQA(Cabdillaahi Abuukar)

Salaama Cabdillaahi Abuukar iyo Siciid Suugaan waa xertii
jacaylka oo aan cidi ka maqnayn. Ina Abuukar waan ogahay farriintaadii
ma-illaawin, taladiina waan soo wadaa ee waxa i xanibay Abuukar waxaan
kuu soo goynayaa geed *caashaq* ah oo Yaaqa dhumuc le'eg.

Weli geedkaa jacayl ah geed ka adag ma-arag birtuba karimayso.

Xertaay ammin wanaagsan, kani maaha jacaylkii Kanada, kani waa kaygii
"Iyo taan lahaan-jiray, markaan tumasho soo qaado"
..................Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Siciid/Cabdalla waxaynu maraynay GAAFKII, maadaama aan gadaal kasoo
bilaabay sheekada(From Y to B), tani waa GELBIS, gaafka hortii.....

.............. GELBIS .............................................

Waa gaari-dumariyo Gacalada haweenkoo
Garaadkiyo aqoontay Gabdhaa kale ku dhaaftoo
Waa ugub geyaankeed Gelin ruuxa fiirshaa
Gocashada xusuusta leh Muddo uu la-goohaa
Kuma dhaqanto giigsani Iyo camal gabbood-fala
Mana aha gardiidiyo Ruux garasho-daranoo
Gaagixisa caashaqa Waa ubax guyaadiyo
Gal xareedi-jiiftiyo Midho guud ku yaalloo
Gudguduhu intuu miray Misna galaca waaberi
Mayay uu gondaha dhigay Qoraxduna gantaalaha
Gudub ugu tallaashoo Midabkeedu geedaha
Ku guntamay ugbaadkii Guurna way u qalantaa
Ninka calaf u geeyow Gef kolayba igu tahay
Waxan gooni kuu faray Gaasiri barwaaqiyo
Gallad weeye Eebbee Gamca-furan ku dhaadhici..

Waa gelin-dhax caashaqu Hadba guri-yagleeshoo
Meeshuu gondaha dhigo Wed ka gooya mooyee
Dhayal kama gunaad kaco Anna waxa sidii gaadh
Gaafmeerka socodkiyo Dhaxanta iyo gawraha
Igu xidhay guyaal badan Kalgacayl gadoodoo
Laga guura-raacoo Sahankii ka goostiyo
Geediga hayaankii Marna gaadhiwaayee
Sida giringir waayuhu Iyagays guraayee
Aan galo halkii calaf Iisoo gardaadshee
Adna maandhe gabanyahow Ninka goostay jeexii
Garabkiyo halbowlaha Geestayda bidixow
Waxan gooni kuu faray Gobtu waxay u aydaa
Gaafkiyo arooskee Geenyada hannaan wacan
Galab-roon u heensee Guuraha hasii dhixin
Galad weeye Eebbee Gamca-furan ku dhaadhici..

Waxay heestani soo baxday 22/02/1987kii. Siciid iyo Abuukar
intaas in ka badan odhanmaayo(This is the genuine article)
oo waxay Soomaalida tidhaahdaa "Carruur Carruuraan lagu ciyaarin
baa jirta", kolkaas qaybtani male iidheh iyo hakad-toona.....

Isma-dhaafno..
UFO SOMALILAND.

aja...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 22, 1996, 3:00:00 AM3/22/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC: Jacaylka Wadaan-lahaa/Suugaan

SUMAD : DOOKHAYGA GUUNKA AH(CIGE IIDLE)

IYO KAAGA IGA DARAN(Suugaan)
IYO DARARTA CAASHAQA(Cabdillaahi Abokor)
IYO DEGELKA LAGU FURAY(Hablaha reer Kanada(gaar ahaan Toronto)


Waaryaa Ina Maxamuud Maxamedow i sug!! horta waad salaamantahay
intaanan dubur hawd ka xulin. Haaheey hadday igusoo degtay maxaad
tidhi SULDAAN xeer Soomaaliyeed baa inoo yaalay oo ku salaysan in hablaha
lala-kala-tago. Very sorry !!! inaad doraad ila soo gaadhaa bay ahayd
intaanan dacwaddii hablaha reer Kanada u gudbin barlamaanka Yurub.

Sharcigiiba waa la ansixiyay oo wuxu dhaqangelayaa maalinta hablaha
reer Kanada(waan qaybay imika halhayskoodii oo waxaan ka yaabayaa inaan
salaadda markaan galo idhaahdo "Hablaha reer Kanada", waar illayn anagaa
wax nala-tusay Siciid) soo codsadaan inuu dhaqangalo.

Halkaas hadal kama fura, waxa la-yidhi Siciidow "markay kadantay Alle
taqaan" imikaad xeer Soomaali iyo wax igula warwareegaysaan intaa hablaha
hore u baylihiseen. Waxaan filayaa imika dacwadda qudha ee idiin furani waa
idinkoo hablahaa reer Kanada(Here they are again) dib u maslaxda oo yidhaahda
arrinta habloow maxkamadda inooga soo saara. Annaguse reer Oroba haddaannu
nahay waxba idiinma tarikaro.

Illayn odayga Haybe ah ayaa cidla ka hesheen oo harowsateen. Arrintaas waa
laysku dabasocdaa, waxaan u malaynayaa inaad Siciidow sedkii WiilWaal oo kale
qaadateen. Sow ma xusuusatid berigii la-yidhi waar ninkan WiilWaal aynu iska
qabanno oo ku nidhaahno laba cad iskuma wadaheshid.

Waa tii illayn waad lasocotaa Siciidowe, layidhi yaa laba-xiniinyoodle ah
oo ku odhanaya(Waa intaan kacaanku dumarka xiniinta siin, qolyahaas xiniinta
qaatay waa ka ridanlahaayeen WiilWaal quruskaas), waa tii dabadeed saddexda
nin la-qaybiyay ee layidhi waxa tidhaahdaan:-

Ninka hore; WiilWaal, Ninka Labaad; Labada cad, Ninka Saddexaad; Iskumawada
heshid. Sidaad u ogaydba Siciid waa tii ninkaa saddexaad isgartay inay isaga
ku dhacayso sababtoo ah isagaa go'aankii ku dhacay(Yarkaasay ku dhammaatay buu
odhanjiray, nin waallaa oo reer Burco ahaa oo Cismaan Salleeli la-odhanjiray).

Waa tii dabadeedna ninkii saddexaad ka tashaday ii yidhi nacasbaa lagu dabaa
ee markii hadalkii la bilaabay uu udhacay sidatan:-

Ninka hore; Wiilwaal
Ninka Labaad; Labada cad
Ninka saddexaad; Lug ku darso(Wuxu odhanlahaa iskuma-wada-heshid).


Waxaan uga socdaa Siciid maqlay inaad ninka Haybe layidhaahdo isu-qabateen
haddaad reer Kanada tihiin oo kaga yeedhsiiseen:-

Inamada Kanada 1- Hablihii Yurub 2- Qaadkii 3- Ku-darsada...

Sharcigaa Siciidow muranbaa kasoo noqday, saddex xaalo iskuma heshaan;

Hablihiinnii oo aad dayacdeen, maheshaan...
Hablaha Yurub oo aad tidhaahdaan waa labaxaynaa, ma-raacdo tahore..
Qaadkii oo aad naga gurataan, kuma-heshaan hablaha.

Maxaad awel odhanjirtay ka-rog-oo-haddana-saar, ma-dhaantaa Siciid,
afSoomaaligiibaannu isku liidanaaye, mise adigaa samaystay.
Waar dhegayso waxa dhacay heesbay hablihii reer Kanada idiin soo direen, oo
Khadra Daahir fareen..........

Bishu galabay tahay Saddex tirada guud
Gogoshuu fadhiyay Ruuxii ka guday
Way soo gabtaa Garkan iyo garkaa
Midna gaadhiwaa Sow inuu godan
Labaguri dhexdood Gabal ugu dam yidhi
Ma-gorfaynin waa Anigana geddaa(Waa Gabadh reer Kanada ah)
Ma-gufaysantee Godalooladaan
Go'a saar lahaa Gacalkiyo xigtadu(Waa wiilasha reer Yurube)
Sow iguma garan Nafta gebi-cidla'a
Geysaye miyaan Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi Kaa-gaab-sadee
Niyad kaa go'diyo Qalbi gudhan miyaa
Qosol lagu godlaa ?????

Goray sheeda kore Geedaha ku yaal
Wuxu goosto oo Gaagaambiyaba
Sow inuu gadaal God-negaadiyo
Xudun labada garab Geesuun u dhaco
Ma-gorfaynin waa Adna goorti aad(Wiilka reer Kanadow)
Giringirisaye Dhawrkii gantaal(Not only one arrow but several)
Tidhi yay gefine Hays garabsocdeen
Inaad laba-gardaaq Laabta u gediday(Towards Europe)
Waan kugu gartee Gar-ma-qaadatide(Wiilasha reer Kanada)
Godadlow miyaan Goor iyo ayaan
Gaar kuu sasabi Gadhka iyo maxaad
Ii qaban gondaha Qalbi gudhan miyaa
Qosol lagu godlaa ?????

Laaxawlilaa, waa halkii reer Jabuutigee, waar Siciid maxaa hablaha waxaa ugu
samayseen oo hablo aad qalbigii kalgacalkaba gudhiseen ayaa kolba intaad
Yurub aroos kusoo dhisataan u soo noqonaysaan oo u qoslaysaan, ma qosolbay
ku godlanayaan, waar hablaha waxbaa la tusay oo maalin dhowday sheeko ka
dhacday London(Waa London-tayada maaha tiinna yar) ayaan layaabay.

Waxa layidhi dayuurad Toronto kasoo haadday ayaa markay soo gaadhay Heathrow
Airport(Waa gegidda weyne London'e) ayuunbaa shaagga hore soo bixiwaayay,
goortay cabaar soo haabatay, ee wareegtay, ee leexatay, ayaa iyadoo daashayba
oo qaaqdii u dambaysay taagan, ayuunbaa macbuudku u fidiyay lugtii furmiweyday.

Iskasoo fadhiisatay oo rakaabkii kasoo dege(33 iyo 1/3 wiil oo reer Kanada ah
oo guurdoona ayaa saarraa). Goortii labaadhay ciladdii ayaa waxa lasoo helay
oo laga soo saaray halka lugtu ku qarsoonto kab qaraafiic ah(Ma-xusuusataa
Siciid kabihii qaraafiicda ahaa) oo ku dhegsan. Nimankii farsamayaqaanka ahaa
yaabe oo waxay is yidhaahdeen maxaa kabta meesha ku dhejiyay.

Cajiib sheekadii waxay noqotay nin ka mid ah 33 iyo 1/3 wiil ee reer Kanada
ee guurdoonka ah ee dayuuradda saarraa ayaa cunug hablaha Kanada ka mid ah
been ku sabaalayay muddo, wuxuu yidhaahdaa dhoofimaayo oo England qabanmaayo,
wuxuu yidhaahdaa adaan kuu joogaa.

Waxkastoo uu ku sasaboba inantii waxay soo ogaatay xaqiiqdii, waxay soo
dabagashay maalintii uu soo dhoofayay, oo intay isku nabtay meel ayay
sii fiirisay illaa iyo intii uu dayuuradda ka fuulayay. Ma rumaysnayn
indhaheedu waxay fiirinayaan ee markay xaqiiqsatay inay dhabtahay dhacdada
ay daawanaysaa dayuuraddiina si hangagaarsanayso ay iyadoo aan is-ogayn
kab labaxday oo ka-daba-tuurtay, kabtiibaa halkaas ku dhegtay.

Gabadh aad u calool-fayow-bay ahayd haddii kale kabtaasi masoo deyseen
adinkaas dayuuradda oo halkaas shil intaas ka xun baa ka dhicilahaa.

Waar Siciid goorta qisadu dhacday waa 22/12/1995 ee haddaad aragto wax
sheegaya gabadh kab la' galabnimadii maalintaas oo maraysa jidka hormara
makhaayadda eeeennn Boo,

CIGE: Waar Khaliif maxaa laynoogu sheegay makhaayada magaceedii awel.?

Khaliif: Boodhari, sow Boodhari ma-ahayn.

Haa!! Siciid Haa!! Boodhari, makhaayadda Boodhari jidka hormara gabadh
kab laalaadsanaysa(U malaynmaayo inay midkeliya ku soconaysee) haddaad
aragtaan inantaas xaal iyo badh hallasiiyo.

Ob, waar Siciid telefoonka macaraska ah ee aad leedahay waa casri waxa
dhaama Waraaqaha(ama E-mail) ee joojiya qoladiinna reer Kanada sababtoo
ah wuxuu kicinayaa odaygii iyo islaantii oo fiidkii gataati-dhacay,
dhalalam,dhalalalalam, weliba qoladaas reer Kanada waxay bahalka soo diraan
cawadaran aan cidiba soo jeedin,weligood maalin ama fiid hore soo dirimaayaan.
Mise jacaylkaa sidaas wax yidhi oo waxa idinku bannaan..........

"Nafyahay Cawadaranta Ciidamiisa...........
Cadceedda Hadmaad colowdeen..............."

Waar heedhe Siciid, haddii ay tusan u dhiciweydo oo hablihii reer Kanada
go'aansadaan in sharcigani dhaqan-galo April, khad yar baan idiin hayaa oo
tuugo ah, uush..uush, miyay hablihii cidi kaa agjoogtaa, aniga Bakistaan baa
i agfadhida oo aan ka gaagaabsanayaaye. Haddaan cidi kula joogin khadbaan
hayaa aad Yurub ku soo gelaysaan.

Waxa jira bahal gujis ah(submarine) oo kuwii Jarmalku dagaalkii labaad ku
diririjiray ah(kuwa cusub goynmaynee) oo la-xaraashayo, gujiskaa intaa
iibsataan ayaa Koonfurta Yurub dhinaca Spain iyo Italy xigta ayaa kasoo
gelaysaan, dabadeed haddaad xagga Yurub naga soo gashaan ciqaamadaha waan idiin
cusboonaysiinaynaa(waa tuugee la soco).


Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo ku leh.........................

ISMA-DHAAFO WELIGEEN..........
INNAGAAN ISDHAADAYN...........

UFO SOMALILAND

Abdoulkader Bile Abokor

unread,
Mar 22, 1996, 3:00:00 AM3/22/96
to
Mahad M. Abdi (Ma...@mindlink.bc.ca) wrote:

us022509

unread,
Mar 23, 1996, 3:00:00 AM3/23/96
to
In article <Mahad.9....@mindlink.bc.ca>, Ma...@mindlink.bc.ca (Mahad
M. Abdi) wrote:


Trust me, No One Gives a Shit.

O.Adan

unread,
Mar 26, 1996, 3:00:00 AM3/26/96
to
In article <4iudc2$k...@verkko.uwasa.fi>, c72...@reimari.uwasa.fi
says...alt.culture.somalia:1066
>
> Waar bahashan meel walba naggaaha soo baxday waa maxay ma shirqool
iyo waxbaatolow.
>
>:


0 new messages