Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

LIIDA DOQONEED (Maxamed Nuur Fadal)

5,882 views
Skip to first unread message

Mahad M. Abdi

unread,
Mar 1, 1998, 3:00:00 AM3/1/98
to

LIIDDA DOQONEED


Gabaygan waxaa tiriyey abwaan la oran jier MAXAMED NUUR FADAL waqti lagu
qiyaasay afartaneeyadii. Ujeeddada uu Fadal gabaygan u tiriyey waxay ahayd
markii uu niman ay qaaraabo ahaayeen oo looba malaynayo inay walaalihiis
ama ugu fogaan ilma adeerradiis ahaayeen ugu tegey meel ka mid ah waddamada
bariga Afrika oo deriska la ah soomaaliya. Maxammed Nuur waxaa la sheegay
inuu nimankaas iyaga ah abaal weyn u galay markii ay faqiirka ahaayeen wax
badanna uu taray.

Markan isaga oo aad u da' weyn oo tabar daran ayuu soo martiyey nimankii uu

sida fiican u soo dhaqaaleeyey markii ay baahnaayeen.Nasiib darro nimanki
iyaga ahaa waxay duqii taraan daayo waxayba u geysteen waxyeellooyin ay ka
mid ahaayeen ximin iyo afxumo. Abwaanku markaas ayuu gabaygan oo la
yiraahdo
"ABAAl XUMO" tiriyey:


Wuxuu yiri:

Lixdan aniga oo jiray tashiga laydha iga raacay.
Iminkaan lurtiisii hurdada lediba waayaaye
Markii uu sida luwuga qaawanaa oo laylka socanaayey
Ee aad luqufka qoodhaha dameer lulaya moodaysay
Haddii aan lingaxo oon qalbiga lahashada u diido
Oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene
Maliibaanihii Diiriyaa loox u daabacaye.
Kal laxiima baan leeyihiyo laabta xuunshada e
Waa waxa rag igu laacayaa laxan dhaqaaqaaye

Inkastay ladaadyada baruur laqanya daacayso
Leg ninkii siiya bay dishaa liidda doqoneede
Ragii aan lo'daydii casayd laanta ugu duugay
Nimankaan dukaammada lukiyan laba laba u siiyey
Wax la liqiyo xoolaba ragaan uga laxaad yeelay
Ee aan lacagta jeebka ugu guray lohon-lohii caydha
Hadday aniga leebkiyo warmaha ii lisanayaane
Ma laasimo nin liitiyo habow laaxinkood badane.

____________________________________________________________________________
_

Waxay gabaygan isku ujeeda dhow yihii gabay uu Salaan Carabay
tiiryey oo isna la yidhaahdo "ABAAL BA'AY" oo uu u tiriyey nin ay isku
qoys yihiin oo abaalkuu u galay ugu bedelay wax ka sheeg iyo dad ku
dir.gabaygaa waxa ka mid ahaa:

Qaylada xadduurkii ninkay xaraqday laabtaydu
xusul duubka orodkii ninkaan dhab ugu xuurtoobay
Ayaa habar habuushaay ninkii xiidka la i mooday
jillibkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimooday
guuraa xanbaarada ninkii xagarku ii jeexay
waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine
xaasha e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe

Waxaa ku deeqay: Siciid M M Suugaan (Toronto, Canada)

Mohamed O. Musa

unread,
Mar 2, 1998, 3:00:00 AM3/2/98
to

As-salamu calayku, Mahad iyo akhyaarta kale.

Gabayaaga Soomaaliyeed waxaad dareemaysaa iney curiyaan gabayadooda
dhinaca qancinta (persuation) markay u suurto geli waydo inay xaqooda
dhacsadaan amaba iney aargoostaan. Markan xagga loojigga intay u leexdaan
ayay isku dayaan iney dhegeystaha caadifaddiisa kasbadaan cidday is
hayyaanna hayle dambi ku gembiyaan.

Waxan filayaa in Maxamed N. Fadal nimanka uu gabayga ku xusay uu adeer u
ahaa oo intay Bariga Afrika ugu yimaaddeen uu xooleeyey. Waxa i soo
gaadhey in M. N. Fadal aanu wax carruur ah lahayn oo markii uu gaboobay uu
ogaaday in nimankii uu abaalka u soo galay halkii ay ka daryeeli lahaayeen
ay ka doodayaan siday xoolihiisa iyo dumaasha xaasaskiisa u qaybsan
lahaayeen. Isaga oo arrintan ka tiiraanyeysan ayuu gabayga curiyey.

Gabayga Salaanna waxa i soo gaadhey in ninkan uu gabayga ku xusay uu geeri
ka badbaadiyey.

Gabayo kale oo kuwan la nooc ahi waxa ka mid ah gabaygii Ismaaciil Mire ee
"Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado" iyo kuwo kale oo badan.


--
Mohamed,
Nabadgelyo.

Farah Mohamed

unread,
Mar 2, 1998, 3:00:00 AM3/2/98
to Mahad M. Abdi

Dear Mahad:

Waad ku mahadsan tahay gabayadan xasuusta mudan ee aad saaxiibadaada
Soomaaliyeed u soo bandhigtay. Waxaanse jecelahay inaan gabayga
Maxammed Nuur Fadal, taariikhdiisa waxyar kaaga toosiyo. Maxamed Alla
ha u naxariistee, xigga uu gabayga tiriyey "fakhri" ma ahayn si fiican
isagoo u dhaqanna wuu dhintay. Waxaase jirtay in raggaas aad sheegaysid
oo aan nasiib u yeeshay inaan qaar ka mid ah la kulmo uu godob weyn ka
tirsanayey.

Faarax

Farah Mohamed

unread,
Mar 2, 1998, 3:00:00 AM3/2/98
to Mohamed O. Musa

Maxamed:

Waad ku mahadsan tahay rayiga aad ka dhiibatay gabayaasha Somaaliyeed
guud ahaan iyo labada nin ee halkan lagu xusay. Haddii wax yar ka
idhaahdo Maxamed Nuur Fadal, Maxamed kuma dhiman "goblan" Caruurtiisii
iyo kuwii ay sii dhaleena haddii la isku daro ma yara. Anigu waxaan
abti u ahay caruurtiisu kuwo ay dhaleen qaar ka mid ah. Marka maadaama
aan reerka xog ogaal u ahay dhammaantoodna aqaano...waxaan door biday
inaan inta idinka dhiman idiin dhamays tiro.

Faarax

Mohamed O. Musa wrote:
>
> As-salamu calayku, Mahad iyo akhyaarta kale.
>
> Gabayaaga Soomaaliyeed waxaad dareemaysaa iney curiyaan gabayadooda
> dhinaca qancinta (persuation) markay u suurto geli waydo inay xaqooda
> dhacsadaan amaba iney aargoostaan. Markan xagga loojigga intay u leexdaan
> ayay isku dayaan iney dhegeystaha caadifaddiisa kasbadaan cidday is
> hayyaanna hayle dambi ku gembiyaan.
>
> Waxan filayaa in Maxamed N. Fadal nimanka uu gabayga ku xusay uu adeer u
> ahaa oo intay Bariga Afrika ugu yimaaddeen uu xooleeyey. Waxa i soo
> gaadhey in M. N. Fadal aanu wax carruur ah lahayn oo markii uu gaboobay uu
> ogaaday in nimankii uu abaalka u soo galay halkii ay ka daryeeli lahaayeen
> ay ka doodayaan siday xoolihiisa iyo dumaasha xaasaskiisa u qaybsan
> lahaayeen. Isaga oo arrintan ka tiiraanyeysan ayuu gabayga curiyey.
>
> Gabayga Salaanna waxa i soo gaadhey in ninkan uu gabayga ku xusay uu geeri
> ka badbaadiyey.
>
> Gabayo kale oo kuwan la nooc ahi waxa ka mid ah gabaygii Ismaaciil Mire ee
> "Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado" iyo kuwo kale oo badan.
>
> "Mahad M. Abdi" (ma...@globalserve.net) writes:

> --
> Mohamed,
> Nabadgelyo.

seera...@gmail.com

unread,
Feb 3, 2020, 1:26:41 PM2/3/20
to
Waa reer Somaliland
0 new messages