Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

GABAY ( Faarax Nuur )

4,271 views
Skip to first unread message

MUSTAFE JAMA

unread,
Sep 11, 1996, 3:00:00 AM9/11/96
to

**********MURTIDII RAGII HORE RAG ALLOOW MAXAA KA HAYSAAN ?*************

Faarax nuur isaga maxaa ka haysaan ?
Faarax Nuur wuxu ahaa gabayaa caan ah oo isku darsaday feejignaan, fiiro
badanaan ogaal iyo garasho dheer. Gumeysiga aad buu u necbaa.
nebadgelyada aad buu u jeclaa; uguna xusul duubi jirey xageeda.
Faarax Nuur wuxu dhashay 1862-kii, wuxuuna geeriyoodey 1932-kii.

Gabayga soo socda waxa uu curiyey markii dalka Soomaaliyeed ay soo galeen
dad gumaystayaal ah oo diir cad (Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga )
kuwaas oo aanu hore u arki jirin.
Gaar ahaan wuxu Faarax aad uga dhiidhiyey kala qoqobkii dadka iyo dalka
Soomaaliyeed ay gumeystayaashii reer Yurub u kala qayb qaybiyeen.
Markaa isagoo arrimahaas taladiisa ka dhiibanaya, cidhib xumadoodana
dadka Soomaaliyeed uga digaya "waa ta maanta inna haysatee" ayuu yidhi:


Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiro Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaag riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodna sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa
oydaan Ilaahay ka go'in hayna oodin.

Faarax Nuur.


Waxan ka soo tebiyey buuga la yidhaahdo :::
"Sheeko iyo Shaahid "

Nabad-gelyo
......
M.Jama

Mohamed Hebaan

unread,
Sep 11, 1996, 3:00:00 AM9/11/96
to

MUSTAFE JAMA <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote:

Dear Mustafe,

This is a beautiful Poem. BTW, isn't Farax Nuur the poet
who said:

Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
Ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono?

In school, we learned that he said the above poem against
the colonialists; however, later on, I was told he said
it against a rival Somali clan. What do you know of that?

Do you have the the rest of that poem?

Regards
Mohamed

> .......
> M.Jama
>
>
>
>


Mohamed Hebaan

unread,
Sep 11, 1996, 3:00:00 AM9/11/96
to

Mohamed Hebaan <mhe...@Direct.CA> wrote:
>
Dear Mustafe,

A friend of mine who was, I think, from Faarax Nuur's hometown
told me that the occassion in which Farax said the
Doqon baa.... poem was at a time when a neighboring,
and numerically superior clan wanted to trap Farax Nur's
clan or to give them a bad deal. Nevertheless, he quickly recognized
the hidden intentions of the neghboring clan. Then he allerted
his clan, and made them avoided a certain disaster.
Then said the Doqon baa.....poem.

To your knowledge, which version is true, the school, or my friend's?

Regards
Mohamed

Yussuf S. Ali

unread,
Sep 12, 1996, 3:00:00 AM9/12/96
to

In article <517ejg$2...@orb.direct.ca>,
Mohamed Hebaan <mhe...@Direct.CA> wrote:

>Mohamed Hebaan <mhe...@Direct.CA> wrote:
>
>To your knowledge, which version is true, the school, or my friend's?
>
>Regards
>Mohamed

Dear Mohamed,

Pardon me to jump in here. I trust that Mustafe will give us a more
detailed story about the Nur's poem. According what I had heard from
elders, your friends version' is the correct.

Sincerely,

Yussuf


BTW, Mustafe gabayada iyo sheekooyinka tiiqtiiqooyinkooda naga daa!!!


Mohamed Hebaan

unread,
Sep 13, 1996, 3:00:00 AM9/13/96
to

y...@allwise.mh.att.com (Yussuf S. Ali) wrote:

Dear Yussuf,

Thanks for the clarification. You were around, eh?
It is good to hear from you.

Regards
Mohamed

MUSTAFE JAMA

unread,
Sep 17, 1996, 3:00:00 AM9/17/96
to

Maxamed iyo Yuusuf: Marka hore salaan wacan iga gudooma. Marka xigga
jawaabtan waan la seexdaye raali ahaad.

Ka hor inta aanan gabaygu siduu ku soo baxay dhex gelin waxan jeclay in
aynu wax ka yara taa-taabano gabayadda iyo gabyaaga Soomaaliyeed.
Gabayaaga Soomaalidu guud ahaan mid-mid ka laalaada male casriguu doono
ha joogo. Illaa maalinkaa maanta ahna weli lama hayo Nin la yidhaahdo
Soomaali isagaa ugu gabayaasan ama gabaygiisa ayaa ugu murti badnaa.
Laakiin waxa suurto gal noqon karta in la helo Soomaali nimankii ugu
gabayo "badnaa". Masalada hore waxay suurtogal u noqon weydey bay
culimadda Taariikhda iyo Suugaanta Soomaaliyeed yidhaahdaan Af-soomaaliga
ayaa ah af dhankasta ka dheeli tiran sidaad darteed gabayaagu marka uu
gabayga alifaayo af-soomaaliga wuxu ka dhex heli karaa erayo afsoomaaliya
oo weli dihin kuwaas oo aan hortii la isticmaalin gabaygiisana bilic u
yeela, markuu gabayaagu wuxu ka dhiganyahay sidii nin badweyn ka
kaluumaysanaya oo kale. Sidaa li'ajligeed af-soomaaligu waa af-Hodana.

Inkastoo dadka qaarkii (dhalinyaradda nafta cadi gashay) yidhaahdaan
af-soomaaliga naxwii wuu ka dhamaaday markaa barashadiisu aniga iyo
ilmahayga toona nooma fiicna !! Ruuxa caynkaas u fakiraya maxaydun odhan
lahaydeen ?


Si kastabe ha ahaatee, Faarax Nuur gabayadiisu waxay ku jiraan kuwa had
iyo jeer ay Soomaalidu tusaale u soo qaadato. Kan Maxamed Heebaan i soo
weydiiyeyna wuxu ku jiraa kuwa ugu qaalisan gabayadiisa. Bal markaa
anigoo dhawrsanaya aynu gabaygu sidii uu ku soo baxay tusha ka hafno.
Sheekadda iyo gabayga wixii aan meesha leekayn inga reeban waan ka tegay.
Sidaa darteed meelaa banaan buux sadda............

Gabaygu siduu ku soo baxay waa sidan:
Qayaash maash ayaa laba biciid oo walaalo aha maalin meel daris ah dagaal
ku dhex maray. Had iyo jeer meel lagu qayilay garaabaa taal-taala sidoo
kale meel rag ku hirdamayna rag baa yaal-yaala, shaki taasi kuma jiro.
Maqalna waxan ku haystaa in labadii biciid mid dagaal kii laga badsaday.
Qoodhi laba nin kama wadda qoslisee, labadii biciid kii dagaalka laga
badsaday ayaa samri waayey, wuxu markaa talo isugu geeyey in uu walaalkii
u dago sidii Reer Cali uu u dagay Reer Haaruun (waa Niman Ogaadeena)

Muddo dabadeed ayuu labadii biciid mid kii kale ku yidhi, waar hebeloow
hadii aynu heshiino oo aynu darista si nabada u wadda daaqno heedhe
maxaad ka qabtaa ? (akhristoow mayla socotaa ?

Sidaan maqlay Faarax Nuur ayaa sheekadii fahmay iyo wax looga danleeyahay
nabada loogu baaqay. Markuu ogaaday in aan meesha nabadi ka soo naaso
cadayna waxa meesha ka socdaana uu yahay shirqool, markaa wuxu isugu
yeedhay reer-tolkii, dabadeed sheekadii ayuu u sheegay. markuu sheekadii
u sheegay, reer-tolkii laba ayuu u qaybsameen. Qayb taladiisii diiday iyo
qayb yeeshay.

Dabadeed Faarax Nuur Gabaygan ayuu tiriyey. Isagoo reer-tolkii wixii
taladiisa diiday tusaalaynaya unna sheegaya in aan nabad loogu maqnayn
wuxu yidhi:
Qajajaha ha tago geelayagu qaranka beeraa "qaranku:waa meel magaceed:
Qaalida albaasaan ka dhigi qaadhka naylaha
Awal baan qaadhaanka guud qayb wadaag noqon
Waxba yuu hilaacu i qatalin quus ka baxayaa
.........................................
.........................................
Qayradan halkee lagu wadaa qadaw ka meeraysa
Qaalmaha rasaastii maxaa loogu wadda quudhay
Qaandhaa wadoodii maxaa qalabka loo siiyey
Qoontiiba lama baananine hawl yaraa nabadu
..........................................
..........................................
..........................................
Qosol beena fool wadda qayaxan qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo


Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane

Waar maanaa midiyo lay qarshaa laygu qali doono.

Faarax wixii taladiisa diiday leefaa leeftay.
Markale isagoo ka xun ragii taladiisa diiday wixii ku dhacay:
Waa kii lahaa:
Adduun waa wegliyo Haashimoow war iyo sheeg-sheeg
Arabna sidoon ka wadda weynahay ayaan wax ugu sheegaa
Kolhadaan waxaa yeela iyo waano kala quustay
Sow inaan dantay waariyaa igu wanaag maaha.......meeshaas buu mariyey
gabay calaacal ah.
Daba waraabe idiin Ruqday Yuusuf iyo Maxamedoow is maan lahayn qabyaalad
ka sheekee ee waydinkaa maanta cagaa ii geliyey waxaan ka rooraba.


Yuusuf Wrote:

>Btw, Mustafe Gabayada iyo sheekooyinka tiiqtiiqooyinkooda naga daa !

Yuusufoow, waxa layidhi, 'nin hadal si u yidhi ninba si u qaaday'. Hadii
ay sidaasi jirtoba weli alle waan joojinayaa hadiise aanay jirin
saaxiibkayoow denbi aanan lahayn maqaadi karo.

Nabad-gelyo
......
M.Jama


Mohamed Hebaan <mhe...@Direct.CA> wrote:
>To your knowledge, which version is true, the school, or my friend's?
>Regards
>Mohamed

Yussuf S. Ali

unread,
Sep 17, 1996, 3:00:00 AM9/17/96
to

In article <51ljkm$a...@harbinger.cc.monash.edu.au>,

MUSTAFE JAMA <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote:
>Maxamed iyo Yuusuf: Marka hore salaan wacan iga gudooma. Marka xigga
>jawaabtan waan la seexdaye raali ahaad.
>


Mustafe Jama,

Aad baad ugu mahadsantahay gabayadaa aad isa soo weydaarisay. Sida
runtu tahayna sida aan ka yeeli lahaa baad u tilmaantay. Waan la
socday cidda gabayga (qolada) loo tiriyey ee maan jeclaysan inaan
magacaabo. Adna sidoo kele ayaad ka yeeshay. Waana runtaa oo
gabayga ninba waa siduu u qaataa. Gabayo iyo sheeko aad halkan ku soo
qortay ayaa meel iga mudey. Inaad si kele ula jeedeyna waa laga
yaabaa. Sidaas baan nuux-nuuxsiga meesha u keenay.

Mar labaad Mahdasanid.

Yuusuf


Mohamed Hebaan

unread,
Sep 20, 1996, 3:00:00 AM9/20/96
to

Dear Mustafe,

Aad ayaad ugu mahad san tahay sida faah-faahsan ee aad
gabayga iyo sababtii loo tiriyay noogu soo gudbisay.
Dabinkii qabyaaladda waad ka booday! :)

Horta Mustafow, barnaamijkii ila tali xagee buu ka
dhacay? Australia ma waxay leedahay duufaanadan
Maraykanka naftii u keenay, oo barnaamijkii daadkuu
raacay?? Haddii ay si kama dambays ah ugu dhamaatay,
waxba haysku lurin inaad su'aashan ka jawaabto.

Mahadsanid
Maxamed

> ..........................................


> Qayradan halkee lagu wadaa qadaw ka meeraysa
> Qaalmaha rasaastii maxaa loogu wadda quudhay
> Qaandhaa wadoodii maxaa qalabka loo siiyey
> Qoontiiba lama baananine hawl yaraa nabadu
> ...........................................
> ...........................................

> ...........................................


> Qosol beena fool wadda qayaxan qiil aan garanaayo
> Booraan afkii laga qafilay qabarna hooseeyo
> Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
> Waar maanaa midiyo lay qarshaa laygu qali doono.
>
>
>
> Faarax wixii taladiisa diiday leefaa leeftay.
> Markale isagoo ka xun ragii taladiisa diiday wixii ku dhacay:
> Waa kii lahaa:
> Adduun waa wegliyo Haashimoow war iyo sheeg-sheeg
> Arabna sidoon ka wadda weynahay ayaan wax ugu sheegaa
> Kolhadaan waxaa yeela iyo waano kala quustay
> Sow inaan dantay waariyaa igu wanaag maaha.......meeshaas buu mariyey
> gabay calaacal ah.
> Daba waraabe idiin Ruqday Yuusuf iyo Maxamedoow is maan lahayn qabyaalad
> ka sheekee ee waydinkaa maanta cagaa ii geliyey waxaan ka rooraba.
>
>
>
>
> Yuusuf Wrote:
>
> >Btw, Mustafe Gabayada iyo sheekooyinka tiiqtiiqooyinkooda naga daa !
>
> Yuusufoow, waxa layidhi, 'nin hadal si u yidhi ninba si u qaaday'. Hadii
> ay sidaasi jirtoba weli alle waan joojinayaa hadiise aanay jirin
> saaxiibkayoow denbi aanan lahayn maqaadi karo.
>
>
>
> Nabad-gelyo

> .......

abdala...@gmail.com

unread,
Jul 24, 2019, 2:20:01 AM7/24/19
to

ayan....@gmail.com

unread,
Feb 18, 2020, 5:10:34 PM2/18/20
to
Dagaaladii Ehligaa ahaa ee ka dhaxayn jiray Ciidagale iyo Arab ayaa waxay horseedeen inay waxgarad labadaa qabiil ka kala socda isku dhabar-jabiyaan siday maslaxo iyo nabadayn uga shaqayn lahaayeen. Dadaaladaa mid ka mid ah ayaa waxaa lagu kala sixiixday heshiis. Faarax Nuur oo gabayaa caan ah ahaa af-hayeenna u ahaa Arab ayaa heshiiskaa saluugay oo u qaatay in Arab meesha lagu khaldayo ee aan wanaag laga shaqaynaynin. Wuxuu haddaba tiriyey gabaygan. Wuxuu yidhi:

Nimuu qaamudkiisii galayoo, qalinka loo duugay

Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada weydaarsho

Waa qaafil jeer ay indhuhu, qac u yidhaahdaane



Qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye

Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne

Haddaan nabadda loo wada qastiyin, wayska qiil jabane

Waataa ragii qoomanaa, qaar xabaal yahaye

Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku?

Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamixiye

Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow 'e



Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya

Qayrada xagee lagu wadaa, qadow ka meeraysa

Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay

Qaalmaha rasaatii maxaa, loogu wada quudhay



Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad

Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo



Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo

Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

Ma anaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono



Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse

Awalkaannu qaadhaanka guud, qeyb wadaag noqone

Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha'e



Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede

Qooriga Afmeer iyo Siigodan, qodax ladii Tuurta

Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay



Qool Caday iyo Laan Dheer halkay, qun uga soofaysay

Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye

Qolqolkaan isaga muuqaniyo, qayd la wada ooto



Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede

Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye

Qatadeenii kala laasanay iyo, qulufkii shaydaane

Waaryaadha kala quusanaye, qoomamo la'aad
0 new messages