Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

AROOSYADA SOOMAALIDA ??????????????

405 views
Skip to first unread message

Ali@vax.sbu.ac.uk Dahab & Suhair

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to
Waan idin salaanay dhamaan.

Waxaan idin su'aaley?
Maxaa heley dhaqankayagii wacnaa ee aan ku faani jirney?
Waxanu tagney aroos lagu qabanhaya magaalada London, Aroosada waxay xirneyd
"White Dress" ama toob cad ,Arooskana wuxuu xirnaa "Suit" . Dhalinyaradu
kaba daran, gabdhihii waxaa la xirnaa "Mini Skirts" toobabka haafka ah,
Wiilashiina sarawiil tuuba ah oo dabada wada maraya.

Marka Soomaliyey mee dhaqankii mee xishoodkii laynagu yiqiin, mise wxaad ku
jawaabeysaan waa 90's oo hadal ba majiro.

Waa su'aal da' weynoo maxaa daalineysey bal yaa ka jawaabi????????????

Thanks Suhair & Dahaba


AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to
FROM: UFO SOMALILAND

Tixraac: Dhaqankii maxaa helay
iyo dhawr su'aalood.
(SUHEER iyo DAHABO)

Sumad : Aroosyada Dharkoodiyo
Maryo dhiibsan oo ba'an
.....Midhihii "Suheer"

Hablow laydinka qaad salaantii diiranayd, dhiggeedna waa
laydin soo tallaabiyay. Horta qodobka aad taabateen Suheer
iyo Dahabo waa mid aad u muhiim ah loona baahanyahay in
wax-lays-ka weydiiyo, lagana doodo.

Waa runtiin oo aroosyada Soomaalida oo dhan meelakasta
oo lagu qabto waxa caado u noqotay in xidhashada lebisku
noqotay mid ammaano ah oo dhaqanno kale inagaga timi,
ha ahaado toobka inanta lagu gembiyayo ama suudhka
wiilka lagu soo jufayee.

Waxa kasii daran oo soo kordhay jaridda keega, ubaxa
gadaal laga tuuro, ciyaarta qabow ee xafladda lagu
furo(slow dance I think), hadyado laysugu keeno gaafka
iwm, dhaqan-geddoonkuna wuu sii kordhayaa maalinba
maalinta ka dambaysa.

Waxan filayaa inay adagtahay in hablahayow laga jawaabo
su'aashiinna odhanaysa maxaa helay dhaqankeennii. Haseyeeshee
haddii laysla-tuurtuuro waxaan u-malaynayaa in meeluun foodda
loo saarayo waxa isbedelka keenay.

Anigu ma-ihi nin dhaqanka cusub iyo kii hore-toona ku fiican
waa laygaga fariidsanyahay( qolyaha Saynab leh, Suugaan leh,
Haybe leh, Gacmadheere leh iyo qaar kaloo badan ayaa aniga igaga
macalinsan dhankaas) oo mabadiyo.

Laakiin waxaan si cad u hubaa in burburka ku dhacay dalkeennii
hooyo iyo qaxootinimada aynu ciirsanay ay qayb ka qaateen
dhaqan-guurkeenna. Maahmaah baa odhanaysa "Kitaab gurigiisii
loo diiday, sayax allaa baday", wiilkii heesayna wuxuu yidhi
"Alla danaha dhaqankeenna, dambarsame calankeenna, dugsi lagu
bartaa"!!!! waa dalkaaga, ciidaada, dhulka.

Murtidan oo dhammi waxay muujinaysaa inaynaan kasoo barakicin dalkii oo
keliya ee aynu dhaqankii, xishoodkii, kala-dambayntii iyo weliba
Soomaalinnimadiiba ka soo fogaanay. Waxa taas u daliil ah sida aynu
u jecelahay inaynu ku dhegno dhaqamada shisheeye, ciyaaruhu ka mid
yihiin. Haddaan tusaale soo qaato waxa dhacday beri in wiil aannu
asxaab ahayn igu yidhi inawadi golahan ciyaaraha laga wado tagnee(anigana
meelahaas oo kale duraybaabaan ka qaadaa, waxaan aad u jeclahay dhaantada
laakiin nasiibdarro iyadana ma-aqaan), waxaan ugu jawaabay tegimaayo.

Wuxu yidhi waayo ? waxaan idhi saaxiib waanan tegayne raali-ahow. Wuxuu iigu
jawaabay badow baa tahay aan ilbaxnimada la-socon. Waxaan idhi oo waayo maxaan
badow ku noqday ma kilaab tegimaayo. Wuxu yidhi casribaanad ahayn oo waxaanad
la-socon jawiga. Waxaan ugu jawaabay gacaliye dhaaniskan aad la ordayso,
dhaantadaan ka jeclahaye, waxa ciilba igu dilay waanan aqoon. Wuxu iigu
maahmaahay riwaayaddii "Masiibadu Adduunyadu, Iyadaa u macalina" majaajilo ku
jirtay oo ahayd "Ninkii dhaqan-doonayoow dhirtiyo miyigii ku noqo.

Ninkii waannu isla-xeebmaray, waxaan ku yidhi casrigaanad aqoon, sababtoo ah
ciyaarahan aad igu khasbayso qaar badan baa dhaantada, sayliciga iyo
jaandheertu ka da'yaryihiin oo haddii casri la-doono ay ka casrisanaanayaan,
ee waxaad iska doonaysaa wax quruunkale kaa soo galay. Waxaad mooddaa inaynu
ilbaxnimada u naqaan wixii ammaano inagu ah ee meel kale laga soo qaato.
Waxaynaan marnaba ka fekerin in sababta miyuusigga madowgu uga habdhac
wanaagsanyahay ka caddaanka ay tahay ciriq Afrika oo ku lifaaqan miyuusigga
madowga. Waxa u malaynayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhaqankooda ka
horaysiiya dhaqamada reer galbeedka inta taqaan kelmadda Regae
inay tahay eray Afrikaan ah(Regae means to dance) inay yaryihiin.

Waxaan filayaa in dirayska arooska muddoba inay haystay oo Soomaaliyaba inagu
qabay laakiin wacdaro badan oo kale ayaa soo kordhaya intaas. Miyaa maqasheen
gole xeedho lagu furayo oo hablihiina si fiican u soo lebisteen inamadiina
daanka qaad uga wada buuxo oo kii lasoo kiciyo ee la-yidhaahdo xeedhada furba
uu cantabo qaad(jaad) ah hablihii dhalada kaga keenayo.

Odaybaa waagii aynu xornimada qaadanay(1960kii waa intaasoo dadka qaarkii
ilaawaane) la-weydiiyay su'aal oo layidhi " Hebelow ka-warran Soomaalibaa
Xornimo qaadataye", wuxu ku jawaabay Soomaaliyi fasax bay isu doonaysoo isu
heshay. Waxaan uga jeedaa maanta ruuxkasta oo Soomaaliyeedba wuxu leeyahay
maxaa aniga iga-galay dhaqan, Soomaalinnimo, hidde iwm. Waxaan leeyahay
"Hal-waliba halkay ku dhashaa waa nasiibkeed".

Aroos iyo gelbis waxaan anigu ugu jeclahay kii fardaha lagu soo gelbin-jiray,
ee aqalka weyn ee laba-deryaalaha ah loo dalaalimayn jiray, ee saddex-qayda,
boqorkiyo dhaclaha, labada go iwm. Ee jaandheerta, sayliciga, walasaqada,
dhaantada iwm loo tumi-jiray. Garanmaayo sababtaan u dalbaday noocaas.

Hubaal badawbaan ahay, ilbaxnimadaan ka dambeeyaa, dhaqan iyo hidde dadkii
lahaaba nacaybaan baadhbaadhayaa, muraadse kama lihi oo waxa igu guntay iguna
qafilan;

Dhaqanka Eega Hiddaha dhawra
Waa-kaan u dhalannee Awowgeen ka dhaxallee......

Anigana waxay igaga dhantahay........................

Dahabiyo Suheerey Dal-shishaynu joognaa
Dacdarayna haysoo Dibjirnimiyo quusbaa
Derbi inagu xoortoo Dawlado jidhkeenniyo
Diirkeenna neceb-baan Dewersiga ku tuugnaa
Hadba kii daruuriga Dirham inagu taagaan
Dacalkiisa qabannaa Duul waxaynu nahay hoog
Iyo doobirxumo iyo Diif lagu manaystoo
Diintaynu gadannaa Dhaqankaynu duugnaa
Dulmigiyo nacabkiyo Kala durugsanaantana
Doorbaynu moodnaa Arrinteennu Dahaboy
Goosin u dugaag helay Iyo dibu-dhacweeyaan.

Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo idinku dhaafaya "Isma dhaafno weligeen.....
...............................................Innagaan isdhaadayn.
UFO SOMALILAND.


Nadarajah Vasanthauban

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to DAHABO, &SUHAIR
FROM SALAD &SAID

Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin fikradiina aad soo qorteen;.

laakiin aad iyo aad ayaan uga xunahay sababta oo ah meeshu waa (EUROPA)

markaa halayaabina;hadii aanad kugalayn iskaga guur london oo somaliya

iskaga noqo meesha wax lala yaabaa mayaalo ayay qabaan said iyo salaad oo

kaala soo xiriiray (NORWAY) anagu qurbihii waanu laqabsanaye maxaa idinla

haray waxaanu maqalay faaraxyo ayaa magaaladiina kuraftaye makuwaas ayaa

idinla haray mise wadaado ayaad tihiin (

(IKKE TA ALVORLIG)=(DONT TAKE IT CERIOUS)


Nadarajah Vasanthauban

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to DAHABO, &SUHAIR

Nadarajah Vasanthauban

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to DAHABO, &SUHAIR

Nadarajah Vasanthauban

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to

Ali@vax.sbu.ac.uk Dahab & Suhair

unread,
Mar 14, 1996, 3:00:00 AM3/14/96
to

Jamal Hussein

unread,
Mar 15, 1996, 3:00:00 AM3/15/96
to Dahaba, A...@vax.sbu.ac.uk
Dahabo iyo Suhayr,

Walaahi su'aal aad u fiican ayaad keenteen. Laakiin aniga
qudhaydu waan yaabanaa beryahan. Laakiin aad baad u
mahadsantihiin su'aashan qiimaha leh. Bal dadka kale ayaa
inooga jawaabi doona.

Jamal


Jamal Hussein

unread,
Mar 15, 1996, 3:00:00 AM3/15/96
to

Faarax Aw-Maxamud

unread,
Mar 15, 1996, 3:00:00 AM3/15/96
to Dahaba, A...@vax.sbu.ac.uk

Asaalumu Calykum Suhair & Dahaba:

I think all these has to with cultural assimilation, and besides most of
these people had never exposed to these kinds of"clothes." I hope they
will stop Western imitation..when they grow up.!!!

Khayr inshaa Allaah.

Faarax


Ahmed Mohamed qaar

unread,
Mar 17, 1996, 3:00:00 AM3/17/96
to
Dear gabdhow,

Gabdhow waad salamantihiin.salaan kadib mala ini qabaa?maya ama haa.
haday jawaabtu haah tahay waxaan ini su aalay:
Dhaqan keenu ma ogolaa ninku inuu xaaskisa naaskeeda nuugo?
madanbi baa?Maxaranbaa?Misse ma aynun aqoon?

Bal rayigiina wax igala qayb sada.

from
qaar.


Wacays Bashe

unread,
Mar 18, 1996, 3:00:00 AM3/18/96
to
Dahab & Suhair wrote:
[..]

> Waa su'aal da' weynoo maxaa daalineysey bal yaa ka jawaabi????????????

Waad ku mahad-san tihiin Dahaba iyo Suhair arimaha ku saabsan hab dhaqanka
iyo hab-maamuuskii ee ay wax noogu socon jireen oo la bedelay. Waxaad soo
jeediseen (a million dollar question).

Iyadoo su'aashaa jawaabteeda aan doonayo in aan idinla raadiyo, ayaan waxaan
raacinayaa in aan su'aashaa mataanaheeda ku lifaaqo:

Arroosyadan kale ee kala qob-qobka ahna, ee raggu inta bariis la siiyo la
dareeriyo isla duhurkaba; Dumarkuna ay "Party" ku dhafraan ilaa arroor ku
dhawaadka, Halkee bay dhalinyartu ka keeneen???

Al-carab ku dayasho miyaanay ahayn? bal ha la soo faaqido.

FG: Dhaqankeenu wuxuu qabaa GAAF ama is dhexbood rag iyo Dumarba iwm.

> Thanks Suhair & Dahaba

Waad mahad-san tihiin.

--
Salaamaad
Wacays Baashe

Rgadarif

unread,
Mar 18, 1996, 3:00:00 AM3/18/96
to
Dear Suhair & Dahaba
Waxan ahay nin reer Somaliland ah,
kana mid noqonaya dhowaan [nimanka "suit" ka xidha aroosadooduna toobka
cad xidhato] dadka aadku qeexday inay ka tegeen xishoodkii iyo dhaqanka
Somaalida, inta aanan ka jawaabin suaasha aad dadka waydiisay waxan ku
waydiiyey inaad ii sharaxdo sida aad u haysato in uu yahay arooska dhaqan
Somaaliga ahi?
Ma mid keliya ayaa jira? mise waa noocyo badan?
Adigu ma u labisataa sikastaba ha ahaatee sidii hablihii hore u labisan
jireen? Hadaanad u labisan ma waxa aad ka mid tahay qolyaha dhaqanka iyo
xishoodka lumiyey ee aad tilmaamayso?

Waxan filayaa in aad dadka eedaysay adiga oo aan ka fekerin waxa aad u
jeedo, dhamaanteenba waynu og nahay in wax waliba xad leeyihiin, taana
waxa ku jirta inta dhaqanka somaalida qolwaliba rabo inuu ka haysto.
Waxan jeclaan lahaa in Suhair & Dahaba inta ay dhaqanka ka haystaan ee ay
dadka ugu faanayaan aan ogaado, waayo taasu waxa ay i tusi lahayd, halka
ay ka bilaabayaan marka ay leeyihiin dhaqan iyo xishood ayaa laga tegay.

Rashid

Khaliif Waylac

unread,
Mar 19, 1996, 3:00:00 AM3/19/96
to

Waryaadha;

War ma ladantihiin Said iyo Salaad.

Indhihiina ma dhanyihiin mise badh baad bixiseen, dhagihiini ma isku yaallaan.
haddaad idishihiin bal sida aad meesha ula qabsateen noo soo sheega annagu
wali dal-tabyaan la indha xunnahaye.

Rako kore wuxaan fuullo oon rag u qab waynaynba
Soomaali reerkii ahaa riiqe waayuhuye
Sidi mayd rafaad soo maroo nolol ka raaxaystay
raarkii la saaryaye intaan iilka lagu riixin
inay ruuxdi wali baaqi tahay ramaqna uu joogo
bal rogroga cabbaaroo ku daya inaad rushaysaanna

Waryaa war waxaan la yaabannahay qoladaan u nimid ma ahee waa qoladii
nala timid.

Khaliif Waylac.
--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------

Khaliif Waylac

unread,
Mar 19, 1996, 3:00:00 AM3/19/96
to
In article <4i9umj$q...@nms.telepost.no>, Nadarajah Vasanthauban <vas...@telepost.no> writes:
>FROM SALAD &SAID
>
>Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin fikradiina aad soo qorteen;.
>
>laakiin aad iyo aad ayaan uga xunahay sababta oo ah meeshu waa (EUROPA)
>
>markaa halayaabina;hadii aanad kugalayn iskaga guur london oo somaliya
>
>iskaga noqo meesha wax lala yaabaa mayaalo ayay qabaan said iyo salaad oo
>
>kaala soo xiriiray (NORWAY) anagu qurbihii waanu laqabsanaye maxaa idinla
>
>haray waxaanu maqalay faaraxyo ayaa magaaladiina kuraftaye makuwaas ayaa
>
>idinla haray mise wadaado ayaad tihiin (
>
> (IKKE TA ALVORLIG)=(DONT TAKE IT CERIOUS)
>
>
Soo noqnoqotaye ma naq baw da'ay?!!

Inta aan malaas dhiiqo iyo qoosh laguu marinin
een maduxu kaa qoyin ragyahow maaaaaaada naga jooji

wooooooooooooob Hay kohsannin walaal iga dhab ma e waan kaftamayaaye.


Khaliif Waylac.
Kaftan waa dhab la qaboojiyay. (haybow tanna ku darso)

O.Adan

unread,
Mar 19, 1996, 3:00:00 AM3/19/96
to
In article <4i924c$l...@unix.sbu.ac.uk>, Daha...@vax.sbu.ac.uk says...

>
>Waan idin salaanay dhamaan.
>
>Waxaan idin su'aaley?
>Maxaa heley dhaqankayagii wacnaa ee aan ku faani jirney?
>Waxanu tagney aroos lagu qabanhaya magaalada London, Aroosada waxay
xirneyd
>"White Dress" ama toob cad ,Arooskana wuxuu xirnaa "Suit" .
Dhalinyaradu
>kaba daran, gabdhihii waxaa la xirnaa "Mini Skirts" toobabka haafka
ah,
>Wiilashiina sarawiil tuuba ah oo dabada wada maraya.
>
>Marka Soomaliyey mee dhaqankii mee xishoodkii laynagu yiqiin, mise
wxaad ku
>jawaabeysaan waa 90's oo hadal ba majiro.
>
>Waa su'aal da' weynoo maxaa daalineysey bal yaa ka jawaabi????????????
>
>Thanks Suhair & Dahaba
>


""Kulli fidma cinda girls!!!!!!!!!!!!""

Ninba meel ka fadkudi lakiin aniga waxay illa tahay, illay qofba kaskii
haddalye inay waxaasoo buxurbaxaara ay kelifeen hableheena cudooni.
Taasoo sida ay u badan yihiin hablaha casriganu ay ku riyoodaan hadaan
Hotel hebel layga tumin ama aan sidii hebla lay soo gelbin taladayba
talo maaha.

Inankana loogu hanjabo hadaanu kor iyo kal faraawil sudayn oo aanu RR
ku soo gelbinayn welee shaf uu saaraa ka dheer.]
Markaa Hoteelkii ay inantu dalbatay ee uu kalgacalkeediina ka yeelay si
uu u raali geliyo muxubadiisa waa in loo soo xidhaa qalabkii uu ku caan
ka ahaa Hoteelku { Suit & mini-skirts} Hadii kale dee dadka qaarkood
albaabkaaba laga celinayaa.


Markaa waa hablaha heena ( kolay ceeba malehee waxkastoy sameeyaaanbe)
kuwa dhaqankeenii qiimaha lahaa ceel deer ki riday.
Waxaaba iskaba caadi ah in lala yaabo ama ay wax laga khasoobo tahay
dhaqankeenii soo yaalka ahaa ( Waxaan tegay dhawaan arroos aan aad ula
riyaaqay kaasoo uu wiilku xidhnaa laba go oo cad-cad, cumaamad,
bakoorad iyo kabo cag-bi-caga. Inantuna waxy xidhnayd boqorkiyo
dhaclihii tusbax iyo jin-jimo)"Waxa aan aad ugu farxay in alaabtaa
qiimaha wayn leh ay dhaka qaar haysaan oo ay suuragaltahayba in si
caadiyaba loo sticmaalo" wuxuu dadka qaar u ahaa marla arrag ay indhuhu
u basaaseen muddo badan, qaarkalese waxa uu u ahaa yoomal qiyaame iyo
habeen aad u dheer oon dhamaanayn.Baddiba habluhu waxay ku
xanshashaqayeen " alla maxay iskaga ceebaynaysaa waxan ciddina garan
maysee" iyo "" alla hebeenkii ay adduunka ku lahayd way iskagga
ciyaartay"".

Iyaddooy sidaa tahay oo inamadii la dhaxamoonayaa dhibaatada ay
geyaankood badeen ayaa weliba hablihii sii shuqashuqaynayaan oo
leeyihiin aaway dhaqankii!!!!

Dhaqankii iyo asluubtii idinku iswaydiiya! Hanna ku dhaqdhaqqajinina
kuwa iyagu intay hawlahaa galeen inta ay kolkii dambe is fahmiwaayeen
iminka ciil iyo cadho debiyadda la jiifa.

Mahadsanidiin!!!!

O J Adan.


Khaliif Waylac

unread,
Mar 19, 1996, 3:00:00 AM3/19/96
to
War Aadan war waa ku see?
Gabdhaha waa maxay waxaad goorada ka saartay?
Ma ogtahay haweenku balo ma billaabaane taanu billownay beekahaamiyaane.

Khaliif Waylac.

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 19, 1996, 3:00:00 AM3/19/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC : Ilbaxnimo....The western version.

Sumad : Nagu soo biira.
By Salaad iyo Siciid.

Haadba haad kici, ma-qoladii reer Yurub oo guuraysa ayaa
iska soo gashay oo ilbaxnimadii inoola timi. Waar horta
Salaad iyo Siciidow waa runtiinnee reer England/U.K ilbax
maaha, saa waaba nimanka weli gabay iyo buraanbur iyo
ciyaar Soomaali iyo wax laga baxay daba-hayee!!!!!

Strange!! maaha kaasi afkii Cige ee naftii Cige oo cabaar
yara-meteshay dhalinteenna Yurub la qabsatay. OOF!! madaxaaba
iyara xannuunay intii yarayd ee aan reer Yurub reer Yurubka iska
dhigayay, dee miyaan noqonkarayaa, miyaan ilbixikarayaa haddii
ilbaxnimadii noqotay ku dayo khayrkaa, iska dhig nimaanad ahayd.

Taa waa ka dhaaranayaa. Salaad iyo Siciidow qolyahayaga badowda ah
ee ilbaxnimada galbeedka la-qabsanwaayay waa maagteen, laakiin annagu
digniin baannu idin siinaynaa...

Horta Khaliif baa idiin kebisiiyay digniintii koowaad, tii labaadna
Siciid Suugaanbaa laga sugayaa, tii saddexaadna Maryan baa iyadaa
gabayga ku xeeldheerayde idin soo durduursiinaysaa, tii afraadna waxa
laga sugayaa indheergaradka godka, qolyaha Wacays leh, Hirad leh, Caato leh,
Gacmadheere leh, Cabdilqaadir Abokor leh, Yaasmiin leh, dee miyaan
dhammaynkarayaa laga yaqaafimaayo indheergaradka godkane iyo qaar kaloo badan,
alla sorry!!!! waxaan ilaaway beeldaajiyahii godka Cabdillaahi Axmed
Cali(Haybe), xubeerkii caalmadow(Waar horta Haybe xubeerka caalmadow waa
maxay). Iyo weliba inkale oo soo bulxamaysa.

Salaad iyo Siciid ma-hafateen, sow digniinihii u horeeyay(The first warning
shots) idinmay asqaysiin. Well!! farikama-qodna, imikaba ogaada kuwani waa
digniino sida Jayniisku uga dulridayaan Taywaan ayaa laydiin dulmarinayaa
laakiin haddaad wax ku qaadanweydaan waxay tegaysaa dhabtii.

Markaas waxaannu qolyahayaga badowda ahi soo qaadaynaa" Dhexddhexaadin iyo
samo, dibudhawranmaynoo, waanwaani dhacantee, dhimasho diidimaynoo, maanta waa
dhabtii(Illayn annagu nolosha Yurub ee aad la-qabsateen muraad kama lihine).

Dhegaysta haddaba walaalayaalow, oo ilmaadeerayaalow, oo abtiyaalow, oo
ismadhaafnayaalow, tani waa digniintii shanaad, waxay ka socotaa Cige badowga
ugu badowsan badowda godkan ku jirta, baraakalaa raqiis, weli derejadaa derejo
ka wanaagsan miyaa aragteen, nin hawd kasoo galay oo weli macawistii labada
ruug joogtay xidhan go'na degta ku sita, budh dhebiya oo si fiican loo qorayna
lalamsanaya. Hadda toban saniyo dheeraadna Yurub buu joogay.

Mar uu badowgu ilbaxnimada Yurub ka hadlay wuxu yidhi...

Guuraha habeenkii naftaa, guriga loo diiday..
Ginigay haleeshaba naftaa, baarku guranaayo..
Gallad kama-heshide waa nafaad, gadid ku haysaaye..
Ilbaxnimo galbeediyo haddaad, godankan moodayso..
Geelaba sidii loo dhaqiyo, gudinta loo daabo..
Geeljire hadduu kaa yaqaan, kaa giraydh wacane..
Garaad kama-sarayside caqliga, gabanba waw cayne..
Nin waliba wuxuunbuu galaa, ama gorfeeyaaye..
Haka-goosan guuxaaga yaan, goof laguu qodine..

Waar Salaad!! Waar Siciid, waar bal-warama........

Oday badow ah oo Soomaaliyeed oo beri gabyayna wuxuu yidhi, idiin wada
tirinmaayo gabaygoo dhan illayn waa digniine(Warning shots)...........

Nalka Yurub ka baxayaa ninkii, Nacasi eegtaaye.....

Oday Soomaaliyeed buu ahaa, Soomaalidii aynu naqaanay, maaha qolada
la-qabsatay Yurub. Laakiin waxaan idin weydiiyay qoladiinna Yurub la-qabsatay,
waxaan arkay qolyo Afrika laga keenay dhawr boqol oo sannadood ka hor oo imika
weli ku dacwiyaya Afrikaannimo oo ilbaxnimadii la-qabsanwaayaye, xaggee idinka
illaahay wax idiinka dhiibay. Way iyo tola'ay imisaan Siciid Suugaan lahaa ina
qabadsii Yurubta waqooyi, dhulkaas ay magaca ku sheegaan anigu makaree maxaa
tidhaahdaan Iska-neefiya mise Iska-dan-neefiya mise Iskii-dan-neefiye Oh God!!!
qolyihii juquraafiga ku wanaagsanaa meeye, anyway meeshaas lagu ilbaxay,
yes!!yes!! that is the word "Ilbax".

Dhalintii waxaan nahay Iska-neefiyaa oo
Dhawr waxannu leenahay Giddi dhoorayaashoow
Dhaqan-fuliyayaashoow Kuwa dhawrsanaayee
Dhandhankeeda Yurub iyo Dhuuniga macaaniyo
Dheeftii ka qadayow Dhakhsadoo ilbaxa'oo
Cilmi baydin dhaafaye Nala-dhura warkii Yurub
............By Salaad iyo Siciid

Waa wareey!!! waar Suugaan wax-mayla-aragtay qolyahan ilbaxay u warran in
gorayooyinkii Afrika lasoo raray oo Yurub iyo Kanadaba lagu dhaqay. Xataa
waxkale iskadaayo idihii madaxa madoobaa ee Nugaal daaqi-jiray baan halkan ku
arkay oo islaamo Ingiriisi caano ay ka liseen lulayeen oo burcadkii laga saaray
baan subaxwalba ku dhaashtaa(In makuusoo diraa Suugaan), waxa kasii daran
gabadh reer Liverpool ah oo wiil reer London ahi naga guursaday waxaannu usii
raray afar awr(rati) oo dhibaad ah. Imagine!! afar awr oo raran oo jidkii
weynaa(Highway/motorway) baabuurtii ka xidhay.

Waxaabaan yaabanahay haddii Afrikaba lasoo raray
durbaankeedii/awrteedii/ahminkeedii/gorayooyinkeedii dee maalindhow Yurub waxay
wada noqonaysaa qaaraddii Afrika oo socota, tolow xaggay wiilashaas ilbaxay ee
Yurub la-qabsaday qabandoonaan, waxaan filayaa waa inay Afrikaannimadii dib
ula-qabsadaan, that is going to be a hectic task for them, laakiin yaa muraad
ka leh illayn iyagaa Yuruboobaye hadhowna iyagaa yaqaan siday u
Soomaaliyoobayaan.

Nalka Yurub ka baxayaa ninkii, Nacasi eegtaaye..

Waa Cabdillaahi Cawed Cige aabbihii badowda(Awowga badowdu waa suugaan, adeerka
badowduna waa Haybe) oo idinku dhaafaya...................................

"Isma dhaafno weligeen, Innagaan isdhaadayn"

UFO SOMALILAND.

AJA...@bolton.ac.uk

unread,
Mar 20, 1996, 3:00:00 AM3/20/96
to

FROM: UFO SOMALILAND

TIXRAAC: Aflagaaddo iyo cay

Sumad : The Liberal Views Within...
Author, Axmed Qaar..

Waar salaama-calaykum, waar geedkii ina-rag la-odhan-jiray
ee Soomaaliyeed maxaa qaaday, oo kuwii waqooyiga Yurub joogay
maxaa sii qaaday. Ma-maqasheen fadhato, dayday, dhuljiif, jirri,
mooryaan. Waxaasi waa ina-rag. Waxaynu gaadhnay inaynu mudhxinno
dalkeennii oo sidii dirindiirtii(diirtii) ka dhigno lama-degaan.

Waxaynu kasoo qixinnay wadankeennii hooyo haweenkeennii oo qaawan
oo aynu diricyadii, garbasaarihii iyo guntiimooyinkiiba ka furanay.
Mucsur qaawan iyagoo ah ayay qurbaha u soo baxeen, balhaddaba miyaanay
layaab ahayn ninka maanta doonaya inuu weliba fadhateeyo haween aannu
hore waxba ugaga tegin oo uu yidhaahdo naasahiinna bartaas ii dhiga.

Waar dee iyagaa kuwan iska leh, maaha guntiimadaad/diricaad odhanjirtay
anigaa kuu soo iibiyay, kuwani waa waxoodii, miyaad ku haysataa.

Waa dhuljiif cusub oo qurbaha ka bilaabmay Axmed Qaar baana ka madax
ah, waxase isweydiin leh Axmed miyaanu ahayn qolyahaa ilbaxnimadu taabatay,
waxaad mooddaa inuu ku noolyahay noloshii carruurta ee ahayd in ciyaalku
xiiseeyaan waxa laga celiyo.

Ma-xusuusataa Aabahaa was, Hooyadaa was, **s,***l, iyo wixii carruurtu
gidaarada ku qorijirtay, Axmed taasuu weli xiisaynayaa, laakiin waxa layaab leh
miyaanu Axmed ogayn in naasku yahay xubin jidhka ka mid ah, mise barashada
wixii nool(Biology) ayay Axmed isku liitaan.

Waxa la-yidhi inan yarbaa hooyadii ulasoo baxay buuryadiisii oo ku yidhi hooyo
Khuukh..Khuukh, markaasay tidhi waar kii aabahaa ee ka weynaaba aragnay.
Axmed Qaar waxaan ku odhanlahaa naaska haweenku waa kaynu ku wada hanaqaadnay
ee laynugu soo canqariyay(Haddaad adigu caana-boodhe ku kortay, lasoco in imika
dhakhtaradii leeyihiin ilmaha waxa u fiican caanaha hooyada) wax turxaan ama
ceeb ah oo ku jiraana ma-jirto, adiguse haddaad u baahantahay inaad deristo
cilmiyadaas oo ku takhasusto, waxa jira meelo laga barto, SCStuna kama mid aha.

Axmedow haasawahaaguna, ma-hufnee waxbaw hadhay. Ma-waxaad qoraalkan uga jeedday
inaad noo muujiso halka aad ilbaxnimada ka gaadheen qoladiinna tidhi Soomaali
manihin, qofwaliba wuxuu leeyahay sheeko, qiso, kaftan gaar ah oo uu lawadaago
shakhsi kale ama naftiisaba sir, xog ama qarsoodi magacaad doonto ugu yeedhoo,
ogaalka sheekooyinkaasna bulshadu uma fadhido. Miyaanad hore usoo gelin godkan
oo arag xisaabaha, maahmaahyada, doodaha cilmiyaysan, barashada dhulka,
axaadiista iyo waxa cilmi isweydaaranaya. Waxaan u malaynayaa inaad soo
khaldantay oo doonaysay hogga ciyaala-suuqa.

Haddaad soo khaldantay(Umana eka inaad soo khaldantay) waan ku tilmaamayaa ee
nimanka la-yidhaahdo WTUFGE ayaa leh bog noocaagaas looga baahanyahay oo
shaqadaada cusub ee Dhuljiifka Yurub ahina ay aad ugu hormarayso(You will have
a good career prospect out there), halkanse maandhe carruurbaa akhrisata,
cirroolaa ku madadaasha, culimaa ku tiraabta, caalimaa isku jiidha, ee nin
sidaada dhabqinaaya dhaantada loogama baahna.

Hal iga dardaaranana, waar miyaydaan ogayn ragyahow hablaha meesha soo galaa
inay yihiin afar iyo shan yihiin, haddaynu tii wax soo qortaba afka kaga boodno
oo cayno, aflagaaddayno siduu reerku ku dhaqmayaa. Waar ragga wixii fadhataysi
wada ama uu hayo dareen guumoobay daawooyin ha-doonteen iyo xoolo dagan. Inta
kalese dooddiyo tusaalaha halkeeda haka wadato.

Waxaan rajaynayaa inaanan qofna xorriyaddiisii shakhsiyeed meel kaga dhicin,
laakiin xorriyadda qawlku waa inay lahaataa xadhko difaaca maxasta, dhibbanaha,
dhallaanka iyo inta aan lahayn deyr culus oo ka celiya aafaadka adduunyada iyo
weerarada Dhuljiifka Yurub.


Wuxu yidhi duq gaboobay oo maagayay nin qolo ceeb dhalada ka saaray.....

Dhadiggiyo laboodkaba haddaad, dhaanish la-ciyaarto..
Dhunkashada faraasiyo haddaad, dhawr isteel baratay..
Ninkaagii waxaa dhigay haddaad, weliba qaar dhaanto..
Dhulku kula go'yaye maadigaa, dhiisannimo sheegtay....

Raggow waxaan idiin leeyahay miyaynaan ka weynaan hadidaadda hableheenna....

"Kii dhuumanaayee dhabarku muuqdoow...
Waa dharaar lagu dhawrayaaye....
Dadkaaga dhinac ka raac...
Yaanad lumine dhinac ka raac..."

Haddaad luntayna dee aannu kuu soo dirro dhoobbi afar hoggaan sita oo kuusoo
daqaqamiya dhinacan beeshu degantahay.

Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo idinku dhaafaya qoladiinna reer Yurub waan
idinla-yaabay, waar illayn anagaa waxnala tusay.

Qolyahiinna kalena....
"Ismadhaafno weligiin, Innagaan isdhaadayn...!!!!!

UFO SOMALILAND

Khaliif Waylac

unread,
Mar 20, 1996, 3:00:00 AM3/20/96
to

Cawro lagu saar!!

War waa maxay wuxuu ninku ku hadlayo? War miyaadan ogayn waxa aad la hadlayso
inay haween yihiin? Mise reer Norwey xishood darrada waa loo maray? What is
wrong with you guys? Ma la ina qabaaaa!! Xodxoda barad. War kacoo aroor rati
yahow.

Sorry, there is no other way to talk to people like you since you do not seem
to have any self respect. No wonder people fromn your area are claiming to be
"ilbax", the right word is "dhaqan-bax" which I assume does not mean any thing
to you!! Dhaqan-laawe.


Ninkan Qaar la baxay ee godkii qudhunau soo tuuray
ee hadal qallociyo odhaah qallafsan mooyaane
qun u tooska diidaan odhaan mid u ku quustaaye
haddii aan qallaco ooy micidu quusto madixiisa
qayliyo sawaxan yaan dadow la igu soo qaadin

Qayrkaa haddaad daba gashood kabo u qaadayso
amaad qaawantahayood maryaha qaado garan wayday
ood quusad tahay aan innaba sharafta qiimaynin
inaad nagu qiyaastaa ma aha qaabka aad tahaye

Qab ayaannu leenahay waloo qoom gobaan nahaye
qotan baan u socannaa rukuuc maanan qaayibine
ma an qawl xummaynee hablaha waan qadarinaaye
erayadana qaar baanan odhan oon ka qarinaaye
iska-neefi qaaq baa ka timid iyo qadhmuun jaane (sorry, dad layskuma qaadee)

Qufacaad la soo booday iyo quxu-quxuudaada
hadalkaadi qaab-laaweyahaw waa la qoonsadaye
qawqaw iyo haddaad qiiqan kada qosal ku doonaysay
giddigii inaad QAAR tuhuu qiray adduunkiiye

Halkaa ha sii joogo.

Ahmed M Sharif

unread,
Mar 24, 1996, 3:00:00 AM3/24/96
to

Mr. Khaliif;

I wish you could have kept the precision and the range of your response.
I assume that you don't know Mr. Qaar personally (neither do I know the guy).
Nevertheless, it is unfair to attack him in person, let alone to point out
the character of the so-called 'reer Norway' phenomenon. Fair enough?

By the way, Qaar's questions were relatively disgusting, not forbidden though.


Regards,

A.M. Sharif

On March 20, KAA...@bolton.ac.uk (Khaliif Waylac) wrote:

> War waa maxay wuxuu ninku ku hadlayo? War miyaadan ogayn waxa aad la hadlayso
> inay haween yihiin? Mise reer Norwey xishood darrada waa loo maray? What is
> wrong with you guys? Ma la ina qabaaaa!! Xodxoda barad. War kacoo aroor rati
> yahow.

:
:

Khaliif Waylac

unread,
Mar 25, 1996, 3:00:00 AM3/25/96
to
In article <314D62...@idirect.com>, ba...@idirect.com (Wacays Bashe) writes:
>Dahab & Suhair wrote:
>[..]
>> Waa su'aal da' weynoo maxaa daalineysey bal yaa ka jawaabi????????????
>
>Waad ku mahad-san tihiin Dahaba iyo Suhair arimaha ku saabsan hab dhaqanka
>iyo hab-maamuuskii ee ay wax noogu socon jireen oo la bedelay. Waxaad soo
>jeediseen (a million dollar question).
>
>Iyadoo su'aashaa jawaabteeda aan doonayo in aan idinla raadiyo, ayaan waxaan
>raacinayaa in aan su'aashaa mataanaheeda ku lifaaqo:
>
>Arroosyadan kale ee kala qob-qobka ahna, ee raggu inta bariis la siiyo la
>dareeriyo isla duhurkaba; Dumarkuna ay "Party" ku dhafraan ilaa arroor ku
>dhawaadka, Halkee bay dhalinyartu ka keeneen???
>
>Al-carab ku dayasho miyaanay ahayn? bal ha la soo faaqido.
>
>FG: Dhaqankeenu wuxuu qabaa GAAF ama is dhexbood rag iyo Dumarba iwm.
>
>
>> Thanks Suhair & Dahaba
>
>Waad mahad-san tihiin.
>
>--
>Salaamaad
>Wacays Baashe

Dulkaa jooji wacays.

Mar dhaw waxaan u malayn inaad odhan doonto diinta islaamka waxaan ahayn
boorane tun waa dhaqan carbeed.
Sheekh Baxaar diinta islaamka waa bu'da dhaqanka soomaalida, carabta iyo
wixii muslina oo dhan.

"Ummaddan tada tiinna ah waa hal ummada anaana rabbigiinna ah ee i caabuda"
ayuu ilaahay yidhi.

Marka adiga ma waxaad leedahay in ragga iyo haweenku is dhax boodaan way
banaantahy mise hadday xaaraan tahayna waan xalaalaysan?

Dhaqankii soomaalida markaynu ku noqonno xataa ragga sharafta leh haweenka
ma dhax boodaan sidoo kale hawenkana, ee kuwo laga samar ahaa meelaha isku
diidisi jiray, marka qoladaana kansho uma haysid oo yaxaaskii baa baylahayee
sheekh sidii oday maalinkii arooska soo jilba xidho oo odayaasha la sheekayso
ka dibna qaaqadaadi u hoyo.

Khaliif Waylac

unread,
Mar 27, 1996, 3:00:00 AM3/27/96
to
In article <4j42i0$3...@marton.hsr.no>, ah...@hsr.no (Ahmed M Sharif) writes:
>
>
>Mr. Khaliif;
>
>I wish you could have kept the precision and the range of your response.
>I assume that you don't know Mr. Qaar personally (neither do I know the guy).
>Nevertheless, it is unfair to attack him in person, let alone to point out
>the character of the so-called 'reer Norway' phenomenon. Fair enough?
>
>By the way, Qaar's questions were relatively disgusting, not forbidden though.
>
>
>Regards,
>
>A.M. Sharif

Shariifow cimaamad lagu saar. Waan ka xumahay inaan hadal idinku camimo hadal
xun, waxaan moodayay inaan maqaalka laftiisa ku caddeeyay oon idhi " soorry,
dad layskuma qaado " .
bal mar kale haddana reer norway iyo waxaan hadalka ku camimay oo dhanow
laydiin soo hoyay ee raali ahaada.

Shariifow Qaar ma aqaano suaashiisa in ay sharci ahaan u bannaanaydna ma diidin
laakiin inuu haween shir-waynaha soomaalida ku waydiiyo arrinkaa gees goodir
igala qalloocan.

Ceel la wada cabaahayo ninkii wadaan ku gafrana waxa ugu yar ee uu sugaa
qaylo.

Salaamun calaykum.

Wacays Bashe

unread,
Apr 4, 1996, 3:00:00 AM4/4/96
to
>Khaliif Waylac wrote:

Shiiq Ina-Weylac;

KA TIRSANE URURKA: AL-ITIXAAD ITOOBIYA

> Dulkaa jooji wacays.

Arroosyada Soomaalida hala kala qo-qobo iyo ha la isku siidaayo
muranku weeyaane, dhaqan murug miyaaney ahayn?
Inankiina(Aqwaan) wuxuu yiri arooskaygu waa qob-qob
Innantiina(Soomaali bay ku bannaan tahay) waxay tiri arooskaygu waa is dhex-bood, iyama
ayaa gardaran?

Nin aan talin jirin haduu taliyo nimaan qadi jirin ayaa qada, ninkii isaga ahaa; meeshii
ayuu ku qaday, u malee.


> Mar dhaw waxaan u malayn inaad odhan doonto diinta islaamka waxaan ahayn
> boorane tun waa dhaqan carbeed.

Shiiq, Markii ay dhaqamadu isku murgaan, sida mareegtii maqasha, ruxii farta ku fiiqa oo
yiraahda "kan Al-carbeedka ah ee gadaal ka soo gaarka ah ayaa gardaran daba guduudnaaye"
sow kaama saxsana adigan Al-carab u soo hiilinaya?

> Sheekh Baxaar diinta islaamka waa bu'da dhaqanka soomaalida, carabta iyo
> wixii muslina oo dhan.

Shiiq Itixaad, iskuma hayno *bu'da* ee hareeraha ayay Al-carabuhu iyo Umadaha kaleba
naga soo xooraaminayaaan, oo haddii aynu yac, dig iyo diidnay la odhan wax kastaba ka
filo. Umadaha kaleba waan ku soo indha cad nahay oo dhaqankoodu ama ha fiicnaado ama ha
xumaadabe waanu ka digtoonahay, maxaynu carabtaaneeyto toodiiba ka sii tegaya anagu ugu
daba marnaa oo uga soo xadnaa??? Iyagu nama aanay siin, taa anaa kuu huba.


> "Ummaddan tada tiinna ah waa hal ummada anaana rabbigiinna ah ee i caabuda"
> ayuu ilaahay yidhi.

Kuwa u dhuunta carabta ee ka soo xada dhaqankooda ayaa u haysta in ay Al-carabtu ka
fiican tahay ummadaha kale.



> Marka adiga ma waxaad leedahay in ragga iyo haweenku is dhax boodaan way
> banaantahy mise hadday xaaraan tahayna waan xalaalaysan?

Sida Al-carab iska qunsi ma nihin, si kasta oon isku dhexboodno xaalad arooseed,
wallaaney cidi wax ku saraynin. Haddii nimankooda iyo naagahoodaba xaalkoodu uu bariga
dhexe yahay, wax aynaan shuqul ku lahayn ayay wadaan.
Idinku, haddii aanayba wax xaaraan ahiba ka dhicin oo ay xalaal tahayba ma iska
xaaraameysanaysaan?



> Dhaqankii soomaalida markaynu ku noqonno xataa ragga sharafta leh haweenka
> ma dhax boodaan sidoo kale hawenkana, ee kuwo laga samar ahaa meelaha isku

Geeljiraha markuu geela xidh doog ah ku nagaadiyo ayuu intuu soo rogmanayo ayay or, jaan
iyo sacab ku ag qabsan jireen si gashaaantimaha reeraha ku jira uga soo baxaan, si
asluubta ku dheehan aad yaabayso, xijaab(Difaac) ma jiray? Waxan ka hadlayaa intii aanay
dhaqan Al-carab saraxna naga soo gaadhin, wax muragaana ayan jirin, waxar iyo orgey la
arkana mareegtooda qoorta u gashan jireen raaligooda!!!!. Shiiq adigaa iga badiya
dhaqankeena'e malaha nac-nac ayaan ku doorsatay? mise timir? anigu yaabay sheekhoow.
Soonkii baa waxa la yiri timir ha lagu bilaabo affurka, Haddan quule ku bilaabo maxaa
dhacaya? Ha u bixin, jawaabtaada waan iska garanayaa. Adiguna si baad u sheegi doontaa,
kuwa kale ee goonyaha taaganna si bay u tafsiirin, ayaa sax ah?? Toban codlaynta maa
layska daayo.

> diidisi jiray, marka qoladaana kansho uma haysid oo yaxaaskii baa baylahayee
> sheekh sidii oday maalinkii arooska soo jilba xidho oo odayaasha la sheekayso
> ka dibna qaaqadaadi u hoyo.

Shiiq Itixaad, maxaa idinka qabsaday doorashadii Itoobiya????????? Ummaddi maxay idinla
aamini la'dahay. ONLF iyo Leegada maad iska dhicisaan. Reer baadiyahaa warkiina ma
maqlayaane hilib xalaaladiina(mad-cow) iyo xawillaad(Rip-off) ha dhaafin, haddii kale
mardheedhayn diyaar u noqda.

Salaama.
Wacays Baashe.

INA MAXAM'UD MAX'ED

unread,
Apr 9, 1996, 3:00:00 AM4/9/96
to

NABAD IYO CAANO walaal


falgal isu dheelitiran baa yaala.AL-Aw Wacays
Al-Baashaa:),aldhaqanu soomaaliyuun wa hiddeheena waa bar fi ururka
islaamka caadaatuhum.
garabkaaga ,Wacaysoow,sheekada ku salaysan magacaaga ee heesaha
hiddiyo dhaqanka laga helo ,ma xusuusataa aslahum. waa,Wacays baa soo
sidnaa waa wiil,badhaadhaan daba wadnaa waa gabadh.
makhaayada ama maqaaxidu yey rafacmin oo kuraasida loo laabin. arkay
oo caato arbaca turubkii waa laga badiyey oo iska tiri baa la yidhi.
baadha walba caato biig buu la kacayey:)
Al xaaj Cige wa shiikh khaliif Binu Waylac fii bacdi awqaatikumaa
lugta soo geliya xera geeshan.
nabadgelyo
Abuu Kacab,UMS

Wacays Baashe

unread,
Apr 10, 1996, 3:00:00 AM4/10/96
to
In article <4kd0ib$n...@sunburst.ccs.yorku.ca>, INA MAXAM'UD MAX'ED <XAD...@MIYI.SANAAG> wrote:
>
> NABAD IYO CAANO walaal
>
>
>
>
> falgal isu dheelitiran baa yaala.AL-Aw Wacays
>Al-Baashaa:),aldhaqanu soomaaliyuun wa hiddeheena waa bar fi ururka
>islaamka caadaatuhum.

Ilka iyo Carrab(leysa Al-carab mixna, wa lakin Al-lisaan) ayaa isugu dhow
iyana way is qanniinaan mar-mar. Martida soo dagtay baanu daba naalaa, Diinta
Islaamka ee Qaddiimka ah ayaa waxa la sheegay in dhawaanahan ku soo daba
guddaan dad madmadoow oo aan wax u kala soocani jirin, haadaa dhaqanun
saxiixun mutafiqun, wa haadaa sunnatun Nabiyu (SCW) mu'akidun, Kallaamul
Allaah Haadaa fradhul Allaahu-Akbar, maba ay u haystaan in aynu "dhaqan wa
caadatun asliyu mia bil mia maryoolatul" leenahay. Al-carabkii wuxuu yiri:
"Laa yafhamu 'l Cabdu Illaa maa casaa"tdharbatun shaddiidun foowqa 'l ra'sa
Kal dimiiiirun, haadaa ximaarul aswad, yaa walle; yacnii, li anii
daba-guduudun. Fahamtu wallaa maa fahamtu??? Ee'wa!

H A AKADAA AL"XAAAL

> garabkaaga ,Wacaysoow,sheekada ku salaysan magacaaga ee heesaha
>hiddiyo dhaqanka laga helo ,ma xusuusataa aslahum. waa,Wacays baa soo
>sidnaa waa wiil,badhaadhaan daba wadnaa waa gabadh.

Durbadiiba waxaa calal lagu guntay mal-mal iyo xilddiid, lugta bidix looga
xiray, iyadoo tixahaasu loo meerinayo. maa'hinoo, ma wax baa ku jaban???
Caadaddii la jabiyo carro Eebe ayay leedahay. Haadaa Dhaqanun soo jireen.

> makhaayada ama maqaaxidu yey rafacmin oo kuraasida loo laabin. arkay
>oo caato arbaca turubkii waa laga badiyey oo iska tiri baa la yidhi.
>baadha walba caato biig buu la kacayey:)

Caato! aha haa FAS, fas, car yaa u taga, wax fas ahaa isagaa ka jiray,
inteenan kale waxaan ku haynaa meesha, hor dagid, ka jaawin, been jarid, afar
buuxis, ku dardarid, biindheyn oo markii uu Caato ka yaabay, golahan daba_
ka_eriga ee markii ay ka sheekeyn teedu badatay, kor-joogtaduna aanay ka
hadlaynin wax xukmis ah, ayuu xanaaq turubkii isku daray oo kaba duulay!

> Al xaaj Cige wa shiikh khaliif Binu Waylac fii bacdi awqaatikumaa
>lugta soo geliya xera geeshan.

Geelu duubka cad wuu ka didaaye, armuu ku tumtaa maqaawiirtan. ;-)

>nabadgelyo
>Abuu Kacab,UMS

Salaama.
Wacays Baashe

Khaliif Waylac

unread,
Apr 18, 1996, 3:00:00 AM4/18/96
to
Waryaa Wacsays ina Baashe:

Ma gabyaysaa?
Waad xujowday nin ku dhihi baan jirin!!

Horta bal aan in yar ku dhaho intaanan kaftankaaga galin:
Aayada quraana ayaan kuu soo qoray Wacays, af tooja ahaadna kaga soo
jawaabtay!! marka garan waayaye sidan ma kaa dhab baa mise waad iska
yeelyeelaysaa?

Eegga iyo kaftankii:

cantarabaqashka laygama badiyo gabayga mooyaane
oo waan aqaannaa sidaan wax u halgaadaaye
i dhagayso wiilyahow waxbaan soo hurgufayaaye
oo ha ii calaacalin kolkaan madaxa kaa daaro

sidaad tidhi aroosayada ayay maansadii tahaye
wax kaleeto oo idil dhamaan wayska daba xaabe
haddiise runtii loo daadagiyo dhuuxa murankeena
caasi wayn inaad tahay ayaan la isku diidayne

Aduunyada haddaad raagto ood maalmo badan joogto
kolba sidad u yaabayso eed dhabannadow hayso
unbaad wada cirrowdaa adoo gaban is moodaaya
kolkaasay carruuruhu dhahaan odaygi waynaaye
inta aad cadhootuu kolkaa mowdku ku helaaye

amakaag waxaa igu ridoo tacajab ii keenay
af-laawahan todhinhayee naaxinnimo sheegtay
waxba yaanan kugu daalin hadal uu wadkii galaye
murtidayda waxa weeye oon ogala jeedaana
wiil wadaada oo caaqiloo madax fiyow haysta
haddii aan la marin oon si kale balo u hoosaasin
maxaa gabadh sidaadoo kala ah caashaqow galiyay
mise been abuurkaagi baa kula taraaraaya
oo inaynan labadaa is gayin waad ogsoontahaye
wax kaleeto oo aad dhahdaa sooba dagi waayay
waxba maba an filanine maxaa qadinta baas keenay.

dhaqan xumada waa lagu ogaa caasi oo idile
sidi geel bil soo wada qadoo ceel dhana a jooga
in riwaayad loo horo ayay kuba wacnaayeene
meel baastan goortaan nimiden carar ka soo daallay
dadki aamuskow qurxoonaaba way wada butaaceene
iyagoonba alif diina iyo aayad aan baranin
oo dhaqanki odayaashi tagay aasay waa horaba (soory way iga fakatay)
ayay jaamacado wada galeen yurub aqoonteede
kolkaasay intay buufsameen buuro u ekaane
kitaabadaba waan wada marray nagu yidhaahdeene
dhaqankana sidaan doono waa inuu ahaadaaye
wareer baaba goortaa na helay madax xanuun wayne
saaxiibayaashay iyo kuwii yaabka ku cirraystay
xeelad baan inoo soo heloo naga dahsoonayde
qodax-tool intaad goosataan bal isu soo taaga
oo dabcaay ayaamaha horoo guuxa ka yareeya
kolka ay intay dhiirradaa kugu ag doobyaan un
turuq oo ka soo siib markaa ha iska shiiqeene.

adigu Baashow baryahan waan iska kaa dayne
saaxiibkii Warsame baad tahoon laba illoobayne
bu'dana ninkaaan diidin waa laba dhaqaalayne
baalasha in lagaa rifose way ila haboontahaye
ineen caado xumadaad taqaan iyo un boodboode.

Waqtigaa igu yare in yar oo mirriq ahaan kuugu dariye dhagayso inneen
fara madhnaan kuma diri karee:

Talo murugtay Baashow haddaad gabay madhoodhayne
dhaqankiina meel uga dhacdaye waad un moogtahaye
marka horaba wiilkii muslina gabadh manuusaysa
rag la mirato tii aan xishood lagu mareegaynin
iyo wixi mulaaq badanba waw masaska ciideede
murtidaada waxay shaabahdaa tii maluundida e
mithaal kale inaad keeni ood yara majiirayso
ama aad macnaha doorinood amalabin mooyaane
nin aan muhanin qadintiisa way ila maroortaaye

mareeg murugtay xadhkahoo marmiyo maqal yabuulayni
muruq iy awood lagu dayaa maan xumay noqone
aayar baa la kala meeriyaa miduba gaarkeede
mari xaajadaan rabo adoon maqalba doodayda
gar magaalo weeyoo anaan la i marsiinayne
maarriinka soomaali ee carab is moodaaya
iyo kii madow raaca yidhi waysky miyir-diine
miyi baanse joogaa anigu meelihii hore e
soomaali miidh aan ahoon macajillaysnayne
marraaggii xaqaan laacayoon midig ku haystaaye
ninkii iga maroojiya anoon midabba eegaynin
ayunbaan malaas ooga dhigi mowdka hoo odhane
muslinnimada kii diido ee magac carbeed mooda
inuu kaa maraan yahay ayaan ciduna moogayne

mar haddaad bu'dii yeeshay waa mahad ilaahay e
isagayga maanacay inaan muumin caydhsado e
waxse maagitaankaygu yahay muran inoo yiile
inaad mucangag tahay waan ogahay madax adaygaaye
mid qudhaanse kugu waanin ee maqal odhaahdayda

macbuudkii ku soo saaray ee maqalka kuu yeelay
maamulkiisa waan diidayaa ma aha dowgiiye
kolkuu mowdka soo xaadiree malagyo aad dhowrto
ee meeshi aad tagi lahayd marag laguu yeelo
maqli maayo eebahay haddaan mood ku leeyaye
inta uunan miyirkaada tagin majarahow dhiibo
war inta uuna miyirkaaga tagin majarahow dhiibo.

Allow Alle, Allow ma kuu digay.

Wali af soomaali kuuma toosinin oo indhahaan ka qabsadaa inneen af soomaali
waa margi baa nala yidhiye.
Geela lama nagaysiiyee waa la ekeeyaa ama la xasiliyaa!! reerkaa la nageeyaa
ama la raraa ( hadda lama nagaysiiyo).
midda kale geela oo howd ku jiro lama ciyaaree marka la soo xereeyaa la
ciyaaraa haddaadan xoola madadar ahayn.

Wasalaamu calaykum.

MUHAMMED HUSSEIN

unread,
Apr 19, 1996, 3:00:00 AM4/19/96
to
In article <4l5o7f$p...@yama.mcc.ac.uk> kaa...@bolton.ac.uk writes:
>
>Aduunyada haddaad raagto ood maalmo badan joogto
>kolba sidad u yaabayso eed dhabannadow hayso
>unbaad wada cirrowdaa adoo gaban is moodaaya
>kolkaasay carruuruhu dhahaan odaygi waynaaye
>inta aad cadhootuu kolkaa mowdku ku helaaye
>ciyaaraa haddaadan xoola madadar ahayn.
>
>Wasalaamu calaykum.
>
>Khaliif Waylac.
>--------------------------------------------------------------------------
>Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
>murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
>inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
>---------------------------------------------------------------------------


Dear Khaliif Waylac:

As I was reading your piece I got halted at the above six-stanza and
kept asking myself: This doesn't seem balanced! And true it was not
balanced. But, on the other hand, it truly sounded a "gabay". I read it
two or three more times and at last decided to comment on it. I intended
to claim that this can't be a gabay. As I was to respond, I read your
introduction, which I quickly scanned the first time, and saw the
"Jacbur" comment. There I cooled down and in the process you got saved
from my "gantaals" ;-).

But I think you are good poet. I have enjoyed your pieces at your Web
site.

Take care Weylac.

The Udub.

Khaliif Waylac

unread,
Apr 22, 1996, 3:00:00 AM4/22/96
to
In article <4l6mi4$b...@portal.gmu.edu>, mhus...@mason2.gmu.edu (MUHAMMED HUSSEIN) writes:
>Dear Khaliif Waylac:
>
>As I was reading your piece I got halted at the above six-stanza and
>kept asking myself: This doesn't seem balanced! And true it was not
>balanced. But, on the other hand, it truly sounded a "gabay". I read it
>two or three more times and at last decided to comment on it. I intended
>to claim that this can't be a gabay. As I was to respond, I read your
>introduction, which I quickly scanned the first time, and saw the
>"Jacbur" comment. There I cooled down and in the process you got saved
>from my "gantaals" ;-).
>
>But I think you are good poet. I have enjoyed your pieces at your Web
>site.
>
A'aah, Aaah war ka daa.

>Take care Weylac.
>
>The Udub.

Haaaaaah, Alla mahaddi haddaan nabad galay!
Waa runtaayoo Uduboow bahalka intiisa hore gabay ma aha oo waxaaba lagu
billaabay canatarabaqash. Sidaad sheegtayna waxaa weeye waxa ay reer xamarku
u bixiyeen jacbur reer galbeedkuna ay yidhaahdaan "kala-rogan".
Miisaanku waa miisaan gabay laakiin qaafiyaddii baa maqan.
soomaalidu gabay uma taqaanno laakiin reeer yurub waa u gabay, carabta
laftooda boqolkii sano ee la soo dhaafay ayay aqoonsadeen oo waxay yidhaahdaam
"alshicrul-xur".

Galbeedka waagii hore waxaa marin jiray kala-roganka rag u gaara oo
maadeeyayaal ah magaca kala roganna qaadan jiray oo gabayaaga badankooda
kuma aynan saqajaami jirin laakiin Dhoodaan baa markuu xaggaa u hadaafay
meeel bannaan arkay oo buuxiyay, idaacadda kolkii laga soo hurgufayna bahalkii
caan buuba noqday.

Kala rogannadii asalka ahaa mid ka mid ah ayaa waxaa la waydiiyay 78 kii
war amxaaro ka warran, kolkaasuu yidhi;

Mulac hadduu waxar la tago waalli ula roorye
girfgrifta unbaad arki lagaba taag roone
amxaarana waa sidoo kale foodda lagu qaadye.

Wasalaamu calaykum.

khaliif Waylac.

MUHAMMED HUSSEIN

unread,
Apr 25, 1996, 3:00:00 AM4/25/96
to
In article <4lfmph$k...@yama.mcc.ac.uk> kaa...@bolton.ac.uk writes:
>
>Galbeedka waagii hore waxaa marin jiray kala-roganka rag u gaara oo
>maadeeyayaal ah magaca kala roganna qaadan jiray oo gabayaaga badankooda
>kuma aynan saqajaami jirin laakiin Dhoodaan baa markuu xaggaa u hadaafay
>meeel bannaan arkay oo buuxiyay, idaacadda kolkii laga soo hurgufayna bahalkii
>caan buuba noqday.
>

Dear Weylac:

Yes, Dhoodaan has composed many Jacburs which are truly very
entertaining. In Mogadishu we call them Jacbur, but in the Galbeed you
guys call it "Kala-Rogan". This is the first time I heard this.

BTW, don't you think that many other forms of poetry could have
developed if heavyweights endorsed them like Dhoodaan did for the
Jacbur?

0 new messages