Waxaa arbacadii la soo dhaafay oo bishu ahayd 10 April 96 ku
geeryooday magaalada Hadaaftimo oo ku taalo gobolka Sanaag ,Suldaan
Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Suldaan Cali-Shire, Eebe
naxariistii janno ha ka waraabiyee.. Suldaan Cabdisalaan wuxu ahaa 83
jir. Suldaanka waxa la caleema saaray 1960 ka dib markuu geeryooday
Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-shire Suldaan Cawl. Suldan Cabdisalaan
wuxu ahaa Suldaankii shan iyo labaatanaad oo Warsangeli soo mara.
Suldaan Cabdisalaan wuxu ahaa Suldan nabad jecel. Suldaan
taqi ah oo Alla ka cabsi badan. Dagaalkii sokeeye oo dhulka ka socday
mar walba waa ka xumaa oo kama raali ahayn. Wuxu ku boorin jiray
dadkiisa in ay ku koobnaadeen degaankooda oo aanay dagaal ugu gudbin
dadka la deganna kula noolaadaan si nabad ah.
Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-shire Suldn Cawl Sul
Maxamuud Sul.Cali Sul.Maxamed Sul.Naaleeye Sul. Maxamuud Sul.Cali
Sul.Cabdale Sul.maxamuud Sul.Yuusuf Sul. Liibaan Sul. Cali Sul.Ciise
Sul.Yuusuf Sul. Saciid Sul.Yaaquub Sul.Ciise Sul. Maxamuud Sul. Cumar
Sul.Ibraahin Sul. Xasan(Xamargale) Sul.Dhidhin.............
Eebe Suldaanka naxariistii janno ha ka waraabiyo dadkii uu ka
geeryoodayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo.
Nabadgelyo
Saciid Suugaan, UMS
O. Issa
Dear Garaad Siciid;
Naxariistii Janno allaha ka waraabiyo, Garaad Cabdisalaan Garaad
Maxam'ud Garaad Ali-Shire, ehaladi, qaraabadi iyo inta kalena samir
iyo iimaan allaha ka siiyo; amiin.
Gacmadhere
Thank you very much for sharing the sad news of Sultan Abdisalaan's death
with us. Abdisalaan was known as a man of peace who kept his part of the
country in peace and harmony with the neighbouring lands and people, when
peace was in short supply in many parts of Somalia. Sure he will be missed
and remembered for his charm and abiltiy to bring peace when it was needed
most.
Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo suldaanka, ummaddii iyo qaraabadii uu
ka geeriyoodeyna ilaahay samir iyo Iimaan ha ka siiyo ..aamiiiiiiin.
AA HAYBE...The Xubeer of Calmadow
> Waxaa arbacadii la soo dhaafay oo bishu ahayd 10 April 96 ku
> geeryooday magaalada Hadaaftimo oo ku taalo gobolka Sanaag ,Suldaan
> Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Suldaan Cali-Shire, Eebe
> naxariistii janno ha kaaraabiyo.
Aamiin,
Ilaahay waxaan uga rajeynaynaa in uu naxariistiisa ballaaran ku
mannaysto, gaar ahaanna eheladii, guud ahaannna tolweynihii uu ka
geeriyoodeyna Ilaahay samir iyo imaan ka siiyo. Waxaan Ilaahay ka
rajeynayaa in beddel khayr qaba oo Islaamnimada iyo somalinnimada
wanaagsani ku beerantahay noo caleema saaro.
Cusman salad
Dear Saciid Suugaan:
Waxaan adiga, eheladii, muslimiinta oo dhan, iyo Soomaali oo dhan uga
tacsiydaynayaa geerida ku timid Suldaan Cabdisalaan. Warsangeli oo ah
qabiillada fara ku tirsiga ah ee leh saldannad muddo soo taxnayd waxaan
u rajayn inay helaan ama doortaan Suldaan kale oo u buuxiya kaalin walba
oo uu Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaannadii ka horreeyba ay hayeen.
Aamiin.
The Udub.
Buubiye: Ardaaga Qabiildiid wixii aad qortay akhriyay, fahmayna waxa aad
ula jeedid iyo dadka aad u danleeday. Waryaa, yaad khaldaysaa ma caruurta
yar yar. Soomaalidu waxa ay ku dhisan tahay Qabaa'ilo, kuwo yar yar iyo
kuwo waa wayn. Soomaliduna waxa ay tiraahdaa Laan-qaab iyo Laan-dheer.
Nin walibana waxa uu ka dhashay Qabiil-haddii aad og tahay, iyo haddii
kaleba. Waryaa Soomaali dhibaatooyin faro badan ayaa soo gaartay-dadkuna
is baray! Qabyaalad waa ta keliya ee wadankeenu uu ku badbaaday. Haddii aad
doonaysid in aad wax u qabatid Soomaalida-o rad oo wax u qabo reerka aad ka
dhalatay. Nagana daa doodaadan nac-nacda ku salaysan. Waynu wada og
nahay cida dadka qabyaalada ku laynaysa. Soomaalida maanta waa in ay ku da
daashaa sidi nin waliba uu u horu marin lahaa dhulka Qabiilkoodu dago!
taa ka hadal, taa ayaa run ah. Soomaalidu waa dad qabiiliistayaa ah! Nin
walibana waa uu og yahay. War waxa aad noo sheegtaa dadka aad doonaysid
in aad khaladid? Haddii kale oo aadan agoon dadka Soomaaliyeed aadan
ulahayn aanu ku barnee-bal iska waran! Oo ogoo in dadkii ka shagaynay
wadanimada iyo
Soomaalinimada la dilay, laguna dilay magac Qabiil! haddii aadan ogeen,
iminkaba waa anigan kuu sheegaya, ee waa in aad lasocotaa. Oo aad iska
daysaa in aad isku daydin in dadku ay iska daayaa Qabyaalada. Soomaalidu
daynmayso Qabyaalada maxaa yeelay waa dhagankooda-Qabyaaladuna khalad
ma'aha ee waa in aad ogaataa walaal!
Iminka haddii aynu doonayno in aynu dhisno wadankeena hooyo.
Marka hore waxa aynu ku bilaabaynaa in uu nin waliba oo dhiso dhulka
Qabiilkiisu uu dago. Hana loogu yeero, magaca qabiilka dhulkaa isaga ah
dagan,maxaa yeelay a walba waxa la odan jiray (CARO-looguna yeeri jiray
magaca qabiilka dhulka daga. Ka dib waynu ka hadli karaynaa dadka
Laan-gaabka iyo xuquuqdooda.
Waana in aad ogaataa in nin kale uu san ku xukumidoonin Nin kale Dhulkiis
waana in aad ogaataa runta maanta taagan dhulka Soomaaliyeed. War sheego
magacaaga uu Aabahaa kuu bixiyay-waa iga talo (wax ay ila tahay) haddii
aad doontana sheego magackasta oo aad doonto-laakiin la soco in uu nin
waliba uu ka dhashay qabiil, xaqna uu u leeyahay in uu xukumo dhulkiisa
hooyo ee ay Qabiilkoodu uu dago.
Nabad--------------------------------------faisal.
Qabiil Jecel:
Anigu ku tilmaami maayo aragtidaada nac-nac, waxa aan u arkaa in ay tahay
mid gaaban oo gabowday isna burineysa. Doodaada, waxa laga soo bixi karaa
in haddii aad heli lahayd wadanimo iyo Soomaalinimo oo aabayaashii hore kuu
sameyn lahaa yeen, in aad ku raaxeysan lahayd si aad iminka ugu raaxey sane-
yso dalka aad joogto oo aan lagu abtirsan qabiil.
Taasna, waxa ay ku tuseysaa awood daridaada iyo kalsoonni la'aanta
ku heysata, oo aad qabiilka qurmay ee ummadda Soomaaliyeed baabi'yey
wali aad dacalka sii haysato; walina aad aaminsan tahay XXeerka KKeynta
ee laan gaab iyo laan dheere. Yaad tahay? Ha uga jawaabin qabiil!
Ee waxa aad tahay bani aadmi ka sameysan hilib iyo lafo. Oo yaan
ka sameysneyn? Qarnigeed joogtaa, qof kale in aad ku fekerto in
uu kaa hooseeyo!
Taada heyso, teydaan heysanayaaye!
Buubiye: Ardaaga Qabiildiid.
-------------------------------------------------------------------
http://rampages.onramp.net/~jama/
mailto:jama....@cyrix.com
mailto:ja...@onramp.com
: Dear Garaad Siciid;
: Naxariistii Janno allaha ka waraabiyo, Garaad Cabdisalaan Garaad
: Maxam'ud Garaad Ali-Shire, ehaladi, qaraabadi iyo inta kalena samir
: iyo iimaan allaha ka siiyo; amiin.
: Gacmadhere
Mudane SACIID:
Eebbe naxariistiis iyo jannaddiis ayaan Suldaan Cabdisalaan Suldaan
Maxamud Suldaan Ali-Shireh, dhamaan eheladdii, iyo dadweynaha Somaliyeed
samir iyo iimaan allah ha ka siiyo. Hubaalweeye in wanaagii iyo sama ka
taliskii Garaad la tabayo.
Waxaan aad uga xumahay geerida Suldan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud.
Illaahay Janna Farduusa haka waraabiyo, ehelkii iyo dadkii uu ka
tegeyna samir illaahay haka siiyo. Suldan Cabdisalaan wuxuu ahaa
Suldaan had iyo jeer ka talliya nabadda guud ee Somaliland, dadkiisana
aad ula dedaalay si aanay ku danbeyn sida dagaalada u rogeyn dhulul badan
oo Somaaliyeed.
Mar labaad Illaahay ha u naxariisto Suldan Cabdisalaan, dhammaantenna
samir iyo iimaan ha innaga siiyo.
Wa Salaamu Calaykum,
Yuusuf
On 20 Apr 1996, Abdiwali M Ahmed wrote:
> faisal ahmed hassan (fha...@io.UWinnipeg.ca) writes:
> > kuwo waa wayn. Soomaliduna waxa ay tiraahdaa Laan-qaab iyo Laan-dheer.
> > Nin walibana waxa uu ka dhashay Qabiil-haddii aad og tahay, iyo haddii
> > ulahayn aanu ku barnee-bal iska waran! Oo ogoo in dadkii ka shagaynay
> > wadanimada iyo
> > Soomaalinimada la dilay, laguna dilay magac Qabiil! haddii aadan ogeen,
> > iminkaba waa anigan kuu sheegaya, ee waa in aad lasocotaa. Oo aad iska
> > daysaa in aad isku daydin in dadku ay iska daayaa Qabyaalada. Soomaalidu
>
> Qabiil Jecel:
>
> Anigu ku tilmaami maayo aragtidaada nac-nac, waxa aan u arkaa in ay tahay
> mid gaaban oo gabowday isna burineysa. Doodaada, waxa laga soo bixi karaa
> in haddii aad heli lahayd wadanimo iyo Soomaalinimo oo aabayaashii hore kuu
> sameyn lahaa yeen, in aad ku raaxeysan lahayd si aad iminka ugu raaxey sane-
> yso dalka aad joogto oo aan lagu abtirsan qabiil.
Waryaa dib ugu nogo oo baadigoob waxa lagta gooyay Wadanimadii
dadka Soomaaliyeed. Waryaa, miyaadad war u hayn waxa ka dhaca Soomaaliya.
Soomaalinimada waxa baabi'ay waaad og tahay, aniguna waan ogahay. Maxaan
kugu aaminayaa. Miyaadan Soomaali ahayn oo ka dhashay qabiil.
Istecmaaliyana qabiil. Aniguse miyaan ku agaan-waryaa. Haddii aadanba
istecmaalikarayn, magacii uu aabahaa iyo hooyada ay kuu bixiyeen. Waryaa,
sideebaan dadka ugu sheegi karaysaa in ay iska daayaa Qabiilka. Run
ahaantiina Soomaalia qabiil dayn mayso ee waa in aad ogaataa. Adigu waad
orankartaa wax ala iyo waxa aad doonto. Laakiin waxa runta ah waxa weeye.
Marka aad la joogto reerkiina waxa aad istecmaashaa qabiil; waxa aad
wadaa sheekaddii siyaad barre iyo ururadda kale ee ku dhisan qabyaalada
ee ka jira Soomaaliya iyo halka iyo kanada. War miyaanan Soomaali aadan
wax u sheegaynin.
Aniga waxa ay iga tahay: in aynu runta aynu ka hadalno; oona
dadka niraahno, war reer waliba waxa uu u baahan yahay in ay ka tashadaa
arimahooda, ayna iskugu yimaadaa Qabyaaladan. Magacoodana loogu yireero
dhulka ay ku nool yihiin-maxaa yeelay barigii horeba waxa la odhan jiray
Xarro (waxa la daba dhigi jiray magaca qabiilka) waxa aynu leenahay
sharciyo Soomaalida u gaar ah oo keliya. War miyaadan war uhayn xeer
Soomaliga.
> Taasna, waxa ay ku tuseysaa awood daridaada iyo kalsoonni
la'aanta
> ku heysata, oo aad qabiilka qurmay ee ummadda Soomaaliyeed baabi'yey
> wali aad dacalka sii haysato; walina aad aaminsan tahay XXeerka KKeynta
> ee laan gaab iyo laan dheere. Yaad tahay? Ha uga jawaabin qabiil!
> Ee waxa aad tahay bani aadmi ka sameysan hilib iyo lafo. Oo yaan
> ka sameysneyn? Qarnigeed joogtaa, qof kale in aad ku fekerto in
> uu kaa hooseeyo!
>
> Taada heyso, teydaan heysanayaaye!
>
> Buubiye: Ardaaga Qabiildiid.
Runta waa in aynu ka hadalnaa, maxaa yeelay dadka aad doonaysid
in aad wax u sheegaysid ma'aha dad qalaad: waxa ay yihiin Soomaaali.
Sidaa daraadeded waa in aad la socotaa arinkaa iyada ah. Anigu qabyaalada
waa la i baray waxa i baray Soomaali-waxa aana ahay Soomaali. Ninkasta oo
Soomaali ahina waa qabyaaladyagaan-waana run anigu waxa aan iminka
aaminsanahay in Soomalidu aynaan isba agoon maxaa yeelay waxa aynu ku
kala nool nahay dhul kala fog. Isku dhagana ma'aynu nihin. Markaa anigu
waxa ay ila tahay in qola walba ay iyadu ay ka fikirto sidii ay u dhisi
lahayd dhulkooda, ayna ugu ilaanshan lahaayeen dadka tuugada ah ee
yaacaya Koonfurta Soomaaliya. War marka hore-agoonsada khaladkiina iyo
sida aad u gasheen wadankeenii hooyo- War waxa aad ii sheegtaa sababta ay
qabiilada kale ee Soomaaliyeed ay u dhisaan-bur-burka aad u gaysateen
xamar iyo dhagaalaha wadanka Soomaliyeed. Inta aydaan ka hadal Soomaali
nimo marka hore banaanka imaada oo khaladaadkiina gaata. Ka dibna, waynu
eegi sida aynu dadka aynu iskugu keeni lahayn-anigu waxa ay ila tahay mid
aad u adag in ay tahay. Maxaa yeelay, dadkii Soomaalinimada ka
shagaynayay, oo dadka wax barayay waa lalaayay. Uga baxa dadka agaladooda
aad buuxiseen sidii xoolihii. Kana tashada dhulkiina: Waxa aan u jeedaa
dhulka qabiilkaagu dago. War imaanan kula garan waxa aad damacsan tahay.
Nabad----------------------------------------Faisal.
Qabiil Jecel:
"Waryaa, miyaadan.............?"; Typically, waa hadalkii walaashey ay i
oran jirtay.
Taada heyso, teydaan heysanayaaye.
Buubiye: Ardaaga QabiilDiid.
On 23 Apr 1996, Abdiwali M Ahmed wrote:
> "Waryaa, miyaadan.............?"; Typically, waa hadalkii walaashey ay i
> oran jirtay.
>
> Taada heyso, teydaan heysanayaaye.
Buubiye: Ardaaga QabiilDiid.
Lab iyo dhadig: Labadaba waxa abuuray Ilaaheey, Waryaa miyaadan
la socon. Mida kale. Sidee baan kugu garanayaa in aad tahay Lab ama
Dhadig! Koonfurta Soomaaliya-Labaduba waa isku mid oo lama kala garto.
Midda kale-haddii aad doonaysid oo aad leedahay TAADA HEYSO, TEYDAAN
HEYSANAYAAYE. Waa hagaa-EE SOOMAALIDA HA KU ODHAN QABIILKA DAA'YA, MA'AY
DAYNAYAANE. Waryaa taa la soco-oo waxa aad ka hadashaa sidii aynu isku
tixgelin lahayn oo aynu ka hadli lahayn wada shagayn ku salaysan is
tixgelin iyo wada shagayn aan la odhan waxa aynu aasaynaa QABIIL hadana
aad hoosta aad ka istecmaalaysaan. Markaa, jecloow reerkaaga. Aynu ka dib
wada shagayno! Dhulkaaga dhiso, dadka kalena ha dhistaan dhulkooda. War
taasi ma khaladbaa! Qabiil kastana iyagu ha is xukumaan. Tan kaliya ayaa
Soomaali la iskugu wada keeni karayaa. Waa, haddii aad og tahay RUNTA
MAANTA TAAGAN. Waryaa Nabad------------------------------Faisal.
Ilaahay ha u naxariisto marxuumka geeriyoodey, samir iyo iimaana ha ka
siiyo eheladii uu ifka kaga tegay. AAMIIN, AAMIIN
Ahmed Ali
*********
Warsame, Abdirahaman (yu10...@yorku.ca)
wrote: : yu11...@yorku.ca (Saciid Max'ud Max'ed.) wrote:
: Dear Garaad Siciid;
: Naxariistii Janno allaha ka waraabiyo, Garaad Cabdisalaan Garaad
: Maxam'ud Garaad Ali-Shire, ehaladi, qaraabadi iyo inta kalena samir
: iyo iimaan allaha ka siiyo; amiin.
: Gacmadhere
--
war xageee warka ka makhashay? liberty.
Waxa uu sheegay in Suldaanku, Allah ha u naxariistee, uu ahaa nin nabadeed
wanaaggana jecel.
Waxaan Allah uga baryaynaa inuu u naxariisto. Aamiin.
Cabdi-Rashiid Y. Ismacil