Akhyaarta sharafta leh waad salaamantiin, waxaan runtii aad uga
fikiraayey beryahanba arin aad yaab u leh taas oo laga yaabo inta badani
in aad ii garowdaan.
arintuna waxay tahay isku daalnaye maxaa inoo dana? runtii waa suaal aad
muhiim u ah. hadaba anigu koorejaan ahaan waxaan u fikiray sidan.
hadii aynu rabno inaynu nabad iyo barwaaqo ku sugnaano oo dagaaladan
sokeeye ee dalkeeni baabiiyey inaga dhamaadaan dhimashadan tirada
badanina la waayo, aynu walaalayaal dalka iibino ama gadno!
oo aynu waliba ka iibino dawladaha qaniga ah dhamaan dadka soomaaliyeed
ee maanta dhibaataysana qof walba xaqiisa la siiyo loona qaadi doono meel
alaale iyo meeshu caalamka codsado.
waxaan filayaa in soomaalida oo dhan hadii la isu geeyo in ayna
buuxinayan hal magaalo oo ka tirsan gobalka TEXES ee dalka maraykanka.
hadaba walaalayaal maadaama intaas tiradeenu leeg tahay dhibteenuna
badantahay dalkiina aynaan ku heshiineyn in aynu gadno miyaaney idinla
habooneyn.
tusaale ahaan hadaad soo qaadato dalalka la kala yidhaahdo Singapore iyo
Taiwan, marka la qiyaaso xaga dhaqaalahooga per capita income- koodu wuxu
soo galaa aduunka ka lixaad iyo ka todobaad hadana hadaad u fiirsato ma
leeka gobolka hiiran ama jubada hoose.hadal iyo dhamaan dalkeenu waa
hodan dad cilmi leh ayaana ka faaiidaysandoona khayraad kasta oo aynaan
aqoon sida loola soo baxo ayey saacado gudaheed kula soo bixi doonaan.
markaas walaalayaal aynu dalka fasaxno!
KOOREJAAN the unknown soldier