Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

ninkeyga

131 views
Skip to first unread message

bashir ali

unread,
Oct 7, 1997, 3:00:00 AM10/7/97
to

Ayan Sudi wrote:
>
> Hello Somali-weyn
>
> Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
> xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
> Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
> oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
> rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
> waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.

Ayan,

Marka hore waan ka xumahay xalada aad ku sugan
tihiin adiga iyo willka yar aad dhashay.

Arinkan ma aha mid aad adiga keensatay ee waa
mid uu ninka aad guursatay keeney.

Cadownimada iyo gacan dhaafsiga uu sameeyo ma aha
mid loo dulqaadan karo ama mid loo adkaysan karo.

Sidaa darteed, waxyaalaha aad samaynkartaa waa
badan yihiin sida ay ila tahay"

Ninka qoyska uu ka dhashay iyo mid aad ka dhalatay
isu keen una soo bandhig gacanqaadka uu ku gaarsiyo
iyo siday wax uga qaban lahaayeen.

Haddi uu ka soo roonanwaayo ama uu wali gacan qaadkiisii
sii wado, boliska ugu yeer hana laxiro.


Bashir.

Gacmadhere

unread,
Oct 7, 1997, 3:00:00 AM10/7/97
to

In article <343A7E...@hotmail.com>, Ayan says...


Waxaa laga yaabaa magaca aad sheeganeyso inuusan jirin, hase yeeshii arinta
umbaan wax ka oranayaa.

Mar alla markaad akhriso taladan hadaad wali la joogtu ninkaas isaga ah ka tag.
Dag-dag uga tag. Waligaana waan waan kasta oo dhacda ha ku noqon. Haduu bartay
inuu ka dharbaaxo waxaa xigi karta ul, tooreey iwm.

Nin naagtiisa gacan u qaaday waa nin aan caradiisa xukumi karin. Waxaa suurta
gal ah gacanta waxa uu ku hayo inuu kugu sii daayo markuu caroodo. Marna se
walaaleey ha dacweyn. Ka tag oo ka fogoow oo ka carar intey goori-goor tahay.
Adigana dhakhtar u tag maxaa yeelay waxaa soora gal ah iney saameysay
dhaqankaagi oo aad ku dhibtoon doontid xiriirada mustaqbalka. Hadaa ka bacdina
mid caata ah oo aad ka adkaan karto raadso si aad uga aar gudato inan rageed
(intaas adaan caawa kaaga qoslinayay).Waa yaabe dhaqankii hore ee Soomaalida
haweeneydo mar haddey wiil dhasho lama dili jirin, maxaa yeelay wiilkaa laga
ilaalinayay inuu col dumi waayo!!!

Gacmo

Ayan Sudi

unread,
Oct 7, 1997, 3:00:00 AM10/7/97
to

Hello Somali-weyn

Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.

Ayaan Shire

Burhan Jama

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to

In article <343A7E...@hotmail.com>,

Waxaan ka soo qaadayaa in ay jirto walaasheen dhib haysato oo ayan su'aashu
ku imaan cid doonaysa in ay ogaato Somalida North America fakradda ay ka
haystaan dumarka la dilo.

Ceeb ma aha in booliska loogu yeero wiilkaaga aabihiis. Waxaa ceeb ah
in loogu yeero askarta asagoon dambi galin sida ka dhacda Kanada marar badan.

Waxaa iga talo ah:

Boolisku waa kaa kaxayn karaan waxse kuuma qaban karaan haddaan rabtid in
reerku kuu dhaqmo. U sheeg arrinta dhakhtarkaaga, codsana inaad la kulantaan
dhakhtar ka daweeya ninkaaga jirradaas. Booliska kali ahu wax ma kuu tarayo.

Nabad galyo
Burhan

Amina Mire

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to


Walaal Ayan Sudi:

Guurku wuxuu ku dhisan yahay Diin iyo dhaqan.
Allahay si qayaxan ayuu Qur'aanka ugu cadeeyay waajibaadka ka dhexeeya
ninka iyo naagta is qaba oo qoos ah.
Mida labaad, waxaad eegtaa Hadithka saxiixa aha oo laga soo tabiyay
Rasuulkeena suuban (ASW).

Hadii aad taas samyso waxaad ogaan doontaa inuu ninkaadu uu xadgudub ku
dhaqmayo.

Laakiin bacdamaa caruuri inidka dhaxayso oo uu yahay aabaha inankaada,
isku day inaad ka dhaadhiso inuu kuu qacan qaado inay wax foolxun tahay.
Waxaa la yiri waaano Abuuris baa ka horaysay, marka haduu diido inuu
caradiisa xakameeyo.

Allahay ku tasho oo iska tag.
Intuusan willka yari baranin camalka aabahiis.


Amina Mire


bashir ali (bas...@worldnet.att.net) wrote:


: Ayan Sudi wrote:
: >
: > Hello Somali-weyn
: >
: > Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
: > xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
: > Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
: > oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
: > rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
: > waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.

: Ayan,

Abdirashid

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to

> Ayan Sudi <ashi...@hotmail.com> writes:
> Hello Somali-weyn
>
> Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
> xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
> Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
> oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
> rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
> waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.
>
> Ayaan Shire
>

Ayaan, aniga oo runtii yara jidh diidaya in marwo soomaaliyeed ay arrinta qoyskeeda
dadweyne ama fagaarahan oo kale soo dhex dhigi kareyso, haddana bal talo aan ku
darsado haddii ay wax u jiraan sida aad kor ku sheegtey.

Horta qofku mar wuu cadhoon karaa gacan iney ka dhacda waa wax dhici kara, rag
iyo dumarba. Laakiin inuu ninku caado ka dhigto inuu dilo xaaskiisu waa cudur u
baahan in la daweeyo, iyada reerkiina aan la dumineynin haddii ay suuragal tahay.
Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa in horta dhaqankeennii soo jiraaga ahaa lagu
tijaabiyo oo ku saleysnaa Caqiidadeennaa ama diinteenna Islaamka. Kaasi waxa uu
ahaa in marka hore la ogeysiiyo dad aan badneyn oo xididka ah oo wax garad
lagu tuhmaayo(filaayo) loona sharroxo dhiibaatada jirta. Markaa maanta waxaa kula
gudboon ayey aniga iila muuqataa inaad wixii soomaali ah ee jaarkaaga ah ama aad
taqaanid oo aad fileysid iney arrintaada wax ka qaban karayaan aad u sheegtid.

Haddii markaa ay waxba ka qaban kari waayaan, isaguna wax ku qaadan waayo,
ciidanka nabad gelyada u sheeg ama ha xidhaan ama dhakhtar ha geeyaan. Laakiin
marna dhibaato uuna kuu geysanin ha ku buuxinin.

Abdirashiid


faisal hassan

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to


On Tue, 7 Oct 1997, bashir ali wrote:
> Marka ugu horayso, waxaan umalaynayaa in uu Faysal
> ka war hayn in Ayaan iyo ninka qoba ay ka dhasheen
> isku qabiil iyo inkale.!!

Waad khaldantay maxaa yeelay ayan shire, waxa ay ina waydiisay talo. Waxa
ayna u baahan tahay talo, ee uma baahna in ay raadiso tolka jacaykeeda,
aabaha wiilkeeda. Waxa jeceshay isaga, markaa waxa ay u baahan tahay talo.
Waxa ku wareegtay la hadal tolkii oo raadi garaabadiis. War iyaadan ogayn
in aynaan guursan qabiill ee ay guursatay qofka; jacaylkeeda.

Anigu ma'aan aqaan cidna. Laakiin, waxa aan arkaa dhibaatada haysata
inanta Soomaaliyeed. Waxa ay u baahan tahay in la tuso in aynaan
adduunkeedu uusan ku ekeen ruuxan waashay ee dilaya xaaskiisa, jacaylkiisa
iyo hooyada wiilkiisa.

> Taladayda waxay ahayd in Ayan an uyeerto ama
> isku keento qoyska uu ka dhashay ninka iyo qoyska
> ay iyada ka dhalatay sidii wax loo xalinlahaa.

Dhibaatadu ma'aha qoyskeeda, ee waa Odaygeeda. Maxaa kula talisay iyadda.
Hadii ay doonayso iyada ayaa raadin tolkeed, haddii ay u baahato. Adigu
maxaad ugala talisay?

> Qalad uma arko aniga in qoyska ninka iyo midka Ayaan
> ay isku imaadaan anyana xaliyaan arinkaan, maxaa yeelay
> diinteena iyo dhaqankeena, labadaba waxay na farayaan in
> arimahaas ookale lugu dhameeyo labada reer ayka wada
> dhasheen ninka iyo xaaskiis.

Aniguba taas kama aan soo horjeedo. Laakiin, Dhibaatadu waxa ay haysaa
Ayaan Shire ee ma'ay hayso tol iyo qaraabo!!!!!!

> Fayal, qabiika laga dheeraado waa midka diidan in la isku
> yimaado iyo midka diidan in sidii arin loo xalin lahaa.

Waa in aad tiraahdaa Qabiil hala dheeraado, period. Sidan uma jeedo, ee
sidan baa u jeeday waa waxa aan runta ugu sheegay dhabaan xerta oo dhan.

> Taladaan uu Faysal soo jeediyay waxay lamid tahay middii
> uu u soo jeediyay dadka gumaysiga ku nool oo degan Somali
> Galbeed.
> Bashir.

Haddii aad si fiican aad u akhrin lahayd talooyinkeeda waxa aad ogaan
lahayn in aan u sheegay labo (options)

1. Do nothing

2. Do something.

Sidaas ayaana u arkaa in uu arin tahay. Adigu maxaad u aragtaa?
Nabad
Faysal Xasan.


Mahmoud Abib

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to

Ayan Sudi <ashi...@hotmail.com> wrote:

>Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
>oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
>rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis,

Walaal Ayan,

Minfadlag, bal si faahfaasan noogu sheeg waxa keena ama bilaaba "is af
dhaafka" adiga iyo ninkaaga ka dhex dhasha.
1) Ma xag dhaqaala?
2) Ma khamri iyo mukhaadaraad xaggaaga/xaggiisa ka jira?
3) Ma masayr iyo nin/naag kale ayaa reerkiinna faraha soo geliyay?
4) Ma qaraabo aan jecleyn guurkiinna ayaa idin soo fara geliyay?
5) Ma jaceylkii aad isku qabteen ayaa naaqusay?
6) Ma adiga (Ayan) ayaan kaalin hiil iyo hooba siinayn ninkaagii,
oo isago maalintii oo dhan shaqo cabiid ah ku maqnaa, markuu ka soo
rawaxay shaqadii, yimid gurigii oo aan dheri dab la saarin - markuu
weydiistay koob shaahana, loo tilmaamay mesha shaaha laga helo
(kitchen)iyo microwavekii?

Waxay ila tahay, inta aan lagu siin wax waano ah, in la ogaado waxa is
afgrad waaga keena. Ogowna walaal, in waxan Booliska la yidha, gurigaaga
uun dumin doonaan, inankaagii iyo aabihiisna kala kaxayn doonaan.
Markaas, kilaabtaas adigoon u yeedhin ayaa la qaatay.

Kuma lihi dil iyo saxariir ku noolow, laakiin isku day boqqolkiiba boqol
sidii aad kaalintaada uga soo bixi lahayd. Haddii ay xaaladdu dhaami
weydo sidan, markaas waxan arkaa uun in aad nabedgelyeyso ninka, taasoo
runtii dhibaato xoog leh u keeni doonta ilmaha yar.
Bal isku day waanada Bashir Ali ku siiyay iyadana. Isku day inaad hesho
wax qaraabo ah ama saaxiibayaal idin dhexdhexaadiya.

Waxan kuugu mahadinayaa sida geesinimada leh ee aad u soo hordhigtay
arrintaada walaalahaga Somaliyeed. Bi idmi Allah, kheyr ayaadin ku
dhammeyn is afgaran waagaasi gurigaaga dhexyaal.


Nabadgelyo,
M.Abib

bashir ali

unread,
Oct 8, 1997, 3:00:00 AM10/8/97
to

faisal hassan wrote:

> Waad khaldantay maxaa yeelay ayan shire, waxa ay ina waydiisay talo. Waxa
> ayna u baahan tahay talo, ee uma baahna in ay raadiso tolka jacaykeeda,
> aabaha wiilkeeda. Waxa jeceshay isaga, markaa waxa ay u baahan tahay talo.
> Waxa ku wareegtay la hadal tolkii oo raadi garaabadiis.
> Waxa jeceshay isaga, markaa waxa ay u baahan tahay talo.
> Waxa ku wareegtay la hadal tolkii oo raadi garaabadiis. War iyaadan ogayn
> in aynaan guursan qabiill ee ay guursatay qofka; jacaylkeeda.


Tolka ninka qaba Ayaan wuxuu noqon karaa mid ay Ayaan
katirsan tahay.

Haddii tolka Ayaan iyo midka ninkeeda ay ahayn kuwa aan
isku mid ahayn, waxaa isu keenaya waxyaabo badan.

Wiilka ay dhashay Ayaan iyo ninka ayada qabo ayaa
isku keeni kara labada reerba.

Sidaas daraateed, Ayaan iyo ninka qaba iyada waxay
labadaba u baahanyihiin reerahooda ama qoyskooda
sidii ay u dhexgili lahaayeed arinkan haysta Ayaan
iyo wiilka ay dhashay.


> > Taladayda waxay ahayd in Ayan an uyeerto ama
> > isku keento qoyska uu ka dhashay ninka iyo qoyska
> > ay iyada ka dhalatay sidii wax loo xalinlahaa.

> Dhibaatadu ma'aha qoyskeeda, ee waa Odaygeeda. Maxaa kula talisay iyadda.
> Hadii ay doonayso iyada ayaa raadin tolkeed, haddii ay u baahato. Adigu
> maxaad ugala talisay?


> > Qalad uma arko aniga in qoyska ninka iyo midka Ayaan
> > ay isku imaadaan anyana xaliyaan arinkaan, maxaa yeelay
> > diinteena iyo dhaqankeena, labadaba waxay na farayaan in
> > arimahaas ookale lugu dhameeyo labada reer ayka wada
> > dhasheen ninka iyo xaaskiis.


> Aniguba taas kama aan soo horjeedo. Laakiin, Dhibaatadu waxa ay haysaa
> Ayaan Shire ee ma'ay hayso tol iyo qaraabo!!!!!!

Dhibaada waxay haysataa Ayaan iyo wiilka ay dhashay
waxayna qusaysaa arinkaa labada reerba.

Labda reer cid uga wanaagsan oo xalinkara
arinkaasna majiro haddiii ay Ayaan iyo ninka
qaba ay xalin u waayeen dhibaatada uu keeno
ninka qaba Ayaan.

> 1. Do nothing Vs 2. Do something

Faysal, mar waxaad ku talisay in ay Ayaan
waxba samayn oo ay u dulqaadato feerka
ku dhaca(do nothing), marna waxaad ku
talisay in ay isaga tagto ninka iyada
qaba(do something.!!!

Waxaad qortay sidan:

"In aad iskala joogtid oo aad u dulgaadatid dilidiisa
joogtada ah oo aad ka cabatay. Maxaa yeelay, waa wax baas
oo uu bartay in uu dilaa xaaskiisa. Mana uu bedelmayo!
U dulgaado oo iskala joog oo waxba ha samayn"

Iyo sidan:

"Ma'aha qof aad la noolaan karto ee iskag tag"


Faysal, waxaan u malaynaayaa haddii talo loo baahan
yahay in ay adiga taas kugu waajibto.

Maxaa yeeley, waxaad kala garan la'dahay in
ay figradahaada ay yihiin kuwa is khilaafsan
iyo in kale.!!!

Sidaas daraateed, waxaan kugula talin lahaa in aa
figradahaada ay noqdaan kuwa aan iskhilaafin siiba
markii aad rabto in aa qofkale aad waano u soo
jeedisid.

Bashir.


Bashir.

Mohamoud

unread,
Oct 9, 1997, 3:00:00 AM10/9/97
to

In article <61gocf$13h2$1...@news.goodnet.com>, Mahmoud says...

>Walaal Ayan,

>Minfadlag, bal si faahfaasan noogu sheeg waxa keena ama bilaaba "is af
>dhaafka" adiga iyo ninkaaga ka dhex dhasha.
>1) Ma xag dhaqaala?
>2) Ma khamri iyo mukhaadaraad xaggaaga/xaggiisa ka jira?
>3) Ma masayr iyo nin/naag kale ayaa reerkiinna faraha soo geliyay?
>4) Ma qaraabo aan jecleyn guurkiinna ayaa idin soo fara geliyay?
>5) Ma jaceylkii aad isku qabteen ayaa naaqusay?
>6) Ma adiga (Ayan) ayaan kaalin hiil iyo hooba siinayn ninkaagii,
> oo isago maalintii oo dhan shaqo cabiid ah ku maqnaa, markuu ka soo
> rawaxay shaqadii, yimid gurigii oo aan dheri dab la saarin - markuu
> weydiistay koob shaahana, loo tilmaamay mesha shaaha laga helo
> (kitchen)iyo microwavekii?

Mr. Abib;

Markii aan akhriyey Su'aalahan aad halkan ku soo qortey Waxaa igu soo
dhacdey Sheekh Saalah waxyaabihii uu sameyn jirey. Sheekh saalah wuxuu
ahaa ninka dadka isku mehriya oo Xaas ma uunan qabin. Maalin baa waxa
u yimid gabar cabanaysa oo ka cabanaysa ninkeeda Markaas ayu inantii
warsaday Su'aalaha aad kor ku xustay qaar ka mid ah kuwo lamid ah.
Markii ay jawaabta siisey islmarkiiba wuxuu ku yiri inanta iska "fur"
ninkan nafta kuu keenay. Gabartii hadalkii sheekh saalah bay khaadatey
oo isagii ayaa kala furay ninkii iyo naagtiisaba. Sheekh Salah waa sidii
uu rabey. Maalintii danbe gabartii ayuu u tagey markaas ayuu ku yiri
ka waran gabaryahay haddaan "isku weyso dhawrano" ama micnaha kale " is
guursano" Gabartii waxay ugu jawaaabtey sheekh Saalah waxaba kama qabo
Meeshaas ayuu Sheekh Salah Xaas ku helay. Haddalkan guntiisa waxa waaye
waa maxay sababta aad u warsaneysid su'aalahan faraha badan gabarta?
Haddii uu qof ku warsado sababta aad xaaskaada u furtay mise kula tahay
inay su'aal wanaagsan tahay?

>Waxay ila tahay, inta aan lagu siin wax waano ah, in la ogaado waxa is
>afgrad waaga keena. Ogowna walaal, in waxan Booliska la yidha, gurigaaga
>uun dumin doonaan, inankaagii iyo aabihiisna kala kaxayn doonaan.
>Markaas, kilaabtaas adigoon u yeedhin ayaa la qaatay.


Waan akhriyey khaybtii kale ee aad "baraako Cadow" kaga hadleysay. Taasi
waad ku qaldan tahay in aad is bar bar dhigtid community leh xuriyad sida
"lesbian and Guys" wadankan USA iyo community waxyaabahaas ka soo horjeeda
oo Muslimiin ah. Middeda kale talo sii ma xuma laakin Talloyinka sarbeebta
ah iska jir.

>Nabadgelyo,
>M.Abib

-----------------...@usa.net-----------------------------------

Yaa Salaam
Dr. Mohamoud
University of Santa at Wyoming State

Ayaan Ismaaciil

unread,
Oct 10, 1997, 3:00:00 AM10/10/97
to

Ayan Sudi <ashi...@hotmail.com> wrote in article
<343A7E...@hotmail.com>... Hello Somali-weyn

Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.

Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana

rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.

Ayaan Shire.

Salaama Calaykum.

Sister in Tawhid.

Walaal Ayaan, marka ugu horeysa iga gudoon salaan walaalnimo, waxaan kale
oo aan aad u caloolyoobay una walbahaaray, markii aan arkay magacaaga,
waayo waxaa la i yiraahdaa anigana Ayaan, inkasta oo gabadh walba oo
Muslim ah oo dhibaato haysato aan ka naxo, jidhkuna ii damqaddo, hadana
dadku marka ay isku magaca yihiin waa xaalad aad u sii xag jirta. Waxaa
muuqata in dad badani ay ku soo siiyeen talooyin wanaagsan, marka anigana
waxaan door biday inaan kaaga soo boxo dhanklii walaalnimo ee aad iga
sugaysay. Waxaad tahay qof aad u wanaagsan oo aan la heli karin, maadaama
aad ku fekeraysid amase aad ku fekertay in wiilkaaga aabihiis aadan
ciidanka ugu yeedhin, anigana arintaa waan kugu raacsanahay, sabata oo ah
gaalo xal ma hayso ee xalku wuxuu ku jiraa talada walaalkaaga muslimka ah
oo diinta waafaqsan. Waxaad walaal Ayaaneey aad ogaataa in haddii
ninkaaga aad ciidanka ugu yeedhid in aanay ahayn mid xal keenaysa, waana
mid aan ku kordhinayo figradaadii ahayd in aadan ciidanka ku degdegin.
Waxaan walaal kugula talinayaa arrimaha soo socda:

A - In inaad iska joojisid waxyaalaha keenaya in gacan la isu qaado,
adigoo isku deyaya in aad ninkaaga ula dhaqantid sida ugu haboon ee uu
ninkaagu jecelyahay, aadna u aragtid in ay keenayso maslaxad iyo in aad
isu soo dhowaataan. B - In aad marwalba oo uu guriga soo galo ku
bilowdid hadal naxariis leh, tusaale ahaan marka uu daalan yahay oo aad
ku tiraahdid Walaal, Xabiibi, iyo erayba erayga uu ka macaan yahay. C -
In marka aad aragtid in hadalkiisu soo kululaanayo, in aad adigu ka
roonaatid oo aad is dejisid, adigoo isku deyaya in hadalka adiga iyo
ninkaaga idin dhex-maraya aanu marnaba keenin in la is dilo ama la is
dagaalo ee ay muhiim tahay in si fiican la isu fahmo, adigoo ogaanaya in
bini-aadanku wax ku leeyahay hadalka qabow iyo maslaxadda, dagaalka iyo
hadalka xumina uu yahay kan na keenay qurbaha, sida diinta Islaamka ah ku
cadna hadalka wanaagsani waa sadaqad aad la baxday. D - Haddii walaal
Ayaaneey, anigoo rajeynaya in ay intaasi tahay inta khayrku ku jiro, ay
anfici waydo ninkaaga, amaseba uu isku beddeli waayo, waxaan kugula talin
lahaa in aad samaysid arimaha soo socda:-

* Raadi walaalo islaam ah, oo idiin nasteexeeya labadiinaba, idiina
sheega xaqa aad isku leedihiin, ninkaagana tusiya in aanu xaq darro kugu
dili karin.

* Haddii uu maqli waayo walaalahaas khayrkiisa ka talinaya, waxaad la
xiriirtaa culimo Islaam ah oo xukunka ay diintu qabto ninkaaga ku qaada.

Walaal, waxaan Allaha awooda leh idiinka baryayaa in uu labadiinaba isu
kiin sakhiro, siiba ninkaaga waxaan kugula talin lahaa in aad xagga
diinta u soo jiidid.

Waxaan kaa codsanayaa in haddi hadaladayda ay khalad kuuqu muuqdaan,
amaseba aad raali ka noqon waydid, in aad iska kay cafidid, waxaadna
ogaataa talooyinkan aan ku siiyay waa figradayda ee ma aha Aayaddo
Qur'aan ah.

Khayr baan kuu rajeynayaa.

Your sister in Islam.

Ayaan Ismaaciil Cabdalle
E-mail address:- la...@hotmail.com

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet

faisal hassan

unread,
Oct 10, 1997, 3:00:00 AM10/10/97
to


On Wed, 8 Oct 1997, bashir ali wrote:


> Waxaad qortay sidan:
> "In aad iskala joogtid oo aad u dulgaadatid dilidiisa
> joogtada ah oo aad ka cabatay. Maxaa yeelay, waa wax baas
> oo uu bartay in uu dilaa xaaskiisa. Mana uu bedelmayo!
> U dulgaado oo iskala joog oo waxba ha samayn"
> Iyo sidan:
> "Ma'aha qof aad la noolaan karto ee iskag tag"

--


> Faysal, waxaan u malaynaayaa haddii talo loo baahan
> yahay in ay adiga taas kugu waajibto.

--

Bashiir,

Aniga iyo adiga waxa aynu ku kala duwanahay laba siyood.

Adigu waxa aan ku taliyay in labo siyood midkood ay yeesho. Iyadda ayaa
dhibaato ay haysaa! Waa in la tusaa waxyaabaha ay u baahan tahay in ay
samayso. Iyadda ayaa go'aan gaari, taladaad uun sii!
Nabad
Faysal Xasan


Mohamed Issa Warfa

unread,
Oct 15, 1997, 3:00:00 AM10/15/97
to ashi...@hotmail.com

Ayaan adiga oo kumahadsan taladaad na-soo weydiisay, haddana waxaa dhacda
mararka qaarkood dad badani ay dad weynaha usoo bandhigaan su'aalo aan
markaa ayaka haysan lakiin ayku baarayaan fikradaha guud ee dadku ka-qabo
haddii arintaasu dhacdo, ama aad ogtahay gabar saaxiibtaa ah oo
arimahaasi haystaan. Xaalku si kastaba ha noqdee haddii arintaasi ku
haysato xal waa loo helikaraa, haddii sidhab ah loo dhexgalo ama loo
dhageysto waxaad ku dirirtaan.

Warbixinta aad hadda nasiisayna dhoqsadiiba go'aan lagama gaari karo;
waayo waxaa layiri qofkii aan xaajada wax ka ogeyn indhaha ayuu faraha
ka-galiyaa!!! laakiin waxaan isku dayeynaa inaan wax kaa dhahno intaad
noo sheegtay:

1. Dadku ama ragu waa kala abuuris duwan yihiin, qaarbaa u dhasha camal
xume, dagaal badene, naag u dare, dilaa IWM, ayakoo sidaa u dhashay ayey
haddana reerkooda iyo caruurtoodaba korsadaan naagtana ugu awlaad
dhameeyaan; laga yaabee inuu waxkale kufiican yahay inkasta oo aadan
adigu noosheegin, sidaas darteed arinta kowaad waxaan ku oran lahaa ogow
bini aadan meelkasta ka dhan majiro, haddaad odorosaysay qofku marba
haduu canada joogo waa inuu noqdaa Mr. perfect taas iska ilow xasuusana
waano abuuris ayaa ka horeysay.

2. Tan labaad dhaqamada somalida qaar ama qabiilooyin ayaaba aaminsan ama
dhaqan u tahay haddaan naagta ladilin lama jecla! ayadana baar bal in
ninkaagu katirsan yahay dhaqankaas oo uu dagaalkaba kugu koolkoolinayo.

3. Tan seddexaad marka qaarkood khilaafka ninka iyo naagta wada jooga
kama yimaado dabeecad xumo kaliya, ee waxaa dhacda in labada qof midkood
haysato dhibaato ugaar ah sida: inuu xanuunsan yahay, inuusan ku
faraxsaneyn xiriirka ama galmoodka ka dhaxeeya labada qof, inuu rabo inuu
abuurto ama yeesho xaaskale oo dhibaatada uu ku hayo qofka lanool ay
tahay kas iyo maag, marka waxaan kugula talin lahaa ra'yigayga haddii
waxa ku hayaa dhab yihiin inaad arimahaan aan kor ku sheegay aad baarto
si aad u ogaato in dhibta ku haysa wax xiriira laleeyihiin arimahaan kor
ku xusun.

Nabad gely --- Moxamed Warfa


Hassan Mohamed

unread,
Oct 16, 1997, 3:00:00 AM10/16/97
to

Ayaan Ismaaciil (la...@sn.no) wrote:
> Ayan Sudi <ashi...@hotmail.com> wrote in article
> <343A7E...@hotmail.com>... Hello Somali-weyn

> Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
> xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
> Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
> oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
> rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
> waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.

> Ayaan Shire.

Wallaal ayaan Shire,

Sheekadani ma dhabaa?, balse haddii ay dhab tahay mid baan ku odhan lahaa,
raallina iga ahow haddii uu hadalkaygu qalafsanaado: Ninkaaa isaga ah ee
ku qabaa waa qasaare, "LOOSER", hana ku raagine ka tag.

Mid kalena waxaan ku odhan odhan lahaa soomaalida ayaa waxay ku
maadmaahdaa "ALLA MAXAY NAAGO NIMAAN NIN AHAYN NIN KA DHIGAAN", waxaad
yeelaysaa ku day SABAALO, oo hadduu kasoo rayn waayo ku day LUUJIMO oo
hadduu ka soo rayn waayo ku day MESSAGE , haddii taasina ay shaqayn waydo
KA TAG WAA QORQODE.

Hassan Mohamed

Qassim

unread,
Oct 18, 1997, 3:00:00 AM10/18/97
to

Dear Ayan,

Waxaan rabaa intaanan horta kaaga jawaabin su'aashaada in aan kuweydiiyo
labo su'aalood. Tan koowaad oo ah ma waadan ku lahay Saaxiibo iyo Family
aad wax u sheegatid in Canada?, anigoo ah gabar aad marna diinta marna
dhalashada Soomaaliyeed aad walaalo kutihiin waxaan ka xumaadey in ay
Soomaali oo dhan ogaato private life-kaaga. Tan labaadna waxay tahay ilaa
iyo xadkee baad ninkaaga jeceshahay?, haddii aadan ka maarmin waa gooni
haddii kalese waxaan aniga kugula talin lahaa in aad adiga ka guurtid
intaad police ugu yeeri lahayd waayo dhaqan uma lihin in police laisugu
yeero laakinse waxaan naqaana gabar ninka ka caroota oo ka guurta. NIN
GACAN KUU QAADA MAR-KASTA WAX LALA NOOLAADO MA AHA.

--
SOMALIAN
qas...@cns.net.au

Mohamud Mohamed Sheikh

unread,
Nov 2, 1997, 3:00:00 AM11/2/97
to


> Ayan Sudi <ashi...@hotmail.com> wrote in article
> <343A7E...@hotmail.com>... Hello Somali-weyn
>
> Waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo degan magaalada Toronto, waxaan ahay
> xaas waxaanan haystaa wiil labo jir ah.
> Waxaa mar walbo dhacdo in aan is af dhaafno aniga iyo ninkeyga, markasta
> oo aay taa dhacdana waxaa ka soo horeeya gacanta oo wuu i dilaa, mana
> rabo in aan boliiska ugu yeero wiilkeyga aabihiis, marka Soomaali-weyn
> waxaan idiinkaga baahanahay talo ee maxaan sameeyaa.
>
> Ayaan Shire.
> Salaama Calaykum.

WCKS.SIS.

Walaal waxaan ahay wiil soomaliyeed oo kugula nool Ontario
waxaan leeyahay xaas sidaadookale waxaana leeyahay 4 caruura
waligaynah xaaskayga dil skadaaye eray xun ma dhihin ooy dhibsato.
Walaal arintaada aad iyo aad yaan uga naxay runtii mana jeclayn
in aan halkaan wax kuqoro laakiin arintaada waan ka aamusikariwaayey
marka here ilaahay arintaada ha xaliyo isagaa awoodee teeda kale
diinta islaamku maqabto in ninku naagtiisa dilo sikasta hakutimaadee
waxaan si adag kuugu raacsanahay in aadan arintiina aadan marna ugu
yeerin boliis laakiin waxaa jira xalal badan oo diinta islaamku qabto
marka arintaasoo kale ay dhacdo dadka diinta yaqaana kaltasho sidagan.

Waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa talooyin aaan ufilayo in ay
arintaada kaacaawin dooto.

Dadka arintaasi qabsato waxaa sal u ah dhowr arimood
1- wadahadalkiina oo aad uyar mark aan dagaal jirin ee caadiga aad tihiin
taas oo keenta markii xanaaq yimaado indagaal yimaado ileen ma wada hadli
kartaaneh.
2- kaftan la aan taas oo kaadifaaci lahayd ayadoon xanaaq imaan in aad
arintiina kaftan kudhamaysatiin micnihii waxa aad tabanaysid
in aad ku gudbiso wajikale oon xanaaq keenayn.
3- wixii hory udhacay oodan dib uxasuusn taas oo kaa joojinaysa xanaaqa
faraha badan tusaale ahaan hadii aad xanaaqdid 40% eed kiihore na soo
xasuusatid 40% waxa uu kugaarsiinayaa 80% markaas waxaa iman kara in
aad kuhadashid erayo aadan koontorooli karin kadibna dagaal yimaado
arintaani dumarka oodhan yaa qaba wax ma ilaabaan weligood.
4- masuuliyada oo qofba qof saaro taas oo keenta in qofku isyiraahdo
markii qalad yimaado qofka kale xilkiisii ma fulin runtii
waxaa la rabaa in aad isi saardid masuuliyada oo dhan si markii
qalad yimaado aadan cidkale u eeday asaguna sidoo kale taasi waxaa
lamida caruurta maalinkasta qalad yeey smeeyaan lagulamana kala dinto
sababtoo ah waxa lagasugayaa yaraa adinkana sidookale hadii aadnan
gurigiin aad nan u istaagi yaa banaanka idinkaga imaan.
5- samir iyo tixgalin la aan waxaa larabaa in aad ninkaaga aad u
ogalaatid qaladaad aadan kaqaadatee dadkale samir aadan u samirteen
dadkakale waayo waaninkaagii ama xaaskaagii taas oo keni karta wax
yaabaha yaryar oo is qabadka keena in aan laga wadahadlin.


ugudambayntii talooyinka aan filay in ay ku anfacayaa kuma soo
koobikaro halkaan inta aan kor kusoo sheegay iskuday una sheeg ninkaaga
marlabaad arintiina alaha toosiyo.

nabaadiina SIS.

Abdi Daud

unread,
Nov 4, 1997, 3:00:00 AM11/4/97
to

>On Nov 2 1997,Mohamud Mohamed Sheikh <moh...@server.uwindsor.ca> writes:

> .....teeda kale diinta islaamku maqabto in ninku naagtiisa dilo > sikasta
hakutimaadee....

Brother Mohamud,

Assalamu Alaikum

I was silent while the debate over this cry was raging a little while ago in
the SCS forum, but what make me to follow this dying subject is your above
strong assertion. Before I and others jump into this assertion you made,
could please clearify islamically what kind of rights Allah gives husband to
correct and discipline the error of the wife.

From there we can lay a lot meaning and fundamentals that were lost in the
course of passion..

Ina Da'ud

0 new messages