Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Love: Somali & Western Style

82 views
Skip to first unread message

Hassan Mohamed

unread,
Jun 19, 1996, 3:00:00 AM6/19/96
to

Ninba sibay la tahay ama uu wax umaqlay. Anigu rag waaweyn waxaan ka maqlay
Jacaylku waa "kacsi" raagey.

H. Mohamed


J. Gabobe

unread,
Jun 22, 1996, 3:00:00 AM6/22/96
to Hassan Mohamed

Dear H. Mohammed: I could not tell if you were serious or joking, but for
the sake of argument I'm going to assume you were serious.Obviously, those
elders did not tell you the whole story, for although sexual desire is
often a part of the experience of love, it's not all there is to it. Cilmi
Bodhari's case is a good example, for when his kinsmen pressured him into
marrying the Arab woman Fakhira thinking that this would make him forget
about his love for Hodan, not only it did not work as planned, but the
reverse happened. Instead of forgetting Hodan, he would often forget
Fakhira's name and call her Hodan, which was one of the reasons their
brief marriage failed.

Your comment also brings to mind the case of Bani Udhra, an ancient Arab
tribe who has produced more lovers who died of love than any tribe in
Arabia, and whose name became synonymous with Platonic love (al-xub
al-cudhri). One of them was once asked why so many of them fell in love
and died of it than any other Arab tribe. He replied it's because,
"nisauna ajmal nisa al-carab, wa rijaluna acaffu rijalaha (our women are
the most beautiful among Arabs, and our men the most chaste.)
Jamal

Mohamed Omer

unread,
Jun 24, 1996, 3:00:00 AM6/24/96
to

H. Mohamed,

Actually I think the two are different. " Kacsi" is what takes one to a
brothel. "Loves" is what takes one to a marriage. At least this could be
true from Somali culture perspective, granted one is indulging in the
forbidden sin, adultery....MACSI SINO.


Here in the babilon, it is a whole different game. Femenists think there
is no difference between the "wife" and the "hooker". Only, that the
"wife" is hired for longer term than one the nighter or hour or minutes..
"hooker". The limiting factor is the dollar, they argue. And never dare
to ask about *children*. It will lead into more rage ..... and a lot of
absurd terminology like " the baby factory and incubator". And then,
there is their men and men, women and women clandestine. Well, let us not
get into that.

Thank Allah, we are from the Horn.

Mohamed Omer.

>
>


faisal ahmed hassan

unread,
Jun 27, 1996, 3:00:00 AM6/27/96
to

on 19 Jun 1996, Hassan mohammed wrote:
>Ninba sibay la tahay ama uu wax umaqlay. Anigu Rag waaweyn waxaan ka
maqlay jacaylku waa "Kacsi" raagay.


Dear H. Mohamed:

Waa runtaa marka hore. Qofba/Shaqsi si wax u arag. waxa aad tidhi
jacaylku waa "Kacsi" raagay? Markaa Kacsi raagay ma loo dhintaa? Barigii
hore Ragbaa iyagoon Kacsi gaban Dhiman jiray! Tusaale ahaan, dhaqanka
Soomaaliyeed barigii hore: Waxa keliya Inan la kulmi jiray "waxa aan ula
jeedaa Quur" Inanka reerkoodu Xoolo leeyihiin....Waxa aan ka hadlayaa
"Geel" Berigaa "Kacsigu" muhiim ma'ayn! "Was-madu" waxa oo keliya oo ay
keliya oo ay ku koobnayd "Guursiga" waxa ayna u jeedadeedu ahayd In
"Caruur xalaala la dhalo" Gabadha laga bixinayo "geelana" waa in ay ka
dhalataa reer "Noble birth ah." "kacsi ama Wasmo" waxa keliya oo loo
yagaanay "GUUR" Horay ma u magashay "Hebel waa Guurdoon" Micnaheedu waxa
ay ahyad Hebel waa diyaar in uu Wasmo joogta ah uu helo.


"Kacsiga iyo Wasmaduna": waxa ay ahayd mid ceeb ah oo dadku aynaan ka
hadal. Ragu waxa ay la haayeen "cod" laakiin dumarkeenu waa la dulmin
jiray "xagooda" iyo kacsigooda oo looma arki jirin mid muhiim ah...waxa
ay ahayd tan raga oo keliya. Mid waan kugu raacsanahay in "kacsigu uu
yahay jacayl "Love" wasmo. Wakhtigan Xaadirka ah... Bulshada Soomaaliyeed
waxa aan u malaynayaa in aynaan ku noolayn..."CILmi Jaahili" waa muhiim
in "kacsiga iyo Wasmadaba si fiican looga hadlaa...si Dumarka iyo Raga
Soomaliyeed ay u ogaadaan runta...RagANimada/Dumarnimada....

Berigii hore..waxa la inoo sheegay in dadku ay u dhintaa "Jacaylka"
laakiin waxa aynu maanta ognahay in cidna u dhiman jacayl....jacaylkuna
waa "barasho" wasmo waa la bartaa....laguma dhasho...

Anigu ma'aan ihi arday....baadigooba Nolosha "CIlmi Boodheri" laakiin dad
badan ayaa aaminsan in uu Cilmi u dhitay "jacayl- wasma Jacayl" Anigu taa
ma'aan aaminsani-waxa ay ila tahay in uu u dhintay "TB" taasoo
sababtay...Raashin la'aan. Markaa waxa kalE oo dhici karta in aad ka
heshid Qabadh.....oo aad xiisiinaysid sheekadeeda IYO ARGTIDEEDA TAANA
WAXA LA YIRAAHDAA "JACAYL" NINBA SI U ARAG JACAYL.
NABAD
FAISAL.

Abdullahi Abukar

unread,
Jun 30, 1996, 3:00:00 AM6/30/96
to

Ku Hassan Mohamed iyo Faisal

Soomaalida oo aan caashaqa iyo dhibaatadiisa ka hadlin aawadeed bay
dhallintu u soo daawasho tagi jirtay Cilmi Boodhari si ay ugu maadsadaan.
Xaaladdu wax badan kama duwanayn sidaad haatan golahan ugaga doodaysaan in
caashaqii Boodhari ahaa mid uu kaga bi'i karo haddii uu haweenay kale heli
lahaa, hase ahaatee waxay ila tahay in aydaan wax fikrad ah ka haysan waxa
jacaylka uu yahay. Waa tii uu mar Boodhari yiri

....
Soomaalidaa caado xume iguma caydeene
Oo ima canaanteen sidaan cood ka iibsadaye
....
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
.....


Mar kalena waa kii yiri, markii ay inta habluhu casuumeen iyagoo si weyn
ugu dadaalay in ay soo
jiitaan oo illowsiiyaan gabadhii uu calmaday,

Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanja naagoode
Hayeeshee qaraan bayga galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinayey baad qac iga siiseene
....

Haddaba sida ka cad noloshii Cilmi Boodhari, jacaylka dhabta ihi waa mid
aad uga fog dareen jireed (physical attraction) oo dhammaad iyo bilowba
leh. Haddii fikradda aad jacaylkaba ka haysataan ay sidaa u kooban tahay,
waa la idiin yaabaa.

Nabadey,

Cabdullaahi Abuukar.

Hassan Mohamed (hmoh...@chat.carleton.ca) wrote:

: Ninba sibay la tahay ama uu wax umaqlay. Anigu rag waaweyn waxaan ka maqlay

Wacays

unread,
Jul 2, 1996, 3:00:00 AM7/2/96
to

Mudane Abdullahi Abuukar;


>Abdullahi Abukar wrote:

> Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanja naagoode
> Hayeeshee qaraan bayga galay qalay naftaydiiye
> Idinkuna halkii qoomanayd baad i qabateene
> Qalbigaan bogsiinayey baad qac iga siiseene
> ....

Qeybtii u macaaneyd gabayga ayaad ka tagtay.... Hablo ayaa loogu soo dooray quruxdooda
iyo qaayahooda, ayaa cilmi lagu yiri mid ka dooro jacaylkuba ha kaaga baxee. Maxay ka og
yihiin jacayl iyo diiraduu u sito ruuxay qabato oo qura, ruuxaasoo wadnaha jacaylqabka
dhex fariista, la jeclaaduhuna uusan war u hayn, lax dhukan col iyo abaarba mood.
Muxuuba kala doortaa waa qof meel u cadahay meelu ka madoow, qosoldab iyo
gol-dabcisba(gol waxaa la yiraa meesha mayraxda lagu guro, gollin) waa lay sugu soo duba
riday si lagu soo dabo.

Aniguba qardhaan soo arkiyo qaaraarkii hodane
Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaribteene
Inaan Eebahey idin qaribin qariya laabtiina (Goshiina)

Ragbaa ku leh Jacaylkuba waa K. raagay, isma oran! oo muu mid kuwa qosolkaa yar yar qix
qix daa guraya isku luqun jibaaro, waxani halkaaba ha ku hareene. Jacayl waxaan ahayn
Cilmi umuusan dhiman. Aftahanimadiisa ayaa dadka kale ka duway, oo jabkiisa intuusan
iloobin buu gabay la gaari jiray, jacaylku intaa hoosta ayuu dadka ka guri jiray,
iyadoon cidina ogaan, iminkadaa mid ayaa i saaqaya..... suga..

haa waa Jacayl, Nacayb ayaa isna jira wuxuuna kuna dhaca kuwa jacaylka beeniya.

Haddii aan Jacayl jirin, adduunyadu ma joogteen... Jaalalleey ha jaba...

Salaama.
Wacays.

Ahmed Ahmed Jacayl

unread,
Jul 3, 1996, 3:00:00 AM7/3/96
to

Abdullahi Abukar (cc...@torfree.net) writes:
> Ku Hassan Mohamed iyo Faisal
>

> Haddaba sida ka cad noloshii Cilmi Boodhari, jacaylka dhabta ihi waa mid
> aad uga fog dareen jireed (physical attraction) oo dhammaad iyo bilowba
> leh. Haddii fikradda aad jacaylkaba ka haysataan ay sidaa u kooban tahay,
> waa la idiin yaabaa.
>

> Cabdullaahi Abuukar.
>
> Hassan Mohamed (hmoh...@chat.carleton.ca) wrote:
>
> : Ninba sibay la tahay ama uu wax umaqlay. Anigu rag waaweyn waxaan ka maqlay
> : Jacaylku waa "kacsi" raagey.
>
> : H. Mohamed
>

Dadka midba si u aragye wax aan u malaynayaa in uu jacaylka yahay wax
ka dunan arinta ad kor ku xustay Xaqiidii jacylku ma aha Reemis raagay ee waa
Doonis Xaddhaafa. Hadii aan ku saxo wax noqonaya Reemis raagay Guurka waayo
marka uu ku qabto goor aan habeen iyo dharaar midana ahayn baad daydaydaa tii
markaasbaad ku waalataa waan guursanayaa waanguursanayaa markaa kaasi baa
ah kaad sheegayso, Reemis Raagay! Waana cudurka Wadaadad ku dhaca markaa
wax aan u malaynayaa wadaado ayaa kugu yiri!.
--
____________________________________________________________________________
*It is your love, that I am looking for, It is my look,that you running from*
I don't want, I don't want wait in vain. By the man, Bob Marley, /\/\/\/\
Haddii aan jacayl jirin jaar lama ahaadee, (^!^)(~!~)

Abdullahi Abukar

unread,
Jul 4, 1996, 3:00:00 AM7/4/96
to

Wacays Baashe ayaa wuxuu qoray:

......

Jacayl waxaan ahayn
: Cilmi umuusan dhiman. Aftahanimadiisa ayaa dadka kale ka duway, oo

: jabkiisa int uusan iloobin buu gabay la gaari jiray, jacaylku intaa hoosta
: ayuu dadka ka guri jira y, iyadoon cidina ogaan, iminkadaa mid ayaa i


: saaqaya..... suga.. haa waa Jacayl, Nacayb ayaa isna jira wuxuuna kuna
: dhaca kuwa jacaylka beeniya.


Salaamaad Wacaysow:

Ma saxansaxaa la sugayaa?
Ma saamaleylkaad kacdaa?
Wadne ay fallaari surantiyo
Ma sawiraad aragtaa?
Sidee heedhe laguu saaqay?
Bal soo daa warkaagana !


: Qeybtii u macaaneyd gabayga ayaad ka tagtay.... Hablo ayaa loogu soo
: dooray qur uxdooda iyo qaayahooda, ayaa cilmi lagu yiri mid ka dooro
: jacaylkuba ha kaaga baxee. Ma xay ka og yihiin jacayl iyo diiraduu u sito
: ruuxay qabato oo qura, ruuxaasoo wadnaha jaca ylqabka dhex fariista, la


: jeclaaduhuna uusan war u hayn, lax dhukan col iyo abaarba moo d.

Saaxiib waan ka xumahay in aan sheekada idinku bar gooyey, hase ahaatee in
yar oo ka dambeysayna waa tan ee mucaashaqiintow muudsada macnaha iyo
macaanka.

Haddaba markii hablahii Cilmi soo loodin waayeen, ayay kama quusane waxay
isku dayeen in ay wax kala qabtaan Cilmi Boodhari jacaylkiisii. Maalin
kale ayey casumeen una soo bandhigeen in uu hablaha magaalada Berbera
jooga tii uu doono kala soo baxo, ballana waxay ku qaadeen in ay u
dhammayn doonaan. Tixdan soo socota ayuu kula hadlay isagoo aad u
tiiraanyeysan, hablihiina caloosha soo wada qaadday.

Luqun madoobe awrkuba markuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakimo badan laqanka xoolaha e
Hadba qaalmo laacdan ah hadduu luqun jibaadhoba
Lix intaanu jirin hadduu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bawdaduye
Anna laabta kama goynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liil dheere
Midnaay haysku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye!

Markaas baa ugu dambeysay in ay hablihaasi isku dayaan in ay Cilmi
ilowsiiyaan jacaylka Hodan, waanay u garaabeen oo aqoonsadeen in
jacaylkiisu uu yahay mid si dhab ah ugu lixaadsaday laabtiisii.

Labadan gabay ("Inaan eebahay idin qatalin..." iyo "Luqun madoobe
awrkuba...") waxaa ku cad oo aan u soo tixraacay in jacaylkii Boodhari uu
aad uga xeeldheeraa dareenka jireed (physical senses) ee ay dadka qaarkiis
u maleeyaan inuu jacaylkuba ku dhisan yahay. Haddii uu Cilmi Ismaaciil
doonayo, sahal buu dareenkaas jireed kaga kaaftoomi lahaa, marba haddii ay
jireen hablo kale oo Hodon gaara geyaankiisna ah. Waxayna u dhacaysaa
"makasta cishqiga" ee u geftay geesigii iyo halqabsigii jacaylka, iyo guud
ahaan mucaashaqiintaba markay ku hantaataceen jacaylku waa
K......raagay!!!. Waxaa hubaal ah inaanu weligood soo marin jacayl dhab
ah, noloshana malaha kuwaasi waabay ku habaabeen!

Nabadey,

Cabdullaahi Abuukar.


somal...@gmail.com

unread,
Oct 13, 2012, 12:23:04 PM10/13/12
to
0 new messages