Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Qaadka Gabay (Abshir Nuur Faarax)

3,073 views
Skip to first unread message

Mahad M. Abdi

unread,
Sep 29, 1997, 3:00:00 AM9/29/97
to

QAADKA (GABAY) Abshir nur Faarax (Bacadle)

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa'imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay
Nacalaana kugu yaal.


Fikradii Abshir Nur Faarax (Abshir Bacadle)

Waxaa ku deeqay Mahad M. Abdi

Mahmoud Abib

unread,
Sep 29, 1997, 3:00:00 AM9/29/97
to

Mahad,

Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay deeqdaas qiimaha leh ee aad nala
qaybsatay. Abshir, si wacan ayuu ugu kuur galay maan-dooriyahan qaadka la
yidha ee baabi'iyay ummaddeennii. Waxan rajeeynaya gabaygaasi inu
faa'iido u noqon doonno ragga cuna quud shaydaankaasi. I will certainly
fax this poem to my brothers in Hargeysa.

Inkasta oo aan, shakhsiyan, guud ahaan gabayga A+ siiyay, haddana waxan
aad u jeclaystay 17kan line:

>Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
>Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh>Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

>Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh>Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh

>Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh>Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh

>Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh>Qur'aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh

>Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh>Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh>Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow =
adigaa leh>Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh>Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh>Qoys laga dhixiyo qaaqla =
nimo qaadow adigaa leh>Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh>Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
>Nacalaana kugu yaal.
Waa ku taala. Bal eeg ayaddan Quraanka ah:

"O you who believe, intoxicants, and gambling, and altars,
and games of chance are abominations of the devil; you shall
avoid them, that you may succeed." 5:90

Indeed, Qaad, is very destructive intoxicant. Worse than alcohol in my
opinion.


Mahadsanid,
M.Abib


AMuhummed

unread,
Oct 3, 1997, 3:00:00 AM10/3/97
to

su'aal ninka gabaygan qorayoo adigu ma cuntaa??/?

Mahmoud Abib

unread,
Oct 5, 1997, 3:00:00 AM10/5/97
to

Ta...@webtv.net(Tahar) wrote:

<<Qaadka aan anigu cuno Quutul awliyaadiyo>>

Awliyow maxaad cuntaa? Ayaase awliyo ah?

<<Brothers,Let us not preach to each other about the presumed
harmful effects of Qaad,but let us celebrate what is good
about it.>>

Why don't you tell us what is good about it? No presumptions here.
It is a proven fact that Qaad is a drug that has an extremely
harmful effects on ones health and financial situations.

<<For example,compared to alcohol and illegal drugs,it doesn't
negatively affect neither the mental or the physical health of
the user.>>

Perhaps you should pay close attention to the previous poem from
Abshir. I think this man had studied this drug very carefully and
very intensively. Just look these few lines where he describe the
effects of Qaad on our mental and physical health:



Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh

Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh


Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh

Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh


Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh

<<Contrary to what nay sayers might say,Qaad makes Urational.>>

Allah describes intoxicants as beneficial BUT that their HARMFULNESS
outweighs their benefits, so stay away from them. Therefore we must
listen to Allah, and we must stay away from using these drugs
(e.g. Alcohol and qaad) if we are muslims. One may feel "rational"
at the high stage of intoxication, but what happens after those
few hours are over? Think about it.


Regards,
M.Abib

dheeg_yusuf

unread,
Oct 6, 1997, 3:00:00 AM10/6/97
to

In article <19971003023...@ladder02.news.aol.com>, amuh...@aol.com
says...


>
>su'aal ninka gabaygan "qorayoo" adigu ma cuntaa??/?

-------
PLEASE CAN YOU SEE WHAT IS WRONG WITH YOUR QUESTION,
IF YOU DON'T ,JUST LOOK AT THE UNDERLINED WARD.
MAY BE YOU ARE A" SOMALI ABOO!", BECAUSE YOU NEED A SPEALING
PROVEMENT OR EVEN YOU SHOULD HAVE TO READ THE SOMALI GRAMER BOOK
AS WELL.
DHEEG.

Habib Abdi

unread,
Oct 6, 1997, 3:00:00 AM10/6/97
to

This one was composed by a Somali tobacco chewer, circa 1900,

toombaakhda ninkii yaqaan baa qaata toban booce
taqsiinteeda keliyaa ka roon tumasho Baariise(France)
toban maayl nin kuu jiraa toos u aragtaaye
ku tiiri oo ku taag waa tacab kaa maqane

So, you see Mr. Tahar, anyone can glamorize an addictive and harmful substance of his/her choice.

Nabaadiino,
Habib
--
kddii
kkkdkk

abdiyare

unread,
Oct 6, 1997, 3:00:00 AM10/6/97
to

In arti

>So, you see Mr. Tahar, anyone can glamorize an addictive and harmful
>substance of his/her choice.
>
> Nabaadiino,
> Habib
>--
>kddii
>kkkdkk

dear habiib ,
I BET WHEN HE THOUGHT THE VERSES HE WAS CHEWING IT .

Waaywaayo

unread,
Oct 9, 1997, 3:00:00 AM10/9/97
to

Mohamoud Abiib
qaad xumaan iyo wanaagba nin gooyn karaya ayaa hela,
balwadaha kalena wuu ugu dhibaato yar yahay .
NINKA MAHAMUD ABIIB la yidhaahdee ee dhataq laha ah
waxaan odhan lahaa................
AMA LEG HAY
AMA LAAN HAY
AMA LUG HAY.
3daas midna ma haysid oo waxaad tahay WAXBA YAHAY.


Mahmoud Abib

unread,
Oct 9, 1997, 3:00:00 AM10/9/97
to

br...@FreeNet.Carleton.CA (Habib Abdi) wrote:

> toban maayl nin kuu jiraa toos u aragtaaye

Dear Habib,

That was a good one.


M.Abib

Habib Abdi

unread,
Oct 13, 1997, 3:00:00 AM10/13/97
to

Mahmoud Abib<eb7...@goodnet.Com.>writes:

Dear Habib,

That was good one.

Dear Abib,

That was, exactly, my reaction when I heard it for the first time.
Anyway, I am glad you enjoyed it, too.

0 new messages