Every Jaadwale can:
Resuscitate old British name and call it a government.
Pull out his "macaws" and try to dupe the world as if it is a flag.
However, when things get too close for comfort say, "war ha nagu
daalina...we declare war...we declare war." Of course, that is Egal, a
present-day Faqash who employs the same short-sighted tactics of a
government based on clan ideology and attempts to call non-Issaq country,
"[British] Somaliland Republic." Two tactics followed by his colonial
masters and the last regime; therefore, not much different from British
yesteryear's puppets or so-called Faqashs.
Then, as now, nothing changed, so it is understandable that the whole
"Somaliland" thing, as concept as well as name is egrigeoulsy offensive
and blast from the past. I suppose, I could say "the British are
coming!", "the British are coming...!" and wear "Duuubcad sida
Daraawiishtii." Good luck Egal!
With regards,
A. H. H. Hirad.
Hirad:
Egal has no say in what goes on in Dir and Daarood lands. He might as
well forget about other Isaaq lands for he has proven himself to be
"worse than any Dayuus". Some stupid posters, in a wishfull thinking,
spread lies for him, lies they know could not live up to the scrutiny of
six-year old kids.
There is no such thing as "Somaliland". We all know that there exist
clan lands in the north in which each clan is the ultimate sovereignty
of their future and fate. Egal as such could only speak for his own
people. "His own people"? Does this include all Isaaqs? I think not.
So now, here we go again, some of us crying foul when it comes to former
regimes' records on human rights, while in broad daylight glorifying the
horror acts of Egal, one of the last remains of colonial student body in
Somalia, and his cronies.
And by the way, Hirad, "Duubcad" need not get invloved this time for
this shallow shortsighted view of Egal and his followers will crumble
on its imaginary "heavy", but thin, weight.
The Udub.
Somaalidu waxay tiraahdaa "Runtu raga way ka nixisaa waxse ma
yeesho". Sida ay ila tahay run ayaad sheegtay, " Mr. Egal is worse than any
dyuus". Hadii aad u fiirsato sadexda degmo ee woqooyi u wayn (Hargaysa,
Berbera iyo Burco), waxay isu jiraan midiba in ka yar 200km. ina Egal
aqoon xumidiisa waxay siisay inuu dadkiisa iyo degmoyinkoda uu daryeelo
...........Burco oo 100km ujirta labada degmo ee kale uu maalin kasta
dhiigu daato, dadkii ku noolaana ay qaxoonti marlabaad ubaxeen, waxna
dhaawac yahay waxna xanuun dilay, .......Sidoo kale Mr. Caydiidna koonfur
ayuu qasayaa.
Habartii inan keeda wayday waxay tiri "Ala ayaan dariyee".
Ana waxaan idhi "Ala soomaaliye ayaan daranaa".
....Miyaa la owoodi kari waayey in xukunkooda la diido?
....Miyaa la awoodi kari waayey in ukun xaga danbe loo mariyo?
...maxaa qolo kastaaba garaca ka dhashay ay u taageertaa?
Wax soomaaliya la dhaho ama soomaliland ama dad soomaaliyeed
ma jiraan.....we are out of space.
--
FROM: UFO SOMALILAND...
Hirad waa lagu salaamay..............................
mudane adigoo lagugu tiriyo akhyaarta udubkeenna halkan soo
degay waxa habboon inaad kala-saarto qof, qabiil iyo degaan
marka aad dood ama aaraah soo gudbinayso.
Waxaad mooddaa beryahan dambe in haddii aynu doonayno(Soomaali
markaynu nahay) inaynu maagno shakhsi(Cigaal, tusaale ahaan)
in xangaruufada iyo dambaabidhadu sii jiidho degmo dhan oo
nabad usoo hoyatay.
Hirad waxaan qabaa doorashada calanka Somaliland, gaadhidda
go'aanka goosashada iyo meelaynta labada gole ee baarlamaanka
iyo guurtida ee Somaliland inaan midnaba Cigaal shaqo ku
lahayn jihayntoodii ee ciddii samaysay ay ahaayeen dad uun
u arkay dhiska qaabkan dan aan laga maarmayn.
Xilligii lagu dhawaaqay goosashada Somaliland Cigaal bidhaantiisu
kama dhowayn agagaarkaas, doorashadiisii loo doortay kursigana
sax iyo khalad tay doono ha-ahaatee, waxa go'aamiyay kuwii dhiska
Somaliland-na gooyay.
Waxay ila-tahay haddaad Cigaal diidantahay eryo oo Jidda iyo Jeesaan
dhaafi( waa haddii afka aad kaga ciilbeelayso, cadhada ku haysaa runtii
ma-hubo intay le'egtahaye), minfadlak laakiin shacbiweynaha kale ee
reer Somaliland haku jeexin sogsogta, xangaruufadana ka daa.
Ama go' bafta ah calan haka-dhigteen ama hadhuub-gaal astaan
haka-dhigteenne haddii shacbi/qabiil/qoys yidhaahdo halkaasaan
u baxaynaa shantayada salaadood ku tukanaynaa, nebigana ku saliyaynaa,
in la-yidhaahdo nala-hirdama oo bannaanka noogu soo baxa aniga
laygala wanaagsan.
Maxay Boosaaso uga baahantahay Soomaaliweyn ?...Waxba aniga aqoontay..
Ma ugu dudikaraa Majeerteenka Boosaaso jooga maamulkooda ay dhisteen ?
Maya ayay ila-tahay, wanaag iyo duco aynu kusii ladhno maahee hadday
labaxaan Boosaasoland anigu uun ugu calool-xumaanmaayo, sababtoo ah maxay
himiladii Soomaaliweyn ka-taransadeen ? xasuuqii Mudug, dibindaabyadii
ku dhacday Hiiraan taasay ka faa'iideen.
Hirad xuubka u dhexeeya Cigaal iyo calanka Somaliland waa mid aad
khafiif u ah, adigoo Hirad ahaan Cigaal shiidikara(dhagxanbaan kuusoo
dirayaa haddaad doonayso) anigana i dakhri-kara( Budh dhebi ah baan
kuu keenayaa aad igu dakhartide), iska jir inaad dilaaciso xuubkaas
khafiifka ah.
Calanku wuxuu huwanyahay qiimo Cigaal iyo Cige-ba ka durugsan.
Midda kale intaad qoladan calanka cusub sidata maanta arkayso ee ku
haysato, shalay markii roobka dhagxanta ahi ku da'ayay xaggaad jirtay ?
Duunyada fardood maalintaad, debec ku qaadaysay..
Sidii duul amxaara ah markaad, nagu dabraynaysay..
Intaad haatan ii labadubalayn, muu damqado jiidhku..
............Abwaankii weynaa Qamaan Bulxan(Silsiladdii Guba)
Si le'eg markii dumarka iyo dhallaanka Daarood Xamar lagu xasuuqayay
xaggee madaxweynaha jamhuuriyadda dimquraadiga Soomaaliyeed, madaxweyne
Sarreeye-Guuto Maxamed Faarax Caydiid ku maqnaa. Ma samaduu jiray oo waxa
loo soo dhiibayay waxyiga Soomaalieynta cusub ee uu hadda la baaxaadegayo..
Mise Soomaaliweynta Caydiid doonayay Daaroodku kuma jirin.
Waxaad mooddaa in maanta qabqablayaasha Soomaaliweyn uu ugu derejo
sarreeya Sarreeye-Guuto Caydiid, isagiina halkuu waxmarinaayo waynu
ka warhaynaa..
Iska daa Soomaaliweyn uu mideeyo oo, wuxuu maalinwalba rasaas ku googooyaa
haweenkii Sacad oo ka mudaharaadaya dagaalka sokeeye ee isaga iyo Caato
maaweelada ka dhiganayaan..................................................
Hiradow...Somaliland waxay maanta oo April 15 tahay sannadka 1995
saacadda 13.00pm GMT kusoo tidhi.....................
************** DERIS IYO WALAALNIMO ******************************
Diifbaan qabaayoo Dacdarriyo xannuuniyo
Daal igu fogaadoo Ku cidaadmay diirkoo
Lafahayga daxaliyo Sida maydhax daabacan
Beryo ugu daguugmaan Dawo iyo inaan baan
Bal u helo deydeyayaa Uma baahni doodiyo
Dirir iyo colaadiyo Duullaan waxjiidhee
Haygu diganne maandhow Haddii dayrta maanta
Darmaan ugubbi kuu dhalay Kaygu waa duq guunoo
Dulin lagu abuuroo Beryo debedda meeroo
Dambar kama lisaayee Waa dhaqayo daadaxa......
Derisbaynu nahayoo Degelkayga Hiradow
Dabka aad ku qabataa Degmadaad ku nooshiyo
Duleedkaaga kama foga Markaad ii ducaysaba
Derejaad helaysaa Markaad dabin shirqooliyo
Daw ii banaysaba Dalanbaabigaygaan
Dusha kaaga dhacayaa Dhakharada ku gaadhaa
Daawoobimaayaan Afka doogta qorayiyo
Uurkaa daboolane Ay dacartu jiiftiyo
Diidmadan asqaysani Dibunoqoshadaydiyo
Isu soo degeenniyo Dal dhis keenimaysee
Didmo aan fogaadiyo Dir-nac bay dhalaysaa...
Kuba diidimaayoo Kaa doodimaayoo
Ku dagaalimaayoo Dirir kuuma quudhoo
Dabna kuguma shidayoo Daandaansi hoosiyo
Durqun kuuma geystoo Haddaad daruuraha
Dayaxiyo cadceeddiyo Daawayso meel sare
Anna way dammaanshaad Haddii darato iyo caal
Daayin kuguma keenee Duufaan ku dhaawaco
Inaan kula dedaaloo Derejiyo waxaan karo
Degdeg kuugu keenaan Dawgeeda falayaa........
Adna dahab-la-moodyoow Dadka laba mataanii
Inkastooy is doortaan Isku degel ku foofaan
Damcad naaska hooyada Dareen li'i wadaagaan
Dharaartay dulxoogaad Ninba muruqa daawado
Isu dhigo inuu duni Keligii deberi-karo
Ama uu dareen dhaco Ninba geedi dooriyo
Digarogasho sahansado Waa lakala dugaalaa
Anna deexashada gacal Sidaan kuugu diranahay..
Haygu diidin maandhow Deriskana xaqdhawr abid....
Inta ka-horaysa waa Cabdillaahi Cawed Cige oo idinku dhaafaya
"Ismadhaafno weligeen...Innagaan isdhaadayn"
UFO SOMALILAND..
FROM: UFO SOMALILAND...
Hirad waa lagu salaamay..............................
mudane adigoo lagugu tiriyo akhyaarta udubkeenna halkan soo
degay, waxa habboon inaad kala-saarto qof, qabiil iyo degaan
sarreeyo Sarreeye-Guuto Caydiid, isagiina halkuu waxmarinaayo waynu
ka warhaynaa..
Iska daa Soomaaliweyn uu mideeyo oo, wuxuu maalinwalba rasaas ku googooyaa
haweenkii Sacad oo ka mudaharaadaya dagaalka sokeeye ee isaga iyo Caato
maaweelada ka dhiganayaan..................................................
Hiradow...Somaliland waxay maanta oo April 15 tahay sannadka 1996
Durqun kuuma geystoo Haddii aad daruuraha
Dayaxiyo cadceeddiyo Daawayso meel sare
Anna way dammaanshaad Haddii darato iyo caal
Daayin kuguma keenee Duufaan ku dhaawaco
Inaan kula dedaaloo Derejiyo waxaan karo
Degdeg kuugu keenaan Dawgeeda falayaa........
Adna dahab-la-moodyoow Dadka laba mataanii
Inkastooy is doortaan Isku degel ku foofaan
Damcad naaska hooyada Dareen li'i wadaagaan
Dharaartay dulxoogaad Ninba muruqa daawado
Isu dhigo inuu duni Keligii deberi-karo
Ama uu dareen dhaco Ninba geeddi dooriyo
Cashar gabay beryahan Cigoow, adaa caaqil ku ahaaye
Caamir baad ahayd, calnkuna aduu kuu sudhnaa cawiyo ayaane
Caynka bal aan ka higgaadsho, illeyn gabay caadadiis tahaye
Cigaal hadduu is calakoodiyoo, cidhbaha isku taago
Asuu ciir-ciir iyo cawaan yahoo, yara cawiifoobay
Uu calan surtoo is cayuumo, cawaaqibkeedu waa maxay?
----
Waad maqashay, Cigoow: Laba dibi dinnaahyan ka siman, jeeray dirriraane!
Anigu waxaad soo qorto ilaa heer ayaan akhrin jirey, waayo, AAD & AAD ayay
u dheerayeen, haseyeeshee murtida ku ladhan qoraalladaada waan ka soo
dhirraandhirin jirey. TALO: Noo, yara gaabi oo magaw nagu sii, si aannu
u fiiq-fiiqsano oo aannaan u laba qablaynin.
Araar: Haddiii wax qoraalkaygii hore ku yiillay ay cay iyo af-lagaaddo
kuula eekaayaan, ama mid toos ah, aan toos ahayn, is-daba marin ah,
iska-hoos bixin ah, ama qanjaruufo ah, iga RAALI AHOW?
Waa runtaa, calanka iyo goosashadaba dad ayaa samaystay, haseyeeshee
dadkii samaystay, cawaan Cigaal la yidhaahdo ayay huwiyeen, markaa aniguna
Cigaal iyo wuxuu huwanyahayba waa inaan dube la dhacaa. Taa micnaheedu
maaha, qoysas ayaan ka horjeedaa oo aan wax nacayba ku qabaa.
Waad saad sheegtaye, haddii qoys yidhaahdo halkaasaan u baxaynaa, anigu
waxba kama qabo, illayn aayahooday ka talinayaane. Waxayse arrini
xumaatay, markay, qoyskani garan waayaan inay sidaa ay iyaguba u doonayaan
inay aayahooda ka taliyaan, ayaa dadka kalena uu doonayaan inay aayahooda
ka taliyaan.
Cigoow, anigu horaan mawqifkan isu taagay, imminkana weli waan taaganahay,
Soomaliweyn hal meel looga taliyo oo uu marba oday Cawaan ahi ku amar ku
taagleeyo, marnaba dib u dhici mayso. Markaa, waxba kama qabo in laga soo
billbo Saylac, ilaa Raas Xaafuun ilaa Raas Kiyaambooni, uu qofwaliba xaq u
yeesho inuu meeshuu doono uu raaco. Cigaal (iyo inta raacsani), ma
ogyihiin tan? Mase ogyihiin wixii rogay dadkii inaga horreeyey? Mase
ogyiiin, in aan MARNABA qabiil, qabiil kale xoog ugu talin karin?
-----
> Midda kale intaad qoladan calanka cusub sidata maanta arkayso ee ku
> haysato, shalay markii roobka dhagxanta ahi ku da'ayay xaggaad jirtay ?
-----
Walloweyn iyo waxaan jiray webiga jiinkiisa
Waamiyo waxaan ku noolaa warahii ceeleede
Wajeeriyo waxaan lignaa wadankii Maraykane
Waxse igu Wallaahiya, inaan wayrax ka ahaa
Waxashnida qaarkeed, waa wax laga wisiisiqo
Wahsad maan ahayn, oo igu Wallaahiya e
Waxaanse kugu weregiliyaaba waa waabeeyo!
-----
> Duunyada fardood maalintaad, debec ku qaadaysay..
> Sidii duul amxaara ah markaad, nagu dabraynaysay..
> Intaad haatan ii labadubalayn, muu damqado jiidhku..
> ............Abwaankii weynaa Qamaan Bulxan(Silsiladdii Guba)
----
Diirnaxayga bal Cigoow, aan ku yara dareensiiyo
Dadadbtaadan gabay waa midaan ku diirsadaye
Ilaah derojo siiyow waa midaan ku dacaroodaye.
Duunyo haddaan kaa qaaday oo aan kugu dabreeyey
Duul Amxaaraha sidood haddaan kugu dallaaleyey
War Abtoow maxaad ii dubayn, goormaanse denbigay galay?
Derisnimo hadday wax daawayn, waydinkii duqa-duqaq laayaye
Waydinkii dembi Faqash lahayd, dalanbaabigeed kula dhacaye
Waydinkii dab ku shiday, degilkii Jidbaaliyo daarihii Xudune!
Miyaad taa ka damqataan, oo derisnimo u eegtaan?
-----
Markaa "Guilty by association" waa waxa laysku haysto. Si kastaba ahaatee,
anigu waxba kuma haysto hadday qoys degel ay leeyiin u talinayaan,
haddayse, doonayaan dad aan raacsanayn oo ay CAY ku tahahy magaca iyo
ra'yiga "Somaliland" inay ku darsadaan, Cigoow waa habbeenkii xalay ahaa
oo tegay.
-----
Intaasaan kaga baxay.
AFEEF: Ma gabyo, ma maansoodo, ma curiyo, af-maal ma ahi, af-tahan ma
ihi, markaa raali ka ahow Jacburkaa aan isu muq-maasadeeyey!
----
A. H. H. Hirad
FROM: UFO SOMALILAND
Mudane Hiirad waad salaamantahay adiga iyo xerta kale ee hoggan soo dawaaftaaba.
Waa runtaa oo maqaalada waan dheereeyaa, inkasta oo aan isku-dayo inaan
soo gaabiyo misna waxaan arkaa anigoo u daaqtegay deegaan kale.
Arrintaas umalaynmaayo inaan beryahan wax ka-qabankarayo haddaan dawladda
Ingiriisku igu qaadin sharci ah joojinta maqaalada dhaadheer. Waxaan
filayaa inaan u baahanay tuke ku taagnaada mishiinka qarkiisa oo markaan
bog qoroba "waaq" yidhaahda si aan u joojiyo qoraalka.
Laakiin isaguna haddaanu raq arkayn ila-joogimaayo ee wuxuu raadsanayaa
tulud meel ku nafweyday oo uu raqdeeda feenfeento. Maxusuusataa berigii
Hadraawi tukaha farriinta faray ee uu lahaa............................
Tuke bari ka-yimi-baan Tusay boogahaygoo
U tilmaamay beeshoo Tebi idhi warkaygee
Miyuu tiray jacaylkii ? Mise tulud raqdeedbuu
Ugu taaganyahay geed ? Mise wuxu tukanayaa
Faral iyo taraawiix.....................................................
..............Midhihii Hadraawi, Luuqdii Muuse Ismaaciil Qalinle........
Haddadan baabaan Hiirad hadalkii badiyaye aan bal tukhuntukheeyo dood
iyo tusaale wixii nuxur aan maqaalkaaga ka dheefasaday.
Mar haddaad Hiirad ila-qirtay in goosashada iyo calankaba dad samaystay
wixii kale ee soo raacaa waa gunno, faraqa inoo dhexeeyaana waxaan
filayaa inaanu taako iyo badh ka badnaanayn. Huwinta talada ee loo
doortay hebel maaha mid bir lagu gooyay ee waa go'aan la-gaadhay oo
haddii ninku xilkiisa lasaaray kasoo bixiwaayo waa laga xayuubinayaa,
waa haddii habkii lagu heshiiyay loo tukubiyo arrimaha.
Inaad kasoo horjeesato shakhsi iyo madba'na xaqbaad u leedahay oo cidina
kuguma qabsankarto fikraddaada qof-ahaaneed. Qoyska gooni-u-baxay ee
iska-tegay ee yidhi halkaasaannu xadro iyo digri hadba kii noo fududaada
ku tumanaynaana haddaynu isla-fahannay ujeedada gooni-u-baxooda ama
dudmadooda ninba sidii u macnaysto, inay iyaguna garanwaayaan qoysaska
kale aaya-ka-tashigooda waa guuldaro.
Taas macnaheedu yahay haddii qoys loo buriyo sedka Somaliland oo laleeyahay
qoyskaasi waxay gobolkaas ku leeyihiin aqlabiyad, iyaguna inay aqlabiyaddaas
ku xadgudbaan oo qoys ay baarlamaanka kaga kuraasi bateen duudsiyaan maaha.
Anigu shakhsiyan waxaan u arkaa in haddii qoysaskaas kale doortaan
ka hadhitaanka/ka-bixidda(tusaale ahaan) Somaliland is-hortaag ka yimaadda
qoysaska aqlabiyadda leh ma-habboona, dhicinamaayo haddii taladu gacantayda
ku jirto. Sida reer ama beeli aayaheeda uga tashatay ayuunbaa beelaha kalena
halkii dani ugu jirto u marayaan.
"La'ikraahu fiddiin"...........Qur'aan.....................................
Sarbeebta ah "Cigaal qolada raacsan" kama jawaabikaro, laakiin waxaan
ka tiraabikaraa "Cigaal qolada meesha saartay", waxaan filayaa in faraq
u dhexeeyo qolada hebel raacsan iyo qolada dooratay. Axdi qarameedkii
Boorame siduu dhigayay, beelaha Soomaaliyeed oo dhanna caado iyo asal
u ah anigu Hiiradow ma arko, beel odhankarta xoog baannu beel kale ku
xukumaynaa, waa haddii aanay belaayo kale salaglahayn.
Sidaad ogtahayba Soomaalidu waxay weligeed ku wada-noolayd derisnimo...
.......................................................................
Kuwaan derisnay waageer haddaan, Sebenka daaduufno..
Waxa adiga duug kaaga noqon, Yayga degiwaayay...........................
...................Abwaankii weynaa Qamaan Bulxan.......................
Nin Daarood Ismaaciil ah ayuu Qamaan ku leeyahay haddaannu Isaaq isdillo
maanta bal waxaad ka faa'iidayso ayaanan fahmayn!...waxay taasi muujinaysa
in derisnimadu marar badan abtirsiimada ka horayso, waa halka Carabtu kaga
maahmaahdo "Macfrifada qadiimka ahi waxay ka khayr badantahay nasabka".
Derisbaynu nahay oo danbaa inaga dhaxaysa waa wada tashi, laakiin qolaa
tidhi waxaannu u talinaynaa qolo kale taasi kacaankii kama soo hadhinbaan
u malaynayaa. Qolada Cigaal dooratayna waxay ogyihiin xuquuqda qofwaliba
u leeyahay aayakatalintiisa, laakiin tolmo soconmayso ha'ahaato Somaliland
oo Soomaaliweyn lagu tolayo ama beel Somaliland lagu tolayee.
Dhinaca wixii dhacay ee aad tidhi Hiiradow waan ka maqnaa laakiin waan
ka xumaa waxaan kaa leeyahay, nin hadduu ogyahay gefka meel ka dhacay oo
uu ka gilgisho, oo aanu ku raacin kii falayay ficilkaas, waxaan u arkaa
nin waajibkiisii gutay. Haddiise arrintu noqoto waxa reerkayagu falo waan
ayidsanahay gar iyo gardaroba taasi waa tii Hadraawi sheegay............
.......Garta eexo loo naqo Waa lagu gubtaa
.......Way soo gadooddaa Soo guuraraacdaa
.......Gurigii timaaddaa Gashinimay ku leedahay
.......Aarkeeda gudataa ..........................................
.............Luuqdii Shankarroon.........................................
Anigu Hiiradow walaalkay ina-Cawed ayaan ka foodaa marka ay timaaddo
arrin aannu kala mabda' ka-nahay, iskaba daa gardarro aan reerkayaga
ku raacoo. Waxaan qabaa ninna inaan loo aanayn dhibaab aannu gelin,
haddiise ay noqoto in la-hadhgeliyo dembiile waa tabaalo weyn.
>Derisnimo hadday wax daawayn, waydinkii duqa-duqaq laayaye
>Waydinkii dembi Faqash lahayd, dalanbaabigeed kula dhacaye
>Waydinkii dab ku shiday, degilkii Jidbaaliyo daarihii Xudune!
>Miyaad taa ka damqataan, oo derisnimo u eegtaan?
Maahayn siyaasadda SNM iyo xeerarka Isaaq midnaba in dad aan waxba
geysan oo beelaha Somaliland ka mid ah ee aan Isaaqa ahayn(Dhulbahante,
Warsangeli, Ugayslabe, Samaroon, Ciise iwm) loo xasuuqo ama aano
awgeed loo laayo, haddayse dhacday waa qadaf ee maaha arrin talo
ku timi. Dilka duqayda iyo waayeelkuna buuggeenna Soomaaliyeed kuma
qoraanjirin tawradda horteed. Waxaanse waayay Hiiradow 1984kii cid
aan Isaaq ahayn oo qirta dilka duqayda Isaaq inuu qadaf iyo meelkadhac
yahay anigoo islamarkaa ayidsanaa oo ku raacsanaa M.I.W Hadraawi 1980nadii
faalladiisii Mudug iyo Hiiraan ee ku salaysnayd dembigii lagagalay
Majeerteen. Waxaad mooddaa in halkaas aannu dad badan ku kala-hadhno.
>Markaa "Guilty by association" waa waxa laysku haysto.
Haysasho Hiirad maaha ee waa khalad sidaan kor kusoo xusay in ruux
dembi loo xambaariyo iyadoo laleeyahay waxa falay reerkooda. Waa arrinta
Mareexaan badan lagu fanteeyay iyagoo aan waxba ku lahayn wixii dhacay.
Hadal iyo dhammaantii Hiiradow, qolo qolo u talinmayso, qoys aayahiisa
loogama waramikaro, qofna qoys looma nicikaro. Dhinaca siyaasiyiintana,
beriba way iska tegayaan ee waxa soo hadhaya oo aan kala-tegayn ciddii
Eebbe isbaday oo ah beelaha iskudegaanka ah.
>AFEEF: Ma gabyo, ma maansoodo, ma curiyo, af-maal ma ahi, af-tahan ma
>ihi, markaa raali ka ahow Jacburkaa aan isu muq-maasadeeyey!
Afeeftu waa xaal rag Hiiradow, ma-maqashay Ducaale Dheere ninka la-odhanjiray
beriguu qolada Iidoor ee Salaan Carrabey watay u gabyey ee ay soo baxday
tixda Isaaqa ku dhegtay....Waa soo sidnaa xeedhyihii; saabka lootolaye'
...........................Iidoor salfududaa wuxuu; sugayo muu dhawro..
Waxaa igu maqaala ah Ducaale Dheere wuxuu ahaa sabool, markaas wuxuu ogaa
illayn waa nin aftahanee in saboolnimada loogu soo gabyi-doono hadhow,
kolkaas si aan eediba dhinacaas ugaga iman oo tixduba xagga saboolnimada
uga qaban ayuu kasii afeeftay oo yidhi....................................
...............Nin saboola iyo awrba way; suluf-dhaqaaqaane..
...............Labaduba haddaan soori-celin; socod-ma-daayaane..
...............Inaan waayo saranseerijiray; saa anaa furaye...
Ducaale baabkaa wayska xidhay, adiguna Hiiradow waad gabaydaa waan ku arkaaye
mar haddaad afeefatay aniguna furiba maayo deeley.................
Waxaan rajaynayaa inaynu wax kala faa'iidaysanay, bulshadana inta dooddan
xiisaysa tusaale, duluc, caddayn iyo hufid miduun u kordhinay.
Waad mahadsantahay.
Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo kugu dhaafaya.............................
"Ismadhaafno weligeen..Innagaan isdhaadayn"
UFO SOMALILAND...
Regards
Cabdillahi Cawed Cige:
War Bal Marka Hore, Nabad? Anigu indhawaydba waantaa waxba ku qorin
Afka-Hooyo. Laakiin Maanta waan ku qoraa. Bal Cigoow, marka hore bal ii
ogoloo bal in aan fikradayda ka dhiibto. Egal, waxa uu isku magacaaweey
Madaxwayne! Waxa uuna sheegtay Dawlad? Walaal Cawadoow taasi waxa kama
jiraan? Taa waa in aad ogaataa walaal. Mana aha in dadka been lagu
madadaaliyo, walaal. Soomaaliya, maanta waxa ay u baahantahay dad wax
kala garanaya. Waxa aan taa ula jeedaa in aad iloowdin tuuga, beenta
dadka ku madadaalinaya. Sheekadiisu waa habeenkii xalay oo tagay! Taas
waa in aad ogaataa, walaal.
War cigoow, ma haddii Wagooyi Galbeed ay nogonayso dawlad? taa waxbaa ka
iidhi oo Gobol ka tirsan Goboladda Wagooyi, Ma ay nogon karayso. Taa waa
in aad ogaa taa. Iminka runtu waxa ay tahay, walaal. Soomaaliya dawladi
ma ay jirto? Taasina waxa ugu wacan dad aan waxba kala garanayn oo ku
doodaya Kanasiib, kanasaar? Sheekadoodcu waa habeenkii xalay oo tagay!
Taa walaal waa in aad ogaataa. Egal, uusan ku khaldin, Soomaali
waytagaanaa waxa uu yahay, waxa aad ka waraysataa Omar Carte Qaalib? War
toos walaal Cigoow! Soo dhawoo walaal? War taa ogoow!
Nabad
Faisal.
----------------
Odayaal: Cabdillaahi iyo Faysaloow
Marka hore waxaan idiin sheegayaa hadaa tihiin reer Somaliland waad ka soo
hor jeedsan kartaan Cigaal, Siyaasad ahaan aaney ku jirin dagaal, hadeydinaan
ahayn waxaan idiin sheegayaa inaad riyooneysaan Ummadda Reer Soomaaliland
waxey idinla fadhidaa ama idinla sugeysaa jab iyo halaag aydaan horey u
arag, waxaa igu Walaahi ah inta saqiir noolyahay inaydaan biyo ka cabeyn
isku dar baad ka hadleysaan, war hadii ay noo suuroobeyso oo aaneyn diinta
Islaamka noo diidayn isku dhan umayna tukaneyn.
Marka waxa idiin sheegayaa wax Soomali layiraa oo isku soo noqon majirta'e
hurdada ka kaca oo Aamina dhulkiina qorfaha ah cid danbe ood ku kornoolaa
neysaan majiri doonto, nin walboow intii Eebo ku siiyey Aamin.
Dadkaan lahadlayaana wey is garanayaan.
"JIR JIROOLOOW JARTII KAA XUMAATEY"
faisal ahmed hassan (fha...@io.UWinnipeg.ca) writes:
> Cabdillahi Cawed Cige:
>
> War cigoow, ma haddii Wagooyi Galbeed ay nogonayso dawlad? taa waxbaa ka
> iidhi oo Gobol ka tirsan Goboladda Wagooyi, Ma ay nogon karayso. Taa waa
> in aad ogaa taa. Iminka runtu waxa ay tahay, walaal. Soomaaliya dawladi
> ma ay jirto? Taasina waxa ugu wacan dad aan waxba kala garanayn oo ku
> doodaya Kanasiib, kanasaar? Sheekadoodcu waa habeenkii xalay oo tagay!
> Taa walaal waa in aad ogaataa. Egal, uusan ku khaldin, Soomaali
> waytagaanaa waxa uu yahay, waxa aad ka waraysataa Omar Carte Qaalib? War
> toos walaal Cigoow! Soo dhawoo walaal? War taa ogoow!
FAYSAL INTA AANAD SOOMAALILAND IYO CIGAAL BUDKA LA FUULIN AFKA HOOYO
SI FIICAN USOO BARO QORIDIISA,HADII KALANA SI AF KAARTAADA LOO FAHMO
AFAF KAA SAANCADAALAHA WAXKUSOO QOR!
> Nabad
> Faisal.
--
>Odayaal: Cabdillaahi iyo Faysaloow
>
>Marka hore waxaan idiin sheegayaa hadaa tihiin reer Somaliland waad ka soo
>hor jeedsan kartaan Cigaal, Siyaasad ahaan aaney ku jirin dagaal, hadeydinaan
>ahayn waxaan idiin sheegayaa inaad riyooneysaan Ummadda Reer Soomaaliland
>waxey idinla fadhidaa ama idinla sugeysaa jab iyo halaag aydaan horey u
>arag, waxaa igu Walaahi ah inta saqiir noolyahay inaydaan biyo ka cabeyn
>isku dar baad ka hadleysaan, war hadii ay noo suuroobeyso oo aaneyn
>diinta Islaamka noo diidayn isku dhan umayna tukaneyn.
^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^
Woow, this is the most POWERFUL warning and anti-Somaliweyn SENTIMENT I
have heard for a loooooong time!! What a warning mujaahid.
Samater: _
/ |
| \
______\ \
(____) `---------------------------------------------------------|
(____) Behind each smile <in Somaliland> are a thousand thoughts|
_____(____) Behind each thought <in Somaliland> are a million good wishes|
(______,______,'-->Behind each good wish <in Somaliland> is a sincere heart|
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~|
War bal Iska Waran? Walaal maad i bartid afka-hooyo. War anigu waan qoraa
af-soomaaliga. Taa waa in aad ogaataa. wax is waydiini maxumeey, wax is
waydaarsi baa xun. war egal waa tuug! waxa aan ka hadlayaa shagsi? Dadka
oo dhan khaldaya! waxa aan rajaynayaa in aad igu raacidoontid in aad qoro
afka-hooyo? War miyeen ahayn!
Nabad
Faisal.
war Mahammed farahoow:
War marka hore yaad u hadlaysaa? Yaad matalaysaa? Somaliland? Maxaad ula
jeedaa? Yaa ah Soomaaliland? War yaa dadka Soomaaliland aad ku sheegaysid
waa ayo? War marka labaad, waa in aad la socotaa in aan anigu aan ka soo
horjeedo Egal & dadka taageersan? Sababtuna waxa ay tahay, Egal wax ra'
i ah oo uu hayaa, ma'ay jirto? Ninku waa beenaale, lamana aamino karo?
Wax dawlad ah oo ka jirta oo uu madax u yahayna ma'ay jirto. War
Farahoow toos! Cidna ha u dhaaran, reer waliba waa Dawlad? War runta, ma
ka hadalnaa? Sidee baynu Dadka Soomaaliyeed aynu iskugu-keenaa, walaal?
Nabad
Faisal.
Mudane Faisaloow;
Aaheey, waa tii la yiri (Afkii qalaad ha moodin, carrabku khaldi maayee
sidii caanaha qur-quriya). Faysaloow af-soomaaliga si fiican baad ugu
hadashaa ood weliba ku xarakaysaa sida suaashaadan u dambeysa. Shaqsiga
doonaya in uu dadka khaldo ujeedadiisa garo waa: (Hal dideysaayi geed ay
ku xoqoto ma weydo).
Salaama
Wacays.
FROM: UFO SOMALILAND....................
Gallad Eebbe Faysal. Horta waad salaamantahay. Marka xigta aniga
layma toosiyo oo nin hurda iskuma-wado. Waxaan toosay 1965kii,
intii ka dambaysay waan soo jeeday. Hawlaha adduunyana waan ka
dheregsanahay oo nin maanta looga waramayo layguma sheegin.
Cigaal, waqooyi, Gobol, Somaliland, Soomaaliweyn iwm..mawduucyadaasna
in badan baan mowqifka aan ka taaganahay sheegay, waana jirayaal
aad loo falanqeeyay oo culimada halkan soo gasha badankoodu taataabteen
aniguna fasiraad maanta ugu noqonmaayo.
Faysalow gacaliye anigu Cumar Carte Qaalib iyo qayrkii-toona kama
waraysto mabda'ayga meeshaan qotominayo. Toos markaad ileedahay oo
Cumar Carte Qaalib warayso, waxay taasi iigu muuqataa nin layidhi
baraarug oo "Asxaabul-kahaf" ka warso "Star wars", maxaad u malaynaysaa
inuu jawaab ka helayo ninkaas "Asxaabul-kahaf" ?...................
Dabcan uga waramimaayaan "Star wars" oo maba yaqaanniine, waxay
dib u warsanayaan isaga oo odhanayaan imisaannu maqnayn(suursanayn).
Ninwaliba Faysalow geedbuu dhaameel ka lulanayaa, aniguna waxaan
ka mid ahay shacbiweynahaas indhaha la hoos yaacaya dhaameelkaas
soo daadanaya, haseyeeshee fikraddayda, mabda'ayga, garashadayda,
talagoosashadayda iyo waxa iga qabta dadka kale intaba waan usoo
jeedaa oo u miyirqabaa(In case you question my sanity for supporting
and advocating the existance of Somaliland), mana hurdo maandhe.
Waxaan kaga baxayaa Maxamed Mooge Liibaan..........................
....Waxan ahay nin waayaha adduun.......
....Wax uga nuuraane....................
....Waxyi iguma soo dego ...............
....Haddana wax ima seegaane............
Waa Cabdillaahi Cawed Cige oo idinku dhaafaya adiga iyo martida kale
ee golahan usoo batar tagtaba.......................................
....Isma-dhaafno weligeen..Inngaan isdhaafayn..
UFO SOMALILAND....
War Cigoow: UFO SOMALILAND,
War marka hore NABAD! Wataa cigoow hadalkii meel kale kula tagay! Waa
adigaa Cigoow aanan ila garan micnaha hadle; waxa aan ka hadlay, amaba aan
ula jeeday?
War marka hore duux miraha, oo ila garo hadalka murtidiisa! Waa aniga
Faisal ah ayaa hadlay; ra'i yigaygana magalsiiyay DUNIDA oo dhan! Waa
anigii ku waydiiyay dhoowr Su'aalood Cigoow? Kama aadan Jawaabin?
Maxaa ugu wacan! War waa adigaa ka tagay, oo iskaba dhafay-Hadalka
murtidiisa. War Cigoow, Waa adigaa hadalkaygii wacnaa-khalan u arkay!
marka aan tusaale aan u isticmaalay Omar Carte Qaalib! Waxa aan ula jeeday
Nin aad u yagaana "Jaale/Guulwade Cigaal (Egal)." Cigoow, run ahaantii,
uma aan jeedin, in aad u gaadatid-in aan ula jeedo in aadan ra'i lahayn-
War run ahaantii, waad fikiraysaa oo aad ka shagaysiinaysa madaxaaga-laakiin
Cigoow, dadka runta uma sheegaysid! Maxaa ugu wacan?!
War way heeseen oo yiraahdeen! Maan deeg! Maan deeg meeday? Yaa
baa'biyay-War wali ma iswaydiisay Cigoow? Waxa ay ku heeseen-kana saar,
kana siib? war ma iswaydiisay yaa loo heesayaa! War dadka yaa khaldaya?
Cigoow, War miyeen ahayn EGAL-Ninka dadka khaldaya oo ku heesaya Af-qalaad oo
aynu garanayn! Ha ku taageerin Egal "Magac Qabiil" iyo waxa aynu nahay
Reer hebel. Toos! Idhi Cigoow- waxa aan ula jeedaa ogoow! Runta! Waxa aan
filayaa in aynaan cidi kugu caawin waxa aad ka dhalatay "reer" iyo maanta
dhulka aan joogtid "Briton" Waa maxay hadaba Cigoow-Somaliland iyo
khaladka aad ku taageeraysid TUUGA EGAL?
Mar labaad Cigoow ii ogoloow in aan istecmaalo erayga wacan oo ah Cigoow
TOOS! TOOS! Walaal TOOS! oo ogoow runtu waxa ay tahay.
Nabad
Faisal.
Is anyone hearing you!!!. I hope so.
On 17 Jun 1996, Dau'dA wrote:
> To Feysal
>
>
> Is anyone hearing you!!!. I hope so.
Dear Dau'd:
I hope so. I am also glad that there are people like you. You see: Da'ud,
I am not only one person-there are a whole movement....Somalis and
non-Somalis who are taking a part of this journey. your welcome to join
us...I will be glad to send you our "Mention statement" Next time, give
me your correct e-mail. You'll hear from me. Peace.
Nabad
Faisal.