Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Kufaar baan ahay, Muslim baan sheegta!

153 views
Skip to first unread message

Mahamud. Abib

unread,
Feb 9, 1996, 3:00:00 AM2/9/96
to

Salaam alaykum,


Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
baan ahay!

Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!

Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
"girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
Ogowse, Muslim baan ahay!

Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
inaad KAAFIR tahay.

La ilaha illa Allah.

Maca salaama,
Maxamud.

mohamud abdi

unread,
Feb 11, 1996, 3:00:00 AM2/11/96
to
Mahamud. Abib (eb7...@goodnet.com) wrote:

> Salaam alaykum,

> La ilaha illa Allah.

> Maca salaama,
> Maxamud.


Saaxiib Maxamud ha xukunin adigu dadka, hadii uu qof ku yi dhaa in taas oo
dhan waan sameeyaa laakiin. muslin baan ahay waan "ashahaataa" adigu
sideed u odhan kar taa waa kaafir. ala ha soo hadeeyo in aad ti dhaa
ayuun baa kuu banaan.

___ | | | ___ | | /| | | | |
| | _| | | | _| | /_| | | | | | | |
o_|__|____| | | | o |_o____| | | |__|__| | o_|__|__|___|
___/ oo ___| |___| ___| ___/ o

In the name of ALLAH, the Beneficent, the Merciful


------------------------------------------------------------------------------

Abdoulkader Bile Abokor

unread,
Feb 12, 1996, 3:00:00 AM2/12/96
to
Mahamud. Abib (eb7...@goodnet.com) wrote:

: Salaam alaykum,


: Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
: Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
: baan ahay!

: Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
: habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!

: Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
: "girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
: Ogowse, Muslim baan ahay!

: Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
: guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
: Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
: inaad KAAFIR tahay.

: La ilaha illa Allah.

Waar Ilaahaaga ka baqoo dadka xadgudubka ka daa. Umalaynmaayo in qof ashahaata
la odhan karo gaalbaad tahay. Mida kale "qofna camalkuu sameeyo kuma janno galo
ee naxariista Ilaahay baan masaakiin u wada nahay". Qofkii halowsan Illaahay ha
soo hadeeyo, kii aanay diintu u dhaadhicina Rabi ha fahamsiiyo. Kuligeenba Eebe
xaqa ha ina tuso. La ilaha illa Allah...macne wayn baa ka danbeeya, umana eekid
saaxiib inaad macnahaa fahamtay (hadaan qaldanahay iga raali ahoow), waxaan se
ku odhan lahaa "Diintu way badan tahee bal u sii fiirfiirso wax badan baad fah-
mi doontaaye"

Sallamun mani tabacal hudaa!!

A.Bile

: Maca salaama,
: Maxamud.
:

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 12, 1996, 3:00:00 AM2/12/96
to
Waryaa mahamud abib salaamun calaykum

Gaalnimada aad sheegayso ma tii sokee kufrun duuna kufrun ahayd baa?
mise waa kaa dhab!! War arrimaha aad sheegtay oo dhan waa danbiyo
waawayn (kabaair) laakiin dadka diinta kama saaraan.

Runtii arintan waa arintay Ahlu-sunnuhu ku diideen khawaarijta.
Ruuxa muslimka ah intuu laa ilaaha illa laahu leeyahay lama gaaleeyo
haddii uunan isaga isa saarin adigu maxaad u saari? in waxyaabo cadcad lagu
hayo mooyee.

Xusuuso hadalkii Xudayfa ibnul yamaan " Tunajiihim mina naar tunajiihim mina
naar"
Ogow naarta waxaa laga soo bixin doonaa ruuxay hal "atom" in la eg oo iimaana
laabtiisa ku jirto. Ogow naarta waxaa laga soo bixin doonaa dad aan waligood
khayr samaynin.

Ugu danbaystii aan ogaano in naxariista ilaahay ay badantahay ciqaabtiisana
ay adagtahay. Waxaan kugula talin lahaa inaad akhriso "kitaab al iiman"
saxiixu muslinka.


"Hadaaniyalaahu wa iyaak"
wassalaamu calaykum

Khaliif waylac.


In article <4fg3kc$l...@news1.goodnet.com>, "Mahamud. Abib" <eb7...@goodnet.com> writes:
>
>Salaam alaykum,
>
>
>Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
>Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
>baan ahay!
>
>Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
>habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!
>
>Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
>"girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
>Ogowse, Muslim baan ahay!
>
>Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
>guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
>Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
>inaad KAAFIR tahay.
>
> La ilaha illa Allah.
>

>Maca salaama,
>Maxamud.
>
>
>
>
>

s57...@aix2.uottawa.ca

unread,
Feb 13, 1996, 3:00:00 AM2/13/96
to
Goorma ayey raga Soomaalidu joojin doonan diintan ay jeebabka kala soo baxayaan. War hadaad diin taqaanan idinka, iyo idinkoo kaliya, ayea
ayey inii roontahay. Laakinse Soomaalidu waxay jecelyihiin inay inta yar ay wax ka yaqaanan inay dadka islaameed sanka ka marmariyaan. Illaahay uun ba og cidi janno ama naarta galaysa, laakinse waxay u badantahay in rag badan oo dadka jecel inay ugu yeedhan kufaar, in la cadaabayo. "La ikraah fil diin" ayu yidhi ilaahay, laakinse mamaqlaysaan inta ee waxad jeceshihiin uunbaad dhagaysatan. Somali waligeed diin way lahayd manayna lahayn, ee "shacwazadan" aad wadan joojiya. Kolba mid ayeey xaraaradi ku kacay
a uu dadka ugu yeedha kufaar. Xitta hadaad saxsantihiin oy dadkii oodhani macsiya ku jiraan, war adeer tiina ka adkaada, ileen illaahay anbiya inagama dhigane. Diintu waa "personal choice" uu qofku sameyo, isiga iyo ilaahay ayey ka dhaxeysa. Bahashan loo isticmaalayo in masaakiinta lagu cadaadiyo ama lacag lagaga cuno wa inay dhamaata. Nabiiga wuxu yidha la yidhi "lakum diinakum wa liya diin", markaa ma waxaad is moodeen inad nabiga, CSS, inaad ka fiicantihiin.

Iman A. I.

Mahamud. Abib (eb7...@goodnet.com) wrote:

: Salaam alaykum,


: Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
: Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
: baan ahay!

: Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
: habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!

: Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
: "girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
: Ogowse, Muslim baan ahay!

: Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
: guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
: Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
: inaad KAAFIR tahay.

: La ilaha illa Allah.

: Maca salaama,
: Maxamud.
:

A Shmomed

unread,
Feb 13, 1996, 3:00:00 AM2/13/96
to
mohamud abdi (ma...@chat.carleton.ca) wrote:
:
:
: Saaxiib Maxamud ha xukunin adigu dadka, hadii uu qof ku yi dhaa in taas oo

: dhan waan sameeyaa laakiin. muslin baan ahay waan "ashahaataa" adigu
: sideed u odhan kar taa waa kaafir. ala ha soo hadeeyo in aad ti dhaa
: ayuun baa kuu banaan.
:
:
Waxaan filayaa in Abib uu tiigsanayo in qofka noocaas ah uusan lahayn
sumdaha diinta ee uu aad ugu dhow yahay kuwa gale ee kaafirka ah.
Ujeedadiisu waxay ahayd baan u malynayaa in uu nagu beero su'aasha ah
maxaynu ku gala garan karna astaamaha qofka gaalka ah iyo kan muslimka ah?
marka haddii labada calaamadood isku mid noqdeen, maxaa arin ah?
marka aniga qof ahaan saa baan u qabay!
_______________________________________________Abdouladif_____________

: | | _| | | | _| | /_| | | | | | | |

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 14, 1996, 3:00:00 AM2/14/96
to
Walaal Iman Salaamu calaykum

Horta waad kacsantahaye bal soo dag oo xaraarada aad sheegayso adigay ku
haysaaye koob shaaha oo bigaysa ku dhufo. Oo markaad xaraaro goyso bal
maqaalkaad qortay akhri.
Garan maayo waxa aad u danleedahay, ma abiib baad saxaysaa? adaaba ka daray!!
ma wax kalood qoonsataad aragtay? mise diinta yaan lagu soo qaadin meeshan
baad leedahay?!!

Bal hal iga guddunoo "laa ikraaha fiddiini" gaaladaa loola jeedaa ee
muslinka khiyaar ma laha inay diinta raacaan mooye. Maxaa u daliila?
Waa lguu hayaa bal Qur'aanka sii akhri " Maa kaana limu'minin walaa
mu'minatin idaa qadallaahu wa rasuulahuu amran an yakuuna lahumul
khiyaratu min amrihim" oo bal fiiri amarka ilaahay "wa adiicu laaha
wa adiicu rasuula walaa tubdiluu acmaalakum" oo bal digniintan eeg
"falyaxdari ladiina yukhaalifuuna can amrihi an tusiibahum fitnatun
aw yusiibahum cadaabun aliim" allow naga dhowr. waxaad ku soo
gunaanaddaa hadalkii nabiga (salla laahu calayhi wa sallam) " Man
baddala diinahu faqtuluuh" war kii diintiinttisa badala dila.

kuwa lagu yidhi "lakum diinukum waliya diin" bal aayadaha ka horeeya
eego waxaa lagu yidhi "Laa acbuddu maa tacbuduun" laakiin innagu hal
ilaah baan wada caabudnaa sooma aha.

Awood uma lihin oo dalkii fulin lahaa ma jiro laakiin waxaanan ka
tagaynin hadduu alla yidhaahdo inaan xumaha reebno wanaaggana
farno oo waa shaqada muslimka taas " Kuntum khayra ummatin ukhrijad
linnaasi ta'muruuna bilmacruufi wa tanhowna canil munkar"

Waa runtaa walaal, ilaahay anbiya nagama dhigin oo waxba nooma waxyoodo
laakiin laakiin shaqadoodi buu na amray inaan qabanno. Haddaad dhagaha
faraysatana waa lagugu wadi "wastaqshow thiyaabahum wa asarruu wastakbaru
stikbaaran".

Waxaa gara ruuxa wax sheegayo waa inuu garanayo waxa uu sheegayo
laakiin waxba ha sheegina lagaama yeelin.

Marka diintu waa "personal choise" iyo sheekadaa ma socotee Iman
wax kale sheeg.

Alla janada iyo naarta isagaa og wixii galaya, illowse waddo cad buu na
tusay oo inaan marro nalaga doonayaa kulligeenba, hadda kaligay ma aha.
Dabcan haddaad diiddo kaligay waan mari laakiin waxaan ka sii jeclahay
kulligeenba.

Bal aniga halkaa ha iigu ekaato maanta adna wixii gafa ka raalli ahow.

Wasalaamu calaykum.

Khaliif c/hi Waylac
Bolton
England.

Ah...@icacomp.com

unread,
Feb 14, 1996, 3:00:00 AM2/14/96
to eb7...@goodnet.com
Walaal maxamuud.

Wax wanaagsan baad sheegtay.right on track,halkaa ka wad.


Nur.


Abdoulkader Bile Abokor

unread,
Feb 15, 1996, 3:00:00 AM2/15/96
to
Hi Iman

Waa runtaayoo ma wanaagsana in qof ashahaadanaya loogu yeedho gaal, inkastoo
xadiisyo badan oo odhanaya "Muslimka iyo Gaalka waxaa u dhexeeya Salaada" la
soo weriyey, hadana marka culimadu miisaamto xadiisyada waxay ku soo gabagabee-
yaan in qofkii ashahaata uu muslim yahay. Qofkii jabinaya arkaanta kale ee
diintana waxaa keliya oo xukumi kara uun shareecada. Taasina waxay si wayn ugu
xidhan tahay Dawlad Islaama oo iyadu ah ta keliya ee fulinaysa wixii sharcigu
ka odhanaayo dadka jabinaya Tiirarka diinta.

Mida ragga iyo dumarka khusaysa jannadooda iyo cadaabtooda; sidii xadiis ku soo
aroortay "Naarta Dumarbaa u badan, Janadana Fuqaraa". Kolayto ragga laftigoodu
kuma yara Naarta laakiinse tirada dumarka ayaa ku badan.

Xagga wax sheega, Ilaahay wuxuu leeyahay "waxaad tihiin kuwii ugu khayrka bad-
naa ee la soo saaray: khayrkaad faraysaan sharkana waad nahyinaysaan" (aw kamaa
qaala). Markaa waa haboontahay in wax la isku sheego, laakiinse su'aashu waa
sidee ayaa wax la iskugu sheegayaa?

Mid kale waxad ogaataa in ninkastaba ay waajib ku tahay in wuxuu diinta ka ya-
qaan u gudbiyo dadka. Nabigeenu waakuu lahaa "Allaahuma baliqtu" , markaa adi-
ga laftigaaga intaad taqaan hadii aad gudbin waydo waa lagu waydiin doonaaye
ha moogaan.

Diintu marka hore maaha "personal choice", waayo Ilaahay dadka iyo jinkaba wax-
kale umuu abuurine waxa keliya oo loo abuuray inay Isaga (Ilaahay) caabudaan.
Markale waa "personal choice" oo dee wax khasab ihi ma jiraan, qofkastaaba
wuxuu jecel yahay wuxuu samayn karaa uun markuu xornimo helo. Markaa diintu
qofka waxay siisaa "freedom" buuxda. Waayo Ilaahaybaa caqli siiyey uu xumaha
iyo samaha ku kala garto, wixii xun ee uu qofku sameeyana u sheegay in loo
qabsan doono. Taasina waxay ina tusaysaa in qof waliba wuxuu jecel yahay
sameeyo una diyaar ahaado inuu dheefto tacab kiisa (xumaayaa ama samaayaaba).

Wa Billaahi tawfiiq.

A. Bile


s57...@aix2.uottawa.ca wrote:
: Goorma ayey raga Soomaalidu joojin doonan diintan ay jeebabka kala soo baxayaan. War hadaad diin taqaanan idinka, iyo idinkoo kaliya, ayea


: ayey inii roontahay. Laakinse Soomaalidu waxay jecelyihiin inay inta yar ay wax ka yaqaanan inay dadka islaameed sanka ka marmariyaan. Illaahay uun ba og cidi janno ama naarta galaysa, laakinse waxay u badantahay in rag badan oo dadka jecel inay ugu yeedhan kufaar, in la cadaabayo. "La ikraah fil diin" ayu yidhi ilaahay, laakinse mamaqlaysaan inta ee waxad jeceshihiin uunbaad dhagaysatan. Somali waligeed diin way lahayd manayna lahayn, ee "shacwazadan" aad wadan joojiya. Kolba mid ayeey xaraaradi ku kaca
y

: a uu dadka ugu yeedha kufaar. Xitta hadaad saxsantihiin oy dadkii oodhani macsiya ku jiraan, war adeer tiina ka adkaada, ileen illaahay anbiya inagama dhigane. Diintu waa "personal choice" uu qofku sameyo, isiga iyo ilaahay ayey ka dhaxeysa. Bahashan loo isticmaalayo in masaakiinta lagu cadaadiyo ama lacag lagaga cuno wa inay dhamaata. Nabiiga wuxu yidha la yidhi "lakum diinakum wa liya diin", markaa ma waxaad is moodeen inad nabiga, CSS, inaad ka fiicantihiin.

: Iman A. I.

: Mahamud. Abib (eb7...@goodnet.com) wrote:

: : Salaam alaykum,


: : Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
: : Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
: : baan ahay!

: : Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
: : habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!

: : Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
: : "girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
: : Ogowse, Muslim baan ahay!

: : Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
: : guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
: : Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
: : inaad KAAFIR tahay.

: : La ilaha illa Allah.

: : Maca salaama,
: : Maxamud.
: :

Wacays Bashe

unread,
Feb 17, 1996, 3:00:00 AM2/17/96
to

>
Nur.


Halkaa ka wad.?
Maxaa ku xiga, "Gar dheer oo dheer malihi, Muslinna waan ahay..?"

Dadka Heesahaya oo laga fara-macaysto.

- Bitterness.


--
Wacays.


Ahmed Ahmed Jacayl

unread,
Feb 17, 1996, 3:00:00 AM2/17/96
to

Had iyo jeer qofka binuaadmiga ahi wax uu ku faanaa ama uu aad ugu
farxaa inuu sheegto diintiisa, taasina waxay cadaysaa sida uu qofkaasi
isaga ahi uuga midyahay daka aaminsan tiintaas iyo qodobateeda gaarka ah.
hadaba baryahan danbe wax is badalya waxyaabo daban gaar ahaan markii
qurbaha la soo galay ayaad wax aad moodaa an ay dintii noqatay wax la isku
xujeeyo, ama la iskaga cabsiiyo waa sidii ay yartu u sheegtaye wax jira
qaarbadan oo wadaado ku sheeg aha oo aad moodo in ay diin gooniya jeebada
kala soo bexeen, 'umana jeedo dhamaantood' taasi ayaa ku kaliftay in ay
dhacdo ciwaanka kor ku xussan (muslin baan ahay laakiin ficilkii looga baah
-naa mahayo.

Su'aal is waydiinleh ayaa waxa ay tahay yaa Muslim ah??
yaase cadaykara ? ma ka diinta jeebadaha kala soo baxaya mise ka
aan shaqadaasba ku jirn ee iska nool ?? maxaase lagu kala gartaa
kufaarka iyo ka u e'eg. waayo figradayda gaarka ah ayaa waxay tahay
kufaarlka muuqda ayaa ka wanaagsan kani kitaabku ku soo duumanaya.
(for whatever reason)

kufaar + kufaar = squar
kufaar + muslim kufaar ==cubic
*( TREOREM 6666, proof by definition of real muslim must be spanning set of
non kufaar vetors ) hhhhm I wander if this has any solution .

NO solution
qadhaadh iyo macaan

--
____________________________________________________________________________
*It is your love, that I am looking for, It is my look,that you running from*
I don't want, I don't want wait in vain. By the man, Bob Marley, /\/\/\/\
Haddii aan jacayl jirin jaar lama ahaadee, (^!^)(~!~)

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 17, 1996, 3:00:00 AM2/17/96
to
Assalaamu calaykum.

Walaal diinta faan kaliya ma ahee waa dhaqan, diintana diimo badan ma aha
ee waa hal maadaama ay hal ilaah ka timid " Ummadan tada ummaddiina a waa
hal ummada, anaana rabbigiinna ah ee i caabuda" ayuu ahaa aayad quraana
macnaheed, in diinta laysku khilaafana walaal ma fiicna oo Allaa ummadihii
hore ku caayay.

Allana isagoo qolo xun sifaynaya wuxuu ku tilmaamay "kuwii diinta ku kala tagay
ee noqday axzaab", wuuna na amray alle inaanan diinta ku kala tagin oo wuxuu
yidhi " diinta ha ku kala tagina" (macne).

Suaashu waxaa weeye see loo midoobaa waa la kala tagsanyahaye?
Suaashan allaa horay uga jawaabay oo aayad buu macnaheeda yahay
"Wax kasta ood isku khilaaftaan Alla iyo rasuulka u celiya"


Marka walaal haddaad rabto inaad diinta raacda diimo badan ma jiraane
quraanka iyo xaddithka baro oo raac oo biyo sacabahaagaa looga oon baxaaye
yuusan ninaba kuu tiitiilaynin.

Haddii aadsee doonayso inaad Bob marley iyo quraan shaydaankiisa waqtigaaga
ku lumiso ragga quraanka ilaahay waqtigooda ku bixiyana aad tidhaahdo diin
cusub bay wataan!! waxaan u arkaa aniga sidayda ha la ii daayo oo yaan wax la
ii sheegin.
Ku bishaarayso galab iyo subax waa laguu sheegayaa.

Salaamun calaykum.

khaliif waylac.
Bolton
England


--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------

Faarax Aw Maxamud

unread,
Feb 17, 1996, 3:00:00 AM2/17/96
to ck...@freenet.carleton.ca
Dear Somalis,

It seems to me there is continued bickering about religion. The worst
thing that person ever engage for a debate is something he or she know
nothing about it. Who ever brought up this issue it is going too far,
because it is very clear that none of the respondents "know nothing about
religion." Ahmed Ahmed Jacayl, made the worst definition of Kufar..Just
his own imagination. I do not want name calling, but let us realistic,
those of us who attend colleges or universities, if want learn a subject
more about it we go to the "liberary." Why we don't do the same thing
about the religion. Today, you can find the Qur'an in many languages,
Arabic, English and even Somali. Why debate blindly? Don't scape goat
Somali Uluma. There is no new religion, simply you don't want know
anything about religion.

This is what God says about those who reject the faith either fully or
partially:

Those who believe,
Then reject Faith,
Then believe (again)
And (again) reject Faith,
And go on increasing
In Unbelieve,-Allah
Will not forgive them
nor guide them on the way.

Meaning:

Those who go on changing sides again and again can have no real faith at
any time. Their motives are mere worldy double-dealing. How can they
expect Allah's grace or forgiveness?

Here is a clear warning against those who make their religion a mere
matter of worldy convenience. True religion goes far deeper. It
transforms the very nature of man. After that transformation it is as
impossible for him to change as it is for light to become darkness.

May Allah Almighty guide us to the righteous path.

Faarax

Ahmed M Sharif

unread,
Feb 17, 1996, 3:00:00 AM2/17/96
to
On 9th Feb. "Mahamud. Abib" <eb7...@goodnet.com> wrote:
>
> Salaam alaykum,
>
>
> Allahay wuxu i amray inaan Salaada tukado. Allahay wuxu i amray inaan
> Soomo bishan Rammadan, laakiin ma Salaado mana Soomo. Hase yeeshe Muslim
> baan ahay!
>
> Allahay wuxu i amray in aanan khamriga cabbin. Hase ahaatee tanag ayaan
> habeen walba cabbaa. Balse ogow, Muslim baan ahay!
>
> Allahay wuxu i amray macsida in aanan u dhawaan. Laakiin waxan leeyahay
> "girl/boy friend". Toddobaadkiina marbaan sharmuud/muto soo siyaartaa.
> Ogowse, Muslim baan ahay!


Mr. Maxmuud;

This sounds like the traditional 'baabul khowf' preachings of 'in-yar kabad'
mullahs whom are so honey for human induced poetical justice derived from
selective interpretation of the Quran and the Sunna.

> Haddaad tahay qof Muslin ah oo ku dhaqma ficiladaas, shaki kuma jiro inuu
> guri kuugu diyaar yahay Jaxiima States. Waxaad ogaata inaad caasiday
> Allahii ku abuuray. Waxad ogaata inuu Shaydaan ku duufsaday. Waxad ogataa
> inaad KAAFIR tahay.

Why don't you talk about positive expectations, hope, aspirations, constructive
guidance and encouragement instead of advertising this one-way ticket to
'Jaxiima'? How can you be so sure that lack of 'salaad' and 'soowm' coupled
with 'macsiya' and gallons of 'talaaba-dheere' will make one qualified for being
called 'kaafir'? Anyway, who gave you the authority of declaring someone as
'kaafir'?


Regards,

A.M. Sharif - who would have refrained calling anyone 'kaafir'!

> La ilaha illa Allah.
> Maca salaama,
> Maxamud.

Ps. Just for correction, it reads 'Laa Ilaaha Illa Allah, Muhamadu Rasuulu Laah'
and it makes a hell of a difference.

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 19, 1996, 3:00:00 AM2/19/96
to

War waa ku see wacays?

Khalif Waylac.

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 19, 1996, 3:00:00 AM2/19/96
to
In article <4g4pr1$b...@marton.hsr.no>, ah...@hsr.no (Ahmed M Sharif) writes:
>Mr. Maxmuud;

>
>Why don't you talk about positive expectations, hope, aspirations, constructive
>guidance and encouragement instead of advertising this one-way ticket to
>'Jaxiima'?
>A.M. Sharif - who would have refrained calling anyone 'kaafir'!

Waryaa shariifoooow, waxaad ku moodaa inaad wadaadaha nasaarada aad u maqashay
in badan iyagoo hadlaya, iyagaa ka hadla Love iyo hope qudha.
Diinta islaamkase shariifow waa diin dhaxdhaxaada oon dhanna u janjeedhin
waa cadaalad aan cidna ku qulloocnayn. Bal quraanka tusaale u qaado oo marka
uu ilaahay dadka la hadlayo marna wuu u hanjabaa marna wuu u naxariistaa.

Ruuxa muslinka ahna waa inuu u dhaxeeyo cabsi iyo rajo, labadaa mid hadduu
waayo waa halis, oo naxariista ilaahayna lagama quusto cadaabkiisana lama
sahashado.

Marka wadaaduhu marka ay wax wacdinayaan waa inay cabsiiyaan ooy illin kaga
keenan ooy kaga farxiyaan ooy illin kaga keenaan!!

Sicii la maalayaa la salaaxaaye haddaad aragto wadaad aan waxa xun kaa reebin
ka fogow dan buu leeyahaye.

Ugu danbaystii ilaahay waa Raxiim waana shadiidul ciqaab.

Salaamun calaykum.

Khaliif Wayklac.

MAHMOUD ABIB

unread,
Feb 21, 1996, 3:00:00 AM2/21/96
to

Salaamun Calaykum,

Walaal Nur, aad ayaad u mahadsantahay. Waxan iga yaabiyay jawabaha aan ka
helay muslin sheegatada rugtan wax ku qorta!
Nuurow waxan shaki ku jirin inay badanka kuwa sheegta Islaamku dayaceen
diintii Islaamka. Allaheen wuxu inna faray inaan Quraanka akhrino maalin
kasta, oo aanu ka foojignaannu dabinnada Shaydaan mal'cuun had jeer innoo
qoolo.Waxase ayaan darro ah, inu Shaydaankii duufsaday Somali badankeed
iyo waxa Muslin sheegta badankood.

Bil matal, markuu Allaheen innagu AMRAY in aanu Salaadda tukanno 5 jeer
maalintii, ogow haddii aanad amarkaas raacin inaad GAAL tahay. Laga yaaba
inaad tawbad keentid muddo danbe, laakin ogow inaad ku jirto MARXALAD
GAALNIMO oo aad gaal tahay inta aad amar diid tahay oo dhan.

Waxa ku yaal Quranka casharkan:
Allaheen baa ku yidhi Ibliis u sujuud ADAM. Amarkii ma raacine Ibliis waa
caasiyay Allah. Ogow amar diidnimadaas ayaa Shaydaanka gaal ka yeeshay.
Haddaba marku Allaheen inna AMRAY in aanu Soonno, Salaadda Tukanno,
Macsida dhaafno, khamriga iyo wixi madaxa dooriya ka fogaanno, ogow
haddii aanad amarkaas raacin inaad GAAL tahay. Maxaad kalood isku sheegi?
Iswaydii su'aashan, maxaad u dhayalsanaysaa amarka Allaha? Ogow inu
Allahaa kaaga dhawyahay halbawlaha dhiigga hora ee qoortaada ku yaal.
Ogow inu Allaha og yahay farkasta oo aad dhaqaajiso.


Maca salaama,
Maxamud Abib


Wacays Bashe

unread,
Feb 21, 1996, 3:00:00 AM2/21/96
to

KAA...@bolton.ac.uk wrote:
>In article <ragnaroek1996Fe...@news2.compulink.com>, ba...@idirect.com (Wacays Bashe) writes:
>>
>>Ah...@icacomp.com wrote:
>>>Walaal maxamuud.
>>>
>>>
>>>
>>> Wax wanaagsan baad sheegtay.right on track,halkaa ka wad.
>>
>>>
>> Nur.
>>
>>
>> Halkaa ka wad.?
>> Maxaa ku xiga, "Gar dheer oo dheer malihi, Muslinna waan ahay..?"
>>
>> Dadka Heesahaya oo laga fara-macaysto.
>>
>> - Bitterness.
>>
>>
>>--
>>Wacays.
>
>War waa ku see wacays?
>
>Khalif Waylac.
>
Khaliif Waylac;

Uyuga maa na DHASHTI, markii oo ma aragtay, ooy na Bukee-haayaan.

Kaneytana, waas soo galay,kii horaas ku dhahaayaa ku sii soco ?
Waxaas intee laga yaqaanaa.?

Haddii uu wax kale uga jeeday, ma sheegoohe':

Ninkii oo Ku Daaro, Uusna Waa la Daarsadaa.

>>
>--------------------------------------------------------------------------
>Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
>murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
>inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
>---------------------------------------------------------------------------

--
Wacays.


KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 21, 1996, 3:00:00 AM2/21/96
to
In article <ragnaroek1996Fe...@news2.compulink.com>, ba...@idirect.com (Wacays Bashe) writes:

> Khaliif Waylac;
>
> Uyuga maa na DHASHTI, markii oo ma aragtay, ooy na Bukee-haayaan.
>
> Kaneytana, waas soo galay,kii horaas ku dhahaayaa ku sii soco ?
> Waxaas intee laga yaqaanaa.?
>
> Haddii uu wax kale uga jeeday, ma sheegoohe':
>
> Ninkii oo Ku Daaro, Uusna Waa la Daarsadaa

>Wacays.
>

War Wacays

Markaan calas galo haran baan ahaa oo xiintada intaan tagaan huuyda laba
dhacle u ridi jiray, waxaadse i mukhuurisay lalab oo dhuflihiina gabay.
Haddaanse dhiidhigan ka baxo carriskaygii baan isaga fuli oo intuu tar ligisa
ka imanayo garbo iyo xadhadhanba waa iga dhuunkaal.

Wadhi!! war jinni dagtanu waa meel jaan. Ninba nin buu durqumay, oo meejaad
tagtaba labaa isku xamaajaysan oo kolba mid inata fidhaa loo qaado oo xidigaha
labo laga tuso caana galeenka lagaga fadhiisanayaa, markuu soo rundudsadana
mid kaluu isku xanjaynayaa!!

War qumaatigii iyo qallocciba waxaa ka batay labac jirjirkii!!

Waa maxay meejan tada!! Waa maxay garridan un giiga'laynayso. Meeju waa
galgalin madhan hadana guluf un baa is daba mara! meeju waa gabaahiir
hadana qolaa wax galbisoo geeddan is daba dhigtay!!

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa, ninkan qarrida u farma' yidhiyow
haarta ugu horraysa riiraceeda, dhanbaceeda, babaceeda iyo gooradeedaba aahaa
ku aasan, juuqahana balaayaa ku jirta, ee eeggaad dhawdahaye ooxada soo
qaad wadiiqahana ka soo leexoo sananka ha fuuline aayar karimada ka dhaadhac.

wasalaamu calaykum

Kaliif Waylac.

s57...@aix2.uottawa.ca

unread,
Feb 22, 1996, 3:00:00 AM2/22/96
to
Nin yahow somaliga ihi waxaad ogaata inuuna ilaahay ku aburin inaad dadka kaleh ugu yeedhid gaalo. cid aad dhaanta iska yar aduunkan. ilaahayna umadiisa meeshu
geynayo isagaa og. nacas baad tahay hadaad isleedahay jano ayad ku gali cayda
aad dadka caayayso. danahaaga ku toos oo diinta dadka kale ka bax. hadii cid la cadaabayo, maxaa ka galay adiga. You are lacking what psychologists call "self esteem". you derive your fake sense of superiority and religious purity by calling others kufaars. get off it. wake up and smell the damn coffee, the time for gadh dheerayal like you is over. No more will we be oppressed by sword carriers or hate mongers even if they claim Islam as their source of guidance. And if you think that the cavers are musli
sheegato then get the hell out of our cave and go back to the arabian desert so these arabs can call you an "abd" in 1996.

I.A.I.
MAHMOUD ABIB (eb7...@goodnet.com) wrote:

: Salaamun Calaykum,

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 22, 1996, 3:00:00 AM2/22/96
to
In article <4ggf07$26...@mercury.cc.uottawa.ca>, s57...@aix2.uottawa.ca () writes:
>Nin yahow somaliga ihi waxaad ogaata inuuna ilaahay ku aburin inaad dadka kale
>h ugu yeedhid gaalo. cid aad dhaanta iska yar aduunkan. ilaahayna umadiisa meeshu
>geynayo isagaa og. nacas baad tahay hadaad isleedahay jano ayad ku gali cayda
>aad dadka caayayso. danahaaga ku toos oo diinta dadka kale ka bax. hadii cid
>la cadaabayo, maxaa ka galay adiga. You are lacking what psychologists call
>"self esteem". you derive your fake sense of superiority and religious purity
>by calling others kufaars. get off it. wake up and smell the damn coffee, the
> time for gadh dheerayal like you is over. No more will we be oppressed by swor
>d carriers or hate mongers even if they claim Islam as their source of guidance
>. And if you think that the cavers are musli
> sheegato then get the hell out of our cave and go back to the arabian desert
>so these arabs can call you an "abd" in 1996.
>
>I.A.I.

Waryaa, war sheegato ma tihide dhalad baad tahaye bal ha toloobine u sug.
Ninkana bunka malcuunka ah eedd ursiisay ka jooji oo haddaadan labadaada lugood
si fiican ugu istaagi karin oodan cidhbaha qotonsan karin nin ceel ku jira
dawlis ha u laadlaadinin.

Midda kale gadh dheere awood uu kugu ciilaba ma lahee ilaahay ka cabso oo
ha xad gudbin, waa haddii aynan oohintu orgiga ka waynayn oodan boodh isku
qarinaynin. Diintana lagaama xigee baro oo difaac oo ku camal-fal.

wasalaamu calykum.

Khaliif Waylac.

KAA...@bolton.ac.uk

unread,
Feb 22, 1996, 3:00:00 AM2/22/96
to
In article <4ge3rr$g...@news1.goodnet.com>, MAHMOUD ABIB <eb7...@goodnet.com> writes:
>
>Salaamun Calaykum,
>
>Walaal Nur, aad ayaad u mahadsantahay. Waxan iga yaabiyay jawabaha aan ka
>helay muslin sheegatada rugtan wax ku qorta!
>Nuurow waxan shaki ku jirin inay badanka kuwa sheegta Islaamku dayaceen
>diintii Islaamka. Allaheen wuxu inna faray inaan Quraanka akhrino maalin
>kasta, oo aanu ka foojignaannu dabinnada Shaydaan mal'cuun had jeer innoo
>qoolo.Waxase ayaan darro ah, inu Shaydaankii duufsaday Somali badankeed
>iyo waxa Muslin sheegta badankood.
>
>Bil matal, markuu Allaheen innagu AMRAY in aanu Salaadda tukanno 5 jeer
>maalintii, ogow haddii aanad amarkaas raacin inaad GAAL tahay. Laga yaaba
>inaad tawbad keentid muddo danbe, laakin ogow inaad ku jirto MARXALAD
>GAALNIMO oo aad gaal tahay inta aad amar diid tahay oo dhan.
>
>Waxa ku yaal Quranka casharkan:
>Allaheen baa ku yidhi Ibliis u sujuud ADAM. Amarkii ma raacine Ibliis waa
>caasiyay Allah. Ogow amar diidnimadaas ayaa Shaydaanka gaal ka yeeshay.
>Haddaba marku Allaheen inna AMRAY in aanu Soonno, Salaadda Tukanno,
>Macsida dhaafno, khamriga iyo wixi madaxa dooriya ka fogaanno, ogow
>haddii aanad amarkaas raacin inaad GAAL tahay. Maxaad kalood isku sheegi?
>Iswaydii su'aashan, maxaad u dhayalsanaysaa amarka Allaha? Ogow inu
>Allahaa kaaga dhawyahay halbawlaha dhiigga hora ee qoortaada ku yaal.
>Ogow inu Allaha og yahay farkasta oo aad dhaqaajiso.
>
>
>Maca salaama,
>Maxamud Abib
>

War maxamuud muslinamadu ma sheegatay lahayd in dadku dhalad wada yahaan
moodayaye "Fitrata llaahi llatii fatara nnaasa calyhaa laa tabdiila li
khalqi llaah" "Kullu mawluudin yuuladu calal fitrati fa abawaahu yuhawidaanihi
ow yunassiraanihi aw yumajisaanih"

Midda ka le gaalaynta aad dadka la daba joogto bal aayari oo dadku waa caasiyo
e gaalo ma ahee ha ku danbaabin.
Salaadda dow baad u leedahay laakiin inta kale aad baad ugu khaldantahay.
zino iyo xatooyo iyo khamri cab iwm waa kabaair laakiin laguma gaaloobo ee
ilaahay ka baq oo aayar dadka wax usheeg, hadday kaa diidaana "Calykum
anfusakum laa yadurrakum man dalla idahtadaytum"

Allaa og.
Aniga iyo adigaba allaha na hanuuniyo.

Khaliif waylac

Abdullahi Abukar

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to
Dear Mr. Jacayl:

Maybe it is time for some mathematical refreshment for you.


Abdullahi.

Ahmed Ahmed Jacayl (ck...@FreeNet.Carleton.CA) wrote:


: kufaar + kufaar = squar

Abdullahi Abukar

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to
KAA...@bolton.ac.uk wrote:

: Sicii la maalayaa la salaaxaaye haddaad aragto wadaad aan waxa xun kaa reebin


: ka fogow dan buu leeyahaye.

: Khaliif Wayklac.

Waryaa Khaliif:

Waxaad i soo xusuusisay maahmaahdii ahayd "Bowdo Caalin taabtay cadaab ma
taabto". Waa maxay dulucda aad ka leedahay saca la maalayo? Mise waa sida
aan u fahmoo labada xiriir baa ka dhexeeya?

Cabdullaahi

: --------------------------------------------------------------------------

Khaliif Waylac

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to
In article <Dn7EIq.Csn...@torfree.net>, cc...@torfree.net (Abdullahi Abukar) writes:
>KAA...@bolton.ac.uk wrote:
>
>: Sicii la maalayaa la salaaxaaye haddaad aragto wadaad aan waxa xun kaa reebin
>: ka fogow dan buu leeyahaye.
>
>: Khaliif Wayklac.
>
>Waryaa Khaliif:
>
>Waxaad i soo xusuusisay maahmaahdii ahayd "Bowdo Caalin taabtay cadaab ma
>taabto". Waa maxay dulucda aad ka leedahay saca la maalayo? Mise waa sida
>aan u fahmoo labada xiriir baa ka dhexeeya?
>
>Cabdullaahi

Cabdullaahiyow bal marka hore salaamun calaykum.

Arrinku waa sidaad u fahantay, laakiin bowdadu sacay soo hoos galaysaa
sacuse maya. Waxaa arrinkan soo afmeertay maahmaahdii ahayd "Af wax cunay
xishoo". Marka wadaadku hadduu dano ilaah raalli galintiisa aan ahayn uu wato
waa u sahal inuu jannada ka sheekeeyo oo taariikho hore sheego oo waxa
wanaagsan uu dadka u sheego, illaase inuu wax xun ka reebo suuro gal ma aha
oo dee waxay u dhawdahay inay dad badan is waayaan. Soomaaliduna taa way ka
maahmaahday oo waxay tidhi "faqiih tolkii kama janno tago".

Hadhow bay intay kuu yimaaddaan bay ku odhan wadaadadii hore arrinkaa nooma
sheegi jirin!! waa maxay waxan kada cusub!! maxy kuu sheegaan inaad dhuunta
kaga istagtay ka yaabayeene.
Eeggayse kaba dareen ooy yidhaahdeen wadaadaha gaaladu wax wanaagsan bay
sheegaan ee adinku maxaad cadaabka noogu khuukhinaysaan?! iyo maxaa kaa
galay waxaan samayno? kolka annana waxaan leenahay, war waxan goormaan
arki jirray soo xumaanta layskama reebi jiray!!

FYI, kaniisadda ingiriiska maalin hore waxaqy tidhi sinadu waa OK!!

Nin geel-jire ah baa isagoo mandiil loogu xiirayuu dhagtiisi oo dhulka
taalla arkay kolkaasuu wuxuu yidhi intuu soo qaaday " War tan soo lama
reebi jirin!!" sidii bay hadda naga taagantahay.

Wasalaamu calaykum.

Khaliif Waylac.

Wacays Bashe

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to

Akhwaan khaliif;


Unuga ma'alin dugsi qur-een i shiiq wa'di waa nakhaan, laakin Qaliif koo
tusbi' kun xabbo khoorta ku wato ii murjigoo dheerkoo hortiis ka taago
kaas waxan dhahnaa "Xariif oo ceertoobey". Beesaas gurbisadaa, Dhib ma ka
wati ma ahine saas aan u mudaa. Marka oon ka hadlaayo akhwaan ma jirin,
weli caada hadda dhow ey eheyd. ka warran hee.

Hoostaan hoose waxaa eh wixii ka kasi wixii ood soo tururuxisay. Alaab
holac ay ehayd, Macbuudka! qaar kaleento oo isaga jir jira afba ma ehe,
oromo miyaa ma oshi, wax lee si ka ah:

--

>KAA...@bolton.ac.uk wrote:
>
>War Wacays
>Markaan calas galo haran baan ahaa oo xiintada intaan tagaan huuyda laba

Markii oo webi galo rahaan ahaay inta tiimbado aan lugtaydo xiimaysa laba

>dhacle u ridi jiray, waxaadse i mukhuurisay lalab oo dhuflihiina gabay.

dhabis u gami jiri, laakin waxaadse i kudisay shaki xitaa intiina ma leh.

>Haddaanse dhiidhigan ka baxo carriskaygii baan isaga fuli oo intuu Haddiiba cankabuudkaan mar lee ka baxsado meeheygii aan u qulqulaa oo

>tar ligisa ka imanayo garbo iyo xadhadhanba waa iga dhuunkaal.

`````````` ````` ``````````` sun ay iga tahay.

>Wadhi!! war jinni dagtanu waa meel jaan. Ninba nin buu durqumay, oo

Iyaah!! meehaan jinnigaa isku fuula. Kooba koo kalaas ku qarbaxay, oo

>meejaad tagtaba labaa isku xamaajaysan oo kolba mid inata fidhaa loo

meehii tegtidba labadooyaa isku kooleysan oo marba midaa cirka loo

>qaado oo xidigaha labo laga tuso caana galeenka lagaga fadhiisanayaa,

gamaa ooba habartiis aroos ah la tusiyaa weliba shafkaa laaga baraaqsanaa,

>markuu soo rundudsadana mid kaluu isku xanjaynayaa!!

Haddana waas soo kacaahee koo kalaas isku sii qoomaaraa.

>War qumaatigii iyo qallocciba waxaa ka batay labac jirjirkii!!

Ar tooskii ii jiiradiiba waxaa ka bati kuwoo inta i intaba ahayn!!

>Waa maxay meejan tada!! Waa maxay garridan un giiga'laynayso. Meeju waa

mahanu mahay aheed!! waa maxay meehaaneey gariiraysa leeye. Mahu waa

>galgalin madhan hadana guluf un baa is daba mara! meeju waa gabaahiir

godad biyo eber ka eh haddana dagaal joogta ah! meeshu waa meel u dhamaati

>hadana qolaa wax galbisoo geeddan is daba dhigtay!!

haddana qolo leeyaa wax bursatay oo dagaal u sii racdaysatay.

>Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa, ninkan qarrida u farma' yidhiyow

Warkey waxaan ku soo jaraa, kanayto oo ku dhahaayo duurka isku shuba

>haarta ugu horraysa riiraceeda, dhanbaceeda, babaceeda iyo gooradeedaba

buurta yar ee u soo horeysa dhabarkeeda, dhinaceda, gadalkeeda,lukhunteda

>aahaa ku aasan, juuqahana balaayaa ku jirta, ee eeggaad dhawdahaye ooxada

inkaar aa ku duugan, dakhalada balaa ku jirta, haddaad dhowdahaye waddada

>soo qaad wadiiqahana ka soo leexoo sananka ha fuuline aayar

soo raac luuqluuqana ka soo gembiso ha isa sii weynayne tartiibtaa

>karimada ka dhaadhac.
jaran jarada ka dagoow.

>wasalaamu calaykum
Wacalaykum wasalaam.

>Khaliif Waylac.

Wacays.

seyoum zegiorgis

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to
In article <ragnaroek1996Fe...@news2.compulink.com>, ba...@idirect.com (Wacays Bashe) says:
>

>kaas waxan dhahnaa "Xariif oo ceertoobey". Beesaas gurbisadaa, Dhib ma ka
>wati ma ahine saas aan u mudaa. Marka oon ka hadlaayo akhwaan ma jirin,
>weli caada hadda dhow ey eheyd. ka warran hee.
>
>Hoostaan hoose waxaa eh wixii ka kasi wixii ood soo tururuxisay. Alaab
>holac ay ehayd, Macbuudka! qaar kaleento oo isaga jir jira afba ma ehe,
>oromo miyaa ma oshi, wax lee si ka ah:

Waceys

Waan ku salaamay aadna ayaan kuugu raacsanahay habka aad jawaabta u

tuuroysid, dhibaatada kaligaa ma qabtid. Af culus ood macnihhisa kaseynin aa

socdo: Tan kale su'aal aan qabaa. Wax reer Banaadir eh ama ree gobolada

dhowdhow eh maleh miyaa? mise internetka mala yaqaan?

Abdiqani

MAHMOUD ABIB

unread,
Feb 23, 1996, 3:00:00 AM2/23/96
to
aas...@cc.utah.edu (A Shmomed) wrote:

>Waxaan filayaa in Abib uu tiigsanayo in qofka noocaas ah uusan lahayn
>sumdaha diinta ee uu aad ugu dhow yahay kuwa gale ee kaafirka ah.
>Ujeedadiisu waxay ahayd baan u malynayaa in uu nagu beero su'aasha ah

>maxaynu ku gala garan karna astaamaha qofka gaalka ah iyo kan muslimka ah? Marka haddii labada calaamadood isku mid noqdeen, maxaa arin ah?


>marka aniga qof ahaan saa baan u qabay!


Walaal, Allah ya cisak'! Si wacan ayaad u fahamtay ujeedayda. May ahayn
ujeedaydu in aan aflagaadeeyo qof kale oo bani Adam ah. Intiinna
xumaan ujeedadayda u qaadatayna, min fadlag, raalli iga noqda.
Allah ayuunbaa og meeshu qof kastaa ku danbayn doono, naar ama Janno.

Waxay ujeedadaydu ahayd tilmaamid marxaladda ay ku jirto Soomaliyi.
Maanta, dadka intooda badan, xumaan iy samaani waa iskugu mid. Taasina ma
aha ficil Allaheen ka raali yahay.

Sababaha ka danbeeyay burburkii dhulkii hooyo, ilama aha inay ka
danbeeyeen tuugta aan xalaasha iyo xaraanta kala aqoon. Sababtu waxay
tahay Soomali oo diintoodii dayacday.

Markuu Allaheen Subxaan wa tacaala u ballan qaaday kuwa u hanuunsama
horumar iyo barwaaqo, IF IYO AAKHIRABA. Waxa waajib ah inaan iswaydiinno
sababtaan hoog iyo ba' uga bixi waynay? Waxa waajib ah inaan iswaydiinno
sababtuu Alleh noogu soo diray Siyaad, Caydiid, Mahdi, Morgan, Geelle,
Ciqaal, Tuur, Yussuf, Jees, Gaani, Dafleh iyo tuug kastoo Somali
aslaaxaddeed riyo waligiis ku arag?

Sida kaliyah ee aanu horumar ku qaadhi karnaa waxa weeye iyadoo loo
hanuunsamo ayaadaha Quraanka. Dib ha loo eego wuxu Quraanku innagu
guubaabinayoo. Kadibna waynu goosan midhahaan abuurno, if iyo aakhiraba.

Garabkaaga Alleh ha galo,
Maxamud.


Warsame, Abdirahaman

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to
ba...@idirect.com (Wacays Bashe) wrote:


>Markii oo webi galo rahaan ahaay inta tiimbado aan lugtaydo xiimaysa laba

>dhabis u gami jiri, laakin waxaadse i kudisay shaki xitaa intiina ma leh.

> Iyaah!! meehaan jinnigaa isku fuula. Kooba koo kalaas ku qarbaxay, oo

>meehii tegtidba labadooyaa isku kooleysan oo marba midaa cirka loo

>gamaa ooba habartiis aroos ah la tusiyaa weliba shafkaa laaga baraaqsanaa,

>Haddana waas soo kacaahee koo kalaas isku sii qoomaaraa.

>Ar tooskii ii jiiradiiba waxaa ka bati kuwoo inta i intaba ahayn!!

>mahanu mahay aheed!! waa maxay meehaaneey gariiraysa leeye. Mahu waa

>godad biyo eber ka eh haddana dagaal joogta ah! meeshu waa meel u dhamaati

>haddana qolo leeyaa wax bursatay oo dagaal u sii racdaysatay.

>Warkey waxaan ku soo jaraa, kanayto oo ku dhahaayo duurka isku shuba

>buurta yar ee u soo horeysa dhabarkeeda, dhinaceda, gadalkeeda,lukhunteda

>inkaar aa ku duugan, dakhalada balaa ku jirta, haddaad dhowdahaye waddada

>soo raac luuqluuqana ka soo gembiso ha isa sii weynayne tartiibtaa

>jaran jarada ka dagoow.

Daer Waceys;

Widaay Ciid Wanaagsan. Thank you million times for providing a little
diversity in our rich dialects. Macalinaa tahay.


Take care
Gacmadhere

>Wacays.


MAHMOUD ABIB

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to
KAA...@bolton.ac.uk (Khaliif Waylac) wrote:

>Waxaa arrinkan soo afmeertay maahmaahdii ahayd "Af wax cunay

>xishoo". Marka wadaadku hadduu dano ilaah raalli galintiisa aan ahayn uu >wato waa u sahal inuu jannada ka sheekeeyo oo taariikho h=


ore sheego oo >waxa wanaagsan uu dadka u sheego,

Waa dhab! Hore ayuu gadh-dheere u yidhi, "Riyo iyo ido waa balaayee,
wankii badhi leh ayaa balaayada kaa dabbaala." Diintii Islaamku
waxay gacanta u gashay wadaado dantooda watta oo ka fakaraya meeshay
kasoo xasilin lahayeen casho bilaash ah.

Diintii Islaamku maanta waxay noqotay diamond ku aasan qashin iyo
guddaafad. Badanka dadkii Islaamka sheeganayayna, waxay gaadheen heer
xumaan iyo samaani u kala muuqan. Waxaa inna soo foodsaaray kala huf'kii
diamondkaas iyo qashinkaas bani aadamku abuuray.


La ilaha illa Allah, waxdahu la sharika lah.

Maxamud Abib.


MAHMOUD ABIB

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to
s57...@aix2.uottawa.ca () wrote:

>nacas baad tahay hadaad isleedahay jano ayad ku gali cayda
>aad dadka caayayso. danahaaga ku toos oo diinta dadka kale ka bax.
>hadii cid la cadaabayo, maxaa ka galay adiga.

U malaynmaayo in aan cid caayay. Min fadlaq, bal iisheeg caydaad
ku aragtay waxan qoray. Ujeedadaydu waxay ahayd baraarujin, waanan ka
xumahay in aanad sidaa u arag qoraalkay.

>You are lacking what psychologists call "self esteem". you derive your >fake sense of superiority and religious purity by calling o=
thers >kufaars. get off it.

Perhaps you should define what 'self esteem' is in Afka hooyo. If you are
lacking sense and sensibility, that is your problem, laakin aniga ha
iila iman such perverted myths as "Oooh let us not judge the people.'

Allah wuxu na siiyay buug la yidha Al-furqaan. Buug kala saara xumaan iyo
samaan. Buuggaas waxa ku qoran in qofkii muslim sheegta:
Ka fogaado khamriga
Ka fogaado macsida
Beenta iska dhawro
Salaadda tukado
sakada bixiyo
Ramadaan soomo
qof kale aanu dilin
naxariis badnaado
caddaalad dadka kula dhaqmo (gaal iyo islamba)
musuqmaasuq ka fogaado
nabad iyo aslaaxadda dhulka ka taliyo
tuuganimada, dhacca, boobka, khamaarka iyo ficil shaydaan oo dhanna ka
fogaado....iwm.

Haddaba haddaad muslim tahay kuna dhaqantid caado xun oo dhan, in my
humble opinion, u malayn maayo in aad muslim tahay.
.
>wake up and smell the damn coffee, the time for gadh dheerayal like you >is over. No more will we be oppressed by sword carriers or=


hate mongers >even if they claim Islam as their source of guidance.

I don't have gadh dheer and we are in agreement here. I smelled the Qaxwe
long time ago. Islam has been victimized by long-bearded maggot infested
mullahs and they traded the truth for a cheap price. Miserable indeed is
what they do. Insha Allah, their days are numbered, so, stay tuned.

>And if you think that the cavers are muslim


> sheegato then get the hell out of our cave and go back to the arabian >desert so these arabs can call you an "abd" in 1996.

I didn't know that you were this cave's bouncer. Anyway, it is my Quranic
believe that majority of those who call themselves muslims are headed for
the lowest pit of hell. As for me going back to the Arabian desert, let
me just say that I have never been there.
FYI, Islam doesn't belong to the Arabs. Islam is for ALL mankind.
Additionally, Allah subxaan wa tacaala warned us about the Arabs 1400
years ago:
"The ARABS are the worst in disbelief and hypocrisy, and the most
likely to ignore the laws that Allah has revealed to His messenger.
Allah is Omniscient, Most Wise." Sura 9 aayah 97..


Maca salaama
Abib.


MAHMOUD ABIB

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to
c72...@reimari.uwasa.fi (Abdoulkader Bile Abokor) wrote:

>Umalaynmaayo in qof ashahaatala odhan karo gaalbaad tahay. Mida kale >"qofna camalkuu sameeyo kuma janno galo ee naxariista Ilaahay=
baan >masaakiin u wada nahay".

Haddaad ashahaadato, danna ka lahayn u hoggaansiga casharada iyo amarada
Allaheen Quraanka ku qeexay, sideed u sheegan kartaa MUSLIM? Markaannu
fahamno macnaha erayga 'muslim' iyo sida Allaheen u sifeeyay, waxa hubaal
ah inaan ashahaadoo keliyihi qofna anfici doonin maalinta yawm
al-qiyaame. Ogow inuu Fircoon ashahaatay markay baddu liqaysay! Haddaba
is waydii waxay Ashahaado kalihi u tartay Fircoon. Ashahaado aan camal
fiican la raacsiini waa hal bacad lagu lisay.

>waxaan se ku odhan lahaa "Diintu way badan tahee bal u sii fiirfiirso >wax badan baad fahmi doontaaye"

Hadday kula tahay in ashahaado oo keliya lagu Janno tago, dib u fiirsaan
ku odhan lahaa. Such satanic wishful thinking has been accepted as Islam.
Muslim is defined by Allah and that definition can be found from the
Quran Alone.


Maca salaama,
Maxamud.

j.j

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to ja...@inforamp.net
test.. test.. sorry if it gets strayy...@yorku.ca (Warsame,

s57...@aix2.uottawa.ca

unread,
Feb 25, 1996, 3:00:00 AM2/25/96
to
Mr. Mohamoud,

One thing that is clear in my mind is that religion is a PERSONAL choice. One cannot be coerced or threatened by hell fire to believe. Our creator, and I do believe there is one, has given us an inquisitive mind that, naturally, questions everything. You are so sure of what you're doing and feel so confident in your beliefs that you gave your self the right to be Heaven's doorman. You let in those you think are following your pattern, and the others will end up in the "lowest pit". How convenient! Has it
ever occured to you that there are, at least, five major religions in this world with average followers of 500 million souls, and that each and every one of them claims the only way to salvation, or heaven. Surely, if one religion is the way to salvation then all the rest must be phonies. So the majority of creation is going to hell in your view. How silly! Every human being knows that they will die one day, how on earth could they INTENTIONALLY choose "hell" over "heaven"?

I.A.I.


MAHMOUD ABIB (eb7...@goodnet.com) wrote:

Ahmed M Sharif

unread,
Feb 26, 1996, 3:00:00 AM2/26/96
to
Khaliif Waylac;

On 19th Feb. <4g9squ$k...@yama.mcc.ac.uk> KAA...@bolton.ac.uk wrote:
>Waryaa shariifoooow, waxaad ku moodaa inaad wadaadaha nasaarada aad u maqashay
>in badan iyagoo hadlaya, iyagaa ka hadla Love iyo hope qudha.
>Diinta islaamkase shariifow waa diin dhaxdhaxaada oon dhanna u janjeedhin
>waa cadaalad aan cidna ku qulloocnayn. Bal quraanka tusaale u qaado oo marka
>uu ilaahay dadka la hadlayo marna wuu u hanjabaa marna wuu u naxariistaa.

Wadaadadda qaarkood, siiba kuwa aan idhi 'in-yar kabadka', dhexdhexaadnimadaas
waa loogu taag la'yahay. Qur'aankuna, sida aad tidhiba, naxariista Ilaahay iyo
ciqaabka ciddii ka leexata siduu faray way ku yaalaan. Hase ahaatee, ujeedadaydu
waxay ahayd inaan Mahamoud Abib waydiiyo waxa wadaadadda qaarkood ku kalifay
inay naxariista Illaahayna ka hadli waayaan.

Regards,

A.M. Sharif

Ps. Wadaadadda Nasaarada eed mooday inaan aad u dhegaystayna waxba kama jiraan.
Hase yeeshee, 'kitaabkooda' waan akhriyay - waxbana iigama kordhin!

Khaliif Waylac

unread,
Feb 26, 1996, 3:00:00 AM2/26/96
to
In article <4gs7u7$8...@marton.hsr.no>, ah...@hsr.no (Ahmed M Sharif) writes:
>
>Wadaadadda qaarkood, siiba kuwa aan idhi 'in-yar kabadka', dhexdhexaadnimadaas
>waa loogu taag la'yahay. Qur'aankuna, sida aad tidhiba, naxariista Ilaahay iyo
>ciqaabka ciddii ka leexata siduu faray way ku yaalaan. Hase ahaatee, ujeedadaydu
>waxay ahayd inaan Mahamoud Abib waydiiyo waxa wadaadadda qaarkood ku kalifay
>inay naxariista Illaahayna ka hadli waayaan.
>
>
>
>Regards,
>
>A.M. Sharif
>
>Ps. Wadaadadda Nasaarada eed mooday inaan aad u dhegaystayna waxba kama jiraan.
>Hase yeeshee, 'kitaabkooda' waan akhriyay - waxbana iigama kordhin!

Marag waxaan kaaga ahay in ay wadaadada qaar inta ay in yar kabadeen ooy ku
margadeen in ay madaxa geedaha la dhacayaan, allow ka daji. Waxaase iyana
jira kuwo sheekh sahallo la yidhaa oo iyagu wax kasta waa hagaag mooyaane
waxanaa qalloocan afkooda laga dhowray, waligoodna aan qiil waayin.

marka waxa ila haboon in aynu innaga halkaa dhaxda ah ku dhagno sidii lagu
aqoon jiray ahlu sunnaha waligood, siduu ilaahay na faray, siduu nabigeenna
na baray iyo siday madaxya wayntaanadii noo horseedeedn.

Markaad wax san aragto faraxa wajigaaga ha laga garto, markaad wax xun aragtana
wajigaagu cadho ha la casaado sidii nabiga salalaahu calayhi wa sallama.

Ugu danbaystii dhexda war dhaxda war dhaxda yaanan nalaga riixin waligeen.

Bal murtidan muudmuuso waa dhaxalkay nooga tageen madaxyo wayntiiye.
"Ninkii culimadaanada ka mid ah ee baadiyooba waxaa ku jira u eki yahuudeed
ninkii caamadaanada ka mid ah ee badiyoobana waxaa ku jira u eki nasaareed"

Wasalaamu calaykum
Khaliif Waylac.

marian hassan

unread,
Feb 27, 1996, 3:00:00 AM2/27/96
to
RE: Kufaar baan ahay, Muslim baan sheegta!

Inkastoysan ahayn in qof islaam sheegta lagu tilmaamo kufri, haddana
qorihii figraddan lahaa dulucdiisu waxay ila ahayd mid ka war bixinaysay
sidda dad badan oo muslim sheegtaa dhaqankoodu uga dheer yahay muslinimo
dhabba. Iyadoo ay sidaa tahay, haddaba maxaa dooda loomarin habaabin oo
loo geeyan meel aysan lahayn iyo wadaado waxka sheeg ie. "Gardheerayaal!"
Qof ka fogaaday wixii ilaah faray ama ku dhaqmaya waxii eebe quraankiisa
uga reebay, inuu khaldan yahay miyaynu isku haynaa? Misse waxaa adag in
qof wax saxa kuu sheegay lagu raaco lagana qaato adigoo tixgalinaya
waqtiga iyo muhiimada uu galiyay si uu kuugu faaiideeyo. MAcnahaygu
wuxuu yahay, (idinkoo raaliya) yaynan eegan oo kaliya inta yar ee qofka
ka khaldan iyo gafafka sidda istiicmaalka kalmadda "KUFRI" oo ay dhacdo
in qoraha(Mohamoud) laftigiisu ku khaldamay isticmaalkeeda. Sidoo kale,
ilama aha in muslimnimadu tahay sheegasho kaliya, laakin sidda qofku kula
dhaqmo naftiisa, dadka uu la macaamilo, iyo waxyaabaha uu ku kaco intuba
waxay tusaale u yihiin iimaanka qofka iyo aaminaada uu ku qabo ilaahi
abuurtay.
========maryan.

Khaliif Waylac

unread,
Feb 28, 1996, 3:00:00 AM2/28/96
to

Waryaa Baashe
Waa maxay xariifkanna ma biid baad ka waddaa? Waa yaabe hadduu caydh yahay
maxaa biidnimo u soo arkay?

Meeshuu biid ka dawarsaday
masaakiinti say tahay?

Haddii aanse maqaalkaygi ku noqdo saaxiib, hunrada holacaadi baa keenay oo
maqaalkaadii buu madaxu ila wareeray oo ay sadarrada iskaga kay darsameen.
Waxaase la yaab leh weeraartaan ka guday baad walam tidhi oo intaad i riixday
baad i oromaysay!!

Tafsiirkaagi heer saruu ahaa, si fiican baad ganaca uga garaacday, maadna
kalyahaad i madoobaysay, mahadsanid.

Erayada aad af soomaalinimadooda inkirtay aan bal kuu fasiro

Hadduu wabi biyo cusub keeno waxaa la yidhaa "tar buu wadaa" sida badan
biyahaas waa dhoob, calow ama "ligis" waa dhoob xad dhaaf ah.
Wabigu hadduu gudho oo uu googo'o meelaha godadka ah ee ay biyuhu ku soo
hadhaan kuwa aadka u dhaadheer ee aan hiriq lahayne lugtaad galisaba ku liqa
ayaa "garbo" la yidhaa. Hadday garbadana biyaha ka dhamaadaan oo "lalab"
(quick sand) uu ka hadho waxaa la qotaa "xadhadhan" ama washaaqo dabadeed
laasas dabadeed ceelal, haddii uunan "tar" oodo wato imanin intaa ka hor.

Wasalaamu calaykum.

Khaliif Waylac

Khaliif Waylac

unread,
Feb 28, 1996, 3:00:00 AM2/28/96
to

Maxamud Abib, laba mid hur

Inaad sunnaha nabiga dadka ku caydo diinna sheegato isku heli mayside
mid hur.

Khaliif Waylac.

Wacays Bashe

unread,
Mar 2, 1996, 3:00:00 AM3/2/96
to

Waraa Weylac;

KAA...@bolton.ac.uk (Khaliif Waylac) wrote:
>
>Waryaa Baashe
>Waa maxay xariifkanna ma biid baad ka waddaa? Waa yaabe hadduu caydh >yahay maxaa biidnimo u soo arkay?
>Meeshuu biid ka dawarsaday
>masaakiinti say tahay?

Waxa jira wax layiraahdo "Biid Caddilan". Caamada aadka ah ayuu sheekh
weyn u yahay oo lacagta iyo xoolahaba ka gurtaa. Weligaa ma aragtay kuwo
sigaarka, qaadka, iyo minaa-minta kale isku dara oo haddana qiil u haysta,
oo ku oranaya Qaadku waa quutul-owliyo; Sigaarku waxaa lagu gubaa
Jinniyada i saaran. Waxaan arkay kuwo cabaya Baraafuunkii Isnaay ah ~98%
Aalkolo oo ku andacoonaya ruuxaantaa fuuqsata oo qofkasta oo laga shidayo
Mingis, Booraan, iwm waa in ay Jinni-Bixin partiga keenaan alaabtaas
kulul.

Weylacoow maxay ahaayeen kuwii inta Geel la soo dhaco loo geeyo xalaaleyn
jiray!. Waa yaabe maxay akhriyi jireen. Waxaa igu maqaalo ah, intay Geela
afartiisa koono wax ku akhriyaan, tahliilla ku firdhiyaan ayay Qaalinta
ugu fiican kala bixi jireen inta kalena sii deyn jireen, "Xallaal iyo
Xoolo saafi ah".

Haddaan u soo noqdo af Oromihii, Horta hore, hubsiimo la'aan ayaan
hadalkaa iskaga soo Oromeeyay, anigoon cid la kaashan ayaan sadaradaas
isku soo lifaaqay. Ka dib ayaan dad Soomaaliyahanno ah la kaashaday wayna
xaqiijiyeen dhammaan erayadaadii aanan ka ahayn "ligis", iyana
micnayantaada ayaan u qaatay. Waxaase jirtay qoraal hore oo halkan ku soo
baxay oon hal eray ka garan waayay, Illaahay naguma soo celiyee waxaa soo
faraqay Siciid Binu Suugaan.

FG. Waaba yaabe, maxaa reer DHURWAA webi YAXAAS iyo WASHAAQO baray!
Baxaar muxuu ka qabtaa webiga?


Sheekh Weylac, Mahadsanid adiguba macneyntaada saxda ah.

>Wasalaamu calaykum.
>Wacaleykum asalaam.

>Khaliif Waylac


>
>--------------------------------------------------------------------------
>Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
>murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
>inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
>---------------------------------------------------------------------------


--
Salaamo ka dheh.
Wacays Baashe

A Shmomed

unread,
Mar 3, 1996, 3:00:00 AM3/3/96
to
Khaliif Waylac (KAA...@bolton.ac.uk) wrote:
:
:
: Inaad sunnaha nabiga dadka ku caydo diinna sheegato isku heli mayside
: mid hur.
:

Waa run oo qofna isku heli ma karo labadaa arin; balsee noo sheeg
mahaad adiga ka aragtay ficilka noocaa inuu Abib sameeyey?
ta kale ma waanaan qof ku radiyi karin arin asoo soo daleeshanaya Xadiis,
kuna sheegaya qofkaa beenaale?

____________________________________________Abdouladif___________________


:
: --------------------------------------------------------------------------

MAHMOUD ABIB

unread,
Mar 4, 1996, 3:00:00 AM3/4/96
to
s57...@aix2.uottawa.ca () wrote:

>One thing that is clear in my mind is that religion is a PERSONAL >choice. One cannot be coerced or threatened by hell fire to beli=


eve. Our >creator, and I do believe there is one, has given us an inquisitive mind >that, naturally, questions everything.

That is very true. There shouldn't be any coercion or compulsion in
religion. Our Creator detailed this fact in the Quran:
"There shall be no compulsion in religion..." 2:256
And the 'personal' choices we make are either becoming believers of God
ALONE or becoming rejectors of the Creator. There is no path in between.

>You are so sure of what you're doing and feel so confident in your >beliefs that you gave your self the right to be Heaven's doorma=
n.

On the contrary, I worship Allah day and night out of fear and hope that
I will be among those who will be close to Him. I did not assign myself
to any place. Only Allah knows where I shall be on the Day Judgement.

>How convenient! Has it ever occured to you that there are, at least, >five major religions in this world with average followers of =


500 million >souls, and that each and every one of them claims the only way to >salvation, or heaven.

What they claim does not matter. What they uphold should be the deciding
factor of whether they have the truth or not. The truth which they all
should uphold is also detailed in the Quran:

"Surely, those who believe, those who are Jewish, the Christians, the
converts; anyone who:
1) believes in God, and
2) believes in the Hereafter, and
3) leads a righteous life, will receive their recompense from their
Lord; they have nothing to fear, nor will they grieve." 2:62, 5:69

>Surely, if one religion is the way to salvation then all the rest must >be phonies. So the majority of creation is going to hell in=
your view. >How silly! Every human being knows that they will die one day, how on >earth could they INTENTIONALLY choose "hell" ove=
r "heaven"?

Yes and no. As I mentioned in above paragraph, the only acceptible
religion in the sight of God is SUBMISSION. You can be a budhist, Jewish,
Christian, Muslim or a Hindu, if you do not uphold the worshiping of GOD
ALONE, you are in trouble and had fallen into Satan's trap.

The fact that the majority of humans are going to hell is not 'SILLY'.
It is a Quranic fact. But remember, God does not put a single soul in a
hell. The hereafter hellish life is simply our 'personal choice' which we
make on this earth. Read the following Quranic verses:

"Most people, no matter what you do, will not believe." 12:103
"The majority of those who believe in God do not do so without
commiting idol worship." 12:106

Nabad iyo caano,
Maxamud.

Ahmed M Sharif

unread,
Mar 4, 1996, 3:00:00 AM3/4/96
to

Mahmoud Abib;

On Feb. 23 MAHMOUD ABIB <eb7...@goodnet.com> wrote:

> Sababaha ka danbeeyay burburkii dhulkii hooyo, ilama aha inay ka
> danbeeyeen tuugta aan xalaasha iyo xaraanta kala aqoon. Sababtu waxay
> tahay Soomali oo diintoodii dayacday.

Iima muuqdo xidhiidh lama huraan ah oo ka dhexeeya dayacaadda diinta iyo
burburkii dawladdii Somaliya, waxaanse jeclaan lahaa inaad aragtidaada
sii balbalaadhisid.

> Markuu Allaheen Subxaan wa tacaala u ballan qaaday kuwa u hanuunsama
> horumar iyo barwaaqo, IF IYO AAKHIRABA. Waxa waajib ah inaan iswaydiinno
> sababtaan hoog iyo ba' uga bixi waynay? Waxa waajib ah inaan iswaydiinno
> sababtuu Alleh noogu soo diray Siyaad, Caydiid, Mahdi, Morgan, Geelle,
> Ciqaal, Tuur, Yussuf, Jees, Gaani, Dafleh iyo tuug kastoo Somali
> aslaaxaddeed riyo waligiis ku arag?

Ilaahay xidhiidh 'gaar ah' lama laha Soomaalida. Dawlad xumadii Somaliyana,
in Ilaahay in la eersadaa ma hagaagsana. Siday aniga ila tahay, Somalida
aqoonteeda iyo dhaqankeeda ayaa gabay - maantana halkaa dhigay.


Regards,

A.M. Sharif

0 new messages