SomaliNet: http://www.somalinet.com/ Ama [Netscape3 and IE3 iyo wixii ka
danbeeya] waxaa ku qortaa "somalinet" oo kaliya meesha ciwaanka lagu qoro.
Maanta oo ah Axad, May, 3, 1998, waxaan aad ugu faraxsannahay inaan idiin
soo bandhigno SomaliNet oo ciwaankeedu yahay: http://www.somalinet.com/
Meeshani
waxaan ugu talo-galnay in Somalida meeleheeda Internet-ka iyo dadka
isticmaala ay si fudud isu helaan. Waxaa Internet-ka kabuuxa meelo aad
muhiim u ah oo Soomaali leedahay isla markaana dadka badankiisu kama
warqabaan sababtoo ah meel Soomaali leedahay oo isu aruurisa ayaan jirin.
Tusaale ahaan haddii aan usoo qaato SomaliInter, oo runtii aad muhiim ugu ah
Somalida Internetka isticmaasha ciwaankeeda sida lagu helo ayaa adag. Maanta
ayaa arrintaa laga gudbayaa sababtoo ah waxaan xoogga saaraynaa in qofkii
xasuusankara "somalinet" uuna ubaahnaan doonin ciwaano kale inuu
xusuusnaado. Wixii faafaahin ah nala soo xariir ama figradada ku qoro
SomaliNet forum-ka ku jira dhinaca sheekaysiga.
Haddii aad taqaanid web-site isla markaana aad rabtid in lagu soo qoro
SomaliNet, nala soo socodii fadlan.
SomaliNet: http://www.somalinet.com/ Or just type "somalinet" [Netscape3,
IE3 or later versions of both] in the address field.
Today, Saturday, May 3rd, 1998, we are very happy to announce the creation
of a new Somali web-site "SomaliNet" http://www.somalinet.com/ This site
came into existence after we saw Somalia’s many useful web-sites and the
lack of organization among them. It will become a handy bookmark for anyone
who uses Somalia's sites regularly but have trouble locating them. Our main
focus will be collecting all useful Somalia related sites and categorize
them according their specialization. All we want to do is organize the vast
Somalia related information on the net so our people can benefit from it.
If you know a web-site which you think is beneficial to Somalis and be
featured at SomaliNet, please, send us the address of the site and a short
description.
Abdi.