Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Hablayahow hadmaad guursan doontaan

697 views
Skip to first unread message

Lib...@hotmail.com

unread,
Oct 31, 1997, 3:00:00 AM10/31/97
to

In kasto cadawga igu hareeraysani uu badan yahay, hadana Somalia wali way
jirtaa, thanks to the war-lords. warlord la'aan tii somalaaliya yaa
maanta wax u istaaga oo dreenkaas leh yaa u soo arki lahaa. Dadka qurbaha
jooga ee badi way caddaatay in ninna uusan u istaagin, waa kuwa isku
sheegayaya aqoon yahannada, ee afka ingiriisiga ah in sidii gabdhahii
isugu faanaan mooyee aan wax kale ka karti beelay. gabdhaha yaanan waxba
u gafine, iyagu dadna ma aysan gummaadin, dalna ma aysan dumin, ee waxa
dugaagga ah, ee raggana dusha ka ah laakiin qalbiga daciif ka ah, weeye
waxa dumiyey dalka iyo dadka soomaaliyeed.Ragga soomaaliyed ee qurbaha
joogga dalkoodii bay gabeen, caruurtoodii bay gabeen, dumarkoodii bay
gabeen. Marka ina PhD-iile,iyo saaxiibka welfare-ba, maxaad uga
xanaaqaysaa hadiin walaashaa ama xaaskaagii jamaykaan u nuuriyo , dumar
ragbaa loo sameeyey, ragna uma noqon kartaan, idinkuna waad ogtihiin
ilaahayna waa ogyahay. Marka ididnlaan idiin sheegayaa talo, meesha ka
carara intaan idinka laydinku cunin. Rootiga macaan waa ku dabmaysaan iyo
welfareka, Oh, mid kale ha isxku iman dalka warlord baa joogee, raggii
nafta u huray ee cadow ka dhiciyey baad rabtaa in aad warqad xun aad ula
timaadid, oo aad tiraahdid waa PhD,waxbaan soo bartay,waxaad soo baratay
sida hooyadaa XAASKAAGII iyo walaashaa jamaykaan kaaga guulaysto, waxaad
soo baratay in aad ragga ka raginimo yartahay.Nobaody has a repect for
you, you belong nowhere. and you know who you are. (gabdhahase Hawsha
halkaa ka wada ayaan idin leeyahay, party on). and FOR YOU INA XALLENE
WARGAF IYO Phd-iigaada, see ya and I don't wanna be ya. You know I am
talking to you,....YES, YOU!

-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet

Abdiwali M Ahmed

unread,
Nov 1, 1997, 3:00:00 AM11/1/97
to


Geesiga dhulkiisa {{}} Guusha u horseeda
Geerida dishaaaaaaaaaaaaaaay {{}} Geedkaa ha ba'O
Ku gabraaratada {{}} Gumeysigu ku dhuunto
Galabsada xumaantaaaaaaaaaay {{}} Geedkood ha ba'O

Gobonimada waa {{}} Loo go'aa
God ka akhiriyo {{}} Iilkaa loogaa

GOORACATADA wali gaarineeeee ***** geedkood ha ba'O

-Waaberi-

QabiilDiid.....

--
|Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|
| QabiilDiid: July'96 |

Sir Ugaas Nur

unread,
Nov 3, 1997, 3:00:00 AM11/3/97
to
>-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
> http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet


Liiban,

waynak yaa bacbacuuni al-muraabac?

DADWANAAJE QURBOOW MAXAAD DUUL ISU KEENTAY!!!


Waar nacala adigiyo xayle salaasaba ku yaale orodoo wax isku fal oo afka
dabaysha ka qarso,ma maantaad kentay in aad haweenkii soomaaliyeed halkan
ka caydo, walaahi Faqashna adigaa ka xun.
war Dr Mahaoud hadaad imaqlayso fadlan intaanad dhoofin kan xunee jeego-
dheeraha ah xabsigii aad ku riday Baharat Bhutani ku rid isna oo xerta
hakaga tegin, xaqiiq kani wuxu toos uga yimid xamar jajab waxaanan
filayaa inu member ka ahaa (ciyaalo-faacali)

La soco arbacada dambe
The peace loving Mujaahid
Sir Ugaas Nur.


lib...@hotmail.com

unread,
Nov 3, 1997, 3:00:00 AM11/3/97
to

In article <63k27m$t4$3...@towncrier.cc.monash.edu.au>,

Dear Sir Ugaas Nur, peace loving mujahid, waxan
badanaaba ahay nin aan kaftamin,laakiin ninyahow
you ain't slick. Habluhu waa raga, raguna waa hablaha.
you didn't get it.Your Role in soceity has changed.
you fell down and you can't get up.Gabdh nin daafica
kara baad iska dhigaysaa. way ku arkaan gabdhuhuba,
adiguse waxaad mooddaa sida kale.get up, first,then talk
about hablaha.second , you talk about "xer" iyo
cabdiqaadir jeylaani iyo qaad, homesick
xun baa ku haya,anigase sidii aad xamar jajab
iigu tilmaantay weeye/waaye, adiga Fakinkii weeye/waaye noo?,laakiin
talo waa laysku leeyehee , frustration xun baa
lagaa dareemaayaa ninyahow. Wax waxan ka fiican
in aan kaala hadlaan jeclaan lahaa ee awood baa kuu run
sheegtay, marka is habee adiga, kulligiin.


Ceeb alla ha asturo.
Adigu la soco sitimaanka soo socda.
Waa Lord Libaan oo hawada sidaa uga baxaya.

Lib...@hotmail.com

unread,
Nov 4, 1997, 3:00:00 AM11/4/97
to

In article <63g25i$5...@freenet-news.carleton.ca>,
cy...@FreeNet.Carleton.CA (Abdiwali M Ahmed) wrote:
> Geesiga dhulkiisa {{}} Guusha u horseeda
> Geerida dishaaaaaaaaaaaaaaay {{}} Geedkaa ha ba'O
> Ku gabraaratada {{}} Gumeysigu ku dhuunto
> Galabsada xumaantaaaaaaaaaay {{}} Geedkood ha ba'O
>
> Gobonimada waa {{}} Loo go'aa
> God ka akhiriyo {{}} Iilkaa loogaa
>
> GOORACATADA wali gaarineeeee ***** geedkood ha ba'O
>
> -Waaberi-
>
> QabiilDiid.....
>
> --
> |Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
> |Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
> |Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|
> | QabiilDiid: July'96 |


libaan baa ku yara dhabaqsaday.
Hobay Africay hurudoy---------------halyey-yadaadii hurudow
Hadbaa cunaaye hurudoy--------------Hmmmmm la saara hurodoow
hayin sidiisii hurudow -------------la hooogaaaaaaminaayaa.

Waaberi!

Qabiil diid you got high wave, keep riding it . keep the faith.we bounce
back like spring, spirit is still alive, new like never before.

"RISING UP FROM THE ASHES INTO FIRE" SPHYNIX

Abdiwali M Ahmed

unread,
Nov 8, 1997, 3:00:00 AM11/8/97
to

>> Ku gabraaratada {{}} Gummeysigu ku dhuunto


>> Galabsada xumaantaaaaaaaaaay {{}} Geedkood ha ba'O
>>
>> Gobonimada waa {{}} Loo go'aa

>> Godka aakhiriyo {{}} Iilkaa loogalaa

>> GOORACATADA wali gaarineeeee ***** Geedkood ha ba'O

-Waaberi-
>>QabiilDiid


>libaan baa ku yara dhabaqsaday.
>Hobay Africay hurudoy---------------halyey-yadaadii hurudow
>Hadbaa cunaaye hurudoy--------------Hmmmmm la saara hurodoow
>hayin sidiisii hurudow -------------la hooogaaaaaaminaayaa.

>Waaberi!


Waa niman Ilaahay dirayoo {{}} Doorshay oo rogaye
Waa niman daboolmoo {{}} Qalbiga daabbac kaga yaalle
Dib wixii u dhici {{}} Waa waxaa doc ka garaneyne

Xargo heer u daadsan oo {{}} Misana ciidda lagu duuggey
Oo doorro weynow kufrigu {{}} Dulluggo saysaabbay
Markaan dunnida dhaafaa {{}} Walee laguu dabaayaa'yeee

-Sayid Maxamed-

bashir ali

unread,
Nov 12, 1997, 3:00:00 AM11/12/97
to

Abdiwali M Ahmed wrote:

> Wadaadada kitaab gaabka ah baa masaajiddada loo suray aayado tilmaamaya in
> Eebbe dadka oo dhan ka abbuuray qabaa'il. Haddii aad sidaa u turjinto
> aayadaa waxa aad ku tilmaamaysaa in uu quraanku been sheegayo.

Cabdiwali,

Waan kugu raacsanahay figrada ah in qabiilka
kala qaada shacuubta(umada)Somaaliyeed iyo ummadaha
aduunka ku nool kala saara ay tahay mid xun, laakiin
haddii aan fiirino Ayada Quraanka ah ee ka hadlaysa arinkan
(shacuubta iyo qabaa'ilka), waxaa noo muuqan kara
in Ilaahay uu abuuray shacuub kala duwan oo kala midab
ah oo kala dhaqan ah am kala qabiil ah ama kala degaan ah.

Shacuub ka fiican shacuubkale majirto ama qabiil ka fiican
qabiil kale majiro. Dadka oo dhan waa isku mid Ilaahay xagiisa
in kastoo si kasta loo kala duwan yahan. Ilaahay kaliya ayaa
garan kara shacuubta ama qabiilka wanaagsan.

> Adduunka waxa jira ummado badan oo Muslim iyo gaaloba
> isku jira oo aan NIDAAM QABIIL LA HAYN? SIDAY BAY KU DHACDAY?


Waa runtaa waxaa jira umado badan oo aan qabiil usu kala saarin,
ama Muslim ha ahaadeen ama gaalaba, laakiin umadahaas waxay isku
kala saaraan oo keeni kara dhibaatooyin la mid ah kuwa qabiilka
keena ama ka daran.

Cabdiwaliyoow, ma noo sheeki kartaa umad aduunkan ku nool
oo aan NIDAAM ISKALA QAAD--(qabiil-race-color-language-iyo
wixii lamid ah) ku dhaqmin?

Hadaysan jirin, SIDAY BAY KU DHACDAY?


Bashir.

Abdi Daud

unread,
Nov 12, 1997, 3:00:00 AM11/12/97
to

>On Nov 11 1997, (Abdiwali M Ahmed) writes:


>Wadaadada kitaab gaabka ah baa masaajiddada loo suray aayado tilmaamaya in
>Eebbe dadka oo dhan ka abbuuray qabaa'il. Haddii aad sidaa u turjinto
>aayadaa waxa aad ku tilmaamaysaa in uu quraanku been sheegayo.

Abdiwali

What is this?. Wadaadada kitaabka gaaban loo sudhay masaajidyada who are
they?. If you explain in full face would be appreciated!!.

Ina Da'ud


Abdullahi Elmi Obseyeh

unread,
Nov 13, 1997, 3:00:00 AM11/13/97
to at...@sympatico.ca

naima mohamud wrote:
>
> guure wrote:
> >
> > In article , Lib...@hotmail.com says...

> > >
> > >In kasto cadawga igu hareeraysani uu badan yahay, hadana Somalia wali way
> > >jirtaa, thanks to the war-lords. warlord la'aan tii somalaaliya yaa
> > >maanta wax u istaaga oo dreenkaas leh yaa u soo arki lahaa. Dadka qurbaha
> > >jooga ee badi way caddaatay in ninna uusan u istaagin, waa kuwa isku
> > >sheegayaya aqoon yahannada, ee afka ingiriisiga ah in sidii gabdhahii
> > >isugu faanaan mooyee aan wax kale ka karti beelay. gabdhaha yaanan waxba
> > >u gafine, iyagu dadna ma aysan gummaadin, dalna ma aysan dumin, ee waxa
> > >dugaagga ah, ee raggana dusha ka ah laakiin qalbiga daciif ka ah, weeye
> > >waxa dumiyey dalka iyo dadka soomaaliyeed.Ragga soomaaliyed ee qurbaha
> > >joogga dalkoodii bay gabeen, caruurtoodii bay gabeen, dumarkoodii bay
> > >gabeen. Marka ina PhD-iile,iyo saaxiibka welfare-ba, maxaad uga
> > >xanaaqaysaa hadiin walaashaa ama xaaskaagii jamaykaan u nuuriyo , dumar
> > >ragbaa loo sameeyey, ragna uma noqon kartaan, idinkuna waad ogtihiin
> > >ilaahayna waa ogyahay. Marka ididnlaan idiin sheegayaa talo, meesha ka
> > >carara intaan idinka laydinku cunin. Rootiga macaan waa ku dabmaysaan iyo
> > >welfareka, Oh, mid kale ha isxku iman dalka warlord baa joogee, raggii
> > >nafta u huray ee cadow ka dhiciyey baad rabtaa in aad warqad xun aad ula
> > >timaadid, oo aad tiraahdid waa PhD,waxbaan soo bartay,waxaad soo baratay
> > >sida hooyadaa XAASKAAGII iyo walaashaa jamaykaan kaaga guulaysto, waxaad
> > >soo baratay in aad ragga ka raginimo yartahay.Nobaody has a repect for
> > >you, you belong nowhere. and you know who you are. (gabdhahase Hawsha
> > >halkaa ka wada ayaan idin leeyahay, party on). and FOR YOU INA XALLENE
> > >WARGAF IYO Phd-iigaada, see ya and I don't wanna be ya. You know I am
> > >talking to you,....YES, YOU!
> > >
> > >-------------------==== Posted via Deja News ====-----------------------
> > > http://www.dejanews.com/ Search, Read, Post to Usenet
> >
> > naago iyo niman darood waaye kuwas jamaykaanku ku qabtaan. aryaa
> > darood xaa inii haray xamarna hawiyaa inigu sugaayee. aryaa intiis
> > goor tahay gabraha darood jamykaanka ma ka qabataanoo hadii kale
> > AIDs ay
> doc ka yeer iyo dameer-ba daanka ayaa lagu dhuftaa.
>....waa cajiib!!!..nin noolow maxaa aragti kuu laaban.....dadnimo ayeydaan lahayn,xoolo ayaad tihiin...isma dhaanto....dad biis...aan xishood iyo xayo lahayn......aqligiinii waakaa wax aad tihiinba iniga ayaa isa sheegay....soomaalina waxba yeelli maysaan.....maraan fooqa maraaniin.....xoolo xoolo la hadlay....

Abdullahi Elmi Obseyeh

unread,
Nov 13, 1997, 3:00:00 AM11/13/97
to
>.....obseyeh waxuu leeyahay
> waa cajiib.....ilayn ninkii nooli waxwalba wuu maqlli!!!!....badaw magaallo galay waa dameer mikiid galay...sidoo kale waxaa halkaa iiga muuqata in aydaan waxba dhaamin dameerkaa.....masgax xumaantiina,aqlli darro-diina,akhlaaq xumadiina,cilmi la'aantiina....maraaniin inaad thiin iyo is madhaanto,inaydaan waxba ahayn baad is cadayseen....ceebihiina ha isa sheeg sheegina......soomaalidana magaceeda meel ha kaga dhicina.....
.......maxishoodayaal yahow....iniga ayaa ceebaysan....isuna cadeeyey
................soomaali biisyo........waxbana qaadi maysaan
,,,,,,,,,,soomaalina way isu imman ...mar ay noqotaba ....kuwiinaa oo
kalena nagama midnoqon doontaan........soomali biiiiiisssyooo....

Cabdifataax

unread,
Nov 14, 1997, 3:00:00 AM11/14/97
to

as

Abdiwali M Ahmed

unread,
Nov 14, 1997, 3:00:00 AM11/14/97
to

Abdi Daud (abdi...@aol.com) writes:

>>Wadaadada kitaab gaabka ah baa masaajiddada loo suray aayado tilmaamaya in
>>Eebbe dadka oo dhan ka abbuuray qabaa'il. Haddii aad sidaa u turjinto
>>aayadaa waxa aad ku tilmaamaysaa in uu quraanku been sheegayo.

>QabiilDiid,

>What is this?. Wadaadada kitaabka gaaban loo sudhay masaajidyada who are
> they?. If you explain in full face would be appreciated!!.

Waa wadaadada Soomaaliyeed oo dhan ee ila iminka aan fahmin micnaha
aayaadda quraanka ah ee ka hadleysa dhisbaha bulshada.

Ardaaga QabiilDiid.....

>Ina Da'ud

bashir ali

unread,
Nov 14, 1997, 3:00:00 AM11/14/97
to

Abdiwali M Ahmed wrote:
> Eeg, ILAAH (SUBXAANAHU WA TACAALAA) waxa uu lee yahay "Waxa aannu idinka
> abuurnay shacuub IYO qabaa'il". Annaku waxa aan lee nahay in uusan ILAAH
> ummadda Soomaaliyeeed ka abuurin qabaa'il eh uu ka dhigay shacab.

Waxaan u maleeyay in aad ka soo horjeedo abuuritaanka
qabiileed laftiisa oo aad beenaysay in Ilaahay abuuray qabaa'l.

Laakiin waxaan halkaan ku qiraysaa in uu Ilaahay abuuray Qabaa'il.

Sidaa darteed, sida aad u malaysid, haddii uusan Ilaahay ka
abuurin Soomaalida qabaa'il kala duway, ma waxaad inoo sheegaysaa
in uu ka abuuran Soomaalida shacuub isku mid ah, mise waxaad na leedahay
Ilaahay Soomaalida wuxuu ka abuuray shacuub kala duwan oo isku timid
oo aan Qabaa'il lahayn?

Mida kale oon aan kaa codsanaayaa waxay tahay in aan
noo sheegtaa umada kaliya ama umadaha aad umalayso
in uu Ilaahay ka abuuray QABAA'ILKA oo aan Soomaaliya
ku jirin.

Cabdiwaliyoow, su'aashaan ma'siwaydiisay: haddii aad rumaysantahay
in Ilaahay abuuray Qabaa'iil, laakiin "ILAAH ummadda Somaaliyeed ka abuurin qabaa'il",
maxay qabaa'ilka uga jiraan meelaha kale oo loogu abuuran meelaha kale
oo looga Ilaahay uga buurin waayay Soomaaliya ama dadka Soomaaliyeed!!?


> Isdiidka iyo dhibaatooyinka ka iman kara shacuubta amase qabaa'ilka dhexdoodda inta
> aadan u galin, wali ma dhuuxday sida EEBE u abuuray dhisaha dadka.


Ilaahay noo sheegay in ay jiraan
abuuritaanka Qabaa'ilka iyo Shacuubta.


> Arrinta, wadaada kitaab gaabka Soomaaliyeed aysan ilaa hadda aysan xal u helin
> waa barasha sida dadku u dhisan yahay;

Waxaad noo sheektaa "sida dadka u dhisan yahay" oo aan ka duwanayn
sida uu Ilaahay noo sheegay---in ay jiraan abuuritaanka Qabaa'ilk iyo
Shacuubta labadaba.

> waxa aynna ku kooban yihiin halkaa
> aayad oo qura oo cadawga haraga Islaamka
> gashani uu indhaha indho kuul uga dhigey.

Wadaada beenta sheega iyo kuwa kitaab gaabka ah haddii ay
beeneeyaan Ilaahay Quraankiisa--abuuritaanka Qabaa'il iyo Shucuub
kala duwan--kii raaca wadaadadaas kitaab gaabka ah ayaa ka dharan ayaga,
laakiin haddii wadaada ay sheegeen in uu Ilahay ubuuran Qabaa'l iyo Shacuub
kala duwan oo aan lakala fiicnayn, ninkii beenaya iyaga
ayaa indhaha kuul soo marsaday


> Adduunkana waxa lagu kala baxaa kartida iyo hufnaanta;
> aakhirana waxa lagu kala sareeyaa camal wanaaggii aad adduunka geysata.

Camal adduun haddii uu ku dhisan yahay adeecada/aaminitaanka
Ilaahay, kartidaas waa mid aakhiro iyo aduunba wax dheef leh.

Laakiin, shacuubta gaalada oo Ilaahay beeneeyay, haddii ay
karti badan yihiin oo ay wanaag ku dhisan tahay, dheefteeda
adduun ayay ku helaan, laakiin aakhiro waxba ma gaysan.


> >Cabdiwaliyoow, ma noo sheeki kartaa umad aduunkan ku nool
> >oo aan NIDAAM ISKALA QAAD--(qabiil-race-color-language-iyo
> >wixii lamid ah) ku dhaqmin?
> >Hadaysan jirin, SIDAY BAY KU DHACDAY?

> Haddii aad xujo nooga dhigtey in ay umad waliba iniin leedahay, haka
> booddin in umadaha inta badan ay ka kacaan dad la dagaalama iniinta amase
> dhaliishaas.

Andiga waxaan ka soo horjeedaa QABIIL kala qaada dadka Soomaliyeed,
waxaan kale oo aan ka soo horjeedaa Shacuub umalaysa in ay ka fiican
yihiin shacuub kale, laakiin waxaan qiraa in ay jiraan shacuub kala
duwan iyo qabiilo kala duwan, labadoodana Ilaahay ayaa abuuray maxaa yeeley
Ilaah ayaa inoo sheegay jiritaan kooda isaga ayaana yaqaan sababta uu u
abuuray Qabiil iyo Shacab kala duwan.

> diyaar ma u tahay in aad la dagaallanto oo aad
> qabiildiid, qabiildiid, qabiildiin....noqoto.


waan kugu raacsanahay in laga soo horjeesto oo lala
dagaalamo qabiilka kala qaadada dadka Soomaaliyeed.

Maanta haddii uu qof(Soomali/Muslim) sheegto
in uu yahay qabiil hebal, laakiin uusan midab-takoor(Discrimination)
ama nacayb u hayn qof kale oo Muslim ah wax dhibaato
ah uma arko---sidoo kale, haddii qof(non-Somali/Muslim)
ah uu sheegto jinisiyad hebal, laakiin uusan midab-takoor(Discrimination)
ama nacayb u hayn of kale oo Muslim ah wax dhibaato
ah uma arko arinkaas waxaana ka soo horjeedaa wixii intaa dheer.


Ilaahay QABIIL iyo SHACUUB kala duwan waa uu abuuray, laakiin Ilaahay
wuxuu yiri--------- "Ina akrama cinda'Laahu adqaakum" ---

Bashir.

Warka1

unread,
Nov 17, 1997, 3:00:00 AM11/17/97
to

yth b

0 new messages