Waa sidaad u sheegtaye rag iyo been la isla tuur!
> Waxay ila tahay, inuu mashaakilkaba ka kacay markii aanu ina edeertii/kii
> wax ka daynay, dookhii iyo kalgacalkiina la ilaaway.
Bal anigana siday ila tahay aan sheego aniguu isku dayay in aan
xiiso u yeelo sheekadeenii taxane!(Macaan iyo qadhaadh)
Adaa ku hahystee markii Qansaxii iyo qudhac dib loogu noqday markaasuu
galoolkii xanaaqay ,nafsi iyo dookhbaa ku kulmay, nafsigiibaa dookhii kula
taliyay dookhoow iska duumo! haddii kalese dumer meel deeqda waay
ayaa meelahaa kugu dakhari doona dibna kuu arki mayno,!
Dookhiibaa ama kaagay dumarbaa daba rooray doodoonkisii by ku daaleen.
mana quusan dumarkii Wali way qawadayaan! Ragiiyow maxaa talo ah.
WAx is waydiin maxumee! wax is waydaari baadaran wax allaale wax aydaan
u qabin war iyo wacaal na sooo waydiiya! walina jawaabteedana waanu
idainka su gaynaa!
F.G
waxaan jecelahay in aan afkayga sheekada xiiso uugu yeelo,
Saynab
--
\\\|///
\\ ~ ~ //
( O o )
_______________oOOo_(*)_oOOo |^|
: Abdullahi Abukar (cc...@torfree.net) writes:
: > Walaal Zainab:
: >
: > Waxaan maqli jiray "Dumar been baa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu
: > dhaqaa". Waxay ila tahay in waqtigaas laga baxay oo, siday ila tahay, ay
: Waa sidaad u sheegtaye rag iyo been la isla tuur!
Beryahan waan ka maqnaa taxanihiinan xiisaha leh. Ilaa hadda gurxan malleh.
:
: > Waxay ila tahay, inuu mashaakilkaba ka kacay markii aanu ina edeertii/kii
: > wax ka daynay, dookhii iyo kalgacalkiina la ilaaway.
Ka waran hadii inaadeertaa/kaa uu dookhu kuugu dhaco; maxaa ka macaan. Siday
ila tahay (anoo aan sheekada ka soo qayb galayn balse dhegayste ahaanaya hadana
waxaa ila yara haboonaatay inaan halkaa wax ka yara idhaah) dookha ilmaadeerku
isku qaadaan wax ka qaalisani ma jiro,- waa hadii uu macaan ku danbeeyo -,
laakiinse markuu xumaadona wax ka qadhaadhi ma jiro.
: Bal anigana siday ila tahay aan sheego aniguu isku dayay in aan
: xiiso u yeelo sheekadeenii taxane!(Macaan iyo qadhaadh)
Sida muuqata, ciyaartu way isku duba dhacsan tahay ( ha macaanaato yeyna qadha-
dhaan)
: Adaa ku hahystee markii Qansaxii iyo qudhac dib loogu noqday markaasuu
: galoolkii xanaaqay ,nafsi iyo dookhbaa ku kulmay, nafsigiibaa dookhii kula
--------> halkaa waan ka dhacsanahy.
: taliyay dookhoow iska duumo! haddii kalese dumer meel deeqda waay
: ayaa meelahaa kugu dakhari doona dibna kuu arki mayno,!
: Dookhiibaa ama kaagay dumarbaa daba rooray doodoonkisii by ku daaleen.
: mana quusan dumarkii Wali way qawadayaan! Ragiiyow maxaa talo ah.
----> af soomaali aanan maqalla waa ka muuqdaa. Qaamuuskayga ayaan ku noqonaya-
aye ha socoto........annana aanu dhegaysano!!
: WAx is waydiin maxumee! wax is waydaari baadaran wax allaale wax aydaan
: u qabin war iyo wacaal na sooo waydiiya! walina jawaabteedana waanu
: idainka su gaynaa!
A. Bile
: F.G
HOW!WOWW naa bal u kaadi beenta waadnagu rabtaane!
>
>
> Adaa ku hahystee markii Qansaxii iyo qudhac dib loogu noqday markaasuu
> galoolkii xanaaqay ,nafsi iyo dookhbaa ku kulmay, nafsigiibaa dookhii kula
> taliyay dookhoow iska duumo! haddii kalese dumer meel deeqda waay
> ayaa meelahaa kugu dakhari doona dibna kuu arki mayno,!
> Dookhiibaa ama kaagay dumarbaa daba rooray doodoonkisii by ku daaleen.
> mana quusan dumarkii Wali way qawadayaan! Ragiiyow maxaa talo ah.
Waxaan gabadhyahay ku waydiinay Ma riwaayadahaad aad u badsan jirtay
sowdigan koona kasta naga qasay sheekadii Meecaad!>
>
> WAx is waydiin maxumee! wax is waydaari baadaran wax allaale wax aydaan
> u qabin war iyo wacaal na sooo waydiiya! walina jawaabteedana waanu
> idainka su gaynaa!
>
Waa sidaase bal aanu ku waydiine Raga ma si gooniya ayaad isku jiidheen
"Baroortu orgiga way ka wayntahy! ee bal sheekada xiiso u yeeloo noo sheeg
wixii ku daaray, waa sidee weeyaan??????
WAAN KA BAXAY!
--
____________________________________________________________________________
*It is your love, that I am looking for, It is my look,that you running from*
I don't want, I don't want wait in vain. By the man, Bob Marley, /\/\/\/\
Haddii aan jacayl jirin jaar lama ahaadee, (^!^)(~!~)
Waryaa Ma waxaasbaad iskugu sheekaysaan! ?????????
su'aal uunbay iga tahay ee xumaan ha u qaadan.
Arriirteey Saynab;
> Waa sidaad u sheegtaye rag iyo been la isla tuur!
Ma waxaa soo haray Dumar iyo Run, Raggu haday been xitaa isku dayaan in
haween ku soo xera galiyaan, kadib markii ay runtu socon weyday wax
dhibaato ah uma arko. "Oadda qaad iyo jiid waa isla guri geyn"; Runtaba
haddii hadhow la isku dhaqi doono, way hagaagsan tahay. Dumarkuba rag been
waa ku soo xera-geliyaan, suurna way ku dhaqaan.
> Bal anigana siday ila tahay aan sheego aniguu isku dayay in aan
> xiiso u yeelo sheekadeenii taxane!(Macaan iyo qadhaadh)
(Macaan iyo Qadhaadh) Ama (Rag iyo Dumar) oo uu Dumarku macaan yahay,
Raguse qadhaadh yahay; mise Raggii ayaa macaan iyo qadhaadh isku jir ah,
Dumarkiina??? wax aynaan shuqul ku lahayn?. Anigu waxay ila tahay in aynu
nahay "Isma Dhaanto iyo Dhasheed".
>
> Adaa ku hahystee markii Qansaxii iyo qudhac dib loogu noqday > markaasuu galoolkii xanaaqay ,nafsi iyo dookhbaa ku kulm=
ay, > nafsigiibaa dookhii kula
> taliyay dookhoow iska duumo! haddii kalese dumer meel deeqda waay
> ayaa meelahaa kugu dakhari doona dibna kuu arki mayno,!
> Dookhiibaa ama kaagay dumarbaa daba rooray doodoonkisii by ku > daaleen mana quusan dumarkii Wali way qawadayaan! Ragii=
yow maxaa talo ah.
Waar ha qawadina de.? Raggii in ay soo tashadaan weeye oo ay dumarka war
cad ula yimaadaan. Aniguna waxaan soo jeedin lahaa in Dookh la soo
nooleeyo oo is Qansaxiddan bal la aayaro. Rag iyo Dumarna waa in ay
midoobaan oo ay ul iyo diirkeed noqdaan.
>: WAx is waydiin maxumee! wax is waydaari baadaran wax allaale wax aydaan
>: u qabin war iyo wacaal na sooo waydiiya! walina jawaabteedana waanu
>: idainka su gaynaa!
Waxa Doodan ku jirtey heesta Qarni:
Bal eeg: Qaalin waliba owrkeed, ma ahee waa "Geel waliba Baarqabkiis"
Isagaas oo qura ayaa la isu gaadiid celiyaa. "Qoodhsi"
Maariyaaga u weyn ayaa meel kasta iska dhex-taagan, wax ma dile lagama
dile oo idil baa xero kasta "Oodafo" ku ah. Dumarkii ayaa ka dhaygaga kuwo
micidu intaa ----------------> le eg tahay.! Halka mici-ku mariidlayaashii
ay dibad-mareen yihiin oo ay miciyo-lis ku jiraan.
"Dudun Aboor baa dhisa, oo haddana Habeenkii buu Dhisaa, oo weliba
Candhuuftiisuu ku Dhisaa."
> F.G
> waxaan jecelahay in aan afkayga sheekada xiiso uugu yeelo,
> Saynab
> --
> \\\|///
> \\ ~ ~ //
> ( O o )
> _______________oOOo_(*)_oOOo |^|
PS: Naftan yarina ma waxay ka dhigan tahay Nimanyaashii oo Cabsi Dumar
la dudsan oo Dulleelada ka soo Qoor-diinleynaya, maaha?
--
Wacays Bashe
Xaawolaydii iyo Aadanleydiiyoow Midooba, Midooba.
Kusoo Dhowow Imikuunbuu Xiiso yeeshee!!!!!
>
> Ka waran hadii inaadeertaa/kaa uu dookhu kuugu dhaco; maxaa ka macaan. Siday
> ila tahay (anoo aan sheekada ka soo qayb galayn balse dhegayste ahaanaya hadana
> waxaa ila yara haboonaatay inaan halkaa wax ka yara idhaah) dookha ilmaadeerku
> isku qaadaan wax ka qaalisani ma jiro,- waa hadii uu macaan ku danbeeyo -,
> laakiinse markuu xumaadona wax ka qadhaadhi ma jiro.
Waa runtaayoo hadii ay inaadrtaa/kaa ku xumayso yaad ka caban yaadse u
caban. Horta miyayna sideedaba khaldanayn in dad dhiig wadaagaa ay wax kale
wadaagaan,(INAAder , inaabti iWM) mararka qaar wax aan aad ula yaabaa
dhaqanka meel aynu kala nimid waayo sidaad u sheegtayba wuu qaabdaran yahay.
waayo waxaan Xusuustaa inin aanu asxaab nahay ayaa wax inaabtigeed loo siiyay
waa in wax bartay oo U.S.A ka yimid, imikana reero dhan ayaa ku coloobay oo
ninkii sidii la moodayay muu noqon inintiina ma uu wanaajin. Hadaba yaa
danbiga ka galay initaasi? Mareerka ininta , mise ninkii la'siiyay?
Waxaan umalaynayaa sidii aan ku sheegay qoraalkii kan ka horeeyay in raga
oo dhami ay iskugu sheekeeyaan BEEN KU XERO GALI RUNA KU DHAQ!! run ahaantii
taasi waa laga gudbay laakiin ragiiyaw maxaa dib u socod miidhan idinka
dhigay? Miyadaan ogay in runtu tahay ta lagu wada joogo, oo ay waxa kaloo
dhami yihiin MAJAAJILO!\
MAR INAYNU NAHAY NACAB ,MARNA NAHAY GAYAANKIIN.
Xumaan ma jirto ee dhagayso. Ma mid mise mid kale, ta hore waxaad i
xusuusisaa odhaahdii ahay Wixii xunba xaawaa leh, taasna waxaan ula
jeedaa is maandhaafka raga iyo dumarka had iyo jeer wax bilaaba dumarka
oo wax idiin sansanqada mooyaaane waxaad u haysataan in been iyo balaayo
la idinku akhriyayo, dee markaasi bal u kaadi ragu waxba isuguma
sheekeeyaan sida Xaawalayda.
ta kale gabadhyahay su'aashaydii ka maad jawaabin, ee bal waxaad noo
sheegtaa dhibaatada adiga iyo raga idinkala soo dhexmartay intaannu
bad galin ( cudurka kaa gala dameeraha haddii laga gubo fardaha dawada
lama gaadhayee) taasi waxaan ula jeedaa inta aanan hablaha oo dhan isku
wada qaadin WIXII KUU DARAN SHEEGA HA LAGAA DAWEEYEE.
Hadhka labdiisa galin Ragii wuu gaadhay!
NOOLI KULANTEE.
: Waxaan umalaynayaa sidii aan ku sheegay qoraalkii kan ka horeeyay in raga
: oo dhami ay iskugu sheekeeyaan BEEN KU XERO GALI RUNA KU DHAQ!! run ahaantii
: taasi waa laga gudbay laakiin ragiiyaw maxaa dib u socod miidhan idinka
: dhigay? Miyadaan ogay in runtu tahay ta lagu wada joogo, oo ay waxa kaloo
: dhami yihiin MAJAAJILO!\
^^^^^^^^^^
Haddaad waddadii runta lagu gaari lahaa aad "majaajillo" ku sheegteen,
waxaad caddaysateen in aad dib u socod idinku (Xaawaleyda) tihiin,
sirtiinniina waad kashiftay. Cashadii la tegey iyo shineemadii, gaargii la
soo kireeyey, iyo wixii kharash rag badan ka baxay waxaad tiri waa
"majaajillo". Malaha waxaa isaga kay khaldan wadajoogga hore (Haasaawaha)
iyo kan dambe (Aqalgalka), balse haddaan daacadnimo goor ay ahaataba lagu
wada socon/dhaqmin, xiriirkaasi aayo iyo agab wanaagsan ma lahan.
: MAR INAYNU NAHAY NACAB ,MARNA NAHAY GAYAANKIIN.
Markuu darajada lahaaye
Xoolaha daafaha ku siday
Waa adigii daldalanayee.
Diirkaa laysaga naxaa
Ma jiir dabin soo galaa
Dagaal gabadh iyo ninkeed
Sideed dabka uga shiddaan
Ma diintaydaan aqoon?
Maxamed Aadan Dacar (Riwaayaddii "Beeneey Waa Run").
: --
: \\\|///
: \\ ~ ~ //
: ( O o )
: _______________oOOo_(*)_oOOo |^|
Nabadgelyo,
Cabdullaahi Abuukar.
Maanta adaaba nimankii ku cadeeyay waayo wax ay ahayd barigii hore, imika
se iyagoon cidna filnka ka bixinayan oo waliba iyagii la casho gaynayo ayaa
loo taag la yahay. sidii aan hore kuugu sheegayba hablihii si walba iyagaa
idiinka wanaagsan xiligan la joogo, waayo markaanu cashada, filnka iyo
wixii kale ee sooraca aannu idinka bixino Dib uma xusuusano oo haddii ay
sheekadu soconwaydo ma nidhaa WAX BAAN SIINJIRAYEE waayo wax qiimo ah oo
ay samaynayso ayaa iska gaaban. Waxana hadaanu hablaha nahay nala haboonaatay
in aanu xusuusano wakhtigii la wada joogay qiimihii uu lahaa lagcag iyo
wax kale oo aanu qiimaynaan jirnba Markaa wax iga talao ah in aydaan sheegan
cashadii iyo filinkii aad hablah ka bixiseen hadii aad sheegataanse waa idiin
foolxumo, (waar ragiiyow ceebka fogaada lacag qiimo malee)
CASHAAN ININ KA BIXIYAY! (noo sheeg wax ay kugu soo kordhinkarto).
> Waa adigii daldalanayee.
> Diirkaa laysaga naxaa
> Ma jiir dabin soo galaa
> Dagaal gabadh iyo ninkeed
> Sideed dabka uga shiddaan
> Ma diintaydaan aqoon?
> Maxamed Aadan Dacar (Riwaayaddii "Beeneey Waa Run").
>
HEESTA HA KALA REEBIN EE INTANA KU DAR.
Daahbaa aqal laga furaa
ma diracay iibsataa
doraad sheekadii ahay
siday korka ugu sidaa
ma Neefbaa uu dabraday.
(( cashaad sheegaysaaye inta Guwaadhi la idinsiiyo
ayaan waxba la idiinsheegane la soco))
F,G
hablaha xoroobay.
Horta waad iga yaabisay oo wax aad iska dhadhicisay in aan gaar ahaan
anigu Raga ka cabanayo taasina maaha mid sax ah, sikastaba sheekadu ha
ahaatee wax aan u maalaynayaa wax ii darnaan lahaaba in aan cidina iiga
jawaabi karin. Haddii se aad aaminsantahay wixii xunba Xaawaaleh waxba
igu soo kordhinmayside BAABUURTA ISKA ILAALI waa halkii reer Canadee.
F.G
magaca jacayl iyo qoraalkaagu isma laha, (waa iga kaftan)
nabadgalyo.
: Waxana hadaanu hablaha nahay nala haboonaatay
: in aanu xusuusano wakhtigii la wada joogay qiimihii uu lahaa lagcag iyo
: wax kale oo aanu qiimaynaan jirnba Markaa wax iga talao ah in aydaan
sheegan
: cashadii iyo filinkii aad hablah ka bixiseen hadii aad sheegataanse waa idiin
: foolxumo, (waar ragiiyow ceebka fogaada lacag qiimo malee)
: CASHAAN ININ KA BIXIYAY! (noo sheeg wax ay kugu soo kordhinkarto).
Waxay ila tahay, marka la idinla sheekaysto (qofkii doona cashada ha
bixiyee) in ciyaar, iyo maaweelo uun ay idiin tahay, sidaad qoraalkaagii
hore ku sheegtay. Haddaba rag badan bay daacad ka tahay oo doonaya in ay
bartaan gabadha waqtiga ay wada socdaan. Marar badan waxaa wax walba ka
qaalisan waqtiga uu qofkaasi xiriirka ku lumiyo. Sidaa aawadeed, bay
habboon tahay in ay labada qof "daacadnimo" ku wada socdaan. Haddaanay
daacadnimadaasi jirin, adba ii sheeg waxa gabadhi wiil waqti/lacag uga
qaaddo?
: (( cashaad sheegaysaaye inta Guwaadhi la idinsiiyo
: ayaan waxba la idiinsheegane la soco))
Waxaan maqli jiray "Ilaahow haa iyo maya meel ha inooga wada yeersiin",
sow adigan sheeganaaya in aad wax na siisaan. Waxaba taas ka daran,
waraabihii shallaayey ee yiri, "Haddaan xoolo dumar xoolaha ka aqaan,
waligay ma cuneen". Bal hadda waa waraabe! Maxaase loo yiraahdaa, "Naagi
hadday dheri gurigooda kala timmaaddo waa laga jebiyaa" ?
: F,G
: hablaha xoroobay.
^^^^^^^^^^^^^^^^^
Hablihiinnan xoroobay, weli ma dareenteen waxa dhibaatadiinnu tahay?
Waxaad doonaysaan in aad sanka naga wada tolataan. Meel la idiin raaco
maleh! Mid baa ku oran "Maxaad albaabka iiga qabanaysaa, sow aniguba gacmo
iguma yaallaan!". Mid kale way iska soo taagan tahay oo illaa aad ka furto
lagama yaabo in ay gasho. Waxay naga joogtaa, "bal docuun isugu bayr,
wixii kuugu daran sheeg, ha lagaa daweeyee".
Erayadanse ma maqashay asxaabtiinna loo tiriyey?
Wallee gabdho aan arkiyo
Geyaankoodaan heshiin
Mid baan iri gacalisooy
Aqalka gogoshiisa iyo
Gesiin ma karin taqaan
Gurbood ma korin kartaa?
Waxay tiri "waad geftee
Galaaskaa layma dhigin
Aqal golol layma barin
Gesiin ma karinayoo
Dheriga waan ku gubanayaa.
Gurboodkana la ilbaxyoo
Godolkay naasahoodu jaqaan
Haweenkay gaboojisaa"
Carruurtana waw gurracan
Ged kalaa loo korinayaa
Ma taasaa gaariyoo
Gargaartii hooyo noqon?
Maxamed Cali Kaariye
Nabadgelyo,
Cabdullaahi Abuukar.