Salaan Dhamaan!
Somaalidu waxay inbadan terigareeyeen in aya mideeyaan Qabayalada iyo
qaranka. Somalidu waxay tidhaa qabayaalada waxaa loo isticmaalaa si
address ahaan ah. Taasi run ayay ilatahay waayo, wadankeenu wali muu
gaadhin sidii qofkastaba loogu samaylahaa adress guri,Degenaanshe,
marka loo eego aduunka kale ee hore umaray.
Markaa adreeskii qabyaaladu waxuu keenay wax layidhaa "Miss use". Taasi
waa tamaanta ka jirta Somalia. Dakii waxay doonayaa in ay Wadan dhisaan
oo Qabyaaladina Adrees inoo noqto. Wareer weeye arinkaasi.
Waxay ilatahay Qabyaalad iyo Qaran inay yahiin Dab iyo Bansiin laysku
qabtay. Taasina waxay dhalinaysaan Sidaad ogtahiin "explation". Markaa
dadka somaliyeed way riyoonayaan. Waa ina aya ogaadaan ina aanay Qaran
dhisikarayn hadii Qabayaaladi inoo noqoto Adress.
My Conclution: Qabyaalad iyo Qaran markaa waa isu cadow. Siday ilatahay
Qabyaaldi waa cadow, Qarana waa nabad. Labadaas guri Umadi joogto
malyskugu keeni karaa? Taas waa inla ogaadaa si loo waajaho runta
kataagan wadankeenii.
Guleed
Sent via Deja.com http://www.deja.com/
Before you buy.
Tusaale ayaan ku siinayaa, Nin Professor ah oo u dhashay Gana ayaan
jaamicad ka wada shaqayn jirnay, wuxuu ka soo shaqeeyay jaamicadaha
maraykanka qaarkood muddo aad u dheer, wuxuuna ku takhasusay culuunta
siyaasadda.
Dalalka Gana ayaa la sheegay in doorashooyin laga qabanayo oo madaxwayne la
soo dooranayo abbaaraha sanadkii 1994kii, kolkaas baa professorkii hunguri
galay, oo wuxuu damcay in uu laabto oo sia soo sharaxo, wuxuuna ka mid ahaa
ragga mucaaridka dowladda ku ahaan jiray.
Kolkii uu Gana tegay ayuu yiri dood cilmiyeed iyo dood siyaasadeed baan
jeedinayaa, laakiin cid dhegeysata ma uusan helin. Waxaa loogu jawaabay,
Waryaa, Lacag ma sidataa aad dadka ku kala laaluushto oo aad codadka ku
gadato. Wuxuu yiri: Maya. OK, Hub iyo tuugo xoogleh ma haysataa oo ninkii
ku taageeri diida soo muquunsha nacabkaagana habeenkii merjiya. Maya.
Haddaba meeshii aad katimid ku laabo!!
Africa siyaasaddeedu waxgarad uma baahna, ee waxay u baahantahay maquunis,
sababta oo ah, dadka la maamulayaa badankoodu waa wax aan xoolaha wax
dhaamin, xoolaha ayaaba la qaatay oo qaarkood dadka iska adeecaan ee dadka
afrika waa ugaar duur.
Tan labaad, madaxda Africa ama dadka doonaya in ay madax u noqdaan dalalka
afrika waa dad badankoodu tuugo ah ama aano iyo nacayb u qaba bulshadooda,
awoodna aan u lahayn in ay qarshaan xumaantaas.
Haddii aad waxgarad ka waddaan nin siyaasi ah oo wanaagsan, kaas africa ma
qabto soomaaliya iskaba daaye.
Siyaasiga wanaagsan waa ninka garta in sharaftiisu ku dhisantahay sharafta
dalkiisa.
__________________________________________________________
Somali Electronic Journal Homepage: http://www.angelfire.com/ms/sej/
Note: To unsubscribe, send a blank email with subject (Remove).
Horta aad ayaad ugu mahadsantahay figradahii aad soo jeedisay.
Waxay ila´tahay in aad iyo aad somalida ugu cadhaysantahay waxyaabaha
somalia kasocda iyo sida ay u fikirayaan. Taas aniguba waan kugu
raacsanahay. Lakiin sidee ayaad ninyahaw dadkaaga ugu sheegi qartaa
Xoolo, aan fikirayn. Ood xidaa tidhi xolaha ayaa dhama, waayo xoolaha
waa la wadi karaa. Arinkaasi waa gef ayay ilatahay ee dib isugu noqo oo
dadkaaga iyo dalkaaga xaalsii.
Waan garanaya oo waxa wadankeenii kasocdaa dadka way niyad jabinayaan,
oo xitaa mar marka qarkood ayay ku gaadh siinaysaa "maxaa soomali
kaanaliyay ayaan daridaada".
Waxaa loobahanyahay raga sida adiga oo kale ahi in ay wadankooda waxka
qabtaan. Wadankaagii dhiig ayaa ka da aayee hagudegen.
Guuleed ma nabadbaa geelii ma kuu dhalay gugan xaggeed gasheen.
Qabiil iyo Qaran MISE Qabyaalad iyo Qoomiyadda
Qabiil waa cinwaan, waa abtirsiinyo, waa lama huraan
Qaran waa dal, waa dawlad waana maamul iyo hoggaan
Qabyaalad waa cudur, waa uf, waa kankar iyo kud waana habaar
Qoomiyad waa tan aan waynay, waa sumadda iyo salaan waana dib jir ku
nool darxumo iyo jir dilyo QABYAALADEED ee yaa u maqan oo u ciidmaya
MALAHA Mudane Melese Zanawi.
Ilaahayow Noo Naxariiso.
In article <7uvi66$ld3$1...@nnrp1.deja.com>,
>Africa siyaasaddeedu waxgarad uma baahna, ee waxay u baahantahay maquunis,
>sababta oo ah, dadka la maamulayaa badankoodu waa wax aan xoolaha wax
>dhaamin, xoolaha ayaaba la qaatay oo qaarkood dadka iska adeecaan ee dadka
>afrika waa ugaar duur.
Maxaad arintaas ku cadayn kartaa?
>Kolkii uu Gana tegay ayuu yiri dood cilmiyeed iyo dood siyaasadeed baan
>jeedinayaa, laakiin cid dhegeysata ma uusan helin. Waxaa loogu jawaabay,
>Waryaa, Lacag ma sidataa aad dadka ku kala laaluushto oo aad codadka ku
gadato.
Doorashada wadankan maraykanka ka socota ayaa maalin dhow
waxaa ka baxday naag la dhaho Elizabeth Dole.Waxaa la yidhi
maxaad uga baxday doorashada? Waxay tidhi lacag la'aan.Sababtoo
ah ninkii lacag wata ayuunba la dooranayaa,dadkuna adeecayaan.
Nin kale oo iyada ka horeeyey waa Alexander Lamore ayaa isna la
waydiiyey.Ma nin lacag haysta baan la tartami karaa buu ku jawaabay.Marka
walaal Africa oo kaliya qudhunkaas kuma koobne
maraykankuba wuula wadaagaa.
Leego waa xisbigii waddaniga ahaa ee aan dhammaanteen wada garanayno, waa xisbigii u soo halgamay xurnimada laakiin haddana bal u fiirso waxa ninkaasi ku heesay, iyo sida uu u gartay in ay baarlabaanka marka ay joogaan oo bulshada la hadlayaan ay been sheegayaan, habeenkiina baabuurtooda cadcad naago intay ku qaataan boocda eeraboorka la fariistaan.
Tusaale kale, waa hees kale oo caan ah:
Ninkaan dibutaati daadihinayn, amaan dabagaabi daaya lahayn
Dameerki "reer hebelba" wuu dili.
Waa hees kale oo aan dhammaanteen wada maqalnay.
Maraykanka isku sheegaya in ay gaareen dhimuquraadiyad tii ugu sarreysay, waxaan wada ognahay in cabsiis iyo laaluush iyo hendedaad laysku doorto ee uusan jirin nin ra'yigiisa si toos ah u dhiibta.
Laakiin walaal, khayr allaha ku siiyee, taas macneheedu maaha in aan dektaatooryad taageersanahay, ee waxaan ka wadaa talis caddaaladda u dhaw hala raadsho.
Tan kale dimuquraadiyadda hadda jirta si kasta ha u xumaatee, waxay anfici dowladaha hodonka ah oo qofka marka meel laga cariirsho uu meel uu ku baqdo helayo, laakiin dowladaha faqriga ah marnaba abfici mayso, maxaa yeelay nin gaajoon xorriyad waxba kama oga, haddii la yiraahdo waan ku addoonsanayaa wax aad cuntana waan ku siinayaa raalli buu ku yahay.
Marka bal walaalayaalow taas u fiirsada, soomaaliya maanta dhowr kun baa gaajo u dhimanaya, maxay xurnimo ka ogyihiin, maxayse dimuquraadiyad ka kasayaan, waxay u baahanyihiin qof ammaangelsha oo ka celsha dulmilowga beeraha ay tacbanlahaayeen ka gubaya. Taas ayaa dimuquraadi uga fiican.
Aad baad u mahadsantahay.
Hersi Labagarre
--
____________________________________________________________
Also email us at: laba...@hotmail.com or codkasoma...@angelfire.com
Salaan dhamaan!
Waxay ilatahay sidaad Hirsi sheegtay in dadku u baahanyahiin
nabadgelyo. Siday iltahay Demoqradiyadu waxaay leedahay manayaal badan.
Siday dadhorena u soo sheegeen waa wax dhaqan ku abuuran.
Waxay iltahay hadii ayanu nahay Somaali uma xiigsanin in aanu helo
Demoqradiyad ah sida ta R.galbeedka. Xataa hadii aynu doonaynana
dhaqankeena ayaan marnaba Fulinayn macnaha demoqradiyadu ku dhisantahay.
Waxa aynu u baahanahay waa nidaam daka u siman, oo aan kuqiimaynayn
qofka cida uu kadhashay, amba hoyadii ama abahii yahay. Kaas weeyo
somaaliga dimoqraadigiisu maanta.
Nadaamkan aan korkusoo sheegay sharciga uu doono hakusocdo (sharci
dhaqankeena ku baisgaraysan ha noqdo), wayga uu doono dadka ha kuwado.
Waxa qudha ee nidaamkaas loga baahanyahay waa in uu wadanka
heergaadhsiiyaa (heer horu mar ah).
Waxaa kale oo layaableh maxay somalidu dadka uugu qiimeeyaan Cidha uu
yahay? miyaydaan ogayn in uu qofkastaaba kudhashay xoriyad kana dhashay
Cid, ama qolo. Waxaan u jeedaa qofna Cirka kama soodhacin. Markaas waa
inaanay Qolo qofna siin "Advantage qofkalana disadvantage"
Waxay ilatahay Dabadan ayaa markay Akhristaan arinkan korku xusan
odhanaaya "Iska hadloow waa ina higare", amaba waxba kani sheegi maayo
oo warmuu sookordhin. Qofkaas waxaan u arkaa qof runta kacararaaya.
Runtuna weligaa kaa hadhimayso.
Mahadsanid
Guleed
Bal eeg meesha caaqnimadoodu gaartay soomaalida, bal maxay waxaa ku dheefayaan, haddii anfac qiimo leh ka soo gelayo maxaa iga bi'i lahaa, maanta carruurtoodii Waxbarasho ma haysato, kii waddanka ka soo cararay iyo kii tuulo qabsaday ee wali qoray caaraddiis ku haysta waa isku mid, dhammaantood waa qaxooti.
Bulshada Soomaalida aniga oo aan kala qolo qolaynayn, anigu waan u fiirsaday dhammaantood wax isma dhaamaan waa dameer iyo labadiisii dhegood, waxay u malaynayaan in adduunka oo dhan yahay sida ay ayagu ku noolyihiin.
15 ayaan qurbaha dhex jibaaxayay, waligay iyo allahay ma arag meel soomaaliya oo kale ah, oo dadku sida soomaalidu u dhibaataysantahay ay u dhibaataysanyihiin!!
Soomaaliya rejo malaha, sida ay hadda ku sugantahay rejo malaha, toosina mayso, laakiin waxaa laga yaabaa 100 sano kadib in ay soo laabtaan dad ay dhaleen soomaalida maanta soo qaxday carruurtoodu, oo markaa dalku dhallaan gaddoomo ama kuwa jooga minority noqdaan si markaas xaalka wax isaga beddelaan.
--
Salaan dhamaan!
Hirsi waad ku mahadsantahay fikradaadii.
Waxaasan layaabay sidaad somalida u kalabaratay. Run ahaantii adiga oon
isdiidsiin ayaad farata kufiiqday waxa jira. Inkasta oo aanan kahelin
inaad Qolooyin, ama umad dhan maxakamada saarto. Walaal Hirsi miyaad
ilaabtay "Individuality" ama xoriyada shakhsiga. Waxaan u jeedaa
dabadan ayaa sidaad korka ku soo sheegtay ahayn. Waxaan jelaan lahaa
hadii aad tidhaahdo dadbadan ayaa sidaas u fikirah. Waxaana aan
rajaynayaa in aad sidaas u jeedo.
Waxay ilatahay wareerka somaliya kataagen wuu dhamaankaraa haddii ay
dadku runta waajahaan. Waxyaabaha badan ee inugu dhacaayana dadka ayaa
isugu wacan. Dadka somalida ah dhibaatooyinka ugu wayn ee haystaa waa
kalooni la´aan. Waxaaan u jeedaa dadka waxaa ka luntay "confidence"
kii. Dadka maanta goáankooda ku kalsooni aad ayay u yaryahiin.
Waxaa maanta loobaahan yahay sidii dadka kalsoonidooda loo soocelin
lahaa. Inta arinkaas ogina aad ayay u yartahay. Khaasatan waxaa inaga
sii luntay kalsoonidii Hogaaminta. Taasina waa mid subxaanaleh. Haddii
ayanu kudhaafno Siyaad iyo Ardaydiisa ayaa sidaas somali ugalay, taasi
xalkeenimayso. Ilaahay kalsoonida dadka ha u
sooceliyo..AAAAAAMIIIIIIIIN.