Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Xukunka qofka Zinaystah

825 views
Skip to first unread message

AbdulQadir Ahmadei

unread,
Sep 6, 2001, 12:28:49 AM9/6/01
to
Xukunka qofka Zinaystah

Zino waxaa la yiraahdaa xiriir kasta ee jirka ah ee dhex mara nin iyo
naag oo aan shareecada islaamka waafaqsanayn. Taas waa nooca zinada
ciqaab sugan shareecadu u dejisay. Zinadaasu waxay ku dhabawdaa ayadoo
uu ninku farjigiisa geliyo farjiga naag uusan nikaax xalaal ah ku
qabin, biyo ha ka yimaadaan ama yeeyan ka imaane.

Qof hore u guursaday oo zinaystah

Shuruudaha qof hore u guursaday waxaa weeye afar: qaan gaarnimo, caqli
taam ah, xornimo uusan qofku addoon la leeyahay ahayn iyo inuu
guurkaas ku gogol galay. Haddii afartaas shardhi ayan dhammayn, oo
tusaale ahaan uusan ninka iyo naagta is guursaday ayan guurkoodaas
iskula gogol gelin, loo tix gelin mayo inuu qofkaasu hore u guursaday.
Waxaa Ilaahay SWT Aayadda 41 ee Suuratul Maa'idah ku yiri:

"Yaa ayyuharrasuulu laa yaxzunka allathiina yusaaricuuna fil kufri
minallathiina qaaluu aamannaa bi afwaahihim wa lam tu'min quluubuhum
wa minallathiina haaduu sammaacuuna lilkathibi sammaacuuna liqawmin
aakhariina lam ya'tuuka yuxarrifuuna alkalima min bacdi mawaadicihi
yaquuluuna in uutiitum haathaa fa khuthuuhu wa in lam tu'tawhu
faxtharuu wa man yuridillaahu fitnatahu falan tamlika lahu minallaahi
shay'an ulaa'ika allathiina lam yuridillaahu an yudhahhira quluubahum
lahum fiddunyaa khizyun wa lahum fil aakhirati cathaabun cathiim".

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

"Rasuulow yeyna ku walbahaarin kuwa ku dag dagi gaalnimada oo ah kuwa
ku yiri afkooda waan rumaynay oo ayan rumayn quluubtoodu, iyo kuwa
yuhoodoobay, waxay maqli ogyihiin beenta waxayna maqli ogyihiin qoom
kale oon kuu imaanin waxayna ka leexiyaan kalimooyinka meelaheeda
(dhabta) waxayna oran haddii laydinsiiyo kan (leexsan) qaata haddanse
laydin siinin ka dhigtoonaada, ruuxuu doono Eebe ibtilayntiisa waxba
ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la doonin inuu
daahiriyo quluubtooda, waxayna mudan adduunka dulli aakharana waxay
mudan cadaab wayn".

Sababta degidda Aayaddaan waxay ahayd, ayaa la yiri, in nin iyo haween
yuhuud ah, oo Madiina degganaa, ayaa kala zinaystay. Madaxdii yuhuudda
Madiina degganayd ma ay doonayn in labadaas qof oo falkaas foosha xun
ku kacay ay ka oofiyaan xaddii iyo ciqaabtii ku taallay kitaabka ay
sheeganayeen oo Tawraad ahaa. Markaas ayaa qaarkood waxay qaar kale ku
yiraahdeen: "u taga Nabigaan Muxammad ah, kaasoo diintiisa waxyaalo
badan oo fududayn ah ay ku jirto, fududeynna loo soo diray. Hadduu
fidyoodo sida aan dooneynno, oo ah inaan dhagax lagu dilin labada qof,
sida ku qoran Tawraad, aqbala oo oggolaada, waanna ku xujeytameynnaa
xukunkiisaas Ilaahay agtiisa, oo waxaan oraneynna waxaan raacnay
xukunkii Nabigaaga".

Yuhuudu way ogaayeen inuu Nabigu SCW Nabi iyo Rasuul Ilaahay soo diray
yahay, mase ayan doonayn inay rumeeyaan oo raacaan, laba sababood
daraadeed: xaasidnimo ay u quuri waayeen in asaga oo banii Ismaaciil
ah, oo carab ah, Ilaahay siiyay darajadaas ugu sareeysa mid qof la
siiyo, oo ah Nabinnimo iyo Rasuulnimo. Yuhuuddu waxay rabtay in
Rasuulka Ilaahay, Subxaanahu Watacaalaa, kasoo dhex saaro banii
Isxaaq, oo ay ka farcameen banii Israaiil. Sababta labaadna waxay
ahayd kibir iyo isla wayni. Sidaas ayay habboon tahay in labadaas
waxyaalood, oo ah kibir iyo xaasidnimo, laga foogaado.

Kitaabka Tawraad, oo asalkiisii lagu soo dejiyay Nabi Muuse,
Caleyhissalaam, wuxuu qorayay, oo Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa, ku
sharciyeeyey, in qofkii asagoo hore nikaax xalaal ah sad ku qaatay,
kaddib zinaystah, dhagax lagu dhuftoh inta ay naftu ka baxdo oo uu
dhinto sida shareecada Islaamkuba ay qabto. Marka waxay damceen inay
xukunkaas adag ka leexiyaan, oo shareecada Nabi Muxammad SCW xukun
midkaas ka fudud uga helaan. Markaas ayey Nabiga SCW oo masjidka
dhexdiisa asxaabtiisii dhex fadhiya, u yimaadeen, oo ay ku yiraahdeen:

"Qaasim Aabihiisow, maxaad ka leedahay nin iyo naag kala zinaystay?"
Nabigu SCW lama uusan hadlin, ee intuu fadhigii ka kacay oo istaagay,
ayuu wuxuu soo aaday meel ay culimadooda iyo raggooda diinta ku xeel
dheer ku kulansanaayeen, oo ahayd madariso ka mid ahayd dugsiyadooda.
Markaas ayuu inta dul istaagay, SCW wuxuu ku yiri:

"Ilaahaygii Nabi Muuse Tawraadda ku soo dejiyay ayaan idinku
dhaarinayaaye, maxaad ka heleysaan Tawraad oo xukun ah ruuxii
zinaystah asagoo muxsin ah, oo guur hore usoo arkay?"

Taasi waxay ku tusinaysaa in Nabigu SCW uu xukunka Tawraad ku dhignaa,
oo ay ayagu qarinahayeen, ogaa, oo uu Ilaahay SWT ogaysiiyey. Markii
uu Kitaabkii ay ictiqaadsanayeen, oo laakiin ayan ku dhaqmin, ku
dhaariyay, ayay waxay yiraahdeen:

"Labadaas qof wajiga ayaa laga madoobeeya, oo wax ka madoobeeya ayaa
laga mariyaa, markaasaa inta dameer la saaro ayaa labadooda la kala
jeediyaa, oo magaalada lagu wareejiyaa, oo saasaa lagu ceebeeyaa.
Waana la garaacahayaa, oo karbaash ayaa lala dhacahayaa. Sidaas ayaan
ka heleynnaa Tawraad, in labadaas qof xukunkoodu yahay".

Nin ayagii ka mid ahaa, oo la oran jiray Cabdullaahi ibnu Suuriyaa, oo
ay dhaartaas la culusaatay, ayaa wuxuu yiri:

"Haddaad na dhaarisay, oo aad dhaartaas nagu dhaarisay, Tawraad rajmi
baan ka heleynnaa, oo ah in dhagax lagu diloh".

Markaas ayaa Nabigu SCW wuxuu yiri: "Waxaan ku xukumahayaa, kuwaas aad
xukunkoodda ii keenteen, Tawraad xukunkeedii", wuxuuna amray in
xukunkaas la fuliyo, kaasoo la meel mariyay, maadaama uu asagu SCW
Madiina ka taliyay. Xadiithkaan asalkiisa waxaa wariyay Bukhaari iyo
Muslim, Imaam Dhabari iyo Abuu Daauud.

Boqorraddii iyo madaxdii yuhuudeed, intay adduunkaan shahwaadkiisa
jeclaysteen, ayay waxay ku kici jireen dambiyo waawayn oo ay zinadu ka
mid tahay. Markaas ayay, si aan xukunkii Ilaahay SWT iyo ciqaabtii uu
dambigaas u dhigay, oo Kitaabkoodii Tawraad ahaa ku dhignaa oo ahaa in
dhagax lagu dilo, qofkii hore u guursaday, ayay xukunkii Tawraad ku
yiillay gacnohooda ku beddeleen, oo ay ka dhigeen xukun ka duwan kii
Ilaahay SWT soo dejiyay. Sidaas oo kale ayay xukunkii ayan jecleysan
oo walbaba siduu u dhignaa ama ka beddeleen, oo xukun kale meeshiisii
ku dhigeen, ama macnihiisii ayay bedeleen, ama jiritaanka xukunkaas
inuu kitaabka ku dhigan yahay ayay qariyeen oo haddii la wareysto
waxay oran jireen xukunkaas ma jiro, ama xukunkii oo dhanba Kitaabkii
ayay ka tirtireen. Marka Kitaabka ay yuhuuddu hadda Tawraad ahaan u
haysato, oo intiisa badan loo yaqaan "Old Testament" oo ah qaybta hore
ee Bible-ka, ma aha Kitaabkii Tawraadda ahaa ee Ilaahay SWT, Nabi
Muuse CS ku soo dejiyay, ee waa waxay ayagu iska qorteen, oo waxay
naftoodu jecleysatay ku dhigeen.

Sidoo kale gaalada krishtaanka ah kitaabka ay haystaan, oo loo yaqaan
"New Testament" ee Bible-ka ma aha Kitaabkii Injiilka ahaa ee Ilaahay
SWT Nabi Ciise, wiilkii Maryama CS ku soo dejiyay, ee waa kitaab ay
ayagu waxay doonaan ku qorteen. Nabi Ciise, wiilkii Maryama bintu
Cimraan, wuxuu ku joogay shareecadii Nabi Muuse CS ee Tawraad ku
qornayd: Injiilku wuxuu ahaa Kitaab wacthi u badan.

Inay yuhuuddu Kitaabkii Tawraad sidaas gacmohooda ugu beddeleen,
krishtaankuna ay Kitaabkii Injiil ayaguna gacmohooda ku beddeleen,
Ilaahay SWT ayaa Quraankiisa Kariimka ah Aayado fara badan noogu
sheegay. Waaba annaga had iyo goor maqalnah in inta madaxdii
kaniisadda Kathooligga ah ee Roma laga maamulo, markay muddo joogaanba
inta shiraan ay ku dhaqanka kitaabkooda wax ka beddelaan, ama
Kitaabkooda laftiisaba wax ka beddelaan caqiidada ku saabsan ama
shareecadaba.

Qofkii doonaya inuu sii ogaado waxay kala yihiin New Testament iyo Old
Testament iyo kutubbada ay yuhuudda iyo krishtaanku kala haystaan, ha
ku laabto Kitaabka "The Holy Qur'An, English translation of the
meanings and Commentary" ee sanadkii 1411 ee Hijrada ay soo saartay
The Presidency of Islamic Reaserches, Ifta, Call and Guidance, laguna
daabacay King Fahad Holy Qur'An Printing Complex, Madiinah, bogga 329.

Waxay Bukhaari, Muslim, Abuu Daauud, Tarmathi iyo Nasaa'i, ay
Cabdullaahi bin Mascuud, kulligood Allaha raalli ka noqdee, ka
wariyeen inuu Rasuulkii Ilaahay Sallallaahu Caleyhi Wasallam ka
wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

"Xalaal ma aha dhiig qof muslim ah oo ku ashahaatay inuusan jirin
Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, aniguna aan Rasuulkii
Ilaahay ahay, saddex mooyee: 1. Qof hore u guursaday oo zinaystay 2.
Qof Qof kale xaq darro ku dilay oo qisaas loo dilahayo 3. Qof diintii
Islaamka ka baxay oo jameecada Islaamka ka tegay".

Waxaa Bukhaari, Axmad iyo Abuu Daauud ay Cabdullaahi bin Buraydah ka
wariyeen inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu yahay:

"Waxaa Rasuulka Ilaahay SCW oo markaas asxaabtiisa Masjidka dhexdiisa
la fadhiya, u yimid ninka la oran jiray maaciz bin maalik al
aslamiyya, Markaas ayuu ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, waan zinaystay
waxaanna doonayaa inaad i dhaahirisid. Markaas ayuu dib u celiyay.
Maalintii dambe ayuu u soo noqday, oo ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow
waan zinaystay. Markii labaad ayuu dib u celiyay. Markaas ayaa
Rasuulka Ilaahay SCW ninkaas ehelkiisii waydiiyay: "Miyaad ku aragteen
in caqligiisa wax u dhimman yahay, ama uu wax qabo?" Waxay yiraahdeen:
waxaan ku ognahay caqli fiyoobi. Markii saddexaad ayuu ku soo noqday,
markaasuu hadana dib u celiyay, oo mar kale ehelkiisii wareystay,
waxayna u sheegeen inaan caqligiisu waxba qabin, dhibaato kalena uusan
qabin. Markii uu markii afaraad soo noqday, god ayaa loo qoday (ilaa
xabadkiisa gaara), Markaasuu amray, markaasaa dhagax lagu dilay".

Waxaa kaleeto oo ay Axmad, Muslim iyo Abuu Daauud isla Cabdullaahi bin
Buraydah ka wariyeen, inuu aabihiis ka wariyay Xadiith macnihiisu
yahay:

"Waxaa timid (u timid Nabiga SCW oo asxaabtiisa Masjidka la dhex
fadhiya) Haweentii reer ghaamid ahayd (ghaamid waa jilib ka mid ah
qabiilka la yiraahdo juhaynah), markaas ayay tiri: Rasuulkii
Ilaahayow, waan zinaystaye i dhaahiri. Markaas ayuu dib u celiyay.
Maalintii dambe ayay hadana u timid, oo waxay tiri: Rasuulkii
Ilaahayow, Maxaad ii Celineysaa sidaad maaciz u celisay? Wallaahi uur
ayaan leeyahay. markaas ayuu yiri: "(Haddaad diiday inaad naftaada
asturtoh oo aad tawbad keentid) iska noqo, intaad ka dhashid". Markay
dhashay ayay timid ayadoo wiilkay dhashay maro ku sidatah, markaas
ayay tiri: waa kanoo waan soo dhalay. Wuxuu yiri "Tag oo soo nuuji
ilaa uu gaaro da'dii naaska laga goyn jiray markay naaska ka soo
goysay, ayay waxay timid ayadoo uu wiilkii gacanta go'muufo ah ku
sito. Markaasay tiri: Rasuulkii Ilaahayow, waa kan, oo naaskii waan ka
soo gooyay, haddana cunnaduu cunaa. Markaas ayuu wiilkii wuxuu u
dhiibay nin muslimiintii ka mid ah, kaddibna amar ayuu bixiyay oo
waxaa loo qoday god ilaa xabadkeeda ku sikman. Markaas ayuu dadkii
amray, oo (godkii lagu riday) dhagax aya lala dhacay. Khaalid Bin
waliid ayaa dhagax ku dhuftay, markaasuu madaxa uga dhacay, oo
dhiigeedii ayaa Khaalid wajigiisii ku daatay, markaasuu caayay.
Rasuulka Ilaahay SCW ayaa caydiisaas, uu haweentii caayayay, maqlay,
markaasuu yiri: "Khaalidow, tartiibso. Waxaan ku dhaartay Ilaahayga
naftaydu gacantiisa ku jirto, haweentaasi waxay Ilaahay ugu tawbad
keentay tawbad haddii uu tawbad keeno kan canshuurta dadka ka soo
uruuriyah kaddibna xaqdarro ku qaata (falkaasoo dambi aad u weyn ah,
maadaama uu qaatay kumiyaalkii dad sabool ah oo suuqa badeeco
keensaday xoog iyo xaqdarro looga soo uruuriyay), loo dambi dhaafi
lahaa. Markaas (ay dhimatay) ayuu ku tukaday, waana la duugay".

Riwaayad kalena oo laga wariyay Cimraan bin Xusayn, ayna ka wariyeen
Jamacada intaan Bukhaari iyo ibnu Maajah ahayn, waxay leedahay:

"Markaas ayaa Cumar ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, ma ku tukaneysaa,
ayadoo zinaysatay? Markaas ayuu ku yiri: "Waxay tawbad keentay tawbad
haddii loo qaybiyo toddobaatan qof oo dadka madiinah ah way ka badan
lahayd. Miyaad aragtay wax ka fadli badan inay nafteedii Ilaahay ugu
deeqday?"

0 new messages