Nin baa waxa uu arkay nin meel jiifa oo ku qaylinaya " Alla gaajo
kulula". Inta uu u yimi ayuu ku yidhi, waarya jiifkan, jiif hore ayaa
kaga horeyey. Ninka ujeedadiisu waxay ahayd, wakhtigii ku haboona inuu
shagaysto oo gaajadan ka tabaabushayto ayuuna shagayn ka imika jiifaa.
Waxaan u sheegaya nimanka Isaaq ee ka cadhaysan sida ay ugu qadeen
Jabuuti in qadoodigan mid idinka horeeyey. Waxa aad qadeen oo laydinka
adkaadaya maraka, kuraasti baarlamanka labaatan laydin siiyey, halka
qayrkiin lixdan wax ka badaan la siiyey ee aad ogolaateen.
Siyaasadu waxa ay leedahay galal layskugu dabaal joogtey oo liqa ninka
aan dabaasha aqoon. Waxay ay leedahay booramo qafilin qabarna ka
hooseeyo, oo haddii siddi Faraaax Nuur aad iska garaan weydo aad ku
dhacayso. Waxa ay leedahay oo kale jarar haddii laga tuur aanaad weliga
soo noqonayn.
Shirka Jabuuti rag baa ujeedo ka laha si ay ujeedaa u gadhaanna qorshe
ayey u sameysteen.Idinka maray idin ogaadeen in aan Isaaq idin soo
diran, wixii ay Isaaq ugu talogaleen waxay ay la sugayaan marka ay Isaaq
wada hadlayaan.
Arrintaas Jabuuti qorshaheeda nimanka watay kalinta ay idinku talo
galeen waxay aheed Isaaqna waa kan.Imika qiimo ma lehidin oo marxaladdi
laydiin bahna waa laga soo gudbay.Hadda waxa meesha taal "Xaan ka dheefa
haddi aan awrkaygii ku kacsaday".
Shirkaas rag magaca Isaaqa huwani haddii ay ka qab deli lahayn marka
horeba waxa laydin ku yuubay lagu lama dheceen. Waayo waxa la og yahay
inta ay miiska garacaan inay odhanayaan " NOOOO! cadkan ma
gayno."Laakiin ku may dudeen ciyigu waa nagu yaryahay.Ileen waa ciyi
waxa marka horeba laydin siiyey e.
Siddii ay ragganimadu ku jirtay ee Somaliland iyo Somalia loo wada
hadli laha , ii cug cirka kan baan qaatay, idinka ayaa ka dar jiihay oo
ciyi sad mooday.
Imika idinku ma odhan kartaan, Xamar tege mayno haddii laydin ogolaadaba
wayo Jabuuti ka baxa ayaa laydin yidhi, Hargeysana ma tege kartaan oo
"wanted baad ka tihiin."
Haddii aad isla haydeen meesha taga oo madaxnimo Somaliland bac loogu
riday soo meelaysta, idin ka hoostay. SALAAN CARABAY haddi uu nool yahay
waxa uu idin odhan laha Darjiidh-yaal yahow madaxnimo laguma hello sidda
u handanaysaan e.
Kaga daran Cli Kaliif waa nin Isaaqa kala yaqaan, sheekhiisa,
sharifkiisa tugiisa iyo kha'inkiisaba,oo anay ka qasnayn cidda arrimaha
Isaaq loogu tegay iyo halka loo marayba.
Mucaaridnimo laydinma diidna, lakiin idinka oo jooga baarlamaanka
somaliland Kabta miiska ku garaaca sidi Kuruushof, oo dhaha sida sidaas
baa ka hagaagsan.Danda dadkiina ka hor mariya ta qaaska ee aad lidihiin.
Haddii aad la timadaan tayadii hogaamiya gaadhka u ahayd,oo marka ay
gartu adkaato, xaajadu guracnaato, guurtidu kala maagto, ee nin waliba
gees damco uu giijo madaxiisa, dee hayska cararina ee keena guduunkii la
wada raaci laha sidii X E R S I . Haddii aad sidaas ku kasbataan
kalsoonida dadkiina sabab ay madax idin ka dhigan wayaan ma
muuqato.Aakirana sidaas X E R S I ayaa marka aad dhimataan laydin
baroordiiqi.
Waxa aanu idin ku baqaayna inaad soo noqotaan,oo aad shicibkiina cafis
waydiisataan.Waxaanu Ilaahay idin ka baryayna innu idin garadsiiyo
hadba sida danta Somaliland ku jirto inay tiinuna ku jirto.
Soo noqda idinkoo nabad ah. WASALAAMA CALAYKUM.