Hadii aad sawir qaado
Suukona aad ku safayso
Sacsacna aad ku lifaaqdo
Sunbana aad ku walaaqdo
Bal maxay soo baxayaan ?
Car bal soo saar wadartood !
Wacaysoow, sidii hore kaamaan siisan, markale suugaanta ku caawiyoo
murtida sabab iigu yeel.
Dadku waxay u qaybsamaan saddex nooc:
(1): Caalimun laa yaclamu, wayaclamu anahu caalimun
Ruux jaahila oo isu qaba in uu wax yaqaan
(2): Caalimun yaclamu, wayaclamu anahu laayaclamu
Ruux aqoon leh oo isu qaba in uu jaahil yahay
(3): Caalimun laayaclamu, wayaclamu anahu laaycalamu
Ruux jaahil oo og jaahilnimadiisa....Scska waxa ka buuxa number 1.
Adigoo maraa iyo meygaag u jeedaa mixir loogu dhuuntaa:
Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiisa,
Aboor baa dundumo dhisay waa yaab, abur (candhuuf) buu ku dhisayna waa
yaabka yaab kiisa. Waxan ugga socdaa taas:
Nin gardaran oo gar lihi waa yaab, nin gar leh oo gartiis waayeyna waa
yaabka yaabkiisa. Kobtaa joogsi ii saar.
Ma'ogtahay Akhristoow:
Magaalada Melbourne (Australia) waxa lagaaga furay hudheel raashinka uu
sameeyo aad loogu bogey lana magaca baxay Bar_dhoodaan. Mar ay shaqaalaha
laanta Illa talidu soo indho indheeyeen soona dhego dhegeeyeen waxay la
kulmeen Mr.Dhoodaan oo ah ninka maqaaxida isagu danbaaba. Si fiican ayuu
noo soo dhaweeyey maalintaas wixii aanu dalbanay isagaa qabey, mar qudha
jeebadayada gacanta maanaan gelin. Cuntooyinka hudheelku kuu hayo waxa ka
mid ah, (1): Kaalay I cun (2): Hay dhigin (3):Hay dhaafin (4):Hay Ilaabin
iyo qaar kaloo badan oon magacoodii kari waayey. Hadaba hadii aad mar uu
soo gaadho Melbourne Australia ha moogaan oo ha ka maqnaan Bar_DHoodaan.
Ma'ogtahay akhristoow:
Magaalada San-Faran-sisco waxa laga furay hudheel raashinka uu sameeyo
dhamaan ku badan tahay TOOntu; arrintani waxay ka danbaysay ka dib markii
ay culimada cudurka kansarka (cancer) baadha waano ku bixiyeen toonta oo
la badsado in ay faa'iido u tahay ka hortagga cudurro badan oo halisa.
Ma'ogtahay akhristoow;
Sanadku markuu ahaa 1858-kii ayaa dhakhtar u dhashay dalkaasi Farsiiska
lana odhan jirey "lewis paster", ayaa xaqiijiyey faa'iidada ay toontu
leedahay iyo sida ay uga hor tagto bakteeriyada.
Ma'ogtahay dhegeystoow:
In muddo 400 oo sanno ah inay Shiinaha iyo Faraaciyiintii Masar ay
siticmaali jireentoonta, hadaba halka ugu badan ee toonta lagu beeraa waa
California dalkaasi Maraykanka intooda badana waxa iska leh Beerahaas
nin la yidhaahdo DON-Kristoofer, waxaana loogu yeedhaa Boqorka Toonata.
Ma'ogtahay dhegeystoow:
In dadkii ugu horeyey ee baaruuda jiheeyaha iyo shaaha a cabo inay
ahaayeen dadyowga shiinaha.
Ma'ogtahay Dhegeeystoow:
In boqortooyadii Islaamka (cusmaaniyiintii) ay ka soo iibsan jireen
baaruuda dadyowga Shiinaha ka dibna ay dabka ku guri jireen uguna dabaal
degi jireen xafladaha Islaamka sida Ciida iyo Mawluutul Nebiga (SCW) iwm.
Ma'ogtahay dhegeestoow:
In laba nin oo ka tirsanaa boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ogaadeen in
baaruudu ay leedahay caabi ama awood ay wax ku dili karto, isla markaan
aya soo saareen rasaasta (bullet) qoriga taariikhda markii ugu horeysey.
Ma'ogtahay dhegeystoow:
In labaads nin gumacii ku tijaabiyeen xayawaan kadibna markii ay ogaadeen
in uu wax dili karo ay u sheegeen madaxdii dawladii Cusmaaniyiinta.
Kuna yidhaahdeen, waxaanu haynaa hub cusub kaas oo aynu cadowgeena ku
dili karo isaga oo inoo soo jira 200 oo talaabo, isla markaana
gaashaankii iyo warankii labadaba waynu ka maarmidoonaa.
Article Unavailable
>Ma'ogtahay Akhristoow:
>Magaalada Melbourne (Australia) waxa lagaaga furay hudheel raashinka uu
>sameeyo aad loogu bogey lana magaca baxay Bar_dhoodaan. Mar ay shaqaalaha
>laanta Illa talidu soo indho indheeyeen soona dhego dhegeeyeen waxay la
>kulmeen Mr.Dhoodaan oo ah ninka maqaaxida isagu danbaaba. Si fiican ayuu
>noo soo dhaweeyey maalintaas wixii aanu dalbanay isagaa qabey, mar qudha
>jeebadayada gacanta maanaan gelin. Cuntooyinka hudheelku kuu hayo waxa ka
>mid ah, (1): Kaalay I cun (2): Hay dhigin (3):Hay dhaafin (4):Hay Ilaabin
>iyo qaar kaloo badan oon magacoodii kari waayey. Hadaba hadii aad mar uu
>soo gaadho Melbourne Australia ha moogaan oo ha ka maqnaan Bar_DHoodaan.
Hi Mustafe;
Ila soo gaar cinwaanka. Glad to hear lot of things are happenning
in Melbourne lately. Six weeks to go my next visit to the Grand Old
City.
Good luck for the exams.
Hamid
>Nabad-gelyo
>.......
>M.Jama