Asalaamu Calatykum
Kaddib markaan arkay dhowr farriimood oo dadka ugu tahniyadeeynayaan
waxa lagu magacaabo sanadka cusub iyo iyaga oo ummadda u rajaynaya khayr
iwm waxaan jeclaystay inaan walaalaha intaan ogayn xusuusiyo iyada oo
nusxan Lillaahi warasuulihi iyo walicaamatal muslimiin ah xukunka
islaamka ee tahniyadda iyo farxadda iyo rajeynta sanadka cusub.
Waxaa dhab ah in islaamku yaqaanno keliya laba ciidooda keliya: Waa
ciidda soonfur fiyo ciidda carrafa. Sidaa awgeed ciidaha kale oo ay ku
jirto midda sanandka cusub islaamka meel cad ayuu ka istaagay oo waa uu
xaarinimeeyay.
Alle waxaa uu yiri, "Maanta waxaan idiin dhamaystiray diintiina...".
Ayaadda waxa ay ku tusinaysaa in diinta islaamka ciiidaheeda iwm aanan
marnaba lagu dari karin ciid kale.
Qofka muslimka waxaa uu leeyahay caqiido qaabayska shakhsiyadiisa iyo
habka dhaqankiisa taasoo ay ka muuqanayso hab nololeedkisa. Marka
walaalayaal yaanan dhuminin shakhsiyadda islaamiga ah ee aannu leenahay.
Waxaa uu Nabigu yiri, "qofkii dad (gaalo) isu ekaysiiya iyaga ayuu ka
mid yahay".
U dabbaal degga iyo isu tahninayeynta sanadka waxa ay soo hoos gelayaan
isku ekaynta gaalada ee nabiga uu diiday.
Ku faan islaamkaada, una dabbaal deg labada ciidood ee islaaamkgaaga,
islamarkaana aannu dareensiinno caruurta in ciiddooda tahay ciidaha
islaamka.
Chrismas, halloween, New year, iwm waxay noo yihiin diiniyan iyo
ijtimaaciyan waxaan noo jirin. Aannu barno da' yarteenna ciidahooda
islaamka.
Wasalaamu calaykum
Abuu Xafsa, Cumar Khadhib
Assalamu calykum,
Waad ku mahadsantahay waanadaada.waxaan rejeeyn in walaalaha ay anfici
doonto.
Waxaan xasuustay mar dawladda Sacuudigu ay ku martiqaaday Br. Yusuf
Islam,London, inuu ka soo qayb galo dabaaldegga waddanka hase ahaatee uu
ku gacan saydhay isaga oo u sheegaya sababaha aad sheegtay ee ah inuu
Islaamku leeyahay uun labo ciidood.Taasi way ka cadhaysiisay
marti_qaadayaashii Sacuudiga!
Walaal Cumar, maadaama sida xaalka Somaliya ku socdo laga yaabo inaynu
'baaqi' ku ahaano waddamadan aan martida u joogno ee reer galbeedka, in
muddo ah, sidee baan ugu bandhigi karnaa, una tusi karnaa carruurteenna
labada ciidood ee Islamka?
Wasalaamu calaykum
cabdi_Rashiid Y. Ismacil
>U dabbaal degga iyo isu tahninayeynta sanadka waxa ay soo hoos gelayaan
>isku ekaynta gaalada ee nabiga uu diiday.
>Ku faan islaamkaada, una dabbaal deg labada ciidood ee islaaamkgaaga,
>islamarkaana aannu dareensiinno caruurta in ciiddooda tahay ciidaha
>islaamka. Chrismas, halloween, New year, iwm waxay noo yihiin diiniyan
>iyo ijtimaaciyan waxaan noo jirin. Aannu barno da' yarteenna
>ciidahooda islaamka.
Cumar, Salamun calaykum,
I agree that we shouldn't celebrate Christmas, halloween, Easter etc.
but celebrating the New SOLAR year has nothing to do with gaalnimo or
Islam. Allah says He created the sun and the moon for timing devices and
calculations. And in Chapter 18 verse 25, Allah is informing us how long
Asxaab Al-kahf stayed in their cave. The verse says:
"They stayed in their cave THREE HUNDRED YEARS plus NINE."
We see both lunar and solar years are used. Three hundred solar years
equals 309 lunar years. Such are the designs of your Lord.
Happy new year!
Salaamun alaykum,
Mahmoud.
> I agree that we shouldn't celebrate Christmas, halloween, Easter etc.
> but celebrating the New SOLAR year has nothing to do with gaalnimo or
> Islam.
Omar Khadhib:
Maadaama aad sunnada nabiga diiday oo aad u aragto garbage wixii
wariyayna kuu yihiin dad u ololeeynayaa shirki cusub...marka waa gartaa
inaad ciidaha saaxiibadaa u aragto another balony new solar system
while nabigeennu u yiri, "qofkii isu ekaysiisya dad iyaga ayuu ka mid
yahay".
> Happy new year!
Omar: Horay ayaad wax ka daran u sameeyasay.
F:G
Mudane akhriste iga raalli ahow maana jecalayn inaan ninkaan u jawaabo
lawlaa cabsi aan qabo inuu marin habaabiyo dad diinta wax ka aqoonin
ayaan u jawaabay.
Abuu Xafsa, Omar Khadhib
> Waad ku mahadsantahay waanadaada.waxaan rejeeyn in walaalaha ay anfici
> doonto.
Omar ý: Jazaakallahu Khayran malaha wanaagsan ee aad noo sameeysay
akhaanaa fillaahi.
>
> Waxaan xasuustay mar dawladda Sacuudigu ay ku martiqaaday Br. Yusuf
> Islam,London, inuu ka soo qayb galo dabaaldegga waddanka hase ahaatee uu ku gacan saydhay isaga oo u sheegaya sababaha aad sheegtay ee ah inuu
> Islaamku leeyahay uun labo ciidood.Taasi way ka cadhaysiisay
> marti_qaadayaashii Sacuudiga!
Omar: Marka ay timaaddo bidcada ciidaha Sucuudiga kama duwana waddamada
carabta kale ee u dabbaal dega waxa la yiraahdo ciidul wadhan iwm.
>
> Walaal Cumar, maadaama sida xaalka Somaliya ku socdo laga yaabo inaynu
> 'baaqi' ku ahaano waddamadan aan martida u joogno ee reer galbeedka, in muddo ah, sidee baan ugu bandhigi karnaa, una tusi karnaa
carruurteenna labada ciidood ee Islamka?
>
> Omar: Alle ha noo fududeeya ka haajiridda dhulkan gaalada. Midda xigta
waxaa golahan jooga dad walaalo ah oo iiga fiican xagga aqoonta
iyo muujinta habka ugu fiican ee loogu bandhigo labada ciid ee islaamka
da'yarteenna. Haddii aan wax yar ku daro waxaan oran lahaa sida soo
socoto: sida la ogyahay ciidda islaamka waxay leedahay ujeeddo cad oo ah
mid cibaado ah oo ajar iyo xasanaad lagu kororsanayo. Ma aha cunid,
cabbid, dabbaal deg iyo dig digta aannu maalin walba ku aragno ciidaha
kale. Sidaa awgeed waxaa marka hore habboon inta da' yarta la baro
macnaha cibaadada loo jeedo oo ah mahad celin iyo gebagabaynta cibaado
dhamaatay. Alle waxaa uu yiri, "Inaad Alle ku waynaysaan wixii uu idinku
hanuuniyay waxaad mudan tihiin inaad u shukrisaan".
Waxaan kale oo ii muuqata maadaama da'yar badan ku dhalanayaan
waddamadan in barnaamijyo ciideed la diyaariyo oo loogu tala gelayo
caruurta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed sanad walba si ciidda islaamka u
noqota bartilmaameed ay higsanayaan jaaliyadda oo dhan.
**Waxaa wiilasha loo sameyn karaa barnaamijyadan;
1) Tartan islaami ah oo isugu jira quraanka, axaadiista, taarikhda
islaamka, saxaabada, iwm.
2) Ciyaaro kala duwan sida kubbadda caggta, kolayga, tartan orod ah iwm
inkasta oo mar kasta la samayn karo.
3) Ka qayb gelin olaha lacag ururin sadaqa ah iwm
4) Ka qayb galka iyo raacidda booqashada asxaabta iyo qaraabada maalinta
asi oo guriga looga tegin.
5) Geynta iyo ku ciyaarsiinta inta meel loo xajiyo "reserved" meelaha
ilmaha lagu ciyaarsiiyo iyada oo is dhex yaaca gaalada laga ilaalinayo.
Dhab ahaan waxa la sameyn karaa in meelaha caruurta muddo ka hor loo sii
reserve gareeyo ama si wadajir loo keensado toy playground oo kiro ah
gaarna u ah caruurta muslimiinta.
6)Maroodi iyo fardi fuulka waa ciyaaro funny ah oo ilmaha maalintaasi
lagu farax gelin karo. Sidoo kale wiifowga xoogga u orda magaciisu waa
iga maqan yahay.... haddaan xusuustay fire truck rides.
Gabdhaha yar yar inay cunid iyo xan ku jiraan maalintaasi waa laga
fiican yahay oo waxa loo sameyn karaa barnaamij xiiso badan oo kala ah;
1)tartan islaami ah;
2) ciyaaro ay ku sameeyaan si astur ah, xijaabkana la ilaalinayo;
iyo arrimaha kale ee wiilasha aannu u sheeganay wixii gabarnimo u
diidday mooyee.
Waxaa ay gabaha maalintaasi sameyn karaan anaashiid islaami ah oo u
durbaan la socdo laakin waa inay ku sameeyaan meel asturan oo ay joogaan
keliya waalidiintooda iyo qaraabadooda, iyo asxaabta waalidkooda.
Waxaan filayaa haddii barnaamij hufan oo sanad walba la sameeyo noqon
kara mid jaaliyadahaa oo dhan ay ku dhalin karto, Alla ka cabsi, xiiso
islaami ah iyo farxad dhab ah taasi oo ka duwan cun cab iyo xan meelaha
lala fariista ilaa ilmaha markii ay waayeen barnaamij islaami ah ay u
hanqal taagaan waxa gaalada qur qurxiso. Wallaahu Aclam.
Omar Khadhib
Dear ABU XAFSA,
In this particular issue M. Abiib is right and you are totally wrong.
That is my personal opinion. I use a solar calender. jan..feb..mar.. etc
My holidays are consistent with it and so are my appointments and
planning for the year to come and my every day life. furthermore I am
sure you do the same. The calender you buy is solar. Your schedule at
work or at school is solar. There is nothing unIslamic about celebrating
the begining of a new year of work, taxation, schooling, planning...
Infact calling it unislamic while you using the same calender day in day
out is close to, well.. hypocracy! That is how it seems from this
angle.
Happy New Year to All.
Abdi Jowhar.
> Dear ABU XAFSA,
>
> In this particular issue M. Abiib is right and you are totally wrong.
> That is my personal opinion. I use a solar calender. jan..feb..mar.. etc
Omar: walaal Abdi Cafallahu canka wa cannaa, waxaa ii muuqata inaan isku
meel ka arkin arrintan xasaasiga ah iyo munaasabaddeeda. Anigu waxaan
uga jawaabay sida ahlu cilmigu yiraahdeen adigana waxaad la aaday arrin
la xiriirta meel kale iwm. Sidaa awgeed waxaa jeclaan lahaa inaad dul
istaagto waxa ay culimada islaamka ka yiraahdeen sanadka cusub iyo
isugu tahniyayntiisa.
Ogow khaladka aniga aad igu sheegtay hadduu yahay ra'yi kayga ah waan
kaa guddoomay. Haddii uu yahay mowqif sharci ah oo culimadu hore u
fatwoodeen (waa sida xaalku yahaye) bal dib u akhri waxay yiraahdeen,
kana noqo hadalkaada aad ku magacowday personal opinion.
> My holidays are consistent with it and so are my appointments and
> planning for the year to come and my every day life. furthermore I am
> sure you do the same. The calender you buy is solar. Your schedule at
> work or at school is solar. There is nothing unIslamic about celebrating
> the begining of a new year of work, taxation, schooling, planning...
> Omar: Walaal Cabdi waxaa mar labaad ii muuqataa inaad kala saarayso
macnaha diinihga ah ee ay xambaarsan tahay ciidda gaalada ee sanadkooda
iyo habnololeedka shaqo ee ku salaysan solar calenderka. Isticmaalka
bilaha gaalada ee wahmiga ah waxaa weeye waxay culimadu yiraahdaan
mimmaa camat bihil balwaa. Laakiin cid tiri ma jiro maalmahooda macnaha
diiniga ah xambaarsan ha loo dabbaal dego oo halgu waafaqo waanan midda
aan ka hadaly anigu. Marka yayan isaga kaaya khaldamin labada shay.
In fact calling it unislamic while you using it the same calender day
in out is close to, well.. hypocracy! That is how it seems from this
> angle.
Omar: Cafallaahu canka; mar labaad waxaan ku oran lahaa u malee
walaalkaa khayr. Midda kale iskuma xirna isticmaalka calenderka iyo u
ciiddiisa marka taxation, school year, iwm waayo macno diini ah ma
xabaarsana. Ciidda sanadka cusub macno diini ah ayay wadataa sidaa
awgeed waa inayan noo ahaan maalin la farxo oo loo dabbaal dego. Waxaa
uu Alle yiri, "ummad kasta waxaan u yeelnay maalin ciideed ay khasab ku
tahay inay dhowraan ...." Alxaj 34:67
>
> Happy New Year to All.
Waxaa uu sheekhul islaam ibnu Taymiyah iyo ardaygiisa qarrireen in
gaalaada ciidahooda lagala qayb qaadan karin, sidoo kale laysu ekayn
karin even without intention. Hadii ay niyad iyo ku dayasho timaaddo
xaalku khatar ayuu gelayaa. Marka happy new year all iwm caalim muslim
ah oo warkiisa culays sharci leh oo yiri waa banaan tahay lama hayo
marka waa inaannu ka harnaa. Faafaahin dheeraad ka akhri iqtidhaa'u
Siratul mustaqiim fii mukhaalafi ahli aljaxiil Li Ibnu Taymiyah.
illa xaqa ha na tusiyo.
F:G Waxaan ka xumahay su'aalo aad Dec, 17 qortay oo aan ka jawaabin
waayo waxaan ka ogaaday caawo excite search. Haddan helo inshaa Alaah
waan ka soo jawaabi doonaa.
Abuu Xafsa, Cumar Khadhib
Aslaamu calaykum waraxma tulaahi wabarakaatuhu:
Walaal Cumaroow Alaah Jasaa hakaasiiyo sida aad ninkan aad ugu
jawaabtay.
Run ahaantii Jawaab Fiican ayaad Siisay, Laakiin waxaan umalaynayaa
Ninkaan maxamuud layiraahdo Inay waxaan uu kuhadlaayo inay kayarsiinayso
Jaahilnimo ee walaaloow ucudur daar oo xujadana ku oog wiilakan Abiib
ladhaho.
Qayr ayaan kuu rajaynayaa Hana kadaalin dacwada Salafiyada ah.
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
AQuuka Fil Caqiida. SH:C/Naasir M Jaamac
Asalaamu Calaykum waraxmatullaahi
Jazaakallaahu malahaada khayrka badan. Waxaad ogaataa inuu joogo
walaalkeen Cabdiqaadir oo runti tamar iyo dadaal dheeraad ah muujiya
sida uu u wacyi gelin lahaa Soomaalideenna kulaasha ama wareysiga iyo
ra'yiga isku dhaafsata fagaarahan SCS. Isaga ayaa taageero naga mudan
iyo duco iyo dhiirri gelin. Sidoo kale walaalaha kale sida Heebaan, M.
Musa, adiga iwm.
Midda aad tidhi Abiib waxaa ka yeersiinayaa waxa uu ku hadlaayo
jaahilnimo waa runtaa waayo haddii uu aqooni lahaa diiintan sidaasi uma
hadleen umana burburiyeen asallka labaad ee diinta islaamka. Waxaan ku
oogaynaa xujada laga yaabo inuu hanuuno oo uu ka soo noqdo baadida uu
galay ama fidinayo.
Ugu dambayn shuboo goyn iyo caddayn dabadeed waa cad yahay xukunka
islaamka ruuxii diida sunnada ama ku magacaabo shirki iyo garbage.
Allaahuma laa takhdilnaa wahdinaa ilaa siwaa i siraadh.
Abuu Xafsa Omar Khadhib
G ADAN wrote:
>Midda aad tidhi Abiib waxaa ka yeersiinayaa waxa uu ku hadlaayo
>jaahilnimo waa runtaa waayo haddii uu aqooni lahaa diiintan sidaasi uma
>hadleen umana burburiyeen asallka labaad ee diinta islaamka. Waxaan ku
>oogaynaa xujada laga yaabo inuu hanuuno oo uu ka soo noqdo baadida uu
>galay ama fidinayo.
>Ugu dambayn shuboo goyn iyo caddayn dabadeed waa cad yahay xukunka
>islaamka ruuxii diida sunnada ama ku magacaabo shirki iyo garbage.
Omar,
What is 'Xukunka islaamka ruuxii diida sunnada'?
According to Allah's fully detailed book, following any SUNNAH other than
SUNNA-TU-ALLAH or XIKMA other than the QURAAN is considered SHIRK.
I am aware of your "Islamic xukun" for those who reject Sunnada shaydaanku
allufay. Our Creator informs us this 'xukun' of yours. You love to shed
blood on earth!! See 2:30.
Wa Salaam,
Mahmoud.