Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Sabarka iyo Adkaysiga

129 views
Skip to first unread message

Abdulkadir Abdi

unread,
Jun 19, 1996, 3:00:00 AM6/19/96
to

Sabarka iyo adkeysiga

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
7. ŌKuwa xaqa rumeeyow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo
kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaaneÓ.
Suuradda aali Cimraan:
Aayadda 200.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
8. ÔWaxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo
nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaareeÓ Suuradda
al-Baqara: aayadda 155.

Wuxuu kaloo yiri hufnaaye:
9. ŌSabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab laÕaanÓ.
Suuradda az-Zumar: Aayadda 5.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
10. ŌKii sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la goÕaansado ahÓ
Suuradda ash-Shuuraa: Aayadda, 43.

11. ŌKuwa xaqa rumeeyow! kaalmeysta sabarka iyo salaada. Alle sabrayaashuu
la jiraayeÓ. Suuradda al-Baqarah: Aayadda 153.

Wuxuu yiri oo kale kor ahaaye:
12. ŌWaa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiina jihaadaya iyo kuwa
sabrayaÓ. Suuradda Muxammad: Aayadda 31.

Waxaa jira Aayado badan oo ka hadlaya wanaaga sabarka iyo ajarkiisa iyo
inay isfaraan muslimiinta.

25. Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu
(S.C.W.) wuxuu yiri: Daahirnimadu (nadaafaddu) waxay u dhigantaa iimaanka
barkiis. inaad tiraahdo ÔAlxamdu LillahÕ oo macnaheedu yahay (ammaan iyo
mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka
inuu cuslaado; ku dhawaaqidda ÔSubxaanal-laah (Alle baa ceeb iyo nuqsaan
ku hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lillaah (Ammaan oo idil waxaa leh Alle)
baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo dhulka inta u dhexeysa (oo kheyr
iyo barako ka buuxiyaan). Salaaduna waa nuur, sadaqaduna waa caddeyn
(muujineysa iimaanka qofka) in aad sabartaan waa wax wanaagsan sida
iftiinka, QurÕaankuna waa kuu xujo ama kugu xujo. Qof kasta wuxuu subaxa
ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan
mid soo xoreeya, iyo mid soo halligaÓ.

(Muslim)

Fiiro gaar ah: Waagu markuu baryaba qofku wuxuu ku mashquuli
maalintiisaasi shaqooyinkeeda haddii uu xusuusnaado Alle oo labadiisa
indhood hor dhigo maalinta qiyaame markuu wax qabanayaba, oo xumaha ka
dhowrsado, samahana u dheereeyo. markaa wuxuu ka xoreynayaa naftiisa
cadaabta maalintaa; hadii uu ka doortana danahiisa adduunka (iyo
kasabkeeda) tan aakhiro, markaa waa isaga shaki liÕi kan khasaaray ee
nafti haligga ah.

26. Abuu Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri(A.K.R) wuxuu yiri: Dad ka
mid ah ansaarta baa waxay ka codsadeen nebiga (S.C.W.) inuu wax siiyo,
wuuna siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad wuuna siiey jeer ay ka
dhamaadeen wixii uu hayey. Dabadeedna wuxuu yiri nabigu:Haddii aan wax
hayoba, kama labo labaynayno inaan idin siino. Ogaadase: Qofkii isdhawra
Allaa dhawra; qofkii isdeeqtoonsiiyana Alle waa deeqtoonsiiyaa, qofkii
sabrana Alle waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin gallad ka wanaagsan oo ka
khayr badan sabarka iyo isu dhiibida Alle.

(Bukhaari iyo Muslim)
27: Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.)
wuxuu yiri: ŌArrinta qofka muÕminka ahi waa wax wanaagsan oo la yaab leh.
waa u kheyr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska leh muÕminka oo
keliya cid kalena lama wadaagto. Haddii uu helo wax wanaagsan, wuxuu ku
shukriyaa Alle taana waa u kheyr, haddii ay dhibaato la soo gudboonaatona
waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raalli ka noqdaa, taasina sidoo
kale waa u khayrÓ. (Muslim)

28: Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markuu xanuunka nabiga (S.C.W.) ku batay oo
uu gaaray heer uu mar mar la miyir beelo. Faadumo (A.K.R.) waxay kor u
tiri: Aah, Daranaa xanuunka haya aabahay. Aabihii sharafta iyo darajada
badnaa wuxuu ku yiri: Dhibaato kale ma arkayo aabahaa maanta dabadeed.
Markii uu dhintay bay waxay tiri: Aah, aabbahay! wuxuu maqlay yeeritaanka
Rabbigi; Aah,aabbahay! jannatul Firdoowsa baa waxay noqotay hoyaadkiisa.
Aah, aabbow! Waxaynu u sheegeynaa malag Jabriil geeridaada. Markii qabrga
la dhigayna waxay tiri: Sidee bay naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii
Alle ciid ku rogtaan (macnaha aastaan)?

(Bukhaari)

29. Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon nebiga xoreeyey
iyo saxaabi uu aad u jeclaa rasuulku (S.C.W.) wuxuu yiri Usaamah: gabadh
uu dhalay nebiga (S.C.W.) baa u soo cid dirsatay nabiga wiilkeedii oo
sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Wuxuu u diray nabigu
gabadhiisaas salaan iyo fartiin ah: ÔAlle isagaa leh wixii uu bixiyo oo
gallad ah, isaganaa leh wixii uu qaato. Wax walbaana muddo goÕan bay u
leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto (qadarka Alle) rajeysona naxariista
iyo ajarkiisa? mar labaad bay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaynaysa (oo ku
baryeysa wejiga Alle) inuu u yimaado. Markaa buu kacay oo aaday gurigeeda
isagoo ay wehliyaan Sacad ibn Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal
(A.K.R.)., Ubayya ibn Kacab (A.K.R.), Zayd bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag
kale. Markii uu gaaray halkii ay joogeen, baa wiilkii yaraa loo dhiibay
nebiga (S.C.W.) wuxuuna saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii
gureysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilku, waxay indhahii nabigu (S.C.W.)
bilaabeen inay sii daayaan ilmo. Markaasuu yiri Sacad (A.K.R.): Nebi
Alloow waa maxay waxakani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: ŌWaa
naxariis Alle geliyey quluubta adoomahiisaÓ Werin kalena waxay oraneysay:
(quluubta ciddii uu doono oo adoomahiisa ka mida) Allena wuxuu u
naxariistaa adoomahiisa kuwa naxariista lehÕ).

(Bukhaari iyo Muslim)
--
******************************************************************************
"How can ye reject the faith in Allah ? seeing that ye were without life, and
and he gave you life; Then will He cause you to die, and will again bring you
to life and, again to Him will ye return." - Qur`an 2:28 -

0 new messages