Ha'da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka
Indhaweydba Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne
Huqda wax igu reebaan arkoo, waan henganayaaye
Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci loo geystay
Kuwa hilinka Bari qaadayow, hal iga gaarsiiya
Raggaad hurisay hiidii ma dayn, haatan ka horrow e
Isaaq waxaan la daba heetinaa, heenso godobeed dheh
Anigoo hamuun qaba waxaan, halawda dhawraaba
La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo wadaye
Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saani buu helay dheh
Hurre wuxuu gambiyay hayb dhan, oon hali u soofayn dheh
Togga huran hundaha Ceeriseed, harada Gaaroodi
Haaruun Maxaaddaad halkuu, halab ku beeraayay
Hogga Buduxo hoosada dantiyo, Halable meeshisa
Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harafsan guudkeeda
Hiyigii ku beenow inatay, ugu hawoodeen dheh
Gabagabo kobaan lagu hantiyin, heelka laga waa dheh
Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagaxi Haarweyn dheh
Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heemo saanyaday dheh
Waa tay Berbera haybsadeen, habaqlahoodii dheh
Idinkaa dalkiinii u huray, Habar-Xabuusheed dheh
Hambo raacin mooyee horaad, uga hagaagteen dheh
Garaad Faarax goortay hojeen, haatan ma ahayn dheh
Hanan weyde ceelkii Badweyn, haradi Ceel-dhaabe
Ka huleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynaba e
Nimaan Habar-jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynin
Inuu dhagaxa hoos uga dagaa, haniyan weeyaane
Nimankii Nugaalba hantiyee, hurinta loo waayay
Iyagaan u hawlgelin kuwii, habacsadee qaatay
Maantay halyaygii dileen, Hagar u noolaa dheh
Habwanaagsanow Ina-Camey, halanqihii moosh dheh
Haad iyo waraabaa qabsaday, halabki dheeraa dheh
Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diidayn dheh
Dadku kala hannaan quruxsan oo, haybad kala roone
Haldhaa kacay la moodyow markuu, hab u taxaashaayay
Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siiinaayay
Hanqarikiyo harreedkiyo garkiyo, qalabka heemaalka
Iyo hurin-ka-roonow ninkaa, haybad lagu haystay
Haq waxaan idhaahdaa markay, igu hanqaaraane
Hab hadday martidu soo tiraa, heelka gurigiisa
Hilbo noo qalyaa iyo xumbada, hallab na siiyaaba
Anfacada haddii laga hagbado, huri ogaantiisa
Had iyo jeer fagaaraha marki, la hindisoonaayo
Nin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila e
Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa
Hindisaha ka doodka ah markii, la hanjaboonaayo
Meeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo khoof joogin
Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa
Halaakada Colaadeed markii, la isku hiifaayo
Hayaay iyo Hayaay maalintii, la iskyu haaraamo
Fulay baa habaarane naftii , hibada loo yeelay
Nin xigaalki soo haybiyoo, gacalki hoomaajay
Heensaha gamaan lagu heliyo, hal iyo awrkeeda
Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la'aantiisa
Intaasoo halyaygii lahaa, hadiba maayaane
Anuun baw hilloobaye tokii, uma hadaaqaane
Hamban maayo Reer Faaraxoo, wuu hundhrayaaye
Allaylehe halaag baa ku dhacay, hebelladoodiye
Shirshoorihiyo waa habacsan yahay, Khaalid Habar-waaye
Is hoogaamin mooyee arrini, waa ka hurruddaaye
Haasasahoodaan ka garan, inay hungoobeene
Waa laysku huguguulayaa, haybta guudnimo e
Hilbaa lagu hirtaa maalintay, hadi timaaddaaye
Maxilaan harraad kulul galayn, hoobi dirireede
Caydiid inuu waran la helo, lagu hankaagaaye
Bah Ugaar hilow kuma jiriyo, nimay haleelaane
Hiyigiisu Reer Maxamed waa, geel hawadintiise
Hadhow bay nimaan horor ahayn, Hebel yiraahdaane
Habci maayo oo Ina-si-arag, habar ka liitee e
Halaraacid mooyee si kale, looma haabsado e
Hankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowye
Wuxuu Ina baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane
Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka haayiriye
Allay lehe habkay gobi lahayd, hure wanaagiiye
Illeen hurin dhan lama goobo oo, gabay halkoodiiye
Haadaa qabiil nimaan ahaan, habar wax yeelaynin
Oo hannaddadoodii la jaray, hiil u geli waayay
Ogoobey haween iyo carruur, ma hawo dhaamaane
Hartay uga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaaye
Waxay hilib wadaagaanna waa, higilka Daaroode
Hanti ay qaan uga baxaan, heli ma waayeene
Waxay la hamradeen wayla yaab, hiil Allaa jiro e
Ragse godobti waa haybin jiray, heeray gaartaba e
Haddaad aayihiinii heshaan, haaddu kala weyne
Bahdi nimay heedhaa qabiil, laga hawaystaaye
Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda
Amaan Maxamed lagu haanka jarin, haalif la afeeyay
Heegaduu fadhiyay Muruq-liqe aan, heermi laga yeedhin
Faarax Tuuje aan lala hormarin, gumuc haliilaaya
Amaan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinin
Haddaydnaan ragaas hidin karayn, haad in laga dhowro
Ku hungowde Habar Yoonis aad, hawd ka dayataane
Kuwa suuqa haashaynayiyo, Hebello raad gooba
Halkii kiinna lagu haanka jaray, dhiig ku hagac siiya
Nafta hura iyadoo heedhay bay, hibasho reebtaaye
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la'aantiinna
Halkaa markay arrini marayso, ayaa, sida dad badani qabo, Cali Dhuux uu
ku soo laabtay silsiladda, isagoo, la leeyahy, wuxuu mariyay gabaygaan
soo socda oo dadka qaarkiis aaminsan yihiin inaanu tirin balse loo yiri.
Ama ha lagu masabito, ama ha mariyee, gabaygu wuxuu ahaa:
Gun baan ahay gambo cad baan xirnahay, iyo gar naagoode
Gashaaantida sideedoo kalaan, guur u sugayaaye
Aniga iyo hablaha loo galmoon, waan gudboonnahaye
Jeeraan gamboolka iska rogo, guudka iga saaran.
Ogaadeenka noo soo gabyow, waa gar xaajaduye
Gabaygaas markuu baxay ka bacdi ayaa waxaa la sheegay in 15 nin oo
wareemato ah oo ahaa Muuse Ismaaciil (Habar Yoonis) ay u soo baxeen inay
soo dilaan Xaaji Faarax Balay iyo wiilashiisa oo ahaa Reer Hagar
(Dhulbahante), yaallayna meel labada oodood u dhaxaysa. Ilaahay amarki,
waxa Reer Hagar oo weli la maqan jugtii Xaaji Camey ka war helay in
ciidan ku soo maqan yahay. Waa u diyaargaroobeen, dabadeedna waxay
dileen 10 ka mida shan iyo tobankii.
Isagoo dhacdadaas ka shidaal qaadanaya, ayaa waxaa silsiladda soo galay
Samatar Baxnaan oo Dhulbahante ahaa. Samatar Baxnaan wuxuu yiri:
Xasan iyo anoo sida Siciid, la i xambaaraayo
Iyo haatan xaaddii garkoo, xayga ka caddaatay
Xabbad bay noo ahayd, Reer Xirsi Cismaane
Xashiishka iyo laba Muuse ways, ku xadfanaayeene
Xubin keliya Hagar Aadan baa, iila xoog badane
Intaasay xumaan iyo wanaag, la xarbiyaayeene
Xagna nalama bixin nnimanki ay na xijiyaayeene
Xarakada Carraaliyo Wacays, nama ay xaalayne
Cali Gerina waa na xistiyaa, tan iyo xaataaye
Nimankii xafiiskii Berbera, xawda nagu gooyay
Oo Xaajigii dilay dakaan, kala xabaal joogin
Oo xayda xagarka gashooo, kuna xalaaleeyay
Mar haddii xiniinyaha la jaray, waa xamdi Ilaahe
Inay guuto noo soo xuulaan, waw xirgi la'aane
Xaggoodaan u jeedaye nabsay, ku xarragoodeene
Weerkuba wuxuu xiido-galool, xawda ku hayaaba
Xanuunka iyo gaajada wuxuu, la xabbisnaadaba
Xoolaha wax laga ooto oo, laga xaraystaaba
Markay xayni soo goosato buu, ugu xasuugaaye
Mana xishoodo jeeray ilkuhu, xanaf darreeyaane
Markaasuu calooshii xirnayd, xalus ku yeeshaaye
Anna waxaan la xawdnaa shalay, iga xayuubsheene
Hadba waxaan la xarakaadayaa, waa xogtaan helaye
Waa kaa jirkaygii xirnaa, soo xankaakubaye
Xoonkii shinida duubayaye, xoonbax oranaayay
Aan xababarshiyo awlallada, cidi la xaalaynin
Xawliga durduradaan ka biqi, xeeb inaan tago e
Xaaladdoda niman baa qarsha oy, xani ka raacdaaye
Xuurtiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay.
Halkaa waxaa noogu dhamaaday gabayadii silsilladda guba intii aan ka
helay. Waa kayd dhaxal gal ah, oo kolley u baahnaa in qoraal lagu
kawiro. Mahaddeeduna waxay u noqonaysaa Jaamac Cilmi Kediya oo aysan
la'aantiis ii suuro gasheen inaan soo baahiyo 21kan gabay ee 12ka nin is
dhaafsadeen. Inkastoo hawl badani iga gashay ka qoriddii cajladaha,
sixiddoodii, hubintoodii, iyo garaaciddoodiiba, haddana marnaba lalama
barbar dhigi karo tacabkii uu Jaamac kolley ka soo maray soo
ururintooda. Mar labaad, mahadi ha ka gaarto ururiye, Jaamac Cilmi
Kediye.
Taas macnaheedu ma aha inaan idin leeyahay silsiladdii Guba waa la iba
tiray. Waxaa hubaal ah in meerisyo badani maqan yihiin ama sidii asalka
ahayd ay ka Doorsameen. Waxaan weliba dhaguugayaa in gabayo kaamil ahi
maqan yihiin. Taasina waa dayac ka yimid muddadii afkeenu ku abaaday
qoraal la'aanta. Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa in mar uun Guba iyo
gabaydii kale ee dhaxalgalka ahaaba lagu ebyo qoraal. Ka
gun-gaariddeeduna guud ahaan waa hawl inoo wada taal gaar ahaanna waa
dayn ku maqan ciddii wax ku kordhin kartay balse wahsi ama hagrasho kale
uga ciddijiiday.
Illaahow aqoondarrana ha nagu cadaabin, eexana ha nooga tegin.
Deeq Diiriye
Mudane Dek,
Aad ayaad ugu mahadsan tahay sida sharafta leh ee aad noogu soo bandhiqtay
"Silsiladdii Guba'. Aad ayaan uga helay, miraha iyo taariikhda gabayadaas
ay xambaarsanaayeen.
Waxa aan kuu sheegayaa in aan aad u xiisaynayo 'taariikhda umadda
soomaaliyeed', guba waxa ay ka mid tahay taariikhda umadda soomaaliyeed.
Waxa aan kugu dhiiri gelinayaa in aad baadigoob xooq leh aad biloowdid,
aadna raadisaa gabayada inta ka magan iyo wakhtiyada la kala tiray
gabayadaas 'silsilada ahaa'.
I thank you from the bottom of my heart. I have a great deal of respect
for those of you who devoted their writing to the history of our people in
printing or otherwise. We must bring to light so many stories about our
people, that's, Somali race. We cannot rely the likes of I.M. Lewis
and others and they cannot be our voices; we should go back to the root
that's, where we belong and there is no turning back, and we have learn
enough lessons. Thanks brother Dek, take care and good luck with your
writings.
Nabad
Faisal Hassan.
Waxaan si xushamad leh kaaga mahadinayaa (Allaa mahad lehe) sida hufan ee
aad noogu soo gudbisay gabayadan Guba. Inkastoo dhawr qof ku weydiiyeen
sababta iyo kaalinta uu gabaygani ka gelayo mawduucyada meeshan ka socdo,
hadana waxaa shaki ku jirin in silsiladanu gaar aheenteed mawduuc aan
liicayn u tahay.
Waan wada akhriyey dhammaan 21-kii gabayba. Cajeladan Jaamac Cilmi Kediye
ee laga soo duubay Istuudiyo Foocis (Toocis) ee magaalad Laascaanood,
waxaan u malaynayaa inay tahay mid meel kasta gaadhay. Haseyeeshee waa
markii iigu horreysay een arko qof Guba dhammaanteed soo guuriyey. Taasna
Deeqoow, waa yididiilo fiican oo wakhti iyo tabarna u baahan, waana kaaga
mahad celinayaa.
Fadlan haddaad gabayadan wada haysid ii soo dir, si aan kayd uga dhigto.
Dhawr meelood ayaa sax u yara baahan, laakiin intooda badani waxay
ahaayeen kaamil. Haybe ayaa Suugaan Soomaliyeed oo badan urruriyey, kuna
kaydiya Goobta Waaberi ee Internetka, markaa haddaad u diri karto, u dir
bal si uu ugu daro Suugaantaa kale.
Mar kale, mahadsanid. Wax badan baad tartay Suugaanta Soomaaliyeed.
Nabadeed
--
Hirad
"Laba dibi dinaahyayn ka siman, jeeray dirriraane."
"Intay daafaha kala jiraan wax isma doorshaane."
"Cartanay Cammuud layska qaad ceelkii reer Magane."
"Libtuu Daarood lahaa, maxa dabacayuun siiyey."
"Geeluu Ogaan lehee ninkii goofiyaad tahaye."
"Geeluu habeenka u lahaa looga hadhi waaye."
"Caynaba hadhuub kama dartaan, hogol kalliileede."
"Iska hadhaye Aakhiraba waa lama huraankiiye."
"Leeleesho gaaladu haddanay kugu lamaananin."
"Markaad dabacayuunoow arlada nabad ku daaqsiiyey."
"Dubahaan la dhacay, saw finiin kagama duulduulin."
"Cali dhuux sidaasuu damcay diida hadalkiisa
"Idinkaa dalkiinii u huray Habar-xabuusheed dheh."
"Jeeraan kambada iska rogo guudka iga saaran."
"Ogaadeenka noo soo gabyoow, waa gar xaajaduye."
"Xuurtiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayay."
"Deeqii Diriyihii, noo soow dalliiloow duco Alle ha kaa siiyo."