Arder baan ahayoo,
ardey baan ahayoo,
ubaxii waddankaan ahayoo
waxaan u ordayaa ordayaa
dugsiyada u aadaa
inaan aabo iyo hooyo
abaalkoodii gudee
dadaalkii la imiyee
allahayow i gargaar
ilaahayow i gargaar.
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado abwaankii tiriyey.
Jama.
--
PS. Wali ma booqatay http://www.dm.unipi.it/~jama/alif ?
---------------------------------------------------------
Jama.
http://www.dm.unipi.it/~jama
Arday baan ahayoo
Ubuxii waddankaan ahayoo
Waxaan u ordayaa
Dugsiyada u aadaa
Inaan aqoon kororsadoo
Dalkayga anfacee
Dadaalkii la imide
Allahayow ii gargaar
Ilaahayow ii gargaar
Aw Mayow waad sallaaman tahay. Waxaan kaloo kuu sii sheegi lahaa in
heestan uu sameeyey abwaan Aadan "Askari" waana ninka sameeyey
riwaayadihii Waraf iyo Shimbiro..., Wed iyo Wacad, Aw Bustaale, iyo qaar
kale oo badan. Waxaana heestan Arday baan ahay idaacadda RM ka qabtay
fannaan haatan Toronto deggan oo la yiraahdo Cabdi Xasan Dige.
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
Ps. Good luck with all that running :-)
--
"Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxa ay ku xiran yihiin nabad...
... 'Nabadi baryo ma leh ee baqay leedahay'... (Maahmaah?) ...
Waxaan jecelahay in aan kuugu daro heestaan wixii aan ka aqaanno.
Arday baan ahayoo ubixii waddankaan ahayoo
waxaan u ordayaa u ordayaa iskuulada u adaa
in aan aqoon bartoo dalkeyga anfacee
dadaalkii la imidee Allahayow ii gargaar aamiin
Heestan ma dhameystirna. Tan kale ma ogi in beydkan uu yahay kii
koobaad ama labaad. Laakiin taburu weyga intaas, hagaruna weyga wallaahi.
M.Amir.
Jaamcow.
aad baad ugu mahad san tahay warcelintaada..heestan waa doonaya
maalmahan oo dhan.
>Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado abwaankii tiriyey.
su'aal wanaagsan.! waan soo raadin doona.
>--
>PS. Wali ma booqatay http://www.dm.unipi.it/~jama/alif ?
ayamaham maan booqanin, waxaa igu dambeysey waqti hore. bal dib baan
ugu noqon doona.
PS: CoMiN SoOn : Ow Maye In GaalKacyo..!.!..CoMiCs.
Ow Maye.
Cabdulaahiyow,
aad baad ugu mahad san tahay war celintaadi. Iskadhaafe in aad
xasuusato heestii waxaad xasuussatey mu'alfikii heesta. Saciid Suugan
baan weydiyey ninkii/ naagtii heestan sameeyey, Markasuu yiri Waar
Garan meyneyo Wagaasi waxaan bigees ku iibin jirey Suuqii
YOOBSAN..hahahahahahahahah.
Mahadsanid mar kale.
Ow Maye.
>Waxaan jecelahay in aan kuugu daro heestaan wixii aan ka aqaanno.
Amirow.
waad mahad san tahay anigaa baa aad iyo aad ka darnaa o xasuustey hal
leen keliya xasuustey.
Ow Maye.
Aw Maye, Jama, Cabdullahi, and others:
There is a great wisdom in this thread. I was personally moved when the
hees was completed by Mudane Cabdullahi. At least, it reminded me that
the **ONLY** reason I, or for that matter any other Somali, was running
all those marathons is to give back something to our people. And
so, please allow me to sing with you guys,
Waxaan u ordayaa ordayaa
Dugsiyada u aadaa
....
Dadaalkii la imideeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee
Allahayow ii gaargaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaar
Aaaaaaaaaaaaaamin Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamin.
Thanks guys.
Regards,
Udub.
dhamaystirka Heesata
Arday baan ahayoo Arday baan ahayoo
Ubaxii wadankaan ahayoo
Waxaan u ordayaa ordayaa
Dugsiyada u aadaa
Inaan aqoon kororsadoo dhulkayga anfacee
Dadaalkii la imide alahayoow ii gar gaar Aamiin
Ilaahayoow ii gar gaar Aamiin
waxaa ku luuqeeyo fanaanka Cabdi Xassan Dige
Mahad
: Cabdulaahiyow,
: Mahadsanid mar kale.
Aw Mayow,
Adigaa mudan; waxaanse kuu sheegi lahaa in saaxiibkaa Siciid Suugaan,
haddii gabooyihiisa (HD) la baaro laga soo helaayo diiwaankii rasmiga ahaa
ee heesaha iyo maanso oo idil intii ugu muhiimsanayd.
Haddaba Siciidow, boowe haddaad meelahakankada ka dhowdahay, waxaan ku
waydiiyey weedhan in lagu tilmaami karo maahmaah cusub: "Nabadi baryo ma
leh ee baqay leedahay". Waxaan ku falaadayey gal-sixiixayga markay igu soo
dhacday, waxaanan filayaa in ay astaamaheedii leedahay. Bilaa calayk ha
oran "Garan mahayo aan!" :-) Waa maxay farqiga u dhexeeya Murti iyo
Maahmaah?
Nabaadiino,
Cabdullaahi Abuukar.
--
o "Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxay ku xiran yihiin nabad...
/\_ _/ ... Nabadi baryo ma leh ee baqay leedahay ...
\ `-|_| (Maahmaah cusub?)
/ /\ AA
>Arday baan ahayoo Arday baan ahayoo
>Ubaxii wadankaan ahayoo
>Waxaan u ordayaa ordayaa
>
Well done !!
Tana bal isku day haddaad xusuusato.
Waxaan ahay waadiga dugsiyada, .....
Waagii baryaba ubax laga waraabshoo ...
....................
Hamid