DHOODIMEER wrote:
> >Subject: SIDEYNU KU TIRTIRNAA MAGACA MIDGAAN
> >From: "Elmoghe" <Elm...@hotmail.com>
> >Date: 3/14/99 12:24 PM Pacific Standard Time
>
> Assalaamu Calaykum.
>
> Jawaabta su'aashu waxay tahay marka dadka magacyadan isticmaala ogaadaan in
> Binu-Aadamku siman yihiin Ilaahay hortiissa oo qofna uusan qofka kale ka
> fiicnayn
Easier said than done!
JB
[In uriidu ila-al islah ma astada'atu.Wamaa tawfiiqii ilaa bilaah]
Ahmed Yassin
>
Elmoghe <Elm...@hotmail.com> wrote in article
<6ZUG2.534$2G6...@c01read02.service.talkway.com>...
mudane Cillmooge:
aad iyo aad baan ugu mahadsan tahay fikradaa macquulka ah ee aad golaha soo
bandhigtey. waxaana anigu u bogey sida aad shaqada ugu isticmaashey in lagu
tirtiro ( midaan cali iyo tumaal ahmed).
waa fikrad macquul ila ah aniga.
by jj zoom
Waan kugu raacsanahay 100%, waa inaynu rititrnaa magacaa
>
>
-----------== Posted via Deja News, The Discussion Network ==----------
http://www.dejanews.com/ Search, Read, Discuss, or Start Your Own
Walaal Amaina Waxaad soo jeedisay hadal aad u wanaagsan oo looga hortagi
karo ficiladaa xun xun, aniga waxay ilatahay sida ugu wanaagsan oo arintaa
lagu baabin karo iney tahay is dhexgalka dadka sida guurka oo kale,marka
waxaa fiican in dadkaas laga guursado. Sidaad ogtihiin dadku haduu sifiican
isu dhexgalo waxaasi waa dhamanayaan, waxaana maanta loo yaqaan (Midgaan)
qofkii Allaah xarigiisa gooyey sida Taariku salaadka oo kale, ugu danbeyn
waxaan Aminay kugula talinayaa hadaad aintaa rabtid inaad biloowdid ama
ka qab qaadatid , hadaad tahay gabar waa inaad guursataa Wiil dadkaas ah
hadii kale waxaan sheegeyno waa waqti lumis.
Your brothe in Islam
Nuur
> qofwalba haduu iska hadlo waa yaab walaal
> sidee baan u tirtirnaa magaca qabiilkaaga
> bal adigu iska jawaab su aashaas alena kacabso ha uun iska hadlinee
>
Ninkaan magaca kaliya hala tirtiro kama wadyo. Wuxuu ka wadaa sideen u
joojinaa midabtaoorka lagu haayo dakaas. Runtii waa arin u baahan in
laga wada hadlo. Cidina ma soo jeedin in qabiil la tirtiro. Taasi
suuragal ma aha, waxaase suuragal ah in sida loola dhaqmo umadaas wax
laga bedelo oo loo arko walaalo jira oo run ah. Wax fikrad ah sidii taa
loo gaari lahaa????
soo bari-
cisman-
Ardaaga QabiilDiid cidmaaha miyaa? Waxa aad si duqon-ma-garata ah u
taabaneysaa dhimaatada Afrika oo dhan ka taagan oo ah in la yaso dadka aad u
mallaynneso in ay tiro yaryihiin; wax weyn baa qabsoomi lahaa haddiii
dadka afkaartooda si miisaaman loo soo wada dhaweeyo. Waa sannadkii 4aad
iyo in ka badan 600 oo qoraal oo aan halkan ku qorney, dad badanna si cad
iyo si qarsoon labadaba ay nagu taageereen in la baabi'iyo hanaanka
qabiil khuraafeed ee ka taagan Soomaaliaya; qofka aaminsan in aan la
tirtiri karinna, waa qof niyad jabkiiso uusan meel dheer jirin; wuxuunna
kula tallin lahaa dhakhaatiirta naftuuda u hurtey in ay dawo u helaan
cudurka kansarka in ay joojiyaan cilmi baaristooda maxaa yeellan dabiib u
ma helayaan in ay dabargooyaan cudurkaa isaga ah!
Maalin horana waxa aad meesh ku kutilmaamtay in ay sharaf lee dahay maaxaa
yeelay magaca Soomaaliyeed bay xanbaarsan tahay, ayse waxmatarayaal ay
qasayaan. Marka, marka magaca Soomaaliyeed uu ku hor yimaado, miyey
xamaasad Soomaalinimo ku gashaa, qabiilka khuraafiga ah marka aad
xasuusatidna ma jiritaankiisa baad sii aamintaa? Annaku waxa aan ku
leenahay: dab iyo dhagax layskuma dhuftee, kala dhowraay!
Ardaaga QabiilDiid...
> soo bari-
> cisman-
>
>
--
|Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|
| QabiilDiid: July'96 |