> LET US WRITE TO EACH OTHER IN SOMALI LANGUAGE.
> WACAN OO WANAAGSAN
> Inkastoo aan darkan mudo badan dacaladiisa ku gaafwareegaayey,hadana waa
>hormadii labaad oo aan yeelka soo dul gawdiidsado.Toobiyahan halaq
Dear Said
Not all Somalis were educated and grew up in Somalia to read and write in
Somali language.Afterall, you will be denying some of your readers the
opportunity to learn from others.I cannot read and write in Somali, and yet
my Somaliness is unquestionable.Please lets continue writing in English
which is a universal language of most people
today.
Secondly, My contributions and those in my situation will be
limited and even reduced totally.Thanks.NABADGELYO.A.H.Abdullahi.
WACAN OO WANAAGSAN
Inkastoo aan darkan mudo badan dacaladiisa ku gaafwareegaayey,hadana waa
hormadii labaad oo aan yeelka soo dul gawdiidsado.Toobiyahan halaq
mareenka ah waxaan idiinku soo warfin doonaa maanso aan curiyey bishan
siddeed iyo tobankeedii.Maansadan waxaan ka akhriyey kulan ay isku soo
duba rideen Somali York Student Club oo ah urur ka wakiil ah ardayda
wax ku barata Jaamacada York.Kulankaa oo lagu dhiiri gelinaayey
barbaarta soomaaliyeed oo waxa ku barata dugsiyada sare ee dalkan in
ay gartaan qiimaha aqoontu leedahay.
Akhristihii wax weydiin ah ay ku dhalisaa ama wax dhaliil iyo sixida
ku soo dhacdaa waa i soo weydiin karaa isagoo iigu soo warfin doona
hoggayga dusha ku qoran.
Maansaduna sidan ayey u bilaabatay:
Huguntooy adduunyooy
Hankakaabsi badaney
Marna heetin mayside
Ninka aan hashliyo orod
Heegan kuugu noqonayn
ku haaneedi garanayn
Tabta aad u hogatee
Hadhuubka iyo gaawaha
Mar walbaba u harqisaa
Hannaankeeda aan garan
Kaa habaaran weligaa
Haadkaaa ku degayoo
koluu ciida hoos galo
Hibo way ka duushoo
Sharaf waa ka haadee
Habeenaa dulsaaranoo
Hiyiwaale aan jirin
Humaag baaba'aayuu
Halhaleel is leeyahay
Haadaan sokeysuu
Marwalbaba ku hoobtaa
Halaaguna ka raacaa
Habis uu ka fuulaa
Hilimada badbaadada
Hufnaantiyo tixgelintaleh
Horukaca ku mudan la'aa
Asaagii hor dhigi la'aa
Haqabeel aqooniyo
Cilmi lagu harqado qudha
Baa lagu hogeeyoo
Docda kii u heermow
Haws ku noole baad noqon
Suga huubka daadtiyo
Hadhaa aan la doonayn
hanbadii la wada nacay
Jahli kii ku hoos jira
Haddii uu aqoon helo
Jare laguma hiigeen
Hadalkuu yidhaahdaa
Hadaaq lagama yeelaan
Sida hooska cararaya
Hareeraha ma aadeen
Sida hebedka aan didin
heeryo lamaba saareeen
Dhabarkiisa hilayiyo
Hilif kuma xidhnaadeen
Xaabo laguma hinjiyeen
Banaan higil dhexyaaloo
Nin waliba harraatiyo
Jaantiisa hoosiyo
Cagta kuma uu hiifeen
Hardaf laguma jiidheen
Hafin boodha ma liqeen
Neefkii halaababa
Dhan walbaa halgaadoo
Sidii hooto teed ganan
kuma ay hadheeyeen
Hakan waana ma noqdeen
Hadhka geedku diidee
Duniddana harreefiyo
Hiirtanyo loo dhigay
Oon la hanfarriirkana
Haraduu yimaadaa
Markuu qoorta u hanqiyo
biyuu hoos ma aadeen
hungow kama uu raaceen
Hoobaanta faaftiyo
Dooga heel walbaba yaal
Himirkiyo hontorihiyo
Hohobkaa dhugcee wadhan
Tigaadaa arlada huwan
Mar walbuu hamaansadoo
Afka kula haggaagaa
holac olalayee daran
hoodh kama qubeenoo
Wejigaba ma huriyeen
Highig lama noqdeenoo
WEY!Wey lama hadaafeen
Goobtuu hurdiyo gama'
Isu soo habeeyaa
Hurda uu bidaa kasta
Hanfi kama kaceenoo
Hasad kuma dabooleen
Folkaan soo hinganyiyo
Laafa kuma ay hoosheen
Adigoo hawaawiyey
Adigoo halaagmee
Halasada dhexjiifoo
Hijin waayey ruuxoo
Naftu kaa hiqleedahay
Hilib cunka shabeelkiyo
Dhurwaa heetinaayiyo
Dawac soo hamhami'iyo
Aar soo hunbaalayn
Dhidar soo huteecayn
Hayb kastoo so barataa
Kuuma soo haliileen
Ilkaa may hilaacsheen
Kuuma soo hogteenoo
kumay kalaba hiigeen
Halaq iyo mas ma fogee
Waabayo halisaba
Haniyaa wadnaa haba
Ugumaysan handadeen
Hilib meel ku yaacaya
Haaduna ma seegtee
Hurin hurin u soo dege
TALAA SOO HAGOOGATEY
HOGGAA WAAN XIDHAAYAA
IRMAAN BAAN HABYNOO
BADBAADADA HUGEEDAAN
KUU SOO HUFAAYAA
Waxa hiil ku tari kara
Haybadaada noolayn
Hanti ugu saraysoo
Hodon kaa dhigaayoo
La koraa hamigiyoo
Haayir aanu dhici karin
Boob kii hawaystee
Hubka daran u soo gurta
Huga iyo maryaha dhaca
Hoygaaga qabsadaa
Waxa aanu heli karin
Ee kuu hadhaayoo
Ku haasaawin doonoo
Hogol kuu da'aysa ah
Malab kugu habaayoo
Harraad kaa tiraayoo
Wehel hooyo kuu noqon
WAA AQOONTA EE HANO
Sidii horeba loo yidhi
Hubatidii aqoon waa
Iftiin lagu hagaagoo
Mugdigay hoggaaniyo
Sahan kuu hormara noqan
Toobiyaha halaasiga
Hage kuugu noqonoo
Kuu haawinaysaa
Kii aqoonta haystaa
U hayaama arladoo
Ku ciyaara hawadoo
Meerayaasha haybhayb
Hebelheblna ula baxay
Kasmaa haybadaa lehe
Geedigu habaw ma leh
Hirar kaba shishayey
Heeryadii u saareen
HAAKA!bay yidhaahdeen
AQOON baana lagu helay
Hadda hoy adduunyadu
Waa hayaamo dhaadheer
Hoyaatina ma uu dhawa
Hore sidiina loo yidhi
Nin dameer hogaansay
Haybttisu sheeganoo
ka hadh hoy asaagii
EE AQOONTA U HUB GURTA
Waxay maansadu sawiraysaa aqoon laawaha dhibka haysata iyo wuxuu kaga
bixi karo.
AFEEF:LAGA YAABEE IN XARFAHA QAARKOOD HIGGAADOODA MARROOR GALO
GARRAACIDA AWGEED,SIDAA DARTEED SAXO ADIGU SIDA QUMANI MARKAY KUU
DHABAWDO.
NABADGELYO SICIID MAXAMUUD MAXAMED SHIRE (suugaan)