Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Halxiraale

1,430 views
Skip to first unread message

Abdullahi Abukar

unread,
Feb 28, 1998, 3:00:00 AM2/28/98
to

Waad salaaman tihiin dhammaan,

Xujadan marar badan bay igu soo noqnoqotay, mar kastana sidii ay igu
cusub tahay ayay i wareerisaa. Waxaan rajaynayaa in aydan hore ula
kulmin. Waana tan...

Seddex nin ayaa yimid hoteel si ay qol uga kiraystaan. Maamulihii hoteelka
ayaa ku yiri waa $ 30.00, sidaa aawadeed midkiiba waxa uu bixiyey $ 10.00.
Nimankii markay qolkoodii aadeen ayuu maamulihii xusuustay in kirada qolku
ahayd $ 25.00. Adeegihii hoteelka ayuu ugu dhiibay $ 5.00 si uu ugu
cesho. Adeegihii $ 2.00 ayuu jeebka iska gashtay, raggiina wuxuu u ceshay
$ 3.00. Wuxuu u sheegay in kirada qolku ahayd $ 27.00. Nin walbana $ 1.00
ayuu la noqday. Haddaba sidaasi midkiiba waxa ka baxday $ 9.00 (9x3=27).
Waxaad ku dartaa $ 2.00 uu adeegihii qaatay 27+2 = 29. Halkee ka baxay
doollarkii haray?

Nabaadiino,

Cabdullaahi Abuukar
--

Burhan Jama

unread,
Feb 28, 1998, 3:00:00 AM2/28/98
to

In article <Ep2yw8.Kn...@torfree.net>,

Aaad iyo aad baad u mahadsantahay Cabdullaahi. Wakhti aad u badan ayaan
isku dayey in aan soo xasuusto halxiraalahaan oo aan waa hore maqli jiray
si aan carruurteyda uugu xiro. Waan ka quustay.

Waad mahadsantahay mar 2aad.

Burhan

A. Osman

unread,
Feb 28, 1998, 3:00:00 AM2/28/98
to

C/Laahi, waa su'aal "tricky" ah. Nimanka lacagta kabaxday waxaa kamida
tan ninka shaqaalaha uu laharay, mana aha in la isku daro, (lama oran
karo ((9*3)+2). Waxaa nimanka ka baxay 25.00 kirada hoteelka iyo 2.00
ninka shaqaalha ah, 3.00 na waa usoo noqotay. (25.00 + 2.00 + 3.00 =
30.00)

faafaahin:
1- Ninkiiba wuxuu bixiyey 10.00 = 30.00

2a- Ninka hoteelka leh wuxuu qatay 25.00
2b- Ninka shaqaalaha wuxuu qaatay 2.00
2c- Ninkiiba waxaa usoo noqotay 1.00 (1.00*3)=3.00
2d- total= 25.00+2.00+3.00=30.00

3- ninkii waxaa kabaxday 9.00 00 kala ah
kiro: 25/3=8.33 iyo shaqaale: 9.00-8.33 = 0.67

shaqaaluhu wuxuu qaatay 0.67X3 = 2.00

Kabaxay,
Abdirahman.

Abdinasser Ali

unread,
Mar 1, 1998, 3:00:00 AM3/1/98
to

Hadaan isku dayo inaan ka jawaabo :
Nimanku haday bixiyeen 25.00 ,saddex doolarna waxaa u soo
celiyey adeegihii waxayna isku noqotay 28.00,marka la isku daro
waxay noqotay ,2.00 waxaa reebtay adeegihii marka
28.00 +2.00 = 30.00, sidaasaana doolar u maqnayn.

BY.

A.Ali

Abdullahi Abukar <cc...@torfree.net> wrote in article
<Ep2yw8.Kn...@torfree.net>...

Abdullahi Abukar

unread,
Mar 1, 1998, 3:00:00 AM3/1/98
to

Waa ku mahadsan yihiin Abdinasser Ali <am...@sprint.ca>, iyo
"A. Osman" <aos...@kendid.com> jawaabihii saxa ahaa ee ay soo gudbiyeen.

Sida aad fahamteen, xujadani khiddad yar baa ku jirtay. Haddii aad qaabkan
ay u qoran tahay raacdo waa mid ku habaabinaysa, maxaa yeelay xisaab ahaan
iskudhufashada iyo isugaynta mar ma wada samayn kartid. Laba siyaabood oo
looga jawaabi karo ayaa ah

Seddex nin waxay haystaan = $3
Adeeguhu wuxuu haystaa = $ 2
Maamuluhu wuxuu haystaa = $ 25
Isugayntoodu waa = $ 30

Si kalena waa loo xallin karaa

Seddexda nin waxay bixiyeen = $ 27
Adeegihii waxaa ku baxday = - $2 (-2 maaddaama uu qaatay)
Maamuluhu wuxuu bixiyey = $ 5
Iskudarku waa = $ 30.

Dadka ay jajabka la gashay jawaab saxa ma helayaan, waayo waxa ku saa'id
ama naaqus noqonaya beniyaal. Haddaba maaddaama tani ay jilicsanayd, waxan
isugu iman doonaa mid kale. Sidoo kalena haddaad qaar kuwan la mid ah nala
qaybsan karto, fadlan soo gudbi, xitaa email iigu soo dir.

Waa mahadsan tihiin.

Cabdullaahi Abuukar

--

Mahad M. Abdi

unread,
Mar 1, 1998, 3:00:00 AM3/1/98
to

Dollarka soo haray wuxuu ku dhexjiraa lacagta $25.00 ka ah
waana in aad sadexda nin u qaybisaa 25.00 kadibna aad ku dartaa lacagta
kale
ee ah labada dollar ee uu ninku la haray iyo sadexda dollar ee iyaga usoo
noqotay
midaas oo kusiinayso total =$30.00

hadii aad tiraahdo ninkiiba waxaa ka baxday $9.00 aadna ku darto $27.00+2
waxaa wali kaasii maqnaanaayo dollar kii

waana sida uu sheegay Abdirahman


Mahad

C/Laahi, waa su'aal "tricky" ah. Nimanka lacagta kabaxday waxaa kamida
tan ninka shaqaalaha uu laharay, mana aha in la isku daro, (lama oran
karo ((9*3)+2). Waxaa nimanka ka baxay 25.00 kirada hoteelka iyo 2.00
ninka shaqaalha ah, 3.00 na waa usoo noqotay. (25.00 + 2.00 + 3.00 =
30.00)

faafaahin:
1- Ninkiiba wuxuu bixiyey 10.00 = 30.00

2a- Ninka hoteelka leh wuxuu qatay 25.00
2b- Ninka shaqaalaha wuxuu qaatay 2.00
2c- Ninkiiba waxaa usoo noqotay 1.00 (1.00*3)=3.00
2d- total= 25.00+2.00+3.00=30.00

3- ninkii waxaa kabaxday 9.00 00 kala ah
kiro: 25/3=8.33 iyo shaqaale: 9.00-8.33 = 0.67

shaqaaluhu wuxuu qaatay 0.67X3 = 2.00

Kabaxay,
Abdirahman.

jaam...@gmail.com

unread,
Jun 15, 2014, 3:40:31 PM6/15/14
to
0 new messages