Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

ILLA TALI WALAAL (2)

90 views
Skip to first unread message

MUSTAFE JAMA

unread,
Sep 23, 1996, 3:00:00 AM9/23/96
to

.........................Hadan waa i kan !!
Hal xidhaale:

Hadii aad sawir qaado
Sacsacna aad ku darto
Saleelina aad ku walaaqdo
Sunbana aad ku safayso
Maxay soo baxayaan
Car bal sheeg wadartooda ???


Ma'ogtahay Akhristoow:
In ruuxa aqoonta uu korodh sadaa ay toos-toosiso xiitaa hadii uu u
dhashay maraanimo.

Hadaba Ma'ogtahay;
In Soomaalida aqoonta ay korodh sadaan uga darto ! islamarkaana geeso u
yeesho. Dabadeedna uu la yimaado waxaan loo fadhiyin.


Ma'ogtahay Akhristoow:
In uu nin Soomaaliya oo caruus ahaa feedh ku daandaanshay dhalinyaro
caruuskiisii ka soo qayb gashay gaar ahaan ragii.

Ma'ogtahay Akhristoow;
Taasi in ay dhacday gebagebadii Arooska. Kadib markii ay dadkii kayuu u
soo galeen sidii ay macasalaamayn lahaayeen Arooska.

Ma'ogtahay Akhristoow;
In uu ninkaasi arooska ahaa aad uga xanaaqay kadib markii uu arkay
dhalinyaradii (ragii) oo kayuu mid (kaadhiinkii sonkorta laga qaadan
jirey Soomaaliya ) ka dheer u soo galay si ay u dhunkadaan Caruusdda ama
aroosadii...Dabadeena uu maankiisa is yidhi marka intaas oo nin
(more than 20) gabadha dhunkadaan ama shumiyaan maxaa ku hadhay !!

Ma'ogtahay Akhristoow:
In markii wax laga su'aalay sababata uu ragga Ilkaa uga qubay..wuxu ku
jawaabay waxay wadaan waa waxa aan hidiyo dhaqanka Soomaaliyeed hore
loogu arag.... Islayaab isla diid...Sina waan ulla yaabay sina waan
ugu garaabay.


Ma'ogtahay Akhristoow:
Gabadha guursata nin ka weyni inay ka nasiib badantahay ta guursata nin
ka yar. Marka laga saadaaliyo xagga is afgaradka labad dhexdooda.
In your moto, it goes like this, 'Women marrying men six years older had
the best chance of avoiding divorce.

Ma'ogtahay Akhristoow:
In ay Soomaalidu ku heesto :: Liin iyo caano waa la kala leex leexiyaa:

Ma'ogtahayse :
In uu nin Hindiyi dhawaan Liin iyo caan 'biyo' goga isku geliyey kadina
uu ka soo saaray ama ka sameeyey Baatrool (petrol)... Taasi waxay welwel
iyo werwer weyn ku abuurtay dhamaan dalalka iyagu soo saara Baatroorka.

Ma'ogtahay Akhristoow:
In ninkaasi looga cabsi qabo in uu Sucuudigu qafaasho.

Ugu danbayn Ma'ogtahay:
In uu ninkii Michele jackson Mr 'amuuraale' oo naabigii caruurta xidhani
dhawaan 25 milyan ka qaatay xaflad lagu xusaayey 50 guuradii boqorka
dalkaasi Boronial kaas oo Muslimna sheegta.

Ma'ogtahay QabiilDiidoow:
Horta nin fiican baad tahay, marka la eego heeraabta aad ka taagan
tahay qabyaalada.
laakiin ma'ogtahay Saaxiibkayoow:
Qabyaalad diid iyo Qabiil diid in uu faraq weyni u dhaxeeyo.
Sida aanay farta yaryar iyo tan WAAWEYNI aanay iskugu midka ahayn ayaanay
iyana isku shaqo ahayn. Waa siday anaga nalla tahay.


Nabad-gelyo.
......
M.Jama


Wacays

unread,
Sep 23, 1996, 3:00:00 AM9/23/96
to

MUSTAFE JAMA <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote in article
<5259fq$g...@harbinger.cc.monash.edu.au>...

Dear Mustafe;

Oo qeybtii hore ayaaba nagu filneyde, qeybtan labaadi iyana halkee bay u
socotaa....
haddii aanu infomercial ku jirin... Tolow farriinta maldahani maxay noqon.
U kaadi?.. oo maxaaba iga galay, maan aayar oo gibina dhex-dhex boodo.
Sadarka koowaad inta aan ku horeeyo ilaa intay wixii jiraaba cakaaraha u
soo baxaan... bal soo dhowra.


MUSTAFE JAMA <MSJ...@student.monash.edu.au> wrote in article
<5259fq$g...@harbinger.cc.monash.edu.au>...


> .........................Hadan waa i kan !!
> Hal xidhaale:
>
> Hadii aad sawir qaado
> Sacsacna aad ku darto
> Saleelina aad ku walaaqdo
> Sunbana aad ku safayso
> Maxay soo baxayaan
> Car bal sheeg wadartooda ???

Waa filim shactiro ah amase waa science fiction aad loo naasha-naasheeyey.
Waxay kaloo noqon kartaa halabuur buug fiction ah qoray oo sifeytiisu ama
tusaaleyntiisuba sidii wax run ah u ekaato, sida masawirku ruuxa dhabta ah
ugu eg yahay. wadartooduna waa multimedia CD-ROM.



> Ma'ogtahay Akhristoow:
> In ruuxa aqoonta uu korodh sadaa ay toos-toosiso xiitaa hadii uu u
> dhashay maraanimo.

Aqoon kastaayi, dadnimo, karti badni, dabeecad wanaag, beer nuglaan midna
ma kordhiso. Aqoona waa midda aad nafsaddaada wax ugu qasan karto,
dadkaadana wax ugu qaban karto. Maraanse hadduu gartayba aqoon kororso,
iyama ayaa ka cudgoon? malaha maraanka laftigiisaba su'aal ayaaba ka
taagan. Reer galbeedka iyo dadka dabeecadoodu raacdayba waxay maraan u
yaqaaniin Reer bariga iyo inta dabeecadoodu raacday reer bariga,,, iimhii,
ehei'e, oo yaanan sheegato aheyn hadaba? sheeg, sheeg , sheeg.



> Hadaba Ma'ogtahay;
> In Soomaalida aqoonta ay korodh sadaan uga darto ! islamarkaana geeso u
> yeesho. Dabadeedna uu la yimaado waxaan loo fadhiyin.

Tani waxay u dhacaysaa inankii dibadda "cilmi" ku soo bartay, ee Hooyadii
iyo Aabihii isugu yeeray in uu meher celis ugu rogaal celiyo. maadaama
Jacayl isla-bixid (baf iyo balli doogle valentino) aanay sharci ahayn,
isaguna cadaystay wecilnimo in lagu dhalay, Sow waxaan loo fadhiyin maaha?
just one case among the malyaans of such... The same happens from the west
too.

> Ma'ogtahay Akhristoow:
> In uu nin Soomaaliya oo caruus ahaa feedh ku daandaanshay dhalinyaro
> caruuskiisii ka soo qayb gashay gaar ahaan ragii.

Malaha rag quraato ayaa meeshaba joogey!!
Haaheey haddan gartay, arintan waa lagu yaqaan aroosyada kala qo-qobka, saa
haween ma joogaan ay ragu ama caruusku ka xishoonayaan.(Ragu aad bay isugu
yax-yaxaan markay haween ishoodu qabanayso, waxyaabaha qaarkoodna kumaba
kacaan, protokool ayay ku toosaan, very disciplined) Masawir ama cajalad
vidio laga duubayo ma jiraan. Ninka caruusku simuusan wax u leyn, hadiiba
arintuba ceynkaa u maldahan tahay.. wax caddayn oo ah hardcopy oo nimankaa
dillani maxkamad kula tagaan ma lehon NOOH! Maxaa la is kula haraaba.

> Ma'ogtahay Akhristoow;
> Taasi in ay dhacday gebagebadii Arooska. Kadib markii ay dadkii kayuu u
> soo galeen sidii ay macasalaamayn lahaayeen Arooska.

Weli ma arag aroosyadan ceynkan ah (qoqob) oo is macasalaameynaya, kuwii
laga soo guuriyay waa in laga soo xaqiijiyaa waxa maca-salaamada u diiday
iyo in gebiba loo baahneyn. Someone did not provide all the wedding
particulars when it is undertaken on their way. Nor was the marton of honor
invited to help things out.

> Ma'ogtahay Akhristoow;
> In uu ninkaasi arooska ahaa aad uga xanaaqay kadib markii uu arkay
> dhalinyaradii (ragii) oo kayuu mid (kaadhiinkii sonkorta laga qaadan
> jirey Soomaaliya ) ka dheer u soo galay si ay u dhunkadaan Caruusdda ama
> aroosadii...Dabadeena uu maankiisa is yidhi marka intaas oo nin
> (more than 20) gabadha dhunkadaan ama shumiyaan maxaa ku hadhay !!

Ma caruusadda gurigeeday ugu tageen, waa yaabe, arintanu siday ku dhacday
ma cadda. Waxaanse loola yaabeyn, sidaan horey u sheegayba, waa rag
carabaha muddo dumar bidhaantood ka abaaday, oo caruusadda oo qura ku
bururay, tolow, ma albaabkay us oo jabsadeen, daaqadda... Nin aan wax arkin
baa ku oranaya wax baan arkay, yaab lee ahaa.

> Ma'ogtahay Akhristoow:
> In markii wax laga su'aalay sababata uu ragga Ilkaa uga qubay..wuxu ku
> jawaabay waxay wadaan waa waxa aan hidiyo dhaqanka Soomaaliyeed hore
> loogu arag.... Islayaab isla diid...Sina waan ulla yaabay sina waan
> ugu garaabay.

Run buu ku sheegay, Horaanse waa tii loo yiri: wax aadan aqoonin way ku
dilaan.


> Ma'ogtahay Akhristoow:
> Gabadha guursata nin ka weyni inay ka nasiib badantahay ta guursata nin
> ka yar. Marka laga saadaaliyo xagga is afgaradka labad dhexdooda.
> In your moto, it goes like this, 'Women marrying men six years older had
> the best chance of avoiding divorce.

Furriin sow tan laga baxayba, baska dambe! waxay sheekadu maraysaa
"separate, saparato" oo ah kala gooni, so appealing, so wicket, in such, it
combines all the freedom of divorced and it has all the convenience of
married. Knowing this equanimity, one throws divorce heartattacks out of
the window. Ask any family counselor; they praise this idea of gradual,
mediated approach to the monster divorce. meel laga il la' yahay..... so
the word gets around quickly and the new word is "Temporary Divorce", live
with it or leave this place at onece. Whatever happened to the Automatic:
There goes,...1,,,2,,3 in your face, ka gabo. this matter is also a totally
"separate post"......

-- Reporting from "Dixon VV" the Vertical
Village

> Ma'ogtahay Akhristoow:
> In ay Soomaalidu ku heesto :: Liin iyo caano waa la kala leex leexiyaa:

Iqwaan tanna waa lagula fahmi. Hal dhagax aad laba shimbirtoo in oo ku
toogatid, ma anfacayso. Mid waa heesta ii cayaaraha niikada ma fiicna.
Midda kalena waa, hadiiba ooba la heesaayo, axsan geel ma ahaatoo?
Sheekadaada waa: Geel ii goroyo u hees kor waaye, liimo dhannaan cusbo lagu
daarsadayna hoos waaye. Saaxiiboow waa laguu fahmay, dhagaxaagii labadii
shimbirood midna ma ku dhicin, shimbiraan dadaa iska leh oo
ilaalayshto..... Shimeen joognaa, waxaan camaleyto in soconeen kiyaara
waaye, ma is noojinaa lee. tarziini kakan aa... BTW, waad ku mahadsan tahay
heesta Leela ah:

Leelaa, leelo yaa leelaa
Meel libaax soo galay lo'i ma joogeysee
Leelaa, leelo yaa leelaa
waa lakala leexiyaa Liin iyo caano ee'e Leela yaa leeyla yaa leylaaa


> Ma'ogtahayse :
> In uu nin Hindiyi dhawaan Liin iyo caan 'biyo' goga isku geliyey kadina
> uu ka soo saaray ama ka sameeyey Baatrool (petrol)... Taasi waxay welwel
> iyo werwer weyn ku abuurtay dhamaan dalalka iyagu soo saara Baatroorka.

Takara fow fow, sidee.....Sidee hindudu isu aroosaan?
Hadday botrool sameystaan, Xasha Lila, ma laga yaabaa in aroosyadeenuna
sidoodoo kale tafta isku xirtaan! oo hadana dab shidan iskaga daba
wareegaystaan... Dhaantadii, buladii, Walasaqa wadna u roontii habaaskaa
looga tegey sabab la'aan what so ever,,, God forbid, It is the begining of
a "cultural genoside" Faisal was talking about in earlier post.

> Ma'ogtahay Akhristoow:
> In ninkaasi looga cabsi qabo in uu Sucuudigu qafaasho.

War hadaan ku gartay, Illeen markii wax laguu sheegaad wax garataa, Alloow
yaadan afka u dhicin, Nacam, Illeen heshiisna waan ku nahay ka soo
horjeedka sacuudiga iyo waxyaabaha ay ku kacaan:

Aroos kala qob-qob guys: With the presence of the Americans and stuff
inside sacudia, therefore saudi is


not tough enough.An animosity so much related to golobal than it is to
local.
Aroos is dhex-bood guys: With presence of saudi-foreign standards inside
somalia, therefore they're so


tough, we shout: are they nuts! Only one can take
refuge in Allah from such beguilers.


> Ugu danbayn Ma'ogtahay:
> In uu ninkii Michele jackson Mr 'amuuraale' oo naabigii caruurta xidhani
> dhawaan 25 milyan ka qaatay xaflad lagu xusaayey 50 guuradii boqorka
> dalkaasi Boronial kaas oo Muslimna sheegta.

Waa arin aad u layaab leh. Bal muu wax yar u tuuro masaakiinta iyagaa si
hagar la'aan ah ugu dabaal degi lahaa dhalashadiisa wacan. ma ogtahayse in
uu boqorka laftigiisuba uu ahaa nin da' yar, just intruduced to the prime
age of manhood and that he felt like the presensence of maaykal
jir-jiroole, is guduudiye, is caseeye, wax ma guursade... hafriinta ina
boqor Elfismarka laga reebo.


> Ma'ogtahay QabiilDiidoow:
> Horta nin fiican baad tahay, marka la eego heeraabta aad ka taagan
> tahay qabyaalada.
> laakiin ma'ogtahay Saaxiibkayoow:
> Qabyaalad diid iyo Qabiil diid in uu faraq weyni u dhaxeeyo.
> Sida aanay farta yaryar iyo tan WAAWEYNI aanay iskugu midka ahayn ayaanay

> iyana isku shaqo ahayn. Waa siday anaga nalla tahay.

Mada mada! Qabiil iyo Qabyaalad ayaa kala ah laba eray, taasi waa wax aaney
waxba ka jirin inaba ha ahaatee...oo meelaha la wareegayaan dad dano ku
wattaayi. waa dameer iyo labadiisa dhegood, waa isma dhaanto iyo dhasheed,
waa isku mid isku gow:

Qabiil --> noun --> Magaca dadku isku dilo ee kala gee-geeya.
Qabyaalad --> killer verb --> ficilka wax lagu dilo
Qabiili : one who qabiils

Inkastoo eraygu iyo fikraduba ka timid badda cas, haddana waxay la mid
tahay:

Dile: noun
Dil : verb
Dilaa: one who kills

Horaana waa looga dooday halkan, haddana dood u gaar ah ayaa loo samaun
karaa. Oo marbaaba aqoonyahan SCSka ku tafsiiriyay:

Qab: isla weyni
iil: Iilka qabriga
Qab-iil : Islawyni iilka la isugu guro... ehmm, makes sense!!

Maantana halkaa ha inoo joogo, barnaamijkii isna todobaadlaha ahaa ee "ha
ila talinin wallaal, thanks but no thanks, even if so, please tell me your
sourses then I'll just look it up for myself" ee lidiga ku ahaa barnaamijka
"Ila tali wallaal oo toogadaada noo sheeg ee goldoloolooyinka badnaa,
waxyaabo amuuro lehna u qarsoonaan jireen, una kamtoomsanaan jireen,
iminkase la oglaaday in la soo fidho" Waa ay mahadsan yihiin dhamaan
shaqaalaha isku soo duba rida barnaamijkaa oo si aad ah u kooban ahna hal
ruux iyo raacdo.

Salaama ka dheh
Wacays.

> Nabad-gelyo.
> ......
> M.Jama


AHirad

unread,
Sep 23, 1996, 3:00:00 AM9/23/96
to

Wacays:

> Qabiil --> noun --> Magaca dadku isku dilo ee kala gee-geeya.
> Qabyaalad --> killer verb --> ficilka wax lagu dilo
> Qabiili : one who qabiils

----
I, respectfully, take an exception to that. "Qabiil" (tribe/clan),
IMNSHO, is not "[m]agaca dadku isku dilo...." It is just a denotational
name which stands for its core meaning. This is akin to saying "race" is
"magac daku isku dilo." It is the use of this term (Qabiil) in the form
of "Qabyaalad" which people fight over because one, falsely, thinks his
Qabiil is better than the other one. It is also in the Koran where God
says "We made you into nations and tribes that ye may know each other (and
not to despise each other)." Simple logic would dictate that if one says
he is against Qabiil, he is against God's words.

Udub hopefully would shed some light on this, but there are people from
different Qabils and are not necessarily fighting just because of this.
Most likely they are fighting because of Qabyaalad (clannism).
----


> Inkastoo eraygu iyo fikraduba ka timid badda cas, haddana waxay la mid
> tahay:

> Dile: noun
> Dil : verb
> Dilaa: one who kills

----
"Dile/Dilaa" (Killer) are not the same as "Dil" (Kill). This is like
saying "Cabe/Cabaa" (Drinker) is the same as "Cab" (Drink). In inverse
format, "Qabiil" (tribe/clan) is not the same as "Qabyaalad"
(triblist/clannist). Derivatives, perhaps.
----


> Horaana waa looga dooday halkan, haddana dood u gaar ah ayaa loo samaun
> karaa. Oo marbaaba aqoonyahan SCSka ku tafsiiriyay:

> Qab: isla weyni
> iil: Iilka qabriga
> Qab-iil : Islawyni iilka la isugu guro... ehmm, makes sense!!

----
Waa kee, nacaska sidan wax u tafsiiray. Ma caqligaa futada laga geliyey?
:)
----

Nabaadiino,

Hirad

Abdiwali M Ahmed

unread,
Sep 24, 1996, 3:00:00 AM9/24/96
to

MUSTAFE JAMA (MSJ...@student.monash.edu.au) writes:

>Ma'ogtahay QabiilDiidoow:
>Horta nin fiican baad tahay, marka la eego heeraabta aad ka taagan
>tahay qabyaalada.
>laakiin ma'ogtahay Saaxiibkayoow:
>Qabyaalad diid iyo Qabiil diid in uu faraq weyni u dhaxeeyo.
>Sida aanay farta yaryar iyo tan WAAWEYNI aanay iskugu midka ahayn ayaanay
>iyana isku shaqo ahayn. Waa siday anaga nalla tahay.

Ma ogtahay Jaamacow......Ikhwaanow:

In uu Waylac hadalba ii reebin oo uu jawaabtii ku siiyey. Waxaanse hadalkiis-
aa ku sii xoojinayaa:

a) HALAAG iyo hoog haddii aad midna far waaweyn aad ku
qorto midna far yaryar, akhriste walba oo digtoon wuu garan halaag iyo HOOG
caanana u kaban maayo ku dhawaaqooda iyo garashada bartilmaameedkooda oo ah:
meel lagu kala tegey iyo ujanjeerrid ay ummadi ujanjeerto in ay tirtirmato..
Tan ma shakibaa kaaga jira? Haddaba, HAALAAGna qabiil sii, hoogna QABYAALAD
sii; waxayna ku soo horme oo ay hoostiisa gali hogga madow(Black hole) oo
aan lahayn ka soo noqosho.

b) Xariirka iyo xadhiga u dhaxeeya qabiil iyo qabyaaladdi, waxa uu la mid
yahay muranka ka taagan doorada(digaaga) iyo ukxanteeda: tee buu Eebe hor
abuuray doorada iyo ukxanteeda? Markii qabiil la helo qabyaalad baa iman,
markii qabyaalad la uriyona qabiil baa muuqan!!!

Take care and keep doing your priceless work.

Ismaqal,

QABIILDIID,
Ardaaga QabiilDiid.

> Nabad-gelyo.
> ......
> M.Jama
>
>
>


--
|Waa ummad midoo+++++Isku muunadoo++++++++Ay wada martaa |
|Maaweello dhaqan++++Muslimoo ku hadli++++Afkeygaa macaan|
|Magacaa qabiil++++++Iska maydhayoo+++MABDA'WEYN KU SOCON|
| QabiilDiid: July'96 |

Dek

unread,
Sep 25, 1996, 3:00:00 AM9/25/96
to

Hirad:

When you wrote:

"Dile/Dilaa" (Killer) are not the same as "Dil" (Kill). This is like
saying "Cabe/Cabaa" (Drinker) is the same as "Cab" (Drink). In inverse
format, "Qabiil" (tribe/clan) is not the same as "Qabyaalad"
(triblist/clannist). Derivatives, perhaps.
----

You didn't mean that the words, dile and dilaa (and the likes) were not
derived from their roots like the word, dil, did you? ):- If not so,
then what did you mean they're not same? Besides, are you saying that
the words, qabiili and qabyaalad, are derived from the word, qabiil? If
so, are they phonologically, morphologically, or semantically
conditioned? By the way, could you be more illustrative by what meant in
inverse format?

I am looking forward to your explanations.


with best regards,

Deeq Diiriye

Magan

unread,
Sep 28, 1996, 3:00:00 AM9/28/96
to

Dear Mustafe

Sidii bahalkii xalay Bridge'ka ka dhacay soo anikaa goor barqo ah soo
baraarugay. Marka hore, waxa halkan salaan ka mudan shaqaalaha isku soo
duba riday barmaamishkii toddobaadlaha ahaa eenu `bilahanba' sugeynay
waa Illa tali wallaaal aan kula taliyee nali tali walaal.

Hadii aan ku soo laabto dhinca arooosleyda, waaba cajab ale, ma istiri si
aan soomaaliya la isuku aroosi jirin ayaa dibadaha la isuku aroosaa,
`Gaadh' unbaa intaa guriga ku soo dhacaya aroosbaa maanta ah, midbaa
bari ah, midbaa habeen danbe ah. Dabeecado cusubna wey la yimaadeen.
Waxaa iiku qosol badnaa kii aan habeenkii `Gaaf'kii tagay. Bal ogow,
kaasina mid caajaaa'iba buu ahaayee. Sidii ciyaartu isuku duba
dhacaysay, heesaha baxaya, qolyahay leexanka fiican leh, iyaku waxa ay
qaadayeen heesahan hoosta laka soo guuxo, xabadka ilaa dhuunta soo mara.
Mise waa qolyahan laka codka fiicanyahay, waxa ay qaadayeen heesahan
dhawaaqa korka loo soo saaro:


............
HABEEN KHADARAAAA
HABEEN KHADARAAAA
Habeen khadaraad
heshay ducadoo
KUU DUCAYNEE
KUU DUCAYNEE
........


iyadoy sheeko haLkaasi marayso ayuu caruuskii soo kacay, bal maxaa waalay
waaaba loo ciyaaraya'e muu iska fadhiyo, kulaha waan heesi, KADAROO DIBI
DHAL:


GORAY GOD GAL
GOD DIINGAL GAL
DIIN GODGAL
GOD GORAY GAL
GORAY GOD GAL
GOD DIIN .....
..........

Mustafe, miyaad maqashay sheekadii sadexda nin ee meel kore ka
`bidhaansaday' sadex gabdhood. Sheekadu sidan ayey u dhacday:


Si aynu sheekada u fudaydinu, sedexda nin waxaynu u bixinaynaa X, Y and
Z, sadexda gabdhoodna A, B and C. Gabadh A waxa ay ahayd gabadh
quruxsan, gabadh B waxa ay ahayd gabadh quruxsan lakana quruxsanyahay
gabadh C waxa ay ahayd gabadh quruxsan dadkeedana ku jirta.


Mr X, War gabadhaasi quruxsanaa ( waxa uu lahadlayaa gabadh C)
Mr Y, Ma gabadh A (oo iyadu ahayd gabadhii uku quruxsanayd)
Mr X, Maya!
Mr Z, Hadaa ma waxaad lahadleysaa gabadh B
Mr A, Maya!
Mr Y, Ala ma gabadhaa turta leh,(waa gabadh C oo tuur yar lahayd)
Mr A, Geel iyo Caanaba waa, tuurtu sow intaan ku jeclaadaya maaha.


Waxaan rajeenayaa in Barmaamijkani Illatali walaal socon doono, taasi
waa hadii ayeynan shaqaaluhu, waa huduf iyo haaduf, aynan daalin.

Regards
Magan


0 new messages