Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

AXMED MOOGE IYO HEESIHIISA!!!!!!!!!!

997 views
Skip to first unread message

mustafa omar

unread,
Jan 21, 1997, 3:00:00 AM1/21/97
to

Waxaan iku dayi doonaa anigoon mudo ku soo qorin godkan bal inaan ku oo
noqdo.

midab aan cadaan iyo
cawlaan aheynoo
daymada cajabiyoo
lagu caajiseyn iyo
waxaad tahay mas cideed

wali waa caruuroo
waa laan curdinoo
waxaa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
dakane u curtamayaan


canbaruudka naasha
caradaa madow iyo
luquntaa cabaadhka leh
iyo cududaheed iyo
kubabkaa is celiyay

wali waa caruuroo
waa laan curdinoo
waxaa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
dakane u curtamayaan


sunayaha carceeree
cirifka isla gaadh iyo
indho cawol la moodoo
cashaqaa abuuraa
igu beeray cudurkee

wali waa caruuroo
waa laan curdinahoo
waxaa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo
dakane u curtamayaan.

faisal hassan

unread,
Jan 22, 1997, 3:00:00 AM1/22/97
to


On Tue, 21 Jan 1997, mustafa omar wrote:

> Waxaan iku dayi doonaa anigoon mudo ku soo qorin godkan bal inaan ku oo
> noqdo.
>

> wali waa caruuroo
> waa laan curdinoo
> waxaa loo carbinayaa
> sida faras colaad iyo
> dakane u curtamayaan


Mustafa:

Marka hore ku soo dhawoow scs ama hoga kolba sida u tagaan.
Walaal, waad ku mahadsan tahay heestaas iyada ah ee aan noosoo gudbisay.
laakiin, aniga qof ahaan. Ma'aan jeclaysan in lagu heeso mira ay ku
jiraan:

"Wali waa caruuroo


waa laan curdinoo
waxaa loo carbinayaa
sida faras colaad iyo

dakane u curtamayaa" (Axmed Mooqe)

Walaal bal aan isku dayo micnaha 'heesta' ay xambaarsan tahay. Koley
gaarbaa kicine bal aan sii dhiqdhiqo.

"Wali waa caruuroo"- halkaa waxa ka cad in ay caado laga dhiqto in
gabadhiba gabadha ay ka yar tahay in la khasbo oo lagu khasbo "Guur" oo
misna laga daba heeso "wali waa caruuroo". Markaa, waa inan aad u yar oo
aan agoon micnaha "wasmada" iyo waxa uu guurku yahay. Su'aasha aynu is
waydiin waa? Maxaa loo khasbayaa caruurta oo loogu xad gudbayaa
jiritaankooda. Wali waa caruuroo? Markaa, micnaheedu miyaa in nin waliba
uu raadsado inan yar oo uu waxbaro oo taasi aynu u aragno in ay
tahay-Dumarnimadu? Waa su'aal la yaaboo wax udhimi xuquuqda jiritaan
caruurta Soomaaliyeed ee ah 'Dhoocilo" ama Dumarka aad ka dhigateen oo aad
misna ugu heesteen "Wali waa caruuroo"? Ma'ha in lagu xadgudbaa caruurta?


Waan la socdaa in aadan eegin micnaha ka dambeeya "Heestaas" iyada. Markaa
bal marka kale noo soo bandhiq Heeso jacay ku salaysan.

"Waa laan curdinoo" Halkan waxa uu la simay "laan cusub oo iminka laga so
gooyay Beertii "qaadka". Waa mid wax ku tusi oo hawada ku gayn. Oo
aad noqon "Marganism" Maxaa yeelay, waa ay yar tahay?

"Waxaa loo carbiyay" Waxbaad bari oo aad tusi. Waa qof aan wali qaraadsan
oo ah caruuroo oo aad taba bari sida faraskaagoo!

"sida faras colaad" waxa uu la barbar dhigay ta keliya ay yagaanaa oo ah
"goobta" daqaal. Waxa kaliya oo ka badbaada ninka faraskiisu uu aad u
yagaan "xeesha daqaale" Markaa, sidii faraskaa uu ku bixin lahaa marka
goobta daqaalku uu dhaco-ayaad ugu waari iyadana oo waad bari wax walba.
Waxba ma tagaan oo waa caruuroo.

Markaa walaal "heesaha" wax u dhimaya caruurta Soomaaliyeed khaasan ilmaha
ah "Hablaha" waa mid aynu ka hornimaadnaa oo an tusnaa in heestan oo kale
aynaan ahayn wax la dhagayso oo ay ku xad gudbaysaa jiritaanka "caruurta".
Markaa walaal, noo soo xul "Heeso" la dhaysan karo doorka dambe.
Nabad
faisal hassan.

mustafa omar

unread,
Jan 22, 1997, 3:00:00 AM1/22/97
to

Daud7 wrote:
>
> Waar Mustafow Lagu salaan. Waaryaarahee waa maxay halkaad weli ka
> hadlaysaan. Waar habsanka iska daayoo marada aad gadhwaaxsan tihiin
> guntigeeda iska fura.
>
> Heesaha Axmed mooge ee aydun la soo qamaamaysaan ogaada in ay diinta
> islaamku xarrimtay, cidina doonayn. Waar ha noqonina dadkii lagu yidhi,
> dhehagooda dhawaqa xaqa ah ku duxi maayaan.
>
> Soomaalidu waxay tidhaadaa nin hooyadii cirid u jiiday aayadii hoos ma
> hadhiyo!!. Waar shirka furan Kaga soo qayb gala aqoonta iyo qallinka inta
> aad ka hadlaysan nin dhaafi waayay dumar etc.. weligiina aanan dhinac uga
> baydhin giitaar iyo violin.
>
> Abdi Isse Da'ud

walaal aad ayaad u mahad santahay , balse ha degdegine u kaadi.Uma wada
hadleyno sidii labo qof oo midi diinta ka fogaadey oo xaraan sameynaya
midna uu difaacayo.waxaan ku qanacsanahay in ay heesuhu ay xaaraan aheyn
lakiin tan aan soo qory waad ku dacwoon kartaa in ay tilmaamo aan loo
baahneyn aybixisay marka hakuu kala saarnaadaan waxa aad odhaneyso iyo
aragtidaada khaaska ah.Hadii aad u bahaan tahay xujo waxaan u maleynayaa
ina aad fahamsantahay meesha iyo qofka looga baahan yahay daliisha, ama
xujada, waa marka aan ka hadleyno qaabka loo xaraantimeeyo iyo daliisha
sharciga ah,dee waa ku kaa, bal qunyar socod noqo.

waad mahadsantahy sida aad ugu hagar baxday aragtidaada iyo sida aad
aaminsantahay.


MAAJID.

Daud7

unread,
Jan 22, 1997, 3:00:00 AM1/22/97
to

Mahmoud Abib

unread,
Jan 23, 1997, 3:00:00 AM1/23/97
to

mustafa omar <s118...@uottawa.ca> wrote:

>waxaan ku qanacsanahay in ay heesuhu ay xaaraan aheyn lakiin tan aan
>soo qory waad ku dacwoon kartaa in ay tilmaamo aan loo baahneyn >aybixisay marka hakuu kala saarnaadaan waxa aad odhaneyso iyo
>aragtidaada khaaska ah.

Mustafa,

Dhageysiga heesaha diinta Islaamku may xaaraamayn. Wadaado kitaab wada
xoor ah oo aan aayad Quraan ah aqoon ayaa heesaha, madadaalada iyo
muusigga xaaraantimeeyay. For more information regarding what is lawful
or prohibited by Allah, read the last revelation (Quran).

Peace,
Mahmoud.


mustafa omar

unread,
Jan 23, 1997, 3:00:00 AM1/23/97
to

walaal ujeedadada maan garan, ma waxaad ka wadaa waad khaldan tahay mise
waad yara saxsantay, ama waad wada khaldantahay. Hadii aan quraanka
ugafay waxaan u maleynyaa in aan ku adkeysan. lakiin adigu ka hadal u
jeedadada fasirna ha i odhan aayadaha quraan ayaa diiday uun.

MAAJID

Dr.MOHAMUD

unread,
Jan 23, 1997, 3:00:00 AM1/23/97
to

In article <Pine.NEB.3.95.97012...@callisto.uwinnipeg.ca>, faisal says...

>
>
>
>On Tue, 21 Jan 1997, mustafa omar wrote:
>
>> Waxaan iku dayi doonaa anigoon mudo ku soo qorin godkan bal inaan ku oo
>> noqdo.
>>
>waa caruuroo
>waa laan curdinoo
>waxaa loo carbinayaa
>sida faras colaad iyo
>dakane u curtamayaa" (Axmed Mooqe)
>
>Walaal bal aan isku dayo micnaha 'heesta' ay xambaarsan tahay. Koley
>gaarbaa kicine bal aan sii dhiqdhiqo.
>_________________________________________________________________________

>misna laga daba heeso "wali waa caruuroo". Markaa, waa inan aad u yar oo
>aan agoon micnaha "wasmada" iyo waxa uu guurku yahay..
__________________________________________________________________________


Akhristayaal:

Inkastoo hees iyo gabay sidoodaba ay wax faa'ido ay keeneynin haddana ila arka
marka hees iyo gabay la keeno waxa FAAXISHADA ama xun xun daba ayey ku wataan
Bal arka faaido xumada heeso iyo gabay ka danbeyso cilmiyan wa diinayan.

yaa salaam
Dr.MOHAMUD
University of santa at wyoming state


Ahmed Sharif

unread,
Jan 24, 1997, 3:00:00 AM1/24/97
to

da...@aol.com (Daud7) wrote:

>Heesaha Axmed mooge ee aydun la soo qamaamaysaan ogaada in ay diinta
>islaamku xarrimtay,

Aayaddaa (ama Xadiiskaa) iga maqani muxuu ahaa?


>Abdi Isse Da'ud


PS. E-mails will be discarded on arrival!

A.M. Sharif.

faisal hassan

unread,
Jan 24, 1997, 3:00:00 AM1/24/97
to


On 23 Jan 1997, it was written:

>
>
> Akhristayaal:
>
> Inkastoo hees iyo gabay sidoodaba ay wax faa'ido ay keeneynin haddana ila arka
> marka hees iyo gabay la keeno waxa FAAXISHADA ama xun xun daba ayey ku wataan
> Bal arka faaido xumada heeso iyo gabay ka danbeyso cilmiyan wa diinayan.
> yaa salaam
> Dr.MOHAMUD
> University of santa at wyoming state


Macune:

You missed the point altogether. Heeso iyo gabayadu are part of the Somali
culture and traditions. Critiqueing them would enhance greater
understanding of our literature (i.e., its significant of Somali
"xadaarad").

My criticism of the 'Miraha' of that song-doesn't mean that I oppose
"heeso" and "gabay" but rather I favour the exposure of those messages
whether it be songs or gabayo. Writing them would illustrate a lesson in
the past such as history etc- A society without history; it isn't a
society at all! So, next time read the lines and read me Mr. Macune?

One's songs, poetry, writings, and socialization would give us
some lessons about that societies priorities and so on? Somali songs and
Gabay; whether it be positive or negative, it is the psychological, and
socialogical of that society. If you don't like Somali songs or
Gabay? Then, it is obvious that you don't like Somali?
Cune.


faisal hassan

unread,
Jan 24, 1997, 3:00:00 AM1/24/97
to mustafa omar


Walaal Mustafa:

Waxa aan u malaynayaa in aad la hadlaysid (Cune). Walaal, marka hore,
Heesuhu waa muhiim oo waxa ay xambaarsan yihiin "qiso" ama "tusaalayn"
dadku ay si fudud isku af garankarayaan. Anigu qof ahaan, waan ka helaa
heesaha ku salaysan "jacayka".


Iminka anigu waan ka helaa "heesaha". In lagugu eedeeyo amaba lagu
yiraahdo "heesaha" Diinta ayaa mabnuucday waa been aan meel loogu soo
gabada aan la hayn. Markaa, ha dhagaysay "Seef la boodashaasha" Waan odhan
"seef la boodayaasha" Maxaa yeelay, Erayga "hees" ma'aha eray ku cusub
"diinta" Islaamka. Ma'ay garankaraan amaba ay noo sheegi karayaan goortii
ugu horaysay ee "qof Muslimi ihi uu Heeso" Wakhtigee bay ahayd? Waxa dadka
noocaas ah aad waydiisaa; yuu ahaa ruuxii ugu horeeyay ee curiyay waxa
aynu iminka u naqaan "hees"? Waxba kama ay garanayaan? Waxaa waa la
xaaraantimay ayuun bay yagaanaan? Mana ay ogola cilmi korarsi iyo ka hadal
toosan ama aqoon kororsi? Iyaga uunbaa yagaan "diinta"? Si ay igagu ay ka
sareeyaan muslimiinta ah "Soomaalida ah"? Soo bandhiq "heeso" waxa ay ka
mid yihiin "xadaarada" diinta Islaamka ay ku soo kordhisay dunida inteeda
kale.
Markaa, waa in aynu caawinaa "heesayaasha Soomaaliyeed oo aynu iibsanaaa"
heesahooda. Markaa, doorka dambe noo soo xul heesaha cusub ee ku soo
kordhay "miraheena" iyo meelaha laga iibsankaro? Ma haysaa heesihii ay
gaadi jireen kooxda "IFTIIN" uuna ku luugayn jiray "Maxamed Cabdoow
Saalim" waxa ayna caan ku ahayd "Soomaali baan ahay Soomaali baan ahay"
Kooxda IFTIIN.
Nabad
Cune.


Abdullahi Abukar

unread,
Jan 26, 1997, 3:00:00 AM1/26/97
to

mustafa omar wrote:

[snip]

: wali waa caruuroo
: waa laan curdinahoo
: waxaa loo carbinayaa
:- sida faras colaad iyo
: dakane u curtamayaan.


Mudane Mustafe,

"Axmed Mooge (AHN) kuma uu luuqayn heeska aad kor ku soo qortay". Waxa
qaaday fannaan kale. Iyadoo aanu heeskaasi ahayn mid ereyada iyo
muusiggiisuba ay fadhiyaan (qurxsan yihiin) waxa uu ugu horreeyaa heesaha
cajaladda la isa sii dhaafiyo marka ay soo galaan. Waa marka loo kala
qiimeeyo hees ah: "Keep the volume UP!" iyo kan ah: "OH! Fastforward it;
FAST FAST!" Balse dadku isku wada dookh maaha :)

Heesaha iyo guud ahaan maansada Soomaalida waxaan badanaa ka maqnayn
asluub, oo xitaa haddii uu damco in mu'allifku soo bandhigo qarqarsiga
qaarkiis, marna lama qayaxo. Hase ahaatee, qayaxnaan ka sokow, HALAKANKADA
waxa loo heesayaa waa qof aan qaan gaadh ahayn. Sidaasoo ay tahayna dadku
isku wada damiir maaha! Muruqa laba suullena ninba si ku ah. Heeskanina
Axmed Mooge ma qaadin.

Nabaadiino, Ramadaan Kariim.

Cabdullaahi Abuukar.

--
o ______"Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxay ku xiran yihiin
/\_ _| DI | ku xiran yihiin 'nabad'... nabadina baryo ma leh ee
_\__`[________| ee baqay leedahay ...
] [ \, ][ ][ AA.

Yassin H Abdullahi

unread,
Jan 26, 1997, 3:00:00 AM1/26/97
to

Abdullahi Abukar wrote:


Assalamu Calaykum.

>
> mustafa omar wrote:
>
> [snip]
>
> : wali waa caruuroo
> : waa laan curdinahoo
> : waxaa loo carbinayaa
> :- sida faras colaad iyo
> : dakane u curtamayaan.
>
> Mudane Mustafe,
>
> "Axmed Mooge (AHN) kuma uu luuqayn heeska aad kor ku soo qortay". Waxa
> qaaday fannaan kale. Iyadoo aanu heeskaasi ahayn mid ereyada iyo
> muusiggiisuba ay fadhiyaan (qurxsan yihiin) waxa uu ugu horreeyaa heesaha

A.Abukar, heesta Mustafe soo qoray waxa markii ugu horaysey ku
luuqeeyey Fasal Cumar Mushteeg. Hase ahaatee Axmed Mooge qudhiisuna waa
ku luuqeeyaa. Xitaa waxaan maqaalo ah in Cumar Dhuule ku luuqeeyo,
inkasta oo aanan anigu dhegaysan.
Hadaynu tusaale u soo qaadno, heesta *suleekhaay aragaagu nafta
waa u samar siis* waxaa ku luuqeey markii ugu horaysey. Maxamed Nuur
giriig, Misana waxaan dhegeystay Axmed Mooge oo ku luuqaynaya.
Waxaan uga socdaa heesaha Somaalida hadba kii soo gaadha ayaa ku
luuqeeya.

Amaano Allah

Yassin.

Daud7

unread,
Jan 26, 1997, 3:00:00 AM1/26/97
to

Axmed Shariif,

Lagu salaan Asalamu Alaikum,

Ayaadda iyo xadiiska kaa maqan ee Xarrimaya heesaha waxaa weeyaan sida
hoos ku xarddan:


1) Eebe wayne waxaa uu suuratul luqmaan ku yidhi, "Dadka waxaa ka mid ah
kuwa iibanaya hadalka kiisa macaan si ay dadka jidka Eebe uga dhumiyaan
aqoon la'aan..". Waxaa uu yidhi saxaabigii waynaa ee Ibnu mascuud wallaahi
waxaa weeyee lahal xadiithi heesaha.

Waar Axmadow waxaa intaa kuu dheer sifoonka qadhaadh ee aayaddu ku
sheegtay heesaha, bal yara dhugo: Jidka Alle ayay awdayaan, baadinno ayay
keenayaan, qaliga ayaa ku qallala.

2) Xadiiska kaa maqan waxaa weeye xadiiska bukhaari bixiyay ee uu rasuulku
ku odhanayay, "waxaa iman doona wakhti ay dadku xalaalaysan doonaan
sinada, xirashada xadhiidhta iyo miyuusigga".

Waar miyaan kaa yara habsaamay. Waa kukaa iyo ismaqal dambe oo xiiso
badan.


Abdi Isse Daud

Dr.MOHAMUD

unread,
Jan 26, 1997, 3:00:00 AM1/26/97
to

In article <5ca4ti$n...@freenet-news.carleton.ca>, ah...@FreeNet.Carleton.CA says...

>Dr. Mohamud,
>
>
>Waxaan u maleynayaa inaad si weyn u qaldan tahay markaad tiri
>"inkastoo gabay iyo heeso sidoodaba fa'ido keeneyn", waayo aniga siday
>ila tahay fanka iyo hal abuurku waa asaaska ilbaxnimada uu adamigu maanta
>ku sugan yahay.


Mr.Mohamed Ahmed Atto;

ramadaan kariim.

Waxaan u maleynaya in aan si weyn ugu saxsanahay boqolkiiba boqol.Marka xigtana
fanka iyo ilbaxnimada isku ma shaqa laha sabatoo ah waa laba shey oo kala jiho ah.sababta
aan u iri heeso iyo gabay faaido malaha adigaba waa iska ogtahay mideeda kale waxaan
u maleynaya in aad ku nooshahay canada Tusaalaha aan halkaa kaga bilaabo imisa koox oo
heesa ayaa ka jira canada?tobaneeyo marka ay heesayaan xafalada meeqa ayaa lagu galaa
kama yara & 25 or &30 shaki kuma jidho kuwaasi xaflad galaayo in reerkooda qaar ka mid
ah sida waalikooda ama walaalahooda ay dhibaato haysato(financial).Marka haddii ay heeso soo dhageystaan
reerkiina halkaa ku baahan yahay waa maxay faaidada heesaha?sidoo kale heesaha iyo gabayada waxay badiyaan
"social problems".

Tusaalaha labaad waxa weeye sidaad la socotid soomali fara badan ayaa soo dagtey wadankan mareykanka
qaas ahaan qaarka ku nool magaaloyinka Sandiego iyo virginia oo aan la socdo arimahooda si fiican.qaar ka
mid ah dhalinyarada degan virginia ayaa waxay caado ka dhigteen in habeenada sida Sutarday night iyo friday night ay iskugu
Hall ama meel la ijaarey oo DJ soomali ah ay jogaan oo heeso soomali lagu dhageysto halkaa oo qaar dhalinyaradaasi ka mid ah
ay peer ku cabaan meeshaas waxaa kuu sii dheer waxa lagu galayaa &30-40.waa maxay faaidada labaad ee heesaha?meeshii ay dhalinyarada soomaliyeed
ka raadsan lahaayen waxbarasho iyo waxyaabo kale oo anfaca waa wax laga xumaado iney waqtigooda ku dhumiyaan hees iyo waxyaabo kale oo aan loo joogin.
taasina waxay kordhisaa sidoo kale social problems.

marka waxaan aaminsanahay in hees iyo gabay ay wax faaido keeneyn.diintina ma ogola sidoo kale wax faaido ah oo
nafsadeena ay hees iyo fan u keenayaan ma jirto waxaan qasaare aheyn mooyee.

yaa salaam
Dr.MOHAMUD
University of santa at wyoming state.


faisal hassan

unread,
Jan 26, 1997, 3:00:00 AM1/26/97
to


On Sun, 26 Jan 1997, Abdullahi Abukar wrote:

. Heeskanina
> Axmed Mooge ma qaadin.
>
> Nabaadiino, Ramadaan Kariim.
>
> Cabdullaahi Abuukar.
>
> --
> o ______"Xornimo, barwaaqo, iyo horumar waxay ku xiran yihiin
> /\_ _| DI | ku xiran yihiin 'nabad'... nabadina baryo ma leh ee
> _\__`[________| ee baqay leedahay ...
> ] [ \, ][ ][ AA.


Dear Abuukar,

Aad ayaad ugu mahadsan tahay maqaalkaagaaas. Aan ku waydiiyo, yaa ku
leegeeyay "heestaas" Iyada?
Waad mahadsan tahay
Nabad
faisal hassan.


Omar Khadhib

unread,
Jan 27, 1997, 3:00:00 AM1/27/97
to

Omar:


Inkasta oo aanan jeclayn inaan ku dheeraado waxaa ii muuqatay in wax yar
oo faallo iyo tusalayn ah saaro maqaalka walaalkeen Faysal. Faysal waxaa
iigu muuqdaa walaal muslim ah oo lahaan karo dulduleello sida aan
aniguba u leeyahay. Marka waxaan ka rajeynayaa Faysal inuu faalladan yar
qalbiga u furo oo uu arko mid walaalnimo, qaatana inta diinta ka
waafaqsan, inta kalana oo hadal tirada uu u arkana daadka raaciyo.


Omar Khadhib

faisal hassan wrote:


Anigu qof ahaan, waan ka helaa
> heesaha ku salaysan "jacayka".

> Faysal: Walaalle sidee wax kaa yihiin. Sifaynta doolllada iyo horaadka
dumarkeenna waxay ila tahay inaan lagu dhiiran karin in la yiraahdo
heesaha Jacaylka. Inkasta oo aanan heesaha wax badan ka xusuusan;
haddana dhagayso afxumada iyo akhlaaqxumada Dhuulle marka uu leeyahay
timaheeda xaadda leh markaan soo xustaan xatxatoodayee!. Ma malaynaysaa
inuu ka hadlayo xaaskiisa?. Iyadoon loo oggolayn in xaaska xataa la
fadeexeeyo sow kama hadlayo gabadh uu habeen la kulmay?. Maxay kula
tahay inuu noqonayo ilmaha teenage ah ee warkaasi maqla? Sow inuu
dhirqaan dhabtaa sow maha?..


Dhinaca kale, waxaa uu yiri mid kale oo heesaya; islamarkaana qaybka
Alle ku been abuuranaya "Ceeb male yartaniyoo, quraankaa caddeeyo,
caynteeeda oo kalee, la cadaabi maayee...?!.

Yaa u sheegay in cashiiqaddiisa xaraanta ah quraanku caddeeyay?. Yaa u
sheegay in Alle cadaabayn gabadha uu gaabsiga ugu ordaayo?. Ayu diinin
wa caqlin hadaa?. Hadaannu diinteenna iyo caqligeenna tuurno maxaa noo
soo haraya?.

Haddii la yiraahdo heesaha mawadalaha waxaase oo kale, waxaannu leenahay
la kaalay miro nadiif ah oo anaasiid islaami ah loo baro aradada yar iyo
kuwa shaqada iwm loo adeegsado. Amaa mujuunkan lama jecalaani karo waayo
waxay duminayaan xishoodki iyo akhalaqdii islaamka.


Iminka anigu waan ka helaa "heesaha".


Omar: Yaa salaam akhuuna Faysal wax iskula har nin oday ayaad tahaye?.

In lagugu eedeeyo amaba lagu
> yiraahdo "heesaha" Diinta ayaa mabnuucday waa been aan meel loogu soo
> gabada aan la hayn.


Omar: Walaal Faysal aan ka qabto halkan gacanta. Daliilka waydii
intaadan oran waa been aanan geed loogu soo gabban. Ayaad iyo axaadis
ayaa loo hayaa inay heesaha yihiin xaraan dhab ah. Sidee wax kaa
noqdeen. Waxaa uu nabigu yiri, " waxaa imaan doona dad bannaysanaya
sinda , xariirta, iyo muusikada heesaha (Bukhaari). Umalayn maayo inaad
oranayso tan waa been aanan meel loogu soo gabban.


Markaa, ha dhagaysay "Seef la boodashaasha" Waan odhan
> "seef la boodayaasha" Maxaa yeelay, Erayga "hees" ma'aha eray ku cusub
> "diinta" Islaamka.

Omar: Walaal Faysal diinta Alle oo loo yeero maahan seef la bood. Hanagu
furin jabhad cusub iyada oo tii Abiib weli noo taagan tahay. Ereyga aad
adeegsatay ee seeflabood waa erey ka soo dhex baxay dhaqan gaaleed
dabadeena la dejiyay meel uusan degi karin. Waanad ogtahay meesha uu
salka ku hayo. Marka adeegsigaadu ma waxaa weeye anigu bakhtiga ma cuno;
laakiin fuudkiisaan cabaa?. Iskuma heli kartid inaad marna gaalada diido
waxay wataan marna sidan qallafsan aad ugu waafaqdo erey bixin ay
ujeeddo islaam la dagaal ka dambayso.


Midda kale adiga ayaa noo sheegaya ereyga hees sida uusan ugu cusbayn
diinta islaamka. Haddaad ula jeeddo waa ogoshahay daliilkii baa laga
doonayaa?.


Ma'ay garankaraan amaba ay noo sheegi karayaan goortii
> ugu horaysay ee "qof Muslimi ihi uu Heeso" Wakhtigee bay ahayd? Waxa dadka
> noocaas ah aad waydiisaa; yuu ahaa ruuxii ugu horeeyay ee curiyay waxa
> aynu iminka u naqaan "hees"? Waxba kama ay garanayaan? Waxaa waa la
> xaaraantimay ayuun bay yagaanaan?


Omar: Waxaan ka baqayaa aniga oo u arkayn waxyaabo badan oo arrintan ka
mid ah inayan istraatiiji ahayn; haddana waxaa i qabanaysa bal Faysal u
sheeg inuu yahay ogaanshaha qofkii ugu horreeyay ee heesa iyo macnaha
heesta cilmun laa yan fac wajahaalatun laa tadhur. Faduulba ha igu
ahaatee bal noo sheeg cilmiga kula wayn.

Mana ay ogola cilmi korarsi iyo ka hadal
> toosan ama aqoon kororsi? Iyaga uunbaa yagaan "diinta"? Si ay igagu ay ka
> sareeyaan muslimiinta ah "Soomaalida ah"?

Omar: Waxaan shaki ku jirin inuusan cilmi kororsi uusan ahayn ogaanta
qofkii ugu horreeyay ee heesay. Somali islamists ayan ku andacoonin inay
Soomaalida kaga sarreyaan diinta islaamka inkasta oo aanan la inkir
karin in ay iyagu yihiin leading force oo riixaya ajendaha guud dhalinta
dawlad iyo bulsho islaamka uu halbeeg u yahay Soomaaliya. Waxaanan
filayaa inay taasi ku farax gelinayso.


Soo bandhiq "heeso" waxa ay ka
> mid yihiin "xadaarada" diinta Islaamka ay ku soo kordhisay dunida inteeda
> kale.


Omar: Shaqo isaga iyo bulshada uga faa'ido badan aannu walaalkeenna ku
ogaanno inta aannu ku dhiirrinayno wax aanan ka mid ahayn xadaarada
diinta islaamka oo akhira iyo adduunna waxba u tarayn.

> Markaa, waa in aynu caawinaa "heesayaasha Soomaaliyeed oo aynu iibsanaaa"
> heesahooda.

Omar: Da'yarta soo koreysa oo dagaalka sokeeye mustaqbalkooda burburiyay
shilinkii lagu caawin lahaa yaan loo dirin dad u dhar dhigtay dhuminta
akhaaqda iyo shakhsiyadda muslimka Somaaliyeed.

F:G. Walaal Faysal weli waxaan kuu arkaa inaad nin oday tahay oo
qadderin wayn mudan marka aannu meel uga soo jeedsanno garashada diinta
toosan

Abuu Xafsa, Omar Khadhib


mustafa omar

unread,
Jan 27, 1997, 3:00:00 AM1/27/97
to

walaal waad salaamanthay, meel aan diidanaa in ay doodu gasho ayaad
timid lakiin waanu wada dhiraaraan dhirn doona ilaa ay meel iska
qabsato.
waxaad sheegtay in ayaada ama suurada layiraahdo luqmaan ay sheegtay
heesaha in la xaarin timeeyay, waa hagagaag, lakiin miisaan aan wada
sameydano si ay doodu miro u dhasho. ayaada waxey sheegtay in ay dad ay
soo iibsanayayn waxyaabo lahwiah oo waqti lumis iyo indadka diinta looga
istaajiyo ah waa sax, balse miyey soo galesaa wax kasta oo saa ah xitaa
hadii islaamka lagu amaanayo? ayaad kale oo ian dii deysa ayaa jirta
gabayada ilaa kuwo misaan nadiif ah lasaaro mooye suura al shu'caraa.
Taa waxa dheer tafsiirka aad sameysay ma qadciya dalaal iyo qadciyad al
thubuut ah baa taas oo dajineysa in misaank wax lagu xaraan timeeyo.

xusuus waxa iga ah heesha qaarkood in ay wanaagsaneyn oo ay ka hor
imanayaan diinta lakiin waxaan ka wada hadleyno waa macnha heesa iyo
hees sideedaba.

MAAJID

faisal hassan

unread,
Jan 27, 1997, 3:00:00 AM1/27/97
to


On Mon, 27 Jan 1997, Omar Khadhib wrote:

> > Faysal: Walaalle sidee wax kaa yihiin. Sifaynta doolllada iyo horaadka
> dumarkeenna waxay ila tahay inaan lagu dhiiran karin in la yiraahdo
> heesaha Jacaylka. Inkasta oo aanan heesaha wax badan ka xusuusan;
> haddana dhagayso afxumada iyo akhlaaqxumada Dhuulle marka uu leeyahay
> timaheeda xaadda leh markaan soo xustaan xatxatoodayee!. Ma malaynaysaa
> inuu ka hadlayo xaaskiisa?. Iyadoon loo oggolayn in xaaska xataa la
> fadeexeeyo sow kama hadlayo gabadh uu habeen la kulmay?. Maxay kula
> tahay inuu noqonayo ilmaha teenage ah ee warkaasi maqla? Sow inuu
> dhirqaan dhabtaa sow maha?..


Mudane Omar:

Omar Dhuule "Timaheeda xaadda leh markaan soo xustaan xatxatoodayee".
Walaal, tani miyeenaan wax ku tusin? Jacayl? iyo xusuusashada inanta uu
markaa ku fikirayay? Aniga, taa wax khalad ah uma arko. Waxa uu ugu
riyaagayaa "quruxda hablaha Soomaaliyeed, khaasatan inan (Khaasatan ah).
It is very romantic, bro' Omar. Waxa dhici karaysa in uusan u jeedin
"xaaskiisa" Laakiin, waxa dhici karaysa in uu ka hadlayo "Iyada" Waa
haddii uu curiyaya "heesta" isagu? Oo isaga iyo Jacaylkiisu ay is og
yihiin?

> Dhinaca kale, waxaa uu yiri mid kale oo heesaya; islamarkaana qaybka
> Alle ku been abuuranaya "Ceeb male yartaniyoo, quraankaa caddeeyo,
> caynteeeda oo kalee, la cadaabi maayee...?!.
> Yaa u sheegay in cashiiqaddiisa xaraanta ah quraanku caddeeyay?. Yaa u
> sheegay in Alle cadaabayn gabadha uu gaabsiga ugu ordaayo?. Ayu diinin
> wa caqlin hadaa?. Hadaannu diinteenna iyo caqligeenna tuurno maxaa noo
> soo haraya?.

Walaal Omar, miyaad diidan tahay in "Quranku" uu si fiican uga hadla
"Dumarka iyo Raga" Mase og tahay in si wacan ay "Islamic Umma" ay
falagaysay. Inkasta oo muslin walababa uu u arko si; hadana waxa jira
waxyaabo badan oo la isku af-garan karayo mar walaba.

> Haddii la yiraahdo heesaha mawadalaha waxaase oo kale, waxaannu leenahay
> la kaalay miro nadiif ah oo anaasiid islaami ah loo baro aradada yar iyo
> kuwa shaqada iwm loo adeegsado. Amaa mujuunkan lama jecalaani karo waayo
> waxay duminayaan xishoodki iyo akhalaqdii islaamka.

Walaal haddii aynu niraahmo "heesaha" gaarna aynu agbalno gaarna aynu
diidno. Soo kama wanaagsano in qofka Muslimka ah uu isagu/iyadu ay samayso
go'aanka ku saabsan "heesta" ay jeclaandoonaa, inaga oo ku tirinayna in ay
yihiin dad gaan-gaar ah oo samayn kara Ga'aan sax ah.

>
> Omar: Yaa salaam akhuuna Faysal wax iskula har nin oday ayaad tahaye?.

Walaal, maxaa ku jaban haddii aan dhagaysto Omar Dhuule iyo heesaha
"Soomaaliyeed" Aniga ayaa dhagaysanaya, khaladna ma'aha. Maxaa yeelay,
waxa aan ahay muslim, yagaana "diintiisa".


> Omar: Walaal Faysal aan ka qabto halkan gacanta. Daliilka waydii
> intaadan oran waa been aanan geed loogu soo gabban. Ayaad iyo axaadis
> ayaa loo hayaa inay heesaha yihiin xaraan dhab ah. Sidee wax kaa
> noqdeen. Waxaa uu nabigu yiri, " waxaa imaan doona dad bannaysanaya
> sinda , xariirta, iyo muusikada heesaha (Bukhaari). Umalayn maayo inaad
> oranayso tan waa been aanan meel loogu soo gabban.

Walaal, waxa aan ogahay in "diintaydu" ay mabnuucin "heesaha". Diintu waxa
ay mamnuucday waxyaabo faro badan oo ka mid yihiin beenta iwm. Haddii aad
doonaysid, aqoon kororsi ku salaysan. Waxa aad dib ugu noqotaa markii ay
Islaamic Umma ay ka wareegeen from Madina to bagdaad. Waad ogaan in
Culumada loo heesi jiray. Ku raaxaysi "sugaaneed" waxa aan ula jeedaa
"Dhagaysi"


> Omar: Walaal Faysal diinta Alle oo loo yeero maahan seef la bood. Hanagu
> furin jabhad cusub iyada oo tii Abiib weli noo taagan tahay. Ereyga aad
> adeegsatay ee seeflabood waa erey ka soo dhex baxay dhaqan gaaleed
> dabadeena la dejiyay meel uusan degi karin. Waanad ogtahay meesha uu
> salka ku hayo. Marka adeegsigaadu ma waxaa weeye anigu bakhtiga ma cuno;
> laakiin fuudkiisaan cabaa?. Iskuma heli kartid inaad marna gaalada diido
> waxay wataan marna sidan qallafsan aad ugu waafaqdo erey bixin ay
> ujeeddo islaam la dagaal ka dambayso.

Walaal waxa aan uga jeedaa "seef labood". dadka u arki islaamka wax yara
kooban oo ku wareegayta anaga ha nala dhagaysto si ay igagu uu Ilaah noo
soo diray. Qof walba ha barto "diinta".


> Midda kale adiga ayaa noo sheegaya ereyga hees sida uusan ugu cusbayn
> diinta islaamka. Haddaad ula jeeddo waa ogoshahay daliilkii baa laga
> doonayaa?.


Walaal "hees" ma'aha wax ku cusub "Islaamic empire". Waxa si wanaagsan loo
agbal markii xaruntii Islaamka laga soo wareejiyay "Madiina". Dib ugu noqo
buugaagtaada.


>
> Omar: Waxaan ka baqayaa aniga oo u arkayn waxyaabo badan oo arrintan ka
> mid ah inayan istraatiiji ahayn; haddana waxaa i qabanaysa bal Faysal u
> sheeg inuu yahay ogaanshaha qofkii ugu horreeyay ee heesa iyo macnaha
> heesta cilmun laa yan fac wajahaalatun laa tadhur. Faduulba ha igu
> ahaatee bal noo sheeg cilmiga kula wayn.

walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay in aad ii sheegtid "wax kasta oo aad
is tidhaahdin qaarkiis" Anigu marka hore, ma'aan ahi Culumo aqoon wayn
sidaas ah u leh diinta Islaamka. haddana, waan diq tay diinta. Walaal,
baadiqoob godobkaas isaga. waadna igu raaci doontaa. Eebe haddii uu ka
raali noqdo?


>
> Omar: Waxaan shaki ku jirin inuusan cilmi kororsi uusan ahayn ogaanta
> qofkii ugu horreeyay ee heesay. Somali islamists ayan ku andacoonin inay
> Soomaalida kaga sarreyaan diinta islaamka inkasta oo aanan la inkir
> karin in ay iyagu yihiin leading force oo riixaya ajendaha guud dhalinta
> dawlad iyo bulsho islaamka uu halbeeg u yahay Soomaaliya. Waxaanan
> filayaa inay taasi ku farax gelinayso.

Walaal waytay, maxaa yeelay, waxa aad tidhaahdeen waa la xaaraatimeeyay?
Markaa waa aqoon kororsi haddii aynu doonayno in aynu salayno wanaag iyo
wixii horumarinaya. Midda kale, haddii dadku ay doonayaan in ay
dhagaystaan Heeso. Ma sharci baad ka soo saari oranayaa "yaanaan la
dhagaysan Omar dhuule iyo heesaha oo dhan"? ka waran, haddii bulshadu ay
ku tiraahdo "war yur", waa maxay diintan cusub uu sito iwm.

> Omar: Shaqo isaga iyo bulshada uga faa'ido badan aannu walaalkeenna ku
> ogaanno inta aannu ku dhiirrinayno wax aanan ka mid ahayn xadaarada
> diinta islaamka oo akhira iyo adduunna waxba u tarayn.

walaal aduunka ayaynu joognaa iminka; aakhrana waanu u shagaysan, iinsha
alaah waa in aynu Ilaaheey daacad u ahaanaa. Maxaa yeelay, wax kasta waa
uu og yahay; runta iyo beenta.


> Omar: Da'yarta soo koreysa oo dagaalka sokeeye mustaqbalkooda burburiyay
> shilinkii lagu caawin lahaa yaan loo dirin dad u dhar dhigtay dhuminta
> akhaaqda iyo shakhsiyadda muslimka Somaaliyeed.

Walaal sidaa uma aan jeedin; waxa aan u jeeday. Suugaanta Soomaaliyeed waa
in la caawiyaa, maxaa yeelay, waa mid ka tirsan dhagankeena. Waa in aynu
caawinaa dhulka hooyana; taasi waa waajib loo baahan yahay.


> F:G. Walaal Faysal weli waxaan kuu arkaa inaad nin oday tahay oo
> qadderin wayn mudan marka aannu meel uga soo jeedsanno garashada diinta
> toosa

> Abuu Xafsa, Omar Khadhib

Walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay taladaada "kobcinta diinta Islaamka".
Halkan gaybtayda ayaan ka wadaa walaal oo waxa aan ka tirsanahay
muslimiinta iskuulkayga; hadana waxa aan ogahay in musliminta kale iyo
anigu aanu kala nahay amaba aanu ka kala nimid wadan ka duwan. Markaa,
waxa aan ahay Soomaali. Laakiin, waan kugu raacsanahay in aynu kobcinaan
diinta Islaamk. Laakiin, walaal urur siyaasadeed ma kobcinayo in uu
waxyeelo mooyee. Bal taa hala eego si fiican.
waad mahadsan tahay.
Nabad
faisal hassan.


Abdullahi Abukar

unread,
Jan 28, 1997, 3:00:00 AM1/28/97
to

Yassin H Abdullahi <ayha...@utkux.utcc.utk.edu> wrote:

: > : wali waa caruuroo


: > : waa laan curdinahoo
: > : waxaa loo carbinayaa
: > :- sida faras colaad iyo
: > : dakane u curtamayaan.


: A.Abukar, heesta Mustafe soo qoray waxa markii ugu horaysey ku


: luuqeeyey Fasal Cumar Mushteeg. Hase ahaatee Axmed Mooge qudhiisuna waa
: ku luuqeeyaa. Xitaa waxaan maqaalo ah in Cumar Dhuule ku luuqeeyo,
: inkasta oo aanan anigu dhegaysan.

Walaal Yaasiin,

Marar badan waxaa dhacda in, iyadoo fannaan la soo casumay, laga codsado
inuu ku heeso hees uu fannaan kale hore u qaaday, markaana codsigaas
aawadiis munaasibaddaas looga qabtay oo ay cajaladdii suuqa ku soo gasho.
Hase ahaatee jawaabtaydu waxay la xiriidhaa in heeskani aanu ka mid ahayn
kuwa rasmiga u ah (lagu yaqaan ama u hirgalay) Axmed Mooge. Sideedaba
halka aan ka taagnahay waxa weeye in heeskaasi aanu u qalmin qofka loo
saarinayo. Si kastase ha ahaatee, dadku isku dookh ma noqon karaan.

: Hadaynu tusaale u soo qaadno, heesta *suleekhaay aragaagu nafta


: waa u samar siis* waxaa ku luuqeey markii ugu horaysey. Maxamed Nuur
: giriig, Misana waxaan dhegeystay Axmed Mooge oo ku luuqaynaya.

Waxaad ka hadlaysaa dad aanay xooluhu u kala soocnayn, Yaasiinow.
Hadraawi iyo ilmo Mooge, waxay ila tahay in aan la kala dhexgelin :-)

: Waxaan uga socdaa heesaha Somaalida hadba kii soo gaadha ayaa ku
: luuqeeya.

Waa bay ahayd, "Yaa maali jirayeey", haatanse waxaad mooddaa in la soo
yare ilbaxay oo waxaaba soo baxay "Labels, trade marks, iyo registred copy
rights". Haddii qofkii soo gaadha uu iska qaado heesaha Soomaalida, aaway
xuquuqdii qofkii curiyey, kii muusigga sameeyey iyo kii loogu talagalay in
uu qaado? Xaaladda aad haatan aragto ee ah in dad kale howlahood la iska
bililiqaysto waxay ila tahay in aanay qiil u noqon karin sabab qof waliba
heeskuu doono uu uga macaasho (magac/maal).

Nabaadiino,

Dek Dirie

unread,
Jan 28, 1997, 3:00:00 AM1/28/97
to

Mudane Cumar:

Sidaad uga cudurdaaratayba, ma jecli in aan kugu furo dood heeseed oon
kansho loo hayn si marka loo eegana aan ka agab sokeyn sagaaro waa
cabtaa iyo ma cabto. Haddana waxaan ka ahaan waayay inaan eray iyo laba
ka iraahdo naqdintii aad ka bixisay laba meeris oo aad ka soo xigatay
laba hees.

Intaynaan u gondo degin naqdinta, aynu horta isla meel dhigno qeexda
waxa la naqdinayo. Anoo taa uga gol leh in haddaynu qeexda isku raacno
aynaan naqdintana ku kala fogaaneyn. Waxaan bowsaday in heesuhu
suugaanta uga arooraan tixda; tixduna tahay fikrad qurux badan oo
suurayn, shaabbahaad, duurxul ama farshaxan kale oo suugaameed lagu
dheehay. Waxay leedahay dhis miisaaman oo la falgala ixsaaska qofka
kuna jideeya cufnaan, kobnaan, iyo madhaxsi hadal, asii gacan togaaleeya
macne aad u qoto heer. Waxa tiraabta ka sunsuma isla markaana qiimaha ay
tahan wax dheer tahay u yeela waa la-bixidda macnaheeda oo qofba
garashadi ka miisto.

Haddii la yiraah tixda ama guud ahaanba suugaanta ha loo naqdiyo qofba
say ula ekoonaato(subjectively), waxaa loo tegayaa walaahow wax naga
bara wacyiga naqdiyaha balse aan innaba wax ka sheegin
hawl-suugaameeddii uu is lahaa/ay is lahayd naqdi. In kastoo taasiba
faa'iidadeeda leedahay gaar ahaan markay il kaaga bixinayso khabiir adoo
kale ah, haddana siyaabo badan oo ka sahlan oon ku hanan lahayn baa
jira. Si wlaahowgaas looga xoroobo, waxaa habboon in suugaanta loo
naqdiyo sida ay tahay (objectively.) Ma sahlana, oo waxay togataa aqoon
iyo daraasad u baahan waqti badan oo aadan kolley Cumar ahaan u
quurteen. Waana laysugu dulqaadan karaa, oo kama khatar badna
cudurrada aynu maalin iyo layl iskala talino inagoon ahayn dhakhaatiir.
Balse, waxaa ila qurxoon kol haddii wax la xukumayo, laguna eedaynayo
mid caqabad ku ah diinteenna, dhaqankeenna, iyo aayaha ubadkeenna, in
kolka hore si qoto dheer loo lafo guro, loogana baaraan dego.

Yaa, Abu Xafsa! Waxaan kugu soo celinayaa labadii meeris. Bal si hoose
ugu gondadeg. Rogrog oo bal u qiil day. Hadday kula ahaato, inaad
dhaleecayntooda ku fududaatay, waa tacab rag waana hanti qarane, ha
nagala xishoon inaad waxay xaal iyo xumays leedahay madaxa saarato,
siday meerisyadu ahaayeenna aad noogu soo celiso. Waa ogahay, oo waad
ku filan tahay.

nabadgelyo,

Deeq Diiriye

Yassin H Abdullahi

unread,
Jan 28, 1997, 3:00:00 AM1/28/97
to

Abdullahi Abukar wrote:
>
> Yassin H Abdullahi <ayha...@utkux.utcc.utk.edu> wrote:
>
> : > : wali waa caruuroo
> : > : waa laan curdinahoo
> : > : waxaa loo carbinayaa
> : > :- sida faras colaad iyo
> : > : dakane u curtamayaan.
>
> : A.Abukar, heesta Mustafe soo qoray waxa markii ugu horaysey ku
> : luuqeeyey Fasal Cumar Mushteeg. Hase ahaatee Axmed Mooge qudhiisuna waa
> : ku luuqeeyaa. Xitaa waxaan maqaalo ah in Cumar Dhuule ku luuqeeyo,
> : inkasta oo aanan anigu dhegaysan.
>
> Walaal Yaasiin,
>
> Marar badan waxaa dhacda in, iyadoo fannaan la soo casumay, laga codsado
> inuu ku heeso hees uu fannaan kale hore u qaaday, markaana codsigaas
> aawadiis munaasibaddaas looga qabtay oo ay cajaladdii suuqa ku soo gasho.
> Hase ahaatee jawaabtaydu waxay la xiriidhaa in heeskani aanu ka mid ahayn
> kuwa rasmiga u ah (lagu yaqaan ama u hirgalay) Axmed Mooge. Sideedaba
> halka aan ka taagnahay waxa weeye in heeskaasi aanu u qalmin qofka loo
> saarinayo. Si kastase ha ahaatee, dadku isku dookh ma noqon karaan.

Assalamu Calaykum.
Bacda Salaan, Walaal Abukaroow waxaan u malaynayaa iminka ayaynu
isla meel dhignay heestii Mustafe soo qoray. Waa looga horeeyey laakiin
way dhacday inuu ku Axmed mooge ku luuqeeyey oo cajladaha ay ku duuban
tahay Fasal Cumar haba lahaadee.

>
> : Hadaynu tusaale u soo qaadno, heesta *suleekhaay aragaagu nafta
> : waa u samar siis* waxaa ku luuqeey markii ugu horaysey. Maxamed Nuur
> : giriig, Misana waxaan dhegeystay Axmed Mooge oo ku luuqaynaya.
>
> Waxaad ka hadlaysaa dad aanay xooluhu u kala soocnayn, Yaasiinow.
> Hadraawi iyo ilmo Mooge, waxay ila tahay in aan la kala dhexgelin :-)
>

Abukaroow walaal waxaan is lahaa murtida Hadraawi ilma mooge waa laga
badsadey sawdiga xoolihii isugu daray :-)
Waxaan uga socdaa raga murtida Hadraawi aad ugu luuqeeya waxaa ka mida
Maxamed Nuur Giriig, oo labadii riwaayadood ee u horeeyey ee Hadraawi
sameeyey qayb ka qaatay (waa HADIMO iyo REER BA'OOW YAA KU LEH). Waxaa
isaguna murtida Hadraawi aad ugu luuqeeyey Qalinle oo ilma mooge aad uga
bursaday.
Hadaynu tusaale u soo qaadano, Maxamed Nuur Giriig. Waxa uu ku
luuqeeyaa heesa aad u badan oo Cabdi Qays leeyahay, oo hada Cabdi Qays
laftirkiisu ku luuqeeyo..Sida:
Ubixii baxaayaay sowdigan abaarsaday,
Dumar nimay legdaan lugta kama dejaan
Waxaan ahay galgalad
Hawen waa kuwa idiley
Afartaba Cabdi oo ku luuqaynaya waan dhegeystey, Maxamed nuur oo ku
luuqaynayana waan dhegeystey. qaar kale oo Cabdi aan ku luuqayn laakiin
curintooda uu lee yahayna wuu ku luuqeeyaa. Hadaba mala odhan karaa
xooluhu uma kala soocna?????


> : Waxaan uga socdaa heesaha Somaalida hadba kii soo gaadha ayaa ku
> : luuqeeya.
>
> Waa bay ahayd, "Yaa maali jirayeey", haatanse waxaad mooddaa in la soo
> yare ilbaxay oo waxaaba soo baxay "Labels, trade marks, iyo registred copy
> rights". Haddii qofkii soo gaadha uu iska qaado heesaha Soomaalida, aaway
> xuquuqdii qofkii curiyey, kii muusigga sameeyey iyo kii loogu talagalay in
> uu qaado? Xaaladda aad haatan aragto ee ah in dad kale howlahood la iska
> bililiqaysto waxay ila tahay in aanay qiil u noqon karin sabab qof waliba
> heeskuu doono uu uga macaasho (magac/maal).

Ma xuma hadii ka curiyey iyo ka ku luuqeeyeyba xuquuqdiisa la siinayo.
Laakiin waxaad moodaa raga Hal-abuurada ahi inaanay dan iyo heelo toona
ka lahayn cid alaale iyo cidii ku luuqaynaysa heesahooda oo wax kasta ay
uga hanweyn yihiin magac iyo hebelbaa heestaa curiyey.
Kuwa ku luuqeeyaa dabcan way jeclaan lahaayeen inaan lagaga daba luuqayn
oo wax isaga u gaar ah ay noqoto.
Mar waxaan dhegaystay Cali sugule oo leh waxaan jeclahay in heesta aan
curiyo meel alaale iyo meeshii af-soomaali lagaga hadlayo lagu dhegaysto
fanaankii doonaana uu markuu doono ku madadaasho.
waxaan taa sii raacinayaa halka Hadraawi qudhiisu ka taagan yahay oo uu
bedkan ku sifaynayo.

Hawraarahaygana
kuma xidho hunguriyoo
kama taliyo hoodoo
umadaydu haabkay
ugu heelan tahay baa
hanti iigu filanoo
hanqaltaaga xoolaha
waxaan uga hanweynahay
hanbalyada salaantiyo
hadal-haynta magaca.

Mar kalena waa tuu lahaa
Suugaantu IIB maaha
Hadaba halkaa waxaa inooga cad inaan hal-abuurku dan kalahayn cid
alaale iyo cidii qaada murtidiisa. Laakiin hadii imanka la go'aansado
in la bedelo habkii hore...iyaduna waa well and good

Ramadan Kariim Abukar, Rabi saymo kaa dhowr

Amaano Allah

Yassin

0 new messages