Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Xerta Laba Gadhle Iyo Wareenka Usuusha Islaamka!!

18 views
Skip to first unread message

Daud7

unread,
Jan 23, 2000, 3:00:00 AM1/23/00
to

Dear Cavers:

Xaqa iyo qaddarinta uu Islaamka siiyay dumarka islaamka ma ahan mid la marin
habaabin karo ama la beddeli karo. Waa ayaado cad cad, waa axaadiis saxiix ah
iyo waa faham iyo ijmaacul ummah. Laakin waxaad arkaysa markii codka iyo
warfaafinta reer galbeedka sii kordhaba qolo tareenkii islaamka ka daadanaya oo
doonaya fikradii reer galbeedka inay maro islaami ah saaraan. Waxaa arrinkaasi
tusaalaha u ah Suufigan laba gadhle iyo xerowgiisa Qaasim qayrul Amiin fii
naqlihi.


Waxaa intaa ka daran sida ay thawaabidda (foundationkii) islaamka ugu
ijtihaadayaan without a single qualification!! waaba haddii uu qualification
wax qaban lahaa. Nas iyo fahamkii culimada u aabi yeeli mayaan. Iyaga oo cilmi
lahayn ah ayay doonayaan inay dumiyaan ama ku ijtihaadaan usuusha Islaamka.
Laba Gadhle ayuu ahaa kii lahaa Khomeini iyo Siyaad raximahumullaahu,
wareemayay jiritaanka Qiyaamaha, ama gaalaynayay dad dhan oo muslimiin ah.
Waxay aqoon darradii gaadhsiisay inuu yidhaahdo waxaad caabuddaan Buudada.
Waxaa iminka maqaalkan hoose ku been abuuranaya Qaasim oo ka been sheegayay
intii muddo ahayd xaqa uu Islaamka siiyay dumarka.


Naf jabka gaadhay Qaasim waxaad ka akhrisan kartaa sida uu markhati kaca uga
marin habaabiyay. Waxay u egtahay in uu yahay arday aanan soo marin baraarugga
cilmiga ee ka jidha Somaliya ama dunida islaamka. Kooxda Soomalida Cusub ee uu
ka tirsan yahay waxay u muuqata in ay yihiin koox isku darsatay aqoon darro iyo
indho adayg ka fog diinta Islaamka iyo usuusheeda.


Aynu dhowrno goortii ay arkaan ayda ay jafayaan.

Ina Da'ud

Qasim wuxuu qoray:


>>>SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA Anigu waan qirsanahay, weyna caddahay in aysan
dumarku u bislayn ayna ku =adag tahay in ay aqbalaan ku hawlanaanta shaqooyinka
uu raggu la gaarka n=oqday sida; siyaasadda, xukun dacweedka, talooyinka
maskaxda lagu dhalaal=iyo iyo u kicidda hawlaha dhibka leh ee addinka laga
qabto. Laakiin midda aan iyana qarsinka ku caddeeyey ama ku amrayba in si
dhaqs=o ah oo aan sugid iyo gabasho toona lahayn loo sugo xaqqa rasmiga ah ee
a=y haweeneydu leedahay, lana joojiyo si deg deg ah dhammaanba falfal
xumoo=yinkii kala duwanaa ee lagula dhaqmi jiray haweenka. Taasi waxa ay ahayd
=mid ka mid ah mushkiladihii ugu waa weynaa ee uu Islaamku xalliyey ama
fo=olxumadaas uu Qura'anku bohosha ku xabaalay. Hase ahaatee waxaa nasiib darro
laga naxo noqotay markii dib loo soo faga=y, weli markii ay dadyowgii diinta
Islaamka rumaysnaa ugu hormareen dadyo=wga duudsiiya xuquuqda dumarka iyaga oo
si cad u khilaafaya awaamirtii ay= diinta Islaamku siinaysay, kuna sii
adkaysanaya amase ayba ka sii xoog b=adinayaan oo sii jiidanayaan dhaqamadoodii
qallafsanaa ee ka soo horjeeda=y xuquuqda dumarka gaar ahaan, guud ahaanna
xuquuqda aadanaha. =Bal haatan aan u soo dhaadhacno mawduuceena ee waxaa
ku jirta Qura'nka sa=gaal Aayadood oo ka hadlaysa maragfurka. Mid keliya oo ka
mid ah ayaana s=i gaar ah isha ugu qabatay dumarka. Aayaddaas qudheedu uguma
qaban isha s=i cadawtinimo ama yasid ee waxa ay ujeeday si markhaati ku sugid
waaqici =iyo duruuf caado iyo dhaqan oo ka jiray deegaanka. Si kale marka loo
dhah=o odhaahdan waxay aayadu u jeedaa in si caddaalad loo sugo lagu saleeyo
m=aragfurka takhasus iyo xirfad aqooneed.<< =

abudu...@al-huda.ca

unread,
Jan 23, 2000, 3:00:00 AM1/23/00
to
In article <20000123120456...@ng-bj1.aol.com>,

Akhyaarta,

Waxay ilatahay dad waxaa uliita ninkii yiraahda Ilaahay baan
ladagaallamayaa. Taasi waa macrako ay labadaan nin ee aad kahadashay
halaaggooda soo dadajinaya, waa khasare kudhacday badeecadooda, waa
tuuryadooda oon meella gaari doonin, wixii atbaac ah oo ay helaanna
cirib xumadaas uun bay ka waraabin doonaan.

Diinta saxiixa ah ayay mudan yihiin inay u indha kala furaan, waxaa
waajib ku ah inay xeraystaan oo Islaamka buug iyo qalin usooqaataan.
Arrinku Oryatayshinkii soomaaliya waa kawayn yahay, oo waa waxyi samada
kasoo degay, guurti kutakhasustayna ay adduunka weli joogaan, diyaarna
uyihiin qofkii raba inay Islaamkaas saxda ah kawaraabiyaan.

Ma ladiiday taas, oo waxaa laga doortay garaaca durbaanka marin
habaabiska ah ee qarbigu madaxda uyahay, hadii xaalku saas yahay aan
eegno khasaaraha adduun iyo kan aakhiro qofkii tafaha looga buuxsho!!!.


Alloow maxaaa gudcur habeen indhaha lagu caddeeyey.


Abuu Dujaana.


Sent via Deja.com http://www.deja.com/
Before you buy.

FU'AD

unread,
Jan 24, 2000, 3:00:00 AM1/24/00
to
 
Asalamu Alikum
 
Dear akhyaarta
 
Sida ay leeyahiin sharaadan iyo IbnuQayim qaladkii u horeeyay e caqli lagu saleeyo waxaa asaasay Ibliis markuu yidhi MA anigoo dab laga abuuray ayaa mid dhoobo laga abuuray u sujuudaya, u hogaasnami maayo amarkaas. Markii la yidhi amarka ilaahay u hogaansana gacantuu ku saydhay.
Waxuu yidhi sheekhan aan haldlkiisa soo  Quoto gareynayaa arinta soomaliya ku yeelatay saamaynta waa caqlaaniyadii hore. Waxu dib u yara raacay taariikhdii hore caqlaaniyada inkastoon soo dhajin doono hadalkiisa oo dhan. Waxu yidhi Sheekh Shible" Sida uu sheegayo Imaami Dahabi . Ninkii aasasay caqlaaniyada oo la oran jiray CAMAR IBNU CUBAYD, Waxuu yidhi wxa loo sheegay xadiiska caanka ah ee uu soo wariyay asxaabigii waynaa ee IBNU MASCUUD uu yidhi Nabiguna (Csw) oo ahaa  Saadiqul Masduuq ayaa ii sheegay.
 
Xadiiska ahaa bini aadamka  afrtan cisho ayuu ku jidhayaa caloosha hooyadii, ka diba baa la qorayaa isaga oo ku jidha caloosha hooyadii afar wax RISIQIHI,  WA AJALAHII, WA CAMALAHII, WA SHAQIYUN  AW SICIIDUNCamar Ibnu Cubayd (sheekha Lab Gare sidaan Filayo) oo caqligiisu siin waayay qofka gaal iyo Islaam horaa loo soo qoray waxuu noqonayo, ayaa waxaa uu yidhi yaa warkan idinku yidhi, Markaasa lagu yidhi Acmash, can Sayd ibnu wahabin, caniibnu Mascuudi, cani nabiyi sala laahu calyhi wasalam.
Ila eega waxuu yidhi Camar " Waxuu yidhi hadaan maqli lahaa isagoo Acmash hadalkaa ku hadlaya Beenaale ayaad tahay ayaan oran lahaa, Sayid hadaan ka maqli lahaana waan ku radin lahaa, hadaan C/laahi ibnu mascuud ka maqli lahaana waxaan oran lahaa waxan malaa si fiican maad uga soo xifidiyn Nabigii(scw), Hadaan nabiga ka maqli lahaana maanan ka aqbalee, hadaan ilaahay ka maqli lahaana arintasi maaha arintaad balanka igaga qaaday,  u fiirsada halkay ka marayso Camar ibnu cubayd oo ah ninkii aasaasay Muctasilada ama Caqlaaniyada oo usuushooda shanta ah dhigay. Waa ninkii aasaasay in nusuusta lagu miisamo caqliga.
 
Sheekhan sheekh shible tusalooyin aad u faro badan oo mid walba ka soo quto gareeynayo kutubadoooda kuwii ugu wawaynaa ayuu soo qaatay waxaaka mid ahaa sh cabdi Cassiis Jaawiish oo jideeyay " Xadiiska nabigu haba sugnaade haduu ka hor yimaado hormarka aduunka iyo cilmiga in daaqada lagu dhufanyo".
 
Aan iska dhaafo nimankaas oo dhan inkastooy hadaladoodu midba midka ka daran yahay oon dib u soo dhajin doono, aan u tago  waxuu ka yidhi Sheekh shible  Dr Xasan Turaabi . Waxuu yidhi markii la waydiiyay xadiiska ku sabsana duqsiga ee ahaa haduu ku dhaco duqsi weelka/sharaabka intaad galisaan iska tuura, labada dhinac midkood cudur buu ku wataa midna dawo. MArkaas ka waran baa la yidhi xadiiskaas. Hadalku ku hadlay dhagysta " ARINKANI WAA ARIN CAAFIMAAD, NINKA GAALKA AH WARKIISA AYAAN QAADANAYA, MANA QAADANAYO NABIGA HADALKIISA (SCw), HABA YAARATEE WAX DAREENA OO AAN NAFTAYDA KA DAREEMAYAANA MA JIRO"
 
Intaas hore hor dhac ayay iga ahayd waxaa igu kalifay xalay ayaan nin professor ka ah Ingiriiska ayaa noo yimid oo noo muxaadareeyay. Waxuu soo qaatay in xadiiskan uu ku islaamay nin sceintist Canadian ahi 2 years ka hor uu ku islaamay.
Waxuu yidhi ninkaas scientiska ahi isagoo jooga qolkiisi laabka oo koob bun ahna samaysatay ayaa duqsi uu dhagaha kaga qaylay dabadeed uu ku dhuftay gacanta, oo uu Duqsigii ku dhacay koobkii bunka ah, markuu halkaas marayo ayuu xasuustay hadal laga sheegay ninka u ah muslimiinta nabigooda(scw) oo yidhi dhex quusiya ha daadinina'e, waxuu yidhi ninkii ayaa yidhi bal waa in aan ninkan warkiisa  soo xaqiijaya waxuu markaas baadhay labadiisi baal. Waxuu ogaaday in ka uu ku riday uu yahay midka bacteria wato ka kale marka la quusiyana uu wato substance balance garynaysa ama nuugaysa bacteriadaas, Halkii ayuu ku islamay oo uu yidhi diintani waa xaq wayo yaa siiyay Microscopka uu ku arkay bacteriada iyo waxaas iyadoo xiligaas iyo meesha uu joogay Rasuulku Scw ay ahaayeen meel aan xadaarad lahayn.
 
Waa wax lagu qaato. Nin sheekha oo fadhiyay oo sheekh South african ahaa ayaa waydiiyay oon u malaynayo in uu akhriyay hadlka Turaabi sheekhow waxaa jira dad maanta oranaya waa in lagu saleeya axdiisata iyo quraankaba caqliga oo haday ka hor yimaadaan waa in lays waafajiyaa, oo xitaa hadaad tusto buu yidhi xadiis Bukhaari so waryiyay ku oranaya caqliguu ka hor imanayaa ee bal ka waran dadkaas.
Nikaas si cajiiba ayuu uga jawaabay kheyr ala ha siiye. Oo ah Diintu Rayi maaha haduu ninba rayi ku soo dari lahaana way faasadi lahayd, waxaanu yidhi ninmka diida xadiiska nabiga ee yidhaa caqliguu ka hor imanaya wax kaloon idhaa garn maayo buuyidhi oon ahayn waa Munaafaqin.
 
Fu'ad
 

2garre

unread,
Jan 24, 2000, 3:00:00 AM1/24/00
to
Ina Daa'uud,
Kaa nixi lahaydee iyo u bogi lahaydeeba Journaalka Codka Somalida Cusub waxaa
liiskiisa ku jira boqolaal soomaali ah oo maalin kasta bogaadin iyo hambalyo inoo
soo dira, haddii aad doonayso in aad hubsato warkaas, eegg bogga uu ku jiro liiska
SEJ.

Anigu waan idiin digay, adiga iyo afarta wahhaabiyada ah ee gubatay ee goobtan ku
luggo'ay, meeshan toban qof baa timaada, soomali badan ma aqarsato mana timaado
liiskan.

Marka adiga iyo saddexda saaxiibadaa ah jaahilnimo iyo takhalluf baad ku harteen,
waxaan idin dhihi lahaa ku soo biira mowjadda cusub ee soomaalida qurbaha ku dhaqan
ee xorta ah, kana madaxa bannaan carab iyo quraafaadkeeda.

Intaas iyo salaamaad. Waxaan sugaaba waa dalabkiinna si aan idinkugu daro Somalida
Cusub, haddii kale eeyaha la roobeeya!!

2Garre

Daud7 wrote:

0 new messages