Cabdullaahi Abuukar
Toronto, May 20, 1996
Maxamed Suleebaan Tubeec waa caafimaad qabaa, waxaana uu haatan ku nool
yahay magaalada Geneva ee waddanka Switzerland.
Warar aanan sugnayn ayaa maalmahan dambe, gaar ahaan magaaladan Toronto,
waxaa la isla dhexmaraayey in fannaanka weyn ee Soomaalidu ku magacowday
"Boqorka Codka" uu caafimaadkiisu aad u liito islamarkaana dhaqaatiirtii
wax ka qaban waayeen. Waxay weliba sheegeen in uu codsaday in Afrika lagu
celiyo si noloshiisa inta yar ee ka hartay uu ugu dhammaysto.
"Waxaasi waxba kama jiraan," ayuu yiri isagoo arrimahaas beenaynaya
Maxamed Cusmaan, maamulaha Hoyga Fanka iyo Fannaaniinta ee magaaladan
Toronto. "Dhowr bil ka hor aan soo arkay, Jannaayo iyo Febraayo aan la soo
joogay, waana ladan yahay Maxamed Saleebaan."
Maxamed Saleebaan waxa uu muddo joogay Nayroobi, Kenya, halkaasoo uu
qaxooti ku ahaa ka dib qaraxii dagaallada sokeeye ee Soomaaliya. Fannaanku
aad buu Kenya ugu xanuunsaday, waxaana ka soo kaxaysay gabadh Soomaaliyeed
oo ka mid ahayd dadka ka hela ama jecel codka Maxamed Saleebaan Tubeec.
Markii ay xaalladdiisa maqashay ayaa la sheegay in ay gabadhaasi ugu
tagtay Nayroobi, ka dibna u soo dhoofisay Geneva, halkaasoo lagu daaweeyey
fannaanka.
"Wax aan duqnimo ahayn waa ka fayow yahay," ayuu yiri Maxamed Cusmaan.
Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu ka mid yahay dadkii aasaasay fanka
Soomaaliyeed, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay fannaanka ugu codka
wanaagsan fannaaniinta Soomaaliya. Tubeec ma naqaan da'diisu inta ay
tahay.
Nabadgelyo,
Cabdullaahi Abuukar.
Waad mahansantahay
Habib
Afkaaga caano lagu qabay!
Horta marag ma iiga tahay in uu fanka suleebaan billaabay?
Waxaad iyadana iiga marag tahay in fanka uusan dhaqanka soomaalida ku jirin
sooma aha mise igama gubataad leedahay oo waad ka noqonaysaa.
Hadda ogow dhaqan waa kii awowgaa laga dhaxlee.
Allow alle, waryaa cabdillaahi war kuwii hal abuurka yaqaannay ee soomaalida
dhabta ah ahaa baan cudurradoodi daawo u daydayaynaaye adeerow qolyahan
damiinnada ah ee biraha qaraaca ee sacabkii iyo durbaankii ku fillaan waayay
bal naga joojiya waa AIDS e.
Muxammadkaa buka aannu u rajayno inuu alla tawbadda haleeshiisiiyo ee hareera
kaca ka daaya.
Nabadeey
Khaliif Waylac.
>
--------------------------------------------------------------------------
Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
---------------------------------------------------------------------------
Maxamed A. Amiir
*********************SIXID******************************
War biraha la tumayo waa muusigga ee wax kale ninkii u fasirtoow
waa adiga.
Saakaa waxaa ii timid bahalwaraaqa ooy ka dhacayso, salkeeduna yahay
biraha la tumanayo een sheegay!
War waxaan ka waday, danbigii kuwii gabayaaga ahaa ee hore eee dhaqanka ka
midka ahaa baan u taag la'nahaye kuwan Hoballada ah ee muusigga iyo waxaanan
aqoonin la yimid naga daaya.
Lababa isi saaray.......
Wasalaamu calaykum.
>Maxamed A. Amiir
********************************************************************
Maxamed wixii aan oran lahaaba adigaa yiri
anaguna sidaa oo kale ayaan ugu faraxnay warkaa uu nosoo bandhigay abukar
ee farxada leh kuna saabsan fanaanka MAXAMED SALEEBAAN iyo xaaldiisa caafimaad
gabdhana laha ka abaal mariyo guushaas iyo wanaaga ay gaystay.
many thanks
Mahad
Mohamed Amir (ci...@torfree.net) wrote:
: Salaan qiimo badan kadib, Cabdullahi ku mahadsanid warka farxadda leh ee
: aad nooga keentay Fannaanka weyn, Maxamed Suleymaan. Waa howl mudan ammaan
: iyo mahadnaq.
Adigaa mudan, waanan kaa qaaday salaantaadii. Waxaanan ku leeyahay ku soo
dhowow golahan SCS, hana is martiyeyn. Haddii meel la wada fadhiyo, waxaan
is oran lahayn waa hebel iyo waa hebel iyo barasho wanaagsan, balse sidaan
isu dhex yaacaynay oo isu jiiraynay, ayaa lays wada bartay. Markaa
"iskarow" waxa jira qolyo la yiri waa "Cave Outlaws" :)
Sidoo kale waxaa la yaab leh dadnimada iyo waddanimada ay
: muujisay gabdha aad halkan ku soo sheegtay. Haddi ay kuu suuragsho
: magaceeda ma la heli karaa si aannu ugu ogaanno waxa ay sameysay. Waxaa
: horay loo yiri Mawd ninkiisaa marasaarta. Ummad walibana iyadaa weyneysata
: halyeeyadeeda u qabta waxa aysan dan gaarihi ugu jirin.
Amiirow waa sidaad u sheegtaye, gabadhan Soomaaliyeed waa gabar ammaan iyo
sharafba mudan. Maxamed Saleebaan waa fannaan qaran, daryeelkiisuna waa
daryeel qaran. Waxaa gabadhan magaceedu igu soo gaaray Xayaad. Ma
garanayo wax loogu daro.
Sidoo kale, waxaa Xayaad marti u ah fannaanadda caanka ah ee Qamar
Cabdillaahi Harawo iyo Ooyaaye Sheekh oo isaguna ka mid ah muusikiistaha
Waaberi.
Nabadey,
Cabdullaahi Abuukar.
Khaliif Waylac (kaa...@bolton.ac.uk) wrote:
: Afkaaga caano lagu qabay!
: Horta marag ma iiga tahay in uu fanka suleebaan billaabay? Waxaad iyadana
: iiga marag tahay in fanka uusan dhaqanka soomaalida ku jirin sooma aha
: mise igama gubataad leedahay oo waad ka noqonaysaa. Hadda ogow dhaqan waa
: kii awowgaa laga dhaxlee.
Haddii Khaliifow dhaqan awoowe laga soo gaaray, taasna aanu isku raacnay,
waxaanad igu diidi karayn in dadka aad tixraacayso ay iyaguba awooweyaal
yihiin; abkow, abooto, iyo abuulanba haddii aad u garanayso :)
:
: Allow alle, waryaa cabdillaahi war kuwii hal abuurka yaqaannay ee
: soomaalida dhabta ah ahaa baan cudurradoodi daawo u daydayaynaaye adeerow
: qolyahan damiinnada ah ee biraha qaraaca ee sacabkii iyo durbaankii ku
: fillaan waayay bal naga joojiya waa AIDS e.
Khaliif, biraha aad sheegayso (muusik haddii aad tiraahdo maxaa kaa
ba'aaya) waxa ay la socdaan sacabka, durbaanka, iyo luuqda ciyaaraheenna
hiddaha iyo dhaqanka lagu yaqaan. Sida gaadiidkuba marxalado kala duwan u
soo maray ayuu muusigguna u soo maray oo maantana aanu ku maqalnaa,
tixraac ahaanna ma adka in asalkoodii la baaro. Haddaba bal aanu aragno
haddii aad kala saari karayso. Mise haddaad misna oran doontaa igama
gubato? Adaa yiri dhaqanku waa kii awoowe laga soo gaaray.
: Muxammadkaa buka aannu u rajayno inuu alla tawbadda haleeshiisiiyo ee
: hareera kaca ka daaya.
Horaa loo yiri, "Nin durbaan tumay cilaaq dalbay". Qaar baa oran qaylada ha
naga daayo, qaarna waa u jiibiyaan oo dunidaaba iska caynkaas ah. Gaw iyo
gish ma lehda aad ku haysaan, malahayga waa la idiin dhaamaa oo dadka
basar baa wax loogu sheegaaye xasaradda jooji. Mise xaalkaagu waa "Fiqi
xertiisa kama janno tago" :) U fiirso.
Nabadey,
Cabdullaahi Abuukar.
Walaal Habib Abdi:
Maxamed Saleebaan waa la qabanqaabin karaa safar uu Waqooyiga Ameerika ku
yimaado. Tan iyo haatanse waxaa la ii sheegay in ay dhowaan halkan
(Toronto) imanayaan Maxamed Axmed "Kuluc", Faadumo Qaasin Hilowle iyo
Cabdiraxmaan "Ow Koombe". Fannaaniin kale oo la filayana waa jiraan, mase
sugna goorta safarradoodu innagu soo beegan yahiin. Imaanshaha halkan ee
fannaaniintu, sida ay ila tahay, wuxuu ku xiran yahay hadba sida
bulshadoodu (Somali Community) u doonayso, ama in la helo dad damaanad
qaada, maadaama aanay Soomaaliya lahayn "baasaboor" dunida laga aqoonsan
yahay oo lagu safro. Waa la ceebaysan yahay ma is tiri!
Waad mahansantahay
Nabadey,
Cabdullaahi Abuukar.
Wacalaykum asalaam
> Gaw iyo
>gish ma lehda aad ku haysaan, malahayga waa la idiin dhaamaa oo dadka
>basar baa wax loogu sheegaaye xasaradda jooji. Mise xaalkaagu waa "Fiqi
>xertiisa kama janno tago" :) U fiirso.
>
Xasaradda jooji?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Xasarad?!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Khaliif Waylac.
>Nabadey,
>
>Cabdullaahi Abuukar.
Waxaan aad ugu farxay in uu weli jiraan dad weli u heeggan
sheegidda wanaagga iyo tabantaabada bulshadayada.
Fanka Soomaaliyeed waxaa uu ka mid waxyaabihii la socday
cajaladda gumeystaha, waxaana filaya dood iyo daba ku
filan maanta waa ku fooraraan,
Hadalkaa ila tagaye waxaa ii muuqata in xaaladda
Soomaaliya maanta ay u baahan in lagu akhriyo il islaami
si loo turxaan tiro jabka gaadhay qoyska Soomaaliyeed iyo
wada jirkiisii. Qabyaalladu iyo articles laga soo guuriyey
dasaatiirka reer galbeed waxaan filaya inay yihiin wixi na
dhaxalsiiyey heerka aannu maanta joogno. Marka waxaa aan
jeclaan lahaa dooddan godkani ka socotay inaan ku soo
kordhiyo bal inay dad badan oo qaba in islaamku yahay
xalka keliya ee mushkiladda Soomaliyo ama guud ahaan
dunida yahay ee dadow dadow maxaad tidhaahdeen.
Omar
dunida yahay ee dadok...@bolton.ac.uk (Khaliif
W
aylac) wrote:
>In article <Drq3yz.Lx3...@torfree.net>, cc...@torfree.net (Abdullahi Abukar) writes:
>>XAALADDA MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC
>>
>>Cabdullaahi Abuukar
>>
>>Toronto, May 20, 1996.
>>
>>Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu ka mid yahay dadkii aasaasay fanka
>>Soomaaliyeed, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay fannaanka ugu codka
>>wanaagsan fannaaniinta Soomaaliya. Tubeec ma naqaan da'diisu inta ay
>>tahay.
>>
>>Nabadgelyo,
>>
>>Cabdullaahi Abuukar.
>>
>>
>
>Afkaaga caano lagu qabay!
>Horta marag ma iiga tahay in uu fanka suleebaan billaabay?
>Waxaad iyadana iiga marag tahay in fanka uusan dhaqanka soomaalida ku jirin
>sooma aha mise igama gubataad leedahay oo waad ka noqonaysaa.
>Hadda ogow dhaqan waa kii awowgaa laga dhaxlee.
>
>Allow alle, waryaa cabdillaahi war kuwii hal abuurka yaqaannay ee soomaalida
>dhabta ah ahaa baan cudurradoodi daawo u daydayaynaaye adeerow qolyahan
>damiinnada ah ee biraha qaraaca ee sacabkii iyo durbaankii ku fillaan waayay
>bal naga joojiya waa AIDS e.
>
>Muxammadkaa buka aannu u rajayno inuu alla tawbadda haleeshiisiiyo ee hareera
>kaca ka daaya.
>
>Nabadeey
>Khaliif Waylac.
>
>>
>--------------------------------------------------------------------------
>Qur'aankuu macbuud soo dajee malag u soo dhiibay
>murtidaa rasuulkiyo sunnaha lagu macnaynaayo
>inaan midigta saarroon wax kale maya nidhaa weeye.
>---------------------------------------------------------------------------
w dadow maxaad tidhaahdeen.
Omar
Waxaan aad ugu farxay in uu weli jiraan dad weli u heeggan
sheegidda wanaagga iyo tabantaabada bulshadayada.
Fanka Soomaaliyeed waxaa uu ka mid waxyaabihii la socday
cajaladda gumeystaha, waxaana filaya dood iyo daba ku
filan maanta waa ku fooraraan,
Hadalkaa ila tagaye waxaa ii muuqata in xaaladda
Soomaaliya maanta ay u baahan in lagu akhriyo il islaami
si loo turxaan tiro jabka gaadhay qoyska Soomaaliyeed iyo
wada jirkiisii. Qabyaalladu iyo articles laga soo guuriyey
dasaatiirka reer galbeed waxaan filaya inay yihiin wixi na
dhaxalsiiyey heerka aannu maanta joogno. Marka waxaa aan
jeclaan lahaa dooddan godkani ka socotay inaan ku soo
kordhiyo bal inay dad badan oo qaba in islaamku yahay
xalka keliya ee mushkiladda Soomaliyo ama guud ahaan