Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Marin habaabinta Taariikhda Muslimiinta!!

76 views
Skip to first unread message

Daud7

unread,
Jan 22, 2000, 3:00:00 AM1/22/00
to
>2garre< writes:

>F.G: Cutub ka mid ah risaaladayda (Ph.D) ayaa ku saabsanaa mowduucan aan
>hadda ka hadlayo ee ah sidii ay u dhasheen madaahibta fikriga ah ee
>Islaamku, oo ay Salafiyadu ka mid ahayd iyo xarakadii Ibn Xambal. Qofkii
>doonaya in uu aqriyo ama la soo dego Cutubkaas oo Carabi ku qoran halkan
>ha riixo:

Laba Garre,


Adiga oo naga diiday in si cilmi uga jawaabto su'aalihii badnaa ee aynu ku
waydiinnay waxaa inoo cad in Risaalada aad ku takhsustay tahay mid aad cilmi
badan ku siinin iska daa daraja ay ku siisee.

Waxaa cad kuwa niqaashay inay ahaayeen kuwa xaaqiidiin ku ah cilmiga aslaynka
iyo mahabka salafka.

Ma noo sheegi kartaa raggii niqaashay risaaladaad ku sheeggaagii?

Dr Saqqaaf al urduni miyuu ku jidhay?

Ma noo sheegi kartaa maraajicda aad adeegsatay iyo ragga qoray?. Maxamed
Cammaara al mustaniir ma ku jidhay?.

I hope inaad ka jawaabto su'aalahaasi oo

Guuleedba Shahaado ayuu ka qaatay kuliyadda daraasaadka?.

Ina Da'ud


2garre

unread,
Jan 22, 2000, 3:00:00 AM1/22/00
to
Ina Daa'uud:
Nin jaamicad tegay hadduu i waydiiyo su'aashan, waan u jawaabi lahaa, laakiin
adigu waligaa jaamicad ma tegin, risaalo la niqaashayana ma aadan arag, marka
sidee wax kuugu sheegaa? miyaadan arag 200 ee kitaab ee aan risaalada M.A-da uga
dhigay maraajicda? mise indhaha ayaad ka xirantahay.

Tan kale, maxaa cayda kugu jiidaya? war heedhe af xumidiinaa adiga iyo
abuudujaana, bal waxaad caayaysaa Professars aadan garanayn, oo aadan waligaa
film ka daawan.

Ilaah baan kugu dhaarshee waligaa ma tagtay Jordan? Mise tagtay Jaamicadda
Jordan, Miyaadse la kulantay culumada aad sheegtay, kutubtoodase ma aqrisay?

Ina Daa'uud iyo Abuudujaana, Cayda iyo Aflagaadada iska dhaafa, war waa ceeb, waa
xaaraan, waa wax Islaamka iyo bani'aadminimada ku xun, waa akhlaaq darro.

Qofka wax lagama sheego haddii aadan garanayn, Islaam baad sheeganaysaan?
Subxaana Laahi, War nin dhintay idinka fakan maayo, oo mid nool idinka fakan
maayo, oo sheekh iyo caalim, cisi maysaan.

Waxaa idinka liita kuwa culuma ahaanta idiin cisaynaya. War calaamadda u horreysa
ee Caalimka lagu aqoonsado waa akhlaaq wanaagga.
Aniga waxaad hadda igu haysataan masaa'il cilmi ah baad qalad ku gashay, OK,
taasi micne malaha, waa laga doodi karaa, ama aniga ayaa saxan, ama adinka ayaa
ku saxan, ama waa masaa'il khilaafi ah oo aanan sax iyo qalad loogu kala baxayn.
Masaa'ilkaas ayaad soo tiriseen:
------------------------------------------------------------------------
1) Siyaad barre khayr buu lahaa waana fiicnaa, Allena ha unaxariisto?
2) Khumayni alle ha unaxariisto?
3) Dumarka mutco ayaa lagula mucaasharoon karaa?
4) Imaamkii muslimiinta Axmed bin Xambal reer badiye ayuu ahaa aan
waxba aqoon?.
5) Cumar binu al kahddaab baa aasaasay madhabta caqlaaniyada, waxaana
hir geliyey Cabdullaahi ibnu mascuud?.
6) Akhiro majirtaa mise majirto(si aad u was waasiso dadka?.
7) Shaydaan Maxamed Guuleed was Great Somali Hiro and Sheekh? IWM.
8) Dadka Islaamiyiinta Canada jooga ayaa Sucuudi siisaa lacag ay iyaga
kudaafacdo????!!!!. Ogoow in Allah uusan arrimahaas oo idil diimmoonayn
kulana xisaabtami doono muddo dhaw, isuna diyaari ka jawaabidooda.
9) Saxaabada carab iyo cajam baa laysu layn jiray laysuna ximin jirey?
------------------------------------------------------------------------------------

Anigu dhammaan masaa'ilkaas addillo ayaan u haystaa, haddaad rabtaan dhaha
addilladaadu waa qalad ama waa daciif.
Laakiin anigu waligay ma caytamin, marka aan fogaado waxaan idin iraahdaa
(wahhaabiyo) waana eray caan ah oo aan cay ahayn.

Laakiin adinka waxaan idinku haystaa, mas'alada aadaab xumada ah, war qof kasta
waad caayaysaan oo waad dhaleecaynaysaan, bal ninkaas hadda Cabdirashiid la
yiraahdo oo aan sheekadaba la socon, markii uu soo istaagay nin baa wuxuu ula
hadlay si layaab leh.. Maxaa idinku khasbaya??
Kolley gar qaadan maysaan, aniga su'aashaydu maaha, masaa'il qaldan iyo kuwo aan
qaldanayn, ee waxaan leeyahay war sida bani'aadamka u hadla oo cayda iska daaya,
oo barta akhlaaqda Islaamiga ah iyo aadaabta Rasuulka iyo Asaxaabtiisii iyo
usuusha munaaqashada cilmiyaysan.
Wallaahi waxaan la dooday SHUUCIYIIN iyo CALMAANIYIIN iyo FREE THINKERS Waligay
ma arag wax sidiinna oo kale ah.
Ilaahow Xaqa inagu toosi, adiga ayaa qaadir ahe.
2Garre.

Guleed

unread,
Jan 22, 2000, 3:00:00 AM1/22/00
to
Salaan dhamaan walaale yaal!

Sanad wanaagsan Ina Daud iyo Hirsiba.

Walaale yaal ma sidii ayaa Ina daud iyo Hirsi Doo doodii Diinta ku
saabsanay weli u socotaa. Waxaad moodaa inay doodii malinba maalinta
danbe kasii fool xumanayso. Waxaan garan la´ahay in meeshan doodi
kasocoto iyo inuu arinku yahay Ninka iska dhici. Waxaanse u arkaa inuu
arinku u badan yahay Ninka iska dhici.

Waxay ilatahay in qofkastaa waxaa uu aaminsan yahay cidna ka hor
istaagi karin. Qofkii isku dayaana waa daali doonaa. Saxiiba yaal
joojiya idinka oo mahadsan xadgudubka qofka bila aadanka ah. Oo dooda
sidii hore soo dhiga miiska. Haddii kale doodu waa i jiid aan ku
jiidee ,taasna waa madax daalis.

Guleed


Sent via Deja.com http://www.deja.com/
Before you buy.

abudu...@al-huda.ca

unread,
Jan 22, 2000, 3:00:00 AM1/22/00
to
In article <86cnfb$2n1$1...@nnrp1.deja.com>,


Assalaamu calaykum walaal guuleed,

Adigu soo matihid ninkii fiicanaa ee su'aalaha Ramadaanka ah soo qori
jirey?, walaal waxaan rajaynayaa maskax kugu filan waad leedahay.
Halkaan ragga wax kuqora waxaa kujira rag Islaamka burburinaya miisaal
ahaan walaal maaddaama aad tahay nin Islaam ah makula qumman yihiin
arrimahaan:

1) Nikaaxa Mutcada(guurka labada beri ah ) waa xalaal!!!!, Islaamkuna
saas ma oran oo waad ogtahay.
2) Qiyaamaha oo jiritaankiisa laga shakiyo dadkana laguwareriyo majiraa
mise majiro!!, adiguna waad ogtahay in ladhimanayo oo qiyaame jiro.
3) Janadu waa dhamaanaysaa oo lagu waari maayo!!, adiguna waan hubaa
inaad qabtid sida quranku qabo oo ah in jannada lagu waarayo dadkii
gala oo inta aayadood oo kusoo aroortay waad maqashay!.
4) Saxaabadu waxay isu dagaali jireen oo isaga soo horjeedeen carab iyo
cajam(eeg maqaallada uu soo dhejiyey Labagarre ee ah Taariikhda
muslimiin000).

Walaal intaas oo dhan oo islaamkeenna duminaysa waxaa maalin walba
qoraya Labagarre, Haddaba dadka asaga wax kadaba qoraa majiro qof asaga
caayey Labagarre oo xitaa yiri beenloow baad tahay, ee camalkiisa ayaa
layiri mafiican Islaamkuna maqabo, haddaba sidaas ogoow ee ha uqaadan
in caytan iyo dagaal meeshaan kasocdaan.

Fiiro gaar ah: Adiga iyo wixii kale oo muslimiin ah waajib baa saaran
ah inay diintooda difaacaan, oo ay dadka qaribaya yiraahdaan ka
joogsada.

Walaalkaa,

Abuu Dujaana.

Guleed

unread,
Jan 24, 2000, 3:00:00 AM1/24/00
to
Salaan dhamaan dhalinyaro iyo ciroolaba!

Aad ayaad Abu dajaana ugu mamahadsantahay sidaad u soo koobtay doodii
diinta ku saabsanay ee uu sooqoray Mudane Hirsi >2garre. Runtii doodan
badan keeda lamaan socon. Sababtaas dareteedna waxba kama sheegi karo
siday tahay. Haddii aan doonaayo inaan wax ka sheego marka hore waa
inaan soo akhristaa. Taasna waan ku dadaali Insha alaah.

Waxan wax ka odhan karaa suįashaada sadexaad oo ah; 3) Janadu waa
dhamaanaysaa oo lagu waari maayo! Su´aashan doo deeda waan la socday.
Haddii aan si sax ah u xasuusanaayo waxaa Hirsi munaaqashadiisu ku
saldhigsanayd; Janadu ma aha abedi, waayo ilaah ayaa abedi ah. Hadii
aynu nidhaa janadu waa abedi, shirki ayaan galaynaa. Abedi= wax aan
dhamaad lahayn. Markaa ilaah ayaan dhamaad lahayn, taasna dhamaan waynu
isku wada raacsanahay, maxay kula tahay Abu dajaan? Taas manaha ay soo
saari kartaa waxa weeye "janadu lama odhan karo waa abedi". Janadu waa
abedi = shirki ilaah ayay keenaysaa. Cajiib!

Arinkaas aan dusha ku soo qoray waxay ku xidhan tahay sidaa qof
kastaaba u turjumto. Hadal ka oo yar waxay ila tahay Hirsi doodiisu
marna waa qalad markna waa sax! Su´aahsani waxay arka kixiso wayn
galinaysaa janadii aynu runtii dhamaan teen u dagaalamaynay. Dhinaca
kalana jiritaanka ilaahay waxba ma bar bar dhigi karo. Arinku waa
wareer. Fikrad badan ayuu u baahan yahay. Anigu suįashan horaba sidaan
uga hadhay halkaas ayaan Abudajaana kaga hadhay.

2garre

unread,
Jan 24, 2000, 3:00:00 AM1/24/00
to
Sheekh Guuleed,
Car bal waa la ogaadaaye, Abu dujaana iyo kuwa ku madhabka ah ga garteen
warkaaga, iyo meesha mas'aladu u dhacayso.
Nin kasta oo caqligiisu caafimaad qabo, xataa geel jire hadduu yahay oo
uusan cilmi waligiis meersan, mas'aladan gurracnaanteeda wuu fahmi lahaa
haddii loo sheego, laakiin kuwan isku sheegaya in ay cilmi dhameeyeen bal
arag.

Waxaa taas kaaga daran, waxaan u soo qoray hadalkii Ibn Taymiya iyo buuggii
uu ku qoray magaciisii iyo boggii lambarkiisii, kolkaas baa qaar wali igu
hayaan been low baad tahay oo Ibn Taymiya waad ku nabaysaa mas'aladan.

Bal maa kitaabka aqriyaan, subxaana laahi, waligay ma arag bashar noocaas
ah.
Soomaalidu waxay tiri; (Nin meeli u caddahay, meeli ka madow).
Nimankan waxaa u cad (Madhabta wahhaabiyada) oo ay si indha la'aan ah u
taageeraan, dhego iyo caqli kale malaha.

Hadalse muxuu kuu dili, bal u fiirso waxa ay uga jawaabaan mas'alada aad
soo jeedisay. Waxaan rejaynayaa in aaney caay kuu soo dhaafin inta aad
jawaab sugayso.

2Garre

abudu...@al-huda.ca

unread,
Jan 25, 2000, 3:00:00 AM1/25/00
to
In article <86hcep$71r$1...@nnrp1.deja.com>,


Walaal guleed adiga ayaa mudan,

Walaal waxaa tiri Arrimaha uu soo qoray Labagarre intooda badan waan
kamaqnaa, walaal waan ogahay inaad cabbaar aammusnayd, laakiin waxaan
malaynayey in mar walba indhahaagu arkayaan waxyaalaha walaalkeen
diinta kusoo darayo ee aan hore loo maqli jirin aana warqaddaydii hore
kusheegay!.

Tan kale, waxaad tiri midda Jannadu waa dhamaanaysaa wuxuu kawaday
Ilaah uunbaa abad ah. Walaal waxaad ogaataa dadka jecel inay Islaamka
waxaan jirin kusoo daraan waligood waxbay macaaneeyaan aan Islaamka
kamid ahayn. Masalan hadda ninkii raba inuu Rasuulka dariishadda
katuuro, wuxuu oran karaa " Rasuulka lama oran karo waanu raacaynaa,
waanu jecelnahay, maxaa yeelay waa shirki oo alle uunbaa laraaci karaa
ama lajeclaan karaa ee yaan saas ladhihin", kaddibna rasuulkii ayaa
saas lagu daciifinayaa dariishaddana looga saarayaa, arrinkaanina wuxuu
tusaale fiican uyahay hadalka danbe ee aad tiri Labagarre wuxuu yiri
waa shirki, maxaa yeelay Guleed xaggee laga marayaa aayadihii badnaa ee
quraanka kusoo wada arooray oo Habar walba Taqaano, sheegayana in
jannadu abad tahay laguna waarayo, kuna wada dhammaaaya {Khaalidiina
fiihaa} oo macnaheedu yahay way kuwaarayaan dhexdeeda waligood,
aayadahaas waxaa kamid ah ayaadda caanka ah ee SUURATUL AL BAYYINAH(ama
lamyakun) ugu dambaysa oo qofwalba maqlay ama xafidsan yahay.

Ragga meeshaan wax kuqoraa intooda Islaamka soo baratay waxay Labagarre
ku khilaafsan yihiin arrimahaasoo kale oo cilmi badan uusan ulahayn
sida Caqiidada iyo Iimaanka Islaamka, waxaa kale oo uu caan kunoqday
inuu noobixiyo magacyo aan kuwii aabbayaashayo noo bixiyeen ahayn, sida
Wahhaabi, Salafi IWM,. Salaf oo ah Saxaabadii rasuulka iyo
Taabiciintii, iyo Wahaab oo ah Maxammed Cabdul wahaab shiikhii ahaa
magaciisa, taasna waa cayrin uu dadka ardada ah oo diinta raba inay
bartaan uu annaga rabo inuu naga cayriyo, oo wuxuu leeyahay waswaaska
aan qorayo dadka ha usheeginina, bidcadana dadka ha kawaaninina!!!.

Adigase Guleedoow waxaan kaa codsanayaa inaad arrimahaan soo waydiisid
shiikhaad rabto Carab ama Soomaali kuu rabo ha ahaadee oo deggan
magaalda afarteeda koonar:

1) Jannadu waa dhamaanaysaa(Labagarre ayaa yiri) Islaamku muxuu
kaqabaa, mise shiikh Ibnu Tiymiyaa yiri?, annagu waxaan niri ma oran
shiikhu.
2) Mutcadu waa xalaal, waa guurka raaxaysiga ah, kaddibna naagta
lafurayo dhoowr beri, dhowr bilood kaddib(Labagarre ayaa yiri) Islaamku
muxuu kaqabaa? annagu waxaan niri waa ficil shiicadu isticmaasho ee maa
aha wax bannaan.
3) Qiyaamuha oo jiritaaankiisa laga shakiyo, dadkana lagu wareeriyo(
Labagarraa howshaas waday intii dhowr asbuuc ah), annaguna waxaan
lahayn dadka wax fiican usheeg ee hawareerin, Islaamku muxuu ka qabaa?.
4) Dadka Islaamka ah in magacyo aysan lahayn lagu dhajiyo(Labagarre
wuxuu noo bixiyey, Salafiyiin, Wahhaabiyiin IWM), Islaamku masaas buu
qabaa in dadka loola dhaqmo, dadkana jidka loo istaago oo layiraahdo
yaan Islaamka labarannin, waxaan kor kuxusayna lagusoo daro?.

Waxay ila tahay Guleed inaad fahamtay jawaabtayda, adigana waxaan kaa
sugayaa inaad waydiisid jawaabahaas shiikhii aad doonto madhab kasta ha
haystee, kaddibna aad mawqif qaadato, laakiin aadan dhagaysan Labagarre
oo cilmigiisa iyo caqiidadiisa laga shakiyey.


Mahadsanid.

Abuu Dujaana.

Guleed

unread,
Jan 26, 2000, 3:00:00 AM1/26/00
to

Salaan dhamaantiin!

Aad ayaad Mudane Abudujaana iyo 2Garre u mahadantihiin. Waxay ila tahay
hadii aan fahmay arinka aad isku haysataan marka dhinac laga eega laba
diinuba waad ku sax santihiin. Mudana 2Garre waxaa uu isu keenay arin
runtii haddii aad ugu fiirsatid macquul ah. Waayo marka uu leeyahay
ilaahay ayuun baa abadi ah, taasi waa dhab. Janaduna waa abadi, lakiin
ilaahay jiritaankiisa ayaa ka dheer asaga oon xad lahayn. Arinkanina
waaxaa uu ila eeg yahay inuu u muuqdo qofba si. Waxaana ay ku xidhan
tahay qofba siduu u turjumto. Lakiin anigu mid ayuun baan kuu ogahay,
taasna waa inuu ilahay yahay waare, ama abadi. janaduna abadi, lakiin
marka ilaahay loo bar bar dhiga limit ayay leeday.

Marka aad dhinaca kale ka eegtid waxaa wanaagsanaan lahayd inaanu
Mudane 2Garre arinkan soo ban dhigin. Waayo dadbadan ayay
munaaqashadani muran iyo khalkhal galinaysaa. Khaasatan dadka aan
diinta sidaas u sii aqoon amaba u fiirsan munaaqashada Goal keeda.
Lakiin haddii aad u sii fiirsatid, 2garre arinkiisu waxaa weeye Janadu
waa abedi, madaama janadu la xidhiidsan tahay jiri taanka ilaahay ee
abediga ah. Waxay ila tahay arinku waxaa uu isugu soo biyo shubanayaa
Wakhtiga/time ka iyo qofka aragtidiisa. Arinkan halkaas ayaan
Abudujaana kaga baxay. Alaahu Aclam.

Waxaa kale oo aad moodaa inuu Mudane 2garre sabirkiisi soo dhamaaday oo
asna aflagaadadii bilaabay, iminka ka hor maan arag 2garre oo shakhsiga
u gudbaaya. Magacyo badan oo aanan fahmina meeshan laysugu yeedhaayo.

Walaale ayaal maxaa idiin diiday inaydun ku koobnaataan waxa qofku soo
qoray idínka oo gaadhin shakhsiga binu aadamka ah. Ixtiraamkii xaguu
maray? Diina waa isku haysataan oo aad ka doodaysaan budhkana waad sida
taan!

Waxaan jeclaan lahaa inaad kala saartaan (sidii aynu horeba isugu
afgaranay) waxaad aaminsantihiin shakhsiyan iyo waxaad diinta kala soo
baxdeen, daliika aad adeegsanaysaan.

Maxaa lagu samayn doonaa qofkii diinta been ka abuuraaya, asaga oo
adeegsanaaya waxanay diintu lahayn? Wareer. Xataa waxaa jira dad jecel
inay dadka ka yara caraysiiyaan ayaga oon siday qorayaan aminsanayn.
Xataa haddii ay dadka qaarkood u jeedaan waa inay ogadaan dadbadan ayaa
beeshan soo booqda ayaga oon waxa jira ka war qabin. Taasina waxay ku
xidhan tahay qofkastaa sida u masuul qaad u yahay. Dadka kaftankawadana
markaas ha laga aamuso ayada oon dood loo furin/halagu sameeyo
cunoqabato= shibta dhaha. Haddii aynu dooda sii wadno waxaynu u
gudhbaynaa qofka shakhsiga ah oo aynu cayaynaa, markaas maxaynu dhanaa
qofkaas. Waxaynu noqonaynaa Dameer iyo labadiisii daan. Cajiib.

Mahadsanid akhriste

Guleed

2garre

unread,
Jan 26, 2000, 3:00:00 AM1/26/00
to
Guleed wrote:
..........1

>Marka aad dhinaca kale ka eegtid waxaa wanaagsanaan lahayd inaanu
>Mudane 2Garre arinkan soo ban dhigin. Waayo dadbadan ayay
>munaaqashadani muran iyo khalkhal galinaysaa. Khaasatan dadka aan
>diinta sidaas u sii aqoon amaba u fiirsan munaaqashada Goal keeda.
--------
Walaal Guuleed, Mas'aladan aan soo qoray ninkii aqriya ee ku khalkhala
wuxuu la mid noqonayaa sidii nin aan dabaal aqoon ee baad isku tuuray,
kolka iswaydiiye, ma badda ayaa dambiga leh mise ninka aan dabaasha aqoon
ee isku tuuray badda?
Mas'aladani taas bay la mid tahay, tan kale aniga la ima siin fursad aan
ra'yigayga ku iraahdo, oo aan mowduuca uga hadlo oo aan ku faahfaahsho, ee
kolkii aan cinwaanka xusay ayaa cunaha lay qabtay, haddana waad arki
doontaa, haddii ay buuqa joojiyaan aniga ayaa faahfaahin doona masaa'ilkaas
oo dhan.

............2


>Waxaa kale oo aad moodaa inuu Mudane 2garre sabirkiisi soo dhamaaday oo
>asna aflagaadadii bilaabay, iminka ka hor maan arag 2garre oo shakhsiga
>u gudbaaya. Magacyo badan oo aanan fahmina meeshan laysugu yeedhaayo.

----------
Walaal waxaa la yiri; Waayeel Xanuunsaday Xil ma garto, Qaniinyana
Qaniinyaa kaa fujisa.
Waad ogtahay, waxaan ahaaa ninkii ugu horreeyay ee yiri (yaan shaqsiyadda
qofka loo gudbin) imisa ayaan taaas ku addimayay, laakiin laygama
dhegaaysan.


Guleed wrote:

2garre

unread,
Jan 26, 2000, 3:00:00 AM1/26/00
to

Guleed wrote:

>Lakiin haddii aad u sii fiirsatid, 2garre arinkiisu waxaa weeye Janadu
>waa abedi, madaama janadu la xidhiidsan tahay jiri taanka ilaahay ee
>abediga ah. Waxay ila tahay arinku waxaa uu isugu soo biyo shubanayaa
>Wakhtiga/time ka iyo qofka aragtidiisa. Arinkan halkaas ayaan
>Abudujaana kaga baxay. Alaahu Aclam.

Mudane Guuleed, horta aad baad ugu mahadsantahay dadaalka aad muujisay,
dhan kastaba, haddii ay ahaan lahayd dhexdhexaadinta, iyo Isku dayidda aad
Isku dayday in aad figraddayda faahfaahiso.

Laakiin waxaan doonayaa in aan faahfaahsho figradda waaritaanka Eebbe iyo
midda Jannada ama Aakhirada guud ahaan, maxaa wacay, runtii sida aad u
sharaxday xoogoo arrinku wuu ka duwanyahay, sida aan u arko.

Marka Bal qodobada soo socda u fiirso:

1. Ilaahay (waynaayee) ayaa waare ah, cid la tartamaysa ma jirto, khalqiga
oo aan jirin buu jiray, khalqiga oo aan jirin buuna jiri doonaa. (qodobkan
yaa igu diiddan?)
2. Noloshan (adduunyadu) way dhammaanaysaa (qodobkan yaa igu diiddan?)
3. Nolol kale oo middan (adduunyada) ka dambaysa ayaa loo gudbi doonaa.
(qodobkan yaa igu diiddan?)
4. Nolosha labaad (aakhirada ama qiyaamaha) billow bay leedahay,
bilowgeeduna waa nolosha adduunyada dhammaadkeeda. (qodobkan yaa igu
diiddan?).
5. Wax kasta oo billow leh dhammaad bay leeyihiin. (qodobkan yaa igu
diiddan?).
6. Sidaa darteed, Nolosha Aakhiro dhammaad bay leedhay, Abadina maaha.
7. Haddii nolosha aakhiro dhammaad leedahay Jannaduna dhammaad bay
leedahay.

Midda ah aayadaha uu sheegay Mr. Abu, waa jirtaa in ay aayado sheegayaan in
Jannada lagu waarayo oo aan laga bixi doonin, laakiin taasi caddayn mayso
in Jannadu waligeed jiri doonto.
Bal u fiirso, hadalka (aayaduhu waxay leeyihiin, dadka ahlul jannada ah
jannada ayay ku waari doonaan, ka bixi maayaan, inta janno jirto waligood
way ku jiri doonaan) laakiin aayaduhu ma dhihin jannada ayaa waaraysa! bal
u fiirsada hadalka aayadaha ku qoran, mise waad aqrinaysaan, fahmina
maysiin!!
Mashaakilku wuxuu ka imaanayaa Mr. Abu iyo saaxiibkiis Carabi Fiican ma
yaqaanaan, taas ayaana keenaysa in ay qalad ka fahmaan hadalka ku qoran
aayadaha.

Faarqi wayn baa u dhexeeya, (Jannada waa lagu waaraa) iyo (Jannadu way
waaraysaa).
Tan kale, maxaad u aqrin wayseen, (kullu shayin haalikun, wa yabqaa wajhu
rabika) si ay idiin caawiso.

2Garre

ahme...@my-deja.com

unread,
Jan 26, 2000, 3:00:00 AM1/26/00
to
In article <388F066B...@brunet.bn>,

Akhyaar 2 Garre:

Aad iyo aad ayaan u fahmey doodaada laakiin s'uaalo ayaan ka qabaa.
Horta aan kuu sheegee hadda ka hor waxaan maqlay in INbu Qayimi Jawzi
qabey "inay naartu dhamaaneyso". Laakiin nin yiraahda Janadda ayaa
Dhamaaneysa adaa iigu horeeya. ee aan ku weydiiye daliishaada oo dhan
waa logic-ka ah "hadii wax bilow leeyihiin , waxay leeyihiin dhamaad",
yaa adiga kugu yiri jannada bilow bey lahayd?? maxaad ka og tahay inay
hada jirto. Oo maadaama aynaan ogaan karin bilowgeeda aanaan ogaan
karin dhamaadkeeda.

Midda Kale yaa adiga saaxiibkayoow kuu waxyoodey in "wax wal boo
dhamaad lihi ay dhamaad leeyihiin"?. ma dhici kartaa iney jiraan wax
bilow leh oo an dhamaad laheyn.

Su'aasheyda ugu dambeysa ayaa ah Maxaa san ah oo ku jira Doodan?? mise
maadaa aad falsafad baratey ayaad jeceshahay inaad xooga "aala miito"
ah nagu qaadato (you are asking all these mind-blowing Questions only
for Warming up)?. waxaa igu maqaale ah inuu Imaamul Qazaali yiri mar:

"50 sano oo aan falsafad ku jirey mana aanan helin jawaabihii aan rabey
oo waxaan taaganay meeshaan ka bilaabey . Waxaana iga caqiido toosan
maanta hooyadey oo aan hal falsafad ah baran".

2Gare you better watch out those kind of bottomless question. i swear i
saw with my eyes philsophy student major who walked out their religion
their first semester.


ahmed barre

2garre

unread,
Jan 27, 2000, 3:00:00 AM1/27/00
to
Mr. Ahmad;
Waa runtaa, waxaa laga yaabaa wax billow leh oo aan dhamaad lahayn in ay
jiraan, laakiin ma aha xaqeeqo waaqici ah ee waa ama xaqeeqo logic ah ama
xaqeeqo Mathematics ah, sida tiraada (Tusaale ahaan tirada 1, 2,3....)
billow bay leedahay, laakiin dhammaad malaha, sidoo kale -1, -2, -3 ama
Square Root-ka (3, 7 iwm) iyo dhammaan numbarada loo yaqaan (prime numbers
square root kooda) iyo kuwa loo yaqaan (recurring numbers iyo kuwa loo
yaqaan irrational-ka iyo qaar kale oo ban).

Laakiin Innagu ka hadli mayno, waxyaabaha Logic-ga ah ee maskaxda oo kaliya
ku jira, ee waxaan ka hadlaynaa waxyaabaha jiritaanka xaqiiqiga aah leh.
Haddii aad tiraahdo jannadu waa sidi Logic-ga, taas adiga ayay ku jirtaa.
Tan ah, falsafadda iyo hadalka aad Imam Gazali ka sheegtay, waaxaan kaa
leeyahay Gazali wuxuu ahaa nin aan falsafad wax ka aqoon, hadalkaasna uma
dhihin lilaahi ee wuxuu doonayay in uu falsafadda burriyo, oo ashcariyo iyo
suufiyo ku bedelo wuuna ku guulaystay.

Laakiin aniga waxba Igama gelin Falsafad, anigu waxaan bartaa Daaraasaadka
Islaamka ee Falsafaddu waxay ka mid tahay mowduucaas, meel yar bayna ka soo
gashaa, taas ayaana ii gaysay mooyee dan kale kama lihi.

Haddaan u soo laabto mowduuca, jannada, ma ii sheegi kartaa meel ay ku taal
in jannadu hadda jirto, ama ay horey u jirtay?
Tan kale, waxaad tiri, waxba kama ogin. Annagu waxaan xisaabinaynaa wixii
aan ognahay, wixii aanan ogayn, inaga daa.
Kitaabka Quraanka ah iyo Xadiiska Nabiga midna laguma sheegin in Jannadu
waligeed jiri doonto, lagumana sheegin in ay horey u jirtay.

Maxaad kale oo ra'yi ah oo aad haysaa? Anigu kaygii ku siiyaye?
Haddii aad wax ra'yi ah igu soo kordhinayso, walaalkii mahadsan baad tahay,
haddiise aad sidii nimankii wahhaabiyada oo kale hadalkaagu wacdi noqdo,
waxay ila tahay, anigu maahi nooca la wacdiyo.
Ugu dambaystii Mr. Axmad (xusuusnow, anigu waxaan ahay, nin garanaya waxa uu
sheegayo!!).

2Garre
---------------------


ahme...@my-deja.com wrote:
2Gare you better watch out those kind of bottomless question. i swear i
saw with my eyes philsophy student major who walked out their religion
their first semester.

---------------------

ahme...@my-deja.com

unread,
Jan 27, 2000, 3:00:00 AM1/27/00
to
In article <388FDF22...@brunet.bn>,

In article <388FDF22...@brunet.bn>,


Akhyaar 2 gare:

Camii, Horta waan ka xumahay inaad qaadato waanadeydii walaalnimo
caburis iyo "wacdi" aan nina weydiisan ama *muquunin* iyo qasbid
fikradeed.

waxaan ula jeeday uun inaan ku tusiyo sida ay falsafadu u noqon karto
bad aan gun laheyn. Waadna ku mahadsantahay *xusuusintaas* aad i
xasuusisay *inaad tahay nin garanaya waxa uu sheegayo.


intaas ka dib waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo su'aalahaagii.

> ma ii sheegi kartaa meel ay ku taal in jannadu hadda jirto, ama ay
>horey u jirtay?

Ogaantey ma aaney jirin meel aan ku iri janadaa "hadda" jirta
ama "jiri" jirtey. Balse waxay aheyd su'aal ka dhalan karta hadalkaagii
ahaa "wax walba oo bilow leh waxay leeyihiin dhamaad". oo aan u qaatay
inaad ula jeedid janadu hada ma jirto ee mar dambe ayey bilaaban
doontaa , ka dibna sida ay wax walba oo dhamaad lihi u dhamaadaaan ayey
iyana u dhamaan doontaa. Markaas ayaan damcay inaan ogaado cida adiga
kuu *waxyootey inaanay hada janadu jirin* markaas baan ku
weydiiyey "maxaad kka ogtahay iney hadda jirto". Taas halkaas ha ku
dhamaato.


> Maxaad kale oo ra'yi ah oo aad haysaa?


Maxaad rabi laheyd inaad ogaatid? ;-/. Anigu waan wejiyo iyo baabab
badnahay marka waxaa ila yara haboonaa inaad *ra'yi ga* aad rabtid ii
sheegtid.


Intaas ka bid ayaan rabaa inaan adiga su'aalo kugu celiyo:


> Laakiin Innagu ka hadli mayno, waxyaabaha Logic-ga ah ee maskaxda oo
>kaliya ku jira, ee waxaan ka hadlaynaa waxyaabaha jiritaanka xaqiiqiga
>aah leh.

Camii fa fahmin halkaan. *jiritaan xaqiiqi ah leh* maxaad ka wadaa?
sidee u qeexaysaa *jiritaan xaqiiqi ah* ?. ma wax la taaban(arag,
maqal, taabasho, urin, dhadhamin) karaa oo keliya miyaad ula jeedaa?


Hadaad ula jeedo sidaas, ma ii sheegi kartaa *jiritaanka Alle* inuu
yahay logic-ka yahay iyo inuu yahay midaad *aragtey* , sanqadiisa
*maqashey*, *taabatey* ama urtiisa urisay *urisay*??.

> Kitaabka Quraanka ah iyo Xadiiska Nabiga midna laguma sheegin in
>Jannadu waligeed jiri doonto, lagumana sheegin in ay horey u jirtay.

OK. Laakiin, halkee lagu sheegey inayan hada jirin iyo inay
dhamaaneyso? Camii noo sheeg taas adoo yara mahadsan. Halkeese joogaan
hada "dadkii hore ee ahlu jannada ahaa*?

ugu dambeyntii waxaan rabey inaan wax ka iraahdo hadalkaagan:


>haddiise aad sidii nimankii wahhaabiyada oo kale hadalkaagu wacdi
>noqdo, waxay ila tahay, anigu maahi nooca la wacdiyo.


Waxay ila aheyd in ninkasta uu u baahan yahay *wacdi iyo waano* si
kastana p.h.d ha u watee. waxay kaloo ila ahayd inaad la socoto aniga
iyo qolyaha wahaabiyada ah meeshaan kala mareyno.

waxaana ila haboonaan laheyd inaanan hadalku dhankaas naga aadin.


ilaa iyo mar kale intaas ha inoo sheegto.

laba...@my-deja.com

unread,
Jan 29, 2000, 3:00:00 AM1/29/00
to
Walaal Axmad Barre;
Waad ku mahadsantahay maqaalkaaga iyo su'aalahaaga, runtii su'aalaha
aad soo jeedisay waxay ila tahay badankoodu waa su'aalo jadali ah, oo
aad ka soo saartay qodobadaydii caksigooda, laakiin maaha masaa'il
toosan.
Maxaa yeelay, tusaale ahaan waxaad i waydiinaysaa, "yaa kuu sheegay in
ay jannadu dhammaanayso?" waana su'aasha aan 6-da qodob ee emailka
laftiisa ku qoran u soo daliishaday.
Marka taasi waa "tikraar" su'aashii aan hadda ka jawaabay baad misana i
waydiinaysaa!!

Hadal iyo dhammaantiis, waan ku noqonayaa dhammaan arrimaha aad ii soo
jeedisay, laakiin hadda Malaysia ayaan u safrayaa, waxaanna ka soo
laabanayaa 6 Feb. Inshaa allaahu.
Waxaa kale oo iga haysta xagga Computerka cillad yar oo u baahan in aan
hagaajiyo, marka walaal sidaa ula soco.

Tan kale, waan kugu raacsanahay in aanuu hadalku inala aadin meesha aad
tilmaantay, waana ka xumahay weedhaas aan soo qoray, kana raalli ahow.

Fadlan, xurriyad buuxda dareen adiga iyo dhammaan akhyaarta kale ee
meeshan soo booqata, waadna iisoo jeedin kartiin su'aal kasta oo ku
saabsan arrimihii aan halkan uga dooday iyo qaar kaleba.

Kaliya, aan isku dayno in aan sidi dad mas'uul ah u doodno, oo
warkeennu ahaado aqoon iswaydaarsi iyo kala faa'iidaysi.

Aad baad u mahadsantahay.

2Garre

In article <86q2qi$jm6$1...@nnrp1.deja.com>,

J.J.Jama

unread,
Jan 29, 2000, 3:00:00 AM1/29/00
to
Waxaa jirta in dadku weligood xiiso u qabeen in ay weligood
noolaadaan siiba Boqorada iyo dadaka dhaqaalaha leh iskuna
dayeen in ay wax ka qabtaan dhimashada lama huraanka ah
markkii uu qofku ka quustay in isaga naftiisa ahaan u noqdo
immortal , waxa uu cududiisa saaray ay uu waariyo maydkiisa
ka tago taalooyin iyo dhismo iyo caruur magaciisa sii qaadata.
Tusaaaloyinka fraacinadii , griigii iyo Romanka ayaa ka mid
ah.
Somalidana waxa ay tiraahdaa waarimayside war ha kaa haro.
Marka ma fahmi karnaa wax aanan waayo argnimo u lahayn
ama weligood na soo marin.?? si kasta ha ahaatee dadku
weligood ma joojin ka fikirka waarida.. xiiso weyn ayayna galisaa
qofka waana hababka ka mid ah hababka qofka wax loogu xayaysiiyo
did you hear.. everlasting battery.. perpertual motion..eternal
immortal.(Khuluud). iwm.

Doodi kama taagna in Dunidan aan ku nool nahay lagu waareen
oo dhamaan la dhimanayo..oo loo gudbi doono aakhiro ama nolol
dhimashadan ka danbaysa .. daarul Al-jazaa and guriga abaal marinta
oo dadka qaarna ay geli doonaan Janno Qaarna Naar.. qaarna meel
dhexaad (Al-acraaf)...

Marka Su'aashu waxa ay tahay Noloshaa danbe ama Janada iyo
Naarta (Ciqaabta) ma lagu waarayaa..??
Su'aashaa Jawaabteed qof caqligiisa kaga jawaabi karo ma jiro
halka keliyaa aan ka baari karno Jawaab waa Quraanka Kariimka
ah iyo Xadiithka Nebiga (NNK) oo saxa ah...

Quraanka Kariimka aad ayey ugu badan tahay Aayada faro badan
oo macnahoodu sheegayo in janada lagu waarayo(Khuluud) sidoo
kale Naarta lagu waarayo siiba suuradaha Makiga ah.
Tusaale gaaban:
(.. Idinkoo dhexdeeda ku waaray(khaaliduuna) Janada) Zukhruf 72

(Mujrimiinta cadaabka ayey ku jirayaan weligood(khaliduuna) 74

Aayadaha noccas quraanka waa ka buuxaan iyo daliilo sheegaya
in dhimashadan aduunyo aysan dhimasho kale ka danbayn.

Marka waxaa is weydiin leh maxaa dooda keenay??
maxaa loogu muransan yahay..!!

Bal ila akhriyaa Aayadan quraanka iyo kuwo la macno ah.
Suratul Al-xadiid.

( Huwa Al-awalu .. Wal Aakhiru) 3.. oo micnheedu yahay
Eebe waa ugu horeeye waana ugu danbeeye.. oo micnaheedu
yahay in aan lala wadaagin Immortal oo Alle Subxaanahu wa tacaalaa
ayaa jiri jiray.. ayada oo wax kale jirin , Alle subxaanahu wa tacaalaa
ayaa jiri doona ayda oo wax kale jiri doonin..)
War ma qof taa dood ka qaba ayaa jira.. farta taag
who can challenge Allah to be the ultimate Immortal??
doodan ma aha mid cusub iyo wax 2Garee la yimid ee weligeed
ayeey jirtay.. Salafiyiintu bal dib ha ugu noqdaan kitaabkooda
Caqiidada ee Al-daxaawiya sharaxiisa .. iyo dooda kala duwan
ee Waarida Jahanamo ku saabsan .. ka dib ha ka soo qayb galaan
doodan.

Ahmed Barre waa ku mahadsan tahay soo tebinta Ibn Qayim;
maqalkaagana waa run

adoo u jawabaya 2Garre


> Aad iyo aad ayaan u fahmey doodaada laakiin s'uaalo ayaan ka qabaa.
> Horta aan kuu sheegee hadda ka hor waxaan maqlay in INbu Qayimi Jawzi
> qabey "inay naartu dhamaaneyso". Laakiin nin yiraahda Janadda ayaa
> Dhamaaneysa adaa iigu horeeya.

Ahmadow Qofka diidan in janadu dhamaaneyn ha fasiro ayadaa suuratul
al-xadiid(.. Huwa al Aakhiru..) Allah Subhaanhu wax tacaala is the Ever
lasting and Immortal.. Haddi kale Janada iyo dadka ku jira waxa ay
noqonayaan
Immortal and ever lasting .

su'aal ahmed Barre:


> Midda Kale yaa adiga saaxiibkayoow kuu waxyoodey in "wax wal boo
> dhamaad lihi ay dhamaad leeyihiin"?. ma dhici kartaa iney jiraan wax
> bilow leh oo an dhamaad laheyn.

Maya Ahmedow Alle keliya ayaa bilow lahayn dhamaadna lahayn
wax kasta oo bilow lehna waa in ay dhamaad leeyihiin. oo
Alle SW keliya ayaan dhamaad lahayn .. War Yaa ku haysta Alle??

Su'aal Ahmed Barre :


> yaa adiga kugu yiri jannada bilow bey lahayd?? maxaad ka og tahay inay
> hada jirto. Oo maadaama aynaan ogaan karin bilowgeeda aanaan ogaan
> karin dhamaadkeeda.

Ahmadow Janadu waa makhluuq oo sidaa ayey Bilwo u leedahay..
waa khatar in la yiraahdo janadu bilow ma leh oo khaaliga ayey
is bar bar taagaysaa..

Su'aasha ah Janada hada ma jirtaa ??? waa su'aal furan.. oo jawaab sugan
lahayn waxayse aniga ila tahay in aysan hada jirin oo weli la abuurin..

Ahmadow ma qabtaa in Alle aduunka oo dhan rogi doono and Makhluuqaadka
oo dhan dhimman doonaan Yowmul Qiyaamo.. oo Alle keligii soo hari doono..
Marka hadii Janada ama Naarta hada jirto sow ayana la geddi maayo.. ..
waa maxay xikmada ku jirta in jannada la gediyo hadan la abuuro.
Bal Ila akhri Aayadan Suuratul Al-Rahamaan:

(Wa yabqaa Wajhu rabika thuu Al-jalaali wa al Ikraami) 27 Rahmaan

Alle waxa uu yiri isaga oo ka waramay maalinta Qiyaame: Alle isaga
keliyaa ayaa hari doona waxa kale oo dhan waa la rogayaa..

Ugu dhan danbayn doodahan waa kuwa culus oo khatar ah.. qof walbana
jawaabtii qalbigiisa ku dagaayo ha raaco..intaa iyo Allaahu Acclam.

J.J.Jaama

<

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Jan 30, 2000, 3:00:00 AM1/30/00
to
In article <XEEk4.7242$nh2.2...@cac1.rdr.news.psi.ca>,

As-salaamu calaykum.

Mudane J. J., Axmed, Xirsi iyo Akhyaarta kale,

Ugu horreyn, soo dhowoow mudane J. J.

Ta xigta, doodda ah "aakhiro way dhammaaneysaa" ee ku salaysan
howraarta ah "wax kasta oo bilow lihi, dhammaad ayay
leeyihiin", waxa aan jecelahay inaan xoogaa ku darsado.

Ta hore, sidii Axmed tilmaamey, ma jirto cid caddeysay
run ahaanta howraarta kor xusan. Hubaashii, howraartani
ma aha mid laga soo dhiraardhiriyey waayo aragnimo.
Sidaa darteed aqbalaadda iyo diidista howraartani,
sidaa darteedna doodda ku salaysani, waa arrin
aaminis iyo ku qanac ah, ee ma aha sida dadka qaar
ay u muuqato iney ula eg tahay arrin "caddeyn mandaqeed"
ku fadhida.

Haddii ay wada doodaan ruux ku qanacsan howraartan
iyo ku kale oo mid lidkeeda ama burinteeda ku salaysan
aaminsani,
aniga waxay iila muuqataa in aanu midna ka kale
qancin karin, maadaama midna aanu mowqifkiisa
"caddayn" karin. Arrinta ugu macquulsan ee labada
dhinacba qancin kartaana waa in mid waliba sida
uu "aaminsan" yahay aaminsanaado, sida J. J. iyo
Axmedba muujiyeen.

Arrintu waxa ay markaa u muuqataa in dooddii ahayd
(qormo loojic ahaan)

A
&
B
.
.
&
wax kasta oo bilow lihi, dhammaad bey leeyihiin
-----------------------------------------------
sidaa darteed, aakhiro way dhammaaneysaa

ay tahay dood jaban, howraaraha A, B, ... runba ha
wada ahaadaane.

Waxa markaa inoo soo hadhay labada mowqif ee kala
ah:

1- Qur'aanka ayaa muujinaya in aakhiro dhammaaneyso iyo
2- Waa shirki in la yidhaahdo Ilaahey (SWT) sokadii wax
aan dhammaad lahayn baa jira.

Labadan mowqif, mar kale ayaan, haddii Eebbe idmo, u soo
noqon doonaa.

Nabadgelyo,

Mohamed

Guleed

unread,
Jan 31, 2000, 3:00:00 AM1/31/00
to
Salaan dhamaan!

Aad ayaad 2garre u mahadsan tahay sidii aad arinkayga u sax day ee aad
dhinaca kala wax iga tustay.

Waxaad ogaataan doodan inaga ayaa isku daalinaynee meel ayuun baynu wax
u wada wadnaa. Waxaad moo daa inaynu ku dhegsenay kelimaadka aynu
qorayno oo aynaan u fiirsanayn xaga Qoraaga doo diisu isugu biyo
shubanayso. Lakiin markaad u fiirsatid qoraalka 2garre iyo dhaliyarada
dooda lawada meel ayuu arinkoodu isugu soo biyo shubanayaa. Arinka aynu
ku dhaafno sidii uu sheegay j.j jama oo ah ilaahay ayaa weligii jiray
asagana ayaa jiri doona weligii, keligii.

Waad mahadsantahiin akhriste

Guleed

laba...@my-deja.com

unread,
Feb 1, 2000, 3:00:00 AM2/1/00
to
Walaal Guuleed:
Waan kugu raacsanahay (in Ilaahay waligii jiray, haddana uu waligii
jiri doono kaligiis), waana natiijada aan rabay in aan caddeeyo.
Aniguna maahi ninkii u horreeyay ee sidan yiri, ee waxaan soo guurshay
war culumadu horteen tiri, laakiin aaway, qolo ayaaba buuq ku furtay,
meeshii la rabay in ay fahmaan oo u fiirsadaan hadalka.

Mahadsanidiin.
2Garre


In article <873v7u$duh$1...@nnrp1.deja.com>,

laba...@my-deja.com

unread,
Feb 1, 2000, 3:00:00 AM2/1/00
to
JJJama;
Aad baad u mahadsantahay, waxaadna tahay ninka kaliya ee ilaa iyo hadda
mowqifkayga fahmay.
Dadka aqriyay maqaaladahayga mowduucan ku saabsan qof fahmay kuma arag
ilaa iyo hadda, dhammaantood meesha aan hadalka u wado meeyee meel
kale bay u qaadayaan, waxaa ugu soo dhawaa Guuleed, laakiin sida aad u
fahamtay cid u fahamta mas'alada wali goobtan kuma arag.
Waxaa ku soo xigay Guuleed, Axmad Barre, oo dood ka taagay (billowgii
jannada), waxaana laysku haystay (dhammaadkeeda) ee xataa wadaadada
salafiyada ah sida Abu Darra iyo Ina Daa'uud qayla kama keenin
Billowgeeda.
Waligayna ma maqal qof yiri, jannadu billow malaha, sheekh Axmad Barre
ka hor. Laakiin Mas'alada ay isku khilaafeen Ibn Taymiya iyo Ibn Rushud
iyo qaar kale oo badan waa dhammaadkeeda ee billowgeeda maaha.
Sida aad sheegtay quraanku wuxuu caddaynayaa in jiritaanka Alle uusan
dhammaad iyo billow toona lahayn, inta kalena ay makhluuq yihiin.
Jannada waa lagu dhex waarayaa aayado leh waa jiraan, laakiin jannada
ayaa waaraysa aayado leh ma jiraan.
Tan kale, culumadu iskuma khilaafsana in naartu dhammaanayso, ee waxay
isku khilaafeen dhammaadka jannada.

Laakiin xusuusnow: Ibn Rushud wuxuu aaminsanyahay in aanan khalqigu
billow iyo dhammaad toona lahayn kolka xagga waqtiga laga eego, wuxuuna
soo daliilsaday aayado quraan ah.
Fadlan eeg kitaabkiisa (Fasl al-Maqaal, fima Bayna al-shariicati wal
xikmati min al-itisaal), sidoo kale eeg kutubtiisa kale, sida,
(Manaahij al-addillah, iyo Tahaafut at-Tahaafut).

Thanks again.
2Garre

In article <8722fj$757$1...@watserv3.uwaterloo.ca>,

ahme...@my-deja.com

unread,
Feb 1, 2000, 3:00:00 AM2/1/00
to
In article <876ccb$6ji$1...@nnrp1.deja.com>,

LabaGare:


Ma rabbo inaan ku soo laabto doodan laakiin waxaan rabtaa inaan wax ka
iraahdo waxyaalo aad qortay:


>Waxaa ku soo xigay Guuleed, Axmad Barre, oo dood ka taagay (billowgii
>jannada), waxaana laysku >haystay (dhammaadkeeda) ee xataa wadaadada
>salafiyada ah sida Abu Darra iyo Ina Daa'uud qayla kama

>keeninBillowgeeda. Waligayna ma maqal qof yiri, jannadu billow malaha,


>sheekh Axmad Barre ka hor

2gare weligey ma arag been abuur ka weyn kan oo lagu been abuuro qof
nool oo soo taagan.
Bilaa caleek ma ii sheegi kartaa meeshaan ku iri “Jannadu bilow ma
laha”. Waa jawaab aan kaa sugayo taasi hadaad xataa maqnaan doonto
showr sano oo aan mar dambe kulano.

>Tan ah, falsafadda iyo hadalka aad Imam Gazali ka sheegtay, waaxaan
>kaa leeyahay Gazali wuxuu ahaa nin aan falsafad wax ka aqoon,
>hadalkaasna uma dhihin lilaahi ee wuxuu doonayay in uu falsafadda
>burriyo, oo ashcariyo iyo suufiyo ku bedelo wuuna ku guulaystay.


Haddii aynu isku Gazali ka hadleyno (anigu waxaan ka hadlayaa imaamul
Xaamid Gazali qoraha AXYAA’U CALUUMUL DIIN” oo aadna leedahay hadalkaas
hore oo ah waxba falsafad kama aqoon. Saaxiib kala falsad baan nahay ee
falsafadu halkaas ha noo joogto.


>J.J.Jama


>Aad baad u mahadsantahay, waxaadna tahay ninka kaliya ee ilaa iyo

>hadda mowqifkayga fahmay.Dadka aqriyay maqaaladahayga mowduucan ku
>saabsan qof fahmay kuma arag ilaa iyo hadda.


AHAHAHAH taas micnaheedu waxay iila muuqataa ninkii igu raaca waxaad
aaminsanahey ayaa “fahmey” dooda . Kama sugeyn doode aqoon u leh sida
loo dodo ee waxaan u arkaa inaad dood jilicsan tahay.

Mar na waxaad doodeydii ku tilmaantey “tikraar”. Waxaadna is
maandhaafisay sua’aasheydii aheyd “waa maxay qeexida “jiritaan xaaqiiqi
ah “” oo ku jirey doodaadii hore.


Go’aan iyo gebagebo waxaan kugu helay been abuurad, dood jilicsanaan,
iyo is maandhaafin su’aalo. Waxaana ka fiirsan doonaa casharo aan hada
ka hor kaa akhristay maadaama your credibility and integrity are both
questionable.


Waxaad se xaq u leedahay is difaac iyo inaad cudur daarato labada.


Waxaana kugu waanin lahaa inaadan is ku soo ceebeyn feerka culus
hadaadan gar bixi Karin ee aad feerka dhexe ugu sareyso qolyahay
wahaabiyada ah.

Daud7

unread,
Feb 2, 2000, 3:00:00 AM2/2/00
to
>labagarre< wrote;

.
>Sida aad sheegtay quraanku wuxuu caddaynayaa in jiritaanka Alle uusan
>dhammaad iyo billow toona lahayn, inta kalena ay makhluuq yihiin.
>Jannada waa lagu dhex waarayaa aayado leh waa jiraan, laakiin jannada
>ayaa waaraysa aayado leh ma jiraan.


Laba Garre,

Rajadaan kaa qabnay waxaa daadka raacshay sida aadan aqoon ugu lahayn diinta
Islaamka. Ruuxii aqoon iyo addillo dhiririn raba ayaa lala doodi karaa.
Warkaadu wakaa maanta ka dagaya waa jiraan ayaado sheegaya in jannada lagu dhex
waarayo!!!!. Malaha waad ka xishootay inta tiradooda la eg yihiin ama culayska
cilmiga ah abuuri karaan inaad qeexdo.

Mandhiqaadu wuxuu kuu sheegi waayay in waxa waaraya iyo waxa lagu waarayo isla
waarayaan. Malaha dadku mu'miniinta dhoobada jannada ayay agabsan doonaan!!!
Maadaama ay jannada dhammaanayso..

>Tan kale, culumadu iskuma khilaafsana in naartu dhammaanayso, ee waxay
>isku khilaafeen dhammaadka jannada.


Caamalakallaahu bimaa tastaxiqqu. Been intaa la eg ruux ku andacooda weli waa
mid ii dhinnayd. Malaha culimada falaasidda ayaad ka hadlaysaa waan hubaa
inaadan culimada Islaamka ka hadlayn?. I challenge U Laba garre in Ijmacaasi
aad sheegto.


>Laakiin xusuusnow: Ibn Rushud wuxuu aaminsanyahay in aanan khalqigu
>billow iyo dhammaad toona lahayn kolka xagga waqtiga laga eego, wuxuuna
>soo daliilsaday aayado quraan ah.


Tanna waa sheegasho aan diinta raad ku lahayn adiga ayaa soo sheegi doono
ayaadaha Ibnu Rushi daliilsaday.


>Fadlan eeg kitaabkiisa (Fasl al-Maqaal, fima Bayna al-shariicati wal
>xikmati min al-itisaal),


Ma eegtay Waxaa Dhaxaawi ka yidhi masala'adan waa adiga meelahan ku
meedhmeedhayee mise waa wahaabi Buudiga la mid ah. Mase soo guurisay hadalka
aad cuskanayso si daliilkiisa culayskiisa loo ogaato.


sidoo kale eeg kutubtiisa kale, sida,
>(Manaahij al-addillah, iyo Tahaafut at-Tahaafut).


Allah maxaad qiiq isku qarisay. Dadka u sheeg ragga qoray kutubtaasi iyo waxaa
ay yidhaahdeen si culuskooda addillada loo ogaado.


Allow Laba Garre Ayda ma jiidhay.


Ina Da'ud

laba...@my-deja.com

unread,
Feb 2, 2000, 3:00:00 AM2/2/00
to
Ina Daa'uud:
Kitaabka Daxaawi ee aad sheegayso, ma ogtahay in aan gabigiisaba
afsoomaali u turjumay?
Xusuusnow, ma jiro kitaab qiima leh oo islaamka laga qoray oo aanan
aqrin, ama ha ahaado mid cusub ama ha ahaado mid duq ah.

Marka waxba ha is daalin, anigu ma ahi loox gaab ee is deji.
Tan kale culayska culumada iyo hadalkooda nin wax yaqaan ayaa qiyaasi
kara ee adiga oo Ibn Cabdil wahhaab iyo Cuthaymiin mooyee cid kale
aqoon miyaa culumada warkooda qiyaasi kara?

Culumada warkooda waxaa sheegi kara nin kutubtooda soo aqriyay, marka
marka hore kutubtooda soo aqri.

Tan kale anigu waan iska dhaafay murankiina adiga iyo kuwa
garmaqaatayaasha ah ee kula midka ah, maxaa yeelay ma fahmi kartaan
waxyaabaha aan ka hadlayo iyo mas'alooyinka aan tibaaxayo.

Marka, kolka aan idin arko waxaan xasuustaa gabadhii ku heestay:
Taqiilla-dheer tabartaa ma gaartee,
Tagaabun-gaab iyo tabaarag soo joog!

iyo ninkii yiri:
Wa in qultu xambaliyan, qaaluu xuluuliyo baqiidun mujasami.
Wa in qultu, min ahlil xadiisi, yaquuluuna taysun laa yadree wa
yafhamu.

2Garre


In article <20000201203700...@ng-cm1.aol.com>,
da...@aol.com (Daud7) wrote:
> >labagarre< wrote;


>
> .
> >Sida aad sheegtay quraanku wuxuu caddaynayaa in jiritaanka Alle
uusan
> >dhammaad iyo billow toona lahayn, inta kalena ay makhluuq yihiin.
> >Jannada waa lagu dhex waarayaa aayado leh waa jiraan, laakiin
jannada
> >ayaa waaraysa aayado leh ma jiraan.
>

> Laba Garre,
>
> Rajadaan kaa qabnay waxaa daadka raacshay sida aadan aqoon ugu lahayn
diinta
> Islaamka. Ruuxii aqoon iyo addillo dhiririn raba ayaa lala doodi
karaa.
> Warkaadu wakaa maanta ka dagaya waa jiraan ayaado sheegaya in jannada
lagu dhex
> waarayo!!!!. Malaha waad ka xishootay inta tiradooda la eg yihiin ama
culayska
> cilmiga ah abuuri karaan inaad qeexdo.
>
> Mandhiqaadu wuxuu kuu sheegi waayay in waxa waaraya iyo waxa lagu
waarayo isla
> waarayaan. Malaha dadku mu'miniinta dhoobada jannada ayay agabsan
doonaan!!!
> Maadaama ay jannada dhammaanayso..
>

> >Tan kale, culumadu iskuma khilaafsana in naartu dhammaanayso, ee
waxay
> >isku khilaafeen dhammaadka jannada.
>

> Caamalakallaahu bimaa tastaxiqqu. Been intaa la eg ruux ku andacooda
weli waa
> mid ii dhinnayd. Malaha culimada falaasidda ayaad ka hadlaysaa waan
hubaa
> inaadan culimada Islaamka ka hadlayn?. I challenge U Laba garre in
Ijmacaasi
> aad sheegto.
>

> >Laakiin xusuusnow: Ibn Rushud wuxuu aaminsanyahay in aanan khalqigu
> >billow iyo dhammaad toona lahayn kolka xagga waqtiga laga eego,
wuxuuna
> >soo daliilsaday aayado quraan ah.
>

> Tanna waa sheegasho aan diinta raad ku lahayn adiga ayaa soo sheegi
doono
> ayaadaha Ibnu Rushi daliilsaday.
>

> >Fadlan eeg kitaabkiisa (Fasl al-Maqaal, fima Bayna al-shariicati wal
> >xikmati min al-itisaal),
>

> Ma eegtay Waxaa Dhaxaawi ka yidhi masala'adan waa adiga meelahan ku
> meedhmeedhayee mise waa wahaabi Buudiga la mid ah. Mase soo guurisay
hadalka
> aad cuskanayso si daliilkiisa culayskiisa loo ogaato.
>

> sidoo kale eeg kutubtiisa kale, sida,
> >(Manaahij al-addillah, iyo Tahaafut at-Tahaafut).
>

> Allah maxaad qiiq isku qarisay. Dadka u sheeg ragga qoray kutubtaasi
iyo waxaa
> ay yidhaahdeen si culuskooda addillada loo ogaado.
>
> Allow Laba Garre Ayda ma jiidhay.
>
> Ina Da'ud
>

laba...@my-deja.com

unread,
Feb 2, 2000, 3:00:00 AM2/2/00
to
Ina Barre:
Walaal anigu waqti aan erayada "mustalaxaad-ka" ah kuugu sharxo ma
hayo, taas horey baan uga diiday Ina Daa'uud iyo Abu Darra.
Marka soo baro waxa u dhexeeya, jiritaanka xaqiiqiga ah iyo midka
logica ah iyo kan Ilaahiga ah.
Kolkii aan iri, "jiritaan xaqiiqi" ah, waxaan moodayay in aad fahmayso,
markii aan ku arkay meesha aad joogto ayaan iska dhaafay arrinkaas oo
dhan.

Tan labaad, arrinka ah "jannadu billow ma laha" ee aad leedahay waad
igu been abuurtay, waa "mafhuum al-mukhaalafada" hadalkaagii, maxaa
yeelay waxaad igu tiri "yaa kuu waxyooday in jannadu billow leedahay?"
kolkii aan iri "wax kasta oo billow leh way dhammaanayaan".

Marka waxaan u maleeyay hadalka aad leedahay in aadan fahmayn!! ama
aadan garanayn natiijada ka imaanaysa!!

Tan kale, anigu kaagama baahni qiimayn iyo waanin iyo tageero, waxna ii
kordhin mayaan waxa aad sheegayso.
Marka adigaa oo aanan waxba is dhibin ra'yigaaga tartiib u dhiibo, waxa
aad leedahayna ka fiirso.

2Garrre

In article <8774s1$obd$1...@nnrp1.deja.com>,


ahme...@my-deja.com wrote:
> In article <876ccb$6ji$1...@nnrp1.deja.com>,
> laba...@my-deja.com wrote:

> LabaGare:
>
> Ma rabbo inaan ku soo laabto doodan laakiin waxaan rabtaa inaan wax
ka
> iraahdo waxyaalo aad qortay:
>

> >Waxaa ku soo xigay Guuleed, Axmad Barre, oo dood ka taagay
(billowgii
> >jannada), waxaana laysku >haystay (dhammaadkeeda) ee xataa wadaadada
> >salafiyada ah sida Abu Darra iyo Ina Daa'uud qayla kama

> >keeninBillowgeeda. Waligayna ma maqal qof yiri, jannadu billow
malaha,


> >sheekh Axmad Barre ka hor
>
> 2gare weligey ma arag been abuur ka weyn kan oo lagu been abuuro qof
> nool oo soo taagan.
> Bilaa caleek ma ii sheegi kartaa meeshaan ku iri “Jannadu bilow ma
> laha”. Waa jawaab aan kaa sugayo taasi hadaad xataa maqnaan doonto
> showr sano oo aan mar dambe kulano.
>
> >Tan ah, falsafadda iyo hadalka aad Imam Gazali ka sheegtay, waaxaan
> >kaa leeyahay Gazali wuxuu ahaa nin aan falsafad wax ka aqoon,
> >hadalkaasna uma dhihin lilaahi ee wuxuu doonayay in uu falsafadda
> >burriyo, oo ashcariyo iyo suufiyo ku bedelo wuuna ku guulaystay.
>
> Haddii aynu isku Gazali ka hadleyno (anigu waxaan ka hadlayaa imaamul
> Xaamid Gazali qoraha AXYAA’U CALUUMUL DIIN” oo aadna leedahay
hadalkaas
> hore oo ah waxba falsafad kama aqoon. Saaxiib kala falsad baan nahay
ee
> falsafadu halkaas ha noo joogto.
>
> >J.J.Jama

> >Aad baad u mahadsantahay, waxaadna tahay ninka kaliya ee ilaa iyo

> >hadda mowqifkayga fahmay.Dadka aqriyay maqaaladahayga mowduucan ku
> >saabsan qof fahmay kuma arag ilaa iyo hadda.
>
> AHAHAHAH taas micnaheedu waxay iila muuqataa ninkii igu raaca waxaad
> aaminsanahey ayaa “fahmey” dooda . Kama sugeyn doode aqoon u leh sida
> loo dodo ee waxaan u arkaa inaad dood jilicsan tahay.
>
> Mar na waxaad doodeydii ku tilmaantey “tikraar”. Waxaadna is
> maandhaafisay sua’aasheydii aheyd “waa maxay qeexida “jiritaan
xaaqiiqi
> ah “” oo ku jirey doodaadii hore.
>
> Go’aan iyo gebagebo waxaan kugu helay been abuurad, dood jilicsanaan,
> iyo is maandhaafin su’aalo. Waxaana ka fiirsan doonaa casharo aan
hada
> ka hor kaa akhristay maadaama your credibility and integrity are both
> questionable.
>
> Waxaad se xaq u leedahay is difaac iyo inaad cudur daarato labada.
>
> Waxaana kugu waanin lahaa inaadan is ku soo ceebeyn feerka culus
> hadaadan gar bixi Karin ee aad feerka dhexe ugu sareyso qolyahay
> wahaabiyada ah.
>

ahme...@my-deja.com

unread,
Feb 2, 2000, 3:00:00 AM2/2/00
to
In article <879k7u$ips$1...@nnrp1.deja.com>,

laba...@my-deja.com wrote:
> Ina Barre:
> Walaal anigu waqti aan erayada "mustalaxaad-ka" ah kuugu sharxo ma
> hayo, taas horey baan uga diiday Ina Daa'uud iyo Abu Darra.
> Marka soo baro waxa u dhexeeya, jiritaanka xaqiiqiga ah iyo midka
> logica ah iyo kan Ilaahiga ah.
> Kolkii aan iri, "jiritaan xaqiiqi" ah, waxaan moodayay in aad
fahmayso,
> markii aan ku arkay meesha aad joogto ayaan iska dhaafay arrinkaas oo
> dhan.
>
> Tan labaad, arrinka ah "jannadu billow ma laha" ee aad leedahay waad
> igu been abuurtay, waa "mafhuum al-mukhaalafada" hadalkaagii, maxaa
> yeelay waxaad igu tiri "yaa kuu waxyooday in jannadu billow leedahay?"
> kolkii aan iri "wax kasta oo billow leh way dhammaanayaan".
>
> Marka waxaan u maleeyay hadalka aad leedahay in aadan fahmayn!! ama
> aadan garanayn natiijada ka imaanaysa!!
>
> Tan kale, anigu kaagama baahni qiimayn iyo waanin iyo tageero, waxna
ii
> kordhin mayaan waxa aad sheegayso.
> Marka adigaa oo aanan waxba is dhibin ra'yigaaga tartiib u dhiibo,
waxa
> aad leedahayna ka fiirso.

In article <879k7u$ips$1...@nnrp1.deja.com>,


laba...@my-deja.com wrote:
> Ina Barre:
> Walaal anigu waqti aan erayada "mustalaxaad-ka" ah kuugu sharxo ma
> hayo, taas horey baan uga diiday Ina Daa'uud iyo Abu Darra.
> Marka soo baro waxa u dhexeeya, jiritaanka xaqiiqiga ah iyo midka
> logica ah iyo kan Ilaahiga ah.
> Kolkii aan iri, "jiritaan xaqiiqi" ah, waxaan moodayay in aad
fahmayso,
> markii aan ku arkay meesha aad joogto ayaan iska dhaafay arrinkaas oo
> dhan.
>
> Tan labaad, arrinka ah "jannadu billow ma laha" ee aad leedahay waad
> igu been abuurtay, waa "mafhuum al-mukhaalafada" hadalkaagii, maxaa
> yeelay waxaad igu tiri "yaa kuu waxyooday in jannadu billow leedahay?"
> kolkii aan iri "wax kasta oo billow leh way dhammaanayaan".
>
> Marka waxaan u maleeyay hadalka aad leedahay in aadan fahmayn!! ama
> aadan garanayn natiijada ka imaanaysa!!
>
> Tan kale, anigu kaagama baahni qiimayn iyo waanin iyo tageero, waxna
ii
> kordhin mayaan waxa aad sheegayso.
> Marka adigaa oo aanan waxba is dhibin ra'yigaaga tartiib u dhiibo,
waxa
> aad leedahayna ka fiirso.

"Bal dayooy waa kaa wadaadkii yaraa sidii dabayshade"
====Marxuum Ali Aadan , Ali Dhuux====

sawtan wadaadkii yaraa ee labada gar lahaa xumbadu sidato.

Markey garbixi weydo ayey carabi ku gabataa. Bal yaa uga fadhiyey
wadaadkan inuu ereyadan boorka ah isku qariyo "mustalaxaad-ka"
iyo "mafhuum al-mukhaalafada".

yaase uga fahdiyey inuu lasoo shir tago su'aasheydii aheyd "yaa kuu
waxyooday in jannadu billow leedahay?" ee aan weydiiyey isaga ayaa
cadeynaysa inaan anigu aaminsanahey "ineyan janadu bilow laheyn".


anigu Horaan u arkay reer kitaab gaablow kiiska iska waala markuu gar
bixi kari waayo.

ahmed barre: "OH LORD! WON'T YOU BLESSS ME? you see, my LORD, with that
0% degree of islamic formal education of mine, i can force some p.h.d
holders to flee. And you see them on the run. Didn't you MY LORD?".

J.J.Jama

unread,
Feb 5, 2000, 3:00:00 AM2/5/00
to
Walaal Mohamed :
Calaykuma Al-ssalaam, marka hore ma hubo in aad tahay
iyo in kale Mohamed O.Muse ee Ottawa wax ka soo qori
jiray waana igula dood egtahay. .
Aniga ma jecli in aan wax kaga noqdo doodan oo noqon karta
trivial , wax aan ku diido ama ku buriyo doodaadana ma hayo.
waxa aan ka doodeyno waa wax qofna waayo aragnimo iyo
aqoon u lahayn . Aduunyo ma aha aakhiro .. Aakhirana aduunyo
ma aha.. Haddi aad u fiirsato cinwaanka aan siiyay qoraalkayga
waa waarid iyo dhamaansho la'aan ma fahmi karnaa ??
ka waran haddi janada lagu jiraayo Billions and Trillions and
gazilion years.. taa macnaheedu soo uma dhiganto waarid.
u fiirso aduunyadan qofkeena noogu cimri dheeraada waxa
uu noolaadaa 100 sano iyo xoogaa .
midda kale aniga doodayda Loogic kuma dhisna waa fahamka
iyo garashada Quraanka iyo ayaado dhowr ah oo sheegaya in
wax walba halaagmayaan Alle mooyee.. Hadiise qof ku doodu
taasi waa aduunyadaan.. ee aakhiro ma khuseyso asaga ayaa
daliil iyo caddeyn looga baahan yahay.!!
midda kale waariddda iyo ugu danbaynta waa arrin Alle keli
lee yahay mana fahami karo wax qof taa dood uga qabi karo
ee uu Alle Weyne isugu dheririnayo!!
Mahamadow 2 doodood ee aad ballan qaaday in
ka jawaabi doonto waa lagaa sugaayee.. !!
J.J.Jama


>As-salaamu calaykum.

Nabadgelyo,

Mohamed

<mom...@sciborg.uwaterloo.ca> wrote in message
news:8722fj$757$1...@watserv3.uwaterloo.ca...

0 new messages