Google Groups no longer supports new Usenet posts or subscriptions. Historical content remains viewable.
Dismiss

Qur'aanka Dhammaantii ma Rumeysan Tihiin?

193 views
Skip to first unread message

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Dec 25, 2000, 4:08:51 PM12/25/00
to
M. Abib, Axmed iyo Akhyaarta kale,

Ugu horreyn, waxan dhammaan ugu yeedhayaa in cayda la iska daayo.
Ninkii Alle ka gaalooba ama ku been abuurta Alle isaga ayaa ku filan
inuu ka aargoosto. Waxaa loo baahan yahay in wixii sax ah uun aynu
sheegistooda ku koobnaanno. Taas ayey ahayd akhlaaqdii Rasuulku--
naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-- markey kufaartu
caayaan hadalka Ilaahey ayuu ku akhriyi jirey.

Qoladan reer Tucson (M. Abib) iyo Axmed waxa aan ka soo qaadayaa in
afkaartan aad cabbiraysaan tahay mid aad aaminsan tihiin. Waxa aan
jecelahay inaan idin weydiiyo inaad Qur'aanka wada aaminsan tihiin iyo
in kale. Macnihii Qur'aanka miyaad dhammaantii aaminsan tihiin mise
badhkii ayeydaan aaminsaneyn? Waxa aan ka soo qaadayaa in Axmed yahay
shakhsiyada ka duwan M. Abib oo isaguna su'aashan ka jawaabo.

Waxa kale oo aan idin weydiin lahaa haddii aad aaminsan tihiin in
Qur'aanka aynu maanta heynaa yahay kii xagga Alle Muxammad lagaga
soo dejiyey, sidee ayeynu ku ognahay in uu sax yahay oo abu-Hureyra,
Cumar bin-Khaddaab iyo raggii la midka ahaa waxna ku darin waxna kaa
reebin?

Ugu dambeyn, haddii aaney tusaale ahaan Abu-Hureyra iyo raggii Nabiga
la noolaa ahayn kuwo la rumeysan karo (credible), wixii ay rasuulka ka
soo tebiyeen oo uu ku jiraan jiritaanka shakhsiyadda rasuulka iyo
Qur'aankuba sidee loo rumeysan karaa?

Nabadgelyo,

Mohamed
--
Mohamed O. Musa
Ph.D. Candidate
Department of Physics
University of Waterloo

Ahmad

unread,
Dec 25, 2000, 8:12:30 PM12/25/00
to


salaam,

> Ugu horreyn, waxan dhammaan ugu yeedhayaa in cayda la iska daayo.
> Ninkii Alle ka gaalooba ama ku been abuurta Alle isaga ayaa ku filan
> inuu ka aargoosto. Waxaa loo baahan yahay in wixii sax ah uun aynu
> sheegistooda ku koobnaanno. Taas ayey ahayd akhlaaqdii Rasuulku--
> naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-- markey kufaartu
> caayaan hadalka Ilaahey ayuu ku akhriyi jirey.

si wanaagsan baan kuugu raacsanahay taas. very well said.

> Qoladan reer Tucson (M. Abib) iyo Axmed waxa aan ka soo qaadayaa in
> afkaartan aad cabbiraysaan tahay mid aad aaminsan tihiin. Waxa aan
> jecelahay inaan idin weydiiyo inaad Qur'aanka wada aaminsan tihiin iyo
> in kale.

anigu maxamud cabiib uma hadli karo, hase ahaatee, anigu waan
aaminsanahay qur`aanka oo DHAN. in kasta oo aan hada ku jira wax
barasho ku saabsan QUR'AANKA kaliyah - al yacni, kala duwanaanta
shiicada quraanyadooda iyo sunniga, iwm. however, at the moment - i
whole-heartedly believe in the masxafka(sunniga ah...oo shiicada
badankeeduba ay ogol-yihiin, oo firqooyinka oo dhan isku raacsan
yihiin...)

> Macnihii Qur'aanka miyaad dhammaantii aaminsan tihiin mise
> badhkii ayeydaan aaminsaneyn? Waxa aan ka soo qaadayaa in Axmed yahay
> shakhsiyada ka duwan M. Abib oo isaguna su'aashan ka jawaabo.

kuma fahmin waxaad meeshaas ka wado. anigu waxaan iri qur'aanka oo dhan
baan aaminsanahay. in kasta oo aan ka warqabo in qoloda aaminsan inuu
rashaad ahaa rasuul ay maanta aaminsan yihiin in laba aayadood oo ugu
dambeeya suurada baraa'(9.128-129) aysan qur'aanka ku jirin, hadana
anigu waxaan aaminsanahay kaamilka masxafka oo dhan. ma taas baa meesha
aad ka hadlayso?

> Waxa kale oo aan idin weydiin lahaa haddii aad aaminsan tihiin in
> Qur'aanka aynu maanta heynaa yahay kii xagga Alle Muxammad lagaga
> soo dejiyey, sidee ayeynu ku ognahay in uu sax yahay oo abu-Hureyra,
> Cumar bin-Khaddaab iyo raggii la midka ahaa waxna ku darin waxna kaa
> reebin?

well, taas weeye meesha "nambarka 19" soo galayo. khaliifiyiintu waxay
u diidaan 9.128-129 sababtoo ah waxay ku daraysa "eregyga" *allah* hal
mar...oo ay ka duwan tahay qur`aanka intiisa kale. balse, aniga waxaan
aaminsanahay in TAAS laftirkeeda ay tahay mid ilaahay uu doonayo; al
yacni...ilaahay wuxuu yahay; WAAXID(hal/mid/kow). nambarka sagaal-iyo-
toban waa wax qur`aanka ugu lamaansan si wax KALE aduunka aysan isugu
lamaan saneen.

mida kale, aniga waxaan ahay qof aamisan in ilaahay wax KU reebo
aduunka marka waxaas laga wada aqbalo inta ummada kala duwan oo dhan.
firqooyinka diinta islaamka oo dhan, badankoodu, waxay isku raacsan
yihiin...in qur'aankan yahay kii ilaahay u soo direy ummada.

MIDA kale, qof waliba waxaa ku jira ruuxada ilaahay oo uu nagu afuufay
(15.29,) taasna wuxuu ilaahay inoogu afuufey SI aan u lahaano xoog
marka sheydaanku was-waas nagu bilaabo. marka, naftu(adiga) waxaad u
dhexeysaa ruuxada ilaahay iyo sheydaanka(ibliis). qofkuna waa taas waxa
uu kala dooranayo...ilaahayna taas buu nagu aaminay(33.72) -- MARKA,
ruuxaduna waa FURE...

sidaas daraadeed - waxaad heysaa 3 wax-yaalood oo qofka aaminsiinaya
qur'aanka kaamilkiisa; nambarka 19ka, bulshinomada quraanka oo
firqooyinka idil, iyo ruuxada ilaahay(oo qofka ku caawinaysa xaalad
kasta oo qabsata!)


> Ugu dambeyn, haddii aaney tusaale ahaan Abu-Hureyra iyo raggii Nabiga
> la noolaa ahayn kuwo la rumeysan karo (credible), wixii ay rasuulka ka
> soo tebiyeen oo uu ku jiraan jiritaanka shakhsiyadda rasuulka iyo
> Qur'aankuba sidee loo rumeysan karaa?

inkasta oo ASXAAB kasta oo NEBI walba diinteena islaamka ay noqdeen
qaarkood kuwo ilaahay ka furtey, hadana, ilaahay weligiis wuxuu ka soo
dhex reebi jirey kuwo u DAGAALAMA diinta islaamka.

intaa dabadeed, qur`aanka waxaa loo direy meelo badan oo dunida
islaamka ka mid ah(carabiya, waqtigii nebiga)...ka dibna(waqtiyidii
khaliifiyiinta) u sii gudubtey meelaha kale(sida shaam, ciraaq, iraan,
iwm) - hase ahaatee, wax yaabaha nebiga laga "soo
tebiyyay"(xadiista)...waxaa la soo aruuriyey 200 oo sano dhimashadii
nebiga ka DIB. hal qof oo hayay wax qornaa majirin...ilaa wax yar oo
khaliifkii mucaawiyyah qorey mooyaane, taasoo sida saxiix-ul-muslim iyo
axmedba lagu xusay...aheyd mid ka duwaneyd wixii nebiyullaahi muxammad
rabey. MARKA, fadlan, labada ha'isku xalijin - waa ay kala duwan
yihiin...oo mid walba goonidiisuu u leeyahay doodiisa. waqtiga bukhaari
uu meela mar-marayo oo uu soo aruurinayo wax yaabihii laga
soo "tebiyyay" nebiga, waxaa jirey muslimiin badan oo quraanka KALIYAH
raacsanaa - badankood dad ka soo farcatamey ama raacey dadkii ka soo
farcatamey nebiga(dhinaca gabadhiisa faadumo...)

intaas baan uga harayaa...

ciid mubaarak-

peace- ahmad!


--
[2.163] And your God is one God! there is no god but He; He is the
Beneficent, the Merciful.

Sent via Deja.com
http://www.deja.com/

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Dec 26, 2000, 6:35:43 PM12/26/00
to
Axmed,

1. Waxa lagu moodaa inaad Kiristaan tahay. Iyaga ayaa aaminsan waxa ay ugu
yeedhaan "Ruuxda Qaddissan" (holy spirit) oo ay yidhaahda nimankii Injiil
(bible) qorey ayey ka ilaalisay iney gefaan.

Ruuxda Qur'aanka ku soo aroortey haddii aynu ka hadallo wax tafaasiil ah
oo sheegeya iney Qur'aanka sax ahaantiisa ogtahay ma jirto. Markii gaaladii
Qureysheed yuhuuddu kula talisay iney ruuxdu waxay tahay (iyo shaqadeeda)
Muxammad weydiiyaan, Alle wuxu yidhi, "Qulir-ruuxu min amri Rabbii."

Nafta iyana marka uu Qur'aanka Alle kaga hadley waxa uu ku tilmaamey saddex
nooc: "nafsul-lawwaama" (naf canaan badan), "nufsun ammaaratum bissuu'"
(naf xumaanta farta), iyo "nafsul-mutdma'innah" (naf xasilloon). Intan
midkoodna ma sheegayo xidhiidh nafta iyo Qur'aanka ka dhexeeya.

Haddii laga tegi waayo waxa jirta sida Rasuulka ka soo aroortey "fitrada"
oo ah dabiicadda aadamaha (natural inclination) in ay u jenjeedho xagga
khayr falka iyo Alle rumeynta. Tanna waa ta keenta in ummado aan waxyiga
Alle ku socon ama rumeysneyni weli gartaan qeyb weyn oo akhlaaqda ah.

Isku soo duub oo waa kee daliilka yidhi, "ruuxdu waa fure..."? Dabcan xor
baad u tahay inaad sidan qabto iyo inaad tidhaahdo aniga ayey ila tahayba,
hase yeeshee, anigu waxa aan xiiseynayaa inaad Qur'aanka daliil ka keensato.

2. Tiradan sagaal iyo tobanka ee aad tidhi iyana waxa loo adeegsan karaa
in lagu qiyaaso Qur'aanka sax ahaantiisa, marka hore waa ta keentay in
Khalifites-ku Quraanka badhkii (aayadihii aad tilmaantey) xooraan. Markaa
is qaban maayaan inaad tidhaahdo Qur'aanka oo dhan ayaan aaminsanahay iyo
inaad tidhaahdo 19 ayaa Qur'aanka sax ahaantiisa lagu cabbirayaa. Labada
midkood inaad ka tagto ayuu mandaqu muujinayaa.

Ta kale, Qur'aanka tirooyin badan ayaa ku soo aroorey; kow, laba, saddex,
afar, shan ... sagaal iyo toban, boqol, laba boqol, kun, laba kun, kumanyaal
badan ... konton kun. Badiyaana tirooyinkani,marka laga reebo 19, waxay la
xidhiidhaan waxyaalo wanaagsan ama dhexdhexaad ah (nuetral). Tirada sagaal
iyo tobanse marka keliya ee Qur'aanka lagu sheegey waxay tilmaameysaa
arrimo cadaabta la xidhiidha oo weliba loogu digayo ku Alle ku been abuurtey
diintana la col ah. Dhammaan tirooyinkaasi waxa ay la mid yihiin ereyada
kale ee Qur'aanka lagu adeegsaday oo midkoodna wax ka muhiimsan macluumaadka
uu sido ma jirto. Alle ayaa sheegi lahaa sida waxyaabaha kale ee muhiimadda
lehba uu u sheegey haddii tirooyinkaasi wax muhiimad oo gaar ah xambaarsan
yihiin. Haddii aad daliil ah in tirooyinkaa qaarkood Alle sir ku xabaaley
daliilku waa adiga dushaada.


3. Ta ah "Qur'aanka bulsho ayaa soo werisay" oo sidaa darteed waa sax, waa
arrin xaggayaga maqbuul ka ah. Idinkase waxa aan moodayey inaad wax weyn
ka qabtaan saxaabadii Rasuulka ee ay ka mid ahaayeen Abaa Hureyra. Adiga
hore uma aan akhriyin adiga oo caayaya, hase yeeshee kuwan M. Abib ka
tirsan yahay qaarkood ayaaba aad mooddaa in shaqadooda keliyiba tahay
cayda abuu Hureyra iyo raggii kale ee Qur'aanka soo tebiyey.

Axmed waa inaad fahamto in khilaafaadka muslimiintu bilaabmeen muddo ka dib
geeridii Rasuulka. Waxa jirtey mar aaney jirin wax khilaaf ah waagaas
ayaana Qur'aanka la ururiyey lana qorey. Ragga Qur'aanka ururiyey ee
Qorey waxay ahaayeen raggii Rasuulka la soo halgamay ee uu tababarey.
Kuwaasi haddii ay khiyaamo iyo daacad darro ku jirto, markii Quraanka
isugeyntiisa iyo ururintiisu bilaabantay ayuu buuq iyo sidan ma ahee waa
sidani bilaabmi lahaayeen. Tani ma ay dhicin, Qur'aankii oo aan lagu
muransaneyna Saxaabadii Rasuulku way inooga tegeen. Markaa miyaaney
maangaabnimo iyo meel ka dhac ahayn inaad raggaas aflagaaddeysaan, idinka
oo u dulqaadanaya ku Qur'aankii oo dhammaystiran intuu u yimi meel
daran kala dhacay. Waxa aan u jeedaa Rashaad Khaliifa, ninkii la sheegey
inuu maxkamadda Tucson ka qirtey inuu ku gefey gabadh da' yar (under age)
isla markaana ku dooday inuu Alle u waxyooday?

Ugu dambeyn, su'aal (waxa aan rajeynayaa inaanu ina Abiib tan ka gabban):
Waa ayo saddexda qolo ee Alle ku sheegey dhexdhexaadka suurat Al-xashr?

N.B. Arrinta axaadiista mar dambe ayeynu ka wada hadli, haddii Alle
idmo.

Nabadgelyo,

Mohamed


salaam,

> Ugu horreyn, waxan dhammaan ugu yeedhayaa in cayda la iska daayo.
> Ninkii Alle ka gaalooba ama ku been abuurta Alle isaga ayaa ku filan
> inuu ka aargoosto. Waxaa loo baahan yahay in wixii sax ah uun aynu
> sheegistooda ku koobnaanno. Taas ayey ahayd akhlaaqdii Rasuulku--
> naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-- markey kufaartu
> caayaan hadalka Ilaahey ayuu ku akhriyi jirey.

si wanaagsan baan kuugu raacsanahay taas. very well said.

> Qoladan reer Tucson (M. Abib) iyo Axmed waxa aan ka soo qaadayaa in


> afkaartan aad cabbiraysaan tahay mid aad aaminsan tihiin. Waxa aan
> jecelahay inaan idin weydiiyo inaad Qur'aanka wada aaminsan tihiin iyo
> in kale.

anigu maxamud cabiib uma hadli karo, hase ahaatee, anigu waan


aaminsanahay qur`aanka oo DHAN. in kasta oo aan hada ku jira wax
barasho ku saabsan QUR'AANKA kaliyah - al yacni, kala duwanaanta
shiicada quraanyadooda iyo sunniga, iwm. however, at the moment - i
whole-heartedly believe in the masxafka(sunniga ah...oo shiicada
badankeeduba ay ogol-yihiin, oo firqooyinka oo dhan isku raacsan
yihiin...)

> Macnihii Qur'aanka miyaad dhammaantii aaminsan tihiin mise


> badhkii ayeydaan aaminsaneyn? Waxa aan ka soo qaadayaa in Axmed yahay
> shakhsiyada ka duwan M. Abib oo isaguna su'aashan ka jawaabo.

kuma fahmin waxaad meeshaas ka wado. anigu waxaan iri qur'aanka oo dhan


baan aaminsanahay. in kasta oo aan ka warqabo in qoloda aaminsan inuu
rashaad ahaa rasuul ay maanta aaminsan yihiin in laba aayadood oo ugu
dambeeya suurada baraa'(9.128-129) aysan qur'aanka ku jirin, hadana
anigu waxaan aaminsanahay kaamilka masxafka oo dhan. ma taas baa meesha
aad ka hadlayso?

> Waxa kale oo aan idin weydiin lahaa haddii aad aaminsan tihiin in


> Qur'aanka aynu maanta heynaa yahay kii xagga Alle Muxammad lagaga
> soo dejiyey, sidee ayeynu ku ognahay in uu sax yahay oo abu-Hureyra,
> Cumar bin-Khaddaab iyo raggii la midka ahaa waxna ku darin waxna kaa
> reebin?

well, taas weeye meesha "nambarka 19" soo galayo. khaliifiyiintu waxay


u diidaan 9.128-129 sababtoo ah waxay ku daraysa "eregyga" *allah* hal
mar...oo ay ka duwan tahay qur`aanka intiisa kale. balse, aniga waxaan
aaminsanahay in TAAS laftirkeeda ay tahay mid ilaahay uu doonayo; al
yacni...ilaahay wuxuu yahay; WAAXID(hal/mid/kow). nambarka sagaal-iyo-
toban waa wax qur`aanka ugu lamaansan si wax KALE aduunka aysan isugu
lamaan saneen.

mida kale, aniga waxaan ahay qof aamisan in ilaahay wax KU reebo
aduunka marka waxaas laga wada aqbalo inta ummada kala duwan oo dhan.
firqooyinka diinta islaamka oo dhan, badankoodu, waxay isku raacsan
yihiin...in qur'aankan yahay kii ilaahay u soo direy ummada.

MIDA kale, qof waliba waxaa ku jira ruuxada ilaahay oo uu nagu afuufay
(15.29,) taasna wuxuu ilaahay inoogu afuufey SI aan u lahaano xoog
marka sheydaanku was-waas nagu bilaabo. marka, naftu(adiga) waxaad u
dhexeysaa ruuxada ilaahay iyo sheydaanka(ibliis). qofkuna waa taas waxa
uu kala dooranayo...ilaahayna taas buu nagu aaminay(33.72) -- MARKA,
ruuxaduna waa FURE...

sidaas daraadeed - waxaad heysaa 3 wax-yaalood oo qofka aaminsiinaya
qur'aanka kaamilkiisa; nambarka 19ka, bulshinomada quraanka oo
firqooyinka idil, iyo ruuxada ilaahay(oo qofka ku caawinaysa xaalad
kasta oo qabsata!)

> Ugu dambeyn, haddii aaney tusaale ahaan Abu-Hureyra iyo raggii Nabiga
> la noolaa ahayn kuwo la rumeysan karo (credible), wixii ay rasuulka ka
> soo tebiyeen oo uu ku jiraan jiritaanka shakhsiyadda rasuulka iyo
> Qur'aankuba sidee loo rumeysan karaa?

inkasta oo ASXAAB kasta oo NEBI walba diinteena islaamka ay noqdeen

intaas baan uga harayaa...

ciid mubaarak-

peace- ahmad!

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Dec 26, 2000, 10:21:35 PM12/26/00
to
Axmed,

Xaggee ayaad ka keentay warka ah mucaawiye ayaa Qur'aanka ururiyey
hortiina wax Qur'aan ah oo qorani ma jirin? Warkani ma mid meel ku
sugan baa mise waa mid naftaadu kuu qurxisey?

Nabadgelyo,

Mohamed

Ahmad

unread,
Dec 26, 2000, 11:37:12 PM12/26/00
to


salaam,

mohamed, aniga markaan meeshaan wax ku qoro - uma qoro qofka ay ku
socoto warqada oo kaliyah - balse inta meeshe timaada oo dhan. sidaas
daraadeed, waxaan kaa codsanayaa ...marka aad aayad barkeed carabi ku
sheegto, u sheeg dadka meesha ay ku jirto. maqaal aysan ummada kale ka
faa'ideysan karin aniga waxaan waqti isaga lumiyo mahayo, marka ila
shaqee saaxiib :)

> 1. Waxa lagu moodaa inaad Kiristaan tahay. Iyaga ayaa aaminsan waxa
ay ugu
> yeedhaan "Ruuxda Qaddissan" (holy spirit) oo ay yidhaahda nimankii
Injiil
> (bible) qorey ayey ka ilaalisay iney gefaan.

waa runtood, laakiin ruuxada waad diidi kartaa waxay kuu sheegto.
inkastoo ruuxada qaddiska ilaahay u soo diray, hadana way ka jeesteen.
TAASNA, injiilkooda laftirkiisaaba sheegay(inteysan dhicin ciisaa
baa "oranaya,")

hase-yeeshee, ruuxada aan ka hadlayo iyo tay ka hadlayaan isma lahan.
ruuxada aniga aan ka hadlayo waa CILMI ilaahay nagu afuufey(15.29,
38.72). ruuxada qaddiska ahse waa JIBRIIL(sidoo kale ruuxada aaminka
ah, 2.97, 16.102, 26.193)


> Ruuxda Qur'aanka ku soo aroortey haddii aynu ka hadallo wax tafaasiil
ah
> oo sheegeya iney Qur'aanka sax ahaantiisa ogtahay ma jirto. Markii
gaaladii
> Qureysheed yuhuuddu kula talisay iney ruuxdu waxay tahay (iyo
shaqadeeda)
> Muxammad weydiiyaan, Alle wuxu yidhi, "Qulir-ruuxu min amri Rabbii."

kow; taas sababteedu waxay tahay - ruuxada ma'ahan kaliya inay dadka u
sheegto qur'aanka saxan, BALSE inay noloshooda oo dhan toosiso. muxuu
ilaahay dadka ugu afuufey RUUXADIISA(15.29)??? marka ilaahay ruuxadiisa
ku afuufey insiga...insigu wuxuu noqday XARAM(sacred). waa sidaas
sababta loogu yiri malaa'iigihii; "u sujuuda aadam,"(15.29, 38.72)

labo; aayada 17.85(suurat-ul-israa') waxay leedahay;

"waxayna ku weydiiyaan ruuxada, waxaad tiraahdaa; 'ruuxada waxay ka mid
tahay amarada rabbigay, mana lidin siin cilmi xageed ilaa wax yar
mooyee..."(17.85)

maxay qureeshtu yehuuda kala talinaysay...yehuuda kutubtooda way ka
buuxdaa "ruuxada"(ruux, iyo ruux xaKodesh - "spirit" and "holy spirit")
cida qur`aanka sheegayo waa QUREESHTA(fadlan aqri aayada ka hor iyo ka
diba...)

> Nafta iyana marka uu Qur'aanka Alle kaga hadley waxa uu ku tilmaamey
saddex
> nooc: "nafsul-lawwaama" (naf canaan badan), "nufsun ammaaratum
bissuu'"
> (naf xumaanta farta), iyo "nafsul-mutdma'innah" (naf xasilloon).
Intan
> midkoodna ma sheegayo xidhiidh nafta iyo Qur'aanka ka dhexeeya.

- aayada "walaa uqsimu bil nafsil-lawaamah"(75.2) waxay leedahay; "iyo
waxaa ku dhaartey NAFTA is NABKA badan"(self-accusing or self-blamming
soul...)

- aayada "yaa ayuha-al nafsu-ul-mutdma'innah"(89.27) waxay
leedahay; "ala nafyahay XASILLOONEYD,"(fadlan, sii aqri suurada...)

INTAA dabadeed - NAFTA waa wax "dhex ku jire" ah. naftu waxay u
dheexeysa RUUXADA(ka timid ilaahay)...waswaaska(KA YIMIAADA
sheydaanka). marka qofka bini aadamka la kulmo wax - wax dhibaya
nafsadiisa, ruuxada iyo waswaaskuba talo bey siiyaan. naftu
talooyinkaas bey ka doorataa.

nafta waxay amri kartaa wanaag iyo xumaan labadaba. sababtoo ah - waxay
tahay dhex ku jire. badanaana, naftu waxay amartaa wax XUN. hase
yeeshee, ruuxada ayaa qofka u tilmaamta waxa suuban...meesha waswaasku
tilmaamo wax XUN. marka qofka ilaahay ka jeestana, ilaahay wuxuu u
dooraa SHEYDAAN inuu la jiro(43.36)

> Haddii laga tegi waayo waxa jirta sida Rasuulka ka soo
aroortey "fitrada"
> oo ah dabiicadda aadamaha (natural inclination) in ay u jenjeedho
xagga
> khayr falka iyo Alle rumeynta. Tanna waa ta keenta in ummado aan
waxyiga
> Alle ku socon ama rumeysneyni weli gartaan qeyb weyn oo akhlaaqda ah.

firtradu waa RUUXADA. waa ruuxada oo uun erey kale lagu yiri. qofka
bini-aadamka RUUXAD la'aan waa XAYAWAAN. wax san iyo wax xun makala
yaqaan - wuxuu kala yaqaan kaliya waxa u cunnima iyo waxa dhiba(SIDA
xayawaanka).

tusaale ahaan - marka qofku HURDO habeenkii oo ilaahay NAFTIISA(taasoo
ruuxada la jirto) ka qaato(39.42)...dadka qaarkood WAY toosaan inta
naftoodii MAQAN TAHAY. markey toosaan, wallaahi XAYAWAAN kama duwana.
do you ever hear "sleep walking"? dadku way kacaan...oo firinjeerka iyo
intey tagaan oo cunto cunaan...oo XATAA dad dillaan ayagoo
hurda...beysan waagu markuu beryo AYSAN xasuusan. bal xoogaa taas ka
FAKAR.

> Isku soo duub oo waa kee daliilka yidhi, "ruuxdu waa fure..."?
Dabcan xor
> baad u tahay inaad sidan qabto iyo inaad tidhaahdo aniga ayey ila
tahayba,
> hase yeeshee, anigu waxa aan xiiseynayaa inaad Qur'aanka daliil ka
keensato.

waxaa laysku raacay - in ilaahay yahay mid og cilmi qeybka - wixii
dhacay hooraan iyo waxa dhaca markaas iyo waxa dhici doonaba. ilaahay
markuu qaaliqa abuurey - wuxuu u soo bandhigay AMAANADA(oo ah in lagu
aamino iyo noqon karaan "dhex ku jire")...aadane baa qaadey(33.72,)
ibliisna waxaa la siiyey qaalidnimo(immorality)...iyo waswaaska(38.79-
85) -- dabcan, ilaahay waa mid xaq ahe, wuxuu bini aadamka siiyey
RUUXADA. ruuxada waa oppositeka waswaaska. NAFTUNA waa waxaan u aqaan;
dhex-ku-jire.

FADLAN, xasuuso, islaamku lama bilaaban quraanka. quraankana
gudihiisana wuxuu ilaahay noogu sheegey inaan weydiino ahlul kitaabka
waxaan ka shakino(10.94)...sidoo kale, meelo badan buu ilaahay lee
yahay weydiiya "ahlul kitaabka"...

inkastoo waxaan kor ku xusay ay nagu filan tahay, bal weydii dadka
kitaabka waxa "ruux" tahay - waxay kuu sheegi inay tahay qeyb ka mid
ah "nafta" bini aadamka...oo ku caawisa bini aadamka waxa SAN.

> 2. Tiradan sagaal iyo tobanka ee aad tidhi iyana waxa loo adeegsan
karaa
> in lagu qiyaaso Qur'aanka sax ahaantiisa, marka hore waa ta keentay in
> Khalifites-ku Quraanka badhkii (aayadihii aad tilmaantey) xooraan.
Markaa
> is qaban maayaan inaad tidhaahdo Qur'aanka oo dhan ayaan aaminsanahay
iyo
> inaad tidhaahdo 19 ayaa Qur'aanka sax ahaantiisa lagu cabbirayaa.
Labada
> midkood inaad ka tagto ayuu mandaqu muujinayaa.

well, saaxiib, taas waa dadka shakiga ku jiro :) aniga waxaan
aaminsanahay in 19ka uu qur'aanka sixitaankiisa ay midweyn u tahay.
HADANA, waxaan aaminsanahay in qur`aanku kaamil yahay.

rashaad wuxuu u diidey labada suurad oo 9.128-129...sababtoo ah - waxay
hal dheeraad ah ku dareen ereyga "allah". hase yeeshee - ALLAAHU
WAAXID! marka, in hal dheeraad ah xisaabta laga helo - aniga waxay ila
tahay MID kaba sii wanaagsan...iyadoo hal la'aan ay noqoto.

> Ta kale, Qur'aanka tirooyin badan ayaa ku soo aroorey; kow, laba,
saddex,
> afar, shan ... sagaal iyo toban, boqol, laba boqol, kun, laba kun,
kumanyaal
> badan ... konton kun. Badiyaana tirooyinkani,marka laga reebo 19,
waxay la
> xidhiidhaan waxyaalo wanaagsan ama dhexdhexaad ah (nuetral). Tirada
sagaal
> iyo tobanse marka keliya ee Qur'aanka lagu sheegey waxay tilmaameysaa
> arrimo cadaabta la xidhiidha oo weliba loogu digayo ku Alle ku been
abuurtey
> diintana la col ah. Dhammaan tirooyinkaasi waxa ay la mid yihiin
ereyada
> kale ee Qur'aanka lagu adeegsaday oo midkoodna wax ka muhiimsan
macluumaadka
> uu sido ma jirto. Alle ayaa sheegi lahaa sida waxyaabaha kale ee
muhiimadda
> lehba uu u sheegey haddii tirooyinkaasi wax muhiimad oo gaar ah
xambaarsan
> yihiin. Haddii aad daliil ah in tirooyinkaa qaarkood Alle sir ku
xabaaley
> daliilku waa adiga dushaada.

meeshaas weeye meesha aad ku qaldan tahay - 19ku waxay ku jirtaa
surrada 74(aayada 30aad)...balse SUURADAAS oo dhan waxay ka hadleysaa
qur'aanka. bal aynu eegno qeybta suurada ah;

"74.24 wuxuu yiri; kan mahan waxba sixir ma'ahane, la(soo) guuriyey
74.25 kan ma'ahan waxba hadal bashar ma'ahane
74.26 waxaa ku tuurayaa saqar
74.27 maxaana ka taqaanaa waxa saqar tahay?
74.28 jiir iyo laf midna ma reebto
74.29 waxay doorisaa basharka(jirka)
74.30 korkeeda sagaal iyo toban"(suurat-ul-mudathir) aayada 31aadna
waaba MIDA oo dhan oo qofka u sheegaysa sida "tirada malaa'igaha"(19)
ay mu'miniinta imaankooda u saa'idinayso...una dhibeyso gaalada.

MARKA, suurada oo dhan waxay ka hadlaysaa quraanka. "sagaal iyo
tobankana" waxay JAWAAB u tahay aamin-la'aanta qur'aanka. BAL taas ka
fakar xoogaa. mida kale, bal ii sheeg nambarada aad sheegtey oo sida
19ka u muujinaya AAMIN.

intaa dabadeed, ilaahay weligiis WAXBA "cadaan" dadka ugama dhigin, wuu
sharaxaa. waxa wuu kala saar-saaraa...markaasaa kuwa WANAAGSANI ay
gartaan. for example, ilaahay wuxuu qur`aanka inoogu sheegay in kutubta
dadka israa'iil muxammad lagu cadeeyey. ma jirto hal aayad oo ilaahay
lee yahay; "nin muxammad ibn abdullahi la yiraahdo baa idiin imaanaya,
IWM" balse ilaahay wuu shaandheeyey...oo SHEEGAY - hadii aad aqrisid
yehashayah 42(isaiah 42) waad arkeysaa waxaan ka wado. sidoo kale
misiixigii - ma jirto hal meel oo ku yiri "magaciisu waa ciisaa ibn
maryama dadow...ee ogaada, IWM" laakiin wuu shaandheeyey oo uu
cabirey...oo uu sheegay meesha iyo waqtiga uu imaanayo, iwm.

> 3. Ta ah "Qur'aanka bulsho ayaa soo werisay" oo sidaa darteed waa
sax, waa
> arrin xaggayaga maqbuul ka ah. Idinkase waxa aan moodayey inaad wax
weyn
> ka qabtaan saxaabadii Rasuulka ee ay ka mid ahaayeen Abaa Hureyra.
Adiga
> hore uma aan akhriyin adiga oo caayaya, hase yeeshee kuwan M. Abib ka
> tirsan yahay qaarkood ayaaba aad mooddaa in shaqadooda keliyiba tahay
> cayda abuu Hureyra iyo raggii kale ee Qur'aanka soo tebiyey.

abu hurayrah wuxuu ahaa nin wanaagsan - oo is bedelay. fadlan, aqri
shiicada insaaykelobiidhiyahooda oo arintan ku saabsan(abu hurairah vs
paul; http://al-islam.org/encyclopedia/chapter9/3.html) MARKA, abuu
hurayrah waa nin far ku mudan tahay. fadlan xasuusnow, asxaab kasta oo
nebiyyada loo doortey waxaa KU JIREY shayaadiin(6.112)

balse - abu hurairah kaliyah ma'aheen asxaabta nebiga. asxaabta nebiga
waxay ahaayeen rag badan. weligeedna, dhamaantood dadku ma xumaadaan,
balse badankooda. qur'aanka waxaa soo tebiyyay rag iska SOO horjeeday
oo cadow isku ahaa - sida raga ciraaq degay...oo ay ku jireen xasan iyo
xuseen iyo wixii la midka ahaa...iyo qolooyinkii carabiyya...oo ay ka
midka ahaayeen mucaawiyah, iwm. labada qolona waxay soo tebiyeen quraan
isku mid ah(in kastoo shiicada qaarkood heystaan qur'aan xoogaa ka yara
duwan kan shiicada badankeeda iyo sunniga.)

> Axmed waa inaad fahamto in khilaafaadka muslimiintu bilaabmeen muddo
ka dib
> geeridii Rasuulka. Waxa jirtey mar aaney jirin wax khilaaf ah waagaas
> ayaana Qur'aanka la ururiyey lana qorey. Ragga Qur'aanka ururiyey ee
> Qorey waxay ahaayeen raggii Rasuulka la soo halgamay ee uu tababarey.

waan kugu raacsanahay taas, laakiin ogoow - marka nebigga dhintey weeye
marka qur'aanka meelaha loo kala direy(waqtigii abuu bakar iyo cumar...)

> Kuwaasi haddii ay khiyaamo iyo daacad darro ku jirto, markii Quraanka
> isugeyntiisa iyo ururintiisu bilaabantay ayuu buuq iyo sidan ma ahee
waa
> sidani bilaabmi lahaayeen. Tani ma ay dhicin, Qur'aankii oo aan lagu
> muransaneyna Saxaabadii Rasuulku way inooga tegeen. Markaa miyaaney
> maangaabnimo iyo meel ka dhac ahayn inaad raggaas aflagaaddeysaan,
idinka
> oo u dulqaadanaya ku Qur'aankii oo dhammaystiran intuu u yimi meel
> daran kala dhacay. Waxa aan u jeedaa Rashaad Khaliifa, ninkii la
sheegey
> inuu maxkamadda Tucson ka qirtey inuu ku gefey gabadh da' yar (under
age)
> isla markaana ku dooday inuu Alle u waxyooday?

inkasta oo aad rashaad la hadleysid - rashaad waa nin dhintey -
anigaana meesha ii soo gelisay(LOL)...marka, bal aan ka jawaabo.

horta, buuq waa ka dhacay markii cusmaan iyo ka dib...oo qur`aanka la
isku soo aruurshey. waxaa xadiista lagu sheegay in cali ibn abu talib
uu ka dagaalamey qur'aanka oo wax lagu 'zaa'idiyey'(in kastoo la yiri
xadiiskan waa daciif!)

mida kale, buuga "culum-ul-qur'aan"(axmed van denffer, islamic
foundation, leicester, U.K., 1983, first edition, pg 56;" baa wuxuu
leeyahay;

"waxa ugu horeeyey oo marwan bin al-xakam sameeyey waxay ahayd inuu
gubey qur'aankii asalka ahaa, midkii zaid u qorey rasuulka, isagoo ka
cabsanaya inay is-qalaaf cusub billowdo,"

aniga saan horeyba u iri, ma'aaminsani in rashaad ahaa rasuul. MA AHAN
arinta aad sheegtey aawadeed, balse arimooyin kale oo gaar ah. hase
ahaatee, arinta aad sheegeyso waxay aheyd arin ninkaan dusha laga
saarey. ninkaana wuxuu ahaa miskiin lacag uu maxkamado kula dagaalamo
dad taajiriin ah laheyn. marka, wuxuu sameeyey sidaan aniguba sameyn
lahaa. MIDA kale, gabadhu naag weyn bay ahayd(mareykan shaqo la'aantii
baa ka badateye, LOL) mida kale, rasuulo ka horoow baa wax-yaabo saas
oo kale ah lagu cambaareeyey. miyaadan ogeyn in nebiyullahi muxammad
lagu cambeereeyey inuu gabar yar oo sagaal jir ah kufsadey? inuu xaaska
willkiisii uu ka furtey naagtiisii oo isaga guursadey? wax yaabo badan
OO BEENTA munaafiqiinta ah. marka, allahu aclam. anigu u doodi maayo
ninkaan rashaad ah - hadii uu dembi galay iyo hadii kaleba, allahiis
buu hada la jiraa, hadii dan u tahay iyo hadii kaleba.

> Ugu dambeyn, su'aal (waxa aan rajeynayaa inaanu ina Abiib tan ka
gabban):
> Waa ayo saddexda qolo ee Alle ku sheegey dhexdhexaadka suurat Al-
xashr?

do you really want me to answer that ? :))


ciid mubaarak -

waSalaam- axmad

Ahmad

unread,
Dec 26, 2000, 11:40:11 PM12/26/00
to

salaam,

> Xaggee ayaad ka keentay warka ah mucaawiye ayaa Qur'aanka ururiyey
> hortiina wax Qur'aan ah oo qorani ma jirin? Warkani ma mid meel ku
> sugan baa mise waa mid naftaadu kuu qurxisey?


xagee taas ku iri? hadaan taas iri, qalad baan u iri(inkastoon
xasuusneyn markaan taas iri)mucaawiyyah wuxuu ahaa shaqsigii ugu
horeeyay oo XADIIS ka qora nebiga.

as far as i know, qur`aanka waxaa ARUUREY cusmaan ibn caffaan. ka hor,
wax "official" ah oo qur'aan ah majirin. dadku waxay heeysteen qur'aano
ay qor-qorteen oo isku maqal(pronounciation) ah bad ku kala duwanaa
qornaan(writting)


ciid mubaarak-

waSalaam- axmad.

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Dec 31, 2000, 9:07:13 PM12/31/00
to
Axmed,

Way fiican tahay in wixii aan afsoomaali ahayn ee la soo qoro
tarjumaddooda la soo raaciyo. Wixii dambe waxa aan isku deyi
doonaa sidan yeelo.

1. Waxa aad tidhi, "[Kiristaanku] waa runtood ... ruuxda qaddiska ah
Ilaahey baa u soo direy..."

Haddii aad ogtahay, "Ruuxda Qaddisani" waxa ay iyaga ula mid
tahay Ilaahey jeexii (Alle wuu ka hufan yahay waxyaalahan
ay la wadaajinayaane). Allena arrintan wuu ku fadeexadeeyey
Qur'aanka oo wuxuu yidhi, "Hubaashii way gaaloobeen kuwii
yidhi ilaahey waa ka saddexaad ee saddexda." (laqad kafaral-
ladziina qaaluu innal-Laaha thaalithu thalaatha..." Ereyga
"Qaddisan" (divinity) ee ay ruuxdan ku sifeynayaan wuxuu wataa manahan
oo sifooyinka Rabbi qaarkood ayey ku sifeeyaan.

Markaa marka aad leedahay waa runtood, ma arrintan ayaad la
qabtaa? Ta kale, xaggee ayey, sida aad tibaaxday, ku soo
aroortey in Alle ruuxdan ay ku ladhayaan u soo direy?

2. Qur'aanku waxyaalaha ugu muhiimsan ee dadka ka waaniyo
waxa ka mid ah in aadamuhu hawadiisa raaco oo wixii naftiisa
la quruxbata ama sax ula muuqda uu xaqiiqadii kama dambeysta
ah ka dhigo. Waxa aad akhriyeysaa Alle oo Qur'aanka dhexdiisa
leh, "Haddii xaqu hawadooda raaci lahaa, waxa kharribmi lahaa
samooyinka iyo dhulka ..." Caqliyaddan ah "aniga waxay ila
tahay" waa tii keentay in kooxdii Qureysh u talineysay diidaan
xaqa, oo tusaale ahaan waa kuwii, sida Qur'aanku noo tilmaamey,
lahaa, "Maa Qur'aanka [haddii uu run yahay] lagu soo dejiyo
labada nin ee waaweyn ee labada magaalo ..."

Ra'yiga bani'aadamku diin ma noqon karo. Diinta sababaha Alle
u soo dejiyey ayay ka mid tahay koobnida aqoonta aadamaha iyo
dan- iyo duruuf-ku-xidhnaanta afkaartiisa.

Ta kale, waa arrin khatar ah inaan iska nidhaahno Alle ayaa
caynkaa iyo caynkaa yidhi innaga oo aan hubin. Haddii aynu
wax aan sax ahayn Alle u tiirinno, Alle ayeynu ku been
abuuranney, kuwa Alle ku been abuurtana waan ognahay
digniinta Alle siiyey ee Qur'aanka ku sugan.

3. Macnaha xarfiga ah ee aayadda suurat al-Israa' ku jirtaa waa,
"Waxaad tidhaahdaa ruuxda waxay ka mid tahay arrinka Rabbigey,
cilmigana la idinma siinnin waxyar mooyaane." Haddii sida aad
qortey sax tahay aayaddu waxay noqon lahayd, "wamaa uutiitum
min cilmihaa illaa qaliil." Akhriska saxa ahi waa "wamaa uutiitum
minal cilmi illaa qaliil." Aayadda kuma jiro magac u yaal (pronoun)
isku xidhaya ruuxda iyo cilmiga, sidaa darteed qeybta dambe ee aayaddu
macneheedu waa mid guud.

Aayaddu, sida ay soo weriyeen qoladii Qur'aanka noo soo tebisay, iyada
iyo suuradda ku xigtaaba waxa ay ku soo degeen Maka. Waxay soo weriyeen
in hoggaamiyeyaashii Qureysheed Yuhuuddii Madiina (Yathrib) ku yidhaahdeen,
"Waar idinka ayaa kutubtii hore la idinku soo dejiyey eh, noo sheega
wax aannu ku xujeyno nin nebinimo sheeganaya oo naga mid ah." Yuhuuddii
waxay ku yidhaahdeen, waxa aad weydiisaan saddex arrimood oo kale ah:
koox dhallinyaro ah oo waqti dheer huruday arrinkoodu waxa uu ahaa,
nin dawaaf ahaa xaalkiisa, iyo ruuxdu waxa ay tahay.

Qureyshtii su'aalihii ayey Rasuulka ula yimaaddeen, markaasuu Rasuulku
ku yidhi, "Berrito ayaan idiinka warrami doonaa" ...

Markaa arrinku ma ahayn Yuhuud ayaa dooneysey iney ogaadaan ruuxdu waxa
ay tahay ee waxay ahayd arrin Rasuulka lagu xujeynayey. Allena wuxuu
noo tilmaamey ruuxda arrinkeedu aanu ahayn mid sidaa u fudud in aadamuhu
fahmo.

4. Waxa aad qortey "Fitradu waa ruuxda." Maxaa sidaa ka dhigey? Macnihii
sidee ayaad ku ogtahay in fitrady ruuxda tahay?

Waxa kale oo aad tidhi "ruuxdu waa oppositeka waswaaska"? Tanna maxaad ku
caddeynaysaa?

5. Waxa aad qortey:

"FADLAN, xasuuso, islaamku lama bilaaban quraanka. quraankana
gudihiisana wuxuu ilaahay noogu sheegey inaan weydiino ahlul
kitaabka waxaan ka shakino(10.94)...sidoo kale, meelo badan buu
ilaahay lee yahay weydiiya "ahlul kitaabka"...

Waxa aad mar kale qortey in Rashaad Khaliifa ku dooday in Muxammad ahaa
aasaasihii islaamka. Adiguna qortey inaa qabto in Ibraahiim ahaa.

Waxa aan jecelahay inaan kuu tilmaamo inaan Muxammad iyo Ibraahiim
midkoodna aasaasin islaamka. Miyaydaan akhriyin: "Innad-diina
cinda Allaahil-islam ..." (Xagga Alle diintu waa islaamka)? Dhammaan
rusushii Alle soo direy oo dhammi diintaas ayey dadku ugu yeedhayeen.
Caqiidada dhammaantood iskaga mid ayey ahaayee oo jiritaanka Alle
iyo midnimadiisa ayaa aasaas u wada ahaa, waxayse ku kala duwanaayeen
xagga axkaamta, oo sida Qur'aanku inoo sheegey waakii Ciise lahaa,
"Wali uxilla lakum bacdtal-ladzii xurrima calaykum ..." (iyo inaan
idiin banneeyo waxyaalihii la idinka reebey qaarkood)

Ta kale, Qur'aanka kuma ay soo aroorin in Alle yidhi weydiiya Ahlul
Kitaabka ruuxdu waxa ay tahay. Xaqiiqdii Alle waxa uu ku eedeeyey iney
markhaatigii kutubtooda ku sugnaa oo ay ka mid yihiin astaamihii lagu
garanaya Nabi Muxammad ay qariyeen iyo in ay maslaxaddooda ka doorteen
iney wixii ay ogaayeen sheegaan. Marka Alle waxyaabahan ku eedeeyey
maxaa laga rumeysan karaa? Markase Alle Qur'aanka noogu sheegi waayey
waxa ay ruuxdu tahay, muslimka waxa ay reer Israa'iil iyo Kiristaanku
sheegaan qiimo badan xaggiisa kama laha.

6. Tiradan 19ka ee aad tidhi waan aaminsanahay, haddii aad xusuusato
waxa aan kuu tilmaamey inaaney ahayn tirada keliya ee Qur'aaka ku jirta.
Su'aasheydu waxa ay ahayd "waayo sagaal iyo toban? Waayadeedse
1,2,3,4,5,6,7,8,10, 12, 100, 200, 1000, 2000, 5000, 50000, illeyn
kuwaniba Qur'aanka wey ku soo arooreen, wax muhimad ah oo gaar ah
oo 19 leeyahayna wax muujinayaa Qur'aanka kuma sugna eh?" Rashaad
Khaliifa isagu su'aashan iyo kuwa la midka ah wuxuu kaga baxsaday inuu
Allu ku been abuurto oo uu yidhaahdo, "Waxyigaa ii sheegey". Su'aashu
waxay tahay, adigu sideed rabtaa inaad uga wareegto?

7. Waxa aad qortey:

"meeshaas weeye meesha aad ku qaldan tahay - 19ku waxay ku jirtaa
surrada 74(aayada 30aad)...balse SUURADAAS oo dhan waxay ka hadleysaa
qur'aanka. bal aynu eegno qeybta suurada ah;

"74.24 wuxuu yiri; kan mahan waxba sixir ma'ahane, la(soo) guuriyey
74.25 kan ma'ahan waxba hadal bashar ma'ahane
74.26 waxaa ku tuurayaa saqar
74.27 maxaana ka taqaanaa waxa saqar tahay?
74.28 jiir iyo laf midna ma reebto
74.29 waxay doorisaa basharka(jirka)
74.30 korkeeda sagaal iyo toban"(suurat-ul-mudathir) aayada 31aadna
waaba MIDA oo dhan oo qofka u sheegaysa sida "tirada malaa'igaha"(19)
ay mu'miniinta imaankooda u saa'idinayso...una dhibeyso gaalada.

Waxa aad sheegtay inaad halkan ku qaldanahay. Ma aad sheegin sababta, waxadse
soo guurisay qeyb ka mid ah suuraddii tirada 19 ku soo aroortey. Adiga oo
hadalkii sii wadana waxa aad qortey:

"MARKA, suurada oo dhan waxay ka hadlaysaa quraanka. "sagaal iyo
tobankana" waxay JAWAAB u tahay aamin-la'aanta qur'aanka. BAL taas ka
fakar xoogaa. mida kale, bal ii sheeg nambarada aad sheegtey oo sida
19ka u muujinaya AAMIN."

A) Waxa jirtey inaan tilmaamey in suuraddu ka hadleyso "ku Alle ku been


abuurtey diintana la col ah."

Suuradda aayadeheeda 1-7 waxay la hadlayaan Rasuulka. Aayadaha 8-10na waxay
ka hadlayaan maalinta Qiyaamaha oo Alle leeyahay, "[waa mid] kuwa gaaloobey
aad ugu adag". Aayadaha 11-26 waxay ka hadlayaan shakhsi [Darnii wa MAN
khalaqtu waxiidaa... sa usliihis-Saqar" (Ii daa KA aan abuurey keligii
... Waxa aan gaadhsiin doonaa Saqar). Waxa axaadiis saxiix ah ku soo aroortey
inuu ahaa Waliid ibn Muqhiira.

Aayadaha 27-30 waxa uu Alle faahfaahin ka bixiyey waxay tahay [cadaabta]
Saqar oo uu yidhi, "Maxaad ka ogtahay Saqar, Waxba mar reebto waxna kama
tagto (laa tubqii walaa tadar) (u eeg tarjumaddaada, laf iyo jiidh toona
ma reebto. Ereyada laf iyo jiidh xaggeed ka keentey?)...


Suuradda haba yaraatee, sida aad ku doodday, kuma jiraan wax tilmaamaya
Qur'aanka sax ahaantiisa iyo xidhiidh ka dhexeeya tirada 19. Ereyga Qur'aan
iyo magac u yaalkiisa toona mar keliya suuradda laguma xusin. Markaa
odhaahdaa ah " suurada oo dhan waxay ka hadlaysaa quraanka" war sax ah
ma aha. Haddii aad daliil haysato, fadlan keenso.

Xaqiiqda tiradani haddii aad taariikhdeeda dib u raacdo kuma salaysna
wax laga fahmey Qur'aanka ee waa mid si cashwaa'i ah (random) ku timid.
Qur'aanka ayaa tilmaamey in siri ku xabaalan tahay tirada 19 iyo sida
ay Qur'aanka ugu soo aroortey ayaa ah mid gaar ah labada midna wax kama
jiraan.


8. Ugu dambeyn, adiga oo muujinaya sida aanad ugu dhiirraneyn inaad wax
ka sheegto Rashaad Khaliifa oo sidii aad hore u qortey ah nin Alle ku been-
abuurtey oo nebinimo been ah iyo in loo waxyooday sheegtey, waxa aad qortey:



"inkasta oo aad rashaad la hadleysid - rashaad waa nin dhintey -
anigaana meesha ii soo gelisay(LOL)...marka, bal aan ka jawaabo."

Abu Hureyra oo ah kuwa Alle Qur'aakiisa ku ammaaney ee iimaanka nooga
horreeyeyna adiga ka hadlaya ayaad qortey:

"abu hurayrah wuxuu ahaa nin wanaagsan - oo is bedelay. fadlan, aqri
shiicada insaaykelobiidhiyahooda oo arintan ku saabsan(abu hurairah vs
paul; http://al-islam.org/encyclopedia/chapter9/3.html) MARKA, abuu
hurayrah waa nin far ku mudan tahay. fadlan xasuusnow, asxaab kasta oo
nebiyyada loo doortey waxaa KU JIREY shayaadiin(6.112)

Bal ee jenjeedhkaaga.

Waxa kale oo aad ku dooddey in Rashaad Khaliifa uu dembi aanu qabin ka qirtey
maxkamadda Tucson horteeda. Waxa aad tidhi waxa uu ahaa nin miskiin ah
oo aan kharashka lawyer-ka karin. Kharashka lawyerka ayuu iska bixin kari
waayey ma aha war jira. Marka sheekadani dhacday "Tucson Mosque" wuu jirey
xer tiro muhim ah lehna wuu heystay. Ta labaad haddii uu qirashada dembiga
xadhig la'aan tegey, su'aashu waxay tahay ma diidmada ayaa xadhig u keeni
lahayd?

Axmed, marka R. K. la soo qaado ayey caadifaddii xernimadu iney ku qaadeyso
lagu moodaa.

Nabadgelyo,

Mohamed

Ahmad

unread,
Jan 1, 2001, 6:20:54 AM1/1/01
to


salaam,

> Way fiican tahay in wixii aan afsoomaali ahayn ee la soo qoro
> tarjumaddooda la soo raaciyo. Wixii dambe waxa aan isku deyi
> doonaa sidan yeelo.

anigu turjummaad kama hadleynin, waxaan ka hadlayey inaad garaad siiso
(SOURCES). al-yacni...markaad aayad barkeed aad af-soomaali ku
sheegto...waa inaad dadka siisid suurada iyo aayada nambarkeedaba.
turjummaad waad turjumeysay...oo taas ma'ahayn waxaan ka hadlayay.


> Haddii aad ogtahay, "Ruuxda Qaddisani" waxa ay iyaga ula mid
> tahay Ilaahey jeexii (Alle wuu ka hufan yahay waxyaalahan
> ay la wadaajinayaane). Allena arrintan wuu ku fadeexadeeyey
> Qur'aanka oo wuxuu yidhi, "Hubaashii way gaaloobeen kuwii
> yidhi ilaahey waa ka saddexaad ee saddexda." (laqad kafaral-
> ladziina qaaluu innal-Laaha thaalithu thalaatha..." Ereyga
> "Qaddisan" (divinity) ee ay ruuxdan ku sifeynayaan wuxuu wataa manahan
> oo sifooyinka Rabbi qaarkood ayey ku sifeeyaan.

aniga waxay ayaga ulamidka tahay kama aanan hadleynin - balse waxa
arintaas tahay ISLAAMKA xaggiisa. sidoo kale, nebiyullaahi ciissaa
wuxuu u yahay "qeyb" ilaahay ka mid ah, balse islaamku sidaas
ma'aaminsana. aniga waxaan ka hadlayay xaga islaamka.

> Markaa marka aad leedahay waa runtood, ma arrintan ayaad la
> qabtaa? Ta kale, xaggee ayey, sida aad tibaaxday, ku soo
> aroortey in Alle ruuxdan ay ku ladhayaan u soo direy?

maya kuma raacsani arintaas(al yacni in ruuxada qaddiska ah ay
tahay "qeyb" ilaahay ka mid ah...)

hase yeeshee aanka jawaabo su'aashaada kale'e, qur'aanka wuxuu alle ku
sheegay inuu alle ku xoojiyey ciissaa ruuxada qaddiska ah((2.87, 2.53,
5.110) ...mida kale, arintaan waa arin lagu xusay injiilka - ilaahayna
qur'aanka kama diidin/raficin. wixii kutubta hore lagu sheegay oo diini
ah...oo qur'aanka lagu raficina waxaan u heystaa inay yihiin waxyaabo
aysan dadkaas qurmin.

> 2. Qur'aanku waxyaalaha ugu muhiimsan ee dadka ka waaniyo
> waxa ka mid ah in aadamuhu hawadiisa raaco oo wixii naftiisa
> la quruxbata ama sax ula muuqda uu xaqiiqadii kama dambeysta
> ah ka dhigo. Waxa aad akhriyeysaa Alle oo Qur'aanka dhexdiisa
> leh, "Haddii xaqu hawadooda raaci lahaa, waxa kharribmi lahaa
> samooyinka iyo dhulka ..." Caqliyaddan ah "aniga waxay ila
> tahay" waa tii keentay in kooxdii Qureysh u talineysay diidaan
> xaqa, oo tusaale ahaan waa kuwii, sida Qur'aanku noo tilmaamey,
> lahaa, "Maa Qur'aanka [haddii uu run yahay] lagu soo dejiyo
> labada nin ee waaweyn ee labada magaalo ..."

wax-baad meesha isku qaladey;

waa mide, HAWADA ma'ahan wax rabbaani ah...balse wax nafsada qofka ka
yimaada. sidaan horeyba u soo sheegayna, nafsadu waa DHEX-ku-JIRE noqon
kartana mid wanaagsan...noqon kartana mid xun...taasoo sababteedu tahay
waxay raacdey.

mida labaad, CARABTA waxa laga sheegayo oo qur'aanka ku jira...waa wax
ka yimi dad hawooda iska daaye NAFSADOODU tahay mid baadil ah oo
lunsan. marka, ha'isku qaldin hawada iyo nafta iyo gaalada. nafta waa
wax wanaagsanaan kara...meesha gaaladu tahay wax qurmey inta aanba
la'isku iman.

> Ra'yiga bani'aadamku diin ma noqon karo. Diinta sababaha Alle
> u soo dejiyey ayay ka mid tahay koobnida aqoonta aadamaha iyo
> dan- iyo duruuf-ku-xidhnaanta afkaartiisa.

diin waxa kaliya oo ay ka timaadaa waa alle, subxaanu watacaalaa -
balse waxaad iloowday in RA'YIGA aadamuhu ku xiran yahay diintaas alle
dadka u soo diro. tusaale ahaan, ra'yiga fircoon iyo ibraahiim isku mid
ma ahaan karin - sababtoo ah...fircoon wuxuu ahaa nin ilaahiis wuxuu ka
helay inkirey...meesha ibraahiim ahaa nin ilaahiis wuxuu ka helay
qaatey oo u jajabey oo ku NOOLAADEY. marka, mar labaad wax baad isku
qaldeysaa. ra'yiga bini aadumuhu wuxuu ku xiran yahay labo wax midkood;
siraadullah aw siraadul sheydaan(jidka ilaahay ama jidka
sheydaanka)...marka SIDA hawada, ra'yigu wuxuu ku xiran yahay wanaaga
ama xumaanta naftaas. sidaas daraadeed, ra'yiga bini aadamku ma'ahan
wax wada qaldan.

> Ta kale, waa arrin khatar ah inaan iska nidhaahno Alle ayaa
> caynkaa iyo caynkaa yidhi innaga oo aan hubin. Haddii aynu
> wax aan sax ahayn Alle u tiirinno, Alle ayeynu ku been
> abuuranney, kuwa Alle ku been abuurtana waan ognahay
> digniinta Alle siiyey ee Qur'aanka ku sugan.

si wanaagsan baan halkaas kuugu raacsanahay. alle ku been-abuursho waa
waxa kaliyah oo bini aadamka badankiis qaribaya...

> 3. Macnaha xarfiga ah ee aayadda suurat al-Israa' ku jirtaa waa,
> "Waxaad tidhaahdaa ruuxda waxay ka mid tahay arrinka Rabbigey,
> cilmigana la idinma siinnin waxyar mooyaane." Haddii sida aad
> qortey sax tahay aayaddu waxay noqon lahayd, "wamaa uutiitum
> min cilmihaa illaa qaliil." Akhriska saxa ahi waa "wamaa uutiitum
> minal cilmi illaa qaliil." Aayadda kuma jiro magac u yaal (pronoun)
> isku xidhaya ruuxda iyo cilmiga, sidaa darteed qeybta dambe ee aayaddu
> macneheedu waa mid guud.

aniga labada si'ba waa isku mid. mar walba, sidaan anigu fahamsanahay -
cilmiga la sheegayo waxaa weeye key WEYDIIYEEN oo ah "ruuxada". fadlan,
xasuusnow, hadii quraanka loo fasiro SIDA uu yahay LITERALLY luuqad
kale, micnaha oo dhan wuu isdaba marayaa. FOR example...bal aqri
suurada 4aad aayadeeda kowaad. aayada oo dhan waxay ka hadlaysaa
dhedig...labo isku nooc ah oo la'isku sameeyey. laakiinse, luuqada
carabiga marka loo eego...runtii sidaas ma'ahan. aayada markaad luuqad
kale ku fasirto...waa inay micno sameysaa sida ay carabiga ku micno ku
sameyso. ereyga aad ka boodey waa "MIN"(ka mid ah, ka qeyb ah, ka
timid, iwm) - sidaad u fasirtey, ereyga oo dhan baad ka boodey...hadii
aadan ka boodin, waxa aad fasirtey wax macno ah oo ay sheegayso baanan
jireynin. ereyga "MIN" labo jeer baa la isticmaalay...marna sidey aheyd
baad u fasirtey - marna waad ka boodey :))

> Aayaddu, sida ay soo weriyeen qoladii Qur'aanka noo soo tebisay, iyada
> iyo suuradda ku xigtaaba waxa ay ku soo degeen Maka. Waxay soo
weriyeen
> in hoggaamiyeyaashii Qureysheed Yuhuuddii Madiina (Yathrib) ku
yidhaahdeen,
> "Waar idinka ayaa kutubtii hore la idinku soo dejiyey eh, noo sheega
> wax aannu ku xujeyno nin nebinimo sheeganaya oo naga mid ah."
Yuhuuddii
> waxay ku yidhaahdeen, waxa aad weydiisaan saddex arrimood oo kale ah:
> koox dhallinyaro ah oo waqti dheer huruday arrinkoodu waxa uu ahaa,
> nin dawaaf ahaa xaalkiisa, iyo ruuxdu waxa ay tahay.
>
> Qureyshtii su'aalihii ayey Rasuulka ula yimaaddeen, markaasuu Rasuulku
> ku yidhi, "Berrito ayaan idiinka warrami doonaa" ...
>
> Markaa arrinku ma ahayn Yuhuud ayaa dooneysey iney ogaadaan ruuxdu
waxa
> ay tahay ee waxay ahayd arrin Rasuulka lagu xujeynayey. Allena wuxuu
> noo tilmaamey ruuxda arrinkeedu aanu ahayn mid sidaa u fudud in
aadamuhu
> fahmo.


arimihii oo dhanba waadba isku qastey. fadlan, Ph.D. candidate baad
tahay...ma iska raacdaa wax waliba oo carbihii dhaheen xadiisyada
gudahaooda?????

- marka koowaad - yehuuda iyo qureeshtu waa ay iska soo horjeedeen ILAA
iyo markii nebiga iyo asxaabtiisii ay medina u guureen maahane. taasoo
qal-qalisay yehuudii(sababtoo ah magaalada ayagaa u teliyay...balse
ummadaan cusub waxay ahaayeen kuwo xaq ku dhaqmaya...)

- mida labaad, dhalinyaradii huruday waxay ahaayeen dad raacey
NEBIYULLAAHI CIISSAA -- oo waqtigii roomaaniyuuntu(weliba boqorkii
decius) ay xasuuqeyeen dadkaas joogey. godka ay galeen waxaa la
dhahaa; "godkii todobadii hurudey oo efisas"(the seven sleepers of
ephesus) visit the encyclopedia of britannica;
www.britannica.com/bcom/eb/article/4/0,5716,68674+1,00.html and
fordham.edu; www.fordham.edu/halsall/basis/7sleepers.html(for more
extensive piece on it) and also see the work of franz miltner, an
australian archaeologist ...who made an archaeology discovery in 1928
about this matter. today, it is one of the most famous archaeology
findings in islam and christianity(well, if you count out the hadhists,
that is) marka, yehuudu raggaas weyba nibcaayeen.

intaa dabadeed, ruuxada wax saas ah lagama oga...ilaa wax yar mooyaane.
waxa yarna - waa waxa qur'aanka ku jira...iyo xoogaa yar oo kale oo
tawraadka ku jira. haseyeeshee, intaas waa in naga badan. dadka aayadu
la hadlayso waa qureeshta...qureeshtuna weligood buug looma soo dirin -
cilmigana xageeda wax saas ah kama aysan aqoon.

> 4. Waxa aad qortey "Fitradu waa ruuxda." Maxaa sidaa ka dhigey?
Macnihii
> sidee ayaad ku ogtahay in fitrady ruuxda tahay?

fitradu waa wax wanaagsan - RUUXADUNA waa wax wanaagsan :) ...mida
kale, macnayaashooda weligaa ma fiirisay?

> Waxa kale oo aad tidhi "ruuxdu waa oppositeka waswaaska"? Tanna
maxaad ku
> caddeynaysaa?

sidaan horeyba u iri - cadeys meesha ma yaalo. anigu rasuul
ma'ihi...aayaadna la'ima siiyo. waan aaminaa oo kaliyah - ka bacdi
markaan wax fahmo. waswaasku wuxuu ku yimaadaa SHEYDAANKA
(114.5) ...kaasoo uu ka soo arooriyo jinniga iyo insigaba kuma ka mid
ah. sidoo kale, ruuxadu waxay ka timaadaa ilaahay(15.29)...waxayna ka
soo aroortaa NAFASADA qofka bini aadamka ah. walaalkiis, ilaahay baa
qur'aanka wuxuu inoogu sheegay...inuu ka dhago tiro kuwa ilaahay ku
xusin QURAANKA KALIYAH...xaga qur'aanka si aysan u fahmin. runtii, tan
mar badan baan arkaa...dhinaca ahlul axaadiithka. :)

> Waxa aad mar kale qortey in Rashaad Khaliifa ku dooday in Muxammad
ahaa
> aasaasihii islaamka. Adiguna qortey inaa qabto in Ibraahiim ahaa.

again - waad qaldan tahay. rashaad baa wuxuu yiri waxaa aasaasey diinta
islaamka ibraahiim - ahlul axaadiithkuna waxay dhahaan muxammad.
anigana...labadoodaba waan ka soo horjeeda. fadlan - aqri maqaalkaas
marlabaad :))

> Waxa aan jecelahay inaan kuu tilmaamo inaan Muxammad iyo Ibraahiim
> midkoodna aasaasin islaamka. Miyaydaan akhriyin: "Innad-diina
> cinda Allaahil-islam ..." (Xagga Alle diintu waa islaamka)? Dhammaan
> rusushii Alle soo direy oo dhammi diintaas ayey dadku ugu yeedhayeen.
> Caqiidada dhammaantood iskaga mid ayey ahaayee oo jiritaanka Alle
> iyo midnimadiisa ayaa aasaas u wada ahaa, waxayse ku kala duwanaayeen
> xagga axkaamta, oo sida Qur'aanku inoo sheegey waakii Ciise lahaa,
> "Wali uxilla lakum bacdtal-ladzii xurrima calaykum ..." (iyo inaan
> idiin banneeyo waxyaalihii la idinka reebey qaarkood)

waan isku raacsanahay meeshaas 100%.

> Ta kale, Qur'aanka kuma ay soo aroorin in Alle yidhi weydiiya Ahlul
> Kitaabka ruuxdu waxa ay tahay. Xaqiiqdii Alle waxa uu ku eedeeyey
iney
> markhaatigii kutubtooda ku sugnaa oo ay ka mid yihiin astaamihii lagu
> garanaya Nabi Muxammad ay qariyeen iyo in ay maslaxaddooda ka doorteen
> iney wixii ay ogaayeen sheegaan. Marka Alle waxyaabahan ku eedeeyey
> maxaa laga rumeysan karaa? Markase Alle Qur'aanka noogu sheegi waayey
> waxa ay ruuxdu tahay, muslimka waxa ay reer Israa'iil iyo Kiristaanku
> sheegaan qiimo badan xaggiisa kama laha.

hadaba waad qaldan tahay, mar kale :(...

waa mide, ilaahay wuxuu quraanka ku yiri WEYDIIYA wixii aad ka
SHIKASANTIHIIN waxa aan idiin soo waxyooney(10.94)...si aynaan wax
isugu qabsan.

mida labaad - waxaad iloowdey in aysan dhamaantood aysan aheyn kuwo
kufriyey oo wax qariya, FADLAN, aqri 3.113-115 sidoo kale, aqri 3.199

mida sadexaad, qur'aanka anaga NALAMA hadlayo marka aayada hadlayso -
balse waxay la hadlaysa GAALADA weydiiyey.

mida afaraad, qur'aanka kaliyah ma'ahan kutubta islaamka - sidoo kale,
tawraad, zubbuur, iyo injiilba waxay ka mid yihiin kutubta islaamka.
kuwa maanta jirana - dhamaan waxa ku yaala oo dhan ma ahan wax qaldan.
BAL waqti intaad qaadatid, aqri bal! wax kasta oo ka qaldan -- oo
janadeena iyo naarta ku saleysan -- ilaahay baa qur'aanka ku saxay.

> 6. Tiradan 19ka ee aad tidhi waan aaminsanahay, haddii aad xusuusato
> waxa aan kuu tilmaamey inaaney ahayn tirada keliya ee Qur'aaka ku
jirta.
> Su'aasheydu waxa ay ahayd "waayo sagaal iyo toban? Waayadeedse
> 1,2,3,4,5,6,7,8,10, 12, 100, 200, 1000, 2000, 5000, 50000, illeyn
> kuwaniba Qur'aanka wey ku soo arooreen, wax muhimad ah oo gaar ah
> oo 19 leeyahayna wax muujinayaa Qur'aanka kuma sugna eh?" Rashaad
> Khaliifa isagu su'aashan iyo kuwa la midka ah wuxuu kaga baxsaday inuu
> Allu ku been abuurto oo uu yidhaahdo, "Waxyigaa ii sheegey". Su'aashu
> waxay tahay, adigu sideed rabtaa inaad uga wareegto?

rashaad baa horta su'aashaada ka jawaabey; (why 19?
www.submission.org/math-part2.html) if that is not enough, i don't know
what is. BALSE - aan kaaga jawaabo xageyga. SIDAAN horeyba u iri
suurada 74aad...waxay ka hadleysaa QURAANKA. waa suuraad ayada oo dhan
ku saleysan dadka inkira qur'aanka oo dhaha; "waa hadal
sixirooleyaal" "waa hadalkii dadkii hore oo lasoo koobiyey" iwm...

mida kale, hadii ilaahay dhihi lahaa "19" weeye waxa qur'aanka lagu
kala ogaan karo - dadku maba ay garteen waxa taas tahay. sababtoo ah,
nabadaradaas lama isticmaali jirin waqtigaas...oo xisaabtu saas
ma'ahayn.

> Waxa aad sheegtay inaad halkan ku qaldanahay. Ma aad sheegin
sababta, waxadse
> soo guurisay qeyb ka mid ah suuraddii tirada 19 ku soo aroortey.

no, no, no - waan kuu sheegay in suurada oo DHAN ay tahay themekeeda
QURAANKA iyo kuwa ku kufriya, iwm. waxaan ku soo qorey aayadahii ugu
mihiimsanaa...oo ku soo AROOREYAY arintaas iyo 19KA!


> A) Waxa jirtey inaan tilmaamey in suuraddu ka hadleyso "ku Alle ku
been
> abuurtey diintana la col ah."

ilaahay ku been abuurtey kaliya ma'ahane QURAANKA beeniyey. fadlan aqri
suurada mar kale.

> Suuradda aayadeheeda 1-7 waxay la hadlayaan Rasuulka. Aayadaha 8-
10na waxay
> ka hadlayaan maalinta Qiyaamaha oo Alle leeyahay, "[waa mid] kuwa
gaaloobey
> aad ugu adag". Aayadaha 11-26 waxay ka hadlayaan shakhsi [Darnii wa
MAN
> khalaqtu waxiidaa... sa usliihis-Saqar" (Ii daa KA aan abuurey keligii
> ... Waxa aan gaadhsiin doonaa Saqar). Waxa axaadiis saxiix ah ku
soo aroortey
> inuu ahaa Waliid ibn Muqhiira.

runtii waxaad ii cadeysay inaadan qur'aanka xabad aadan ka fahmin.
suurada oo IDIL waxay ka hadleysaa;

-inuu rasuulka quraanka booriyo
-inuu iska iloowo kuwa ku been abuurta quraanka
-in ilaahay la xisaabtami doono oo cadaabi doono, IWM IWM IWM.

mida kale, marka ilaahay ka hadlayo "shaqsi" - ilaahay kama hadlayo hal
qof ...balse QOF kasta oo arintaas u baxdo. waliid ibn muqhiira- meesha
kuma yaalo. hadey aayaduhu ku soo arooreena...RUNTII asaga kama
hadlayaan kaliyee balse QOF kasta oo arintaas sameeya. ogoow, ilaahay
ma soo waxyoon aayadaha hadii qofkaas kaliya ay sheekada ku ekeed.
MAYA! waxay sheekada ku socotaa qof kasta oo ay ku baxday...past,
present, or future.

> Aayadaha 27-30 waxa uu Alle faahfaahin ka bixiyey waxay tahay
[cadaabta]
> Saqar oo uu yidhi, "Maxaad ka ogtahay Saqar, Waxba mar reebto waxna
kama
> tagto (laa tubqii walaa tadar) (u eeg tarjumaddaada, laf iyo jiidh
toona
> ma reebto. Ereyada laf iyo jiidh xaggeed ka keentey?)...

again - waxaan ku noqoneynaa "literalka". marka carabiga lagu
dhaho; 'laa tubqii walaa taddar' - qofka carabiga ku hadlaayi wuu
garanaya waxaa halkaas laga wado; laa tubqii(MAYA MAREEBTO - oo
macnaheedu runtii yahay; jirna ma reebto) iyo walaa taddar(MAYA
MATAGTO - oo runtii macnaheedu yahay; kama tagto laf)...aayada taas ku
xigtaana weeye mida si fiican u sii kala shaandho
shaandheeneysa; "lawaaxata lil bashar"(wayna doorisaa JIRKA).

ereyga tubqad(oo ereyga "tubqii" ka yimaado)...waxaa loo isticmaalaa
carabiga HAL meel kaliyah - marka neefka la galo oo kawaanlehu hilibka
ka dhameeyo lafaha. the quran does NOT make any sense in literal
translation in other languages, bro.

> Suuradda haba yaraatee, sida aad ku doodday, kuma jiraan wax
tilmaamaya
> Qur'aanka sax ahaantiisa iyo xidhiidh ka dhexeeya tirada 19. Ereyga
Qur'aan
> iyo magac u yaalkiisa toona mar keliya suuradda laguma xusin. Markaa
> odhaahdaa ah " suurada oo dhan waxay ka hadlaysaa quraanka" war sax ah
> ma aha. Haddii aad daliil haysato, fadlan keenso.

oh, LORD! u malaynmaayo inaan tan kaa dhaa-dhacsiin karo.

waa maxay magaca suurada??? "kan daboolan"(al mudathir, the covered
one)...maxayna ku bilaabmanaysaa; "o you covered one, rise and warn..."
suurada oo dhan waa the result of THIS, its consequence, the
explanation of the consequences. none which would be without the RESULT
(the quran -- what god is asking this dude to wake up and warn with)

> Xaqiiqda tiradani haddii aad taariikhdeeda dib u raacdo kuma salaysna
> wax laga fahmey Qur'aanka ee waa mid si cashwaa'i ah (random) ku
timid.
> Qur'aanka ayaa tilmaamey in siri ku xabaalan tahay tirada 19 iyo sida
> ay Qur'aanka ugu soo aroortey ayaa ah mid gaar ah labada midna wax
kama
> jiraan.

qur'aanka hortiis - 19ku wuxuu ahaa wax lagu saxo diinta islaamka.
wadaadadii israa'iiliyiinta waxay ducooyinkooda ku garan jireen waxay
ahaayeen sagaal-iyo-toban tidxo. SIR inay ku xabaalan tahay :) afkaaga
caano lagu qabey. well, it is NOT a secret anymore :))

> 8. Ugu dambeyn, adiga oo muujinaya sida aanad ugu dhiirraneyn inaad
wax
> ka sheegto Rashaad Khaliifa oo sidii aad hore u qortey ah nin Alle ku
been-
> abuurtey oo nebinimo been ah iyo in loo waxyooday sheegtey, waxa aad
qortey:

fadlan, waxaanan dhihin afka ha'ii gelinin. weligay ma dhihin wuxuu
ahaa nin ilaahay ku been abuurtey - wuxuu ahaa sidaan aaminsanahay
FITNAH(trial). fitnah...ma'ahan wax xun ilaa iyo kuwa gaalobey
ma'ahane. kuma dhiirani inaan wax ka sheego qof aan meesha joogin oo is-
difaaci kareyn. aan ka hadalno waxa ina hor yaala...

> Abu Hureyra oo ah kuwa Alle Qur'aakiisa ku ammaaney ee iimaanka nooga
> horreeyeyna adiga ka hadlaya ayaad qortey:

alle qur'aankiisa ku amaaney??? :)) hehehe! amaan??? ilaahay wuxuu
israa'iiliyiinta ka fadliyeelay DUNIDA si uusan ummad uga fadli yeelin.
ma aragtey wax taas tartey? ilaahay wuxuu amaaney abu hurairah ma
jirto - ilaahay wuxuu aamany KUWA nebbiga la jirey...markaas iyo
waqtigaas...

visit the sh'itie encyclopedia that i have given you its link ...

> Waxa kale oo aad ku dooddey in Rashaad Khaliifa uu dembi aanu qabin
ka qirtey
> maxkamadda Tucson horteeda. Waxa aad tidhi waxa uu ahaa nin miskiin
ah
> oo aan kharashka lawyer-ka karin. Kharashka lawyerka ayuu iska bixin
kari
> waayey ma aha war jira. Marka sheekadani dhacday "Tucson Mosque" wuu
jirey
> xer tiro muhim ah lehna wuu heystay. Ta labaad haddii uu qirashada
dembiga
> xadhig la'aan tegey, su'aashu waxay tahay ma diidmada ayaa xadhig u
keeni
> lahayd?

haduusan dhex-ku-jirenimo uusan dooran laheyn(FADLAN ogoow, ma'uusan
qiran...wuxuu doortey arin meel uusan qiran balse diidina)...taasna
waxay u sababeysay xarig la'aan. runtii waa arin anigaygan aan sameyn
lahaa...dhulkaan waa dhul gaalo - sidii aad uga bixi kartid ood ku
badbaadi kartid baa laysku badbaadiyaa.


> Axmed, marka R. K. la soo qaado ayey caadifaddii xernimadu iney ku
qaadeyso
> lagu moodaa.

markaan yaraa...baan waxaan ka mid ahaa qolo xer ah - marka waxaa laga
yaabaa in taas mar-mar soo baxdo :) balse aniga waxaan ka soo horjeedaa
inaan wax ka weydiino qof aan meesha joogin. ninku wax yaabo badan buu
ku saxsanaa...sidoo kalese wax yaabo badan buu ku qaldanaa. qof waliba
tiisa...nebi walba ummadiis bay soomaali tiraahdaa...

waBillaahi towfiiq --

waSalaam- ahmad!

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Jan 1, 2001, 11:50:59 PM1/1/01
to
Axmed,

1. Arrinta "Phd candidacy" waa saxeex baxsad ah. Runtii ma
aan ku talo gelin inuu qoraalladayda meeshan u soo raaco.
Waxa aan dhowaan u qorey arrimo la xidhiidha wada-xidhiidh
la xidhiidha waxyaalaha aan qabto oo had iyo jeer u baahda
inaan raaciyo raad si la iigu soo warceliyo.

Dhinaca kale, wixii aan sheegtaa waxa aan ogahay inaaney
sax ka dhigeyn haddii aan wax qalad ah sheego. Waxa aan qabaa
in qiimaha kama dambeysta ah ee afkaarta iyo aaraa'du ku
xidhan yahay sax ahaanta ama la'aanta afkaartaas iyo aaraa'daas
oo haddii ay qalad yihiin aaney wax qiimo u yeeli karaa
jirin. Markaa, ha ka werwerin arrintan, sidii culimadii
islaamku odhan jireen, "haddii aan haleelo (sida saxda ah)
waa wax Alle na waafajiyey, haddii aan seegona waa wax xaggeyga
iyo xagga sheydaanka ka yimid."

2. Dhinaca aayadaha aan soo qoro tirsigooda, waa arrin xoogaa
adag, marka la eego waqtiga iyo in aanan badiyaa kitaab ka
soo guurin. Wixii aan soo qoro ee Qur'aanka ka mid ahi badiyaa
waa wax aan korka ka xusuusto. Sidaa darteed wey adagtahay in
aan tirsiga aayadda sheego, gaar ahaan haddii ay suurad dheer
badhtankeeda ku jirto. Waxa keliya aan aan hubiyaa waa inaan
si sax ah u soo qoro. Markaa, haddii aanad muran ka qabin
waxa aan filayaa inaaney lagama maarmaan ahayn in aan tirsigooda
taxo. Siday tahayba se, haddii ay kuula muuqato lagama maarmaan
in la sheego meesha ay aayadi ku jirto, waan sameyn doonaa sidan.
Ka warran adiguna haddii aad tiradan shiidka la moodo aad
iska dayso oo aad soo qorto aayadaha aad u jeeddo si
akhristayaasha kale u go'aamin karaan inaad sida ay kula
tahay yihiin aayadahaasi iyo in kale.

3. Arrinta xernimada, waan ku qosley inaad tidhaahdo yaraantaydii
ayaan xer ahaan jirey. Xaalkiinnu ma min xer ilaa xer ayaa:)
Ina Abiibna inuu waagii hore xerow ahaa ayaa sheegtey.

Dhinaca kale, arrinta R. K., sida aad u aragto in kasta oo aan
qabo inuu weli jenjeedh ku jiro, oo tusaale ahaan, marka la soo
qaado aad la soo boodeyso "waa nin dhintey" (Abuu Hureyra
miyaanu ahayn "nin dhintey" maxaad isaga shiicada ugu kaalmo
weydiisanaysaa?), haddana runtii mawqifkaaga waa
mid xoogaa maskax furraani ku dheehan tahay. (Saaxiibkaa M. Abib
arrintan waad kaga duwan tahay, oo isagu weligii inuu R. K. soo
qaado ma dhicin, walowba uu dadka wixii aan xerta Tucson ahaynba
kuffaar ugu yeedhey iyada oo la wada maqlayo (akhriyayo).
Malaha yaraanta (sidii aad sheegtay) ayaa adna ku caawisay,
isna weynaan ayuu arrimahan ku dhexgalay oo meel bay arrini
kaga dhegtey.)

4. Waxa aad mooddaa inaynu ku heshiin la'nahay fassiraadda
Qur'aanka, oo metelan waxa la moodaa inaad diiddan tahay
in si xarfi (literal) ereyada Qur'aanka loo tarjumo. Dabcan,
anigu nin Sunni ah ayaan ahay, oo haddii aanad ogeyn, ma
qabo in Qur'aanka si xarfi ah loo tarjumo, oo tusaale ahaan
waxa aan kuu sheegey in ninka suuradda "al-mudathir" lagu
xusay yahay Waliid ibnul-Muqhiira. Dhinaca kale, waxay iila
muuqatey inaad adigu ku qasban tahay inaad macnaha xarfiga
ah raacdo.

Marka aan leeyahay macnaha "laa tubqii walaa tadar"
"waxna ma reebto waxna kama tagto" ma aha inaan diiddanahay
macnaha aad soo guurisay ee ah "laf iyo jiidh toona kama
tagto". Waxa aan sidaa u idhi inaan mas'aladdan ku hor-
keeno. Si erayo aan aayadaha ku jirin loogu soo daro ama
macnaha muuqda (literal) looga weecdo waxa loo baahan
yahay arrimo dheeraad ah. Annagu waxa aannu raadinaa in
arrintani Qur'aanka meelo kale kaga soo aroortey oo faahfaahin
meelahaa Alle kaga bixiyey, haddii taa la waayo waxa aannu
raadinna wixii Rasuulku ka yidhi (xadiisyo) aayadda, illeyn
isaga ayaa ugu war roonaa Qur'aanka eh ...

Dabcan, idinku arrinta xadiiska ma qabtaan, sidaa darteed,
waxa aan moodayey inaad ku qasban tihiin "xarfinimada" marka
aayadda aan kor ku xusey iyo kuwa la midka ah laga hadlayo.
(Weliba waxa aan qabaa in colaadda xadiiska iyo R. K. ay
arrintan la xidhiidho, oo uu xadiisku noqday dabar uu dhaafi
waayey marka ay timaaddo inuu Quraanka u tarjumo si waafaqsan
nabinimadii iyo arrimihii kale ee uu sheeganayey.)
Waxa u badan tahay inaad ogtahay in aayadda ka hadleysa in
Muxammad (nnkha) ahaa kii ugu dambeeyey nabiyada uu
R. K. ku fasirey in ereyga "kaatam" ee aayadda ku soo
aroorey inuu sheegayo shaambad (seal). Dareensanaan
aan dareensanaa in Khalifites-ka xaggooda tafsiirku yahay
arrin lagu muransan yahay ayaan jecleystey inaan muujiyo.
Markaa ka warran haddii aad adigu mowqifkaaga arrintan ku
aaddan noo sheegto.

5. Waxa aan sheegey in qofka ay suuradda "al-muddathir" ka
hadleysaa ahaa nin la odhan jirey Waliid ibnul-muqhiira. Waad
ku saxsan tahay in macnaha guud ee suuraddu yahay mid
la hadlaya qof kasta (rag iyo dumar) oo dhaqankaas la yimaadda.
Waliid ibnul-Muqhiira doorkiisu waxa uu ahaa sababtii (occasion)
aayadahani ku soo degeen. Sidan ayey qabaan Ahlus-Sunnuhu.

6. Waxa aad ku celcelisay inaad ii tilmaanto inaan cayda
Abuu Hureyra ka akhriyo encyclopedia-ha Shiicada. Waan
eegey boggii aad tilmaantey ee Shiicadu kaga hadleen
Abuu Hureyra. Waxa boggaa ku qorani waa qoraallo dood
ahaa oo aan si buuxda loo soo guurin. Waxa ay u eeg
tahay in qoraagu wixii uu isagu qorey oo si isugu toos-
toosan oo ay ku dhex jiraan qodobbo aan dhammeystirnayn
oo dad kale ku darsadeen halkaas ku soo bandhigey.
Sidoo kale waxyaalo khalad
ah, sida goortii uu islaamey Abuu Hureyra, ayaa ku
jira. Isku soo wada duub oo doodda eedeynta ugu weyn
ee aad mooddo iney Abuu Hureyra u jeedinayaan waa laba:
Axaadiis badan ayuu soo weriyey, iyo masaa'il uu ka
fatwooday ayaa la khilaafey. Labadan arrimood midkoodna
Abuu Hureyra kama dhigeyso nin "fari ku mudan tahay" oo
midna keligiis kuma koobna.

Ta kale, sida ay u badan tahay inaad ogtahay, guud ahaanba
Shiicadu ma aha niman la
rumaysan karo marka ay timaaddo taariikhda muslimiinta.
Waxa jirta iney Shiicadu leedahay lakabyo oo qaarkood
saxaabadii Rasuulka oo ay ku jiraan Abuu Bakar (ninkii
Rasuulku tilmaamey inuu salaadda hoggaamiyo, markii geeridiisu
soo dhowaatey) iyo Cumarba ay caayaan oo cidda keliya ee
ay soo reebaan tahay Cali iyo Ahlul-Baytka (qoyskii
Rasuulku ka dhashay). Shiicada waxa ku jira ku gaalnimo
ku tilmaama Saxaabada inta kale marka Cali iyo Qoyska
Rasuulka laga reebo, waxa kale oo ka mid ah kuwa yidhaahda
Cali ayaaba Nebinimada Muxammad kaga habboonaa, waxa kale
oo ka mid ah kuwo Cali gaadhsiiya meelo Nabinimo ka sarreeya.
Markaa, si loo qiimeeyo culeyska waxa ay sheegayaan, ugu yaraan
waa in la ogaado kooxda ay yihiin.

Dhinaca kale, haddii aad aqbasho waxay Abuu Hureyra ka
sheegeyaan, dabcan waa inaad umuurahan (boggan ku qoran)
kalena aqbasho. Miyaaney sidaas ahayn? Mise waad
ka xulaneysaa waxa ay sheegeen oo inta aad rabtona waad
qaadanaysaa, inta kalena waad ka tegeysaa? Sidee ayaad
ku kala garan marka ay sax sheegayaan iyo marka kale,
haddii aad sidaa aaminsan tahay?

Gebagebadii, waxa aad tidhi R. K. ma aan odhan Alle ayuu
ku been abuurtey ... Waa runtaa oo ereyadan ma aad
adeegsan, haddiise aad xusuusato waxa aad qortey inaan
loo waxyoon. Waxa kale oo jirta inuu sheegtey, sida
uu qorey, in loo waxyooday. Markaa maadaama uu isna
sheegtey in loo waxyooday, adiguna aad qabto inaan
loo waxyoon, waxa ay iila muuqatey inaad waafaqsan tahay
inuu been abuurasho sameeyey. Been-abuurasho xaggeyga
waa marka qofku wax aan jirin uu sheegto inuu yahay
ama ogyahay, tanina waa mid R. K. sameeyey marka isaga
oo aan loo waxyoon uu sheegtey in loo waxyooday.

Dhinaca kale, bal is-barbardhig sida aad ugu dheggan
tahay beeneysiga asxaabtii Rasuulka iyo sida aad ugu
cudurdaareyso R. K. Ilaahey ayaan kugu dhaariyee bal
caddaalad darrada aad sameyneyso eeg. Nin Ilaahey
been ka sheegey oo yidhi waa la ii waxyooday oo nabi
ayaan ahay ayaad leedahay "fitno" wanaagsan ayaa la
fitneeyey, nin saxaabi ahaa oo ka mid ah kuwii Alle
yidhi, "Kuwii gadaashood yimidna waxay odhanayaan
Rabbigayow noo dembi dhaaf annaga iyo kuwii iimaanka
nooga horreeyeyba ... " ayaad leedahay "far baa ku
mudan". Mee caqligaagii, Axmed?

Ugu dambeyn, adigu Axmed ahaan, sidee ayaad xadiiska
u aragtaa?

Ahmad

unread,
Jan 2, 2001, 9:58:25 PM1/2/01
to

salaam mohamed,

note; sorry if this shows up twice-


>1. Arrinta "Phd candidacy" waa saxeex baxsad ah. Runtii ma
>aan ku talo gelin inuu qoraalladayda meeshan u soo raaco.
>Waxa aan dhowaan u qorey arrimo la xidhiidha wada-xidhiidh
>la xidhiidha waxyaalaha aan qabto oo had iyo jeer u baahda
>inaan raaciyo raad si la iigu soo warceliyo.

:) i was just giving you a hard time, bro :))


>2. Dhinaca aayadaha aan soo qoro tirsigooda, waa arrin xoogaa
>adag, marka la eego waqtiga iyo in aanan badiyaa kitaab ka
>soo guurin. Wixii aan soo qoro ee Qur'aanka ka mid ahi badiyaa
>waa wax aan korka ka xusuusto. Sidaa darteed wey adagtahay in
>aan tirsiga aayadda sheego, gaar ahaan haddii ay suurad dheer
>badhtankeeda ku jirto. Waxa keliya aan aan hubiyaa waa inaan
>si sax ah u soo qoro. Markaa, haddii aanad muran ka qabin
>waxa aan filayaa inaaney lagama maarmaan ahayn in aan tirsigooda
>taxo. Siday tahayba se, haddii ay kuula muuqato lagama maarmaan
>in la sheego meesha ay aayadi ku jirto, waan sameyn doonaa sidan.
>Ka warran adiguna haddii aad tiradan shiidka la moodo aad
>iska dayso oo aad soo qorto aayadaha aad u jeeddo si
>akhristayaasha kale u go'aamin karaan inaad sida ay kula
>tahay yihiin aayadahaasi iyo in kale.

sedex-waxyaalood oo aan arrintaada ka qabo;

1; marka dad wax isdhaafsanayaan...waa IN qof kasta uu sheego xujintiisa
(source)...si kasta oo ay u adagtahayba...

2; bini aadan baad tahay-- markasta oo aad aayad sheegtid...ma hubtaa
inaad mida saxda ah aad sheegtey? sababtoo aniga waxay igu kalifaysaa
inaan mar walba aniga aayada sii saxo. aniga quraanka xaffidkiisa saas
uguma fiicni--- in aan qur'aan iga ag-dhowyahay ma'ahane, aayadaha waan
isku qaldayaa. sidaad og tahayba...waxaa jira aayadooyin badan oo isku
mid ah oo suurado kala duwan ku jira, iwm...

3; aniga markaan meelahaan wax ku qoro...uma qoro kaliya qofka
maqaalkayga ku socdo ...balse ummada meesha imaata oo dhan.
dhamaantoodna ma'ahan muxafidiyiin...amase dad xasuusan kara aayada
(sideyda oo kale haba iskugu qaldaane) -- marka, marka aniga qof isoo
e-mailgareyo oo i waydiiyo; "axmadoow, halkee aayada uu sheegay ku
jirtaa"?(taasoo dhacdo mar kabadan dhow jeer...adiga kaliyah ma'ahane
xataa qolooyin kale...oo meeshaan aan ku sheekeysan jirney) taas waxay
aniga igu qasbeysaa inaan SHAQADAADA aan qabto LOL. and that is not
fair to me. sababtoo ah, aniga anigaaba iska biisi ah...oo iskuul maadi
ah, iskuul diini ah, shaqo, iwm layga rabo :(

>3. Arrinta xernimada, waan ku qosley inaad tidhaahdo yaraantaydii
>ayaan xer ahaan jirey. Xaalkiinnu ma min xer ilaa xer ayaa:)
>Ina Abiibna inuu waagii hore xerow ahaa ayaa sheegtey.


lol! aniga waxaan ahaa - sufi, xer-sunni, sunni-aqwaanul muslimiin,
sunni-wahaabiyyah, sunni-al islaax, shiica-mainstream, hadana waxaan
noqdey MUSLIM kaliyah...oo firqooyinka oo dhanba aanan ka mid aheyn.
mida kale, anigu ma sheegin inuu ina cabiib ahaa xerow, lol! maybe
asagaa kuu sheegay...laakiin aniga runtii ma'aqaan wuxuu ahaa(waan
ogahay inuu sunni ahaa...somewhat).

>Dhinaca kale, arrinta R. K., sida aad u aragto in kasta oo aan
>qabo inuu weli jenjeedh ku jiro, oo tusaale ahaan, marka la soo
>qaado aad la soo boodeyso "waa nin dhintey" (Abuu Hureyra
>miyaanu ahayn "nin dhintey" maxaad isaga shiicada ugu kaalmo
>weydiisanaysaa?),

ma jecli inaan ka hadlo r.k. sababtoo ah dad baa waxay u qaabilsan
yihiin "rasuul" inuu ahaa. marka laga hadlayo WAX YAABIHII uu keeney,
xaga diinta, HAA...markaas waan ka hadlayaa(oo waad aragtey inaan ka
hadley dhow jeer wax yaabihii uu keeney sida in nebiyullahi ibraahiim
riyyadiisii ay ka tamid sheydaanka aananse ka iman ilaahay...taasoo aan
ka soo horjeedey, see; 'abraham's dream came from god')...laakiin aniga
qof ahaantiisa ma jecli inaan ka hadlo. sidoo kale, abuu
hurayraa...anigu kama hadlo....waxaan ka hadlaa wuxuu keenay DIIN
ahaan. fadlan, labada wax kala saar.

>haddana runtii mawqifkaaga waa
>mid xoogaa maskax furraani ku dheehan tahay. (Saaxiibkaa M. Abib
>arrintan waad kaga duwan tahay, oo isagu weligii inuu R. K. soo
>qaado ma dhicin, walowba uu dadka wixii aan xerta Tucson ahaynba
>kuffaar ugu yeedhey iyada oo la wada maqlayo (akhriyayo).
>Malaha yaraanta (sidii aad sheegtay) ayaa adna ku caawisay,
>isna weynaan ayuu arrimahan ku dhexgalay oo meel bay arrini
>kaga dhegtey.)

ma rabo inaan ka hadlo m. abiib iyo mawqifkiisa - waxaan ogahay inuu
yahay nin wanaagsan...waan la kulmey...oo runtii ankee wuu i caawiyay
markaan tagey tucson si'aan xoogaa uga ogaado rashaad. waa nin muslim
wanaagsan ah. LAAKIIN teydaan ka hadli karaa. aniga
yaraanteyda...runtii ma'ahan mid saas u cajaa'ib ah, sidaad ogtahayba,
soomaalideena badankeedu caruurta yaraan bay diinta ku bilaabaan.
markii iskuulka qur'aanka la iigeeyay waxaan jirey sedex sano...wax
saas ahna ma baran ilaa aan shansano gaarey iyo wixii ka dambeeyey
(laakiin ag jooga dadka...quraanka aqriyaya iwm way i caawisay.) hase
ahaatee, maskax furraanteyda waxay ka timid qur'aanka - aniga waxaan
ahay qof xushmeeya 37.72 - oo amaanada ka dhexeysa qofka bini-aadamka
ah iyo allihiis aan dhex-gelin. waxaan ka hadlaa waa ARRIMAHA diiniga
ah...ma'ahan dadka shaqsinimadooda. aad iyo aad baan uga dheeraada
inaan dadka ku xalijiyo "kufaarnimo" sababtoo ah...ilaahay umbaa og
quluubta bini-aadamka.

>4. Waxa aad mooddaa inaynu ku heshiin la'nahay fassiraadda
>Qur'aanka, oo metelan waxa la moodaa inaad diiddan tahay
>in si xarfi (literal) ereyada Qur'aanka loo tarjumo. Dabcan,
>anigu nin Sunni ah ayaan ahay, oo haddii aanad ogeyn, ma
>qabo in Qur'aanka si xarfi ah loo tarjumo, oo tusaale ahaan
>waxa aan kuu sheegey in ninka suuradda "al-mudathir" lagu
>xusay yahay Waliid ibnul-Muqhiira. Dhinaca kale, waxay iila
>muuqatey inaad adigu ku qasban tahay inaad macnaha xarfiga
>ah raacdo.

aniga saan kuu sheegayba - qur'aanku wuxuu ku socdaa dadka oo
dhan...siduu ku soo degay dabcan waa mid u saabsaneyd dad gooni ah,
laakiin hadiiba waxyiga quraanka lagu darey...waa wax dad jamac ah ku
dheehan...oo runtii aheyn qof shaqsi ah...ilaa ilaahay magacaabo
ma'ahane.

mida kale, qur'aanka xarafyadiisa xarfi looma fasiri karo dhinaca
luuqadaha kale...sababtoo ah, sidaan horeyba u sheegay...taas
dhibaatooyin badan baa ka imaanaya.

>Marka aan leeyahay macnaha "laa tubqii walaa tadar"
>"waxna ma reebto waxna kama tagto" ma aha inaan diiddanahay
>macnaha aad soo guurisay ee ah "laf iyo jiidh toona kama
>tagto". Waxa aan sidaa u idhi inaan mas'aladdan ku hor-
>keeno. Si erayo aan aayadaha ku jirin loogu soo daro ama
>macnaha muuqda (literal) looga weecdo waxa loo baahan
>yahay arrimo dheeraad ah. Annagu waxa aannu raadinaa in
>arrintani Qur'aanka meelo kale kaga soo aroortey oo faahfaahin
>meelahaa Alle kaga bixiyey, haddii taa la waayo waxa aannu
>raadinna wixii Rasuulku ka yidhi (xadiisyo) aayadda, illeyn
>isaga ayaa ugu war roonaa Qur'aanka eh ...

meeshaan hadana iskuma raacsani;

waa mide, anigu iskama soo mala awaalan waxaan ku fasirayo...oo luuqada
carrabigu waa mid faseex AH. hase yeeshee...qur'aanku wuxuu ku qoran
yahay hab sidii gabay oo kale ah - oo xarafka meesha ku qoran waxaa
laga yaabaa in dhinacyo badan leeyahay oo tafsiir ah. sunniguse waxay
doortaan wax "xadiisyada" ka soo aroorey la raacsan...ankee hadii taas
aheyn waxa muduca ah(context). meeshaasna aniga iyo sunnigu kuma
hishiino,

mida labaad, aniga ma'aaminsani in rasuulku wax ka yiri QUR'AANKA. sida
suurat-ul-qiyyaamah lagu yiri;

"ha janjeerin xagiisa(qur'aanka) carabkaaga, si fududeen ah xagiisa,
"dusheena bay ahaatey kulmiskiisa, iyo aqrintiisaba
"markaan aqrino, raac aqriskiisa
"markaas ka dibna, dhusheena bay ahaatey faseexeentiisa" aayadaha 16-19

marka, rasuulku waxba kama dhihin - haduu wax ka dhihi lahaa...diintuba
waxay ahaan leheyd wax su'aal la'aan ah. laakiin diintu sidaas
ma'ahan...qur'aanku waa wax lagu fakaro OO lagu hanuunsamo. oo qofka
bini aadamka...waxaa loogu talagaley inuu aqriyo...iyadoo loo
macneyen...laakiin FASEEX alle ka dhigay fudud...fahamkiisa. marka tan
kumaba hishiineyno :)

>Dabcan, idinku arrinta xadiiska ma qabtaan, sidaa darteed,
>waxa aan moodayey inaad ku qasban tihiin "xarfinimada" marka
>aayadda aan kor ku xusey iyo kuwa la midka ah laga hadlayo.
>(Weliba waxa aan qabaa in colaadda xadiiska iyo R. K. ay
>arrintan la xidhiidho, oo uu xadiisku noqday dabar uu dhaafi
>waayey marka ay timaaddo inuu Quraanka u tarjumo si waafaqsan
>nabinimadii iyo arrimihii kale ee uu sheeganayey.)

qolooyinka aan iraahdo "khaliifiyiinta"...waxay qabaan
xarafinimada...hadana ma xarafyeelaan. aniguse...DHEX daan ku jiraa.
again - i'm always in the MIDDLE :) (inkasta oo ilaahay qur'aanka nagu
yiri ahaada kuwo DHEX-DHEXAAD wax ku bixiya, oo ilaahay yiri waxaad
tihiin ummad DHEX-DHEXAAD ah, iwm...) inkasta oo aan aaminsanahay
xarafnimada tafsiirka - hadana waxaan ogahay in quraanku u qoran yihiin
sidii gabay...sidaa daraadeed ereyadu ay jiraan ereyo kale oo la-
saaxiib ah oo macneeya...

intaa dabadeed, aan ku saxo in rashaad dhihin "nebi" baan ahay...balse
uu yiri "rasuul" baan ahay. anigu labada waa ii kala gedisan yihiin.
ma'aaminsani in nebi muxammad ka dambeeyaa uu imaanayo...in kasta oo
aan aaminsanahay in rasuulo ka dib imaan doonaan - kuwaasoo oo ku jirio
misiixiga(ciisaa ibn maryama).

>Waxa u badan tahay inaad ogtahay in aayadda ka hadleysa in
>Muxammad (nnkha) ahaa kii ugu dambeeyey nabiyada uu
>R. K. ku fasirey in ereyga "kaatam" ee aayadda ku soo
>aroorey inuu sheegayo shaambad (seal). Dareensanaan
>aan dareensanaa in Khalifites-ka xaggooda tafsiirku yahay
>arrin lagu muransan yahay ayaan jecleystey inaan muujiyo.
>Markaa ka warran haddii aad adigu mowqifkaaga arrintan ku
>aaddan noo sheegto.

i guess i just answered this question. ereyga "seal" waa saxan
yahay....fadlan ogow, ereyga seal ma'ahan inuu yahay "shaambad"
kaliyah. lol. sidoo kale, wuxuu yahay; ugu dambeyn, wax wax lagu soo
xiray, iwm. ereyga "khaatam" waa "seal"/"ugu dambeyn". taas micnaheedu
waxay tahay - nebi ka dambeeya oo imaanaya oo kutub wataa ma jirayo.
laakiinse, rasuulo way imaan doonaan...kuwaas oo ku xaakimi doona
quraanka kariimka ah, ANKEE ciisaa ibn maryama...oo lahaa kutub gooni
ah - wuxuu ku xakimi doonaa quraanka kariimka ah(kutubka la siiyay
muxammad.)

nebi iyo rasuul isku mid ma'ahan. nebi waa qof keena nebaayiil
(prophecies)...rasuulna waa qof keen risaalo(message). risaaladaas
waxay noqon kartaa...in dadka lagu soo celiyo kutubkii ay ka tageen
(sidii dhici jirtey waqtiyadii hore...) nebise waa qof la yimaada
KUTUBKIISA gooni ah. marka ciisaa soo noqdo, ma soo noqonayo asagoo
amase nebi ah amase kalimah ah...balse asagoo MASIIXI ah. misixii muxuu
yahay? bal aan weydiino dadkii loo soo diray;

dhamaan yehuuda iyo nasaaraduba waxay isku raacsan yihiin in masiixi
yahay "kan la doortey"(the anointed one)...kaasoo loo doortey inuu soo
kulmiyo caruurta israa'iil dhulka la barakeeyey gudihiisa(see 17.104 oo
taas ka hadlaysa sida "balanka" ugu dambeeya...oo dadkaas loo
balamey)...sidoo kale, waxay isku raacsan yihiin inuu yahay qof wanaag
u keeni doona aduunka oo DHAN(oo aduunka badankiisu raaci doono,)
laakiinse, nebigii ciisaa...nebinimadiisu waxay u socotey oo KALIYA AH
dadka israa'iiriliyiinta.

waxaan oo dhan WAA arimooyin kale oo dib aan ka wadi doono ...markaan
bal tan qur'aanka ah aan dhinac dhigno.

>5. Waxa aan sheegey in qofka ay suuradda "al-muddathir" ka
>hadleysaa ahaa nin la odhan jirey Waliid ibnul-muqhiira. Waad
>ku saxsan tahay in macnaha guud ee suuraddu yahay mid
>la hadlaya qof kasta (rag iyo dumar) oo dhaqankaas la yimaadda.
>Waliid ibnul-Muqhiira doorkiisu waxa uu ahaa sababtii (occasion)
>aayadahani ku soo degeen. Sidan ayey qabaan Ahlus-Sunnuhu.

sidaas waan isku raacsanahay, laakiin qaar ka mid ah ahlus-
sunnah...waxay yiraahdaan arimmahaas waxay la hadlayaan dadka ay ku soo
arooreen...taasna waan ka soo horjeedaa. marka, suurada kama
hadlayso "qof" gooni ah...balse qof kasta oo arintaas la yimaada.
runtiina...milyano BAA arintaas la yimaada.

>6. Waxa aad ku celcelisay inaad ii tilmaanto inaan cayda
>Abuu Hureyra ka akhriyo encyclopedia-ha Shiicada. Waan
>eegey boggii aad tilmaantey ee Shiicadu kaga hadleen
>Abuu Hureyra. Waxa boggaa ku qorani waa qoraallo dood
>ahaa oo aan si buuxda loo soo guurin. Waxa ay u eeg
>tahay in qoraagu wixii uu isagu qorey oo si isugu toos-
>toosan oo ay ku dhex jiraan qodobbo aan dhammeystirnayn
>oo dad kale ku darsadeen halkaas ku soo bandhigey.
>Sidoo kale waxyaalo khalad
>ah, sida goortii uu islaamey Abuu Hureyra, ayaa ku
>jira. Isku soo wada duub oo doodda eedeynta ugu weyn
>ee aad mooddo iney Abuu Hureyra u jeedinayaan waa laba:
>Axaadiis badan ayuu soo weriyey, iyo masaa'il uu ka
>fatwooday ayaa la khilaafey. Labadan arrimood midkoodna
>Abuu Hureyra kama dhigeyso nin "fari ku mudan tahay" oo
>midna keligiis kuma koobna.

"cayda" ma'oran - ninyahow waxaad jeceshahay inaad afka ii geliso
waxaanan oran. meesha waxaan kuug tilmaamey waxaa ka jira ka soo
horjeed abu hurayrah ah...oo dood ah. hadey wax ka qaldan yihiin -
fadlan ii soo sheeg. shiicada dhexdeeda, abuu hurayrah iyo niman badan
oo sunnigu aaminsan yihiin inay ahaayeen rag far ku mudneyn...baa far
ku mudan :) macnaheygu taas buu ahaa ...

>Ta kale, sida ay u badan tahay inaad ogtahay, guud ahaanba
>Shiicadu ma aha niman la
>rumaysan karo marka ay timaaddo taariikhda muslimiinta.
>Waxa jirta iney Shiicadu leedahay lakabyo oo qaarkood
>saxaabadii Rasuulka oo ay ku jiraan Abuu Bakar (ninkii
>Rasuulku tilmaamey inuu salaadda hoggaamiyo, markii geeridiisu
>soo dhowaatey) iyo Cumarba ay caayaan oo cidda keliya ee
>ay soo reebaan tahay Cali iyo Ahlul-Baytka (qoyskii
>Rasuulku ka dhashay). Shiicada waxa ku jira ku gaalnimo
>ku tilmaama Saxaabada inta kale marka Cali iyo Qoyska
>Rasuulka laga reebo, waxa kale oo ka mid ah kuwa yidhaahda
>Cali ayaaba Nebinimada Muxammad kaga habboonaa, waxa kale
>oo ka mid ah kuwo Cali gaadhsiiya meelo Nabinimo ka sarreeya.
>Markaa, si loo qiimeeyo culeyska waxa ay sheegayaan, ugu yaraan
>waa in la ogaado kooxda ay yihiin.

shiicada IYO sunnigaba ma'ahan niman la rumeysan karo marka ay timaado
taariikhda islaamka. shiicaduna waa dad kala duwan sida sunnigu u kala
duwan yahay. laakiinse shiicada badankeedu(mainstream)...waxay yihiin
rag caadi AH...oo wax yaabahaas aad sheegtey waa wax yaabo ku kooban
qolooyinka kala duwan...marka laga reebo asxaabta.

aniga hadaan qof ahaantey ka hadlo asxaabta - ma'aaminsani inay
ahaayeen rag kuligood ahaa "rag wanaagsan" sida aad adinku aaminsan
tihiin(sunniga, ayaan ka hadlayaa). cumar iyo abuu bakarba eedo badan
ku hayaa...oo ay ka midka yihiin dhismaha masaajidka al aqsaa...iyo
diidmadii faadumo loo diidey dhaxalka aabaheed, iwm iwm iwm. ma
caayo...laakiin ma'aaminsani inay ahaayeen rag qalad la'aan ahaa.
qaladyo waa weyn bay sameeyeen. cumar, abuu bakar, mucaawiyah, sayyid
ibn mucaawiyah, iwm iwm iwm. laakiin waxaan oo dhan...waa MAQAALO gooni
ah...

>Dhinaca kale, haddii aad aqbasho waxay Abuu Hureyra ka
>sheegeyaan, dabcan waa inaad umuurahan (boggan ku qoran)
>kalena aqbasho. Miyaaney sidaas ahayn? Mise waad
>ka xulaneysaa waxa ay sheegeen oo inta aad rabtona waad
>qaadanaysaa, inta kalena waad ka tegeysaa? Sidee ayaad
>ku kala garan marka ay sax sheegayaan iyo marka kale,
>haddii aad sidaa aaminsan tahay?

yaa aqhii muxammad, waxaa jira taariikhyahano...taariikhyahano aanan
aheyn shiicaa walaa sunni...balse ahaa rag taariikhyahano ah(IN kasta
oo ay aaminsanaayeen midkood midka kale deyrtii.) anigu waxaan ahay qof
isku sima(balance) waxa dadyowgu sheegaan...markaasna ruuxadiisa
kaashada oo ilaahiis weydiista kii saxan. ilahayguna waa mid runtii i
caawiya...sida uu qur'aanka noogu balanqaadey.

>Gebagebadii, waxa aad tidhi R. K. ma aan odhan Alle ayuu
>ku been abuurtey ... Waa runtaa oo ereyadan ma aad
>adeegsan, haddiise aad xusuusato waxa aad qortey inaan
>loo waxyoon. Waxa kale oo jirta inuu sheegtey, sida
>uu qorey, in loo waxyooday. Markaa maadaama uu isna
>sheegtey in loo waxyooday, adiguna aad qabto inaan
>loo waxyoon, waxa ay iila muuqatey inaad waafaqsan tahay
>inuu been abuurasho sameeyey. Been-abuurasho xaggeyga
>waa marka qofku wax aan jirin uu sheegto inuu yahay
>ama ogyahay, tanina waa mid R. K. sameeyey marka isaga
>oo aan loo waxyoon uu sheegtey in loo waxyooday.

weligaa ma'aqrisay sheekadii nebi muuse iyo ninkii ilaahii soo direy?
ninkaas ma'uusan ahayn "rasuul"...laakiin wuxuu sameeyey wax yaabo aad
iyo aad uga soo horjeeday diinta muusaa. muuse ma'uusan ogayn in waxaan
yihiin wax allihiis u soo direy...laakiin asaga u AHEYD fitno(si wax
loo baro.)

marka, aniga rashaad markuu yiraahdo "rasuul baan ahay" - waxaan u
arkaa inuu yahay FITNO. fitno wanaagsan, ma'ahan mid xun. sababtoo ah,
hadii aad aqriso waxyaabuhuu qorey - asagaaba kuu sheegaya inuusan
rasuul aheyn. hadaad aqriso sharxigiisa(appendecies)...cutubka labaad,
meesha ah; "sida lagu kala saaro ilaahay rasuulkiisa iyo rasuulka
beenta ah"(how to distinguish god's messenger from a fake messenger)
wuxuu qorey sedex wax yaalood; arimmahaas tooda sedexaad waxay
tahay; "ilaahay rasuulkiisa waxaa lasiiyaa rabbaani, aan lagu murmi-
karin aayaad ah oo rusuulnimadiisa ah"(god's messenger is given divine,
incontrovertible proof of his messengership)...rashaad arrintaan lama
siin. xulunka 19ka ah...waxay aheyd sheeko hortiis la yaqaaney oo
muslimiintii hore oo ree banii israa'iil aheydba isticmaali jirtey.
mida kale, 19ka waxay aheyd arin lagu caawiyey...oo rag badan oo xataa
walaalkeen maxmuud cabiib uu ku jirey ay ka gacan geysteen(see his
gratitute to them on appendix one...at the end where he says; "all
praise and thanks are due to God who has willed that his miracle of the
quran shall be revaeled at this time. he has distinguished the
following individuals and blessed them by REVEALING through them many
portions of this momentous discovery;" then he goes ahead and names the
names, 12 people...to be exact)

rasuulada ilaahay WELIGOOD qof ma caawin inay AAYADAHA(PROOFKA/SIGNS)
la siiyey keenaan. marka nebi muuse weydiistey in walaalkiis looga
dhigo mid caawiya, ilaahay wuxuu ka dhigay NEBI walaalkiis(haaruun.)
fadlan fiiri taas!

mida kale, in ka badan tobon sano, rashaad wuu "qariyay"
rusuulnimadiisa. hase yeeshee, rasuulada ilaahay WELIGOOD ma qarin
rasuulnimadooda - ankee marka ay ogaayeen in la dilayo, wey sheegi
jireen. rusushaasna waxay noolaayeen waqti dunnida baqti ahayd oo la
iska kaa dilayo...rashaadna wuxuu ku noolaa aduunka meesha ugu horeysa
xaga xaqnimada bini aadamka(human rights)...oo loo ogolaa inuu
diintiisa iyo milladiisaba uu faafiyo, si dhib la'aan ah. ankee kuwii
diiday inay risaalada qaadaan...ilaahay wuu cadaabey oo nibiri
calooshiisa baa lageliyay, iwm(yuunas)...marka, dadka hadey SI
wanaagsan u dhageystaan, rashaad dadka asagaa u sheegay inuusan rasuul
aheyn, laakiinse dadka badankiisa ilaahay wuxuu ka yeelay kuwo aan wax
maqlin.

>Dhinaca kale, bal is-barbardhig sida aad ugu dheggan
>tahay beeneysiga asxaabtii Rasuulka iyo sida aad ugu
>cudurdaareyso R. K. Ilaahey ayaan kugu dhaariyee bal
>caddaalad darrada aad sameyneyso eeg. Nin Ilaahey
>been ka sheegey oo yidhi waa la ii waxyooday oo nabi
>ayaan ahay ayaad leedahay "fitno" wanaagsan ayaa la
>fitneeyey, nin saxaabi ahaa oo ka mid ah kuwii Alle
>yidhi, "Kuwii gadaashood yimidna waxay odhanayaan
>Rabbigayow noo dembi dhaaf annaga iyo kuwii iimaanka
>nooga horreeyeyba ... " ayaad leedahay "far baa ku
>mudan". Mee caqligaagii, Axmed?

sababtoo ah, maxamed, labada qolo waa kala dheer yihiin. qolo waxay
nooleyd mar ilaahay RAXMAD uu dunida u soo direy ay noolayd(muxammad)
oo ay saaxiib la ahaayeen, oo ay caawiyeen, oo ilaahay u dhawaayeen.
ninkaana wuxuu noolaa waqti aduunka BAQTI oo dhan ka buuxo - oo dadka
badankiisa marka loo sheego "ilaahay KALIYAH" ay gadaal u cararaan,
hase yeeshee wuxuu dadka faray "ILAAHAY KALIYAH". marka, labada qolo
qaladyadooda isku mid ma'ahan. asxaabta qaladyadooda wadnahey i
xanuujinaysaa sababtoo ah...hadii ay waqtiyadan noolaan lahaayeen,
maxay sameyn lahaayeen???

mida kale, r.k. wuxuu shaaca ka qaadey...waxyaabo badan OO muhiim ah.
mida ugu mihiimsan ay tahay in RASUULO ka dambeeya muxammad ay imaan
doonaan. taasoo aheyd arin aan weligay dhib kula qabey ummat-ul-axaadiis
(aayada 3.81)

marka, walaalkiis, labada qolo isku mid ma'ahan.

>Ugu dambeyn, adigu Axmed ahaan, sidee ayaad xadiiska
>u aragtaa?

i thought we were gonna discuss the QURAN first :(

axaadiista aniga waxaan u arkaa inay yihiin wax run ku jirto...hadana
been ku jirto. waxaan qofnimo u aqaan boqolaal xadiis oo qur'aanka ka
soo horjeeda. hase yeeshee, sida khaliifiyiinta ma'aaminsani in
kuligood xadiisyada ay yihiin "been" amase "shaqo shaydaan"(satanic).
waxaa jira xadiisyo badan oo dadka caawiya xaga taariikhda marka loo
eego...oo nagu caawin kara fahamka diinta si wanaagsan...IN kasta oo
wax yaabaha ay nagu caawinayaan aysan ahayn wax hadaynaan ogayn aan
naar ku geli laheyn...balse yihiin wax yaabo anaga inoo dan ah XAGA
aduunka. mida kale, aniga waxaan sidaas oo kale u arkaa...axaamillada
shiicada(xadiistooda camal)...


waBillaahi towfiiq-

waSalaam- ahmad

Mahmoud Abib

unread,
Jan 3, 2001, 4:48:42 AM1/3/01
to
Adigu Quraanka Kalidiis ma rumeysantahay? Mise waa
Quran + Xadiis?

M.Abib

wrote in message <928d13$lmk$1...@watserv3.uwaterloo.ca>...

mom...@sciborg.uwaterloo.ca

unread,
Jan 7, 2001, 3:52:11 PM1/7/01
to
Abib,

1. "Qur'aanka keligii" iyo "dhammaantii" midna ma aaminsanid. Haddii
ay sidaasi jirto, maxaad u raaci weyday aayadahan:

"wa adiicu Allaaha war-rasuul, fa in tawalloow, fa inna Allaaha laa
yuxubbul kaafiriin" (u hoggaansama Alle iyo Rasuulka, haddii ay jeestaanna
(diidaana) Alle ma jecla kuwa gaalooba) [Aali Cimraan:32]

"Qul in kuntum tuxibbuuna Allaaha, fattabicuunii yuxbibkum Allaah"
(Waxaad ku dhehdaa haddaad Alle jeceshihiin, isoo raaca Alle ayaa
idin jeclaanne"

"La qad kaana lakum fii rasuuli Allaahi uswatun xasana liman kaana
yarjuu Allaaha wal yawmal aakhiri wa dzakara Allaaha kathiiran"
(Hubaashii waxa Rasuulka Alle u a haadey ku-dayasho wanaagsan
kii rajeynaya [kulanka] Alle iyo Maalinta Dambe ee Allena in
badan xusa." [al-Axzaab:21]

"... Wamaa aataakum Ar-rasuulu fa khudzuuhu, wamaa nahaakum canhu
fantahuuhu, wattaqu Allaaha, inna Allaaha shadiidul-ciqaab."
(... Oo waxa uu Rasuulku idiinla yimaaddo qaata [filiya] wixii uu
idinka reebona ka hadha, oo Alle ka cabsada, Alle ciqaabtiisu
way adag tahay) [Al-xashar:7]

Waxa aannu aaminsan nahay in Alle aayadahan dhexdooda si cad
noo amray inaannu u hoggaansanno talada Rasuulka iyo in ku dayashada
Rasuulku ka habboon tahay cid kasta oo kale. (Miyey jirtaa cid kale
oo Alle Qur'aanka ku sheegey oo uu yidhi ku dayda?) Markaa haddii
uu Rasuulku yidhaahdo gacanta bidix waxba ha ku cunina (waayo
kaadida ayaad iskaga maydhaan), wax dhibaato ah oo arrinkaa ku
jirta ma aragno.

2. Arrinta qamiiska waxa aad u hadleysaa sidii nin "bigot" ah.
Maxaa ku jaban qamiiska Carabta ee aan ku jabney jeans-ka Yuhuudda,
mise ma ogid Levi nin reer binii Israa'iil ah ahaa? Anigu labadaba
waan xidhaa oo midna in qolo loo daayo iyo in lagu caayo toona
ma qabo. Dharka waxa Alle aadamaha ugu soo rogey iney cawradooda
ku qariyaan, maro kasta oo cawrada qarisaa waa maro la xidhan
karo xaggayaga.

Waxa la moodaa in colaaddaadu sii durugtey. Mise waad wareertey
oo waad isku buuqday. Waa maxay bajaamaha iyo arrimahan aad
ka hadleysaa? Waxa lagu mooda habartii, sida ay sheegaan, iyada oo
reer habaareysa lagu yidhi, "Oo maxaad u sheeganaysaa?" ee ku
jawaabtay, "Dadkuba sidaasuu lahaa."

Ahmad

unread,
Jan 28, 2001, 3:01:59 PM1/28/01
to

salaam,

forgive me for butting in your discussions, but
i have to correct you in a few places...

> 1. "Qur'aanka keligii" iyo "dhammaantii" midna ma aaminsanid. Haddii
> ay sidaasi jirto, maxaad u raaci weyday aayadahan:

bal aan ka hadalno aayadahan;

> "wa adiicu Allaaha war-rasuul, fa in tawalloow, fa inna Allaaha laa
> yuxubbul kaafiriin" (u hoggaansama Alle iyo Rasuulka, haddii ay
jeestaanna
> (diidaana) Alle ma jecla kuwa gaalooba) [Aali Cimraan:32]

ogsoonow, waxaad ka tagtey ereyga; "QUL"(dheh) kasoo MUHIIM ah...

su'aashu waxay tahay - seen ku raacnaa ku adeecnaa
rasuulka? inkasta oo aad kala qarisay, aayada ka
horeysa taas aad kor ku xustay baa si fiican inoogu
sheegaysa, ayadoo leh;

"qul inkun tuxibuuna allaha, fatabicuunii... yuxbibkumu allahu, wa
yaqhfir lakum dunuubakum- wa allahu qhafuurul-raxiim."(dheh hadii aad
jeceshihiin ilaahay, i raaca aniga... ilaahay wuu idin jecalaanayaa oo
idiin cafinayaa danbiyadiina- ilaahayna waa cafiye, naxariiste. suurat-
ul-aali cimraan, 31)

qof bini aadam ah oo OG in qur'aanka ka yimid alle
si XAQIIQ ah ma jirin. dadka waxay RAACAYEEN oo ay
aaminayeen muxammad. marka adeecnimada waxay ka
imaanaysaa RAACISTA waxa uu keenay - QUR'AANKA. bal
hadii qur'aanka la diido, muxammadna waa la diidey.
hadii quraanka la raacana, muxammadna waa la raacey.

> "Qul in kuntum tuxibbuuna Allaaha, fattabicuunii yuxbibkum Allaah"
> (Waxaad ku dhehdaa haddaad Alle jeceshihiin, isoo raaca Alle ayaa
> idin jeclaanne"

bal fiiri saad qur'aanka alle u kala qarinaysid. aayadaan
waa aayada ka horeysa tan aad kor ku xustay oo aheyd "aali
cimraan 32" - labo arimmoodba qalad baad ku sameysay;

1- labada aayadood oo ALLE isku daba is-hordhigay baad intaad
oradey is-daba marisay. ilaahay qur'aanka wuxuu u doortey siduu
ugu talo-galey... ma'ahan in bashar hubyadiisiiba aan ogeyn uu
is-daba mariyo... taasna waa inaad rabbigaa uga toobad keento.

2- waad ka tagtey aayada nambarkeedii iyo suurada ay ku taaley.
sababtoo ah - hadii aad saas sameyn-lahayd, aqristuhu wuxuu yara
ogaan lahaa in laba aayadood aad is-daba marisay. taasna waxayba
ka weyntahay taas aan mida 1aad ku xusay.

axmad ahaan aniga, waxaan rajaynayaa in taas qalad kaa aheyd.
hadii aysan qalad kaa aheyna, ilaahay baa jira oo wax xisaabiya.

> "La qad kaana lakum fii rasuuli Allaahi uswatun xasana liman kaana
> yarjuu Allaaha wal yawmal aakhiri wa dzakara Allaaha kathiiran"
> (Hubaashii waxa Rasuulka Alle u a haadey ku-dayasho wanaagsan
> kii rajeynaya [kulanka] Alle iyo Maalinta Dambe ee Allena in
> badan xusa." [al-Axzaab:21]

aayadaha 9 ilaa 25 oo suurada al-axzaab way isla wada socdaan.
si qofku u fahmo waxa ilaahay ka hadlayo iyo WAQTIGA ilaahay
ka hadlayo, qofku waa inuu aqriyo aayadaha oo dhan.

1- ilaahay wuxuu ka hadlayaa geesinimada rasuulka... siduu
u aaminay ilaahay kaliyah. sidoo kale, ilaahay wuxuu noo
sheegay in ku-dayasho wanaagsan ay lahaayeen ibraahiim iyo
kuwii la jirey... siday u aamineen ilaahay kaliyah(60.4)

hadaad aqrisid aayada 60.6 - wuxuu ilaahay isticmaalay
aayad isku mid ah - ilaa ereyo yar-yar mooyaane. su'aashu
marka WAXAY tahay - HALKEE ku dayashada ibraahiim iyo
kuwii la jirey inooga imaanaysaa? XADIISYO mise quraanka,
gaar ahaan aayadahaah ku jira suurada 60aad iyo meelaha
kale oo alle kaga hadley ibraahiim iyo kuwii la jirey?
sidaas oo KALE baa ku dayashada muxammad ay qur'aanka
inooga imaataa. balse dadka aan wax ogayn taas waa ku dhib!


2- ilaahay wuxuu ka hadlyaa MARKUU muxammad noolaa oo uu rasuulka
ahaa ummadiisa dhexdooda. sidoo kale, ilaahay wuxuu doortey inuu
noo sheego sheekooyin badan oo muxammad iyo waqtigaas DHACAY.
of course, waxaa naloogu sheegay - sida rasuul kasta oo kaleba
arimmihiisii naloogu sheegay; SI AAN U RAACNO ASLUUBTOODII, IWM.

qur'aanka waa labo wax; BUUG IYO XIKMAD. xaqiiqdii, labadaas
arimmood oo aan kor ku xusay... waxay si wanaagsan uga hadlayaan
labada qeyb oo quraanka; aaduunka iyo aaqirada(buuga/xikmada).
buuga oo ah mid gaalada iyo muslimkuba ay wada aqristaan, iyo
xikmada oo ah mid mu'miniinta kaliyah loo ogolaadey(17.45-46)

ku dayashada rasuulada alle ma'ahan - waana KU CELINAYAA - ma'ahan
inaad siduu cidayaha u jartey, u qubeystay, naagihiisa u wasey, uu u
socdey, uu u seexday, iwm - KUWAASOO dhamaantood lagu xusay waxa
aad boorinayso; xadiisyada. balse waa in lagu daydo WAX YAABAHA
ilaahay ka sheegay qur'aanka gudihiisa(IN KASTOO muslimiintii iyo
gaaladii waqtigaas ay ogaan WAX YAABAHAAS)... ku waasoo ah wax
yaabo waqti kasta la socon kara.

> "... Wamaa aataakum Ar-rasuulu fa khudzuuhu, wamaa nahaakum canhu
> fantahuuhu, wattaqu Allaaha, inna Allaaha shadiidul-ciqaab."
> (... Oo waxa uu Rasuulku idiinla yimaaddo qaata [filiya] wixii uu
> idinka reebona ka hadha, oo Alle ka cabsada, Alle ciqaabtiisu
> way adag tahay) [Al-xashar:7]

mar labaad - MUXUU RASUULKU NOOLA YIMID? Qur'aanka!!! muxuu rasuulku
ula yimid dadkii noolaa waqtigiisii? XADIISYO? mise QUR'AANKA???????

> Waxa aannu aaminsan nahay in Alle aayadahan dhexdooda si cad
> noo amray inaannu u hoggaansanno talada Rasuulka iyo in ku dayashada
> Rasuulku ka habboon tahay cid kasta oo kale. (Miyey jirtaa cid kale
> oo Alle Qur'aanka ku sheegey oo uu yidhi ku dayda?) Markaa haddii
> uu Rasuulku yidhaahdo gacanta bidix waxba ha ku cunina (waayo
> kaadida ayaad iskaga maydhaan), wax dhibaato ah oo arrinkaa ku
> jirta ma aragno.

talada??? ILAAHAYOW adaa weyn oo waaxid ah! muxammad talo kale kuma
laheyn diinta aanan ka aheyn inuu dadka u soo gudbiyo wuxuu ALLE u
soo gudbiyay asaga; QURAANKA. talada aad shegaysid maxay tahay???
halkee ilaahay ku yiri; "talada nebiga raaca?" wuxuu ilaahay amray
waa INAAN adeecno muxammad - seen muxammad ku adeecnaa??? RAACA
wuxuu ilaahii u soo direy asaga. oo ha su'aalina sidii muusaa iyo
raggii kale dadkoodii u su'aaleen.

MIDA KALE, midigta iyo bidixda kaan soo gaaraan kaatida
iyo xaarka iskaga mayraa. labaduba waa wax yaabo uu
ilaahay i siiyay - alxamdulillah! waxaana jira DAD ilaahay
abuuray... oo uu ku abuuray ayagoo GURRAN! maxaad kuwaas
u heysaa??? bal arag caqli xummadii carabtii jahliga aheyd.
dadku markey ka jeestaan ilaahay - waxay ku dhacaan wax
yaabo dadka dunnida jooga ka QOSLIYA!


> 2. Arrinta qamiiska waxa aad u hadleysaa sidii nin "bigot" ah.
> Maxaa ku jaban qamiiska Carabta ee aan ku jabney jeans-ka Yuhuudda,
> mise ma ogid Levi nin reer binii Israa'iil ah ahaa? Anigu labadaba
> waan xidhaa oo midna in qolo loo daayo iyo in lagu caayo toona
> ma qabo. Dharka waxa Alle aadamaha ugu soo rogey iney cawradooda
> ku qariyaan, maro kasta oo cawrada qarisaa waa maro la xidhan
> karo xaggayaga.

walaalkiis, mida kowaad, cidna kama dhigto jiiniska inuu yahay
wax ilaahay soo direy - balse wax ummadu ay doortaan. laakiin
sidaad og-tahayba, soomaalida waxaa laga dhaadhacsiin jirey in
qamiiska iyo shukada carabta ay dadka ka dhigto dad ka sii
karaama badan markay xirtaan dharka kale. aniga qamiiska wax
aan ka qabo malahan - labo xabo baan leeyahay... hase ahaatee
waxaan kasoo horjeedaa dadka ka dhigaya inay tahay "islaanimo".
ma'ahan - waa CARABNIMO.

taasna ma'ahan wax carabta kaliyah ahaa - israa'iliyiintiiba
waxay xirtaa dharkii israa'iliyiinta xiran jireen waqtiyadii
rususha. waxay u xirtaan kaliyah markey diinta u socdaan SIDA
soomalida. aniga qamiisyadayda waxaan xirtaa MAALINKAAN rabo.
mar-mar arbaco ama talaado baan xirtaa... oo jiinis ku aadaa
masaajidka markey jimcaha tahay.

> Waxa la moodaa in colaaddaadu sii durugtey. Mise waad wareertey
> oo waad isku buuqday. Waa maxay bajaamaha iyo arrimahan aad
> ka hadleysaa? Waxa lagu mooda habartii, sida ay sheegaan, iyada oo
> reer habaareysa lagu yidhi, "Oo maxaad u sheeganaysaa?" ee ku
> jawaabtay, "Dadkuba sidaasuu lahaa."

i have to admit, he was funny :) - i was laughing all that day.
"pajaamaha" hahaha. i never heard anyone reffer to qamiis as
pajama :) -- you gotta give him that he is a comedian.

waBillaahi towfiiq-

0 new messages