stooges to the interests of the West. In my case I always used the words
'some' or 'many' not all in any time. There are hundreds of Africans
who has received their education in the West and are at home serving
Africa. Let as differentiate between integrity and education,
bureaucrats and politicians, learned and intellectuals. I think they are
not the same. An intellectual should be above politics.
As you said if there were some intellectuals who were deceived by Siyad
Barre who has never been to school, then I think it is wrong to call
those people 'intelligent people.' Don't be deceived by Siyad's "social
classification."- We in Somalia used to call it ' Siyadisim.'
I have also to disagree with you on one other point. The problem in
Somalia is not clan per se. The problem is the 'clan-politician'. No one
cared about clans. They are only activated and mobilized when there is
conflict among the self appointed 'clan-politicians.' Somali provincial
capitals - Hargaysa, Burao, Bosaso, Kismayo, Beled Weyn etc. are as the
colonizers left them. If there were clan interests, as you said, where
were their clans?
Let me give you another example. For many years during Siyad's era the
Ministry of Interior, the Somali Commercial Bank and the Somali National
Water Resource Agency were headed by men from Dulbante clan. They have
not dug even one well in their clan area and when ever drought hit
Somalia, the largest casualties were always in the 'Carro Dhulbahante'
as some call it.
Dhamaan, waad salaaman tihiin. Salaan ka bacdi, waxaad mooddaa in
dhamaantiin aad ka hadlaysaan in aad qeexdaan waxa indheergaradka
Soomaaliyeed yahay, idinka oo ka qiyaas qaadanaya Islaamka, xukuumaddii
Siyaad Barre, iyo/ama fikirka Reer Galbeedka. Waa mawduuc aad xiiso ugu le h
dhamaanba umadda Soomaaliyeed. Waldaaminteedana, waad ku mahadsan tihiin.
Hase yeeshee, aan suaal idin weyddiiyee, horta yaad la hadlaysaan? Haddii
ay annaga (Soomaalida caam ahaan) tahay, Luuqadda Ingiriiska ee aad ku
haddlaysaan wax weyn baa nagu dhaadhaafay. Haddii aad idinka oo qur ahi
isla hadlaysaanna, saddex wax oo waaweyn baa idinka khaldan:
1) Ma ahayn in aad gole kan oo kale ah dooddiina keentaan.
2) Inta aad isugu dulqaadanayseen khaladaadka qaarkiin gelayaan, xaalad ay
isticmaalayaan luuqad ajnabi oo ku adag, waa is ajarteen, oo macnihii macnaha
baad dhumiseen.
3) Haddii aydnaan kari karin, ama ka xishoonaysaan, ku hadalka Soomaaliga,
maba ahayn in mawduuc kan oo kale ah aad kaba dooddaan, Salluu Cala Nabi!
Isku soo duuduub, Ikhyaaray, waad kartaane, ha isku kaaya carrab tirina, oo,
minfadlak, ku hadla afkiinna hooyo. Haddaad taa yeeshaan, waxaan tuhun
sanahay, in aad inta isaga soo dhawaan lahaydeen, annaguna aan sidan si
dhaanta idinkaga faa'iidaysan lahayn!
Haddaadba xirfadda qoraalka taqaan, afkaad taqaanba waa kuu kii kale!
Tixgelin,
Deeq
-----== Posted via Deja News, The Leader in Internet Discussion ==-----
http://www.dejanews.com/ Now offering spam-free web-based newsreading
Weli igama daadegin sababta dad Soomaaliyeed ay uga doorteen AF-QALAAD
koodii HOOYO iyaga oo ka doodaya ARRIMO SOOMAALIYEED. Hadda ka hor
ayaan ku turaanturrooday cudurdaar oranaya "aqoonyahannada" soomaaliyeed
ee goobtan ku kulma qaar bay ku adag tahay iney Afka Soomaaliyeed wax ku
qoraan oo ku cabbiraan fikradahooda. Toloow ku hadalkana?
Haddii uu cudurdaarkani noqdo mid jira oo xiqiiq ah, bal
INDHEERGARADKEENNA maxay la tahay?
N.P.: Ruuxa haddii ay ku cuslaato inuu afkiisa hooyo wax ku qoro kuna
hadlo sidoo kale dhaqankuna waa ku cuslaadaa.
NABAD IYO WARSAN,
Ina Cali Maxamed
Mudane Dek Derie:
Af Soomaaligu waa luugad hodan ah, loona baahan yahay in la kobciyo. Rag
badan aad ku jirtana, waxa ay maalin walbaba wax ku qoraan, una hawlan
yihiin kobcintiisa, waa af Soomaaligee. Maxaa yeelay, waxa aad sheekooyin
Soomaali ah, iyo magaale kaleba aad wax ku qortaan "Somali Press". sidoo
kalena, buugaag cusub oo af Soomaaliyana, ayaa maalin walba la qoraa.
Markaa, waa in la hormariyaa af Soomaaliga.
Nabad
Faisal Hassan
Mudane Farah:
Salaan ka bacdi,
> Weli igama daadegin sababta dad Soomaaliyeed ay uga doorteen AF-QALAAD
> koodii HOOYO iyaga oo ka doodaya ARRIMO SOOMAALIYEED. Hadda ka hor
> ayaan ku turaanturrooday cudurdaar oranaya "aqoonyahannada" soomaaliyeed
> ee goobtan ku kulma qaar bay ku adag tahay iney Afka Soomaaliyeed wax ku
> qoraan oo ku cabbiraan fikradahooda. Toloow ku hadalkana?
>
Haah, oo waa runtaa, oo haddiiba qofku xirfad qoraal leeyahay, luuqad kasta oo
uu ku hadlo wax buu ku qori karaa! Una malayn mayo, dadka halkaan wax ku qora
in ay ku jiraan qaar aan ku hadli karin Soomaaliga. Haddii ay jiraanna, waa
ayaan darree, kolley iskuma aysan hawleen in ay dhaqanka iyo siyaasadda
Soomaaliyeed nooga sheekeeyaan!
Waxa kuu soo haray qoladaan qoraalka Ingiriiska habaarka ku qaba, Soomaaligana
ku daldalma, balse qoraalkiisa inkiraya. Waa halkaagiiye, tolow, maxay
ujeeddadoodu tahay?
>
> N.P.: Ruuxa haddii ay ku cuslaato inuu afkiisa hooyo wax ku qoro kuna
> hadlo sidoo kale dhaqankuna waa ku cuslaadaa.
>
Afkaaga caano dhay ah lagu qabay!!!
Mudane Faisal:
Salaan ka bacdi, marka hore, waad ku mahadsan tahay bogaadinta, marka xigta,
Waa runtaa, oo luuqaduhu waa koraan si aan weliba xudduud lahayn. Dabcan,
Soomaaliga oo luuqadaha ka mid ahina waa kobcayaa, sidii uu weligii u soo
kobcayay. Kobciddaas, qof, labo, toban, ama kunba looma saari karo, ee
waxaa sababteeda leh, dhamaanba inta ku hadasha. Waa dhab, oo kuwa wax ku
qora waxay muujiyaan/ifiyaan kobciddaas, laakiin ma aha in ay sababeen.
Waxaadse mooddaa Soomaaliga, oo muddo dheer qoraal la'aanta ku ragaadsanaa, in
marka wax lagu qoro, ay kobciddiisu aad u muuqato, oo loo maleeyo in uu hadda
korriin bilaabay. Markaa, Faysal, aniga iyo asxaabta aad amaanta nagala
daashay, maynaan kobcin ee waa adeegsannay. Ma is tiri, amaantii iyo
bogaadintii baa uga dartay?:):)
Halna ogow, Faysal, bacdamaa aad ku caan baxday in aad qalinka iyo qoraalka
afkaartaada ku iibiso, waxaan is lee yahay, malaha Soomaaliga ayaad dad fara
badan wax uga gadi lahayd. Joog! Ha ii weyddiin, su'aalahii, aynu isla
garaynayno, ee lahaa "Yaa soo xaqiijiyay? iwm":):)
Tixgelin,
Deeq
> Nabad
> Faisal Hassan
Waxa aan ka mid ah dadkii qoraalka af soomaaliga wax ka hirgeliyay.
Waxa aan kale oo qoray buugaag af Soomali ah. Waxa aan kale oo ka mid
ahaa dadkii wax ku qori jiray wargayska Xiddiga Oktoobar. Fahfaahintaas
oo dhan waxaan uga jeeda weli kama adkaan qorista afka Soomaliga. Hadal
iyo guntii, af Soomaliga sida loogu hadlo looma qoro.
Sababta labaad ee kalifaysa in aan af Soomali lagu doodin waxay ila
tahay inay tahay qoonta dunida oo inteeda badani ku qoran tahay afaf
ajnabi. Isla marka majirto eray bixin hufan oo soo koobaysa mawadiicda
laga hadlaayo.
sababta seddexaad waxay ila tahay inay tahay akhriska af Soomaliga oo
dadka aan aqoon waqti deer ku qaadanaysa. Ujeeddada dooda looga
danleeyahayna waa in la akhriyo oo la fahmo.
Sababta afraad, dadka intiisa badan waxa af Soomaaliga ku qoran aqoon
uma haystaan. Tusaale waxa ah, waxa jira inaan isku dayay in aan caawiyo
ardayda soomaaliyeed ee dugsiyada dhexe iyo sare ka dhigata ee ku nool
magaalada aan joogo aniga oo madooyinka Xisaabta, Saynsiga iyo Cilmiga
Bulshada ugu tarjimaya af Soomaali. waxa dhacday xita inay ka
faa'iidaysan wayeen kuwii aan afka Ingriisiga aqoon. Waxan tarjumay
fasalka 6-12 seddexdaa maado aniga oo soo koobaya. Waxaan ku siinayay
bilaash. Waxaan diyaar u aha in aan kuwa sharaxaad dheerad ah u baahda
in aan la shaqeeyo khidmad la'an. Tusaale ahaan bal dhugo waxaan
tarjimay, waqtigaan ku lumiyay iyo sidaan u khasaaray. Duruustan
tarjimay waxa ka mid ah casharkan. Marka dadku af Soomaliga ma nabce waa
ku adagyahay.
HSSCI3
SAYNSIGA OOGADA
(PHYSICAL SCIENCE)
MAADADA IYO TAMARTA
( MATTER AND ENERGY)
Maado (matter) waxay yeelan kartaa seddex waji (states)- adke (solid),
hoor (liquid), neef (gas). Maado waa wax kasta oo meel madhan (space)
buuxin kara cufna (volume) leh. Adkuhu wuxu leeyahay qaab sugan
(definite shape) wuxuuna fariisan karaa qiyaas madhan oo xadidan
(definite amount of space). Hooruhu ma laha qaab (shape) xadidan ee wuxu
yeeshaa kolba weelka lagu shubo qaabkiisa.Hase ahaate wuxu leeyahay mug
cayiman (definite volume). Neeftu ma laha qaab cayiman iyo mug midnaba,
weyna balaardhata si ay buuxiso weelka ay ku jirto.
WAJIYADA MAADDADA
(STATES OF MATTAR)
Adkuhu wuxu leeyahay qaab cayiman iyo mug.
Hooruhu ma laha qaab cayiman, wuxuse leeyahay mug cayiman.
Neeftu ma laha qaab cayiman iyo mug cayiman midnaba.
Maaddadu waxay leedahay astaamo oogeed iyo astaamo kiimikeed (physical
and chemical properties). Tusaale ahaan astaamaha oogadda ee shay yeelan
karo waxa ka mid ah-midabka, kariinka, adkida. Astaamaha oogadu waa kuwo
la arki karo si dhib yarna loo qiyaasi karo. Astaamaha kiimikadu waxay
muujiyaan saamaynta (react) laba shay isku leeyihiin.
Maaddada waxa ku dhaca isbedel oogeed iyo mid kiimikeedba. Isbedelka
oogada waxa isbedela qaabka maaddada, hase ahaate asalka maaddadu isma
bedelo. Tusaale ahaan biyu baraf waa isu bedeli karaan, barakuna weli
waa biyo. Isbedelka kiimikadu waa isbedel maaddada nooceedii isbedelayo,
maaddo cusubina abuurmayso. Tusaale ahaan. Qoriga la shiday wuxu u
bedelmayaa danbas. Marka danbasku waa maaddo cusub oo aan mar danbe qori
noqon karin.
SHEEG ISBEDELADA OOGADA IYO KIIMIKADA
------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Tusaale Nooca isbedelka Sharaxa isbedelka
------------------------------------------------------------------------------------------------------------
dhalaalinta barafka
H2 + Cl2 =Hcl
H2+O2=H2O
barafaynta biyaha
Na+Cl2 = milix
uumiyawga biyaha
quraarad jabtay
qori la shiday
isku qaska ciid iyo biyo
aql dhisid
TAMARTA
(Energy)
Tamartu waa awood sababi karta isbedel ama qaban karta hawl. Noolaha oo
dhami waxay tamarta si toos ah ama dadban uga helaan cadceedda. Noocyada
kale ee tamarta ee jira waxa ka mid ah kulka, ilayska, korontada,
quwadda nuwkileerka, makaanikada iyo tamarta kiimikada.
Tamartu waxay u qaybsantaa seddex nooc. Tamarta kaydsan (Potential
energy) oo ah tamar la sii dayn karo si ay hawl u qabato. Tamarta
socodka (Kinetic energy) waxa weeye tamar socota oo ah hawshii la qaban
lahaa. Tamarta kicinta (Activation energy) waa tabar kala jebisa dabarka
kiimikada ( chemical bonds) dhashana tamar kaydsan. Waxa tusaale ah
kabriidka shidaya shamaca.
SHEEG NOOCYADA TAMARTA
------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Tusaale Tamar Tamar Tamar
Kaydsan Socota Kicined
---------------------------------------------------------------------------------------------------------
Gabar kubad ciyaraysa
Kabriid shamac shidaya
Molokiyul sonkor ah
marawaxad rogmaysa
biyo dhac
garaaca wadnaha
gaari buur saaran
------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Is-dhexgalku (diffusion) waa dariiqada laba shay oo kala gadisani
isu-dhexgalaan ama isugu milmaan,taas oo ka dhalatay waxyaabaha ay ka
samaysanyihiin oo ah atam(atom) ama molekiyul (molecule) oo wata tamarta
dhaqdhaqaaqa. Is-dhegalku waa dhaqdhaqaaq wax meel ku badani (higher
concentration) u gudbayaan meel ay ku yar yihiin (lower concentration).
Mugga iyo jahada is-dhexgalka waxa saamayn ku leh, cadaadisaka
(pressure) iyo kulka. Is-dhexgalka neefta iyo hooruhu waa ka dhaqso
badan yihiin is-dhexgalka adkaha.
Siimowgu (osmosis) waa is-dhexgalka biyaha iyaga oo ka gudbaya maryaha
xuubka habida (selectively pereable membrane).
HADAFKA CASHARKA
Ardaydu waxay fahmidoonaan:
1. seddexda nooc ee maaddadu noqon karto.
2. is bedelka oogada iyo kan kiimikada.
3. noocyada tamarta.
4. is-dhexgalka iyo siimowga.
Dek Dirie wrote:
On Tue, 2 Jun 1998, Dek Dirie wrote:
> Mudane Faisal:
> Salaan ka bacdi, marka hore, waad ku mahadsan tahay bogaadinta, marka xigta,
Mudane Dek Dirie:
Adiga ayaa mudan. Nabad.
Waan kugu raacsanahay in af Soomaligu uu yahay luugadaha kobcaya.
Kobcintiisana, waxa ay ku xiran tahay, sida bulshadiisu ay u aragto in uu
yahay, mid ay u quntadaan kobcintiisa. Waana runtaa, oo waad ku saxan
tahay in aanaan lagu dhoorin shaqsi iyo dhoor qof, oo loo baahan yahay in
wadajir loosoo wada guntadaa. Saaxiib, mudane Dek, haddii aad xusuusatid
sannad iyo bar ka hor, waxa aan bulshada Soomaaliyeed aan u sheegay in ay
bilaabaan qorista buugaagta afkooda hooyo. Kadib, waxa aan maqlayaa
buugaag faro badan oo lagu daabacay af Soomaaliga. Waa in aynu
baadigoobnaa buugaagta lagu qoray af Soomaaliga, caawinaana qorayaasha
Soomaliyeed sidii ay lacag u samayn lahaayeen. Ka dib, luugadu waa ay
kobcaysaa. Daabacaada afkuna waa uu dhaqaaqayaa.
> Waxaadse mooddaa Soomaaliga, oo muddo dheer qoraal la'aanta ku ragaadsanaa, in
> marka wax lagu qoro, ay kobciddiisu aad u muuqato, oo loo maleeyo in uu hadda
> korriin bilaabay. Markaa, Faysal, aniga iyo asxaabta aad amaanta nagala
> daashay, maynaan kobcin ee waa adeegsannay. Ma is tiri, amaantii iyo
> bogaadintii baa uga dartay?:):)
Waa runtaa amaanta badan ma fiica. Laakiin, qof walba waa in lagu amaanaa,
wuxuu mutaystay. Taana, waxa ay ila tahay in ay tahay mid loo baahan yahay
in la aqoonsadaa. Adiga dek ah, iyo rag badanba, marka aan akhriyo
qoraaladii, runtii waxa aad ka shaqaysiisaa maskaxda akhriyaha.
Waana runtaa waxa jira buugaag faro badan oo laga soo turjumay afka
Soomaaliga, oo maanta ku qoran af Ingiriis iyo afaf kale, waxaana ka mid
ah (Aqoon daro waa u nacan jacayl iyo Shabeel naagoow iyo kuwo kale),
markaa, qoraaga Soomaaliyeed haddii uu tixgeliyo akhristihiisa, uuna la
kaashado magaalkaygii "akhriyoow waa adiga" horumarinta afka hooyo,
luugadeed waxa ay noqonaysaa mid dhaqaaqday, horumartay.
> Halna ogow, Faysal, bacdamaa aad ku caan baxday in aad qalinka iyo qoraalka
> afkaartaada ku iibiso, waxaan is lee yahay, malaha Soomaaliga ayaad dad fara
> badan wax uga gadi lahayd. Joog! Ha ii weyddiin, su'aalahii, aynu isla
> garaynayno, ee lahaa "Yaa soo xaqiijiyay? iwm":):)
> Tixgelin,
> Deeq
Aad baan u texgeliyaa aqliga shaqsiga Soomaaliga ah iyo kan ajanabiga ah.
Waana in qoraagu uu tixgeliyaa akhristayaashiisa oo uu dhoowraa aqligooda.
Waxa ayna ila tahay in qoraayaasha Soomaaliyeed ay hilmaan inta badan
akhristayaashood, marka laga reebo kuwa aynu wadanagaan oo horumariya,
kuna hawlan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen afkooda iyo dhaqankooda
hooyo.
Nabad
Faysal Xasan
Aad iyo aad baad ugu mahadsantahay sida hannaanka leh ee aad wax uga
tiri mowduuca miiska saaran. Run ahaantii waxaa maragmadoonto ah inaad
farta ku fiiqday kuwo ka mid ah sababaha salka u ah inay qaar naga mid
ah ku adagtahay inay luqaddeenna wax ku qoraan marka ay arrimaha
khuseeya soomaaliya fikradahooda qaaliga ah ka dhiibanayaan.
Maxamadoow waxa ay aniga ila tahay in sababahaasi aad soo tirisay iyo
kuwo kale oo qaarkeen maanka ku hayaanba la muujiyo inay yihiin cudur
loo baahan yahay in la dabargooyo. Waxaan filayaa in ku-hadalka iyo wax
ku qorista afka qalaadi uusan ahayn ilhaam habeen lala soo toosay ee uu
yahay mid dadaal weyn loo galay. Waxaan haddaba dhihi lahaa Maxamadoow
in indheergaradkeennu dadka u ifiyaan arrimaha sida gaarka ah u
xaqsiinaya afka hooyo in laga siiyo mudnaanta koowaad afafka kale haddey
ahaan lahayd qoraal iyo akhrisba.
Aqoon isweydaarsigu wuxuu xiiso gaar ah yeeshaa markuu waqtiga ama
dhacdooyinka taagan la socdo ee uusan ahayn mid ku eg aragti uu ruux
maankiis ku maaweeliyo.
Annagoo dooddaan halkeeda ka sii wadi doonna ayaan doortay inaan ku sii
quraacanno ereyo ay gabar soomaaliyeed tala ahaan ugu soo jeedisey
siyaasiyiin soomaaliyeed oo isugu yimid iney ka wadahadlaan sidii dalka
ratiga buubaalka qaba looga dejin lahaa.
Waxay ahayd 1991/92kii. Waxaa la joogey Jabuuti. Gabadha magaceedii
wuxuu ahaa Xareedo. Ereyadii guubaabada ahaa ee ay soo jeediseyna waxay
ahaayeen: (Ereyadeedii sidey ahaayeen uma soo gudbin karo laakiin
macnihii ayaan ku dadaalayaa inaan soo gudbiyo)
"Waxaan jeclaan lahaa maadaamma aad arrin soomaaliyeed isugu timaadeen
inaan idin xusuusiyo dhowr arrimood oo ay habboon tahay inaad maanka ku
haysaan markaad talo ka dhiibaneysaan xal-u-helidda dhibaatada
soomaaliyeed:
1. Haweenta soomaaliyeed ee dhallaanku nuugayo iyadoo xijaabatey baahi
awgeed........
2. Haweenka iyo carruurta soomaaliyeed ee kaniisadaha hor dhooban...
3. Inaadan marna mahadineyn haddii aad ka tillaabsato meyd soomaaliyeed
adigoo u hanqaltaagaya xukun.......
4. Inaad ogsoonaato in uu magaca soomaaliyeed halis ugu jiro inuu
tirtirmo taasoo ku imaneysa saddex arrimood oo mustaqbalka laga yaabo
iney dhacaan: (i)soomaali jinsiyado kala duwan sheegata: ruux walba
dalkii uu u qaxay jinsiyaddiisa ayuu mustaqbalka qaadan doonaa;
(ii)soomaali baasaboorro kala duwan sidata; iyo (iii)dad soomaaliyeed
oo luqado kala duwan ku hadlaya af-soomaaligana aan ku hadli karin;
carruurta iy dhallinyarada ku barbaartay dalalka kale.
waad mahadsan tihiin".....
Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan Xareedo ereyadeedii usoo gudbin karin
sidii xaad-joojiska lahayd ee ay dareenkeedii danabeysnaa ugu dusisey
dadkii magaca soomaaliyeed isugu yimid.
Hadalkaygii calwga ahaa waan ku dheeraaday bilowgiina kamaan dhammaan ee
haleyga raalli noqdo.....!!
Intaan mar kale ku kulmi doonno goobtaan, nabad iy warsan.
Ina Cali